Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,295
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saddex carruur gaajo darteed ay ugu geeriyoodeen kaam ku yaallo halkaasi. Kaamka Calaf suge oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa carruurtaan ay ku dhinteen, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan. Hooyada dhashay carruurtaan ayaa la sheegay inay tahay naafo, waxaana carruurta u soo shaqeyn jirtay ayeeydood oo iyana 28kii Bishii December ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye. Farxiyo Xasan oo carruurta geeriyootay Habaryar u ah ayaa Warbaahinta u sheegtay in carruurtaasi gaajo darteed ay u dhinteen, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan. Waxa ay sheegtay ayeeydood inay u soo dawarsan jirtay, balse ayeeyda ay ku dhimatay Qaraxii Excontrol. Laba ka mid carruurta ayaa geeriyooday, waxa ay ahaayeen Mataano, waxaana ku xigay wiil yar oo Shan bilood jiray oo loo waayay caanihii uu cabi lahaay, kadibna geeriyooday. Dadkaan dhibaatada haysata ayaanan jirin cid si gaar ah isugu hawshay inay daryeesho, waxaana hooyada oo xannuunsan hadda ay dhex jiiftaa Kaamka Calaf suge ee duleedka Magaalada Muqdisho. Ehellada caruurta oo la hadlay VOA, hoos ka dhageyso. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/0970d3d0-a41e-4b2d-ab09-bf98c642533d_48k.mp3
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska waa ciidanka kaliya ee leh awood sugid amni ee dal walb,a waana kuwa baara dhacdooyinka aduunyada ka dhaca, balse Soomaaliya waxay maanta mareysaa in qof walba ka baqo ciidamada booliiska Soomaaliya. Laga soo bilaabo madaxda qaranka iyo kuwa kalaba waxay sii dhimanaya kalsoonida ay ku qabaan booliiska Soomaaliya, oo ah kuwa lagu aaminay amniga Muqdisho. Dhowr dhacdo oo xanuun badan iyo kuwa fashilmay ayaa sabab u ah in lagu kalsoonaan waayo booliiska, waxaana dhacdooyinkaas qeyb ka ah. Dhowr jeer oo dharka booliska loo adeegsaday weeraro, rag boolis ah oo dilal rayid gaystay, iyo warar sheegaya in bastoolado laga helay hoolkii dabaal dagga ee maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed, taas oo sababtay in madaxweynaha ka baaqdo. Hadda markii ay galayaan madaxtooyada iyo hareeraheeda, ama markii ay madaxda ka qayb galeyso munaasabadaha waxaa la baaraa ciidamada booliiska oo ay aheyd in ay iyaga wax baaraan, waana calaamad muujineysa in hay’adda booliiska Soomaaliyeed ay bur bur ku sii socoto. “Boolisku waa hay’ad ama ciidan caalami ah oo leh awooda 1-aad amaanka iyo baarista, balse Soomaaliya iyaga ayaa la baaraa, isla iyaga ayaa laga ilaaliyaa madaxdii qaranka sababtoo ah waxaa ku milmay Al-Shabaab” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliskii hore ee Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa. Sababta keentay in fashil ku yimaado booliska ayaa lagu sheegay 3 arin oo kala ah. 1) – Waxaa lagu soo daray rag badan oo ka soo galay ciidamadii hore ee NISA oo u badnaa kuwa markii hore kasoo goostay Shabaab, islamarkaana aanan marin hubin badan. 2) – Dhalinyaro badan oo la qoray dhowrkii sano ee ugu dambeysay kuwaas oo aan soo marin hab raacyada qorista ciidamada, waxaana ku soo dhax dhuuntay Al-Shabaab badan oo gabdho iyo wiilal ku darsaday. 3) – Dharka ciidamada oo aan xadidneen waxaana laga helaa suuqyada magaalada Muqdisho iyadoo ay fududahay in qof kasta uu xirto iyagoo wata daraja walba. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagula taliyay in ay soo saaraan 10, 000 oo askar boolis ah oo lagu aaamini karo amaanka Muqdisho lana siiyo lacag iyo daryeel fiican si meesha looga saaro daryeel xumada iyo laaluushka. Haddii ay dowladda Soomaaliya qaadato talooyinkaan ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab laga saari doono magaalada Muqdisho balse hadda uu halis sii galayo amaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho.
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Weriyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug oo haatan ay ka socdaan doorashooyinka maamulkaasi ayaa ka cabanaya in laga hor istaagay tibinta doorashooyinka oo haatan ka bilaawday magaalada Dhuusamareeb. Weriyaashan oo iskaga kala yimid magaalooyinka waaweyn ee Galmudug, sida Gaalkacyo, Cadaado, Hobyo, Caabudwaaq, Gurceel iyo magaalooyin kale ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo eedeyn badan ay ugu jeediyeen xaafiisyo uu ugu horeeyo kan Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay ka tirsanayaan tabashada ugu badan. Waxay sheegeen weriyaashan oo kala metelayey inta badan xarumaha warbaahineed ee ka howlgala dalka, in markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tegay Dhuusamareeb ay howl-wadeenada xaafiiskiisu ku bilaabeen handadaad iyo in laga hor istaago howlahoodii tebinta dhacdooyinka deegaanka. Dhamaan guddiyada ay khuseyso arintaan ee ku howlan dhismaha maamulka Galmudug iyo xitaa Ra’iisul Wasaaraha ayey sheegeen inay kala hadleen oo la fariisteen, ilaa hadana aysan jirin wax iska bedelay sidiina ay u jirto caburinta kaga imaanaysa xaafiiska Kheyre. Waxaa xusid mudan in arintaan oo kale ay ka jirto guud ahaan xaafiisyada dowladda ee Muqdisho oo aan loo ogoleyn weriyaasha warbaahinta madaxa banaan in wararkooda ay soo tabiyaan, taas bedel keedna ay iyagu iska soo duubaan markaas kadibna u diraan warbaahinta, waxayna arintaan soo taageynd intii ay jirtay xukuumaddan. Guud ahaan weriyaasha ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre ka dalbaday inaan laga hor istaagin howshooda, iyagoo sheegay inay si ku meel gaar ah shaqadii u joojiyeen xalna ay ka sugayaan xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.
  4. China has kept Kenya and Djibouti guessing on who it will support for a UN Security Council seat. Beijing diplomats have pledged support for both but failed to guarantee the vote..... Source: Hiiraan Online
  5. By AGGREY MUTAMBO Somalia’s ex-President Sheikh Sharif Ahmed was an accidental politician. Now he wants to become the first man in the country to be re-elected. A graduate of law from a Libyan university, Ahmed was a teacher before plunging into Somalia’s civil war, and later politics. Many consider him the father of Somalia’s modern history after his role in moving the transitional state to a federal government. Yet he is a bitter critic of the current government. “Authorities have failed to establish a security plan to deal with deadly attacks in Mogadishu,” he told the Nation through a spokesman. “The government should accept its failures in protecting citizens from Al-Shabaab,” he added, referring to car bombs last month, one of which killed 85 people. POLITICAL PARTIES The raids seem to have galvanised his desire to get back the seat he left in 2012, after leading the transitional federal government from 2009. In 2019, he mobilised six political outfits to form the Forum for National Parties (FNP), becoming the first coalition in independent Somalia. FNP includes his party Himilo Qaran, Ilays and the Union for Peace and Development led by ex-president Hassan Sheikh Mohamud. Others are the Progressive Party led by former ministers Sharif Hassan and Abdiweli Haas; Peace Party, chaired by former Jubbaland president Mohamed Abdi Gandhi; and Kulan Party, under Mohamed Siriin. “Having strong political parties is the best way forward,” he said. “Somali people need to be empowered to govern and defend themselves from Al-Shabaab.” CHALLENGES Whether a coalition can hack it in a Somalia that has for the last 15 years been run on clan politics will be a test. But the greater question is whether an election will be held, and if it will be one-man, one-vote. And there are challenges. Somalia needed to pass a new constitution, register voters and plan for a countrywide poll when federal states are pulling in opposite directions. But the biggest is the Shabaab. In the past one year, the group has detonated car bombs almost every week, killing and maiming thousands. Ahmed thinks he can use an old tool to fight them. When FNP was formed, the coalition said it would demand that the vote not be delayed and that it could create a better security policy. “He is the right person to lead Somalia. Under his leadership, Shabaab were driven out of Mogadishu,” said Mohamed Hassan Idriss, a federal MP. “If the government were serious, Al-Shabaab would have been dismantled. We suspect the group is getting help or some form of cooperation from the government.” Hussein Arab Essa, another Federal MP, said Ahmed’s community policy helped defeat the group. “Locals shared information because they saw what he was doing,” Essa said. “There were no roadblocks during that time. People moved freely as they had nothing to fear.” The government denies claims that it allows Shabaab fighters to roam freely. But there have been reports of infiltration into state institutions. STARDOM Ahmed’s rise to political stardom started in 2003. After joining the Union of Islamic Courts (UIC), he rose through the ranks, becoming the leader of the group that rebelled against warlords accused of working with Ethiopian forces to kidnap locals. Ahmed led militants to fight US-backed Ethiopian forces in Somalia but later fled to Yemen through Kenya. In a 2007 interview with Al Jazeera, he said Kenya helped his rise to power. “Our relation with Kenya was not that bad. Even though it supported the transitional government of President Abdullahi Yusuf, Kenya sent me a plane. I flew to Nairobi and then to Yemen,” he said, referring to the defeat of the UIC. “Kenyans understood the UIC was a national force. Some government officials had a different opinion but the majority of Kenyan authorities saw the UIC as a force that they should have contact with.” He later oversaw the formation of the Alliance for the Re-liberation of Somalia in Asmara, Eritrea, in September 2007. It included Sheikh Sharif, Dahir Aweys, former Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden and former transitional government deputy PM Hussein Mohamed Farah. In 2009, he defeated 16 opponents in a presidential election, following negotiations in Djibouti. Suddenly, an opponent of Ethiopia was now its ally. Ahmed’s win was largely because of support from Addis Ababa and Nairobi. Critics opposed his brand of politics during the days UCI ran Mogadishu, saying it was a Taliban-like administration. In an alliance with the African Union Mission in Somalia (Amisom), Ahmed’s forces drove Al-Shabaab further into the country’s interior.
  6. hot night in Djibouti City, 5 September, and Mohamud Ali is in disbelief at having just written himself into Somalian history. The former £50-a-day factory worker was man of the match as his nation beat Zimbabwe 1-0 to record a first World Cup qualifier win. Source: Hiiraan Online
  7. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Siyaasiyiin u badan wasiirradii iyo baarlamaankii hore ee Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay sheegeen inay ka yagleelayaan maamul aan ahayn ka dhismihiisu ka socdo magaalada Dhuusamareeb. Xubnaha gaaray Gaalkacyo waxaa hoggaaminaya wasiirka waxbarashada Galmudug Sheekh Ibraahim Guureeye, sidoo kalena soo noqday guddoomiyihii seddxda gole ee ururkii Ahlu-Sunna Waljamaaca. Sheekh Ibraahim oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, isaga oo jooga magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa uu sheegay halkaas ay ka bilaabayaan dhismaha maamul cusub, maadaama sida uu sheegay ay iyagu yihiin dadkii horay loogu igmaday hoggaanka maamulka, isla markaana ay hadda doonayaan inay Gaalkacyo ku qabtaan doorasho madaxbanaan. Ibraahim Guureeye ayaa sheegay in howlaha ka socda Dhuusamareeb ay yihiin kuwo aan loo dhameyn oo sida uu sheegay ku kooban xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo eeda ugu weyn ka dhigay in xukuumaddu ay bedeshay inta badan odayaashii saxda ahaa ee beelaha Galmudug. Waxa uu sheegay in xubnaha baarlamaanka ee looga dhawaaqay Dhuusamareeb ay yihiin kuwo aan ku imaan saxiixii saxda ahaa ee odayaasha beelaha, isla markaama ay cabasho uga timid odayaashii beelaha qaar, sidaasna ay u garwaaqsadeen inay doorkooda qaataan oo soo dhisaan maamul ay ku qanacsanyihiin beeluhu. Xogta aan ka heleyso magaalada Gaalkacyo waxay sheegeysaa in kulamo ay uga socdaan siyaasiyiin badan oo reer Galmudug ah, kuwaas oo ka mideysan ku qanacsanaan la’aanta dhismaha maamul ee ka socota magaalada Dhuusamareeb, kaas oo gar wadeen ay ka tahay xukuumadda federaalka. Sidoo kale Gaalkacyo waxaa ku sugan Madaxweyne Xaaf oo horay u sheegay in aysan ogolaa doonin howlaha ay xukuumaddu ka wado magaalada Dhuusamareeb, isagoo kulan isugu yeeray siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Galmudug, si buu yiri looga tashado dhismaha maamul loo dhanyahay oo ay yeelato Galmudug. Halkan ka dhageyso wareysiga Ibraahim Guureeye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Wasiirka-Waxbarashada-Galmudug-Sheekh-Ibraahim-Guureeye-.mp3
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-12012020.mp3 View the full article
  9. Madaxweyne Deni ayaa si ku meel gaar ah ugu magacaabay G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday G/sare. Cawil Axmed Faarax iyo xeer ilaaliyihi maxkamada ciidamada. Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah ugu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Hoos ka akhriso Dikreetada Madaxweynaha Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis iyo magacaabis Ku Sameeyay Guddoomiyaasha iyo Xeer-ilaaliyaasha Maxkamadaha Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad. Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalo-darro oo ka imanaya mas-uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland. Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddoonka iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Waxaa G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha iyo Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu. Kuwaasi oo kala ah: 3.1. G/sare. Cawil Axmed Faarax Guddoomiye 3.2. G/sare. Cabdullaahi Xirsi Cilmi Xeer-ilaaliye Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Deni oo kala diray Maxkamadda Ciidamada Puntland ee 5-ta gobol appeared first on Puntland Post.
  10. Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Warqad maanta ka soo baxday booliska magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in aysan dalkaas ka dhici karin munaasabad soo dhaweyn loogu sameynayey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Amarka ka soo baxay booliska ayaa sida la sheegay inuu yimid kadib markii safiirka Soomaaliya u fadhiya Malaysia uu taliska booliska ka dalbaday in la joojiyo munaasabadda lagu soo dhaweynayo siyaasiga oo ay qaban qaabadeeda ku jireen inta badan ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia. Xogta aan helnay waxay sheegeysa in safiirku booliska uu ku qanciyey inay jiraan dad badan oo u carreysan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo uu sheegay in khudbad uu hadda ka hor ka jeediyey dalka Jarmalka ay ka dhalatay caro badan, isla markaana ay macquul tahay in dhib ka dhaco goobta. Dhinaca kale munaasadda soo dhaweynta ah ee Cabdiraxmaan ayaa qabsoontay waxuuna ka jeediyey khudbad uu dhaliilo ugu soo jeediyey madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo. Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan xiriirro la sameynay ayaa noo xaqiijiyey in munaasabaddas ay ugu qabsoontay sidii loogu tala galay, isla markaana wax faahfaahina uusan ka helin warka booliska, balse uu maqlay oo kaliya. Sidoo kale xubno ka tirsan dhalinyaradii ku jirtay qaban qaabada xafladda soo dhaweynta ah ee loo sameynayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xafladdu ay ugu qabsoontay sidii ay ugu tala galeen, balse ay arkeen warqadda booliska, wallow aysan xaqiiji karin sax ahaansheheeda. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waayihii dambe waxa uu dalka dibadiisa ka waday socdaal uu ku maray wadamo dhowr ah, kuwaas oo uu kula kulmay dadka Soomaaliyeed eek u nool. Hoos ka aqriso warqadda
  11. Guddiga farsamada maamul dhisida dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyay magacyada ilaa 3 xildhibaan oo ka tirsan 6-da xildhibaan ee ka dhineyd baarlamaanka 2aad ee Galmudug. Halkan Ka Akhriso Magacyada: Source: goobjoog.com
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa lasoo baxay nashqad cusub oo ay uga qeyb galayaan awoodaha ugu sarreeyo maamulka Galmudug ee la filayo in dhawaan lagu dhiso Magaalada Dhuusamareeb. Ahlu Sunna oo markii hore dooneysay inay musharax u keensato guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa hadda qaadatay go’aan midkaas ka duwan oo dhibaato ku ah qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ahlu Sunna ayaa dooneysa inay u tartanto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la filayo in maalmaha soo socdo lagu tartamo, waxayna miiska soo saaratay shakhsi kasoo jeedo Beesha Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, shakhsiga ay wadato Ahlu Sunna ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamuud Fiidow oo kasoo jeedo Beesha Murusade oo tartan adag ugu jirta sidii ay mar labaad u heli laheyd kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa aad looga tartami doonaan, waxayna Dowladda Soomaaliya wadataa Maxamed Nuur Gacal oo kamid ah la taliyaasha Ra’isulwasaare Kheyre kana kasoo jeedo Beesha Murusade, sidoo kalana waxaa jira musharixiin kale oo ay wataan danleyda siyaasadeed ee Gobolada Dhexe. Ahlu Sunna ayaa Baarlamaanka Galmudug ku leh 20 Xildhibaan oo ay u ogolaatay Dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale la rumeysan yahay inay Baarlamaanka ku darsatay xubno kale oo daacad u ah taasoo dhabar jab ku noqon karta Dowladda iyo musharixiinta kale. Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulkaasi ayaa doortay guddoon ku meel gaar ah. Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uunoqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug. Keynaan ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas. Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne 7 aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.
  13. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyey Guddoonkii iyo garsoorayaal ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland. Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday S/guuto Siciid Abyan Cigaal, Guddoomiyihii maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland, Guddoomiye ku xigeenkii G/sare Maxamuud Nuur Muuse, Garsoore G/sare Aadan Xuseen Maxamed, Garsoore G/sare Maxamed Aadan Jaamac, Garsoore G/sare Cabdirisaaq Axmed Cali iyo Garsoore G/sare Cabdifitaax Xaaji Aadan. Madaxweyne Deni ayaa xilka qaadista u cuskaday markii uu arkay cabashooyin taxanaha ah iyo caddaalad-darro ka imanaysa mas’uuliyiinta dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland, sida uu ku sheegay digreeto ka soo baxday xafiiskiisa. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah ugu magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland. Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa 24 saac ee la soo dhaafay magacaabis iyo xilka qaadis kala duwan sameynayey. Hoos ka akhriso digreetada xilka-qaadis iyo magacaabida maxkamada ciidamada Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad. Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland. Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, kuwaasi oo kala ah: 2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye 2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen 2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore 2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore 2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore 2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. = DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Caddaalad-darro awgeed oo xilkii looga qaaday Guddoonkii iyo garsoorayaashii Maxkamada ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-12012020.mp3 View the full article
  15. Baraawe-(Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa galabta soo bandhigay sarkaal ay sheegeen in uu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab. Ninka ay soo bandhigeen ciidamadu ayaa waxa ay sheegeen in aysan ku soo qaban howlgal, balse uu isku soo dhiibay. Sarkaalkan ka soo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Maadeey, kaas oo sida laga soo xigtay Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2012-kii. Maxamed Axmed Maadeey oo warbaahinta kula hadlay Baraawe ayaa sheegay in markii uu isi soo dhiibayey uu la soo xiriiray Abtigiis oo ciidanka dowladda ka tirsan, sidaasna ay ugu suurta gashay inuu yimaado Baraawe. Xubnaha weli ka barbar dagaalama Al-Shabaab ayuu Maxamed ugu baaqay inay iskaga soo baxaan, isagoo nolol adag ku tilmaamay ka mid ahaanshaha Al-Shabaab. Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Baraawe Ibraahim Aadan Cali oo isna goobta lagu soo bandhigay sarkaalkaan warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay ninkan sababta uu uga soo baxay Shabaab ay tahay cadaadis uu kala kulmay, kadib markii ay ka shakiyeen. Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin sarkaalkan sanadaha badan ka soo barbar dagaalamayey ee isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
  16. Tehran (Caasimadda Online) – Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, xilli ay xiisad ka taagan tahay Bariga Dhexe. Amiir Tamim ayaa sheegay in mowqifka dowladda Qatar uu yahay inay taageersan tahay mowqifka Iran, maadaama uu sheegay inay Iran ay garab wanaagsan siisay waqtigii ay god’oomiyeen dowladaha Carabta ee ay hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Amiirka ayaa sheegay inay Iran Dekadaheeda iyo Hawadeeda u furtay Qatar markii ay Dowladaha Khaliijka go’doomin dhinac walba saareen dalkaan qaniga ah. Amiirka Qadar ayaa carabka ku adkeeyay, xilli ay si wadajir ah shir jaraa’id u wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, in xalka kaliya ee khilaafaadka Gobolka uu yahay wadahadal iyo in la yareeyo waxyaabaha keenayo in xiisadda sare usii kacdo. Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa tilmaamay in wadahadladii uu la yeeshay Rouhani ay ahaayeen kuwa wanaagsan oo miro dhal ah, isagoo intaas sii raaciyey in xiriirka ka dhaxeeyo Iran iyo Qatar uu yahay mid taariikhi ah oo ay labada dowladeed ka gaareen horumar weyn. Wuxuu sidoo kale xusay inuu madaxweynaha Iran Rouhani u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo caasimadda Qatar ee Doha. Dhiniciisa, Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in labada dal ay go’aansadeen inay kordhiyaan tirada isweydaarsiga booqashooyinka dhexdooda ah, isagoo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay nabadgelyada gobolka, gaar ahaan Khaliijka. “Waxaan go’aansannay inaan sii wadno iskaashiga iyo wadatashiga labada dal, waxaana rajaeynayaa in xiriirka ka dhexeeya Doha iyo Tehran uu sii fidi doono.” ayuu yiri. Booqashada Amiirka Qatar ee Tehran ayaa kusoo aadeysa xilli ay sare u kacday Xiisadda u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran oo gaartay inuu Mareykanka duqeyn ku dilo sarkaal sare oo Iranian ah, halka Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq.
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in xal deg deg ah laga gaaray khilaafkii ka taagna kursiga Lafta Cali-Gaaf ee Beesha Waceysle. Guddiga Doorashada Galmudug ayaa si rasmi ah u aqbalay xubinimada Cabdinasir Aadan Cusman oo ay soo gudbiyeen nabadoonada Lafta Cali-Gaaf, kadib markii ay Ra’isul wasaare Kheyre u tageen xubno ka tirsan Beesha Abgaal. Odayaal iyo Nabadoono ka socdo Beesha Waceysle ayaa Xalay u tagay Ra’isul wasaare Kheyre waxayna u sheegeen inuu si deg deg ah u fasaxo kursiga Lafta Cali-Gaaf/Waceysle haddii kale ay qaadici doonaan natiijada kasoo baxdo doorashada Galmudug. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa markaas kadib guddiga doorashada ku amray inay aqbalaan xubinimada Cabdinasir Aadan Cusman oo laba jeer oo hore laga diiday in lagu daro liiska Xildhibaanada Galmudug. Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhawr jeer isku dayey inay meesha ka saaraan Cabdinasir Aadan Cusman balse waxaa arrintaas ka hor imaaday Nabadoonka leh saxiixa Lafta Cali Gaaf. Cabdinasir Aadan Cusman ayaa aad loo hadal hayaa inuu isku sharaxi doono xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, taasoo dhibaato ku ah Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagana loolan ugu jiro kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka. Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u ololeenayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug noqdo Maxamed Nuur Gacal oo kasoo jeedo Beesha Kheyre, islamarkaana ka tirsan la taliyaasha Ra’isul wasaare Kheyre. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaalkeeda ugu badan ku bixineyso sidii musharaxa ay wataan ugu guuleysan lahaa kursiga madaxweynimo ee Galmudug, waxayna taas ku suurta geli kartaa kaliya in qof ka socdo Nabad iyo Nolol uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Dhanka kale Guddiga ayaa sidoo kale Maanta soo gudbiyey boosaskii ka banaanaa Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo ay kala matalayaan Maxamuud Diini Xasan iyo Cabdirisaaq Cali Axmed. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug
  18. Kulan ay Xisbiyada Ucid iyo Waddani ku yeesheen Xafiiska Ucid-Hargeisa & wuxu daaraa? Hogaanka labada xisbi Mucaarad ee Waddani & Ucid ayaa kulan aan waraabhinta lagu martiqaadin ku yeeshay xarunta xisbiga UCID,Ku darsoo markuu Kulankoodu soo idlaadeyna way ka gaabsadeen inay warbaahinta la hadlaan ama tibaaxo ku saabsan kulankooda bixiyaan. Kulankooda ayaa wuxu ku soo beegmay xili maalinta Berrito Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid Kulan ku dhexmari doono Qasriga Madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
  19. (SLT-London)-Walaac badan ayey muujineysaa dowladda Ingiriiska kadib markii ay digniin gaadhsiiyen muwaadiniintooda u safraya dalka Kenya, waxaana loo sheegay qof walba inuu taxadar badan muujiyo mudada uu halkaas joogo. “Muwaadiniinteena ku sugan wadanka Kenya waa ineysan u dhawaan xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca waqooyi bari Kenya, waa iney 60KM masaafo dhan u jirsadaan, sidoo kale muwaadin walba oo u dalxis tagaya gobolka xeebta waa inuu xuduuda ka fogaado ku dhawaad 15 KM” ayuu u qornaa war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska. Sidoo kale warka qoraalka ah ee wasaraadda kasoo baxay waxaa lagu sheegay iney jirto halis badan oo halkaas laga qorsheynayo. “Waxaa laga yaabaa in Argagixisada ay isku dayaan weeraro ay ka fuliyaan Kenya, hanjabaado saa’id ah ayaa kasoo yeeraya, waxaana ku jira hawlo argagixiso iyo afduubyo laga sameynayo gudaha Kenya” Dowladda Ingiriiska waxaa aad u cabsi galiyay qorshayaal ay maqleen oo tilmaamaya in kooxaha ay beegsanayaan goobaha ajaanibta ku badan yahiin, waana midda keentay in qoraalka wasaaradda lagu muujiyo. “Waa suuragal iney weeraro ka dhacaan goobaha ay ku badan yahiin dadka ajaanibta ah sida xeebaha, dhismayaasha dowladeed, gawaarida gaarka ah ee garoomada, xafladaha, dukaamada, hoteelada, goobaha ciyaaraha lagu fiirsado iyo meelaha lagu caweeyo” Walaaca dowladda Ingiriiska ayaa yimid kadib weerarkii ay sheegteen Al-Shabaab ee ka dhacay Lamu gaar ahaan xefada Mandha Bay, waxeyna cabsi badan ka qabaan in muwaadiniintooda ay la kulmaan weeraro kale oo ka dhaca Kenya. Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska waxey ka mid tahay dowladaha saaxiibka ugu fiican la ah Keny Source
  20. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kulan la qaatay safiirka midowga Yururb ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga Labada Masuul ayaa ka wada hadlay arrimo dhower ah sida in midowga Yurub uu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya waxaana ay kala saxiixdeen heshiis arrimahaas ku saabsan. Wasiir Cawad iyo Nicolas Berlanga ayaa isla soo qaaday Arimo kale oo ay ka mid ahaayeen amaanka arimaha doorashooyinka iyo xuquuqul aadanha. Nicolas Berlanga ayaa sheegay in Midawga Yurub ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Danbeyn Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyey Midawga Yurub garab istaaga Dowlada iyo dhinacyada ay ka taageeraan, wuxuuna balan qaaday in ay dowlada Soomaaliya sii xoojin doonto xiriirka ay la leedahay Midawga Yurub. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  21. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kulan xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa lagu qeybsaday xubnaha guddiga doorashada ee madaxda Galmudug, kuwaas oo ka koobnaan doona 15 xubnood sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Kulanka ayaa dhaxmaray saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna, guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug iyo saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in mudadii uu kulanka socday uu ra’iisul wasaaraha telephone kula hadlayay dhinacyasii howshaas waday islamarkaana xaliyay doodo ka taagnaa guddiga. Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha, guddoonka baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaana lagu qeybsaday laba dhinac kuwaas oo kala ah. Sida aan xogta ku helnay, Ahlu-Sunna waxaa laga siiyay 6 Xubnood oo ka imaan doona 20-kii Xildhibaan ee la siiyay iyo 9 xubnood oo laga soo dhax xuli doono xubnaha kale ee baarlamaanka oo ay soo xuleen odayaasha, waxaysu wararku sheegayaan in shaqsiyaad gaar ah la diyaariyay kuwaas oo maanta la shaacin doono wadartooda guud oo gaareysa 15 xubnood. Doorashada Galmudug ayaa ku socoto si xowli ah waxaana durba soo baxaya cabashooyin badan oo ku saleysan dhinaca doorashada madaxweynaha iyo soo xulistii baarlamaanka. Kuraasta qaar ee baarlamaanka Galmudug ayaa ilaa hadda waxaa ka taagan dood, waxaana dhiman oo aan ilaa hadda lagu dhawaaqin ilaa 6 kursi oo ay ka taagan tahay doodo kulul. Lama oga sida ay ku dhamaan doonto doorashada Galmudug oo ka kulul kana saameen badan tii sanad ka hor ka dhacday Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
  22. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa maanta oo Axadda ku shiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Hogaanka labada xisbi ayaa xarunta xisbiga UCID ku kulmay iyadoo kulankooda aan loo ogolayn warbaahinta, isla markaana ay ka gaabsadeen markii uu kulanku usoo dhammaaday in ay warbaahinta la hadlaan. Kulankooda ayaa imanaya xili maalinta berri ah ay madaxda labada xisbi mucaarid la kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxda mucaaridka ee kulanka yeeshay waxa ka mid ahaa Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha UCID, Cabdiraxmaan Cirro, gudoomiyaha WADDANI iyo hoggaamiyaha xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan. Source
  23. Maxamed Ibraahim Faarax, Guddoomiyaha cusub ee Carmo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiyaha ku meel gaarka ah u magacaabay degmada Carmo ee gobolka Bari. Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar ugu magacaabay Guddoomiyaha degmada Carmo. Maxamed Ibraahim Faarax oo ah Nabadoon ayaa kamid ahaa xubnihii Guddiga dib u dhiska wadada bartamaha Boosaaso oo bishii July ee sanadkii hore xukuumadda Deni xirtay, kadibna maxkamadi siideysay. Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa 24 saac ee la soo dhaafay magacaabay xilal kala duwan. Hoos ka akhriso digreetada magacaabida Guddoomiyaha Carmo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.06 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Carmo ee Gobolka Bari. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Degmada Carmo. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo. Markuu tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey : Waxaa Maxamed Ibraahim Faarax si ku meel gaar loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Carmo ee Gobolka Bari Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLANS POST The post Madaxweyne Deni oo Guddoomiye KMG ah u magacaabay Carmo appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Hargeysa)-Tahriibayaal Dib Loogu Soo Celiyay Magalada Hargeysa, halkan hoose ka DAAWO Source