-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshay musharax magac u yaal ah oo doorashada madaxweynaha Galmudug kala qeyb-gala musharaxa ay wadato ee Axmed Cabdi Qoor Qoor, kadib markii doorashada ay qaadaceen musharaxiinta kale. Axmed Shire Maxamed Falagle oo ka mid ahaa taageerayaashii Musharax Axmed Qoor Qoor, qeybna ka ahaa ololihiisa ayaa xilli dambe oo shalay ah isku sharaxay xilka madaxweynaha Galmudug. Sawirada Falagle ayaa shalay galab la suray waddooyinka Dhuusamareeb, ayada oo la filayo inuu maanta si rasmi ah isu diiwaan geliyo, si uu u noqdo musharaxa kaliya ee la tartama Musharax Axmed Qoor Qoor. Go’aankan ayaa la rumeysan yahay in la qaatay ayada oo dowladda federaalka ah ay dareentay inay ceeb iyo fadeexad weyn noqon doonto in la qabto doorasho aanay cidna kula tartamin musharax Qoor Qoor. Xildhibaanada Galmudug qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa musharaxnimada Falagle ku macneeyey tallaabo doorashada loogu “camirayo” Qoor Qoor, sababtoo ah Falagle oo la ogaa inuu ku jira ololaha Qoor Qoor, islamarkaana la hayo sawirro badan oo sidaas muujinaya. Si kastaba waxaan la ogeyn isida ka qeyb-galka Falagle ay u sharciyeyn karto doorashada, maadaama ay diideen mucaaradka iyo Ahlu-Sunna, taasi oo ah waxa ay eegeyso beesha caalamka. Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug, oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere ayaa Jimcihii ku gacan seeray doorashada. Musharxiinta ayaa gebegebadii shir ay yeesheen waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob. Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn in la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada. Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman. Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay toogasho ku fuliyeen illaa saddex ruux oo ay kooxdu ku eedeysay inay askar ahaayeen. Al-Shabaab ayaa raggaan ku eedeeyey in labo ka mid ah ay ahaayeen askar, kuwaas oo ka kala tirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland, halka midka sadexaadna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ciidamada Kenya ee ka howlgalka deegaanka Hoosingow. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale fagaaraha saddexdaan qof lagu toogtay waxaa ku sugnaa dadweyne la’isugu yeeray halkaasi iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab 1-Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta, kaas oo ay sheegeen inay k asoo qabteen wadada u dhaxeysa degmooyinka Walanweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. 2-Xuseen Maxamed Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Baarsanguuni. 3: Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah kaas oo Shabaab sheegeen in uu la Shaqeynayey ciidanka Kenya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fulisa deegaanada ay gacanta ku heyso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
-
TORONTO/BENGALURU (Reuters) - Canada on Saturday declared the first “presumptive” confirmed case of the deadly coronavirus in a resident who had returned from the central Chinese city of Wuhan, Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ka hadlay ciidamo ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin ka tirsan gobolkaas. Al-Qaadi oo u waramay Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo afduuban todobaadkii hore ay dowladdu ka dejisay degmada Baardheere, balse markii ay ka dagaalameen arrinka ciidankaas lagu geeyey Baardheere loo qaaday dhanka degmada Luuq ee isla gobolka Gedo. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in shalay ciidan kale oo tiro ahaan gaaraya 70 askari ay dowladdu ka dejisay degmada Luuq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidankii ka socday dowladda federaalka ee laga soo celiyey Baardheere. Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa ka digay in dagaal uu ka dhaco gobolkaas, isagoo sheegay in dhankooda aysan diyaar u aheyn dagaal aan aheyn kan Shabaab ay kula jiraan. Sidoo kale waxa uu sheegay in arrinka ciidamada lagu geynayo gobolkaas ay gadaal ka riixayaan laba nin oo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo uu ku kala sheegay, Sakeriye iyo ina Kulone, isla markaana aysan madaxda dowladdu wax badan ka ogeyn falalka ay ragas ka wadaan gobolka, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo dadka ka hor keenaya dowladda. Dhinaca kale guddoomiye Al-qaadi ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya dowladda federaalka inay soo magacaawdo maamul gobol, maadaama uu dalka ka jiro nidaam federaal ah, dowlad goboleedna ay hoos tagaan. Halkan ka dhageyso wareysiga Al-Qaadi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Al-qaadi.mp3
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Jabuuti ayaa u muuqata inay kasii dareyso kadib markii Somaliland ay shalay dib u celisay Markab jiidayey xadhig Internet, kaasi oo laga lahaa dalka Jabuuti, isla markaana la rabay in Xadhigaasi Internet la mariyo Badda Berbera, loona sii jiido Soomaaliya. Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dhinaca kale markii u horeysay ka hadlay qorshaha ay dowladda Jabuuti ay xadhig Internet ku soo marinayso Badda magaalada Berbera. Waddani ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay iska indho tireyso jiritaanka Somaliland, isla markaana ay Jabuuti ogoleyn gooni isku taaga Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya. Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Waddani oo arrinkaasi ka hadlayey ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka faa’iideysatay maamul xumada baahsan ee xukuumada Biixi ku hogaamiso Somaliland. Barkhad Batuun ayaa waxa kale oo uu su’aal galiyay qorshaha Jabuuti ee xadhiga Internet-ka u soo marinayso Badda Berbera, iyadoo wax ogolaansho ah ka haysan Xukuumada Muuse Biixi, Wuxuuna yiri “Dawlada Jabuuti xadhigeeda internetka ee Fiber Optic laba su’aalood ayaa layska waydiin karaa arintan marka la eego xadhiga ay keenayaan magaalada Berbera wasiirkooda isgaadhsiintu waxa uu ku tilmaamay inay Soomaaliya ka mid tahay, ta labaadna keenida xadhiga ee Somaliland maxaa ka furan”. “Marka ay barnaamij qabanayeen maadaama oo ay marinayaan magaalooyin Somaliland ka tirsan inay maamus ahaan, dublamaasiyad ahaan iyo sharci ahaanba inay ka soo casuumaan xukuumada Kulmiye ayey ahayd oo wakhtiga la keenayo, nidaamka loo keenayo, masuuliyada, heshiiska la gaadhayo iyo dhaawaca iman karaba in meesha ay ka muuqato ayey ahayd”. “Dhulka ay hada soo galayaan cida maamushaana waa Somaliland in layska indho tiro oo aan waxba la waydiin oo marka la doono layska soo galayo marka la doonana layska baxayo waa ayaan darooyinka iyo siyaasad xumida ay dawlada kulmiye keentay, Jabuutina malaa Somaliland waxay u haysataa Cali Sabiix oo kale” Wuxuuna intaas kusii daray “Marka la eego hadalka ninka Mas’uulka ah ee dawlada Jabuuti afkeeda ku hadlayey waxa uu muujinayaa inay wali iska indho tirayaan xaqiiqada dhabta ah iyo jiritaanka Somaliland, aniguna garan maayo goor ay maamulkeeda Soomaaliya maamusho, in xaqiiqada iyo jiritaanka umada Somaliland iyo halgankeeda inaanay Jabuuti ogolayn ayaa cad”. “Meesha waxa ka muuqata in cida Mas’uuliyadii dalka haysay ee xukuumada Kulmiye ahayd inaanay eegayn masiirka umada ee ay masaaliix gaar ah eeganayso, arintaasna waa in xoog looga hadlaa waayo waxa uu mugdi iyo muran galay masiirkii umada, arintaasina hada mid qaranimo ayey taagan tahay dhaliishuna cid kale maaha ee waa nidaamkan faashilka ah ee Kulmiye ee ku haftay maamulkii dalka”. Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ku dhaliilay jawaabtii ay ka bixisay xadhiga ay dowladda Jabuuti soo marineyso badda Berbera, isagoona ku tilmaamay mid baryootan uu ka muuqday.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa gabi ahaanba diiday iney furnaadaan waxa ay ugu yeereen xabsiyada qarsoon ee la sheego in lagu dhaqan celiyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxeyna dadka fareen iney xarumaha dowliga ah kala kaashadaan arrimahaas. Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada oo uu kasoo muuqday, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdullaahi ayuu ku sheegay inaysan raali ka noqon doonin goob walba oo dadka lagu dhibaateeyo, isla markaana ay waalidiinta uga digayaan iney goobaha dhaqan celinta loogu yeero geeyaan caruurtooda. Guddoomiyaha ayaa si dadban u weeraray hooyo Amran oo dhowaan dowladda ku eedeysay inay ciidamadeeda ka haystaan gabadheeda Amaal Nuur Cusmaan, oo markii dambe ay dowladda u gacan gelisay dowladda Denmark. Magaalada Muqdisho waxaa ka furan goobo badan oo la sheego in lagu dhaqan celiyo caruurta iyo dadka aysan waalidkood u arkin iney u dhaqmayaan sida wanaagsan, wuxuuna masuulkaan ka dhawajiyay in goobahaas dadka lagu dhibaateeyo. Guddoomiye Abshir wuxuu shacabka ugu baaqay iney ku xirnaadaan xabsiyada dagmooyinka iyo kan gobolka, sidoo kalana xabsiga dhexe uu ku haboon yahay in dadka lagu dhaqan celiyo maadaama ay leeyahiin goobo waxbarasho, goobo madadaalo iyo sidoo kale shaqooyin xitaa qofka loo yeeli karo. Goobahaas waxaa loogu baaqay inay cadeeyaan waxa ay meesha ku hayaan si loola socdo xaaladooda, wuxuuna tusaale usoo qaatay in hadda ka hor maxkamadda la keenay kiis qof lagu dhibaateeyay meel dhaqan celin ah. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-gelin ku aadan in maalmo laha kinayo dalbashada baasaboorka Soomaaliya. Fariin kooban oo ay baahisay hey’addu waxaa lagu sheegay in muddo todobaad ah la hakin doono qabashada codsiyada baasaboorka. Laga bilaabo Jannaayo 27-keeda ilaa 2-da Febaraayo 2020 ayaa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey Facebook-ga hey’adda in la haki doono qabashada codsiyada baasaboorka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in sababta hakadka keentay ay tahay howlo farsamo oo ka socda habka bixinta baasaboorka, in kastoo aan si faahfaahsan loo sheegin howlahaas. “Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.
-
WASHINGTON (AP) — The Pentagon disclosed on Friday that 34 U.S. service members suffered traumatic brain injuries in Iran’s missile strike this month on an Iraqi air base, and although half have returned to work, the casualty total belies President Donald Trump’s initial claim that no Americans were harmed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-___-Qumanha-Wararka-25012020.mp3 View the full article
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare ayaa loo akhriyey sharciga Duulista rayidka. Kulankan oo ahaa midkii 32aad ee Kalfadhiga 6aad ee golaha aqalka sare waxaana shir Guddoominaayey Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana kulanka ku wehliyey Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed . Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: Akhrinta 1aad Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka, waxaana kulanka goobjoog ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ( Omaar) iyo xubno ka socday hey’adda duulista hawada. Wasiirka ayaa horyimid golaha si uu warbixin ugu dhageystaan oo ku aadan sharciga duulista Rayidka, wasiirka ayaana golaha ka hor sheegay in shacigaan uu soo maray marxalado kala duwan“ Maanta adinka ayuu idin hor yaalaa, sharcigaan marxalado kala duwan ayuu soo maray ahmiyadiisana lama soo koobi karo, sida aad ogtihiin waxaan dhahnay sharcigaan waa dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamulka hawada, sida uu wadan u jiri Karin dastuur la’aan ayaa sharcigaan la’aantiis aysan hey’adda duulista hawada aysan u jiri Karin”. Sidoo kale wasiir Oomaar oo hadlkiisa siiwato ayaa yiri” Waxaa xusid mudan sanadkii 2018-ka bishii June 18-dii waxaa si official uga soo wareegay magaalada Nairobi hawada Soomaaliya una soo wareegtay magaalada Muqdisho, bishii June ee 2019-ka shir aan ku yeelanay magaalada Addis Ababa waxaan ku heshiinay Ekaawo in bisha Agoosto 1-deeda shaqaalihii hey’adda dhammaan loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho oo ay noqdaan shaqaale dowladda u shaqeeyo”. Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in maanta guulo badan ay gaartay hey’adda duulista hawada muddooyinkii la soo dhaafayna ay gaartay guulo is dabajoog ah kuwaas oo dadka iyo dadkaba guul u ah waxaana uu yiri “ Isla bishaas Ogoosto waxaa nagu soo wareegay Dekhligii laga qaadi jirey dyaarada maraya hawada oo awal ay maamuli jireen he’ado kale waxaana hadda uu sitoos ah ugu soo dhacdaa gacanta dowladda Soomaliya kuwaasna waa guulihii laga soo gaaray hey’ada duu;ista rayidka ah”. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Maxamed Cabbdullaahi Salaad ayaa ku dheeraaday ka hadlidda ahmiyada sharcigaan uu leeyahay, waxaana uu sheegay in hadda dowladdu aysan diiwaan galin u sameen Karin diyaarada madaama uusan diyaar aheyn sharcigii lagu dhaqi lahaa waxaana uu sheegay in dharcii dowladdu ay gacanta ku heyso dhawaanna uu dhameeystimi doono. “ Shuruucdaas gacanta ayaa lagu haayaa waana la qorayaa waxaana rajeyneynaa sanadkaan qeybihiisa ugu horeeyo inuu soo dhamaado, oo aan awood u yeelano diyaadaha Soomaaliya la diiwan galiyo ayna ku dhagnaan doonto calaamadii Soomaaliya lagu yaqaanay, waxaana qorshaha noogu jira diyaaraddii Soomaali Airline waxaana ay ku duuli doontaa sharciga iyo diiwaan gelinta soo baxda, diwaan galintaasi waxaa ay ku xiran tahay in sharcigaan idiin horyaallo uu maanta ansaxmo oo uu dhaqan galo”. Ugu dambeyn Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejiyay Guddiga Kheeyraadka Qaranka ,Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sii daysay guddoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Jimcaale oo maalmo ka hor loo xiray tuhun Al-Shabaabnimo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Axmed Jimcaale iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa la xiray khamiistii, 23-ka Janaayo, 2020, ayada oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa caawa lasii daayey Axmed Jicmaale, ayada oo la sheegay inaan waxba loo haysan, laguna waayey wax xiriir ah inuu la leeyahay Al-Shabaab, sida ay ogaatay Caasimada Online. NISA ayaa weli haysa guddoomiye Axmed Cabdullaahi Xasan, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan inay jiraan “tilmaamo aad u weyn” oo la xiriirinaya ururka Al-Shabaab, oo sida la sheegay magacaabistiisa ku qasbay rugta ganacsiga Soomaaliyeed. Magacaabista Axmed Cabdullaahi Xasan ayaa waxaa khamiistii 16-ka Janaayo 2020 shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah oola isku mari waayey cidda noqoneysa guddoomiyaha ee rugta ganacsiga gobolka, ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab. Hay’adda NISA ayaa bilooyinka dambe aad u xoojisay ogaanshaha iyo soo xirista xubnaha ku dhex jira dowladda iyo shacabka ee la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab, ayada maalmo un ka hor NISA ay xirtay fanaan Abshir Gaarane Axmed oo muuqaal laga soo duubay ku qirtay inuu yahay Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay canshuur ka qaaddo ganacsatada gobolka Banaadir, mana cadda xiriirka ka dhaxeeya canshuurtaas iyo magacabaista la tuhunsan yahay ee guddoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir.
-
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah hakisay qabashada codsiyada baasaboorka. Fariin kooban oo ay hay’addu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayey ku sheegtay in laga bilaabo Jannaayo 27 ilaa Febaraayo 2, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya waxay sheegtay in sababta hakadka keentay ay tahay howlo farsamo oo ka socda habka bixinta baasaboorka. “Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri fariinta hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Baasaboorka Soomaaliya oo la hakiyey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir aan caadi aheyn Muqdisho ku yeeshay ayaa ansixiyey oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya deynta ay Soomaaliya ku leeyihiin Hey’adda lacagta Adduunka iyo Bangiga horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hey’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay sida la sheegay ku qanceen dib u habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hey’adaheeda maaliyadda intii ay jirtay xukuumadan. Hey’adda lacagta adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya. Arinta ayaa hadii ay suurta gasho, oo deymaha laga dhaafo Soomaaliya, waxay bog cusub u fureysaa dhaqaalaha dalka.
-
Xerada ciidamada 54-aad ee Garowe waxaa maanta tabarbar looga furay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee komaandooska Puntland. Daah-furka tababarkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib u habeynta ciidamada Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amnig Cabdisamed Maxamed Galan, Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo saraakiil ciidan. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa ciidamada kala hadlay helida xuquuqdooda, wuxuuna sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay balan qaadayso in Askari walba uu helo xuquuqdiisa mushaar, isla markaana aan cid kale u dhaxeyn doonin. Sidoo kale Xasan Abgaal ayaa balan qaaday in dowladdu mushaarka u kordhin doonto ciidamada, ayna siin doonto xuquuq ku filan. Tababarkan maanta la furay ayaa socon doona Sadex bilood sida ay sheegeen madaxda ciidamada Daraawiishta Puntland. Puntland ayaa wada dib u habeyn ay ku sameynayso ciidamada, waxayna dhowr jeer oo hore furtay tababaro ciidan. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay mushaarka u kordhin doonto ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Goofleyda deegaanka Jabad-Cadde ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa soo saaray qoraal ay uga cabanayaan guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ay sheegeen inuu xoog kula wareegayo dhul ay leeyihiin qoyska reer Sheekh Axmed Mataan, oo halkaas ku yaalla. Warqadan cabashada ah ayaa ku socota maamulka Banaadir oo looga dalbaday inay wax ka qabtaan arintaan, iyadoo laga digay in cawaaqibka xumada ka dhalata arintaas uu mas’uuliyadeeda qaadan doono guddoomiye Jacfar. Sidoo kale warka ka soo baxay goofleyda Jabad-Cadde ee degmada Deyniile ayaa lagu sheegay in 23-kii bishan weerar uu guddoomiye Jacfar ku qaaday qoyska reer Sheekh Axmed Mataan uu xubno ka tirsan qoyska dhaawacyo ugu geystay, isla markaana uu burburiyey guryo ay la haayeen dadkaas. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabashada Ku: Maamulka Gobolka Banaadir Og: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka Og: Raiisul Wasaaraha JFS Og: Madaxweynaha JFS Ujeeddo: Cabasho. Haddii aa nahay dadyowga kunool Degmada Dayniile waxaan cabasho kanahay Guddoomiyaha Degmada Daayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) asigoo raba inuu boobo Dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo kuyaalo deegaanka Jabad Cadde ee Degmada Dayniile. waxaa jiro Xirooyin ay leedahay degmada dayniile oo aanan wax shaqo ah lagu qabanin Sida: 1 – Xirada Dugsi Shanaad 2 – Xirada Raadeerka 3 – Xirada Bangalo 4 – Xirada Urur Howleed 5 – Xirada Sagaalaad 6 – Xirada Hareeriley, Iyadoo xirooyonkaas dhan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ayuu waxuu rabaa in dadka deegaanka ah dhulkooda iyo hantidooda lagu boobo shaati dowladeed, waxaana ka danbeeya Guddoomiyaha Dagmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) isagoo u cabiray xiroyinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dadkiisa hadane uu rabo in uu handadaad iyo boob u geesto dhulka ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan. Isigoo ku andacoonaya inuu halkaas ka dhisayo Garoon diyaaradeed. Maalintii khamiista oo ay taariikhdu aheyd 23/01/20 wuxuu weerar ku qaaday Jabad Cadde ee degmada Dayniile wuxuuna geystay khasaare isugu jira dhaawac iyo mid hantiyadeed, asigoo burburiyay dhismooyin ay shacab leeyihiin, rasaas uu ku furayna ay dhaawac u geysatay labo gabdhood oo qur’aan lagu saaraayay xaafadahooda, kuwaas oo loola cararay cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, isla markaana lagu sameeyay qaliimo kala duwan. Hadaba maamulka Gobolka Banaadir waxaan ka codsaneynaa in uu soo faragiliyo arinkaan waxii cawaaqib xumo ah oo ka yimaadana waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar. Wabilaahi Towfiiq. Goofleyda Jabad Cadde ee Degmada Dayniile.
-
Muqdisho (SMN) – Wafdi Xildhibaano ah oo uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa ka ambabaxaya Gegida Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ee magaalada Muqdisho, Wafdiga Guddomiyaha uu hogaaminayo ayaa ka qeyb gali doono Shirka Sanadlaha ah ee Parliamentary Union of the OIC Members States (PUIC) oo berri ka furmaaya magaalada Ouagadougou oo ah caasimadda dalka Burkina Faso, galbeedka Afrika. Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC , oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan, ayaa sanadkii hore wuxuu kadhacay Casablanca oo ah Caasimadda Dalka Morocco. Shirkan oo ah mid lagu lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin ayaa waxaa qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-25012020.mp3 View the full article
-
Baardheere (Caasimada Online) – Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka jiray isbadbadallo dhanka maamulka, dowaladda federaalka ah ayaa badashay ama magacawday maamul ka duwan midkii Jubbaland taasi oo keentay xiisad iyo colaad u dhaxeysa dadka deegaanka dhexdooda gaar ahaan gudaha beesha Mareexaan. Maanta waxaa la sheegayaa in uu dhaqdhaaq cusub jiro, gaar ahaan xarunta degmada Baardheere, waxaana la wareegay Cismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo ah maamulka uu magacaabay Axmed Madoobe iyada oo ciidamo taageersanaa dowladda la sheegayo in qaarkood ay kala jabeen oo beelaha ku kala biireen. Suldaan Hiiroow Cismaan oo ka mid suldaamada gobalka Gedo oo la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegay in isbadalka dhanka maamulka ah uu dib u dhigay magaalada Baardheere hormarkeedii, isaga oo yiri “ Magaalada Baardheere waxaa ka jira maamul hore ay soo magacowday dowlad goboleedka Jubbland iyo mid horay u jiray oo dowladda federaalka ah ay soocelisay hadda”, Suldaanka waxaa uu intaasi ku daray in labada maamul ee ay kala magacaabeen DF iyo Jubbaland ay is horfadhiyaan. Suldaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah soo celinta maamulkii hore diidmo ay diidan tahay dowlad gobaleedka Jubbaland, waxaana uu xusay in la doonayo in dadka degmada la iska horkeeno. “Waxaa ay leedahay dowladda federaalka ah Axmed Madoobe wax taageersan marabno, qaab nuuaas ah ayeey u soo celisay, labadii maamul ee lasoo magaaabey oo mid ka mid ah uusan sharci aheyn iyo midkii oo la doonaayo in degmada la iskaga horkeeno ayaa hadda halkaan ka jira” ayuu yiri Suldaan Hiiroow Dhanka kale Suldaan Hiiroow ayaa xusay in wasaaradda arrimaha gudaha aysan xaq u laheyn maamul degmo ama mid gobal in ay soo magacowdo, waxaana uu sheegay in arrintaas ay leedahay dowlad gobaleedka maadaama dalka uu yahay federal. “ Wadanku waa nidaam federal ah nidaamkaas federalka ah wixii degmo ah iyo gobal ah magacaabistiisa dowlad gobaleedka ayaa iska leh, dowladda federal ama wasaaradda arrimaha ma soo magacaabi karto guddoomiye oo dowlad gobaleed ah ma soo magacaabi karto, ayadoo u jeedadu tahay Axmed Madoobe ayaan la dagaalameynaa ayey dowladdu waxaan sharci aheyn ku qasabtay meeshaan ayuu yiri” Ugu dambeyn Suldaan Hiiroow Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda federal ah in faregalinta ay ka deyso degmada Baardheere si horay ay ugu soco loona helo maamul u adeega dadka deegaanka. Suldaan oo arrintaasi ka hadalaya “Waxaan leenahay halaga daayo faragelinta oo dhibaatada dowladda federaalka haka deyso dadka walaalaha ah ee degan degmadaan , Baardheere waa degmo barwaaqo ah oo beero iyo xoolalo leh oo waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu barwaaqada badan dalka, dowladdu dadkaas waxna ma ay tarin mashaariicna kama aay fulin haddii aysan wax tareen haka deyso faragelinta ayuu yiri Suldaanka”. Dowladda federaalka ah oo dagaal kula jirta maamulka Jubbaland ayaa la sheegayaa iney hub iyo ciidan geysay Gedo, taasi oo dadka ka dhexabuurtay kalsooni-darro iyo cabsi laga qabo iskudhac beesha Mareexaan dhexdeeda ah.
-
Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ee ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya, taas oo bog cusub u fureysa dhaqaalaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirradu Soomaaliya maanta Muqdisho ku yeesheen ayey ku ansixiyeen oggolaanshaha heshiiska ay Norway ku caawineyso deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Norway ayaa bixineysa lacag gaareysa $400 Milyan oo ah qaanta Bangiga Adduunku ku leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii hay’adaha maaliyadda adduunka iyo dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ku qanceen dib-u-habaynta dowladda Soomaaliya ay ku sameysay hay’adaheeda maaliyadeed saddexdii sano ee la soo dhaafay. Hay’adda lacagta adduunka, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda ay ku dhawaaqaan in deynta laga cafiyay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Norway, Ingiriiska iyo Talyaaniga oo bixinaya deynta lagu leeyahay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
