-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Shalay magaalada muqdisho ay ku yeesheen intabadan duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa soo saaray bayaan digniin ah oo ku aadan dhismaha Goloyaasha deegaan oo la doonaayo in qaar ka mid ah degmooyinka Hiiraan loo dhiso xilli ay jirto ammaan daro degmooyinka oo go’doonsan iyo beelaha oo aan weli si rasmi ah ugu hishiin dhibaatooyinkii dhex maray. Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran. KU: Madaxweynaha JFS KU: Ra’iisul Wasaaraha JFS KU: Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle KU: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle KU: Guddoonka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle KU: Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee ka soo jeeda Hirshabeelle KU: Wasiirrada Dowladda Federaalka ah ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan KU: Hay’adaha ku howlan dhismaha Goleyaasha deegaanada Hiiraan OG: Hay’adda Center for Research and Dialogue (CRD) OG: Hay’adda Finish Church Aid (FCA) OG: Hay’adda Somali Stability Fund (SSF) Taariikh: 23/01/2020 Ujeeddo: Digniin Dhismaha Goloyayaasha Deegaan Annaga oo ah Duubabka Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ee magacyadoodu ku saxiixan yihiin halkan waxa aan maalmihii la soo dhaafay shirar is-daba-joog ah ku lahayn Magaalada Muqdisho, annaga oo kaga hadlaynay xaaladda gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxaa si gaar ah u dul-istaagnay. 1. Xaaladda nabad-gelyo, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee degmooyinka Gobolka Hiiraan. 2. Odoyaashu waxay hoosta ka xarriiqeen in gobolku ka mid yahay gobollada ugu badan ee aysan degmooyinkiisu isku gudbi karin, iyadoo degmooyinka qaarkood ay go’doon ku jiraan, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo sidii loogu gurman lahaa, loona gaarsiin lahaa adeegyada dawladeed. 3. Odoyaashu waxay ka deyriyeen xaaladda nololeed ee gobolka oo u dhexeeya mar uu la tacaalayo biya-baxo iyo mar ay dadkiisu u dhintaan macluul ka imanaysa biyaha webiga uu gura, iyadoo gobolku ka mid ahaan jiray gobollada ugu kheyraadka badan dalka. 4. Odoyaashu waxay is dul-taageen xaaladda deggenaan la’aanta siyaasadeed ee ka jirta gobolka, taas oo sababtay in dhowrkii biloodba mar la beddelo guddoomiyaha gobolka. Annaga oo tixgelinay dhammaan arrrimahan ayaa waxa aan ku talinaynaa:- 1. In dib-u-heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo qaarkood ay dhexmareen Dagaal-Sukeeyo welina ay jirto kala-fikir-duwanaansho keenta colaad soo noqnoqota. 2. In Dawladda Federaalka ay gacan ka geysato hanaan dib-u-heshiisiineed oo loo qabto reer Hiiraan, taas oo aasaas u noqon doonta horumar ka hana-qaada gobolka. 3. In maadaama xilligaan aysan suurtagal ahayn in Golo deegaan loo dhiso Degmooyinka Gobolka Hiiraan oo u baahan marka hore in laga shaqeeyo ammaanka iyo sidii go’doonka looga saari lahaa degmooyinka. 4. In Hey’adaha Maxaliga iyo kuwo caalamiga ah ee ku howlan dhismaha sida Center for Research and Dialogue (CRD), Finish Church Aid (FCA), Somali Stability Fund (SSF), iyo hay’adaha kale ee maxaliga ah ee la shaqeeya ay ka fogaadaan inay colaad ay ka dhex abuuraan beelaha wada daga Gobolka Hiiraan oo marka hore u baahan in dhexdooda ay heshiiyaan. 5. In Dawladda Federaalka mashaariic gaar ah u sameyso gobolka oo ka haray Soomaaliya inteeda kale, kuwaas oo wax looga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha gobolka sida biya-xireennada wabiga, jidadka, garoomada, iwm. 6. In xildhibaannada labada aqal baarlamaanka JFS iyo Xubnaha Golaha Wasiirraha heer federal ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay arrintan soo faragaliyaan si degdeg ahna u joojiyaan. Hoos ka aqriso Magacyada Dhuubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ee kulanka yeeshay. Magaca Duubka Beesha Saxiixa 1. Ugaas Cali Ugaas Xasan. Makanne 2. Ugaas C/raxman Ugaas C/llaahi Gaaljecel 3. Ugaas C/xakiin Ugaas Maxamed Baajamaal 4. Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ujeejeen 5. Ugaas C/naasir Ugaas Nuur Jidle 6. Wabar Maxamed Wabar Axmed Baada-cadde 7. Caaqil Maxamed Maxamuud (Deefoow) Surre 8. Wakiil Wabar Cismaan Shiikh Xasan. Jajeele 9. Wakiil Wabar Cabdi Xuseen Dagoodi
-
Boorama (Caasimada Online) – Waxa shalay la aasay Askarigii dhowaan lagu dilay deegaanka Abu-qays ee duleedka magaalada Boorama, kadib wada-hadal dheer, iyadoona Aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Axmed Ibraahim ayaa ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee gobolka Awdal, kaasi oo koox hubeysan ay ku toogteen deegaan uu ka socday Mashruuca Biyo balaadhinta Boorama. Meydka Askariga ayaa muddo Saddex cisho ah la diidanaa in la aaso, kaasi oo si adag uga hor-timid beesha uu ka soo jeedo in la aaso, iyadoo aan la soo qaban Dableydii dilka u geystay. Sida ay Caasimada Online ogaatay Maamulka gobolka Awdal iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, ayaa Beesha uu ka soo jeedo Marxuumka ku qanciyey in loo qisaasi doono cidii dilkaasi ka dambeysay, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan Dableydaasi. Kulamo magaalada Boorama uga socday dhowrkii maalin ee u dambeeyay Beesha uu ka soo jeedo Askarigaasi la dilay iyo Wafdi ka socda Hargeysa oo ay ku wehlinayaan Maamulka gobolka Awdal, ayaa xal looga gaaray xiisad ka dhalatay dilkaas. Odayaasha iyo Ehelka Marxuumka ayaa ugu dambeyntii ku qancay in la aaso Meydka marxuumka oo muddo Saddex cisho ah ay hor-taagnaayeen in la aaso, kadib Markii xukuumada Muuse Biixi ay Wafdi ka socda Hargeysa usoo dirtay Beesha. Shalay ayaa magaalada Boorama lagu aasay Marxuum Axmed Ibraahim AUN, kaasi oo ay Aaskiisa ka qeyb galeen Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan degmada & gobolka Awdal, kuwaasi oo si wada-jir uga tacsiyadeeyay ehelkiisa, iyagoona hoosta ka xariiqay in gacan ku dhiiglayaasha cadaalada la marsiin doono.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socotay safaaradda dalkaasi. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh. Madaxweyne Deni waxaa kulankaasi ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Golaha fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa Nairobi kulamo gaar-gaar ah kula yeelanaya safiiro ka socda Beesha Caalamka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska oo kulan ku yeeshay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto, saraakiil ka tirsan safaaradda iyo masuuliyiin ka socda hay’adda USAID ayaa saacado ka hor ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni iyo Danjire Yamamoto ay kulankooda uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha Amniga, si gaar ah la dagaalanka argagixisada, koboca dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee USAID ka waddo Puntland iyo hirgelinta mashaariic horleh Dhanka kale war-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Yamamoto iyo Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarinta gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda Federaalka. “Danjire Yamamoto wuxuu la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee ciidamada Amniga Puntland, muhiimadda ay leedahay doorashooyin qaran oo loo dhan yahay, horumarinta horumarka gobolka, iyo baahida degdegga ah ee iskaashiga iyo wadahadalka dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda Federaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sidoo kale Nairobi kula kulmay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay xaalada siyaasadda, Amniga iyo horumarka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Nairobi: Maxay ka wada hadleen Deni iyo Yamamoto? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliiska Soomaaliya ayaa warbaahinta u dusiyey muuqaalka gabadhii ay u gacan geliyeen dowladda Denmark, ee Amaal Nuur Cusmaan oo ay wareysaneyso Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed. Amaal ayaa ah gabar baxsad ka ah reerkeeda oo raadinayey muddo laba bilood ah, kadib markii ay ka baxsatay xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gen. Zakiya ayaa muuqaalkan su’aallo ku weydiinaysa gabadhan oo sheegtay in mudadii ay ka maqneyd reerkeeda ay la joogtay asxaabteeda wax dhibana aysan arag, haaranna ay dooneyso in lagu celiyo dalkii ay ka heysatay dhalashadeeda labaad ee Denmark. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar oo maalmo ka hor warbahinta kula hadalay Muqdisho ayaa sheegay in gabadhaas ay hayaan, isla markaana ay gacan amaan ah ku jirto. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in Amaal Nuur mudadii ay ka maqneed reerkeeda ay gacanta ku heysay hey’ad ka shaqeysa daryeelka haweenka oo la yiraahdo ‘Center for Women Development’ halka gabadhani ay sheegtay inay la nooleyd asxaabteeda. Xilliga ay wareysanaysay Jeneraal Zakiya gabadhan waxaa garab fadhiyey safiirka Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen, oo sida la sheegay inay wado gabadhan darteed uga soo duushay magaalada Nairobi oo fadhi u ah safaaradda dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya. Galabkii Arbacada ayaa gabadhan lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan laga dhoofiyey garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan lala kulansiin waalidkeed oo raadinayey mudo laba bilood ah, taas oo wal-wal iyo walbahaar ku abuurtay ehelka gabadhan oo ay ugu horeyso hooyadeed Amran Xalane, taas oo horay warbaahinta uga soo muuqatay iyada oo u oyneysa aragtida gabadheeda. Ujeedka muuqaalka loo dusiyey ayaa sida aan xog ku helnay ah in lagu muujiyo in aan Amaal wax dhib ah loo gaysan islamarkaana aysan afduuban ciidamada Villa Somalia, sida ay hooyadeed ku eedeysay. Hase yeeshee, muuqaalkan ayaa carro leh ku abuuray shacabka, oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda ay Denmark u gacan geliso gabar loogala soo cararay diinteeda darteed, iyo cabsi laga qabay inay waddada saxan ee Islaamka ay ka leexato, taasi oo hadda ay halis ugu jirto, maadaama lagu celiyey Denmark. Halkan ka Daawo muuqaalka
-
Taliyaha Ciidamada Cirka ee Dawladda Iiraan, Amiir Cali Xaaji Zaada ayaa soo bandhigay xog dheeraad ah oo ku saabsan Dalalka ka qeyb qaatay duqayntii lagu dilay Qaasim Suleymaani. Wuxuu sheegay taliyuhu in Mareykanka uu ugu yaraan 4 Saldhig Militari u adeegsaday dilka Taliyihii Ciidamada Qudus , Qassem Soleimani. Amiir Zada, waxa uu caddeeyey in ay heleen xogo rasmi ah oo muujinaya in Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee bartilmaameedsaday kolonyada Soleimani ay kasoo keceen saldhigga Mareykanku ku leeyahay Dalka Kuweyt. Xaaji Zadeh, wuxuu intaas ku daray in waddankiisu uu kormeerayay qaadista Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Helikobtarro wata qalab fara badan oo Rasaas ah, maalintii la dilay Soleimani. “Diyaaradaha MQ-9 waxaan ogaanay in ay kasoo duuleen saldhigga Cali Al-Saleem ee Dalka Kuweyt, sidoo kale waxaan baaritaan dheer ku xaqiiqsannay in Diyaaradahaasi ay howlgalka kahor joogeen Hawada sare ee Caasimadda Baqdaad “ ayuu yiri Amiir Zaada. Dawladda iiraan ayaa intaa ku dartay in ay welwel ka qabto meesha ay ku danbayn doonaan Dalalka Carbeed ee u adeegaya Maraykanka iyo xulufadiisa Yuhuudda, waxayse sheegtay in iiraan ay ku filan tahay difaaca Dhulkeeda iyo Dadkeeda. PUNTLAND POST The post IIraan oo sheegtay in ay heshay xog ku saabsan dilkii Qaasim Suleymaani appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-23012020.mp3 View the full article
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Amaankiisa la adkeeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dowlada Puntland waxay sare u qaadey Amaanka Masuuliyiinta ugu saraysa Puntland, inkastoo Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa uu Amaankooda adkaa ayna Amaankooda Masuul ka yihiin Ciidanka [...] Source -
Maxay iska shabahaan Mayor cidinka Berbera iyo Erdoganka madaxweynaha ka ah Turkey. 1994-1998 ayuu Erdogan ka’noqday Istanbul Mayor hadaba intaa ka hor siday ahayd Istanbul. sidee ayuuna wax uga qabtay Waxay ahayd magaalo meelkasta khashin buuxo , wadooyinku xunyihiin , waxbarashadu liidato dadkeeduna baahanyihiin oo meelkasta caruur iyo tuug loo mariwaayey cid u dalxiis tagta daayo dadkeeda ayaa ka haajiri jiray, Maxaa isbedaley markuu qabsaday magalada 1-Waxa uu wax ka qabtay biyo xumaantii ka jirtay magalada 2-Wadooyinka dadka iyo gadiidku maro oo xanibnaa oo uu dib u habayn iyo balaadhin ku sameeyey 3-Xarumaha waxbarashada oo uu kor u qaaday 4-bilicda magalada oo uu hagaajiyeu , … Mantana ah magalada ugu dalxiiska badan aduunka uguna airportka wayn. Mayor Cabdishakuur Maxamud Xasan (Cidin) Eryagii reer Berbera odhan jireen ee ahaa Berberaay xaqaga la qari ayuu u bedelay iftiinba Berbera ka baxaya ! isbedelka uu magalada ka sameeyey waa mid 6da milyan ee reer Somaliland oo dhami wada mahadiyeen tabatayna oo manta debada iyo gudaba ah masuulka loogu hadal haynta badanyahay lana mahadiyey isbadalka baxada leh ee dhankastaba ah ee uu ka sameeyey magalada Berbera haday tahay ! 1-Dhismaha wadooyinka casriga ah 2- kor u qaadida waxbarashada 3-kor u qaadida caafimaadka 4- beerida iyo dhiraynta bilicda magalada anoo halkan kusoo kobi Karin waxa uu maglada ka qabtay Mayor Cabdishakur oo Somaliland iyo aduunkuba markhaati ka yohiin isbadelka uu ku sameeyey magalada ee dhankastaba ah oo sababtay in u dhisanto Berberi dhankastaba sida xarumaha ganscsiga ee Hotelada iyo goobaha dalxiiska . Bal aan dib idinku celiyo siday ahayd Berbera shalay . Waxay ahayd magalada kaliya ee aan dhismin intii somaliland dib ula soo laabatay madaxbanaanideeda iskadaa inuu qofku hantidiisa galiyee xataa kuwa ka shaqeeya ay caruurtooda iyo reerahooda kala yacaan tusaale waxa kugu filan malintii iskaraabka shamiitada la iibiyey ee reer Berbera mudaharaadeen Markii ruug cadaagii BBCda u shaqaynayey ee Axmed Siciid Cige waraystay sedexdii masuul ee magalada maamulayey midkasta waxa uu wariyaha u sheegay inuu Hargaysa jooga oo uu la joogo reerkiisi oo halkaa degen ,La soco qaybta danbe …. Qore , Abdirahman Mahmoud (Abdi ingriis ) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shalay Barqadii sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu iska dhiibay degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in sarkaalaan uu u tagay ciidamo boolis ah oo saldhig ku leh agagaarka Xabsiga dhexe, kadibna uu u sheegay inuu yahay Al-Shabaab baxsad ah. Ninka is dhiibay ayaa ciidamadu u sheegay in uu ka tirsan qaybta Zakawaadka ee Al-Shabaab, islamarkaana uu qaabilsanaa ganacsiga magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu mar kamid noqday kooxda Al-Shabaab u qaabilsan in ganacsatada Muqdisho canshuurta laga soo aruuriyo. Ciidanka uu isu dhiibay Sarkaalkaan Shabaabka ah ayaa ku wareejiyay Maxamed Xaashi oo ah sarkaal ka tirsan Taliska Asluubta Soomaaliya, gaar ahaan Xabsiga dhexe, waxayna wararku sheegayaan in lagu wareejiyay Booliska Soomaaliya. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in ninkaan uu u yimid isagoo dalbanaya in la badbaadiyo, dadkana laga badbaadiyo kadib markii uu sheegay in la soo diray howlgal laga fulin doono Muqdisho. Mas’uuliyiinta amniga ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin buuxda ka bixiyeen sarkaalka isu dhiibay, hasa yeeshee waxey wararku sheegayaan in uu ahaa qof ay dowladu doon dooneysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qoyska reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan oo degan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu si xoog ah uga kicinayo dhul ay ku leeyihiin degmadaas. Dhulkaas ayaa ku yaalla xafadda Jabad-Cadde ee degmada Deyniile, waxayna sheegeen qoyskan in dhulkoodu uu sharciyeysanyahay, isla markaana ay u heystaan Sabar-loog ay bixisay dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre oo u sharciyeeysay qoyskooda reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan. Qoyskaas ayaa sheegay in guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar uu ku amray inay baneeyaan dhulkooda, isagoo ku war geliyey inuu ka sameynayo garoon diyaaradeed. Maxamuud Maxamed Seyid Cali oo ka mid ah qoyska reer Sayid Cali ayaa sheegay in guddoomiye Jacfar oo ciidamo wata uu galabta tegay dhulkaas, isagoo ciidamadii ku amray inay burburiyaan, kuwaas oo burbur u geystay guryahoodii. Sidoo kale Maxamuud Maxamed Seyid Cali oo ka mid ah xubnaha u dhaqdhaqaaqa qoyskaas ayaa sheegay in jirdil loo geystay xubno ka tirsan qoyska oo ay ku jirto xaaskiisa oo xaamilo ah, isagana guddoomiye Jacfar uu ugu hanjabay xarig hadii uusan baneyn dhulkaas. Madaxda dowladda federaalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayey qoyska reer Sayid Cali Sheekh Axmed Mataan ka dalbadeen in laga qabto guddoomiye Jacfar oo ay sheegeen inuu u adeegsano shaarka dowladda xoogna, uu uga saarayo dhulkooda ay sharciga u heystaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamiislaha ahaa ee maanta ku meel mariyey dib u eegis lagu sameeyay sharciga la-dagaallanka Burcad-badeeda iyo ka hor tagga Afduubka. Sidoo kale golaha wasiirrada ayaa maanta ansixiyey laba heshiis oo kala ah, heshiiska dalalka Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiiska is dhaafsiga xarumaha Diblamaasiyadeed, kaas oo horay u dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Ugu horeyntii golaha ayaa kulankooda ku ansixiyey Sharciga la-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hor tagga Afduubka ee lambarkiisu yahay (Lr 36), kaas oo soo baxay 30-kii Abriil 1975-kii. Muhiimadda sharcigan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimada, afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas. sidoo kale sharcigan ayaa xadeynaya dembiyada ka dhaca biyaha iyo hawada Soomaaliya ee loo geysto diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulanka shir guddoomiyay, waxaa sidoo kale la hor keenay golaha, isla markaana ay meel mariyeen heshiis laba geesoodka ah oo Soomaaliya iyo Rwanda ay ka gaareen dhanka duullimaadyada iyo heshiiska is dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed, kaas oo horay u dhex maray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa diiwaan geliyay qaar ka tirsan musharixiinta u tartamaysa xilka madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay waqtiga araaji qabashada lagu daray sadex maalmood maalinta Jimacahana uu shaqeyn doono guddiga waxayna ku eg-tahay diiwaan-gelinta musharixiinta 26-ka bisha Janaayo sanadka 2020-ka. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka. Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-23012020.mp3 View the full article
-
The city of Plymouth is partnering with local organizations in an effort to push immigrants to participate in the 2020 census. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kula qaatay safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yukio Yamomoto, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo mashaariicda ay wakaalada horumarinta Mareykanka USAID ka wado gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka, gaar ahaan maamullada Jubbaland iyo Puntland. Axmed Madoobe iyo Donald Yamomoto ayaa isla qiray muhiimada ay leedahay wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka dalka, si cabqadaha kala duwan ee dalka ka jira si wadajir loogu wajaho, xalna looga gaaro. Arrimaha kale ee kulankaan gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan baahida loo qabo in howlgal loo dhan yahay la qaado, si looga adkaado dagaalyahannada Al-Shabaab. Shirkan Axmed Madoobe iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ku dhex maray Nairobi ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisa yahay khilaafka dowladda federaaka iyo Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna musharax madaxweynaha qaranka ee sanadka 2021-ka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Cabdikariin Guuleed ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ugu mahad celiyey madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle garab istaaga joogtada ah iyo raadintiisa dib u yagleelidda qaran Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay kulankaas madaxweyne Ismaaciil iskaga xog wareysteen arimaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabdikariin Guuleed Waxaa sharaf weyn ii aheyd inaan maanta kulan qiimo leh la qaatay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, madaxweynaha oo ah oday Soomaaliyeed oo dadaal weyn ku bixiyey kuna bixiya dib u dhiska iyo dib u soo kabashada qarankii Soomaaliyeed. Kulanku waxuu la xiriiray is xog-wareysi ku aadan arimaha Soomaaliya iyo arimaha gobalka. Waxaan madaxweynaha iyo dowladda Jabuutiba oga mahad celinayaa dowrka walaaltinimo ee lama iloobaanka ah ee ay ka geestaan arimaha Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hadda nasoo gaartay ayaa sheegeysa in Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay galabta xirtay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir, oo lagu tuhmayo in ay yihiin Al-Shabaab. Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in baaritaan iyo dabagal ay hay’adda sameysay kadib la xiray guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in labada qof ee ay NISA xirtay la ogaaday inaysan wax shaqo ah ku lahayn ganacsi, oo aysan ahayn ganacsato, balse ay ahaayeen xubno Al-Shabaab ah, oo Shabaab ay soo magacaabeen, sida ay NISA rumeysan tahay. Xogta aan ka helnay ilo-wareedyada sirdoonka, ayaa sidoo kale sheegeysa in guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariim Gabeyre lagu qasbay magacaabista xubnahan kadib markii dil loogu hanjabay. Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab. Arrintan ayaa imaneysa maalmo un kadib markii NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal lasoo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab. Wixii faah-fahain ah naga filo dhowaan Insha Allah.
-
Somalia is still ranked the world’s most corrupt country, according to the just-released 2019 Corruption Perceptions Index (CPI). The index is published annually by Transparency International (TI) and assesses the perceived levels of public sector corruption in 180 countries. According to TI, the country’s poor rule of law has created room for everything from “petty bribery to high-level political corruption”. This year, Somalia is preparing to hold its first “one-person-one-vote” in over 50 years. The East African country has been ravaged by a decades-long civil war, and more recently, attacks by Islamist militant groups. Transparency International has called for the establishment of structures for “political accountability to facilitate anti-corruption mechanisms”. Somalia’s government has in the past dismissed similar poor rankings in the CPI as an “unreliable and falsehood”. The country’s Finance Minister Abdirahman Duale Beyle has previously threatened to sue Transparency International. The country has recently made progress in talks with the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank on debt relief. View the full article
-
Somali politicians, election officials, civil societies and representatives of minority groups on Wednesday met in Mogadishu to discuss the representation and participation of women, youth and minority communities in the 2020/21 national elections. The town hall meeting, the fourth to be held in Mogadishu, was organized by Somalia Non-State Actors (SONSA), Somali Institute of Public Administration and Management (SIPAM) and the National Independent Electoral Commission (NIEC), with the support of the African Union Mission in Somalia (AMISOM). Speaking at the opening of a panel discussion, the Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Simon Mulongo, called for a massive sensitization campaign, to raise awareness among the populace, about the importance of participating in the electoral process. “The people need to know about the law related to elections, about the institutional arrangements for conducting elections. How will the minorities be elected, for example? We have to educate and inform people about how the election process will be conducted. This means we must have an intense civic education,” Mulongo said. Participants engaged in vigorous discussions and candidly engaged with Members of Parliament and officials of the NIEC, on crucial issues particularly the draft electoral law. Osman Muhidin Moalim, SONSA Chairman, called for further discussions on the draft electoral law, which is before a committee of the Upper House. “We can brainstorm, discuss and agree on how best the election can be held so that we have a mutually agreed position,” Mr. Osman said emphasizing the need for the youth to come up with ideas that will guarantee their participation, women, and minorities. Ms. Zahra Mohamed Ahmed, the legal advisor for the Somali Women Development Centre (SWDC) who spoke on behalf of Somali women urged political parties to register and also reiterated the need for both increased sensitization and more women’s representation. “The youth need to work with our lawmakers to find the best and easiest way to gain their rights. The reality is that the voice (power) is with the civil society and the Somali public,” Ms. Zahra explained. Ms. Sadia Adan Ali, who spoke on behalf of the youth said the youth in Somalia face a number of challenges including insecurity, unemployment and lack of opportunities however she urged them to take advantage of existing opportunities to increase their participation in politics. “The law has given us the youth an opportunity to elect and to be elected, upon attaining the minimum age of 18 years. We need to unite and take part in the on-going political process,” Ms. Sadia said. Said Hashi Warsame, a Commissioner in the NIEC, while responding to questions, noted that the role of the NIEC is purely supervisory. “As a Commission, we are governed by the laws passed by the Parliament. If there is an issue which is not provided for by the law or is not supported by the law like the issue of women representation, youth or any other special group, there is nothing that we can do as a commission,” said Mr. Said. He encouraged Somali women to lobby to have their interests included in the draft bill before it passed into law. Somalia is expected to go to the polls and the public is eager to know when and how the elections will be held. AMISOM, in close collaboration with the Somalia security forces, will play a crucial role in securing the election. View the full article
