Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. t’s an early Saturday evening, and nurse practitioner Muna Osman and her team are setting up a community meeting room at the Living Well Kent center for one of their health care classes. Source: Hiiraan Online
  2. JIGJIGA (HOL) - Legendary Somali musician Daud Ali Mashaf, famed for his mastery of the kaban (oud), and a lead singer in the famous Waaberi Band in the 1980s has passed on. Source: Hiiraan Online
  3. JIGJIGA (HOL) - Legendary Somali musician Daud Ali Mashaf, famed for his mastery of the kaban (oud), and a lead singer in the famous Wsaberi Band in the 1980s has passed on. Source: Hiiraan Online
  4. Wasiirka Beeraha Somaliland oo dalka Holland kaga qayb galay shir lagaga hadlay Horumarinta Wax soo saarka Beeraha Utrecht-(Qaran-news)-Wasiirka Wasaarada Hormarinta Beeraha Somaliland Mudane Ahmed Muumin Seed ayaa Ka qayb galay shir Lagaga hadlayay Wax soo saarka Beeraha Kulankaas oo ka dhacay Wadanka Nederland (Holland). Ugu Horeyn Waxa hadalka furay wasiir Axmed Muumin Seed oo u mahad celiyey dadkii shirkaasi soo qaban qaabiyay, isagoo dhanka kalena wasiirku halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo uu kaga waramay qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Somaliland ee dhinaca beeraha. Waxa uu wasiirku sidoo kale ka codsaday xukuumada Nederland (Holland) inay Somaliland ka caawiyaan horumarinta beeraha iyo in la isweydaarsado aqoonta casriga ah ee la xidhiidha beeraha. Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxa kale oo uu si guud uga waramay xaalada Somaliland iyo horumarka baaxada leh ee dalka ka socda. Sidoo kale waxa isaguna shirka ka hadlay Mr.Harry van Bommel oo ah xildhibaan hore oo u dhashay dalka Holland isla markaana u ololeeya qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland. Waxaanu sheegay mr.Harry Van Bomel inuu tagay Somaliland kuna soo arkay indhihiisa xaalada nabadgelyo iyo xasiloonida ka jirta iyo horumarka halkaasi ka socda. Wuxuuna ugu baaqay reer Somaliland inay xooga saaraan wax soo saarka beeraha Waxa iyaguna ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay xubno ka mida jaaliyada Somaliland ee dalka Holland. Waxayna ugu baaqeen aqoonyahanka reer Somaliland ee dalkaasi ku nool inay aqoonta ay halkan ka barteen uga faa’iideeyaan dalkii. Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-24012020.mp3 View the full article
  6. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guda jira Kulano uu Nairobi kula leeyahay Beesha Caalamka ayaa wuxuu maanta la kulmay Safiirka Dowlada Faransiiska [...] Source
  7. Illaahay janadii haka waraabiyee Waxaa maanta Magaalada Jigjiga ku geeriyooday Daa’uud Cali Masxaf oo kamid ahaa Fanaaniita Soomaaliyeed. Daa’uud wuxuu caan ku ahaa garaacida Kitaarka, [...] Source
  8. Inkasta oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay horay u shaacisay muddo haatan sanad laga joogo xirista xabsiga godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, hadana Goobjoog News ayaa ogaatay inuu xabsigan weli furanyahay, oo dadka lagu xiro. Xabsigan oo sababaha loo xiray markii hore lagu sheegay cabasho ka timid hey’adaha xuquuqul insaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaan la ogeyn sababta weli loo isticmaalayo. Mas’uuliyiin sare ayaa Goobjoog News la wadaagay caddeymaha inuu xabsiga weli shaqeeyo, oo dadka lagu baaro, laguna xiro. Dhanka kale, Goobjoog News ayaa la hadashay qaar ka tirsan dad qaab dambi baaris ah loo geeyey bishii tagtay xabsiga godka Jilacow, kuwaas oo sidoo kale sheegaya iney indhahooda ku arkeen dad xiran iyo xabsiga oo caadi u shaqeeyo. Arrimaha aan ogaanay inta aan baarista wadnay waxaa ka mid ah xabsigan ay adeegsadaan hey’adda nabadsugidda gobolka Banaadir. Jeneraal ka tirsan booliiska Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hey’adda booliiska Soomaaliyeed aaney wax ka ogeyn xabsiga inuu furan yahay iyo in kale. Iskudey xiriir oo aanu la sameynay sirdoonka gobolka Banaadir iyo hey’adda Asluubta ayaan suurogelin. December 16,2018: Xaflad ay Goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhul uu leeyahay oo ay ku daneysanayaan shaqsiyaad. Sarreeye Guuto Mahad Cabdiraxmaan, taliyaha Asluubta Soomaaliya, ayaa shaaciyey in ay ku howlan yihiin sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen. Mr Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaadey in qorshahooda uu yahay in nidaamka soo celin ay u maraan si sharci ah. Isagoo hadalkiisa sii wata, taliye Mahad ayaa ku booriyey muwaadiniinta haysta dhulkaas in ay si nabad ah isaga soo celiyaan hantida qaran. Hadalkan ayuu sheegay xili uu wareysi siiyey Barnaamijka Madasha ee ka baxa Talafishinka Caalamiga ah ee Shabelle xaruntiisa dhexe ee Muqdisho. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/SAS.mp3 View the full article
  10. Haweenay Ciraaq ka timid oo damacsan kursiga Ilhaan Cumar Dalia Al-Aqidi Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in IlhanCumar ay kula tartanto doorahsada Mareykanka, gaar ahaan Minesota oo ah halka Ilhan laga soo doorto. Haweeneydan oo katirsan isla xisbiga ay Ilhan ee dimuqraadiga ayaa sheegtay in Ilhan Cumar “ay tahay mixnad horleh oo kusoo korodhay siyaasadda Mareykanka, waxayna intaa raacisay in khaladaadka Ilhaan ay ku boorisay in ay u tartanto kursiga Aqalka Kongreska ee Ilhan ay ku matesho Minesota. “Sababta igu dhalisya in aan kursiga kula loolamo Ilhan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar aysan ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tiri Dalia Al-Aqidi oo la hadleysya telefishenka Fox News ee dalka Mareykanka. Dalia ayaa intaa raacisay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay ka jawaabto su’aala badan, maadaama sida ay sheegtay ay “dhibaato u geysata dad badan oo Amerikaan ah “. Waxaa kale oo ay sheegtay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay wax u qabato deegaankii laga soo doortay, sharci walba oo ay meelmarisana uusan waxtar u lahayn dadka ku nool halka laga soo dortay. Ilhan Cumar Haweeneydan oo ah saxafiyad horay uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq. Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Ilhan Cumar ay shaacisay ololaheeda doorashada oo ay markale ku dooneyso in lagu doorto. Ilhan ayaa bilawday hal ku dhigga ah “dib ugu celi aqalka Kongreska” oo ay ula jeedo dib u doorashadeeda. Doorashada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha Nofembar ee sanadkan2020-ka, waxaana inta ka horeysa la geli doonaa doorashada xisbiyada dhexdooda, halkaas oo ay kusoo bixi doonaa hadba dadka xisbi walba ku mateli doonaa doorashada guud ee Mareykanka. Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaali, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump. Qaran News
  11. Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Ismamaulka Soomaalida ayaa sheegaya inuu maanta uu magaalada Jigjiga ku geeriyooday Allaha u naxariistee fannaankii Daa’uud Cali Masxaf. Mas’uul ka tirsan maamulka Soomaalida ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey geerida fannaan Daa’uud Cali Masxaf, oo ka mid ahaa hobolladii Waaberi. Dhinaca kale, abwaan Cabdi Dhuux oo isna la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in Daa’uud uu qabay cudurka sonkorta, kaasi oo la rumeysan yahay inuu hadda u dhintay. Cabdi Dhuux waxa uu sheegay in Daa’uud aan cudurkaas loo seexan isbital, balse u si lama filaan ah ugu geeriyooday. Daa’uud Cali Masxaf ayaa ka mid ah dadka ugu horreeya ee Soomaalida marka ay noqoto garaacista gitaarka, oo aad looga dambeeyey, wuxuuna sidoo kale ahaa laxamiiste. Waxaa sidoo kale uu luuqeeyey heeso caan, oo uu saaray laxano aad loo ammaanay, iyo kuwa kale oo uu laxanka saaray balse aanu ku luuqeyn. Waxaa hadda fanaan ah wiilkiisa Saciid Daa’uud oo Muqdisho ku nool. Illaa iyo hadda ma cadda qorshaha ehelkiisa iyo dowladda, ee ku aadan halka lagu aasi doono, iyo in Muqdisho la keeni doono iyo in kale.
  12. Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax uu ka dhacay jidka u dhexeeya Balcad iyo Jowhar. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareed ku sugan magaalada Balcad, qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad. Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen askar dhowr ah. Gurmad ayaa la sheegay inuu socdo, kaasi oo lagu daadguraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi. Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab weli wax war ah kama aysan soo saarin qaraxan. Waddadan iyo guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa amniga aad u xumaa bilihii tagay, ayada oo ay kusii xoogeysanayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab. Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay ayada oo dagaal-yahanno badan ay kasoo carareen gobolka Shabeellaha Hoose eek u dheggan Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada dowladda. Marar badan ayaa dadka deegaanka waxa ay ka codsadeen dowladda inay howl-gallada kusoo fidiso gobolka Shabellaha Dhexe, balse weli ma jirto cid dhageysatay dalabkooda.
  13. Waxaa goordhow magaalada Jugjiga inuu ku geeriyooday la xaqiijiyey fannaanka iyo mulaxinihiistaha caanka ahaa Daa’uud Cali Masxaf. Daa’uud waxaa uu caan ku ahaa laxanka iyo Music-ga isaga oo ku lamaaanna inta badan hobollada Waaberi ee qaranka. Arrimaha la xiriira geeridiisa iyo taariikhdiisa kala soco halkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. BY ELLEN MITCHELL The U.S. military on Thursday released new details of the Jan. 5 attack on a Kenyan airbase used by U.S. troops following a New York Times report that described the scene as chaotic. U.S. Africa Command (Africom) in a statement pushed back on the Times report, which noted that American forces were surprised by an al-Shabaab attack on the Kenyan Defense Force Military Base in Manda Bay, Kenya, taking roughly an hour to respond and even longer to evacuate a wounded Pentagon personnel. U.S. Army Spc. Henry Mayfield and two U.S. contractors, Bruce Triplett and Dustin Harrison, were killed, and six contractor-operated civilian aircraft were damaged in the incident. “The tragic loss of these brave Americans and the damage and destruction to aircraft demonstrates the enemy achieved a degree of success in its attack,” according to the statement from Africom. “However, despite public reports, an initial assessment indicates that a timely and effective response to the attack reduced the number of casualties and eliminated the potential for further damage.” The attack on the base, situated on the coast and near the Somali border, was largely overshadowed at the time as it came two days after the U.S. drone strike ordered by President Trump that killed top Iranian Gen. Qassem Soleimani. But the incident marks the most U.S. military-related deaths in Africa since the October 2017 ambush in Niger where four soldiers were killed. It also puts the spotlight on Defense Secretary Mark Esper‘s plan to draw down U.S. forces in Africa in an effort to shift the Pentagon’s focus to better counter Russian and Chinese aggression. No decisions have yet been made on a possible force reduction on the continent, Esper said on Wednesday. Africom notes that in the early morning hours of Jan. 5, al-Shabaab hit the Kenyan installation and Camp Simba — where U.S. Marines are based — with mortar fire while simultaneously assaulting the airfield. Shortly after, U.S. forces at Camp Simba “quickly responded and actively counterattacked the enemy at the airfield.” The command said that U.S. and Kenyan Defense forces repelled the attack, killing five al-Shabaab terrorists. “While numbers are still being verified, it is estimated that several dozen al-Shabaab fighters were repelled. Because of the size of the Kenyan base, clearance and security operations continued for several more hours to ensure the entire base was secure.” The Pentagon immediately after the Kenya incident sent about 100 troops from the 101st Airborne Division to establish base security. The Times reported that Army Green Berets from Germany were also sent to Djibouti in the case that al-Shabaab, an East Africa-based al Qaeda affiliate, attempted to take over the base. There are less than 350 Defense Department personnel in Kenya, with the primary role of training Kenyan forces, intelligence sharing and personnel recovery. Africom continues to investigate the attack. Source: The Hill
  15. Nairobi (SMN) – Shirar looga hadlayo ammaanka iyo sidii meel qura looga soo wada wada jeesan lahaa Dowladda iyo Shacabka Kenya Al-Shabaab ayaa waxay ka socdaan Deegaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalkaasi Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Ibraahim Roba, ayaa faah-faahin ka bixiyay qodobbadii kasoo baxay kulan shalay ka dhacay halkaasi oo looga hadlayay ammaanka iyo ka hortagga Weerarada Alshabaab. Guddoomiyaha oo Warbaahinta la wadaagay qodobbadii kasoo baxay kulanka ayaa sheegay in ay ka Dowlad ahaan xoojin doonaan ilaalinta xadka ay Soomaaliya la wadaagaan, lana kordhin doono kormeerka xagga ammaanka ah ee ay Ciidamadu samaynayaan. Mr Roba, ayaa sidoo kale sheegay in la xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Shacabka iyo Askarta, lana joogteeynayo kulamada xagga ammaanka, iyadoo la samayn doono Boliis keyd ah oo tababaran, Dad soo gudbiya xogta Al-Shabaab iyo in Ardayda Iskuullada lagu bari doono dhibaada Xagjirnimada Guddoomiye, Cali Ibraahim Roba, ayaa sheegay in ay Bulshada iyo maamulku isla go’aansadeen in ay mas’uuliyad wadareed buuxa iska saaraan sugidda nabad-gelyada Dalka. Dhowaan ayay ahayd markii ay shirar noocan oo kale ahi ka dhaceen Magaalada Gaarrisa iyo degaanno ka tirsan Waqooyi Bari Kenya, iydoo Shacab iyo maamulba ay isla garteen in si wada jir ah looga hortago Falalka Amaanka ka dhanka ah. View the full article
  16. Somalia is targeting to raise US$ 1 billion to provide life-saving assistance and livelihood support to 3 million people. The Somali government through the ministry for Humanitarian Affairs and Disaster Management is partnering with the United Nations and humanitarian partners in the 2020 Somalia Humanitarian Response Plan which was launched on Wednesday in Mogadishu. The action plan targets 1.7 million people displaced by conflict, insecurity, forced evictions, droughts and floods. Severe acute malnutrition rates among children are high with some areas having Global Acute Malnutrition rates of over 20 per cent. United Nations Humanitarian Coordinator for Somalia said the UN and its partners are working to ensure that emergency and development assistance complement each other in line with the Government development plan in order to achieve long-term recovery and resilience,” The plan aims to provide food assistance monthly to 2.1 million people, support access to education for more than 300,000 children, provide health assistance to 2.5 million people, and deliver safe water to more than 1.2 million people. According to the Plan, more than half of Somalia’s population lives below the poverty line. Among poor agro-pastoral, marginalized and displaced communities, huge food and nutrition gaps exist The Humanitarian Response Plan focuses on four core objectives: which are reducing the prevalence of acute malnutrition and health needs; meeting the basic needs of people across 74 districts; strengthening protection and right to safety and enhancing the capacity of IDPs to cope with significant shocks. Somalia Minister for Humanitarian Affairs and Disaster Management Hamza Saeed Hamza said the government is already working on efforts to address the crisis. “The response plan complements ongoing Government efforts to address the humanitarian and livelihood crises in the country,” the minister said. The government is fully committed to working with all humanitarian agencies operating in the country to implement the 2020 Humanitarian Response Plan,” BY ODINDO AYIEKO
  17. MOGADISHU, Somalia, 23 January, 2020 – Somali Journalists Syndicate (SJS) protests against the draconian Somali Media Law (amendment) passed by the Upper House on Tuesday 14 January, 2020 and calls for President Mohamed Abdullahi Farmaajo to exercise Constitutional powers to withhold and refuse to sign this bill into law which was submitted to the Office of the President on Thursday 16 January, 2020. While accreditation and registration of journalists is a self-regulatory, it is absolutely unacceptable that Article 18 (Clause 1 and 2) requires journalists including foreign journalists working as freelancers to register on government database under the Ministry of Information and the Somali Press Council. “This law will not only censor journalists and media in Somalia, it is a law threatening journalists by criminalizing critical news coverage and seeks to constrain journalists from doing their duties. This is a serious affront to press freedom in Somalia,” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said “We call President Mohamed Abdullahi Farmajo to use his constitutional powers and reject signing this law.” – For the first time in history, the Somali Media Law justifies prior censorship to be imposed on the media on a condition that a media house is deemed to be breaching laws including the Media Law itself, according to Article 3 (Clause 3). – The Media Law should forbid any type of prior censorship unconditionally and guarantee the right to freedom of information as enshrined in Article 18 and 32 of the Provisional Federal Constitution (2012). The right to freedom of expression is also protected by Article 19 of the Universal Declaration of Human Rights (UDHR) which Somalia is a signatory and in the Article 9 of the African Charter on Human and People’s Rights (ACHPR). – Journalists should not be censored or restricted from coverage under the pretext of vaguely worded provisions as per Article 4 (Clause T, J and X) which cites“spreading false news”, “inciting violence or promoting tribalism”,“spreading unfounded propaganda”, “disseminating any news that contains hate or extremism”. This article should be removed. – Article 5 (Clause T) which seeks imposition of a monetary fine (that will be issued in the form of a special regulation) on journalists, editors, media managers for breaching the media law or breaking government-owned Press Council’s “code of ethics” are indeed worrisome and intimidation against journalists and should be deleted.We also demand the removal of Clauses “J” and “X” that further give the Attorney General to prosecute journalists, editors and media managers over “payment of fines”. – The requirement for media houses to obtain a license as stated in Article 9 (Clause X) is illegitimate with regard to online and print media. It is also not necessary for the already licensed broadcast media outlets to seek new license. We also refuse the imposition of advance deposit of unspecified amount of money for any new media house before seeking license, as described in the same Article 9 (Clause X). – Article 11 (Clause J and X) which requires media owners to declare amount of money to be invested on the media house, its source of income/funds, private addresses and identity of managers as prerequisites for applying registration should be removed. The information required for registration of media should not include irrelevant details such as private addresses or personal income of managers and their educational qualifications. – Article 13 which states transition phase and mandates all media houses (new or previously registered) including online media to seek new registration within 60 days from the day this bill is assented into law is again illegitimate and should be removed. – Article 14 (Clause 1, 2 and 6) gives Ministry of information the firm control on Somali Press Council. The Somali Press Council should be independent from government interference at all. – Article 16 (Clause 1) imposes multiple licensing and registration procedures on all media outlets, to be overseen by the Ministry of Information of the Federal Government, the Somali Press Council and the Federal Member States’ Ministries of Information. This is a problematic article and inappropriate in democratic country. It will create more hurdles for media houses and will cost more money. – Outrageously, Article 29 (Clause 1) criminalizes perceived critical reporting by imposing draconian penalties for “dissemination or publication of false information”, “incitement” or “spreading Propaganda against the dignity of any citizen, individual, institution or the government”. The same Article violates the protection of journalistic sources as one of the key rights journalists have in order to exercise their freedom of expression and to execute their duties as a ‘’public watchdog”. We call the removal for this article.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ugu wareejisay dowladda Denmark gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan. Gabadhan oo haysata dhalashada dalka Denmark, balse hooyadeed dalka ula soo carartay si ay aysan uga leexan dariiqa saxda ah ee Islaamka, ayey dowladda dib ugu gacan gelisay Denmark, ayada oo uga aargudaneysa dhalleeceyn ay hooyo Amran u jeedisay Villa Somalia. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Shalay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayay inta afduubeen Itoobiya u dhiibeen. Maantana Amal Nuur Cusmaan oo waalidkeed dhul gaalo kala soo cararay si diinteeda iyo dhaqankeeda loo badbaadiyo ayay Mogadishu inta ka afduubeen dib ugu celiyeen dalkii lagala soo cararay!? Shalay ayay ahayd markii uu soo shaac baxay muuqaal muuqaalka Amaal Nuur Cusmaan oo ay wareysaneyso Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, islamarkaana ay wehliso safiirka Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen. Ujeedka muuqaalka loo dusiyey ayaa sida aan xog ku helnay ah in lagu muujiyo in aan Amaal wax dhib ah loo gaysan islamarkaana aysan afduuban ciidamada Villa Somalia, sida ay hooyadeed ku eedeysay. Hase yeeshee, muuqaalkan ayaa carro leh ku abuuray shacabka, oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda ay Denmark u gacan geliso gabar loogala soo cararay diinteeda darteed, iyo cabsi laga qabay inay waddada saxan ee Islaamka ay ka leexato, taasi oo hadda ay halis ugu jirto, maadaama lagu celiyey Denmark.
  19. Assistant Secretary of State for African Affairs Tibor P. Nagy traveled to Mogadishu, Somalia today. He and Prime Minister Hassan Khayre had a productive meeting in which they discussed security sector reform and economic development. Source: Hiiraan Online
  20. SOMALILAND WAXA AY U BAAHAN TAHAY SHARCI IYO QORSHE QARAN OO AY KU WAAJAHDO WADAHADALKA SOMALIA ! =========================================== Somaliland sida taariikhda ku xusan waxa dadkeeda ku badan jibada iyo caadifada , waana sababtii dawladninadii aynu helnay 1960kii aynu jarka uga tuurnay ee ilaa maanta aynu uga bixi laanahay ee ay inoo sudhan yihiin Somalia , waayo wax badan ayeynaan hubsan oo jibadii iyo kalgacaylkii inoo hayey midnimo soomaaliyeed iyo shantii somaali oo la isku keeno ayeynu shuruud la’aan cid aan waxa aynu wadno danaynayn ugu gaynay. Deg-degaa iyo caadifadaa waxa inaga soo maray dhibaatooyin badan oo dadkii reer Somaliland calanka iyo dawladnimada dhan watay markii ay koonfur ula tageen ee la sameeyey Jamhuriyadii Somalia ayaa aan cidiba u joojin halkii ay ahayd in waxwalba la qaybsado maadaama oo la ahaa laba dawladood oo isku biiray , dhacdooyinkaa dhacayey waxa ay Signal siiyeen somalidii kale oo intii xorowday aanay jeclaysan in ay ku biiraan meel la isku muquuninayo. Halgano dhaadheer oo gudaha iyo dibadaba lahaa ka dib oo loo waayey kumayaal halyey iyo duunyo waxii la hayeyba u baaba’een waxaa la soo celiyey 18 May 1991 kii dawladnimadii Somaliland ee luntay 1 july 1960 kii waxaana dib loo yagleelay qarankii Jamhuriyada Somaliland ee xornimada ka qaatay boqortooyadii ingiriiska 26 june 1960kii . Somaliland waxa ay soo martay 28 sanadood oo marxalado kala duduwan ahayd , aakhirkii 31 May 2001 dii ayaa Somaliland looga codeeyey dastuur qaran oo ka kooban 130 qodob u qaybsan 5 qaybood , dastuurkaasi waxa u codeeyey dadweynaha Somaliland waxaana ogolaaday 97% oo ogol ugu codeeyey , dastuurku waxa uu si cad u qeexayaa qaranka Jamhuriyada Somaliland ka uu yahay , muwaadiniinta uu leeyahay , xuquuqdooda , xuduudaha dalka , goleyaasha qaranka iyo awoodaha masuuliyiinta sare iyo goleyaasha , calanka , caadimada , diinta , shuruucda iwm. Waxa hadaba Somaliland caqabad ku ah in aanay aqoonsi caalamiya oo dawladnimo wali beesha caalamka ka helin , iyada oo qadiyada Somaliland iyo Somalia ay la mid tahay tii Erateria iyo Ethiopia ay kula kala noqdeen dawladnimadoodii ayaa ilaa maanta aan xal iyo maareyn aduunku u helin in la kala noqdo laba dal oo kala madax banaan oo jaar ah , waxaana aad moodaa in Somali gudaheegana is hagranayso aduunkuna aanu u hagar bixin oo mudo 30 sano wax yari ka dhiman yihiin la isku dul xaniban yahay. Marka aynu haddaba xaga Somaliland u soo noqono wali waxa aad moodaa in jibadii 1960kii ina lumisay in aanay inaga dhamaan sababta oo ah , marka aynu u fiirsano siyaasada arimaha dibada iyo ta lagu wajahayo Somalia waxa ay u baahan tahay qorshe qaran oo aad looga fiirsaday si aan masiirkii umadan marna wadahadal loogu cawarin marna wada hadli mayno oo ay cadaato goorta Somalia lala hadli karaa , goobaha lagula hadli karo iyo waxa laga wada hadlayaaba . Somaliland waxa inagu ceeb ah in masiirkii umaddani inta labada gole qaran ka shireen la yidhi Somalia ayaa lala hadlayaa , markii wadahadaladii natiijadoodii la arkayna aynu is ogaanay in dal ahaan khiyaamo wayni inagu dhacday oo xukuumadii wadahadalka furtay xataa masuuliyiinteedii qireen in aynu ku qasaarnay wadahadaladii hore oo ay yeelan waayeen wax midho dhal ah , hadana maanta marba la soo hadal qaado wadahadal baa la furayaa iwm ah. Haddaba hadii ay noqoto in Somalia wadahadal lala furayo waa in Somaliland sharci iyo qorshe qaran oo la isla og tahay lagu waajahaa wadahadalada lala yeelanayo Somalia , shuruudo iyo sharci adagna loo dhigaa oo aan marba kooxda talada timaada ama inta hogaanka haysaa sida ay la noqoto aanay ugu dhaqaaqin waxii ay doonaan ee uu noqdo wax marjac iyo meel loo noqdo iyo dariiqyo cadcad oo la raacayo leh. Hadii aynaan maanta sharci iyo qorshe siyaasadeed ka sii samaysan waxa ay noqonaysaa in mar kale jibo aynu dalkii waxaasi oo dhib ah loo soo maray ugu gacan galino cidii aynu ku hungownay 1 july 1960kii oo aan maantana wax kale iska daayee waxii xasuuq dhacay ee maati iyo caruuro diyaaradaha lagu duqeeyay aan garawshiiyo looga hayn , waxaana aan soo jeedin lahaa in shuruudahan lagu xudho wadahadalka Somaliland iyo Somalia. 1- In si siman oo labadii dawladood 1960 kii midoobay ah loo wada hadlo. 2- In Somaliland dhamaan xuduudkeeda ay Somalia ka baxdo meelaha kooban ee ay kaga jirto. 3- In Xasuuqii dhacay iyo dadkii dhintay la qiimeeyo oo magdhow laga bixiyo , dadkii gaystayna la geeyo maxkamada dambiyada aduunka. 4- In waxii Jamhuriyadii Somalia wada lahayd si siman loo qaybsado iyo waxii kale ee aduunku tarayo ee hada la siinayaba. 5- In beeshu caalamku ay Hargeisa iyo Muqdisho si siman ugu xaqsoorto oo aanay u arag dal kaliya oo safiirada Muqdisho fadhiyaa Hargeisa iman ee dawlad waliba safiir u soo magacowdo Somaliland. 6- in waxii kuraasi iyo mansabyo metelaada Jamhuriyadii Somalia ee lawada lahaa ah ee Somaliland iyo Somalia wada lahaayeen la laabo sida kursiga qaramada midoobay amaba laga dhigo laba kursi , hadii kale cid dhex ahi gacanta kusii hayso inta lagu kala baxayo. 7- In shacabka Somaliland laga qaado afti dadwayne hadii aan la qaadanayn aftidii hore ee 31 may 2001 dastuurka dalka loogu codeeyey. 8- In Somalia aanay dadka reer Somaliland ee xamar u shaqo tagey aanay keeni karin wadahadalada. 9- In Cida dhex-dhexaadinaysaa noqoto cid ka madax banaan siyaasada Somalida dhexdeeda taalla ama dano kale ka leh oo aanay dhicin sidii wadahadaladii hore. 10- In cida labada dhinac uga qayb galaysaa wadahadalka ay noqdaan cid gudaha dalkeeda ka fulin karta waxa la isla qaato ee lagu heshiiyo. 11- in dawlada ay la hadlaysaa noqoto mid meeqaam ahaan iyo maamuus ahaanba taagaan halka ay ta Somaliland taagan taagan tahay , oo ay noqoto mid shacab soo doortay isla markaana dalkeeda iyadu maamusha sida xukuumada Jamhuriyada Somaliland. Iwm. Muhamed Dhimbiil Qaran News