-
Content Count
214,292 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay liiska xildhibaanada Galmudg ee shalay lagaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono cidii soo saartay liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug, oo lagu sheegay in ay yihiin been abuur. Xaaf ayaa sheegay in Galmudug taladeeda ay leeyihiin madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka rasmiga ah, balse ay san lahayn sida uu sheegay odayaal been abuur ah, xukuumad dano khaas ah wadata iyo danley xildhibaano ah. Sidoo kale war-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Galmudg ay u istaagaan xaaladda Galmudug. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Xaaf PUNTLAND POST The post Xaaf oo Baarlamaanka cusub ee Galmudug ku sheegay been abuur appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Militariga waddanka Iran, ayaa qirtay in ay si kamma’ ah u toogteen diyaarad rakaab oo laga lahaa dalka Ukraine,sida laga soo xigtay Telefishinka dowladda Iran. War kooban oo saaka laga sii daayay Telefishinka Qaranka Iran, ayaa lagu sheegay in ciidamadu, ay si aan ula kac ahayn u soo rideen diyaaradda, islamarkaana dadkii mas’uulka ka ahaa falkaasi lala xisaabtami doono. .Dowladda Iran, ayaa horay u beenisay warar sheegayay, in diyaaradda ay soo dhacday kadib markii uu haleelay gantaal ay rideen ciidamada Militariga dalkaasi. Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii, waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176. Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horay u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu haleelay gantaal ay rideen ciidamada Iran. PUNTLAND POST The post Iran oo qiratay in ay soo ridday diyaaraddii ku burburtay gudaha dalkaas appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Liis xildhibaano oo aysan fileyn xukuumadda Soomaaliya ayaa kasoo baxay baarlamanka cusub ee Galmudug, sida ay ogaatay Caasimada Online. Inkasta oo ay jiraan tiro magacyo ah oo markii lasoo gudbiyey kadib ay dowladda ku bedeshay dad kale, si ay sheegeen beelaha qaar, haddana inta badan xildhibaanada la shaaciyey ayaa ah kuwa aan ku argti ahayn dowladda. Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay inay rumeysan yihiin, in inka badan 70% xildhibaanada soo galay baarlamanka Galmudug ee maanta lagu dhowaaqay, ay yihiin kuwa taageersan xisbiyada mucaaradka. Xildhibaanadaas badankood ayaa taageersan xisbiyada Wadajir iyo UPD, oo doorashada madaxweynaha ku galaya laba ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad, kuwaas oo kala ah Kamaal Guutaale (Wadajir), iyo Cabdiraxmaan Odowaa (UPD). Dowlada Soomaaliya ayaa muddo dadaal ugu jirtay inay xaqiijiso in xildhibaano taageersan ay kusoo baxaan baarlamanka Galmudug, hase yeeshee dadaalladaas ayaa u muuqda kuwa aan guuleysan, xitaa haddii ay dowladda bedeshay saxiixayaashii saxda ah ee Galmudug qaarkood. Lama yaqaan sida ay arrintan ku dhacday, balse tuhunka ugu badan ayaa ka jira in qaar ka mid xubnaha guddiga farsamada Galmudug, oo dowladda ay u haystay inay ku aragti yihiin, ay ahaayeen kuwa si hoose ula shaqeynayey xisbiyada mucaaradka. Xubnahaas iyo qaar ka mid ah odayaasha Galmudug, oo carro hore u qabay dowladda, ayaa la rumeysan yahay inay ka shaqeeyeen soo bixitaanka xildhibaano badan oo aan ku aragti ahayn dowladda. Sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ayaa yiri “Haddii dowladda aysan tallaabooyin kale qaadin, natiijo wanaagsan kama soo socoto Galmudug.” Soo bixitaanka xildhibaanada mucaaradka ah ayaan macnaheedu ahayn, si kastaba, in musharax aan taageersaneyn dowladda loo dooran doono madaxweynaha Galmudug. Dowladda ayaa weli ay haysata awood dhaqaale oo musharaxiinta mucaaradka ah aysan u babac dhigi karin, taasi oo ay u adeegsan karto in xildhibaanada mucaaradka ah ay iibsato, si ay u doortaan musharaxa ay wadato. “Waxay hadda u muuqataa in xalka ugu dambeeya ee dowladda uu midkaas yahay.” Ayuu yiri mas’uul la hadlay Caasimada Online. Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay xilli dambe ka war heshay in xildhibaano mucaarad ah ay ka buuxaan liiska baarlamanka cusub ee Galmudug, hase yeeshee waxay qaadatay inaysan faro-gelin sababo la xiriira in hanaanka Galmudug uu sii dheeraado darteed, iyo ka fogaanshaha khilaaf iyo xiisad hor leh. Haddii madaxweynaha cusub ee Galmudug uu kasoo baxo mucaaradka, waxay noqon doontaa waqti, dadaal, iyo dhaqaale badan oo ka lumay dowladda oo sababta ay Xaaf u ridday ay ahayd inay hesho musharax ku aragti ah.
-
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, waxayna labada Madaxweyne salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas. Madaxweyna Farmaajo oo casuumaad rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah ku joogaya Asmara ayaa la sheegay in wada-hadallada uu la leeyahay Madaxweyne Afwerki ay ku lafa-guri doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii. Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa la sheegay in ay iska xog-waraysteen dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka. Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Afwerki oo kulan ku qaaday Asmara appeared first on Puntland Post.
-
Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa baahisey barnaamijkii la sugayey ee laga diyaariyey shabakad Al-Shabaab u qaabilsan dilalka Muqdisho, oo xubno ka tirsan la qabtay. Inkastoo in ay jirto qayb labaad, xalqada koowaad oo ninka ugu badan ee kasoo muuqday uu yahay Maxamed Xaaji Axmed, “horjoogaha” shabakada, waxaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan. Macluumaadka ayaa ku saabsan howlgalada khaarijinta ee shabakadda Axmed ka fuliyeen magaalooyin ay kamid yihiin Muqdisho iyo Marka. Iyaddoo magacyadiisa afgarashadu kamid yihiin; Daadir, Ilkacase, Cadaawe iyo Xudeyfa, falalka uu ku lug lahaa ayaa lagu beegsaday mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo rayid ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah. Isku daygii dil ee Asad Xaajiyow Shaqsiyaadka haatan caanka ah ee dilkooda uu wax ka ogaa waxaa kamid ah Asad Xaajiyow, Youtuber Soomaaliyeed, oo hadda ku nool Kuala Lumpur, caasimadda Malaysia. 26-kii August, 2012, dabley ayaa banaanka mehrad ku taala Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxay si daran ugu dhaawacday Asad Xaajiyow, oo ay ku dhacday lix xabadood. Xabadaha oo looga beegsaday qeybaha sare ayaa ka dhex-baxay marka laga reebo mid ka haleeshay dhabarka oo dhalisay in uu lugaha ka naafoobo kuna socdo hadda gaariga curyaanka. Ilkacase, oo “garanaya” gacan ku dhiiglaha falkaas sameeyay, ayaa sidoo kale saaxiibo dhow waxay ahaayeen Asad Xaajiyow. “Asad, wuxuu ahaa nin aan aqoono shaqsiyan. Nin fiican ayuu ahaa dowladda uma shaqaynayn waxba ma uusan ahayn,” ayuu Ilkacase u sheegay barnaamijka Gungaar ee warbaahinta dowladda. Boodboode Sidda uu sheegay Ilkacase, isku dayga dil ee Asad, oo uu ka dambeeyay nin lagu magacaabo Boodboode, ayaa yimid markii “la arkay” isagoo telefoon ku hadlaya oo sheegaya ‘Shabaabta waa carareen”. Ilkacase, oo sawirka shahaadadiisa dugsiga sare uu ka qaadey Asad, ayaa joogay meel ku dhow goobta uu shirqoolku ka dhacay “Boodboobe, oo dhintay, isagoo aan waxba hubsan ayuu xabada ku furay, markii ay xabaduhu dhaceen waan soo cararnay ninkii oo jiifo iyo ninkaan oo Bastoolad xareysanaayo ayaan aragnay, markii aan waydiinayna wuxuu yiri ‘xog ayuu gudbinayey’ Asad markaas wuu noolaa, si aan la ii fahmin ayaana u dhex-gelin,” ayuu ku daray Ilkacase. Inkastoo Al-Shabaab aysan xiligaa sheegan isku dayga la doonayey in lagu dilo, Asad, oo ka shaqeynayey goob sawirada lagu qaado, ayaanan wali aqoon sababta uu bartilmaameed u noqdey. “Laba qof ayaa ii timid, mid banaanka ayuu istaagay, kan kale lix xabadood ayuu iigu dhuftay illaa iyo aan ka dhaco,” ayuu Asad yiri. “Maxaad ii xabadey? xigaal baad ii ahayd,” ayuu ku daray. Macalinka “dilaaga” noqday Axmed, 27-jir ku dhashay Buulomareer, gobolka Shabeellaha Hoose, oo caruurnimadiisa la xagjireeyay, ayaa Diinta ku bartay Markas, gacansaar la leh Al-Shabaab. 2008-dii ayuu ka qalin-jabiyey dugsiga hoose iyo dhexe ee magaaladaas. Dugsiga sarre oo 2009-kii uu ka bilaaay gudaha Marka ayuu dhameeyay sanadkii 2011. Jaamacad ku taala Muqdisho ayuu 2012 illaa iyo 2016 ka bartay Public Adminstration. Mogadishu University ayuu markii u dambeysay ka diyaarinayey Master-ka. Sanad kadib, wuxuu shahaado diploma ah ka qaatay Machad luuqada English-ka lagu barto oo ku yaala caasimada Soomaaliya, halkaasoo kolkii dambe uu ka noqdo macalin. Machadka, oo laba sano uu ka howlagayey gaar ahaan maalmaha Khamiistii iyo Jimcadii ayuu ka tegay bishii March, sanadkii hore 2019, waana laba bilood kahor inta uusan u gacan-gelin laamaha ammaanka. Hoos ka daawo barnaamijka Gungaar Qoraalka sheekadan waxaa diyaariyey Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay mar kale ka hadashay hindise sharciyeedka Batroolka dalka, kaas oo ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamanka dalka. Sharcigan ayaa markii la ansixiyay kadib waxaa ka dhashay muran, ayada oo ay si weyn uga soo horjeesteen dawlad goboleedyada dalka ee ay ugu horayso Puntland. Wasiirka wasaaradda batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in xukuumaddu ay horay dawlad goboleedyada dalka ka jira kala hadashay qaybsiga khayraadka dalka ee uu ka midka yahay batroolka. Waxa uu sheegay in bishii June 2017 ay dhammaan madax goboleedyada dalka ee xilligaas jiray ay saxiixeen heshiiska wadaagga kheyraadka dalka, oo shidaalka qeyb uu ka yahay, sidaas darteedna uu la yaaban yahay diidmada hadda ka imaneysa. “Markii dowladda ay dhowaan soo qaaday lacagtii ay ku lahayd shirkadaha Shell iyo Exxon waxay ku qeybisay heshiiska, dhammaan maamul goboleedyada dalka way qaateen saamigooda, ayaga oo aan diidmo muujin.” Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jiro oo dhan ay xildhibaano matala ku leeyihiin labada Aqal ee baarlamanka, islamarkaana ay heshiiska ogolaadeen. “Heshiiskan waa dhaqan galayaa marka madaxweynaha uu saxiixo, mana jirto wax kale oo laga wada-hadlo” ayuu yiri. Hadalkan ayaa waxa uu wasiirku ka sheegay mar uu la hadlayay taleefishinka qaranka.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-10012020.mp3 View the full article
-
Dad aad u yar ayaa u hura naftooda ama ku bixiya qiimaha ugu sarreeya danta-guud ee qaranka ayada oo waliba lagu jiro xaalado aad u murugsan, marka kuwa kalana ay u go'aan danahooda gaarka ah. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Baqdaad)-Raysal wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi ayaa maanta sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo weydiistay inuu wafdi usoo diro Iraq, si ay u diyaariyaan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkiisa. Sharci dejiyayaasha Iraq ayaa Axaddii meel-mariyey qaraar ciidamada Mareykanka looga saarayo dalka, kadib markii diyaarad drone oo Mareykan ah ay dishay Jeneral sare oo reer Iran ah, Qasem Soleimani. Wada-hadallo uu Abdul Mahdi taleefonka kula yeeshay Pompeo, ayuu ku sheegay in dalkiisa uu kasoo horjeedo labada xadgudub ee lagu sameeyey madax-banaanidiisa – Isaga oo ula jeeda weerarkii Mareykanka iyo gantaalladii ay ku aargudatay Iran. “Iraq waxay dooneysaa inay ilaaliso xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka,” waxaa sidaas lagu yidhi bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Qiyaastii 5,200 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan dalka Iraq. Qaraarka baarlamanka Iraq ee lagu eryayo ciidamada Mareykanka ayaan ahayn mid ay qasab tahay in la fuliyo, hase yeeshee Abdul Mahdi oo ah ninka leh amarka lagu saarayo ciidamada Mareykanka ayaa aad u taageersan qorshahaas, sababtoo ah isaga ayaa wax ka diyaariyey qaraarka. Abdul Mahdi ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka iyo diyaaraddii drone-ka ee lagu dilay Soleimani ay dalka soo galeen ayaga oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Iraq. Abdul Mahdi oo shiico ah ayaa aad ugu dhow dowladda Iran iyo kooxaha hubeysan ee shiicada ah ee ka jira dalka Ciraaq. Source
-
Many individual Somali nationalists have contributed to the wellbeing of Somalis and Somali nation over the last few decades. Few families, however, have taken upon themselves to dedicate their lives for rebuilding a nation devastated by civil war, draught and famine, and external interventions. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa galabta kulankii koowaad ee safarkiisa la yeeshay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel. Maskel ayaa sheegay in Farmaajo iyo Afwerki ay wada-hadallo qoto-dheer ka yeesheen horumarka xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka ee danta ay ugu jirto labada dal. Waxaa uu xusay in labada madaxweyne ay sidoo kale muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin horumarka laga sameeyey fulinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. “Waxay isku raaceen inay sare u qaadaan dadaalka wadajirka ah ee lagu adkeynayo wada-shaqeynta saddexda dal, iyo is-dhexgalka gobolka.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel. Meskel ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale xuseen horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay, ayna hoosta ka xariiqeen go’aan dadaallo dheeri ah lagu gelinayo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha muhiimka, gaar ahaan qeybaha amniga iyo difaaca iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo kaabayaasha, ayna labada dal dadaal isku mid ah gelin doonaan taas. Sida uu sheegay Meskel, Farmaajo iyo Afwerki ayaa ugu baaqay dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay taageero muhiim ah siiyaan si ay u xoojiso hay’adaha dowliga iyo awoodda qaranka uu uleeyahay fulinta waxyaabaha muhiimka u ah Soomaalida. Source
-
Baghdad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul Mahdi ayaa maanta sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo weydiistay inuu wafdi usoo diro Iraq, si ay u diyaariyaan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkiisa. Sharci dejiyayaasha Iraq ayaa Axaddii meel-mariyey qaraar ciidamada Mareykanka looga saarayo dalka, kadib markii diyaarad drone oo Mareykan ah ay dishay Jeneral sare oo reer Iran ah, Qasem Soleimani. Wada-hadallo uu Abdul Mahdi taleefonka kula yeeshay Pompeo, ayuu ku sheegay in dalkiisa uu kasoo horjeedo labada xadgudub ee lagu sameeyey madax-banaanidiisa – Isaga oo ula jeeda weerarkii Mareykanka iyo gantaalladii ay ku aargudatay Iran. “Iraq waxay dooneysaa inay ilaaliso xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Qiyaastii 5,200 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan dalka Iraq. Qaraarka baarlamanka Iraq ee lagu eryayo ciidamada Mareykanka ayaan ahayn mid ay qasab tahay in la fuliyo, hase yeeshee Abdul Mahdi oo ah ninka leh amarka lagu saarayo ciidamada Mareykanka ayaa aad u taageersan qorshahaas, sababtoo ah isaga ayaa wax ka diyaariyey qaraarka. Abdul Mahdi ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Mareykanka iyo diyaaraddii drone-ka ee lagu dilay Soleimani ay dalka soo galeen ayaga oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Iraq. Abdul Mahdi oo shiico ah ayaa aad ugu dhow dowladda Iran iyo kooxaha hubeysan ee shiicada ah ee ka jira dalka Iraq.
-
The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed, arrived in Asmara in mid-morning hours on Friday for a two-day working visit. The Somali President & his delegation were accorded a warm welcome by President Isaias on arrival at Asmara’s International Airport. President Isaias Afwerki and President Mohamed Abdullahi Mohamed held extensive talks on the progress of bilateral ties as well as regional issues of vital interest to both countries in their first session this afternoon at State House. The two leaders noted that the multi-faceted Eritrea-Somalia bilateral ties have progressed at a remarkable pace in the past year and a half since the signing of the Bilateral Agreement of Friendship and Cooperation in Asmara in July 2018. The two Presidents similarly expressed satisfaction at the progress made so far in the implementation of the Tripartite Agreement signed between Eritrea, Ethiopia & Somalia;& agreed to step up their collective efforts for consolidation of tripartite cooperation & regional integration On Somalia, both leaders noted positive achievements registered so far & underlined imperative of exerting more efforts to bolster key institutions, especially security/defense sectors, rehabilitation of the economy & infrastructure. Both countries will pool resources to that end. President Isaias Afwerki and President Mohamed A. Mohamed urged all friends and partners of Somalia to extend substantive support to it so as to bolster the institutions and national capabilities of the country on the basis of the priorities set by Somalis themselves. View the full article
-
TEHRAN (AFP) – Iran's civil aviation chief denied Friday that a missile downed a Ukrainian airliner which crashed killing all 176 on board, dismissing claims of a catastrophic mistake by Tehran's air defences. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa galabta kulankii koowaad ee safarkiisa la yeeshay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel. Meskel ayaa sheegay in Farmaajo iyo Afwerki ay wada-hadallo qoto-dheer ka yeesheen horumarka xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka ee danta ay ugu jirto labada dal. Waxaa uu xusay in labada madaxweyne ay sidoo kale muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin horumarka laga sameeyey fulinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. “Waxay isku raaceen inay sare u qaadaan dadaalka wadajirka ah ee lagu adkeynayo wada-shaqeynta saddexda dal, iyo is-dhexgalka gobolka.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel. Meskel ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale xuseen horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay, ayna hoosta ka xariiqeen go’aan dadaallo dheeri ah lagu gelinayo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha muhiimka, gaar ahaan qeybaha amniga iyo difaaca iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo kaabayaasha, ayna labada dal dadaal isku mid ah gelin doonaan taas. Sida uu sheegay Meskel, Farmaajo iyo Afwerki ayaa ugu baaqay dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay taageero muhiim ah siiyaan si ay u xoojiso hay’adaha dowliga iyo awoodda qaranka uu uleeyahay fulinta waxyaabaha muhiimka u ah Soomaalida. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Asmara ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, waxaana la filayaa inuu wada-hadallo kale oo dheeri ah la yeesho Afwerki.
-
Awoodaha Milateri ee trump oo la xadiday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Sida aan ka soo xiganay Wakaalada wararka ee Reuters, Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii shalay xadiday awoodaha militari ee Madaxweyne Trump, iyadoo bariga dhexe ay ka taagan tahay xiisadii ka dhalatay dilkii Mareykanka ee General Qaasim Suleymaani. Xubnaha Golaha wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyey inay ka joojiyaan madaxweyne Trump inuu qaado talalabo kale oo militari oo ka dhan ah Iran, waxaana qaraarkaas meel-mariyey oo taageeray 224 mudane, halka 194 kale oo xisbiga Jamhuuri u badan ay ka hor-yimaadeen. Tallaabadan ayaa madaxweyne Trump ka xayuubineysa awoodihiisa dagaal ee ah inuu ciidamada Mareykanka u isticmaalo Iran, isaga oo aan ogolaansho ka haysan Congress-ka. Sharcigan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka, oo ay maamulaan Jamhuuriga, wuxuuna wajahayaa dagaal adag, si loo ansixiyo. Dhanka kale Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tallaabada Aqalka Wakiilada ku qeexay “nacasnimo” iyo mid siyaasad ay dhiiri-gelisay. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiti “tallaabadan waxay arbushi kartaa awoodda dowladda Mareykanka ay u leedahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda, kuwaas oo Iran weli ay isku dayeyso inay waxyeeleyso”. Go’aanka Aqalka Wakiilada ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in sababta loo dilay General Qaasim Suleymaani ay ahayd inuu isku dayayey inuu qarxiyo safaaradda Mareykanka. Qaran News
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha Jubbaland ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri-galiyo ciidamada Jubbaland ee halkaas saldhiga ku leh oo maalmahii lasoo dhaafay fuliyay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab. Axmed Madoobe oo qayb kamid ah ciidamada kula hadlay halkaas ayaa sheegay in howlgaladii u dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamadu ay tusaale u ahayd sida ay uga go’antahay xoraynta dalka, isagoo xusay in tobaneeyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab howlgaladaas lagu dilay, sidoo kale qaar nool gacanta lagu hayo iyaga iyo hubkoodii. Waxaa uu xusay Madaxweynaha Jubbaland in ciidamada Jubbaland ay yihiin kuwo naftooda u huraya sidii nabadgalyada iyo daganaanshaha gacan adag loogu qaban lahaa, mar walba ay usii adkayanayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Caalamiga ah. Waxaa kale oo Axmed Madoobe sheegay in deegaankan laga hirgaliyay Adeegyo kala duwan oo aan jirin kahor intaan Al-Shabaab halkan laga xorayn sida caafimaadka,Waxbarashada, biyaha iyo adeegyo kale taas oo uu sheegay in lagu gaaray nabada iyo doorka dadka deegaankan ay ku leeyahiin garab istaaga ciidamada. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Argagixisada lagaga adkaan karo in loo midoobo wuxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada ay qusayso in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab si dhibaatada looga dulqaado shacabka, wuxuuna intaas ku daray in dhibaatada dhinaca Amniga ee ka taagan qaybo badan oo dalka kamid ah loo baahan yahay in dhab loo wajaho. Madaxweynaha Jubbaland waxaa booqashada Cabdalla Biroole ku wehelinayay Sarakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Cadaalada, Garsoorka iyo Arimaha diinta Maxamed Yusuf Cumar. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda duulista rayidka ee Iran ayaa maanta beeniyey in gantaal uu soo riday diyaaraddii Ukraine ee dalkaas ku dhacday, taasi oo ay ku dhinteen dhammaan 176-kii qof ee saarnaa. Hadalka kasoo baxay Ali Abedzadeh ayaa yimid maalin kadib markii Canada iyo Britain ay tilmaameen inay jiraan astaamo muujinaya in diyaaraddaas lagu soo riday gantaal si aan ku talo-gal ahayn loogu tuuray. “Hal mid waa hubaal. Diyaaraddan soo ma ridin gantaal,” ayuu yiri Ali Abedzadeh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Tehran. Diyaaraddan, oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa dhacday, Arbacadii waxyar un kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, ayada oo uga aargudaneysa dilka Jeneral Qasem Soleimani. Ra’iisul wasaraaha Canada, Justin Trudeau ayaa Khamiistii sheegay in ilo-sirdoon ay tilmaameen in gantaal lagu soo riday diyaaradda oo u diiwaan gashneyd shirkadda Ukraine International Airlines, islamarkaana lambarkeeda duulimaad uu ahaa PS752. Hase yeeshee Abedzadeh ayaa diiday tuhunnadan, waxaana uu sheegay in “hadal kasta oo la jeediyo ka hor inta aan xogta laga soo saarin sanduuqa madow ee diyaaradda…uu yahay fikar aan ku dhisneyn khibrad.” AFP + VOA
-
Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta oo Jamce ah si toos ah u baahiyey liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug. Guddiga ayaa soo bandhigay magacyada 83 xildhibaan, waxayna sheegeen inta dhimman ay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhameystiri doonaan, maadaama Baarlamaanka Galmudug laga rabo 89 xildhibaan. Xidhibaanadan 20 kamid ah, waxaa horey u soo gudbisay Ahlusunna oo ku heshay saami qeybsi siyaasadeed. Doorashada Galmudug ee ka socota Dhuusamareeb, waxaa dhawaan qaadacay Madaxweyne Xaaf iyo qaar kamid ah beelaha Galmudug. Hoos ka akhriso magacyada xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo beelaha ay ka soo kala jeedaan. PUNTLAND POST The post Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga farsamada ee Galmudug ayaa maanta daabacay magacyo ilaa 83 xildhibaan oo ka tirsan maamulka cusub. Magacaabistan ayaa imaaneysa iyada oo muran badan oo ka jiro: (1). Saxiixeyaashii Galmudug oo qaar la badalay (2). Odeyaasha la xareeyey oo aan wax badan ka ogeyn liiska (3). Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo ka soo horjeeda tallaabadan kuna tilmaamay dhac lagu wado aayaha maamulka (4). Cabsi laga qabo in maamulka Farmaajo uu la soo baxay liis jeebkiisa ah. Halkan Ka Akhriso Liiska Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Galmudug: Source: goobjoog.com
