-
Content Count
214,295 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa la filayaa in uu mar kale la kulmo madaxda xisbiyada mucaaridka oo hore ay madaxtooyada ugu shireen wixii ka danbeeyay xalintii khilaafkii gudida doorashooyinka. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa berri madaxweynaha kala hadli doona sidii loo dhammaystiri lahaa hawlaha qabyada ka ah qabsoomidda doorashada golaha wakiilada oo lagu heshiiyay in sanadkan la qabto. Guddiga doorashooyinka ayay dhinacyadu isla qaateen in la kala diro balse wali gudida ayaa shaqaynaysa. Lama oga waxa kasoo bixi doona kulanka oo si wayn loogu dheg-taagayo xili arimaha doorashooyinku ay meel xasaasi ah marayaan, beesha caalamkuna ay dhinacyda ku cadaadinayso in ay doorashada hore u qabtaan khilaafaadkana ka heshiiyaan Source
-
(SLT-Berbera)-Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxa Axadda maanta ka da’ay roobab culus oo aan hore uga di’in magaalada, kuwaas oo biyo-fadhiisin kaga tegay qaybo badan oo ka mid ah magaalada. Wararka ayaa tilmaamaya in baddu ay xaddi yar kacsantahay, isla markaana biyo ay kusoo fataheen qaybo ka mid ah magaalada. Ma jiro wax khasaare ah oo illaa hadda ka dhashay roobabka iyo kicitaanka badda Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Cabdilaahi Xasan Meecaad oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 12/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuuhu Marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga Somaliland door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray, sidoo kale waxa uu qayb ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo dawladnimada Somaliland, waxaanu wakhtigan ka mid ahaa saraakiisha wasaaradda gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa in uu u naxariisto jannadiina ka waraabiyo. waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta. guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
(SLT-Tehran)-Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Axad ah booqanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani. Amiirka ayaa subaxnimadii manta ka ambabaxay Doha,isagoo aaday aaday dhanka caasimada Cumaan ee Muscat, si uu uga tacsiyadeeyo geerida Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, isagoo ka dib u socdaali doona Iiraan,sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qadar. Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq. Source
-
Puntland oo shaacisay xiliga la fulinayo toogashada raggii lagu helay kiiskii Caasho yar Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa shaaciyey xilliga kama dambeysta ah ee xukunka dilka toogashada ah lagu fulin doono raggii lagu helay kiiskii Caasho Ilyaas Aadan. Aw-Cismaan ayaa Telefishinka Puntland u sheegay in raggaasi oo gaaraya saddex la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee 11-ka bisha soo socota February 2020-ka. Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu shalay wareejiyey galka fulinta xukunka oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska marxuumad Caasha Ilyaas Aadan. Saddexda xukunsanaha ah ayaa kala ah: Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame. Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal, mida racfaanka iyo tan sare ayaa waxa ay xukun dil toogasho ku rideen raggaan, kadib markii lagu helay kiiskaasi. Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa la’isugu daray kusfi iyo dil bishii February ee sanadkii hore 2019-kii, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed. Qaran News
-
Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu ku soo qoray Bartiisa Twitterka ku yidhi: “Waxay ku socotaa dadka geesiyaasha ah ee dhibban ee Iiraan: Waan idiin garab taaganahay tan iyo markii aan madaxweyne noqday dowladdeyduna way sii wadi doontaa inay idiin garab istaagto. “Si dhow ayaan ula soconnaa dibadbaxyadiinna. Geesinimadiinnu waa mid dhiirrigelin ah.” The government of Iran must allow human rights groups to monitor and report facts from the ground on the ongoing protests by the Iranian people. There can not be another massacre of peaceful protesters, nor an internet shutdown. The world is watching. — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) January 11, 2020 Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Walaac badan ayey muujineysaa dowladda Ingiriiska kadib markii ay digniin gaarsiiyen muwaadiniintooda u safraya dalka Kenya, waxaana loo sheegay qof walba inuu taxadar badan muujiyo mudada uu halkaas joogo. “Muwaadiniinteena ku sugan wadanka Kenya waa ineysan u dhawaan xadka ay wadaagaan wadamada Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca waqooyi bari Kenya, waa iney 60KM masaafo dhan u jirsadaan, sidoo kale muwaadin walba oo u dalxis tagaya gobolka xeebta waa inuu xuduuda ka fogaado ku dhawaad 15 KM” ayuu u qornaa war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Ingiriiska. Sidoo kale warka qoraalka ah ee wasaraadda kasoo baxay waxaa lagu sheegay iney jirto halis badan oo halkaas laga qorsheynayo. “Waxaa laga yaabaa in Argagixisada ay isku dayaan weeraro ay ka fuliyaan Kenya, hanjabaado saa’id ah ayaa kasoo yeeraya, waxaana ku jira hawlo argagixiso iyo afduubyo laga sameynayo gudaha Kenya” Dowladda Ingiriiska waxaa aad u cabsi galiyay qorshayaal ay maqleen oo tilmaamaya in kooxaha ay beegsanayaan goobaha ajaanibta ku badan yahiin, waana midda keentay in qoraalka wasaaradda lagu muujiyo. “Waa suuragal iney weeraro ka dhacaan goobaha ay ku badan yahiin dadka ajaanibta ah sida xeebaha, dhismayaasha dowladeed, gawaarida gaarka ah ee garoomada, xafladaha, dukaamada, hoteelada, goobaha ciyaaraha lagu fiirsado iyo meelaha lagu caweeyo” Walaaca dowladda Ingiriiska ayaa yimid kadib weerarkii ay sheegteen Al-Shabaab ee ka dhacay Lamu gaar ahaan xefada Mandha Bay, waxeyna cabsi badan ka qabaan in muwaadiniintooda ay la kulmaan weeraro kale oo ka dhaca Kenya. Ugu dambeyntii dowladda Ingiriiska waxey ka mid tahay dowladaha saaxiibka ugu fiican la ah Kenya.
-
(SLT-Tehran)-Safiirka UK u fadhiyey Iran ayaa la xidhay intii uu socday dibadbax ka dhacay caasimada Iran ee Tehran oo lagaga soo horjeeday ku lug-lahaanshihii Iran ay si khalad ah ugu soo riday diyaaradii rakaabka siday. Rob Macaire ayaa la xidhay mudo ka badan saacad sida ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi. Xafiiska Arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay xadhigaasi “Xad-gudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”. Iran ayaa cadaysay maanta inay ku lug-leedahay toogashadii lagu soo riday duulimaadka diyaaradii Ukraine International Airlines flight PS752, arintaasina u dhacday khalad bani’aadan. Wargeyska ka soo baxa Iran ee Etemad ayaa sawirka Safiirka ku baahiyey Twitterka kadib markii Wakaalada Wararka ee Tasnim ay tabisay warka xadhiga Safiirka Ingiriiska intii uu socday dibadbaxa ka dhacayey banaanka Jaamacada. Waxaanay warbaahinta Iran ay sheegtay in Mr Macaire lagu eedaynayo inuu buunbuuniyey dibadbaxa ka dhanka ah dawladda. War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ingiriska Dominic Raab ayaa yidhi: “Qabashada Safiirkayaga ee Magaalada Tehran iyada oo aan wax sabab ah ama sharraxaad laga bixinaynin waxay tahay xadgudub weyn oo sharciga caalamiga ah ka dhan ah.” Source
-
Ra`iisul Wasaaraha Australia oo qirtay arrin muddo lagu eedeynayay Scott Morrison ayaa qirtay in si khaldan loo maareeyay dabka ka kacay dalkiisa Ra`iisul Wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ka shallaayay qaabkii loo maareeyay dabkii ka kacay dalkaas. Morrison ayaa cambaareyn kala kulmayay bulshada Australia isagoo lagu eedeeyay qaabka ay dowladdiisa u maareysay dabka ka kacay qeybo ka mid ah dalkaas iyo siyaasaddiisa isbeddelka cimilada. Tan iyo bishii September, dab ka kacay Australia ayaa dilay ugu yaraan 28 qof isagoo kumannaan guryo ahna burburiyay. Mr Morrison ayaa maanta yiri “waxaa jiray waxyaabo aan si wanaagsan wax uga qaban karay”. Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa cambaareyn kala kulmay shacabka Australia xilli uu booqanayay gobollada ugu daran ee uu dabku ka kacay ee New South Wales iyo Victoria. Magaalada Cobargo ee gobolka New South Wales, ayaa haweeney ku nool waxay codsatay in wax badan laga qabto dabka kacay, halka kuwo kalena ay ugu yeereen Mr Morrison “doqon” waxayna yiraahdeen “wax codad ah halkan kama heli doontid”. Bishii la soo dhaafay, Mr Morrison ayaa waxaa lagu cambaareeyay inuu fasax u aaday dalka Mareykanka xilli uu sii xoogeystay dabka dalkiisa ka holcayay. Carada ay dadku ka qaadeen maqnaashihiisa ayaa ku qasabtay inuu soo afjaro fasaxiisa uuna dib u soo laabto. w Muxuu Morrison ka yiri isbeddelka cimilada? Dowladda Mr Morrison ayaa lagu eedeeyay inaysan wax badan ka qaban wacyigelinta isbeddelka cimilada adduunka, oo ay khubarradu sheegeen inay sii xoojin karto dabka holcaya. Balse wareysi lala yeeshay, ayuu Ra`iisal Wasaaruhu ku difaacay habka ay dowladdiisu u wajahday, isagoo sheegay inay xisaabta ku darsatay saameynta ay isbeddelka cimiladu ku leedahay dabka. “Waxaan ku nool nahay xilliyo xagaa oo dheer, kulul isla markaana qallalan,” ayuu yiri Morrison. “Tani waxaa saameyn ku yeeshay isbeddelka cimilada ee baaxadda leh.” Mar wax laga weydiiyay qorshihiisa ku aaddan dhimidda hawada kaarboonka, ayaa wuxuu Mr Morrison ku adkeystay in dowladdiisa ay cagta saartay hiigsigeeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada. Marka la eego heshiiskii Paris ee cimilada, Australia ayaa codsatay in 28% la dhimo hawada kaarboonka wixii loo gaaro 2030. Dowladda Mr Morrison ayaa cambaareyn kala kulantay siyaasaddeeda ku wajahan isbeddelka cimilada Tobnaan kun oo qof oo Australia ku nool ayaa Jimcihii ka qeyb qaatay dibad baxyo looga soo horjeedo isbeddelka cimilada. Magaalooyin ay ku jiraan Sydney, Melbourne iyo Canberra, ayay dibadbaxayaashu waxay ka codsadeen dowladda Mr Morrison inay wax ka qabato isbeddelka cimilada. Waa sidee hadda xaaladda dabka? Xaaladda dabka ka holcaya Australia ayaa hadda dhaanta sidii hore taas oo dab-damiyeyaasha u suurtogelisay inay tagaan deegaannada qaar oo weli uu dabku ka holcayo. Balse iyadoo la filayo in toddobaadka dambe ay cimilada dalkaas sii kululaato, ayaa waxaa laga digayaa inay weli khatar jirto. At 12:30am, 123 fires are burning across NSW, with 50 not yet contained. Easing conditions and continuous hard work by firefighters has seen all fires now at the Advice alert level. Remain vigilant if near active fires and know what you'll do if the situation changes. #NSWRFS pic.twitter.com/dBGNA7Ye5E — NSW RFS (@NSWRFS) January 11, 2020 Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @NSWRFS In ka badan 123 meel ayuu dabku ka kacay kuwaasoo ku yaalla gobolka New South Wales, iyadoo 50 ka mid ah meelahaas uu weli dabku ka holcayo. Gobolka Victoria, ilaa 32 meel ayuu dabku ka kacay. Qof dab-damiye ah ayaa dhintay xilli uu isku dayay inuu la tacaalo dab holcaya, taasoo tirada dadka ku dhintay dabka Australia ka dhigeysa 28. Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta si aad ah loo adkeeyey amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi. Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka iyo xaafadaha magaaladaasi, iyaga oo wada howlgallo amni xaqiijin ah. Sidoo kale ciidamada ayaa su’aalo iyo aqoonsi weydiinaya dadka, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah. Dhowaan ayaa la filayaa in doorashada guddoonka baarlamaanka iyo mida madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud. View the full article
-
Guddooomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabey Agaasimaha waaxda Waxbarashada ee dowlada hoose ee Xamar. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa muqdisho ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Sheikh Nuur, iyada oo uu xilka kala wareegi doono agaasimihii hore ee waaxdaasi Cabdinaasir Rooble Abuukar. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Dowladda Ingiriiska ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya kadib markii dhawaan Al-Shabaab weerar culus ay ku qaadey saldhig ciidamada Mareykanka ku leeyihiin gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu. Wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa kula talisay muwaadiniintooda inay ka feejignaadaan goobaha ay dadka isagu yimaado inta ay ku sugan yihiin gudaha dalka Kenya. Digniinta ayaa soo baxday maalmo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weeraro cusub ay ku qaadi doonto dalka Kenya, islamarkaana ay ku bartilmaameedsan doonto goobaha dalxiiska. Ku dhawaad 200,000 oo Ingiriiska u dhashay ayaa sanad kasta dalxiis u taga Kenya, kuwaasoo qaarkooda la sheegay inay booqdaan degaanaada xeebta ee ku dhaw xuduuda Soomaaliya. Kenya ayaa la kulantay weeraro xoogan tan iyo markii ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta magaalada Dhuusa-Mareeb ku yeeshay kulankoodii u horeeyay, kaasoo ay uga hadleen arrimo dhowr ah. Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uu noqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug. Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 7-aad ee waqtigii madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ayaa soo magacaabi doona guddi doorasho, kuwaasoo diyaarin doona qaabka ay noqoneyso doorashada Guddoomiyaha iyo Kuxigeenada baarlamaanka Galmudug. Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa weli u socdo kulan xasaasi ah oo ajandihiisu yahay dhaarinta xildhibaanadii Shalay aan la dhaarin iyo magacaabista gudigga cusub ee doorashada Madaxda Galmudug. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Guddiga la magacaabi doono ayaa ka kooban 15 xubnood oo ay kala qeybsan doonaan Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna oo markii horeba kala qeybsaday kuraasta Baarlamaanka Galmudug. Sida wararka sheegayaan Ahlu Sunna ayaa guddigaas laga siiyey 6 xubnood halka 9-ka kale ay noqon doonaan Xildhibaanada ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka. Caasimadda Galmudug waxaa durba ka bilowday ololaha loogu jiri kursiga Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo Xukuumadda ay dooneyso inay soo saarato Guddoomiye ay wadato. Amniga guud ee magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ah doorashada madaxtinimo ee maamulka Galmudug.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-120120-sax.mp3 View the full article
-
Telefishinka Puntland oo xiganaya Xeer ilaaliyaha guud ee maamulkaasi, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa baahiyay in saddexda xukmane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2020 saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo. Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden. Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. Ugu dambeyntii, xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku wareejiyay Galka fulinta Xukunka, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska Caa’isha Ilyaas. View the full article
-
The United Kingdom has issued a travel advisory for its citizens traveling to Kenya, following the recent Manda Bay attack that left three US nationals dead. The advisory, through the UK Foreign and Commonwealth Office (FCO), asks UK citizens to avoid certain areas of the country if at all possible, mainly those along the Somalia border. One week ago, suspected Al Shabaab militants attacked a military base in Manda Bay leaving one US service member and two Department of Defense contractors dead. No Kenyans died in the attack. In a statement issued on Saturday, the Foreign and Commonwealth Office (FCO) said that the most vulnerable places in the country include areas within 60km of the Kenya-Somali border, Garissa County and Lamu County. Other areas are Tana River County north of the Tana river itself and within 15km of the coast from the Tana river down to the Galana (Athi-Galana-Sabaki) river. According to FCO, 190,000 UK residents visit Kenya every year. “Terrorists are very likely to try to carry out attacks in Kenya. There is a heightened threat of terrorism, including terrorist kidnappings, across Kenya. Attacks, including terrorist kidnappings, could target Westerners, including British nationals,” the statement read in part. The office also said that the attacks could be indiscriminate in places frequented by foreigners such as hotels, bars, restaurants, sports bars and nightclubs, sporting events, supermarkets, and shopping centers. The statement comes after the United States deployed one of its top elite military units to guard its interests in the country following the attack. View the full article
-
Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa bilaabay diyaar-garowga doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug, iyadoo lagu wado in ay yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga rarinsanayaan doorashada guddoonkooda. Xildhibaanada Galmudug ayaa la dhaariyay shalay gelinkii dabbe,iyaoo kadib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Gudoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen ninka ugu da’da weyn xildhibaanada Galmudug. Xildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan Qabashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug , waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug. Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa horyaalo shaqooyin adag iyo soo doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Waliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, kadib markii Ibraahim Xasan Cawaale oo ahaa musharrax xildhibaan Galmudug uu sheegay in tartanka looga reebay Sawir uu la galay Fiqi. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ku sheegay in fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn aysan jirin in Ra’iisul wasaaruhu wiil dhallinyaro ah, misana aqoon leh xildhibaanimadiisii uga hor istaago Sawir uu ila galay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ibraahim uusan u laheyn wax aqoon ah, islamarkaana ay si kadis ah ugu kulmeen munaasabad, kadibna aysan markale is arkin. Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale xusay in tani ay muujineyso in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo taageerayaashiisuaysan weli qaangaarin, siyaasaddana ay ka barteen qeybta naca iyo aargoosiga, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka aqriso: Fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn ma jirto in Xasan Khayre uu wiil dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah xildhibaanimadiisii uga hor istaago sawir uu ila galey! Mr. Ibrahim sida uu sheegey asaguba si kadis ah ayaan munaasabad ugu kulannay, aqoon uma lihi, markaas ka dibna isma aynaan arag, arrintiisana waxaa iigu horaysay marka uu asagu soo qorey, qisada Ibraahim waxey muujinaysaa In Khayre iyo taageerayaashiisu aysan weli qaangaarin, siyaasaddana ay ka barteen qeybta naca iyo aargoosiga. Arrinta Ibraahim waxey banaanka soo dhigtey In dalkan uu gacanta ugu jiro shakhsiyaad cuqdadi ay ragaadisay, qof nool iyo sawir la galey intaba ka cuqdadaysan, dhaqamo xun xun oo ay siyaasadda ku soo biiriyeen oo lala yaabanaa waxey ku soo khatimeen In sawirada la galo la isku ciqaabo, waxey ila tahey In qofka ugu badan oo kaamarooyin wax ku sawira mugdiga iyo iftiinba kiraystey uu yahey Khayre, ayna noqonayso In sawiradiisa dadkii badnaa ee la galey ay iska masixi doonaan!!
-
Waxaa shalay la dhaariyay inta badan xildhibaanada Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug kuwaas oo u badan dad dhalinyara ah oo aqoon leh kana duwan kuwii iyaga ka horeeyay inkastoo qaarkood la sheegayo in ay si sharci darro ah oo hanaanka saxda ah dhinac marsan ay ku noqdeen xildhibaano haddana mar haddii la dhaariyay sidaas ayay ku xaroodeen oo ay ku noqdeen xildhibaano sax ah. Xog aruurin gaar ah oo aan ku sameeyey guuxa xildhibaanada cusub kuna aadan nuuca musharax madaxweyne oo ay daneynayaan ayaa waxay intooda badan isaga mid ahaayeen in ay qasabtahay in musharaxa Madaxweynaha ee xilligaan Gal-mudug u baahantahay uu lahaado sifooyinkaan: In uu yahay nin deegaanka yaqaana, xog ogaalna u ah muddooyinkii lasoo dhaafay duruufihii Amni & kuwi siyaasadeed ee ka jiray Gal-mudug. In uu leeyahay aqoon iyo karti uu ku maamuli karo howlaha Dowladda Gal-mudug oo xillgaan u baahan qof ka duwan kuwii hore u soo maray aragti fogna leh. In uu yahay mid ka dhex yimid bulshada Gal-mudug ee aan kor laga soo tuurin, kalsoonidana ka raba xildhibaanada iyo shacabka reer Gal-mudug oo iyagu ah cidda uu madaxweyne u noqon doono. In uusan ka mid aheyn ururada siyaasadeed ee Dalka ku hardamaya oo uu yahay nin ka madax banaan is qabqabsiga siyaasadeed ee Muqdisho ka jira( muxaafad & mucaarad) si arrintaas saameynteeda looga ilaaliyo Gal-mudugta cusub ee aad u nugul oo aan xamili karin culeys intaas la eg. in uu yahay qof isku wadi kara dhamaan dhinacyada kala duwan( xisbiyada siyaasadeed, culimada, Beelaha, iyo deegaanada) kala duwan ee Gal-mudug. in uu yahay qof Amniga iyo Dowlad dhisidda garanaya maadaama caqabadaha Maanta heysta Gal-mudug ay ugu waaweyn yihiin Amni darro iyo dhisma la’aanta Hay’ado Dowladeed, arrimahaas oo sababay horumar la’aanta baahsan ee deegaanka ka jirta. In uu qorsho iyo barnaamij siyaasadeed leeyahay oo lagula xisaabtami karo ee uusan iska socon, sidoo kalana uu aragti ka leeyahay xoreynta deegaanada ay Al-shabaab heysato, iyadoo ay jirto guux ku aadan in Xildhibaanada kasoo jeedo deegaanada ay Al-Shabaab heystaan ay shuruud adag ka dhigayaan inuu madaxweynaha soo socdo ee Galmudug awood u leeyahay inuu deegaanadooda u xoreeyo. Waxaxaa la filayaa in Bishaan Janaayo gudaheeda lagu soo gabagabeeyo doorashada Gal-mudug guud ahaan, waxaana jira Musharixiin aad loo hadal hayo oo tartan adag uu ku dhex mari doono halkaas sida Musharax Gen. Tuuryare oo aqoon duruqsan u leh dhanka Amniga isla markaasna ah musharaxa Al-Shabaab ka saari karo deegaanada laga heysto Galmudug, Cabdiraxmaan Odawaa oo ah musharax u taagan Galmudug horeyna qeyb uga ahaa dhisidda Galmudug, Axmed Qoorqoor oo ay Dowladda wadato iyo kuwa kale. Waxyaabaha Doorashadaan ay uga badalan tahay doorashooyinkii ka horeeyay waxaa ka mid ah in Gen Tuuryare oo ah musharax kasoo jeeda Deegaanada Ceeldheeer & Galcad uu ka mid yahay musharaxiinta ugu muhiimsan ee u taagan xilka madaxweynimada Gal-mudug, arrinkaas oo muujinaya Gal-mudug ka duwan tii hore oo furfuran. Waxaa qoray: Maxamed Cali Xasan filimside@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
