Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Establishing a Sustainable Economic/ Free Zone. Introduction Like any other Economic Zone, Somaliland’s Economic/Free Zone (SEZ) shall be planned to integrate, economic needs (having different clusters such as Logistics hub, Industrial hub, Wholesale hub…etc.) with the social and environmental needs. I believe this is one of the key initiatives and an important milestone towards diversifying and delivering Somaliland’s economic vision. Nonetheless, if we are to establish a free zone that cater state’s economic growth and boosts the employment opportunities specially for our graduates. Then, based on our experience vis-à-vis on similar plans and strategies, such benefits will only be materialized when environmental and social components are taken into consideration in line with the economic objectives. Therefore, we are strongly recommending to integrate social and environmental dynamics into the decision-making process as early as possible. An inclusive plan that includes, but not limited to techno-economic, social and environmental consideration in all phases is vitally needed for the benefit of nor only current generation but also or generations to come. Based on our experience the social and environmental adverse impacts are mostly associated with the operation phase via different environmental media (e.g. air, water, land, noise, radiation, fire, explosion…). Therefore, a sustainable implementation is needed to reduce both the short and long-term impacts. Constraints One major constraint that could hinder the above benefits could arise if failed to select an appropriate site for the plan. It is important that the EZ’s site is strategically placed in an open hinterland with proximity to the port and airport, while at the same time having the opportunity to expand in the future to accommodate future development. Also, in order to support the scale of commercial a considerable investment in infrastructure is a prerequisite, especially in the increase in road traffic levels. Albeit once complete Berbera Corridor will facilitate more efficient movements of freight and people between the Berbera Free Zone, Wajale and across the border to Ethiopia. But, there is a concern how the increase of traffic level may influence the in the City of Berbera and this is one of the reasons that the Free zone site needs to be strategically located. Environmental Risks Common risks include, but not limited to, fire, release of toxic gases, chemical spill, utility balance, depletion of finite resources, increase waste (both hazardous, non-hazardous and inert), traffic increase, leakage associated with fuel farm, the risk of explosion, potential flood risk, lack of drainage network in addition to health and safety issues. These are critical issues from the stakeholder (e.g. investors, customer, proponent, client, contractor, workers, public and nearby residence) point view. It is therefore important that the plan considers all the aforementioned aspects. Moreover, in order to compete both regionally and globally counterparts, the Somaliland Economic Zone should utilize state of the art and proven methods in all phases. The bottom line of this article was to emphasize the need to create synergy economic needs with social and environmental needs to create win-win situation. Thanks, and Best Regards Mohammed Haji Ibrahim Environmentalist Mohammed_ibr40@hotmail.com Sheffield, UK Qaran News
  2. Al-Shabaab ayaa galinkii danbe ee shalay waxa ay meel fagaara ah ku toogteen Rag ay ku eedeeyeen inay la shaqeyn jireen Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada ajaanibta ah ee jooga Soomaaliya. Fagaaraha ay toogashada ka dhacday, ayaa waxa ku yaalaa degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada hoose, waxana dadka la toogtay ay ka koobnaayeen seddex ruux oo Al Shabaab ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan. Sedexda ruux ee maanta Al-shabaab ay ku toogteen gobalka Jubada Hoose gaar ahaa Kamsuuma ayaa dhammaantood ahaa rag, waxaana lagu kala magacaabi jiray. 1.Muuse Xuseen Siyaad oo 31-sano jir ah 2.Xuseen Maxamed Cabdi oo 20-sano jir ah 3.Faliir Yarow Cali oo 75-sano jir ah Al Shabaab, ayaa sidaan oo kale degmooyinka iyo deeganada qaar ay ka arrimiyaan ee dalka waxa ay ka fuliyen toogasho, iyagoona dadkaas intooda badan ku eedeeya basaasnimo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Sida qoraalka lagu sheegay, ciidankan oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay “naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay in argagaxisada ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka fuliyaan howl gallada.” “Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya cirib tirka argagaxisada, ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidanka.” “Ciidamo horey loogu tababaray Xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga iyo boobka hantida ummadda Soomaaliyeed.”
  4. Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade u gudbin doonto dowladdaha Caalamiga ah ee uu ka haysto dhalashooyinka, ka dib eedeymo ay u soo jeediyeen. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha maamulka Somaliland Yurub Abiib Cabdi oo warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Generaal Guulwade ay dacwad uga gudbin doonaan dalalka uu dhalashooyinka ka haysto, iyadoona carabaawday hadalkii uu dhawaan ka dhawaajiyay Guulwade ee ku aadanaa maamulkooda. “ka xukuumad ahaan Guulwade waan daba gali doonaa meel uu ku badbaadayo maanta ma jirto isaga ayaa isku cadeeyay inuu dadkii laayay xasuuqaasina uu sax ahaa” ayey tiri wasiir ku- xigeenka wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha mamulka Somaliland. General Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade ayaa 22-kii bishaan shaaciyay inuu iska casilay xubinimadii Guddiga wada xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoona Xukuumadda Soomaaliya ay iscasilaadaasi ka aqabashay. Madaxweyne Farmaajo, ayaa 17-dii Julay 2019-kii magacaabay Guddi ka shaqeynaya wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dhawr jeer uu ku fashilmay wadahadaladaasi Madaxweynaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sagootiyay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Ciidanka oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, waxuuna kula ballamay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada loo qorsheeyay. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabkooda ayaa saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, una cadaalad falaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  6. Taliska ciidamada nabad sugida ee ka howlgala degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta amar dul dhigay shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Amarkaan oo lagu wargeliyey dhammaan dadka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo gaari iibsanaya ama iibinaya laga rabo inuu ku soo wargeliyo laamaha amniga. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in ujeedada ay tahay sidii looga hortagi lahaa in gawaaridaasi loo adeegsado qaraxyo ama falal liddi ku ah nabad gelyada. “Dhamaan gaadiidka lakala iibsanayo guddaha Guriceel ayaa la amrayaa in ay soo ogeysiiyaan laamaha amniga gaar ahaan Taliska Nabadsugida si looga hortago fulinta falal amniga lidi ku ah oo gaadiidka loo adeegsado, iibsadaha iyo qofka laga iibinayo waa in ay warqada kala wareejinta ka qaataan taliska NISA ee Guriceel ayaa lagu yiri”warka ka soo baxay taliska NISA ee degmada Guriceel. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey amniga deegaanada maamulkaasi oo dhowaan doorasho galaya. View the full article
  7. Dowladda Mareykanka ayaa lix diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ku wareejiyay Kenya, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Diyaaradaha lagu wareejiyay dowlada dalka Kenya ayaa ah nuuca loo yaqaano MD-530F, iyadoona ay kula wareegtay munaasabad ka dhacday Nairobi. Taliyaha AFRICOM ee Mareykanka, General Stephen Towsend ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay Kenya ka caawin doonaan inay sii xoojiyaan dagaalka looga soo horjeedo Xarakada Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo ka mid ah dalkaasi. Munaasabadda loogu wareejinayey diyaaradahaan xukuumada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb galay diblomaasiyiin sar sare oo heer caalami ah, xildhibaano iyo xubno ay wasiiro ku jiraan oo ka mid ah golaha wasiirada ee wadanka Kenya. Ma’ahan markii ugu horreysay oo uu Mareykanka deeq Milatari siiyo Kenya oo ay iska kaashadaan dagaalka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
  8. Cabdriraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta tababar u furay howlwadeeno ka tirsan xafiiska xisaabiyaha guud ee wasaaraddaasi. Wasiir Beyle oo furitaanka tababarkaan khudbad ka jeediyey ayaa howlwadeenada kula dardarmaay inay ka faa’iideystaan mudada uu socdo aqoon kororsigaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay mar weliba ku daalayaa sidii loo hormarin lahaa xirfadda dhammaan shaqaalaha ka howlga qeybaha kala duwan ee wasaaraddaasi. Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan ee laf dhabarka u ah howlaha xukuumadda, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay sameyneysay horumaro ku aadan dhinaca maaliyadda iyo maamulka intaba. View the full article
  9. Wararka naga soo gaarayo magaalada Baledwene ee gobalka Hiiraan ayaa sheegayo in magalaada iyo tuulooyinka hoos yimaada uu ka dilaacay xanuunka Shuban biyoodka kaas oo dad badan loo dhigay isbitaalka guud ee magaalada. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 48-dii saac ee lasoo dhaafay Isbitaalka magaalada la gaarsiiyey 45 ruux kuwaas oo uu soo ritay xanuunka, waxaana ilaa iyo hadda xanuunka u geeriyooday 1 ruux. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in xanuunka uu saameeeyey dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaalada Baladweyne, iyo dadka ku nool tuulooyinka hoos yimaada magaalada sida Leegoow, Siniile, Ganbaale, ka dib markii dadku ay cabeen biyo wasaqeysan waxaana uu intaas uu ku daray in xanuunka dadka uu soo ridanayo ay isi soo tarayaan. Dhanka kale Sheekh Xuseen ayaa sheegay in isbitaalka hadda daawada taallo aysan kaafin karin dadka xanuunka uu soo ridanaayo dhaqaatiirtii uu la kulmayna ay ku war galiyeen in haddii labo maalin ay xaaladdu ay sidaan sii ahaato aysan awoodin in ay sii shqeeyaan maadaama uusan ku filneyn agabka ay heystaan . Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobalka ayaa baaq u diray wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah iyo dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana uu ugu baaqay sida ugu dhaqsiyaha badan in loola soo gaaro qalab caafimaad. Ugu dambeyn magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa ku dhuftay fatahaad uu geystay webiga Shabeelle, ayadoo ay xusid mudan tahay in magaalada uusan ka jirin Ceelriig dadku biyaha ka cabaan waqtiyada sidaan oo kale uu u biyo yareeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. MOGADISHU (HOL) - Three men accused by the militant group Al-Shabaab of spying for Kenya and affiliated with the Somali government were executed Saturday in Lower Jubba. Source: Hiiraan Online
  11. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli xiisad siyaasadeed oo ku aadan dhismaha Galmudug laga dareemayo magaaladaasi. Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada maamulkaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray meeshii ugu sarreysay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu istaagay qorshihii loogu jiray dhismaha maamul mid ah oo ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Mutwakil-.mp3 View the full article
  12. Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa ku warramaya in saaka Xarakada Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cadde ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday deegaankaasi, islamarkaana dagaal ay la gashay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi. Ceel-Cadde ayaa 55 KM u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ka mid ahaa deegaanada ugu nabdoon ee gobolkaasi. Shalay ayey aheyd markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Farlibaax, inkastoo guddoomiyaha deegaankaasi uu beeniyey inay qabsadeen. View the full article
  13. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa uu shaaciyey in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay dhismaha Maamulka Galmudug. Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Galmudug ay haatan wajaheyso xaalad adag iyo khilaaf xoogan taas oo sababi karto in Maamulo isdiidan laga dhiso Galmudug. Sidoo kale Xildhibaan Fiqi oo qoraal soo dhigey Bartiisa Facebook ayaa waxa uu sheegay in howlaha doorasho ee ka socda Galmudug ay dadka deegaannada ka yihiin Marti,isaga oo shaki geliyey dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Ugu dambeyn Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu soo farageliyo xaalka Galmudug inta uusan ka tallaabin xuduuddii loogu talagaley. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka yahey raysulwasaare Kheyre waa ku fashilantey geedi-socodka dhismaha maamulka Galmudug, waxeyna Galmudug waajahaysaa xaalad adag iyo Khilaaf sii ballaaranaya oo sababi kara In maamullo is feeryaacaya oo dhowr ahi ay ka dhismaan. Dadka Galmudug ku sugan waxey u eg yihiin kuwo maamulkoodii marti ka ah, hal hanaan maamul dhisid ka badan ayaana ka socda Galmudug. Waxaa la isweydiinayaa Gal-Xamar miyaa la dhisayaa mise Galmudug marka la eego dadka laga soo daad-gureeyey Xamar ee marooqsadey masiirkii Iyo maamul dhisiddii Galmudug. Madaxweyne Farmaajo waxaa u haboon inuu soo farageliyo xaalka Galmudug inta uusan ka tallaabin xuduuddii loogu talagaley maadaama uu ku fashilmey RW Kheyre welina ku rafanayo.
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-26012020-SX.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdirxamaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha unaxariistee fanaankii Daa’uud Cali Masxaf, gaar ahaan Aaskii shalay loogu sameeyey magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Daa’uud uusan mudneyn sida loo aasay, islamarkaanka dhaxalka uu fanka Soomaaliyeed uga tagay yahay mid mug leh. Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar aysan fanka Soomaaliyeed ka qabanin in Daa’uud Cali Masxaf duur cidlo ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waa weyn. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in fanaaniintii la miisaanka ahayd Daa’uud Muqdisho, Hargeysa iyo Jigjigaba loogu sameeyeey Aas Qaran, isagoo intaasi ku daray inuu u maleynayo in Masxaf ay heshay tol la’aan, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka akhriso: Ma mudneyn Daa’uud Cali Masxaf in sidaas loo aaso, sababtoo ah Dhaxalka uu Daa’uud fanka Soomaaliyeed u dhaafay waa mid mug iyo miisaan culus leh, muddana dhexdeena ku noolaan doona. Ka sokow in mulaxaniiste iyo fanaan cod macaan leh ahaa, Daa’uud wuxuu ka mid ahaa macallimiinta waaweyn ee kabanka (cuudka). Xudaydi iyo Jiim Shiikh Muumin oo ah labada macallin ee Daa’uud kaga daysaday majaalkan ayaa laga hayaa ‘Daa’uud wuxuu naga badsaday garaaca Kabanka, sidaas darteen wuu nooga fiican yahay’. Haddii aan Fanka qaybihiisa kala duwan ee farshaxanka, ruwaayadaha, majaajillada, heesaha, gabayada, guurowga, geeraarka, shiribka iyo buraanburka u aragno in uu yahay awood lagu mideeyo dareenka iyo khayaalka bulshada, muraayadda laga dheehdo inta ay la egyahay ilbaxnimada, dooqa, cabir lagu gudbiyo farriimaha kalgacalka, siyaasadda, iyo waddaniyadda. In uu isku keeno dad siyaasad ku dirirsan, ama isku soo dhoweeyo duul juqoraafi ahaan kala fog. Daalka, faraxa iyo murugadaba si isku mid ah nafta looga nasiyo, yahayna kiciyaha caadifadda iyo kobciyaha garaadka bulshada walee nin dhaxal mug leh dhaafay sidaas looma aaseen. Madaxeyne Mustafa fanka Soomaaliyeed kaama qabato in Daa’uud Cali Masxaf duur cidla ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waaweyn. Inkastoo Soomaali badan ay faham taban ka haystaan fanka, haddana fannaaniintii la miisaan ka ahayd Daa’uud Cali Masxaf waxaa Muqdisho, Hargaysa iyo Jigjigaba loogu sameeye aas qaran ee ma laha Daa’uud tol la’aan ayaa heshay. Fanaaniinta dhaxal faneed ka dhaafay kama liitaan saraakiisha, diblomaasiyiinta, siyaasiyiinta aaska qaran loo sameeyo. Waan hubaal inuu in uu Daa’uud aas qaran mudnaa,. Inkastoo sidii uu mudnaa uusan helin, waxaa hubaal ah in waqti badan fankiisu nagu dhex noolaan doono ee Allayahow u naxariiso Daa’uud Cali Musxaf.
  16. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amarro ku aadan xarumaha lagu dhaqan celiyo iyo kuwa qur’aan saarka ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in aysan waafasaneen Sharciga. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobalka Banaadir Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraaid ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay in maxkamadda ay soo gaareen dacwooyin ka dhan ah xarumahaasi, waxaana uu sheegay in qaarkood ay yihiin kuwo xabsi u eg ciddii dhib uu ka soo gaaro ama ku dhimata in mas’uuliyadiisa ay qaadaneyso xaruntaasi. “ Xarun Xabsi u eg ma ka furnaan karto magaalada Muqdisho shaqadeena waaye , ma ka aamusi karno, Maxkamadda Racfaanka Xabsi wax ku saabsan oo dadka lagu heyn karo sharciga ayaa tilmaamaayo, Sharciga meel uusan tilmaamin cidna qof ku heyn karo malahan haddii uu ku dhintana mas’uuliyaddiisana isaga ayaa qaayo ayuu yiri guddoomiye Abshir Cadullaahi Cumar” Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in haddii ay yihiin xarumo caadi ah oo qu’aanka lagu barto ama xanaanada, iyo dhaqan celinta loo baahan yahay in ay soo cadeeyaan waxa ay qabtaan waxaana uu yiri. “Haddii ay arrimo kale ay qabanaayaan oo madaraso camal ay tahay ha yimaadaan oo ha cadeeyaan waxa ay qabtaan iyo shaqadoda, dadka ku jira waa loo tagi doonaa waana la soo koontarooli donaa waana la soo fiirin doonaa waxaana rabnaa in hey’adaha amniga iyo Booliska ay arrintaas ay isha ku haayaan” Dhanka kale Abshir Cabdullaahi Cumar guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa xusay in Maxkamadda horay loo soo gaarsiiyey kiisas ku aadan xurumaha lagu qu’aan saaro dadka kaas oo la xariiray ruux ku geeriyooday xaruntaas. “Waxaa maxkamadda hadda soo maray intaan anigu joogo kiis qur’aan saar ah oo qof uu ku dhintay, qofka in la garaaco ilaa heer uu ka dhinto uu gaaro waa wax ka baxsan qaanuunka ma yeeli doono waxyaabaha sharciga ka baxsan in la sameeyo, haddii ay jiraan xarumaah qu’aan saarka anaga oo la kaasaneyno wasaaradda Owqaafta maadaama qu’aanka ay ka shaqeynayaan waa in ayagana ay yimaadaan oo ay soo cadeeyaan shaqadooa ayuu yiri” Dhinaca kale guddomiye Abshri Cabdullaahi ayaa xusay in ubadda la caadiyo iyo garaacista laguna qasbo xarumaha uu keeno isku dhac waalidka iyo ubadka ah waxaana uu ugu baaqay in waalidiintu ay ka waantoobaan arrintaas una hoggaansamaan sharciga . “ Arrintaas xabsiyada u eg waxaa uu keenaa isku dhax ka dhex dhasha ubadka iyo waalidka markii xaaladdu xumaatana loo saariyo dowladda Soomaaliya oo la dhaho ayada ayaa caruurtii naga lumisay waxaasi oo dhanna waxaa looga bixi karaa in waalidiintu ay raacaan sharciga”. Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racaanka gobalka Banaadir Abshir Cabdullaahi Cumar ayaa cadeeyey in waalidka looga baahan yahay markii ubadka ay u maaro waayaan in ay ku soo wareejiyaan ciidamada Asluubta oo loogu talo galay xanaaneynta iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed. “Cunugaaga markii aad u maaro weyso Maxkamado degmo ayaa furan geey waa la tarabiyeeynaa Iskuul ayaa ka furan xabsiga dhexe waxbaa loo sheegaa lix bilood markii uu waano qaato soo cesho Iskuulkaaga geyso, meel furan uu ku ciyaari karo qur’aan uu ku baran karo, Masaajidkii lagu tukanaayey leh, oo cuntadooda leh, warshad wax soo saar leh ayuu ciidanka Asluubta leeyahay marka looma baahno in fillo inta wax lagu qorto in qofka Beya’dii uuku noolaan lahaa laga qariyo.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac ayaa ka jawaabay hadalladii wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Guduhu ku eedeeyeen suxufiyiinta iyo telefishannada Somaliland waxaanu ugu baaqay in ay wax cad bulshada la wadaagaan, haddii ay ku fashilmeena iscasilaan. “Intii Somaliland xorta ahayd ma dhicin suxufiyiin iyo telefishanno Somaliland ah oo Soomaaliya ka mushahar qaata, waxay ku tusaysa fashilka dawladnimada ee Kulmiye wax shacbiga Somaliland aqbali karo maaha wax dhici karana maaha,” ayuu yidhi Guddoomiye xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI Md Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. “Wasiirradu waxay sheegayaan in Somaliland ama Hargeysa lagaga adkaaday oo ay fashil yihiin waa in ay iscasilaan,” ayuu yidhi Mudane Saleebaan Ducaale “Waxaynu ognahay in dhallinyaro Facebook wax ku dhalliishay jeelasha ku jiraan maxay kuwa Soomaaliya mushaharka ka qaata jeelasha uga buuxi waayeen haddii aanu wasiirka laftiisu Qaran Dumis ahayn? Haddii ay run tahay oo aanu Qaranka duminayn muxuu wax uga qaban waayay. Saxaafadda SOLJA ayaa masuul ka ah marka SOLJA-na ma Soomaaliweyn baa? “Dawladdu waa tii xogdoon leh ee cidda cadowga u shaqaynaysa iyada oo aan cidna ogayn wax ka qabata. Umaddu u dulqaadan mayso Soomaaliya ayaa saxaafadda Somaliland mushahar siisa way cadayn oo umadda ayay u soo bandhigi ama way caddayn waayi oo saxaafadda ayay xaalsiin umadda Somaliland-na way ka sugaysa, ururka SOLJA-na meel bay kaga dhaceen,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Saleebaan. Source
  18. Reports from the Gedo region indicate that tense of fighting was mounting in Bardere after troops loyal to newly appointed DC arrived in the town and seized control of offices. Somali troops in the town staged a mutiny in protest of the arrival of the Jubaland appointed DC Ismail Sheikh Abdi Qorah who is trying to take over control forcefully. The situation turned into chaos as both sides are making military movements that left local residents in a panic with fears that the city could plunge into a deadly conflict. The DC has accused the Federal Government of Somalia of igniting a war in the region by sending troops and attempting to create a new administration against Ahmed Madobe, View the full article
  19. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari ayaa lagu casumay Mac’hadka PDRC si uu uga faalooda Siyaasada Soomaaliya iyo Mustaqbalka dhow. 29 bishaan Janaayo [...] Source
  20. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iminkana ku sugan Dhuusamareeb ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada Federaalku ay ku fashilantay Maamul u Dhisida [...] Source
  21. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ay ku qaaday deegaanka, kadibna ay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heyntiisa. Ceel-Cadde ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyaad deegaanka ah oo is abaabulay, kuwaas oo iska hor imaadka kadib isaga soo baxay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isku fidiyeen deegaanka, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana mar weliba laga cabsi qabaa in markale dagaal uu dhoco, maadaama maleeshiyaadka dhankooda ay wadaan abaabul xoogan. Shalay ayey aheyd markii muddo kooban Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Farlibaax oo qiyaastii 45 u jira magaalada Beledweyne. Hiiraan waxaa ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla saldhigyo ciidan iyo maxkamado ay dadka ugu yeeraan.
  22. Qoraal ay Ehlu Suna kasoo saartay Dhuusamareeb ayay ku sheegeen in hadii Xukuumada Federaalku ay iska indha saabto cabashooyinka Loosoo gudbiyey ay iayagu la wareegayaan [...] Source
  23. The Somali government on Saturday vowed to intensify military operations against an al-Shabab militant group which it said has weakened. A government spokesman said the operations which are being carried out in collaboration with troops from the African peacekeeping mission and the U.S. highlight the increasing capability of the government security forces to secure the nation. “The inability of al-Shabab to prevent the federal government of Somalia operations in Jilib shows the fragile state that the terrorist organization is in,” Ismael said in a statement issued in Mogadishu. He said Somali and U.S. forces have conducted a series of military operations in the past two days targeting known terrorists in the al-Shabab-controlled towns of Jolie and Kunyo Barrow. Ismael said there are no reports of civilians casualties and injuries as a result of these operations which he said have weakened the al-Qaida allied terrorist group. View the full article