-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Musharaxiinta madaxtinnimada dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheere ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay dhinac 3-aad ee korjoogteeya doorashada Galmudug iyaga oo soojeediyey in Galmudug ka dhacdo hal doorasho, Ahlu sunnana ay qeyb ka ahaato hannaanka doorashada, dhacdo doorasho loo simman yahay ayna murshaxiinta la kulmi karaan dhammaan xildhibaannada. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno ayaa ka soo baxay dil arxan darro ahaa oo Aabe xalay wiilkiisa ugu geystay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Dhacdadaan xanuunka badan ayaa timid, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii curadka ahaa oo la oran jirey Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku gowracay laanta Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi. Marxuum Ibraahim ayaa 14 jir ahaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta uu Aabahan u dilay wiilkiisa ay aheyd kadib markii uu booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen, islamarkaana uu ka carooday, isagoona markii dambe Mindi ku Gowrcay wiilka oo isla goobta ku geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim oo goobta isaga baxsaday falka kadib mararka qaar laga qab jiray maskaxda, balse uu wanaagsanaa sanadihii u dambeeyey. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, gaar ahaan kan degmada Jowhar ayaa falka kadib tegay guriga Qoyskaas oo ay xalay dhacdadu ka dhacday. Ciidamada ammaanka Jowhar ayaa sidoo kale saaka wada baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobay Aabaha geystay falkaasi oo xoogsato ka ahaa magaaladaasi. Dhacdadaan oo murugo badan ku reegtay dadka deegaanka ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka HirShabelle.
-
Allaha u naxriistee waxaa magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku geeriyooday fanaankii Soomaaliyeed ee Daa’uud Cali Masxaf oo mudDooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayay gudaha dalka Itoobiya. “Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, Allaha u naxariisto waxaa hadda isoo gaartay geerida Fanaanka Caanka ah Daa”uud Cali Masxaf oo muddooyinkaan ku noolaa magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya”. ayuu yir Ismaaciil Oranjo afhayeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Dhanka kale wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayri Maareeye oo ka tacsiyadeyeey geeriada Al-Fanaan Daa’uud Cali Masxaf oo ka tirsanaa Hobalada Qaranka ee Waaberi ayaa eebe uga baryay in uu janadii Fardowso uu ka waraabiyo. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa si gaar ah uga tacsiyadeyeey Hobalada Qaranka ee Waaberi oo uu ka tirsana aiyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladiisa. View the full article
-
Cabdullaahi Goodax Barre wasiirka waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda federaalka aysan siin doonin Shahaadada dugsiga sare Ardayda Puntland, haddii aysan ka qeyb galin Imtixaanka Qaran ee ay qaado dowladda dhexe. Wasiir Goodax Barre ayaa tilmaamay in dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay dhowr jeer ka wada hadleen arrintaan, hase’ahaatee ay ku adkaysanayaan in aysan ka qayb gali doonin imtixaanka ay qaado wasaaradda waxbarashada DF Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka ayaa Puntland ugu baaqay in ay ka qayb gasho imtixaanka ama ay isku tashato, sida uu hadalka udhigay Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/www-1.mp3 View the full article
-
Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan hoggaanka Galmudug ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi. Musharaxiintaan oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa|), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed (Cabdi Dheere) ayaa soo saaray shuruudo 7 gaaraya oo ku aadan qabsoomida doorashada madaxtinimada Galmudug. Shuruudaha ayaa waxaa ugu mhiimsan in la sameeyo guddi doorasho cusub, oo ay ku midaysan yihiin dhinacyada ay khusayso doorashada oo Ahlu Sunna qeyb ka tahay. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-25012020-SX.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi, oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa hallkaasi kulamo kala duwan kula qaadanayaa qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo safiirada dalalka daneeya Arrimaaha Sioomaaliya. Madaxweyne Deni, ayaa xalay oo u dambaysay magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo, sida lagu sheegay qoraalk soo baxay madaxtooyada Puntland. Qoraalka ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Deni iyo Danjire Guyo ay kulankooda uga wada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay isla magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager, waxaana ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Nairobi kula kulmay Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay wakiilka gaarka ee IGAD u qaabilan Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa arrimaha looga hadlay ka mid ahaa doorashooyinka soo socda ee la filayo in dhowaan ay ka dhacaan Soomaaliya, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu weli u jiro khilaaf u baahan in la xaliyo. Labada dhinac ayaa isla qiray inay muhiim tahay la gaaro xal siyaasadeed ka hor doorooshiyinka 2020/2021, si ay doorashada ugu dhacdo qaab hufnaan oo xor iyo xalaal ah. Sidoo kale waxaa kulanka Madaxweyne Deni ergeyga IGAD ee Soomaaliya lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee urur goboleedkaan uu ka taageero dowlad goboleedka Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada rayidka. Siciid Cabdullaahi (Deni) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa kulamo ka waday gudaha magaaladaasi, isagoo la kulamy mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka France u qaabilsan arrimaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya ,Ambassador Aline Kuster-menager, kaas oo ay uga wada hadleen xaaladda dalka. Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli mad madow siyaasadeed oo saameeyey xiriirka iyo wada shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe uu u dhexeeyo labada dhinac.
-
Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed. Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u laheyn ay ugu qabtaan bulshada. Xildhibaannada Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda Duulista Rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee uu mudanyahay. PUNTLAND POST The post Aqalka sare oo maanta Akhrinta koowaad marsiinaya Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka appeared first on Puntland Post.
-
Iiran oo shaacisey inay heshay xoggo ku saabsan Dilkii Qasim Soleimani+Dal carbeed oo……. Taliyaha Ciidamada Cirka ee Dawladda Iiraan, Amiir Cali Xaaji Zaada ayaa soo bandhigay xog dheeraad ah oo ku saabsan Dalalka ka qeyb qaatay duqayntii lagu dilay Qaasim Suleymaani. Wuxuu sheegay taliyuhu in Mareykanka uu ugu yaraan 4 Saldhig Militari u adeegsaday dilka Taliyihii Ciidamada Qudus , Qassem Soleimani. Amiir Zada, waxa uu caddeeyey in ay heleen xogo rasmi ah oo muujinaya in Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee bartilmaameedsaday kolonyada Soleimani ay kasoo keceen saldhigga Mareykanku ku leeyahay Dalka Kuweyt. Xaaji Zadeh, wuxuu intaas ku daray in waddankiisu uu kormeerayay qaadista Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Helikobtarro wata qalab fara badan oo Rasaas ah, maalintii la dilay Soleimani. “Diyaaradaha MQ-9 waxaan ogaanay in ay kasoo duuleen saldhigga Cali Al-Saleem ee Dalka Kuweyt, sidoo kale waxaan baaritaan dheer ku xaqiiqsannay in Diyaaradahaasi ay howlgalka kahor joogeen Hawada sare ee Caasimadda Baqdaad “ ayuu yiri Amiir Zaada. Dawladda iiraan ayaa intaa ku dartay in ay welwel ka qabto meesha ay ku danbayn doonaan Dalalka Carbeed ee u adeegaya Maraykanka iyo xulufadiisa Yuhuudda, waxayse sheegtay in iiraan ay ku filan tahay difaaca Dhulkeeda iyo Dadkeeda Qaran News
-
Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug oo Jimcihii shalay isugu yimid kulan ay ku falanqeeyeen xaaladda jaha wareerka ah ee ka jirta Galmudug, ayaa sheegay in ay qiimeynayaan natiijadii ka soo baxdey baaqyadii iyo codsiyadii musharxiintu ay horey u gudbiyeen. Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere, ayaaa sheegay I nay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob. Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn In la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada. Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman. Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha. Hoos ka akhriso war-murtiyeedkooda PUNTLAND POST The post Musharrixiin Shuruud ku xiray ka qeyb-galka doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Nin Ameerikaan madow ah oo midab takoor awgii loo diiday in uu bangi lacag dhigto Nin Ameerikaan madow ah ayaa dacwoad ku soo oogay bangi ku yaal magaalada Detroit ee dalkaasi Mareykanka ka dib markii shaqaalaha bangigaasi sida uu sheegay ay cunsuriyad kula dhaqmeen oo ay u diideen in lacag uu dhigto bangigaasi. Shaqaalaha bangiga ayaa booliska ugu wacay Sauntore Thomas oo doonayay in bangigaasi uu dhigto lacag magdhow ahaan loo siiyay ka dib midab takoor uu kala kulmay shirkad uu u shaqeyn jiray. Sauntore Thomas wuxuu isku doonayay inuu bangigaasi dhigto jeeg lacag ah oo uu ka helay shirkad uu u shaqeyn jiray oo sida uu sheegay cunsuriyad kula kacay ka dibna uu maxkamad la tiigsaday. Gabar ka mid ah shaqaalaha bangiga oo iyaduba Afrikaan madow ah ayaa diiday in ninkaasi ay jeegga ka qaado, waxayna markiiba ugu wacday booliska, iyada oo aad uga shakisan in lacagtani uu ku soo helay qaab sharciga aan waafaqsanayn. Bangiga TCF ayaa raalligelin ka bixiyay arrintaasi, waxa uuna sheegay in ay khalad ahayd in ninkaasi boolis loogu yeero. “Waxaan cambaareynaynaa wax kastaa oo midab takoor iyo faquuq ah,” ayaa lagu yiri warbixin qoraal ah oo uu soo saaray bangigaasi. Askari Soomaali ah oo ka tirsanaa booliska Mareykanka oo loo xiray dil Bangiga TCF waxa uu intaasi ku daray in shaqaalaha ay diideen in ay jeeggaasi ka qaadaan oo ay u ansixiyaan Sauntore Thomas, maadaama sharciga bangiga uu yahay in aad looga taxaddaro lacagaha cadadkoogu badan yahay. Haseyeeshee Thomas oo ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa haatan bangigaasi ku dacweynaya cunsurinimo. “Waxa ay ii faquuqeen ayaa ah in aan ahay nin madow ah. Arrintaasi iguma aysan dhacdeen haddii aan caddaan ahaan lahaa,” ayuu yiri Thomas oo la hadlay wargeyska Free Press. Thomas ayaa dacwad kaga guuleystay shirkad uu u shaqeyn jiray wuxuuna doonayay in lacagtii magdhowga ahayd ee la siiyay uu bangigaasi dhigto maadaama uu muddo laba sano ah akoon xisaabeed ku lahaa bangigaasi. Balse ku xigeenka madaxa bangigaasi oo ah gabar Afrikaan madow ah ayaa sida la sheegay weydiisay halka uu lacagta ka keenay, waxaana ay u sheegtay in ciddii lacagtaasi ka qaadi lahayd ay maqan tahay oo ay tahay in uu sugo balse intii uu sugayay ayay ugu wacday boolis. Thomas ayaa sheegay in markii boolisku ay u yimaadeen uu isdejiyay maadaama uu ogaa in boolisku ay dhawr jeer oo hore toogasho ku dileen dad madow ah oo asal ahaan ka soo jeeda Afrika, sidaa awgeedna uusan dabin ugu dhicin boolisku ama aysan qiil u helin in ay toogtaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in markiiba uu la xiriiray qareenkiisa oo booliska u caddeeyay halka ay lacagtaasi ka timid balse wali la aamini waayay. Thomas ayaa markii dambe iska xiray akoon xisaabeedkii uu ku lahaa bangigaasi, wuxuuna u wareegay bangi kale oo uu tartan ganacsi kala dhaxeeyay bangiga TCF ee Thomas u diiday in lacagta uu dhigto, halkaa oo uu lacagtiisii dhigtay. Booliska oo baaritaan ku billaabay ninkaasi ayaa markii dambe sheegay in kiiskaasi ay laaleen oo aysan wax dambi ah u haysan Thomas. Bishii Luuliyo ee sanadkii hore ayay ahayd markii booliska dalka Mareykanka ay sheegeen in ay baarayaan dhacdo qabsatay in nin bukaan madow ah lagu xiro gobolka Illinois, xilli uu ku sugnaa agagaarka isbitaal lagu daweynayay isla markaana ay faleembo ku xirnayd. Bukaanka oo lagu magacaabo Shaquille Dukes ayaa sheegay inuu socod ku marayay agagaarka Isbitaalka isla markaasna uu raacayay talooyin uu usoo jeediyay dhakhtarkiisa. Waxaa markiiba gacanta ku dhigay askari dhar cad ah, waxaana lagu eedeeyay inuu xadi rabay qalabkii caafimaad ee uu neefta ka qaadanayay. Dukes waxaa uu hadda dacwad ka gudbiyay askarigaas oo uu ku eedeeyay inuu midab takoor kula kacay. Booliska waxay sheegeen inay sameeyeen tallaabadii ugu habbooneyd balse ay billaabeen baaritaanno madaxbanaan oo lagu ogonaayo sababta ka dambeysay xiritaanka bukaanka. Qaran News
-
Rep. Ilhan Omar launches reelection bid with big advantages
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MINNEAPOLIS (AP) — Rep. Ilhan Omar’s congressional career got off to a rocky start just a year ago, with her provocative remarks on Israel and Jews stirring anger across the country and raising speculation that some other Minnesota Democrat might step forward to challenge her in 2020. Source: Hiiraan Online -
UK-Africa Summit: Dahabshiil optimistic of more investments
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The increasing African population is presenting the world with an important opportunity to do business and invest in the continent. Source: Hiiraan Online -
At least two people were injured while several others escaped unhurt when al-Shabab suspects attacked civilians traveling on a bus in the northeastern Wajir county early Friday. Source: Hiiraan Online
-
Dhulgariir xoog badan ayaa lagu soo warramayaa in ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, halkaas oo ay guryo ku soo dumeen ayna ku dhinteen ugu yaraan 18 qof. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in shan boqol oo qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen. Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa. Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka. Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi. Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoo PUNTLAND POST The post Dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in Ilhaan Cumar ay kula tartanto kursiga congress-ka ee gobolka Minnesota. Haweeneydan oo ka tirsan isla xisbiga Ilhaan ee dimuqraadiga ayaa sheegtay in Ilhaan Cumar “ay tahay mixnad horleh oo kusoo korodhay siyaasadda Mareykanka”, waxayna intaa raacisay in khaladaadka Ilhaan ay ku boorisay in ay u tartanto kursiga Aqalka Congress-ka ee Ilhaan ay ku matesho Minnesota. “Sababta igu dhalisya in aan kursiga kula loolamo Ilhan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar aysan ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tiri Dalia Al-Aqidi. Dalia ayaa intaa raacisay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay ka jawaabto su’aala badan, maadaama sida ay sheegtay ay “dhibaato u geysata dad badan oo American ah “. Waxaa kale oo ay sheegtay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay wax u qabato deegaankii laga soo doortay, sharci walba oo ay meelmarisana uusan waxtar u lahayn dadka ku nool halka laga soo dortay. Haweeneydan oo ah saxafiyad horay uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq. Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Ilhan Cumar ay shaacisay ololaheeda doorashada oo ay markale ku dooneyso in lagu doorto. Ilhaan ayaa bilawday hal ku dhigga ah “dib ugu celi aqalka Kongreska” oo ay ula jeedo dib u doorashadeeda. Doorashada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha November ee sanadkan 2020-ka, waxaana inta ka horeysa la geli doonaa doorashada xisbiyada dhexdooda, halkaas oo ay kusoo bixi doonaa hadba dadka xisbi walba ku mateli doonaa doorashada guud ee Mareykanka. Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaali, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump.
-
Ankara (Caasimada Online) – Dhul-gariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ruxay bariga dalka Turkey, halkaasi oo uu ku dilay 18 qof, islamarkaana ku dhowaacay in ka badan 500 oo kale. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale la rumeysan yahay in 30 qof ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka. Dhul-gariirka ayaa laga dareemay dalal ka fog Turkey, sida Falastiin, hase yeeshee wax khasaare nafeed ah ama burbur lagama soo sheegin. Wasiirka caafimaadka Turkey, Hulusi Akar ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ee gobollada kale loo diray halka dhul-gariirka uu ka dhacay, ayada oo ciidamadana heegan la geliyey. Boqolaal qof ayaa guryo la’aan ah iminka, ayada oo guryahooda ay ku burbureen dhul-gariirka. Muuqaallo TV ayaa muujinayey kooxaha gurmadka oo dad dhaawac ah kasoo hoos saaraya dhismayaal burburay, degmada Gezin eee gobolka ku yaalla Bariga ee Elazig. Magaalada Elazig ayaa waxaa lagu dilay 13 qof, halka shan qofna ay ku dhinteen magaalada Malatya. Guud ahaan 553 qof ayaa la xaqiijiyey inay dhaawac yihiin, kuwaas oo 11 ka mid ah ay xaaladdooda halis tahay. Qiyaastii 30 dhisme ayaa ku burburay dhul-gariirka oo saameeyey laba gobol, sida uu sheegay wasiirka deegaanka Murat Kurum. Madaxweyne Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay twitter in la qaaday tallaabo kasta oo muhiim ah, si loo xaqiijiyo khasaaraha dhimasho ee in dhul-gariirka uu noqdo midka ugu yar.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug ayaa Jimce, 24 Janaayo 2020, waxay isugu yimaadeen kulan ay ku falanqeeyeen xaaladda murugsan ee Galmudug ka taagan, isla markaana ku qiimeeyeen natiijadii ka soo baxdey baaqyadii iyo codsiyadii musharxiintu ay horey u gudbiyeen. Musharaxiinta kulankan isugu yimid ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere. Musharxiinta ayaa gebegebadii shirka waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob. Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn In la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada. Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman. Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha. Hoos ka aqriso bayaan kasoo baxay musharaxiinta
