-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha ciidamada howgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa AMISOM ee Soomaliya, Generaal Tigabu Yilma ayaa booqday ciidamada qeybta ka ah howgalka AMISOM ee ku sugan degmada Dhoobley, gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. Generaal Tigabu Yilma ayaa markii uu gaaray degmadaasi waxa ugu horreyn booqday xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada, isaga oo u kuur galay xaaladda ay ku shaqeeyaan iyo sida uu u socda howgalkooda gobolka Jubada Hoose. Ciidamada qeybta ka ah howgalka AMISOM ee ku sugan degmada Dhoobleey ayaa kala ah ciidamo ka soo jeeda dalka Kenya iyo kuwo kale oo ka soo jeeda dalka Itoobiya oo iyana sidoo kale ka howlgalka qeybo kamid ah Jubooyinka. Markii uu gaaray degmada Dhoobleey taliyaha AMISOM ayaa waxaa soo dhoweeyey taliyaha qeybta labaad ee ciidamada AMISOM, General Dickson Ruto, kaas oo taliyaha u faah faahiyey sida uu u soconayo howlgalka ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray. Ugu dambeyn taliye Tigabu Yilma ayaa ciidamada jooga Dhoobley uga mahadceliyey dedaalka ay ku bixinayaan dhinaca ammaanka,isagoo aamaan iyo boggaadin ugu jeediyay sida ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee saaran. Degmada Dhoobley oo 729 KM uga beegan koonfur galbeed magaalada Muqdisho ayaa ah marin muhiim ah oo isku xira magaalada Kismaayo iyo magaalada xuduuda Kenya laga galo ee Liboy oo u dhOw xeryaha qaxootiga Dhadhaab, halkaas oo Malaayin qaxooti Soomaali ah ay deegaansadeen kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Ciidamada Booliiska ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Jowhar kasoo qabteen Cismaan Ibraahim oo shalay wiilkiisa ku gowracay magaaladaasi. Taliyaha Booliiska Jowhar, Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in ciidanku ay soo qabteen ninkan oo sii baxsanayey, xilli uu marayey tuulo ku dhow magaalada Jowhar. Wiilka la gowracay oo 14-sano jir ahaa ayaa lagu magacaabayey Ibraahim Cismaan Ibraahim, iyadoo weli aan la ogeyn sababta ka dambeysay gowraciisan. Booliiska ayaa hadda waxa ay wadaan baaritaanka kiiskan, iyadoo dadka deegaanka la yaaban yihiin waxa ku kalifay Aabe Cismaan inuu dilo wiilkiisa curadka ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa howlgal socday in ka badan 48 saacadood oo ay ka sameeyeen Xeebaha galbeedka iyo Waqooyiga kaga hortegay Markab jiidayey xadhig nooca Isgaadhsiinta xambaara oo laga leeyahay Dalka Djibouti, kaasoo la doonayey in sifo sharci darro ah lagu mariyo biyaha Somaliland, iyadoo loo jeediyo dhinaca Soomaaliya. Mashruuca xadhiga Internet-ka ee DARE1 oo todobaadkii hore lagu daah-furay dalka Djibouti, isla markaana qaybta la geynayo Soomaaliya ay saami ku leeyihiin Shirkaddo Somaliland laga leeyahay, ayaan wax heshiis ah ama isfahama ilaa hadda inta la ogayahay aanay ka gaadhin labada dawladdood ee Somaliland iyo Djibouti, taasoo ah sababta ay Ciidamadda Illaalada Xeebuhu isu-hortaageen, una celiyeen. Markabkan xadhigga jiidaya ayaa sida la sheegay ka dhego-adaygay amar ay Ciidanku siiyeen markii uu soo galay Xadka biyaha Somaliland, kuna jawaabay cabsi gelin iyo in ay illaalada la socday Rasaas Cirka u ridaan, iyagoo ku baqdin gelinaya Ciidanka. Saraakiisha Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Wargeyska Dawan faahfaahin ka siiyey sida uu u dhacay howlgalka ay ku joojiyeen markabkaasi, ayaa sheegay in ay iyagoo dhowraya ama tix-gelinaya masaaliixda Siyaasiga ah iyo xidhiidhka labada dawladood ka dhexeeya ee wanaagsan ay wakhti dheer digniin siinayeen Markabkaasi, isla markaana aanay wax jawaab ah ka bixin Rasaasta laga rigay. hase ahaatee markii uu ka joogi waayey xad-gudubka uu sameeyey ay talaabo ka qaadeen, kuna celiyeen xaggii uu ka yimi. “Markabkaasoo ka soo dhaqaaqay dalka Djibouti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada hadlin oo sharci darro ah, markaa Markabkaasi wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii Saarnaa.”sidaasi waxa Dawan u sheegay Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Saldhiga Saylac Cumar Caadil Qalinle oo khadka Telefoonka ee Magaaladaasi noogu waramay Xalay. Taliye Caadil, ayaa intaasi ku daray in ay niskii dambe ee habeen hore Ciidanku soo gebagebeeyeen howlgalka ka dhanka ah Markabkaasi, kuna guulaysteen in ay ka saaraan soonaha Biyaha Somaliland. Waxaanu yidhi “markaa xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas ayey howshu ku dhamaatay”. Geesta kale, Saraakiisha Saldhiga Ciidanka Xeebaha ee Berbera oo aanu iyagana la xidhiidhnay, ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ku dhamaaday si nabad-gelyo ah, kana hortageen Markabkaasi meel qiyaastii magaalada Berbera u jirta 40Mile oo ah jihada Waqooyi galbeed, halkaasoo ay ku joojiyeen markabka iyo xadhigii uu jiidayeyba. “Markabkaasi kolay wuxuu u jahaystay xagga Yemen oo aanu filayno in uu qabtay, laakiin annagu waxaanu dib uga celinay xad-gudubkii uu ku soo sameeyey biyaha Dalkeena”ayuu yidhi Sarkaal ka tirsanaa Ciidankii howlgalkaasi ka soo noqday oo shalay soo gaadhay Taliska Ciidanka ee Berbera. Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo horumarinta Tiknoolajiyada Jamhuuriyada Somaliland Cabdiwali Sh. Suufi oo Arbacadii warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa caddeeyey in aanay Dawladda wax ogolaanshiyo ah soo waydiisan Dawladda Djibouti iyo Shirkaddaha wata Xadhigani, fasaxna aanay u haysan inay xadhigaasi keenaan Magaalada Berbera ama ay mariyaan biyaha Somaliland ee Badda. Hadalka Wasiirka iyo talaabooyinka kale ee ay Jamhuuriyada Somaliland samaysay ayaa ka dambeeyey, hadal ka soo yeedhay Wasiir ka tirsan Dawladda Djibouti oo markii mashruucan la furayey munaasibada ka sheegay in xadhigaasi sii mari doono Magaalada Berbera oo uu ku tilmaamay magaalo kamida Soomaaliya. Hadalka ka soo yeedhay masuulka ka tirsan Xukuumadda Djibouti oo si cad u xaqirayey madaxbanaanida iyo qarannimada Somaliland, isla markaana ilaa hadda aanay wax jawaab ah ka bixin Dawladdiisu, ayaa dareenka diblomaasiyaddeed ee uu labada dawladdood ka dhex abuuray ka sekow, si weyn uga cadhaysiiyey shacbiga Somaliland Source
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari Spacio ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, kaas oo la sheegay in loogu dhajiyey qaraxa. Wararka ayaa sheegaya in gaariga ciidamadaasi uu kula qarxay inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-Contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan illaa askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga ayaa ku dhintay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya ciidamadu marka uu dhacay qaraxa waxyar kadib ay isaga dhaqaaqeen halkaasi, iyagoo qaatay Meydadka labda askari. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Weerarkaan loo adeegsaday qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ay howlgallo ka sameeyeen degmada Dharkenley, kuwaas looga hortagayey falalka liddi ku ah nabad gelyada. View the full article
-
Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka jiray isbadbadallo dhanka maamulka, dowaladda federaalka ah ayaa badashay ama magacawday maamul ka duwan midkii Jubbaland taasi oo keentay xiisad iyo colaad u dhaxeysa dadka deegaanka dhexdooda gaar ahaan gudaha beesha Mareexaan. Saakay waxaa la sheegayaa in uu dhaqdhaaq cusub jiro, gaar ahaan xarunta degmada Baardheere, waxaana la wareegay Cismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo ah maamulka uu magacaabay Axmed Madoobe iyada oo ciidamo taageersanaa dowladda la sheegayo in qaarkood ay kala jabeen oo beelaha ku kala biireen. Suldaan Hiiroow Cismaan oo ka mid suldaamada gobalka Gedo oo la hadlay Goobjoog News ayaa ayaa sheegay in isbadalka dhanka maamulka ah uu dib u dhigay magaalada Baardheere hormarkeedii, isaga oo yiri “ Magaalada Baardheere waxaa ka jira maamul hore ay soo magacowday dowlad goboleedka Jubbland iyo mid horay u jiray oo dowladda federaalka ah ay soocelisay hadda”, Suldaanka waxaa uu intaasi ku daray in labada maamul ee ay kala magacaabeen DF iyo Jubbaland ay is horfadhiyaan. Suldaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah soo celinta maamulkii hore diidmo ay diidan tahay dowlad gobaleedka Jubbaland, waxaana uu xusay in la doonayo in dadka degmada la iska horkeeno. “Waxaa ay leedahay dowladda federaalka ah Axmed Madoobe wax taageersan marabno, qaab nuuaas ah ayeey u soo celisay, labadii maamul ee lasoo magaaabey oo mid ka mid ah uusan sharci aheyn iyo midkii oo la doonaayo in degmada la iskaga horkeeno ayaa hadda halkaan ka jira” ayuu yiri Suldaan Hiiroow Dhanka kale Suldaan Hiiroow ayaa xusay in wasaaradda arrimaha gudaha aysan xaq u laheyn maamul degmo ama mid gobal in ay soo magacowdo, waxaana uu sheegay in arrintaas ay leedahay dowlad gobaleedka maadaama dalka uu yahay federal. “ Wadanku waa nidaam federal ah nidaamkaas federalka ah wixii degmo ah iyo gobal ah magacaabistiisa dowlad gobaleedka ayaa iska leh, dowladda federal ama wasaaradda arrimaha ma soo magacaabi karto guddoomiye oo dowlad gobaleed ah ma soo magacaabi karto, ayadoo u jeedadu tahay Axmed Madoobe ayaan la dagaalameynaa ayey dowladdu waxaan sharci aheyn ku qasabtay meeshaan ayuu yiri” Ugu dambeyn Suldaan Hiiroow Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda federal ah in faregalinta ay ka deyso degmada Baardheere si horay ay ugu soco loona helo maamul u adeega dadka deegaanka. Suldaan oo arrintaasi ka hadalaya “Waxaan leenahay halaga daayo faragelinta oo dhibaatada dowladda federaalka haka deyso dadka walaalaha ah ee degan degmadaan , Baardheere waa degmo barwaaqo ah oo beero iyo xoolalo leh oo waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu barwaaqada badan dalka, dowladdu dadkaas waxna ma ay tarin mashaariicna kama aay fulin haddii aysan wax tareen haka deyso faragelinta ayuu yiri Suldaanka”. Dowladda federaalka ah oo dagaal kula jirta maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa iney hub iyo ciidan geysay Gedo, taasi oo dadka ka dhexabuurtay kalsooni-darro iyo cabsi laga qabo iskudhac beesha Mareexaan dhexdeeda ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daaf-furay shirka dib u hubinta tirada qaxoontiga ka diiwaan gashan Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay tiro koobka qaxoontiga ku sugan waddanka isagoo ku ammaanay Hay’adda Qaxoontioga iyo Barakacayaasha qaranka shaqada culus ee ay bilowday Madaxweyne ku xigeenka oo furay Xafladaasi ayaa yidhi “Salaan ka dib waxaa runtii maanta sharaf iyo farxad weyn noo ah in nidaam lagu diiwaan gelinayo dadka magan galyo doonka ah ee qaxoontiga Somaliland inala jooga oo lagu ogaanayo tiradooda rasmiga ah inay tahay arin aad iyo aad u muhiima” Madaxweyne ku xigeenka qaranka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay inaan maanta qaxoontiga ku sugan Somaliland aanay dareemin wax faquuq ah islamarkaana ay nabad gelyo ugu nool yihiin waddanka “Waxay taasi muujinaysaa inaynu innaguna Caalamka shuruucdiisa aynu dhawrno waana ta keentay in laynoo yimaado iyadoo aan maanta adduunyadu ina ictiraafsanayn ay maanta dadku magan gelyo inoo soo doontaan oo inay nabad ku noolaadaan inoo soo raadsadaan oo ay inagu dhex nool yihiin oo aanay faquuq ka dareemin waddanka Somaliland maanta” Dhanka kale Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku laamaha kala duwan ee Dawladda ku booriyey inay diiwaan gelintaa kala shaqeeyaan Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka “Waxaan leeyahay laamaha kala duwan ee Dawladdu inay Hay’adda kala shaqeeyaan muddada diiwaan gelintu socoto sidii dadkaa loo diiwaan gelin lahaa oo xogtooda rasmiga ah aan u wada heli lahayn”. Wa bilaahi Tawfiiq Source
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Xoosh iyo Ex-control, waxaana la sheegay inuu ahaa mid ku xirnaa gaari halkaasi marayey. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Labo qof oo la sheegay in gaariga ay saarneyd, waxaana ku dhaawacmay qof kale. Ciidamada DFS ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay gaareen, islamarkaana ay sameeyeen baaritaanno aan weli natiijadooda la shaacin. Maamulka degmada Dharkeenley iyo hay’adaha ammaanka ee degmadaasi ayaanay jirin faah faahin ay ka bixiyeen qaraxaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-25012020.mp3 View the full article
-
(SLT-Jabuuti)-Askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Somalland ayaa soo dhammaystay tababar uga socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Tababarkaas oo ay wada qaadanayeen askar ka tirsan ciidamada Jabuuti,ayay kaalmo muuqda oo sare ka galeen asrkarta ka socotay ciidanka illaalada madaxtooyada Somaliland. Taliska Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tababar muddo labo bilooda uga socday dalka jabtuuti usoo xidhay 15 Askari oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland muddo uga socday. Munaasibad lagu soo xidhayay Tbabarkan ayaa waxa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Jamhuuriyadda Jabuuti Kornayl Maxamed Jaamac Ducaale Taliyaha Ciidamada biyas ee Cali Sabiix Kornyl Cabdiwaasac Maxamed Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga dalka Jabuuti. Taliyaha Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Jabuuti Kornyl Maxamed Jaamac Ducaale ayaa halkaasi Shahaadooyin ku Guddoonsiiyay askartii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Somaliland ee kalmaha hore ka gashay tababarkan intii uu socday. Agaasimaha Tababarada Ciidamada Jamhuuriga ee dalka Jabuuti Maxamed Axmed Xasan oo Xidhitaankii Tababarkan ka hadal ka jeediyay ayaa ka waramay waxyaabihii lagu tababaray askarta ka socotay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Somaliland.waxaanu yidhi“Farxad wayn ayay noo tahay in aan ka soo qayb galno Tababarkii loo fidinayay 15 Askari ee ka socday Ciidanka Ilaalada Mdaxtooyadda Somaliland oo Maanta(Khamiistii) la soo gabogabeeyay, kaas oo ku sahabsanaa sidii loo sugi lahaa ilaalinta madaxda sare waxaanu socday tababarkani mudadii u dhaxaysay Nofember ilaa 23 bishan January ee sannadka 2020 waxaana tababarkan lagu fidinayay xarunta Ciidamada dalka Jamhuuriga oo ku yaala Gobolka Cali Sabiix.kaas oo lagu tababarayay laba qaybood oo kala ahaa dhismaha jidhka ee lagama maarmanka u ah dhamaan askarta,qaybta labaad waxaa lagu tababarayay oo lagu xoojinayay Ilaalinta Shakhsiyaadka sare ee madaxda ah oo lagama maarmaan u ah xirfada amniga aqoonta aasaasiga ah iyo ka hortaga waxyaabaha qarxa waxaana laga faa’iidaaystay waxyaabo badan,” Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dowladda Iyo Shacabka Turkiga Uga Tacsiyeeyay Dhibaatadii Ka Dhalatay Dhul Gariirkii Gobalka Elazig Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga. Mudane Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan” Ayaa lagu soo xiray warka ka soo baxay Xasan Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Dhulgariirka ku dhufta Turkiga ayaa waxay wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo sheegayaan inay ku dhinteen 22 qof, waxaana burburay guryo badan. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in 1000 qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen. Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa. Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka. Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi.
-
Somalia’s Minister of Education Abdullahi Godah Barre said the government will not issue a secondary school certificate to Puntland students unless they take part in the unified national exams. Barre pointed out that he discussed with Puntland on the matter several times, but the State insists it will not participate in the examinations by the Somali Ministry of Education. The minister’s remarks come amid political tension between Puntland and the Federal Government of Somalia that has been raging on since President took power in 2017. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya goor dhow lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa wuxuu ka dhashay gaari Spacio ah oo ay wateen ciidamadaasi, kaas oo la sheegay in loogu dhajiyey qaraxa. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu qarxay, xilli uu ku socdaalayey inta u dhexeysa isgoysyada Xoosh iyo Ex-Contarol ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraal illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidankii Milatariga ee la socday gaariga qarxay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu waxyar kadib ay isaga dhaqaaqeen goobta qaraxa, islamarkaana ay horay u qaateen Meydadka labada askari. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata weeraradaan ka dhanka ah askarta, waxaana had iyo jeer ay qaraxyo miino la eegtaa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan M/ Muqdisho.
-
aliyaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wefdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta oo Sabtiya gaaray Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose. Taliyaha ayaa booqday saldhigyada Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Dhoobley, isaga oo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidamada, wuxuuna kala hadlay arrimo kaka duwan. Taliye Tigabu Yilma ayaa waxaa uu Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan Dhoobley kala hadlay xaaladda guud ee Gobolka gaar ahaan tan degmada iyo mida nololeed ee Ciidamada ku sugan yihiin. Wuxu ku booriyay iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa deegaanada ay ku harsan yihiin gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday degmada Dhoobley appeared first on Puntland Post.
-
Some of the presidential candidates in Galmudug have come out with new conditions they set on their participation in the upcoming election in the Somali Federal State by the end of this month. In a joint statement, the candidates – Abdi Ahmed (Abdi Dheere), Abdirahman Mohamed (Odowaa), Abdullahi Farah Weheliye and Kamal Dahir Gutale called for the formation of a fresh inclusive electoral committee ahead of the presidential vote. The aspirants said they want an independent third-party to oversee the electoral process to avoid vote-rigging and irregularities that could lead to post-election conflict in Galmudug. “We will not participate in an election that is organized by one group of the divided elections committee; that any elections held by some members of the committee and election timetable they have released are unacceptable,” the statement issued by the presidential candidates read in part. The latest development comes after the influential moderate Islamist group Ahlu Sunna Wal Jama’ah also announced its rejection of the ongoing federal government-led election process in Galmudug. View the full article
-
Wararka saakay laga helaayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Farlibaax oo 45km u jira magaalada Baledwene ay la wareegeen dagaaalamayaal ka tirsan xarakada tirsan Al-shabab, kuwaas oo weerar ku soo qaaday degaanka. Dagaal kooban oo ku dhexmaray kooxo hubeysan oo deegaanka ah oo loo yaqaano Macawisley iyo Al-shabaab ayaa waxaa u suuragashay in Al-shaab ay gudaha u galaan deegaanka, sidoo kale kooxihii Macawislaydii ayaana iskaga baxay. Sidoo kale wararka ay helayso Goobjoog News ayaa sheegayo in deegaanka hadda lagu arkay meydadadka Sadddex ruux waxaana hadda deegaanka ka jiro xaalad kacsanaan ah madaama Labada dhican ay ka joogaan duleedyada deegaanka, waxaana saacad waliba la filan karaa inuu dagaal dhexmaro Labada dhinac. Deegaanka Farlibaax oo 45 km u jira magaalada B/weyne gobalka Hiiraan ayaa waxa ay gacanta ciidamada dowladda iyo kooxaha Macawislayda ku jirtay muddo Lix Sano ku dhow, dowladda ayaana ciidamadi u wareejisay dowladda dowlad gobaleedka Galmudug, intaasi wixii ka danbeeyey waxaa gacanta ku haayey deegaanka ciidamada Macawisleyda oo dowladda federaalka ay horey u sheegtay in la qarameynayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Dhoobleye ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi loogu soo dhoweeyey si diiran. Taliyaha ayaa ugu horreyn booqday saldhig ay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin degmadaasi, isagoo kulan la qaatay saraakiisha ku sugan halkaasi. War ka soo baxay AMISOM, islamarkaana ku aadanaa socdaalka taliye Gen. Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay inuu safarkiisa ugu kuur galayey xaaladda ciidamada iyo sidoo kale howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ciidanka markii uu xog-wareystay kadib kula dardaarmay inay xoojiyaan dhaq dhaqaaqyadooda iyo howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. Safarka taliyaha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM aya ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgalladooda Milatari, iyaga oo Al-Shabaab ka saaray deegaano dhowr ah oo dhaca K/Soomaaliya.
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka warbixiyey halka uu maraayo khilaafkii dhanka waxbarashada ee wasaaradda iyo dowlad gobaleedka Puntland. Wasiirka Goodax oo wareeysi siinaayey BBC ayuu sheegay in aysan macquul aheyn in dowladdu imtixaan aysan qaadin ama wasaaraddu koorjoogto ka aheyn inay ku bixiso Shahaadooyinka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka. “Puntlan aratidoodu waxaa waaye in ay yiraahdaan Imtixaanka annaga ayaa qaadaneyna, wasaaradda waxbarashada ee dhexe oo imtixaanka agaasinto marabno inaan wax lawadaagno oo macluumaadka ardayga aan u sheegno qofkii annaga aan dhahno waa uu baaasay Shahaado siiya ” ayuu yiri wasiir Goodax. Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in aragtida ay soo jeediyeen dowlad gobaleedka Puntland uusan u cuntamin dowladda dhexe iyo wasaaradda waxbarashada. “Annagana waxaan dhahnay taasi macquul maahan, marka in iyagu ismaamulaan oo annaguna aan noqon (represented) oo Shahaado kaliya bixiya taas macquul maahan inaan Puntland Shahaado siinno lana mid ah midda aan siinnay ardaygii iyaguna aysan shaqeysan macquul maahan” Dhanka kale, wasiir Goodax Barre oo ka hadlayey mowqifka wasaaraddiisa ee Puntland ayaa waxa uu yiri. “Wax badan ayaan isla soo marnay xitaa in ayagu agaasimaan laakiin annagu aan kormeerno ma ogola, arrintu Puntland ayey agtaalaa in shacabka Soomaaliyeed ay lasoo mid noqdaan imtixaankooda la galaan shahaadaooda la qaataan, haddii ayagu aaminsan yihiin in ayagu ka tayo fiican yihiin kuwa kale buundayaasha ugu waaweyn ayeeyba qaadanaayaan” Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Cabdullaah Goodax Barre ayaa ka warbixiyey deeqaha waxbarasho ee dowladda ay hesho sanadkii iyo sida loo maareeyo ”Deeqo waxbarasho waxaan helnaa 95 deeqo waxbarasho ayaan helnaa sanadkii inta badan waxaan ka helnaa wadamada Ethiopia, Suudaan iyo Masar, xoogooda meelahaas ayaan ka helnaa, sida loo qeybiyo intii aniga iga horeysay ayaga ayaa yaqaan lakiin inta aan aniga joogay qaabka aan u qeybiyo, dowlad gobaleedyada imtixaankii aan qaadnay meeqo ayuu ka helay aradaydii baastay meeqo ayuu ka ahaa 100% haddii 20% uu helo 20% ayuu ka helaa” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed. Maareeyaha Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u leheyn ay ugu qabtaan bulshada Soomaaliyeed maadaama dalku uusan laheyn sharci duulis. Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda duulista rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee sharcigaan. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Farlibaax oo 45 KM u jira Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda iska hor imaadka kadib ay ka soo baxeen, halkaasi, ayna gacan ku heynta kala wareegeen dagaalyahannadii weerarka qaaday. Sidoo kale ilo deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in haatan kooxda Al-Shabaab dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilowday halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaaas iyo weerarka ka horreeyey inta Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska hor horjeeda laga dareemayaa duleedka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa si aad ah ugu xoogan gobolkaan, iyaga oo gacanta ku haya deegaano muhiim ah oo ay ku leeyihiin saldhiyo ciidan iyo maxkamado ay ugu yeeraan dadka shacabka ah iyo ganacsatada intaba.
-
(SLT-Washington)-Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka, balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Dalia Al-Aqidi ayaa sheegtay in doorashada soo socota ee Mareykanka ay dooneyso in Ilhaan Cumar ay kula tartanto kursiga congress-ka ee gobolka Minnesota. Haweenay oo ka tirsan isla xisbiga Ilhaan ee dimuqraadiga ayaa sheegtay in Ilhaan Cumar “ay tahay mixnad horleh oo kusoo korodhay siyaasadda Mareykanka”, waxayna intaa raacisay in khaladaadka Ilhaan ay ku boorisay in ay u tartanto kursiga Aqalka Congress-ka ee Ilhaan ay ku matesho Minnesota. “Sababta igu dhalisya in aan kursiga kula loolamo Ilhan Cumar ayaa waxay tahay in waxyeelada Ilhaan Cumar ayna ku koobneyn oo keliya gobolka laga soo doortay, balse uu saameeyay guud ahaan dalka Mareykanka, ka muwaadin ahaan mas’uuliyadeyda waxay tahay in aan ka hortago naceybka iyo cunsurinimada ay ku baahineyso bulshadeeda iyo guud ahaan caalamka”, ayay tidhi Dalia Al-Aqid. Dalia ayaa intaa raacisay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay ka jawaabto su’aala badan, maadaama sida ay sheegtay ay “dhibaato u geysata dad badan oo American ah “. Waxaa kale oo ay sheegtay in Ilhaan Cumar looga fadhiyo in ay wax u qabato deegaankii laga soo doortay, sharci walba oo ay meelmarisana uusan waxtar u lahayn dadka ku nool halka laga soo dortay Haweenaydan oo ah saxafiyad hore uga soo shaqeysay warbaahinta caalamka ayaa dalka Mareykanka qaxooti ahaan ku gashay sanadkii 1993, waxaana ay qoyskeedu kasoo jeedaan dalka Ciraaq. Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Ilhan Cumar ay shaacisay ololaheeda doorashada oo ay markale ku dooneyso in lagu doorto. Ilhaan ayaa bilawday hal ku dhigga ah “dib ugu celi aqalka Kongreska” oo ay ula jeedo dib u doorashadeed. Dooraahada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha November ee sanadkan 2020-ka, waxaana inta ka horeysa la geli doonaa doorashada xisbiyada dhexdooda, halkaas oo ay kusoo bixi doonaa hadba dadka xisbi walba ku mateli doonaa doorashada guud ee Mareykanka. Ilhan Cumar oo ah gabadh Soomaali, qaxooti ahaanna ku tagtay dalka Mareykanka ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aadka looga bartay dalka Mareykanka sanadihii dambe, waxaana ay kamid tahay dadka aadka u dhaliila siyaasadda madaxweyne Donald Trump. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dib u soo celiyey dagaalka wasaaradiisa kala dhexeeyey Puntland, wuxuuna sheegay in ardayda maamulkaasi aysan sii doonin Shahaadada dugsiga sare, haddii aysan ka qeyb gelin Imitixaanaadka dowladda dhexe. Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Telefishinka BBC-da ayaa tilmaamay in weli aan xal dhab ah laga gaarin khilaafkii ka taagnaa Imtixaanka ee dowladda iyo Puntland. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay rabto inay Imtixaanka qaado, islamarkaana ay iyagu ka wasaarad ahaan ka soo horjeedaan arrintaasi. “Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya Wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan.“ ayuu yiri Wareysigaan ku yiri wasiir wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay ka wada hadleen arrimahaan, balse ay ku adkeysaneyso in aysan ka qayb gali doonin imtixaanadka dowadda dhexe. Goodax Barre ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland in ay ka qayb gasho imtixaanka ama ay isku tashato, sida uu hadalka udhigay. “Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama aysan shahaado soo raadsan oo ay isku filnaadaan”ayuu mar kale yiri wasiirku. Weli madaxda sare ee Puntlad kama jawaabin hadalka ka soo yeeray xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradeeda waxbarashada, kaas oo ku soo aadaya iyadoo horay Puntland ugu eedeysay dowladda federaalka inay Shahaadada u diiday ardaydii galay Imtixaanaadkii dugsiyada sare ee deegaanada maamulkaasi sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay.
-
Madaxweynaha mamaulka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi wakiilka urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cali Guyo. Madaxweyne Deni iyo wakiilka IGAD ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, wada shaqaynta IGAD iyo Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa Nairobi kula kulmay safiirka France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, Ambassador Aline Kuster-menager. Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qunsulka safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Emmanuel Dagron-Halim iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda, amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda maamulkaasi. View the full article
-
(SLT-Ankara)-Dhul-gariir xoog badan ayaa waxa uu ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, halkaas oo ay guryo ku soo dumeen ayna ku dhinteen ugu yaraan 18 qof. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in shan boqol oo qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen. Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa. Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka. Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi. Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn daka ku xayitan dhismooyinka buburay Source
-
Wararka naga soo gaaraya Jowhar ayaa sheegaya in Aabe xalay wiilkiisa curadka ahaa uu ku Gowracay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka HirShabelle. Falkaan naxtinta leh ayaa ka dhacay waaxda Faanoole oo ka tirsan xaafadda Horseed ee magaaladaasi, kadib markii Aabe lagu magacaabo Cismaan Ibraahim uu wiilkiisii oo la oran jiray Ibraahim Cismaan uu Minid ku gowracay, kaas oo isla goobta ku dhintay. Marxuum Ibraahim ayaa 14 jir ahaa, waxaana sababta uu Aabahan wiilkiisa u dilay lagu sheegay, kadib markii uu wiilka booqday Hooyadiis oo ay Aabuhu kala tageen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Aabe Cismaan Ibraahim uu goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah,. Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa tegay guriga qoyskaas, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo Aabaha geystay dilkaasi. Dhacdadaan ayaa si aad ah waxaa saaka looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
