-
Content Count
214,295 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Toorno ayaa fagaare isku dhaafsaday hadallo weerar iyo difaac ah kadib markii wasiirku ka cawday hadallada mucaaradka. Guddoomiye Cirro ayaa xukumaddii ugu xadhigga badnayd ee dhaawaca ugu weyn gaadhsiisay dimuqraadiyadda Somaliland ku tilmaamay xukumadihii KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hal Qof oo Kalluumaysato ah, ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay raq iyo ruux, kadib markii uu ka dhacay laash nooca Kalluumaysiga ah oo ku jiray badda nawaaxiga Deegaanka Haddayta ee xeebta Galbeed oo ay dabeylo xooggan ka dhacayeen 48-kii saacadood ee la soo dhaafay. Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhiga Lughayaha, ayaa Wargeyska Dawan u sheegay in ay soo badbaadiyeen Nin kale oo ay wada socdeen Ninka la waayey iyo Laashkii ay wateen, walina ay raacdadiisa ku jiraan Ninka la waayey oo ay u badinayaan in uu dhintay. “Badda waxa ka dhacayey dabeylo xoogga labadii duhurnimo ee shalay (Doraad) illaa maanta (shalay), markaa wixii badda ku jiraa halis ayey ku sugnaayeen oo lama geli karayn, markaa Jelbad laga leeyahay xaggaa Berbera oo badda ku jirtay oo ay wateen laba Nin ayuu mid ka dhacay oo illaa iminka la’yahay kii kalena waanu soo badbaadinay, oo isaga iyo laashkii ay wateenba waxaanu u dhiibnay oo jiiday Doon VOLVO ah oo aanu ku amarnay in uu Berbera geeyo”sidaasi waxa Dawan u sheegay Cali Xuseen oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Saldhiga Lughayaha oo khadka Telefoonka ee magaaladaasi aanu kula xidhiidhnay. Saraakiisha ayaa intaas ku daray in cadaadiska dabeysha ka dhacaysay baddu khalkhal geliyeen laashka Kalluumaysi ee Ninku ka dhacay, taasina ay ku sababtay in ay dhinaca berriga u soo bixi kari waayaan. “gaadiidkii oo dhami berriga ayuu jooggaa oo lama geli karo badda, saaka (shalay)markii aanu howlgalnay ee aanu raadinay Ninka badda ku dhacay waanu ka waynay meelihii aanu u tuhmaynay, dadka xeelliga badda degenna intii aanu gaadhi kari waynay waanu la xidhiidhnay oo waxba noomay sheegin, markaa in uu dhintay ayuunbaan imika u malaynaynaa”ayuu raaciyey. Warku wuxuu intaasi ku daray in Laashku berriga u jiray markii uu Ninku ka dhacay masaafo dhan 1KM iyo badh, waxaanu shilku dhacay abaaro 2:00 habeennimo ee Axaddii habeen hore. Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhiga Lughaya Maxamuud Xuseen oo isna aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in baadi-goobkiisa lagu jiro Ninka badda ku dhacay, Kalluumaysatada deegaanka iyo dadka kale ee ku nool soonaha xeebta-na ay digniin ku siiyeen in ay ka fogaadaan Badda. Source
-
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen Deegaanka Kamuudey oo ka tirsan Gaarisa, Deegaanka ay weerareen waxaa ku yaal Saldhig Ciidan mmmsna cada [...] Source
-
(SLT-Berbera)-Xoolo tiradooda gaadhayso shan kun oo neef ayaa ganacsi ahaan loogu dhoofiyey dalka Imaaraadka Carabta shalay, sida laga soo xigtay Maareeyaha Maxjarka Xoolaha ee Berbera. Dr Waleed, oo warbixin kooban ka siiyay Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Marwo Yururb Abiib, oo ku guda jirtay socdaal kormeer ay ku indho indhaynaysay mashaariicda ay wasaaraddu waddo , ayaa sheegay in 5000 oo neef oo Adhi ah loo dhoofiyay dalka Imaaraadka. Dr Waleed wuxuu caddeeyay in xoolahan laga qaaday baadhitaano adag sheybaadhkooda ka dibna lasiiyay shahaadada caafimaadka ee sharciga ah. “Waxaan u dhoofiney Imaaraadka 5000 oo neef oo adhi ah kuwaas oo noqonaya kuwii ugu horreeyay, kuwo badanna way xigi doonaan,” ayuu yidhi Dr Waleed. Maxjar casri ah oo hilib lagu qalo ayaa laga dhisey deked si hilib cusub loogu diro Khaliijka taas oo wax weyn ka tari doonta dakhliga adag ee dalka soo gala. Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay sannadihii ugu dambeeyay dib u soo noolaysay kalsoonidii dhaqaale ee ay ku qabeen dalka Somaliland, iyada oo loo marayo dhowr mashruuc oo ay ka bilowday, kana mid yihiin horumarka io casriyeynta dekeda Berbera, Aaga ganacsi xor ah iyo Waddo aad u casri ah oo isku xidha magaalada Berbera xadka Itoobiya. Source
-
Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow u amba baxay dalka Cumaan, si uu uga qeyb galo tacsida qaran ee u taala shacabka iyo saldanada aanu walaalaha nahay ee Cumaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu tacsiyeeyay bulshada iyo dowladda Cuman geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Suldan Qaaboos Bin Saciid oo dalkaasi soo xukumayay muddo dheer. Madaxweynaha J. Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo halkaasi uu ka qeybgalo baroordiiq iyo tacsi loo sameeynayo boqorkii geeriyooday ee Cuman. Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo waxwada qadaqabsi. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Goordhowayd u ambabaxay Magaalada Joordan dalka Cummaan. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale. Ujeedka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa waxaa tahay ka qeyb galka tacsida qaran ee u taalla shacabka dalka Cummaan. Allaha u naxariistee maalmo kahor waxaa geeriyooday Suldaankii Cummaan oo lagu magacaabi jiray Suldaan Qaabuus Bil Saciid, waxaana lagu wadaa in dalkaas ay gaadhan Madax kale oo ka qeyb galeysa tacsida qaran ee Suldaanka. Source
-
The government of the Federal Republic of Somalia and the European Union on Sunday signed in Mogadishu an agreement on the status of the European Union Capacity Building Mission in Somalia (EUCAP Somalia). The agreement was signed between the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, and the Ambassador of the European Union Delegation to the Federal Republic of Somalia, Mr. Nicolás Berlanga Martinez. The protocol of the agreement stipulates the mechanism and joint work between the European Union and Somalia, in line with the priorities of security and stability plans to develop a self-sustaining capacity to enhance Somali maritime security. Both the Minister of Foreign Affairs and the EU Ambassador in Mogadishu pointed out the development of distinguished cooperation relations between the two parties and pushing them to better horizons to reach satisfactory results that achieve the desired aspirations. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow safar ugu ambabaxay dalka Cumaan. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Tacsida Qaran ee u taalla shacabka iyo Saldanada Cumaan,isagoo diyaarad qaas ah ka qaatay Aadan Cadde. Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimcihii isaga oo 79 jir ah. Madax kala duwan oo ka socota caalamka ayaa ku qul guleysa dalka Cumaan, si ay uga qeyb galaan Tacsidaasi Qaran. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la qaato Suldaan Qaamuus Ibnu Siciid Ibnu Tamuur oo bedalay Suldaankii geeriyooday Waa safarkii labaad ee bil gudaheed Madaxweynaha uga baxo dalka, isagoo dhowana booqasho ku dagay dalka Eritrea.
-
(SLT-Garoowe)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin Cusub oo ku socota dadka degan xeebaha, waxaana lagu wargeliyay in Roobab dabaylo wata ay kusoo Food leeyihiin xeebaha Badwaynta Hindiya iyo Badacas ee Puntland. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dabaylo xoogan ay ka dhacayan baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas, waxaana dabeysha ay ku socotaa xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H. Sidoo kale Wasaaradda ayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda uga digtay inay galaan badda muddo Saddex cisho ah oo ay baddu aad u kacsan tahay. “Dabaylo xoogan ayaa ka dhacaya baddahaa Badwaynta Hindiya iyo Badda Cas Dabaylaha ayaa ku socda xawaare sare oo ah 36KM/H ilaa 40KM/H, Dabaylahaasi waxay kasoo kaceen dhinaca waqooyi galbeed iyagoo usii jeeda dhinaca bariga, waxaanay cumiladu saadaasha Hawada ay sheegeen in muddo sadex cisho ah 12-14 Jan-2020 ay kusoo foodleeh yihiin Xeebaha Puntland Sidaas daradeed waxa looga digayaa dhamaan kalluumeysatada iyo dadka ka ag dhow badda in aanay gelin badda sadexdaas cisho ee ay baddu aadka u kacsan tahay.” ayaa lagu yidhi Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Si kastaba dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019 ayaa waxaa deegaano ka tirsan Puntland ku dhuftay roobab dabeylo watay, kuwaasi oo geystay Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo mid hantiyeed. Source
-
Al Shabaab has killed three people in an attack in eastern Kenya, police said on Monday. The militants from neighboring Somalia attacked Kamuthe centre in Garissa county, setting fire to a police post and attempting to destroy a telecommunication mast, police said in a report seen by the media. Three non-Muslim teachers were killed and one teacher was abducted, the report said. They spared the life of a female nurse due to her gender, it added. Al-Shabab has vowed retribution on Kenya for its troops being present in Somalia since 2011 to fight the militants. The group has carried out numerous attacks on Kenya, killing hundreds. Earlier this month, the Al Qaeda-linked group attacked a military base used by Kenyan and US forces, killing three Americans and destroying aircraft and other machinery. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta OO Isniin ah u safray dalka Cumaan. Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalka Cumaan uga qayb-galayo tacsida qaran ee u taalla Cumaan, kadib geeridii Suldaan Qaboos. Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa 11 Jannaayo 2020 geeriyooday, isaga oo ay da’diisu ahayd 79 jir. Qaboos ayaa afgembi aan dhiig ku daadan xukunka uga tuuray aabihii sanadii 1970. Haitham bin Tariq Al Saciid oo ay ilmo adeer ahaayeen Boqor Qaboos ayaa loo dhaariyay xilka saladanada Cumaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Cumaan appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has signed an agreement with the EU to bolster maritime security in the country through capacity development of Somali maritime units. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Japan)-Warbaahinta Bloomberg, NBC News, CNBC iyo ABC ayaa kusoo warramay in bilyaneer u dhashay dalka Japan, laguna magacaabo Yusaku Maezawa, sanadkii horena caan ka noqday dunida kadib markii uu qeybiyay lacag aad u badan uu haatan markale sheegay in uu bixinayo lacag dhan sagaal milyan oo doolar. Yusaku ayaa sheegay in uu lacagtaas u qeybin doona qaar kamid ah dadka ku taxan bartiisa Twiter-ka oo uu sheegay in uu kasoo dhex xuli doona. Dadka uu soo xuli doona ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwii sii faafiyay qoraal uu soo dhigay Twiter-ka. Lacagtan ayuu sheegay in la siin doona kunka qof ee nasiibka u yeeshay, taas oo qeyb ka ah buu yidhi tijaabo uu ku sameynayo bal in lacagta caddaanka ama kaashka ah ay ka farxi doonta dadkaas. Maezawa waxaa u madax ka yahay shirkad ku shaqeysa dhanka Internka oo ka shaqeysa nashqadaha ama faashonka dharka, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay lacag dhan saddex bilyan oo doolar. Loolanka loogu jiro helitaanka lacagta ayuu shuruud ku xidhay, waxaana shuruudaha lagu xidhay kamid ah in qofk ay da’diisu ka sareyso 13 sanno, kuna nool yahay gudaha dalka Japan. Qofkii kamid noqda kunkaas qof ayaa la sheegay in uu heli doonaa lacag dhan sagaal kun oo doolar, waxaana dadka ku guuleysta uu Maezawa sheegay in farriin ahaan loogu diri doonaa barta uu ku leeyhaay Twiter-ka. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu ninkan sidaas sameeyo, oo waxay ahayd sanadkii aynu soo dhaafnay, xilligaas oo uu jebiyay rikoorka qoraalada lasoo dhigo Twiter-ka ee haddana lasii baahiyo, kadib markii uu ballan qaaday in uu bixin doonaa lacag dhan 925 kun oo doolar. Lacagtaas ayuu maalqabeenkan sheegay in uu siiyay boqol qof oo kamid ah dadka ku taxan Twiterkiisa ee haddan dadka kale la sii wadaagay qoraal uu xilligaas soo dhigay Twiter-ka. Ballan qaadka uu haatan sameeyay ayaa aad usoo jiidatay dad badan, waxaana uu ku fahfaahiyay muuqaal uu soo dhigay bartiisa Youtube-ka. Wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay in abaalmarintii uu bixiyay sanadkii hore aanu fahfaahin dheeraad ah ka bixin, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay ujeedada uu ka leeyahay arrintan. “Sababta aan arrintan u sameynayo ayaa waxay tahay in aan sameeyo tijaabo bulsho oo ah in sagaalka milyan ee doolar ay farxad siyaada u keeni karto dadka,” ayuu Maezawa ku sheegay muuqaalkii uu soo duubay. Waxaa kale oo uu sheegay in uu doonayo in dadka uu ka ogado sida lacagtaas ay u saameyn doonta noolal maalmeedkooda, tanina ay tahay fursad uu dadka kula hadlo. Yusaku Maezawa ayaa haatan doonaya qof dumar oo ku wehlisa safar uu donayo in uu ku tago hawada sare. Ninkan ayaa nqonaya qofkii ugu horeeyay dunida ee dalxiis ku taga hawada sare, waxaan safarkan lagu wadaa in uu bilawda sannadka 2023-ka. Source
-
(SLT-Tehran)-Raysal Wasaaraha UK Mr Boris Johnson iyo hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa cambaareeyay xadhiga safiirka Ingariiska u fadhiya caasimada Tehraan. Labada hoggaamiye ayaa warsaxaafadeedkan wadajirka ah soo saaray kadib wadahadal dhexmaray shalay axadii. Dhanka kale waxay ka arinsadeen diyaaradii Ukraine oo ay soo rideen iyagoo dhanka kale tilmaamay in xadhiga diblumaasigan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Caalamka. Jarmalka iyo UK ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka go’antahay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta danaha ay wadaagaan iyo qaabkii lagaga baaqsan lahaa in Iiraan ayna sameysan hubka wax guumaada. Xadhiga diblumaasigan ayaa yimid kadib markii UK ay dhaleeceysay gantaalkii ciidanka Iiraan ay ku dhufteen diyaarada Ukraine oo ay ku dhinteen 176 ruux oo ahaa shaqaale iyo Rakaab, walow markii dambe la sii daayay. Source
-
(SLT-Baqdaad)-Saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada Baghdad oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka ayaa shalay gelinkii dambe lagu garaacay gantaallo, waxaana halkaas ku dhaawacmay afar askari oo Ciraaqi ah. Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha weerarka kasoo gaadhay ciidamada Mareykanka, haddii ay jiraan. Salhigga Al-Balad, oo ah halka ay ciidamada Mareykanka ku dayac tiraan diyaaradaha dagaalka ee F-16, ayaa waxaa lagu dhuftay lix gantaal. Qaar ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay maqaayad ku dhex taal saldhigga. Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Iran ay gantaallo ballistic ah ku garaacady laba saldhig oo ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Iraq, inkasta oo aysan wax khasaare nafeed ah kasoo gaarin ciidamada Mareykanka Inta badan ciidamada cirka Mareykanka ee jooga Baghdad ayaa ku sugnaa saldhigga Al-Balad, oo 80km waqooyi kaga beegan magaalada Baghdad. Hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey ayaa la sheegay in ay billaabeen inay halkaas ka baxaan. “Saddex askari oo Iraqi ah oo ilaalo ka ahaa albaabka saldhigga ayaa dhaawacmay.” Waxaa sidaas yidhi Colonel Mohammed Khalil oo ah sarkaal ka tirsan booliska gobolka waqooyi ee Saladin. Wakaaladda wararka ee AP ayaa sarkaal Mareykan ah kasoo xigatay in khuburo Mareykan ah, tababarayaal iyo la-taliyayaal Mareykan ah ay ku sugnaayeen saldhigga, markii weerarka lagu qaaday. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’iiliyadda weerarka. Hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha hubeysan ee Shiicada Iraq, oo ku xidhan Iran. Source
-
(SLT-Jabuuti)-Dowlada Shiinaha ayaa ka hadashay loolanka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ku aadan kursiga joogtada ah ee golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Xukuumada Beijing ayaa balan qaaday in ay taageeri doonto labada wadan, balse waxay ka gaabsatay dalka ay u coddeyn doonto. Shiinaha ayaa xidhiidh wanaagsan wuxuu la leeyahay labada dhinac kaasi oo la xidhiidha dhanka ganacsiga iyo dhismaha. Maalmo ka hor ayay aheyd markii wasiirka arimaha dibada Shiinaha Wang Yi uu magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Mr Wang Yi ayaa balan qaaday in dalkiisa uu sii xoojin doono xidhiidhka saaxiibtinimo ee kala dhaxeeya dalka ku yaalla geeska Afrika. Source
-
Dhaqaatiirta ka hawlgala isbitaalka weyn ee waqooyiga magaalada gaalkacyo, ayaa laga soo xigtay in isbitaalku la ciir-ciirayo bukaanno uu soo ritay xanuun aan weli la aqoonsan. Xanuunkaasi, ayaa la sheegaya in uu carruur badan ku soo ritay gudaha magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay jiraan dad waaweyn oo uu ritay, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in dadka uu soo ritay xanuunkaasi, lagu arkay calaamado ay kamid yihiin calool-barar, daba-dhiig iyo matag dhiig ah, balse baaritaano ay ku sameeyeen aysan weli aqoonsan. Sidoo kale, waxay sheegeen in dhiigag iyo dheecaanno laga qaaday bukaannada qaar loo sii qaaday magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, si baaritaanno loogu sameeyo. Isbitaalka weyn ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, oo la geeyay bukaannada u badan, ayaa waxa gacanta ku haysa hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudka lahayn ee Médecins Sans Frontières (MSF). PUNTLAND POST The post xanuun aan weli la aqoonsan oo carruur badan ku soo ritay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Nairobo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Kamuudey oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, Kenya. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoona la sheegay in dagaalyahannadu ay gubeen. Sidoo kale weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay illaa saddex Macalin Iskuul;oo ku sugnaa deegaanka, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka fuliyey ay burburiyeen xarun ay shirkadda Safaaricom ku leedahay deegaanka Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo sida uu u dhacay. Tan iyo markii la guda galay sanadkaan cusun ee 2020-ka kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. Weeraradii ugu dambeeyey ee khasaaraha badan geystay waxaa ka mid ahaa midkii dhowana ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu ee lala beegsaday saldhig ay wada daganaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykankan ah.
-
Warbaahinta madaxabannaan ee ku sugan Galmudug oo si wadajir ah ugu qabtay shir jaraa’id magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu ku wado caburin. Qaar ka tirsan warfiyeenka oo hadlay ayaa sheegay in nin la dhaho “Beesaani”, oo ka tirsan xafiiska ra’isul wasaaraha, oo Cameraman ah uu keligii qaatay dhammaan dowrkii saxaafadda, isagana uu diro. Warfiyeenka ayaa intaasi ku daray in ninkaas uu waday hawshaas 6 bil, isaga oo lagu eedeeyey caburin, xaqiraad iyo cagajugleyn. Waxaa ay sheegeen oo kale in arrintaas aaney wax ka qaban Kheyre, guddiga dib u heshiisiinta iyo xataa guddiga farsamada. Warfiyeeenka ayaa codsaday in saxafi laga soo diray xafiiska Kheyre aanu la wareejin shaqada saxaafadda, isla markaana aan la jajuubin warbaahinta, lana fasaxo iney gutaan hawlaha ay umadda u hayaan. Dhankiisa, xafiiska ra’isul wasaare oo aan la xiriirnay, nooma suurogelin in aan helno. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay isku dayday iney ka baajiso khudbad uu u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia. Wuxuu tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaasi laga soo amray Villa Somalia, si loo joojiyo qudbaddiisa, taasi oo Booliiska u sheegtay inuu yahay dambiile, waa sida uu hadalka u dhigaye. Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook ayuu ku yiri: “Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay dambiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana laga soo saaray, loona diiday dalal badan oo Islaam in uu hadal jeedin ka sameeyo” “Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee danjire dal shisheeye diblomaasiyad ugu metalo. Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia uu fashilmo” Dowladda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi weli kama aanay hadal eeddaan uga timid hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada nabad sugida ee Jubbaland ayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku soo bandhigay xubno ay sheegeen inay ka tirsanaa Al-Shabaab. Xubnaha soo goostay oo gaarayey labo ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ee ka howlgala degmadaasi. Saraakiisha nabad sugida Juballand ma shaacin magacyada raggan, balse waxa ay sheegeen in xiriir ay la soo sameeyeen taliskooda, kadibna la soo dhoweeyey. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in xubnahaan lagu wareejin doono hay’ada kale ee Jubbaland ee ku shaqada leh. Weli ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan raggaasi. Shalay ayey aheyd markii magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose lagu soo bandhigay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Maadey oo Al-Shabaab ku biiray 2012-kii.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo la sheegay iney ku wajahan yihiin deegaanno maamulkaasi ka tirsan. Waxa ay sheegtay wasaaradda in 14-ka illaa 15-ka bishan January la filan karo roobabkan oo da’a sidaasi darteed looga baahan yahay shacabka iney taxadar muujiyaan. Sidoo kale, wasaaradda ayaa ugu baaqday dadka ku dhaqan miyi iyo magaalo, gaar ahaan kuwa deggan meelaha biyo mareennada iyo godadka iney ka fogaadaan, si aanay dhibaato usoo gaarin. Ugu dambeyn, wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa sheegtay in xilli walbo ka maamul ahaan ay heegan buuxa ku jiraan, isku diyaarinayaan sidii loogu gurman lahaa cid walbo oo uu roobabkan saameeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa fagaare ku yaalla degaanka Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose, waxay ku toogteen afar nin oo ay ku eedeeyeen, in ay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxkamadda Al-shabaab ayaa halkaasi ku toogatay Ayuub Xassan Buraale oo da’diisu tahay 23 jir, Xassan Cusmaan Cali (Abayle ) iyo Xassan Faarax Maxamed oo da’doodu tahay min 40 sano, iyo sidoo kale Xuseen Xassan Geelle oo 30 jir ah. Kooxda ayaan soo bandhigin ,wax caddaymo ah oo muujinaya in raggaasi la toogtay ay ka tirsanaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya, marka laga reebo eedaynta loo jeediyay. Al-shabaab ayaa bulshada degaanka ku amray, in ay isu’gu soo baxaan fagaaraha lagu tooganayey afarta nin, si ay u daawadaan qaabka loo fulinayo dilkooda, taasi oo ay ku cabsi gelinayeen dadka degaankaasi. PUNTLAND POST The post Malayshiyaadka Al-shabaab oo dad ku laayay fagaare ku yaalla Sablaale appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangarafta Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo Mareykan ah ay la wareegeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadu ay si nabdoon ku qabsadeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac xoogan, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhaco halkaasi. Tooratoorow oo 75 KM u jirta degmada Awdheegle ayaa waxaa in muddo ah ka talinayey Al-Shabaab, waxaana ugu tiilay maxkamad ay ugu yeeri jireen shacabka. View the full article
