-
Content Count
214,292 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa la filayaa inay caawa yeeshaan kulan fool-ka-fool ah ka dib kala fogaansho soo kala dhex galay. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Kulankan ayaa sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika waxa ka soo shaqeeyay siyaasiyiin iyo odayaal is xilqaamay oo dejiyay dareen ka dhashay dacwad ka dhan ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maxkamadda loo gudbiyay. Odayaasha ayaa toddobaadkii hore waxay yeesheen kulan ay kaga arrinsadeen dareenada ka dhashay dacwadaas oo sababi gaadhay xiisad, waxaanay wada jir uga hawlgaleen in xaaladda la dejiyo lana joojiyo dacwada oo ay qoyska Madaxweyne Biixi wadeen ka dib markii uu guddoomiye Faysal u jeediyay eeddo kala duwan. Waxaanay waxgaradkaasi intii uu guddoomiye Faysal dibada ku maqnaa kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi, waxaanay kulamadaasi keeneen in caawa la isku geeyo Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Faysal oo la filayo inay kulankaas iskaga laab xaadhaan is afagaran waagaas. Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Hargeysa si balaadhan loogu soo dhaweeyay guddoomiye Faysal oo si kulul u cambaareeyay hoggaanka dalka oo uu eeddo kala duwana u jeediyay. Si kastaba ha ahaate kulankan ayaa loo dheg taagayaa natiijada ka soo bixi doonta, waxaanay u dhowdahay in labada hogaamiye siyaasadeed kulankaas caawa iskaga cafiyaan qardoofooyinka siyaasadeed ee kala dhex yaalay. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay markale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Olla oo hoos yimaada magaalada Mandera ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in lala beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Booliska Kenya iyo sidoo kale xarun shirkadda Safaaricom ku leedahay halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xoogagooda ay weerarkaasi ku burburiyeen labadaasi goobood, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarka, kana hortageen. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ciidamadu baaritaano dheeraad ah ay ka sameeyeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
-
Shacabka u dhashay Jam. Islaamka ah ee IRAN, maalmahanba CIIL & CADHO aan QIYAAS LAHAYN ayey dibnahooda cunayeen. Mawjado Malaayiin dad ah, oo aad moodo bad dhaqaaqday ayaa Baroor-diiq isugu soo baxay guud ahaanba daafaha dalka IRAN. Ummadda reer IRAN waxay si aan xad lahayn uga murugoodeen Dilkii xaq-darrada ahaa ee uu Maraykanku 03/01/2020 u geystay nin ay dadkiisu u yaqaaneen Geesi iyo Mujaahid Halgamaa ah oo Shacab iyo Dawladba lagu dhaadan jiray: Major General Qassem Suleimani. Wuxuu ahaa Sarkaalkii ugu magaca iyo maamuustaba weynaa Taariikhda IRAN, wuxuu ahaa ADEEGAHA, DANJIRAHA iyo DIFAACAHA RUUXIGA AH ee Dalkiisa oo ay Dileen Cadowga koowaad ee ummadda IRAN:USA. Malaayiintii reer IRAN ee u soo baxay Baroor-diiqdii Qassem Suleimani waxay ku dhawaqayeen dhawr erey oo isku mid ah: Ha loo Aargudo Geesiga! Ha Dhinto Maraykanku, Ha Rogmado Maraykanku! Ha Dhimato Isra’iil, Ha Baaba’do Isra’iil! General Qassem Suleimani wuxuu ahaa nin aad u awood badan, hadalhaynta magaciisuna uu aad u fogaaday. Wuxuu in badan ka saamayn badnaa kana magac weynaa Madaxweynaha la doortay ee dalka IRAN Hassan Rouhani. Dadweynaha IRAN, in ka badan 73% ayaa humaag iyo fikir togan ka haystay raallina ka ahaa shaqsiyada iyo shaqada General Qassem Suleimani. Wuxuu si toos ah ugu xidhnaa oo uu xogta gaarka ah iyo wararkaba siin jiray Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka IRAN Ayatollah Ali Khamenei. Shacabka IRAN waa shacab QAB-WEYN oo leh QIYAM ummadnimo oo ku qotoma taariikh, xadaarad iyo dhaqan soo jireen ah oo aad u fac weyn. Shacabka IRAN waa shacab aqoon ahaan iyo siyaasad ahaanba aad u bisil, waana muwaadiniin dalkooda aad u jecel. Kala-qaybsanaan kasta oo dhexdooda taalla (mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid aragti iyo afkaareed, iwm) dhinac bay iskaga leexiyaan, waxayna u midoobaan sidii ay iskaga celin lahaayeen cadowga dibada ka soo weerara. Waxa xusid mudan in dabayaqadii Sannadkii 2019-kii ay Dalka IRAN gil-gileen Mudaharaadyo Shacab oo aad u xoog badan oo lagaga soo horjeedo Xukuumada hadda talada haysa. Rabshadahaasi waxa ku dhintay boqollaal qof, waxayna khatar galiyeen Amniga iyo Xasiloonida dalka IRAN. M/weynaha Dalka IRAN Hassan Rouhani waxa xilligaa soo waajahay kacdoon shacab oo khatar ku ahaa sii Jiritaanka Xukuumadiisa. Dhinaca kale, ma jirin xal ama farsamo Xukuumi ah oo uu M/weyne Hassan Rouhani wax kaga qaban karayey tabashooyinka riiq dheeraaday iyo muudaharaadyada ay shacabka reer IRAN ku dalbanayeen isbedel siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dalka si degdeg ah uga dhaca. Haddaba, weerarkii ay Dawlada Maraykanku Jimcihii 03/01/2020 ku khaarajisey General Qasem Suleimani waxa kaga soo baxay LABA ARRIMOOD oo muhiim ah oo aan labada dhinac (IRAN iyo USA) midkoodna hore u filayn: Dawladda IRAN oo heshay Midnimo Shacab oo ILAAHAY-KU-SII AH, taasoo noqotay Fursad aanay Xukuumad ahaan marnaba filayn inay heli karaan !! Dhammaan ummadda reer IRAN; Shacab, Dawlad, Muxaafid, Mucaarid, Dhex-dhexaad iyo Xag-jirba waxay iska ilaaween wixii ay iyaga dhexdooda isku hayeen, Dawladooda ayay garab is taageen waxayna u midoobeen khatarta soo food-saartay Dalkooda. Waxay wacad ku mareen in aanu marnaba ka lib heli doonin cadowga Dalkooda ee noocyada badan leh. Falkii iyo Ficilladii uu M/weyne Donald Trump is lahaa ku wiiq awooda Jamhuuriya Islaamka ah ee IRAN, dadkeedana ku kala qaybi, waxay midaysay Maankii, Maskaxdii iyo Muruqii Shacabka reer IRAN, taasoo M/weyne Trump ku noqotay FILANWAA iyo arrin aanu marnaba u fadhiyin; Guntii iyo gaba-gabadii; Dareenka ay muujiyeen Shacabka IRAN ka dib Dilkii General Qassem Suleimani; wuxuu HALBEEG cad iyo HIRAALBA u yahay Qiimaha iyo Quwada ay leedahay Midnimada iyo Wadajirka Ummaddu. Waa dhacdo Cashar iyo ku Dayashaba ugu filan Bulsho kasta oo aan ogayn awoodooda Ummadnimo iyo Qiimaha ay leedahay Bulshada oo u midowda meelna uga soo wada jeesata wax kasta oo khatar ku ah jiritaankooda. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Taliyaha waxaa Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ku toogtay kooxo ku hubeysan buskoolado oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhaayow Cusmaan Aadan, waxaana la sheegay inuu dhawaan yimid Magaalada Muqdisho. Dhaayow ayaa horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee muddo 6 bil ah maamulayey Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ahaa Taliye ku xigeenka Hey’adda NISA ee SH/Hoose iyo taliyaha Degmada Qoryooley. Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsadeen goobta, waxaana daqiiqado kadib soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo sidii looga bartay sameeyey baaritaan ku kooban goobta uu falka ka dhacay iyadoo la ogyahay in kooxaha wax dilo ay isaga tagaan guud ahaan goobta.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorashooyinka ayaa la sheegay inay diideen inay xilka iska casilaan, waxaanay si caadi ah oo maalinle ah u wataan shaqadoodii. Sidaas waxa baahisay shabakadda wararka ee Somaliland Eye. Shabakadda oo soo xiganaysa ilo xogogaal ah oo aanay magacaabin, ayaa sheegtay in guddiga doorashooyinka ee wakhtigani diideen soo jeedintii ergada dhexdhexaadinta ee ahayd in la kala diro lana soo magacaabo gudigii doorashada ee hore, waxaanay shabakadu sheegtay in xubnaha guddiga doorashadu ay sidoodii caadiga ahayd u wataan shaqo maalmeedkooda. Waxa kale oo ay shabakadani sheegtay inaanay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka midkoodna ka hawlgelin sidii xubnaha guddiga doorashada. Xubnaha guddiga doorashooyinka oo aanu isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin. Laakiin warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay shalay ku eekayd 10 January oo ah maalintii loo qabtay in Madaxweyne Biixi ku soo dhammeeyo fulinta labadii qodob ee ay ergadii dhexdhexaadintu soo saartay ee ahaa kala dirista guddigan iyo soo celinta guddigii hore, mana muuqdaan wax bidhaamo ah oo muujinaya in deg deg loo fulinayo labadaas qodob. Source
-
Dabley hubeysan ayaa barqanimadii maanta xaafadda Taleex, degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku dilay taliyihii ciidamada nabad sugida degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo lagu magacaabi jiray, Dhaayow Cismaan Xuseen. Kooxda dilka fulisay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa rasaas ku furtay marxuumka, iyagoona goobta ka baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa dilka kadib soo gaaray goobta, iyagoo meydka ka qaaday halkaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa baaritaano lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
(SLT-Laascaanood)-Badhasaabka gobolka Sool ayaa sheegay in taariikhda hal-gameyaashii Daraawiish aanay ka dhaxaynin bulshadda Soomaalida oo dhan. Balse ay tahay mid ay gaar u leeyihiin dadka reer Somaliland gaar ahaana kuwa gobolka Sool. Waxaanu shaaciyay badhasaabku in guddi wasiirro ah ay xukuumadda Somaliland u xil saartay dib-u-habayn iyo taagista Taallooyinkii iyo taariikhdii Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. C/qani Maxamuud Jiidhe, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kaloo uu tilmaamay in dawladda Somaliland ay ku hawlan tahay sidii loo muujin lahaa taariikhda Daraawiish, isla markaana ay doonayso in dib loo nooleeyo astaamihii Daraawiish. Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Taariikhda Daraawiish, dadka kama dhaxayso. Waxaana iska leh taariikhda Daraawiish gobolka Sool ee jamhuuriyadda Somaliland. Dadka reer Somaliland baana leh. Waxaanay ku jirtaa arrimaha taariikhiga ah ee Somaliland”. Waxaanu intaas raaciyay, “Laba arrimood in la kala saaro ayaa wanaagsan. Haddii ay noqoto Taallo in la taago, Taaladda nidaam dawladeed ayaa lagu taagaa, cid aan dawladda ahayna ma taagi karaan Taallo. Hawshaasi dawladda Somaliland ayaa ku hawlan, in ay astaamihii taariikhda Daraawiishta muujiso. Haday Qalcadii Taleex noqoto, in dib-u-habayn lagu sameeyo ayay doonaysaa dawladda Somaliland, oo ay ka shaqayso. Haday noqoto Taallo biirta Sayid ee Laascaanood laga taago, in ay iyadu taagto ayay rabtaa”ayuu yidhi guddoomiye Jiidhe. Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay dhaqaale la sheegay in laga ururinayo magaaladda Garoowe, arrintaasi oo uu sheegay mid aan anfacaynin Sool. Waxaanu yidhi, “Laakiin, dhaqaale Garoowe lagu ururinayo halkan ma anfacaan, oo gole wasiirro ah ayaa loo saaray. Dhaqaale Soomaaliya laha keenay halkan (Laascaanood) ma anfacayaan. Halknai waa Somaliland”ayuu yidhi badhasaabku. Dhinaca kale badhasaabka gobolka Sool ayaa mar kale ugu baaqay bulshadda gobolkaasi in ay ogaadaan in cid aan dawladda Somaliland ahayn aanay hawlo ka qaban karin gobolka Sool. Waxaanu yidhi, “Dadka mar labaad iyo mar saddexaad ba, waan u sheegayaa, wax aan dawladda Somaliland ahayn, Sool kama soconayso”. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-11012020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr(Coday) oo ah tifatiraha Horn Cable TV ayaa saaka maxkamaddu ku xukuntay 1 sanno oo xadhig ah iyo 3 Milyan Somaliland Shilin oo ganaax lacageeda. Cabdiqaadir oo kiiskiisu ka socday maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ilaa Bishii November ayaa saaka laga gaadhay go’aan kama dambays ah. Xadhiggiisa ayaa yimid markii telefishanka Horn Cable baahiyay warqad shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai kaga cabanayso diyaaradeeda oo ku degi kari wayday madaarka Hargeysa iyo waraysi telefishanku la yeeshay Suldaan Wabar oo jabhad ka abuurayay duleedka gobolka Awdal. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 7 dal oo ka mid ah Qaramada Midoobay oo weyn doona xaqa codka golaha guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ugu wacan tahay bixin la’aanta dhaqaalaha xubinimada. Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa farta ku fiiqay in dalalkaaa dib uga dhaceen buxinta lacagtii xubinimada ayna xaq u yeelan doonin inay codeeyaan. Golaha guud wadamada Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 193 dal, waxaa kaloo ka mid ah dalalka arrintan saameynayso Venezuela, Lebanon, Sao Tome and Principe, Comoros, Gambia, Lesotho, Tonga iyo Yemen. Qodobka 19-aad ee xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in xubintii muddo 2 sano ah bixin weyda dhaqaalaha aanay ka codeyn doonin golaha. Laakiin Goluhu wuxuu u ogolaan karaa codeyn xubinta haddii ay la timaado wax looga qanci karo oo ku aadan sababta aanay u bixin gunnada xubinimada, ayna dhacdo xaalad aanay waxba ka qaban karin. Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada darajada hoose kaga jiro dhaqaalaha Adduunka, wuxuuna wadanka mar dhow kasoo baxay dagaalo sokeeye inkastoo aysan weli jirin dowlad awood leh iyo wax soo saar ku filan, waxaana dhaqaalaha Dowladda kabo dowlado shisheeye oo ay kamid yihiin Hey’adaha Qaramada Midoobay. Soomaaliya ayaa waxaa loo soo jeediyey digniin culus oo ku aadan arrintaan, waxaana laga codsaday inay si deg deg ah u bixiyaan lacagta. Sidoo kale Venezuela oo kamid ah wadamada codka weyn doono ayaa dad lagu qiyaasay 4.5 milyan oo qof ka cararay Venezuela tan iyo sanadkii 2015, iyagoo ka baxsaday sicir barar, adeegyada bulshada oo aan ku filneyn, amni darro iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhexjirtay dal mar ka mid ahaa kuwa ugu taajirsan Latin America maadaama uu wadanka lahaa keydka saliidda oo aad u ballaaran. Sidoo kale Dalka Lubnaan ayaa wuxuu wajahayaa dhibaato dhaqaale middii ugu xumeyd tobanaan sano, waxaana kor u kacay qiimaha Korontada, waxayna dadweynaha Lubnaan ka cabanayaan Canshuur badan oo lagu sogay, waxayna codsanayaan in la badalo hoggaanka siyaadeed ee dalka heytay tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii Sokeeye ee 1975. 20 wadan oo kamid ah 193 dal ee ka diiwaan gashan Qaramada Midoobay ayaa bixiyo 83.78% lacagaha UN-ka la siiyo halka 173 dal ee kale ay bixiyaan 16.22% oo kaliya. 10 kamid ah 20-kaas wadan ayaa waxaa xusid mudan inay iyaga bixiyaan 68.89% oo kamid ah 83.78% oo ay bixiyaan 20-ka wadan ee lacagta ugu badan siiyo Qaramada Midoobay.
-
The visit of Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed to Eritrea comes in the wake of denials by the Federal Defence Minister and the Commander of the Somali National Army about allegations that young Somali army recruits had been sent to Asmara for training. Eritrea has renewed its interest in Somalia following the 2018 visit by President Mohammed to Asmara, the first visit of a Somali Head of State to Eritrea. Eritrean President (right) uses his leverage to sponsor peace talks An adviser to the Somali President was in Paris two weeks ago to discuss how the talks agenda between the Federal Government and Al-Shabaab , pushed by France behind-the-scenes, could bring a faction of Al-Shabaab to the negotiation table. Eritrea hosted the former Alliance for the Reliberation of Somalia (ARS) between 2007 and 2008, when the insurgent group led by former ARS, President Sharif Ahmed, signed an agreement with the former Transitional Federal Government of Somalia thereby ending its dependency on Eritrea. The Somali Federal Government has been contemplating the possibility of deploying Eritrean troops as a part of Amisom. The government expects to exploit the loophole opened by President Mohamed’s predecessor, who allowed Ethiopian troops into Somalia as a part of Amisom under a bilateral agreement. “France is the lead EU country in Somalia. It is becoming politically assertive and want to try a new approach now that UK is out of EU” says a Mursal Taar, a Paris-based Somali journalist. © Puntland Post, 2020 The post Eritrea “to Sponsor” Talks Between Somali Government and Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya shaaciyay warbixinta Denbiyadii ka dhacay Puntland sannadkii tegay ee 2019 oo gaaraya 4379 kiis. Sida ku cad warbixinta ka soo baxday Xeer Ilaalinta, sannadkii tegay ee 2019, waxaa Puntland ka dhacay 162 dil, kuwaasi oo uu kaalinta kowaad kaga jiro gobolka Mudug, oo ay ka dhaceen 59 dil, halka gobolka Bari oo ku soo xiga ay ka dhaceen 55 dil. Gobolka Cayn ayaa isna wax aka dhacay 19 dil. Gobollada Nugaal iyo Sool, ayaa waxa sannadkaasi mid walba ka dhacay 9 dil, halka gobolka Karkaar ay ka dhaceen 6 dil, sidoo kale gobolka Haylaan waxa ka dhacay 4 dil, balse gobolka Sanaag ayaa sannadka oo dhan lagu dilay hal qof oo keliya, sida ku xusan Shaxanka Xeer Ilaalinta Puntland. Denbiyada Kufsiga ee Puntland ka dhacay sannadkii tegay, ayaa lagu sheegay 90-kufsi, waxaana hoggaaminaya gobolka Nugaal oo ay ka dhaceen 30 kufsi. Gobolka Bari oo ku soo xiga ayaa laga diiwaan-geliyay 18 kufsi, iyadoo gobolka Mudugna ay ka dhaceen 13 kufsi. Dagaalladii Puntland ka dhacay 2019, ayaa sida Xeer Ilaalintu sheegtay, waxaa ku dhintay 212 qof, kuwaasi oo 63 kamid ah ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay gobolka Cayn, gobolka Karkaar oo ku soo xigana, ay ku dhinteen 55, halka gobolka Bari oo kaalinta saddexaad ku jita ay ku dhinteen 46 qof. Dhinaca kale, Sannadkii tegay Puntland waxaa ka dhacay 906 kiis oo Xatooyo ah, 436 kiis oo Daroogo ah, 77 kiis oo Khiyaano ah, 218 kiis oo dhac ah, 64 kiis oo Tahriib ah, 21 kiis oo isku day dil ah, 406 kiis oo dhaqan-xuma ah, 920 kiis oo dhaawac ah, 80 kiis oo lunsasho Hanti dadweyne ah iyo 318 kiis oo burcad-berriya, 5 kiis oo argagixiso, 50 kiis oo Tacaddi dumar ah, 23 kiis oo Tacaddi Carruureed ah iyo 105 kiis oo burbur hantiyeed ah. Hoos ka daawo muuqaalka Xeer Ilaalinta PUNTLAND POST The post 4379 denbi oo Puntland ka dhacay sannadkii 2019 appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) oo hadda fadhigiisu yahay Gaalkacyo ayaa ka horyimid liiska xildhibaanada cusub ee shalay looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb. Qoraalka uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa wuxuu ku sheegay inuu cambaareynayo, sidoo kalena ay la xisaabtami doonaan cida soo raartay liiska xildhibaanada looga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb oo uu ku tilmaamay kuwa been abuur ah. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka gobollada Galgaduud iyo Mudug inay u istaagaan badbaadinta dowlad goboleedka Galmudug. Xaaf ayaa intaasi ku daray in tallaabadaani ay tusaale iyo tilmaam u tahay nooca doorasho oo ay rabto xukuumadda Soomaaliya inay qabato 2020/2021. Warkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee weli ka taagan dhismaha Galmudug, kaas oo uu haatan weji kale u yeelay Madaxweyne Xaaf.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka horyimid ku dhowaaqistii shalay ee Liiska xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug. Wuxuu sheegay in arrintan u egtahay qorshe ay xukuumadda federaalka ugu diyaar garoobeyso doorashada 2020 ee aanay ahayn dan Galmudug. Cidda soo saartay Liiskan ayuu sheegay madaxweyne Xaaf iney kula xisaabtami doonaan, islamarkaana aan la aqbali doonin sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Saraakiisha ciidanka Booliiska Kenya ayaa sheegay in heegan xooggan la geliyey ciidanka dalkaasi, kadib cabsi laga qabo in Al-shabaab ay weeraro hor leh ku qaadaan wadankaasi. Ciidamo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa aad loo dhoobay deegaanka Elwak-Kotulo iyo waddooyinka ka yimaada dhanka magaalada Mandhera. Saraakiishan ayaa sheegaya iney heleen xog cusub oo ah in ururka Al-shabaab doonayo weeraro iney ka fuliyaan gudaha wadanka Kenya. Meelaha qaar ciidamada waxay ka sameynayaa baaritaanno aad u xooggan, xilli walbana waxay saraakiisha sheegeen in weerar ay filan karaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay markale Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Olla oo hoos yimaada magaalada Mandera ee gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka lala beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Booliska Kenya iyo xarun shirkadda Safaaricom ku leedahay halkaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe, balse wuxuu bubur xoogan soo gaaray labada goobood ee la beegsaday. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Kenya iyo dhanka kooxda Al-Shabaab oo fulisay weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada Kenya ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay xadka dalka Soomaaliya. Todobaadyadii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weeradada ay ka fuliyaan Kenya, iyagoona beegsanayey saldhigyada ciidamada dalkaasi.
-
Waxaa geeriyoodey Suldaanka Cummaan Suldaan Qaabuus Bin Saciid isaga oo jiray 79 sano, waxaana la sheegayaa in qoyska isku raacay in la magacaabo Heysam Bin Dhaariq Ala Saciid inuu jagada qabto. Ninkan cusub oo horay u soo noqday wasiirka Thaqaafada waxaa uu aad ugu dhowaa Suldaanka geeriyoodey, waxaana la sheegayaa inuu wax ka dejiyey aragtida dhaqaale ee dalkaasi lagu maamuli doono ilaa 2040. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho labo maalin ah ku jooga dalka Ereteriya ayaa waxaa uu saacadihii tagay la kulmay dhiggiisa Isaias Afwerki. Sida ay sheegeyso wakaaladda SONNA labada mas’uul waxaa ay ka wada hadlee xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo iskaashi. Wakaaladdan oo u hadasha dowladda ayaan sheegin wax fahfaahin ah, sidoo kale Farmaajo sida caadada ah ma wato warfiyeen madaxbannaan. Dhanka kale, Goobjoog News ayaa ogaatay in Farmaajo ujeedooyinka uu Asmaro u tagayo ay ugu muhiimsan yihiin labo arrin: 1. Inuu tababar u soo xiro ciidamo gaar ah uu horay halkaasi ugu diray kuwaas oo sida la sheegayo dhameystay arrimihii loo diray. 2. Inuu heshiis cusub oo tababarro iyo iskaashi amni la soo galo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Ciidamada inta badan loo diro dalka Eritrea waxay dad’doodu u dhaxeyaan 15-25, qaarkood waa la qasbay sida ay Goobjoog News u sheegay qaar ka tirsan waalidiinta caruurtoodu halkaasi jiraan. Ciidamada la soo tababarayo ayaa isugu jira NISA iyo kuwoo gaar ah oo dowladdu dooneyso iney u adeegsato dano gaar ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo held talks with his Eritrean counterpart Isaias Afwerki in Asmara on the progress of bilateral ties. The two leaders also discussed the regional issues of vital interest to both countries in their first meeting in 2020 on Friday afternoon at State House in the Eritrean capital. Eritrea’s ministry of information said Farmajo and Afwerki similarly expressed satisfaction at the progress made so far in the implementation of the Tripartite Agreement signed between Eritrea, Ethiopia, and Somalia last year in Asmara. The three countries have agreed to step up their collective efforts for the consolidation of tripartite cooperation and regional integration, according to the 2018 agreement. View the full article
-
Dalka Iran ayaa bayaan uu soo saaray maanta waxaa uu qirtay inuu soo riday diyaaradda Ukrine Airlines taasi oo ay ku dhinteen ilaa 178 qof. Warka waxaa uu intaas ku daray in diyaaradda oo ag mareysay goob militari ay soo rideen ciidanka, arrintaasi ay ku dhacday qalad aadane. Press TV oo soo xiganayey sarkaal Iran ayaa sidoo kale baahiyey in ay ka xun yihiin waxa dhacay, mas’uuliyadana ay qaadanayaan. Markii uu shilka dhacay, dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday laakin Iran waa inkirtay. Lama oga tallaabada xigta laakin arrinkan waxaa uu Iran ka dhigi doonaa dal go’doon ah taasi oo u daneyneysa Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The long-running saga of the Akasha brothers came to a close on Friday when Kenyan confessed drug trafficker Ibrahim Akasha was hit with an unexpectedly severe 23-year prison sentence. Source: Hiiraan Online
