Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,295
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho kula kulmay ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya, James Swan. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay, sida ay mar weliba u garab taagan tahay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed. todobaadyadii la soo dhaafay, James Swan ayaa safaro ku kala bixinayey xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo waday kulamo la xariira doorashooyinka 2020/2021. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  2. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi. Maalmihii dambe ciidamada dowadda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xoojiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-120120.mp3 View the full article
  4. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, oo looga warbixiyay kulanka Ra’iisul wasaare Khayre iyo Mr Swan, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen Arrimaha mudnaanta Qaran u leh Soomaaliya sannadka 2020-ka iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto. “Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre – labada masuul ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka midyihiin arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wakiilka Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
  5. Boosaaso (Caasimada Online ) – Madaxtooyada Puntland ayaa war cusub ka soo saartay kulankii madaxweynaha maamulkaasi, Siciiid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto. Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Boodsaaso ee gobolka Bari, sida lagu sheegay qoraalka “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso”. Sidoo kale Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan loo hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Maraykanka, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorashada 2020 illaa 2021. “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.”ayaa markale lagu yiri qoraalka. Safarka Yamamoto ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago Puntland, isagoo sanadkii hore sidaan oo kale ugu tegay booqasho gaaban. Puntland ayaa ka mid ah maamullada sida weyn uga soo horjeeda hanaanka ay wax u wado dowladda federaalka, gaar ahaan qaabka loo wajahayo doorashada soo socota.
  6. By: Adrian Blomfield he Somali terrorist outfit al-Shabaab has threatened to strike at American targets around the world days after it mounted a deadly and unprecedented attack on US forces stationed in Kenya. Emboldened by the unexpected success of last Sunday’s assault on a military base in northern Kenya’s Manda Bay region, the jihadist group, a franchise of al-Qaeda, promised “further bloodshed” against American soldiers and civilians alike. The attack, which exposed a troubling lack of security, leaves the Trump administration struggling to deal with a significant and growing military challenge at a time when it is already preoccupied by its face-off with Iran. The US Army’s Africa Command (AFRICOM) has scrambled to respond to the attack, sending combat-ready reinforcements from the 101st Airborne Division to northern Kenya and stepping up airstrikes against al-Shabaab in neighbouring Somalia. But it has yet to explain how a lightly-armed detachment of Islamist fighters, probably numbering no more than 15, managed to cross into Kenya, advance unspotted on foot across 50 miles of bush before killing three Americans and wrecking six hi-tech surveillance aircraft. Although al-Shabaab has waged an insurgency against the Somali government and foreign forces stationed in Somalia for more than a decade, it was only in September that the group began to target the United States in earnest. The shift in emphasis is seen in part as retaliation for a surge in US drone strikes targeting the group’s leadership since Donald Trump became president in January 2017. A Shabaab attack on American troops stationed at Baledogle near the Somali capital late last year failed to inflict casualties. Since then, however, Ahmed Diriye, the group’s leader, has instructed all units, as well as affiliated East African groups, to concentrate almost exclusively on attacking the United States and its allies. British troops stationed in Somalia could well find themselves in the firing line, said Harun Maruf, co-author of “Inside al-Shabaab: The Secret History of al-Qaeda’s Most Powerful Ally.” Some 60 British army personnel are stationed in Somalia. Mr Maruf said a British military training facility in the southern town of Baidoa was a possible al-Shabaab target, although he also noted it was well protected by Ethiopian troops, by far the most effective African army operating in Somalia. The attack on Manda Bay, the deadliest in terms of American combat deaths in Africa since 2017, is likely to renew calls from Trump administration isolationists to reduce US troops numbers on the continent. They argue that al-Shabaab is unlikely ever to attack the United States itself and that stationing US troops in East Africa is not just costly but merely serves to give the group a target. Stig Jarle Hansen, an al-Shabaab expert and author of “Horn, Sahel and Rift: Fault-lines of the African Jihad” warns that an a withdrawal from Somalia would, as in Syria, create a vacuum that might be filled by Russia, among others — as well as allowing the potential rise of an extremist state in the country deeply hostile to the West. In the aftermath of the Manda Bay attack, Senior US officers in Africa were quick to emphasise the importance of keeping troops in place. Gen Stephen Townsend, AFRICOM’s commanding officer, went so far as to deliver an implicit rebuke of Trump administration officials who thought al-Shabaab would never attack the United States itself. “Al-Shabaab is ruthless and must be dealt with before the network expands its reach to other places, to include their stated desire to strike US citizens on the US homeland,” he said. “This al-Qaeda-aligned terrorist network has demonstrated an ability to conduct external attacks previously and will continue to do so unless they are countered where they reside.” Source: Daily Telegraph
  7. Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu dambeyntii go’aan xukun ah ka gaartay dacwad mudo socotay oo loo heestay Matt Bryden, Agaasiimaha Hay’adda SAHAN ee ka shaqayn jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan cilmi barista siyaasadda iyo dhaqaalaha. Dacwadaan oo soo bilaamatay sanadkii 2016 ayey Matt kala dhaxeysay Mr. Taiwo Babatunde oo hadda ah madaxa siyaasada ee AMISOM marna la shaqeeyn jiray SAHAN waxna ka soo aasaasay. Dacwadaha loo haystay Matt Bryden waxaa ka mid ahaa. 1- Inuu ku xad gudbay sharciga shaqaalaynta iyo shaqaalaha ee dalka Kenya. 2- Waxuu duudsiiyay xaq iyo gunooyin uu lahaa Mr. Babatunde. 3- La lahaanshahii Hayada SAHAN oo uu ku balan furay. Matt Bryden Kadib dhageysi iyo is difaac gal-dacwadeed maxkamad oo mudo ka badan sadex sano soo socotay ayey ugu dambeyntii maxkamadda oo uu hogaaminayay xaakimka lagu magacaabo ONESMUS N. MAKAU waxeey ku heshay Matt Bryden inuu ku xad gudbay sharciga shaqaalaha rayidka ee numberkiisu yahay 41 iyo 45 kuna xukuntay sidan soo socoto. Mr. Taiwo Babatunde Taariikhdu markay ahayd 22dii November 2019 Inuu siiyo Mr. Taiwo lacag gaaryeeyso USD 12,000 oo isugu jirta mushaar la duudsiiyay iyo Mag-dhaw ku xad gudub shaqsiyadiisa. Inuu agaasiimaha ururka SAHAN ee Matthew Bryeden ( Matt Bryden ) baxiyo mag-dhow yadaan siiyana Mudane Taiwo Babatunde. Inuu siiyo Mudane Taiwo waraaq cadaynaysa in uu la shaqeeyay hayada SAHAN. Hay’adda SAHAN iyo Matt Bryden ayey Dowlada Soomaaliya ka mamnuucday sanadkii 2017 in ay ka shaqayso dalka Soomaaliya ka dib markii sirkdoonka Soomaaliya helay cadeeymo xaqiijinaayo in uu Matt iyo Hay’addiisu ay sameeyeen hagardaamooyin ka dhan ah qaranimada Soomaaliya. Read English version Qaran News
  8. The UK ambassador to Iran was arrested during anti-government protests in Tehran after officials admitted shooting down a passenger plane. Source: Hiiraan Online
  9. Haitham bin Tariq Al Said, who has held various important diplomatic roles, to take over as the Gulf state’s ruler; thousands attend funeral of late sultan Source: Hiiraan Online
  10. The Somali terrorist outfit al-Shabaab has threatened to strike at American targets around the world days after it mounted a deadly and unprecedented attack on US forces stationed in Kenya. Source: Hiiraan Online
  11. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wasiirkiisa arirmaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye, ay isku khilaafeen dhismaha baarlamaanka Galmudug oo xildhibaanadiisa badankood la shaaciyey jimcihii. Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in wasiir Sabriye uu rajo ka qabay in la qanciyo beelaha tabashada qaba, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan odayaasha iyo Xildhibaanada ku jira baarlamaanka Soomaaliya balse aysan dhicin in go’aan gaar ah laga qaato cabashadooda. Sidoo kale, Caasimada Online dadkii ay la hadashay waxay u sheegeen in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu Jimcihii ka soo dhaqaajiyay Dhuusamareeb kadib markii uu sheegay in uusan waxba u heynin odayaasha qaar oo looga baxay balamihii uu ka soo qaaday, manna cadda inuu dib ugu laabtay iyo in kale. Beelaha Sacad, Saleebaan, Dir iyo kuwa kale ayaa cabasho xoog leh ka qaba sida loo maray soo xulista baarlamaanka, waxayna qaarkood ku doodayaan in lagu farageliyay soo xulista waana sababta keentay in wasiirka uu ka caroodo go’aanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga Farsamada ay qaateen jimcihii. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in wasiirka uusan ka warqabin ku dhawaaqista baarlamaanka balse uu ku howlanaa sidii uu u xalin dhowr beel oo cabasho ka qabtay xildhibaano aan badneyn oo ku jira liiska, balse isaga oo aan ka war hayn lasii daayey liiska. Si walba xaaladda Galmudug ayaa u muuqata in ay dhinac usii dhaceyso kadib rafaad dheer oo soo jiitamayay 7-dii bil ee ugu dambeysay. Dad badan ayaa go’aankaan u arka qalad halka qaarkoodna ay u arkaan mid laga fursan waayay.
  12. The White House is considering dramatically expanding its much-litigated travel ban to additional countries amid a renewed election-year focus on immigration by President Donald Trump, according to six people familiar with the deliberations. Source: Hiiraan Online
  13. WikiLeaks oo kashifay sir u qarsaneyd Mohamed Bin Zayed oo ku saabsan qoyska maamula Sacuudi Carabiya Website-ka sirta kashifa ee WikiLeaks ayaa baahiyey dokumentiyo shaaca ka qadaay walaac iyo aragti madow oo uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohamed Bin Zayed ka qabay qoyska xukuma Saudi Arabia. Dokumentiyadan, oo sidoo kale uu daabacay wargeyska The New York Times, ayaa shaaciyey in Bin Zayed uu ku wargeliyey safiirka Mareykanka James Jeffrey, in uu ku cabsi qabo Wahaabiyada Sacuudiga, uuna doonayo inuu baabi’iyo. New York Times ayaa ku warramay in Mohamed Bin Zayed uu xilligii boqor Abdallah Bin Abdulaziz, uu u arkay boqortooyada Sacuudiga mid taag darran, balse uu ka cabsi qabay in haddii meesha ay ka baxaan ay beddeli lahaayeen kuwa Wahaabi ah oo la mid ah Daacish. “Qof kasta oo beddela qoyska Al Saud, wuxuu la kulmi doonaa qarow.” Ayuu yiri Bin Zayed. Warbixinta ayaa sheegtay in Bin Zayed uu kadib xoogga saaray dhaxal-sugaha iminka ee Sacuudiga Mohamed Bin Salman. Bin Zayed oo dul-qaadka kasii dhamaanaya kana cabsi qabay in Islaamiyiinta mayalka adage ay ku xoogeysanayaan Sacuudiga, ayaa aragtidiisa ka iibiyey maamulka madaxweyne Trump, si xukunka uu u qabsado Bin Salman. Dokumentiyada ayaa shaaca ka qaaday in Bin Zayed uu sidoo kale dadaal xooggan geliyey sidii uu u qaadi lahaa kacdoon looga adkaanayo kooxda Ikhwaanul Muslimiin, iyo dhammaan cid kasta oo aragti Islaami ah wadata. Wargeyska New York Times ayaa qoray in xukun ka tuuristii madaxweyne Mohamed Morsi ee Masar ay ahayd guushii ugu horreysay ee ololaha Bin Zayed ee ka dhanka ah Islaamiyiinta. Waxa uu kadib dareenkiisa u weeciyey dalka Libya, halkaasi oo uu hadda taageerayo dagaal oogaha militari ee Jeneral Khaliifa Haftar, kaasi oo qaba aragti Islaam naceyb oo la mid ah tan Mohamed Bin Zayed. Xanibaaddii la saaray Qatar, ayaa sidoo kale qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah islaamiyiinta ee Bin Zayed, maadaama Qatar lagu tiriyo dalalka taageera Ikhwaanul Muslimiinka. Qaran News
  14. Two Eritrean asylum-seekers were shot dead in the Libyan capital, Tripoli, days after the U.N. refugee agency pressed them to leave its facility citing overcrowding. Source: Hiiraan Online
  15. The United Kingdom has issued a travel advisory for its citizens visiting Kenya following the Manda Bay attack. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo galinkii dambe ee shalay la dhaariyey inta badan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Galmudug, ayaa waxaa isa soo taraya cabashooyin dhan walba leh oo laga qabo qaabkii loo soo xulay xubnahaas oo gaaraya 83 xildhibaan. Ibraahim Xasan Cawaale waxa uu ka mid yahay musharaxiintii u tartaamayey kuraasta degmada Ceel-buur ka soo galaya baarlamaanka Galmudug, balse afar maalmood ka hor inta aan la guda galin soo xulidda kuraasta degmadaas ayaa lagu war geliyey in uu yahay nin lagu helay wax uu ku tilmaamay “Aayatul munaafaq.” Ibraahim ayaa sheegay inay la soo xariireen xubno ka hoos shaqeeya Ra’iisul wasaare Kheyre, isla markaana ay ku war geliyeen inuusan u tartami karin kuraasta degmada Ceel-buur oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo xaqna uu u lahaa inuu ku metelo baarlamaanka Galmudug sida uu sheegay. Sababta Ibraahim looga hor istaagay inuu u tartamo kursta deegaankiisa, waxuu ku sheegay inay tahay sawir uu sanadkii hore la galay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka, mucaaradna ku ah xukuumadda hada talisa oo iyadu gar wadeen ka ah arimaha doorashooyinka Galmudug. Musharaxa is hor taaga lagu sameeyey Ibraahim Xasan Cawaale isagoo u waramayey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in Fiqi uusan u laheyn aqoon gooni ah, balse xilliga uu sawirkaas la galay ay ku kulmeen Hotel kuyaalla Muqdisho oo lagu soo bandhigayey Book uu qoray Cabdicasiis Xildhibaan. Sidoo kale Ibraahim bartiisa Facebook ayuu ku soo daabacay qoraal dheer oo uu uga hadlayey arintaas, waxuuna sheegay in Booga lasoo bandhigayey xilligaas looga hadlayey waayaha Xildhibaan Cabdullahi Gaafow oo uu sheegay inuu taageero weyn u hayo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Halkan ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Musharax-Ibraahim-Xasan-Cawaale.mp3
  17. Somali intelligence chief for the southern town of Qoryoley was shot dead in the country’s capital Mogadishu on Saturday, a police official said. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaano (Ilkacase/Xudeyfa) ayaa dareen xasaasi ah ku beeray shacbiga Soomaaliyeed, ka dib markii Telefishinka Qaranka uu baahiyay muuqaal laba qayb ahaa, kuna saabnaa wareysi lala yeeshay ninkaasi. Ninkan oo muddo sanado ah hoggaaminayay Amniyaadka Al-Shabaab ee dilalka qorsheysan ka fuliya Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale door ku lahaa qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho. Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir oo muddo ahba hayay xogta ninkaasi ayaa ugu dambeyn waxaa sanadkii hore u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan, iyadoona ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida dil ku xukuntay 31-kii bishii December. Waxyaabaha layaabka badan dadweynaha ku abuuray ayaa ah in uu ninkan ka masuul ahaa dad badan oo siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, haba ugu badnaatee tirada uu ku dilay Magaalada Muqdisho. Maxamed Xaaji Axmed ayaa dadka uu dilalkooda soo abaabulay, laguna dilay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira saddex janan, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda. Ninkan ayaa waxaa dhalay Sarkaal Booliska Soomaaliya ka tirsan, waxaana xusid mudan mar horey loo soo qabtay in lagu sii daayay damaanad uu damiintay aabaha dhalay, oo xilligaa oo aan ogayn inuu Shabaab yahay. Arrinta kale ee hadalhaynta ugu badan ka dhex dhalisay dadweynaha ayaa ah inuu ninkan yahay nin dhalinyaro ah oo waxbartay, isla-markaana macalin ka ahaa jaamacad ku taala Magaalada Muqdisho. Goobaha ay bulshada isugu timaado iyo barraha bulshada ayaad ku arkeysaa sida ay dadku u hadalhayan Barnaamijka Gungaar ee lagu soo qaatay ninkan, lana magac-baxay Macalinkii Dilaaga. Midda hadalhaynta xoojisay ayaa ah sida aanu Ilkacase wax jixin-jix ah haba yaraatee uga muujin dadkii faraha badnaa, ee uu dhiigoodu ugu talagalay inuu daadiyo. Ninkan ayaa dhawaan wejihi doono Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, haddii uu rafcaan ka qaato xukunkii ay ku riday Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, daahna inagama saarna in ay iyana xoojin doonto xukunkii hore. Dadka qaarkii ayaa waxayba qabaan in ninkan uu yahay mid xoggo muhiim ah haya, loona baahan yahay inay ka faa’iideystaan laamaha amniga, ka hor inta aan xukunka dilka ahi lagu fulin. Xudeyfa ayaa noqonaya Shabaabkii ugu horeeyay oo gacanta sharciga ku jira, isla-markaana bixiya wareysigii ugu xasaasisanaa, xitaa marka aad milicsato wareysigii uu kol hore bixiyay Xasan Xanafi Xaaji, oo 11-kii bishii April ee sanadkii 2016 lagu toogtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ay xukun dil ahi ku xukuntay 26-kii bishii March ee isla sanadkaasi. Xasan Xanafi oo ka mid ahaa Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, balse markii dambe Shabaabka ku biiray ayaa qirtay in uu soo maleygay dilalka tiro Suxufiyiin ahaa loogu gaystay Magaalada Muqdisho, waxayna soo qabashadiisa ka dambeysay markii ay xoggo isweydaarsadeen Sirdoonka Somaliya iyo Kenya, iyadoona gacanta lagu soo dhigay bishii December ee sanadkii 2014.
  19. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Website-ka sirta kashifa ee WikiLeaks ayaa baahiyey dokumentiyo shaaca ka qadaay walaac iyo aragti madow oo uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohamed Bin Zayed ka qabay qoyska xukuma Saudi Arabia. Dokumentiyadan, oo sidoo kale uu daabacay wargeyska The New York Times, ayaa shaaciyey in Bin Zayed uu ku wargeliyey safiirka Mareykanka James Jeffrey, in uu ku cabsi qabo Wahaabiyada Sacuudiga, uuna doonayo inuu baabi’iyo. New York Times ayaa ku warramay in Mohamed Bin Zayed uu xilligii boqor Abdallah Bin Abdulaziz, uu u arkay boqortooyada Sacuudiga mid taag darran, balse uu ka cabsi qabay in haddii meesha ay ka baxaan ay beddeli lahaayeen kuwa Wahaabi ah oo la mid ah Daacish. “Qof kasta oo beddela qoyska Al Saud, wuxuu la kulmi doonaa qarow.” Ayuu yiri Bin Zayed. Warbixinta ayaa sheegtay in Bin Zayed uu kadib xoogga saaray dhaxal-sugaha iminka ee Sacuudiga Mohamed Bin Salman. Bin Zayed oo dul-qaadka kasii dhamaanaya kana cabsi qabay in Islaamiyiinta mayalka adage ay ku xoogeysanayaan Sacuudiga, ayaa aragtidiisa ka iibiyey maamulka madaxweyne Trump, si xukunka uu u qabsado Bin Salman. Dokumentiyada ayaa shaaca ka qaaday in Bin Zayed uu sidoo kale dadaal xooggan geliyey sidii uu u qaadi lahaa kacdoon looga adkaanayo kooxda Ikhwaanul Muslimiin, iyo dhammaan cid kasta oo aragti Islaami ah wadata. Wargeyska New York Times ayaa qoray in xukun ka tuuristii madaxweyne Mohamed Morsi ee Masar ay ahayd guushii ugu horreysay ee ololaha Bin Zayed ee ka dhanka ah Islaamiyiinta. Waxa uu kadib dareenkiisa u weeciyey dalka Libya, halkaasi oo uu hadda taageerayo dagaal oogaha militari ee Jeneral Khaliifa Haftar, kaasi oo qaba aragti Islaam naceyb oo la mid ah tan Mohamed Bin Zayed. Xanibaaddii la saaray Qatar, ayaa sidoo kale qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah islaamiyiinta ee Bin Zayed, maadaama Qatar lagu tiriyo dalalka taageera Ikhwaanul Muslimiinka.
  20. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___-Qumanha-Wararka-11012020.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Xaaji Axmed oo ahaa horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan xukuntay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey sidii loo dilay Aamina Xuseen Xasan oo Septemner 21, 2018-kii lagu dhex toogtay gudaha Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho. Aamina ayaa aheyd baare ka tirsaneyd NISA, islamarkaana gacanta ku heysay kiiska Maxamed Xaaji oo loo yaqaano (Ilkacase) markii markaan ka horreysay ee la xiray. “Aamino meel aan ku arki lahaa aniga ma dhaafeen ciil dadka u qabay kow ayaan ka ahaa” ayuu yiri Maxamed. Ilkacase oo ka soo muuqday barnaamjika Gungaar ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Aamino ay xaniinyaha qabatay rag badan intii ay meesha joogtay, islamarkaana ay wax badan haleysay, sida uu hadalka u dhigay. “Aamina rag fara badan ayaa horta ay xaniinyaha qabatay intii ay meesha joogtay wax badan ayey haleysay” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday ee Gungaar. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda dilka fulisay uu isagu geeyey Jaamacadda, islamarkaana ay hageysay qof dumar ah oo Fasalka ku jirtay, isna garanayeen mid ka mid dilayaasha. “Waxaan shaki igaaga jirin Aamina inuu qof dumar ah oo galaaska la fadhiday ay hadalka gudbisay, tilmaamtana ay bixisay.” ayuu yiri isagoo sharaxaad ka bixinayey qaabka uu u dhacay dilkaas oo ahaa mid qorsheysan. Maxamed Xaaji Axmed ayaa tilmaamay inay dilka fuliyeen illaa saddex qof oo uu magacyadooda ku kala sheegay Ugaaska oo la baadi goobayo, Cabdullaahi Kuusane oo isna ka maqan gacanta dowladda iyo Maryan oo hubka u siday, islamarkaana ah hooyada Cabdulaahi Kuusane, kadibna uu sidaas ku dhacay howlgalka. Qofka dumarka ah ee fasalka dhex fadhiday ayuu sheegay in markii dilka la fulinayey ay soo kacday kadibna qof banaanka joogay lasoo hadashay. Kadib waxa uu sheegay in qofkii dilka fulinayey uu fasalka soo galay, qofna uu albaabka istaagay si uu dadka uga ilaaliyo, halka qofka dumarkana ay markii hore fasalka ku dhex jirtay.
  22. NEW YORK (HOL) - Somalia has until September this year to cut down its arrears owed to the UN or lose its vote in the global body’s General Assembly Source: Hiiraan Online