-
Content Count
214,292 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa xarunta madaxtooyada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wefdi uu hoggaaminayo. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo looga warbixiyay kulanka. Qoraal ayaa sidoo kale lagu sheegay, in madaxweynaha iyo safiirku, ay kulankooda uga wada-hadleen, arrimo ay kamid yihiin xiriirka Puntland&Maraykanka, la’dagaallanka Argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya dhaqaalaha iyo deyn cafinta. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.” PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Puntland iyo safiirka Maraykanka? appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Mudaneyaal gaaraya 77 oo kamid ah baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta lagu dhaariyey Dhuusaamreeb, caasimada maamulka. Xildhibaanadda ka dhiman wadarta guud oo ah 89 ayaa la sheegay in ay ku maqan yihiin howlo kale iyaddoo qaar kale aanan wali lasoo xulin. Madasha lagu dhaariyey xubnahaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa sharcidejiyeyaal ka tirsan Aqalka Hoose iyo mas’uuliyiin dowladda federaalka Soomaaliya ka socday. Talaabada xigta ayaa lagu sheegay in ay yeelan doonan fadhigoodii koowaad, iyaddoo kadibna la guda geli doono doorashadda madaxtinimadda dowlad goboleedkaas. View the full article
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ganacsatada deegaan ahaan ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmooyinka Diinsoor, Qansax-Dheere, Waajid iyo Xudur ayaa shalay deegaanka Iidaale kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Ganacsatada oo badankood ka safray magaalada Baydhaba ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay Al-Shabaab uga codsan lahaayeen in go’doonka looga qaado deegaanadooda. Sida ay sheegeen xubno ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb galay, Al-Shabaab ayaa ganacsatada ka dalbaday lacag dhan 300,000 oo kun (Sedax boqool kun oo dollar), si ay go’doonka uga qaadaan. Ganacsatadaan ayaa inta aysan aadin Al-Shabaab waxay la kulmeen xubna ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo u sheegay inay u tagayaan Al-Shabaab, isla markaana kala hadlayaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa deeganada maamulkaas. Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno arrintaas waxay sheegayaan in ganacsadii la kulantay Al-Shabaab ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaas oo markii hore ay ka amba-baxeen, mana jirto wax ay isla soo meel dhigeen iyaga iyo Al-Shabaab, sida aan xogta ku heleyno. Lacagta Al-Shabaabka ay dalbadeen ayaa lagu warramayaa inay ganacsatada ay dareemeen inay aad ugu badan tahay, mana cadda hadda tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan. Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-11012020.mp3 View the full article
-
Cairo - WASHINGTON (AP) — The White House is considering dramatically expanding its much-litigated travel ban to additional countries amid a renewed election-year focus on immigration by President Donald Trump, according to six people familiar with the deliberations. Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (Caasimada Online) – Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba ciidan oo kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, waxaana xiisadaan dagaal la sheegay in laga abaabulay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo. Caasimada Online ayaa ogaatay in magaalada ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan qaar kamid ah Milateriga Soomaaliya oo halkaasi ku sugnaa iyo ciidan Muqdisho laga diray oo isku dhinac ah, iyo ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland. Maalintii Khamiista ee 9-kii bishaan waxaa magaalada Baardheere gaaray ciidamo aad u qalabeysan waxaana isla maalintaas magaalada gaaray Gudoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka Gobalka Cusmaan Nuur Xaaji iyo guddoomiyaashii degmooyinka oo muddo ku sugnaa Muqdisho. Guddoomiyaha iyo maamulada kale ee la socda ayaa maanta la kulmay dadka degaanka waxayna u sheegeen in ay toos u hoos tagaan Muqdisho, islamarkaana qofkii laga maqla Jubbaland la xiri doono. Sidoo kale Cusmaan Nuur Xaaji ayaa dadka Baardheere u sheegay in Gedo ay halis ugu jirto dowlado shisheeye oo taageersan Axmed Madoobe sidaas darteed aan loo dulqaadan doonin qofkii Axmed Madoobe ka amar qaata. Dhinaca kale waxaa magaalada Gaaf wareegaya ciidamo ay kala hogaaminayaan guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobalka Sheekh Maxmed Xusen Alqaadi, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad gobalka ee dhawaan la magacaabay Macalim Koofi iyo guddoomiyaha degmada Baardheere, kuwaas oo ka amar qaata Amxed Madoobe waxayna wataan gaadiid dagaal iyo ciidan hubeysan. Bulshada ku nool Baardheere ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wajahayaan xaalad cabsi ah islamarkaana ay halis ugu jiraan dagaal laga abaabulay Muqdisho iyo Kismaayo. Lama oga hadlka ay ku dambeyn doonto xaaladda gobalka Gedo oo ay wada joogaan laba ciidan oo ka kala amar qaata dowladda dhexe iyo Jubbaland, sidoo kalane ay joogaan laba maamul oo iska soo horjeeda, kuwaas oo laga amro Muqdisho iyo Kismaayo.
-
Kuwait (Caasimadda Online) – Waxaa si lama filaan ah dalka Kuwait ugu geeriyooday Sheekhii Daaciga ahaa ee reer Falastiin Al-Xaaji Maxmuud Cabdul Baaqi (Abuu Khadaab) kaasoo ahaa 83 sano xilli uu khudbad ka jeedinayey xaflad Aroos ah. Waxaa baraha Bulshada si weyn ugu faafay muuqaal muujinayo daqiiqadda ay nafta ka baxeysay xilli uu ku dhawaaqayey kalmadda “Laa Ilaaha Ilalaah” ka hor inta uusan neefsan neeftii ugu dambeysay ee noloshiisa. Xilliga uu dhimanayey Shiikha ayuu khudbad diini ah u jeedinayey koox dhallinyaro ah oo ka qeyb galeysay Xafladda Arooska, wuxuuna kula dardaaramayey inay dhallinyarada noloshooda dhan walba uga daydaan Rasuulkeena Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee. Shiikha ayaa marayey gabagabada wacdigiisa, wuxuuna kusoo xirayey Kalimada “Laa Ilaaha Illalahaa” wuxuuna markaas kadib qaatay neeftii ugu dambeysay noloshiisa. Abuu Khadaab ayaa Jinsi ahaan kasoo jeeda Falastiin, wuxuuna ku dhashay Magaalada Bal’a oo ka tirsan Gobolka Tulkarm ee dhulka reer Falastiin. Shiikha ayaa darajada labaad ee waxbarashada ka qaatay Jaamacadda Kuwait, gaar ahaan Kuliyadda Daraasaadka Islaamka. Sidoo kale Shiikha ayaa ka shaqeenayey howlaha tabarucaadda dadka Masaakiinta ah. Culimada wadamada Carabta ayaa ammaanay Daaci Al-Xaaji Maxmuud Cabdul Baaqi (Abuu Khadaab) iyo sida wanaagsan ee uu ugu shaqeeyay howlaha sadaqada ee laga wado Kuwait iyo dunida Carabta, maadaama uu gacan ka geystay sameynta gudiga Zakada Al-Othman, kaas oo loo arko inuu yahay mid ka mid ah guddiyadii Zakada ee ugu horeeyey dunida Carabta. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Daaciga iyo sida ay geerida ugu timid Allaha u naxariistee
-
(SLT-Hargeysa)-Abaaro Labadii Duhurnimo ee maanta ayaa Nin ku hubaysani Mindi waxa uu ku weeraray Arday 14 jir ah oo ka soo baxay Imtixaanka Dugsiga Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa. Ninka Mindida sitay ayaa laba jeer Ardayga kaga dhuftay Misikta iyo Bawdada, waxaana Ardayga ka soo gaadhay dad goobta joogay. Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee ninkani u weeraray Ardayga, balse Axmed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay in markii uu waydiiyey sababta uu Ardayga midida ula dhacay ayaa sheegay inuu u sheegay inuu ka amaan waayey. Ciidamada Bileyska ee Saldhiga Bileyska ee xaafadda Sheekh Nuur ayaa xidhay ninka dhaawacyada u gaystay Ardayga lskuulka ka soo baxay. Source
-
Iiraan oo faah-faahin ka bixisay qaabkii ay u soo ridday diyaaraddii Rakaabka Diyaaradda ayaa burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka kacday Tehran Militariga Iiran ayaa waxay sheegeen in “si aan ula kac ahayn oo kama ah ” ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukrainian,sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan. Baaaritaan la sameeyay ayaa muujinaya “in Gantaalkan si qaldan diyaaradda loogu riday”, waxaa sidaasi sheegay madaxwayne Xasan Ruuxaani. Waxa uu intaa ku daray in arrintan ay ahayd “qalad aan la hilmaami doonin”. Militariga Iiraan ayaa waxay sheegeen in diyaaradan ay ku soo dhawaatay goob xasaasi ah oo ay leeyihiin ilaalada Kacaanka Iiraan islamarkana loo maleeyay in ay tahay diyaarad cadow. Iiraan ayaa horey u diiday wararka sheegayay in ay masuul ka ahayd burburka diyaaradda.. Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176. Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas. Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran. Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay jimcihii in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa. Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas. “Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”, ayuu ra’iisul wasaaraha Canada. Balse Iiraan ayaa xilligaasi diiday in ay diyaaradda soo dhacday ka dib markii ay gantaal ku tideen/. Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq. Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine. Qaran News
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay war-murtiyeed wadajir ah oo laga soo saaray booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Eritrea iyo wada-hadalladii uu dalkaas kula yeeshay dhiggiisa Isaias Afwerki. Hoos ka aqriso qoraalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki. Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal. Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay. Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018. Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika. Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka. Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay. Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho. Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya. Waxaa lagu soo saaray Asmara, Ereteriya 11-ka Jannaayo 2020
-
Kulankii 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi .Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay. Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Cabdulaahi Abuukar Xaaji ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal. Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka lagu wareejin doono Guddiga ku-meel gaar ka ah ee golaha Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay Guddi Xildhibaanno ah oo ka koobnaa todoba xubnood oo Gudomiye u yahay Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, iyagoo ka soo shaqaynaya sharcigaan, isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan Senatorada. 27-kii bishii December ayay ahayd markii Golaha shacabka ay meel mariyeen sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki. Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal. Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay. Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018. Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika. Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka. Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay. Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho. Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya. View the full article
-
Lamu (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa bilowday baaritaan ku aadan weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaden Saldhigga Militari ee Mareykanka ee ku yaalo Magaalada Lamu ee dalka Kenya kaasoo lagu dilay saraakiil sar sare. Sidoo kale weerarkii Al-Shabaab ee Axaddii lasoo dhaafay ku qaadeen Saldhigga Mareykanka ayaa waxaa lagu dhaawacay xubin ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka. Taliska Maraykanka ee Qaaradda Africa oo mas’uul ka ah howlgalada Mareykanka ee Qaaradda Africa ayaa saldhigga uu weerarka ka dhacay usoo diray saraakiil baaritaan ku sameyso. “Waxan deg-deg ugu diray xubno taliskeyga ka tirsan si ay ciidankeena iyo taliyeyaasha saldhigga jooga uga soo dhageystaan faahfaahinta weerarka ay ku qaadeen Al-shabaab” ayuu yiri Taliyaha Africom Gen Stephen Townsend. Major General Michael Turello oo ah taliyaha howgaladda dibadda ee geeska Africa ayaa kamid ah saraakiisha loo diray Saldhigga. Sidoo kale waxaa kamid ah General Leonard Kosinski oo ah Taliyaha guutada ciidanka cirka ee howlgalada Africa iyo saraakiil sare sare si baaritaan dhab ah loogu sameeyo qaabkii ay u fududaatay in la weeraro saldhigga Mareykanka ee laga hago duqeymaha iyo weerarada ka dhaco Soomaaliya. Markii ay Al-shabaab weerareen Saldhigga ay deganyihiin military-ga Maraykanka iyo Kenya ee Manda Bay waxaa halkaasi la geeyay ciidanka kale oo ka tirsan Africom kuwaas tiradoodu u dhaxayso 50 illaa 100 askari. Lamu oo ah halka uu ku yaalo Saldhigga Mareykanka ee la weeraray ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka Shacabka ah oo cabsi ka qabo in kooxda Al-Shabaab ay mar kale weerar kusoo qaado Saldhigga. Kooxda Al-Shabaab ayaa ah koox xiriir la leh Al-Qaacidda, waxayna ka dagaalantaa Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalka Kenya oo ay ka sameysteen saldhigyo waaweyn sida keynta Boni oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Al-Shabaab-ka ugu badan ee weerarada ka geysto gudaha Kenya.
-
Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeynayaa sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiinayaan aqrinta koowaad. Laba todobaad ka hor ayaa guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa todoba xubnood, kuwaas oo diyaarinaya sharcigaan isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada. 27-kii bisha December ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan. View the full article
-
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 7 dal oo ka mid ah Qaramada Midoobay oo waayi doona xaqa codka golaha guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ugu wacan tahay bixin la’aanta dhaqaalaha xubinimada. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa farta ku fiiqay in dalalkaaa dib uga dhacay buuxinta lacagtii xubinimada ayna xaq u yeelan doonin inay codeeyaan. Golaha guud wadamada Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 193 dal, waxaa kaloo ka mid ah dalalka arrintan saameynayso Venezuela, Lebanon, Sao Tome and Principe, Comoros, Gambia, Lesotho, Tonga iyo Yemen. Qodobka 19-aad ee xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in xubintii muddo 2 sanno ah bixin weyda dhaqaalaha aanay ka codeyn doonin golaha. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada darajada hoose kaga jiro dhaqaalaha Adduunka, wuxuuna wadanka mar dhow kasoo baxay dagaalo sokeeye inkastoo aysan weli jirin dowlad awood leh iyo wax soo saar ku filan, waxaana dhaqaalaha Dowladda kabo dowlado shisheeye oo ay kamid yihiin Hey’adaha Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa waxaa loo soo jeediyey digniin culus oo ku aadan arrintaan, waxaana laga codsaday inay si deg deg ah u bixiyaan lacagta. Sidoo kale Venezuela oo kamid ah wadamada codka weyn doono ayaa dad lagu qiyaasay 4.5 milyan oo qof ka cararay Venezuela tan iyo sanadkii 2015, iyagoo ka baxsaday sicir barar, adeegyada bulshada oo aan ku filneyn, amni darro iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhexjirtay dal mar ka mid ahaa kuwa ugu taajirsan Latin America maadaama uu wadanka lahaa keydka saliidda oo aad u ballaaran. Sidoo kale Dalka Lubnaan ayaa wuxuu wajahayaa dhibaato dhaqaale middii ugu xumeyd tobanaan sano, waxaana kor u kacay qiimaha Korontada, waxayna dadweynaha Lubnaan ka cabanayaan Canshuur badan oo lagu sogay, waxayna codsanayaan in la badalo hoggaanka siyaadeed ee dalka heytay tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii Sokeeye ee 1975. 20 wadan oo kamid ah 193 dal ee ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay ayaa bixiyo 83.78% lacagaha UN-ka la siiyo halka 173 dal ee kale ay bixiyaan 16.22% oo kaliya. 10 kamid ah 20-kaas wadan ayaa waxaa xusid mudan inay iyaga bixiyaan 68.89% oo kamid ah 83.78% oo ay bixiyaan 20-ka wadan ee lacagta ugu badan siiyo Qaramada Midoobay. Source
-
Guddoomiyaha maamulka Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Mudane Mustaf Cali Khayre ayaa maanta ka warbixiyey dib u dhis ballaaran oo ka socda gudaha degmadaasi. Mustaf Cali Khayre ayaa sheegay in illaa saddex waddo oo muhiim ah lagu dhisay barnaamijka Isxilqaan ee uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inayka qeyb qaataan horumarka iyo dhiska ka socda dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-1-jaamac.mp3 View the full article
-
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta xoojiyey amniga Boosaaso, kadib markii uu saaka gaaray Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid C/laahi Maxamed (Deni). Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay howlgallo lagu xaqiijinayo ka bilaabeen halkaasi, si loo adkeeyo amniga inta uu Madaxweynuhu joogo halkaasi. Sidoo kale Deni ayaa kulamo lagu qaboonayo xiisada ka taagan degmada Boosaaso ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Kulamadan ayaa waxaa intoooda badan looga arrinsanayaa mad-madowga u dhexeeya xukuumadda Siciid Deni iyo waxgradka magaalada Boosaaso. Tan iyo markii loo doortay xil kaan sanad ka hor Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu dhaliilo kala kulmayey siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka gobolka Bari. View the full article
