-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimadda Online) Waxaa hakad la galiyay munaasbadii lagu xil wareejin lahaa xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya u qaabilsan Puntland, waana amar ka yimid ku simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan. Xafiiska ku simaha waxaa kasoo baxay dikreeto lagu amray agaasinka guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya inuu hakiyo xil wareejinta xafiiska hay’adda, waxeyna laheyd tixraac ku saabsan warqad 8-dii January 2020 kasoo baxday xafiisak Maxamed Aaden Koofi oo ah agaasimaha guud ee hay’adda. Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee xafiiska hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Ferderaalka u qaabilsan dhulka Puntland, waxaana agaasimahii hore loo dhaadhiciyay xafiiska hay’adda ee magaalada Muqdisho. Munaabadaan la baajiyay waxaa la qorsheynayay in ka hor dhamaadka bishaan lagu qabto magaalada Garowe ee caasimadda Puntland mana la oga wakhtiga la qaban doono.
-
Taliyaha guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom Gen. Tigabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ee Jubbaland. Taliyaha iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo qeybta ah ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan gudaha Soomaaliya . Sidoo kale Taliye Tigabu Yilma ayaa booqday saldhigyada ciidama nabad ilaalinta Amisom ay ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana uu la kulmay saraakiisha ciidamada ee dalka Kenya isaga oo kala hadlay arrima badan oo dhanka amniga ee degmada iyo guud ahaan gobalka. Dhanaka kale saraakiisha ku sugan Afmadow ayaa taliyaha warbixin xaaladda guud iyo mida amni ee degmada iyo guud ahaan gobalka Jubbada hoose oo deegaanna dhowra ay ka joogaan ciidamada wadanka Kenya kuwaas oo taageero siiya kuwa Jubbaland. Ugu dambeyn Taliyaha guud ee ciidamada midowga Afrika ee amiso Gen. Tigabu Yilma iyo saraakiisha ciidamada dalka Kenya iyo ku dowlad gobaleedka Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobalka Jubada hoose ayaa kawada hadlay sidii loo qaadi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo deegaanno badan oo Jubbaland ah ku sugan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku guuleysatay inay dib u celiso Markab jiidayey xadhig Internet, kaasi oo laga lahaa dalka Jabuuti, isla markaana la rabay in Xadhigaasi Internet la mariyo Badda Berbera, loona sii jiido Soomaaliya. Dowladda Jabuuti ayaa hore u shaacisay in Badda Berbera ay marin doonto xadhig Internet, oo kamid noqon doonta Saddex magaalo oo xadhigaasi la marin doono. Somaliland ayaa iyaduna sheegtay in aan lagala soo xiriirin xadhigaasi ay dowladda Jabuuti shaacisay inay marineyso Badda Berbera, isla markaana uu ogolaansho ka haysan xukuumada Muuse Biixi. Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya. Waxa la aaminsanyahay in talaabada ay Ciidamada ilaalada xeebahu ay uga hortageen Markabkaasi, isla markanaa ay dib uga celiyeen Biyaha Somaliland inay daba socoto hadal uu dhawaan sheegay Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, kaasi oo ku shaaciyey in Jabuuti wax ogolaansho ah uga haysan xadhigaasi. Markabka xadhiga jiidayay ayaa la sheegay in uu ka dhago adeygay digniino ay ciidamada ilaaladu siiyeen, isagoona isku dayay in uu xoog ku soo galo Biyaha Somaliland, balse ay ugu dambeyntii dib u celiyeen ciidamadu. Saraakiisha Ciidanka Illaalada Xeebaha ayaa ka warbixiyey sida uu howl-galkaasi u dhacay, iyagoona xusay in ilaaladii saarneyd markabkaasi ay rasaas fureen, si ay xoog ugu soo gudbaan, waxayna yidhaahdeen: “Markabkaas oo ka soo dhaqaaqay dalka Jabuuti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada-hadlin oo sharci darro ah”. “Markabkaasi wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii Saarnaa”. Waxayna intaas sii raaciyeen “Markaa xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas ayey howshu ku dhamaatay”. “Markabkaasi kolay wuxuu u jahaystay xagga Yemen oo aanu filayno in uu qabtay, laakiin annagu waxaanu dib uga celinay xad-gudubkii uu ku soo sameeyey biyaha Dalkeena”. Xukuumada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Xadhigaasi ay dowladda Jabuuti badd Berbera ay marinayso, aysan wax ogolaansho ah uga soo qaadan, isla markaana aan loo ogolaan doonin badaasi.
-
Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ruux shacab ah waxaa uu ku dilay gudaha magaalada Muqdisho ee gobalka Banaadir. Ruuxa la dilay ayaa ahaa dawalka gaari xamuul ah kaas oo ka yimid dhanka dekedda waxaana saarnaa qalabka dhismaha. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Shaniimo Nasar ee degmada Hodan . Waxaana la ogeyn sababta keentay in askariga uu xabada ku dhufto darawalka mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa amar ka soo saartay xarumaha qarsoodiga ee dhaqan celinta iyo qur’aan saarka. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Abshir Cumar Cabdulaahi oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xarun xabsi u eg aysan ka furnaan doonin Muqdisho, ciddii lagu helana lala xisaabtami doono. “Xarun xabsi u eg maka furnaan karno magaalada Muqdiaho, mana ka aamusi karno, shaqadeena waaye maxkamadda Racfaanka, xasbi wax ku saabsan oo dad lagu heyn karo sharciga ayaa tilmaamaya, sharcigu meel uu tilmaamin cid qof ku hayn karto malahan, haddii uu ku dhintana masuuliyadiisa isagaa qaadaya qofkaas” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Qaryaqaan Abshir Cumar. Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in xarumaha qur’aan saarka ay mararka qaar garaacaan dadka, isagoo xusay in dhawaan uu soo maray kiis garaacid ah oo qof ku dhintay, hadda kadibna aan la ogolayn xarumaha noocaas ah. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in meel aan xabsi ahayn lagu hayn karin dadka loo baahdo in la xakameeyo, maadaama uusan sharcigu sidaa qabin ayna meel ka dhac ku noqonayso xuquuqdooda. Qaryaqaan Abshir Cumar ayaa sheegay in kiiska ka dhasha xarumaha xabsiga u eg, uu sababo khiaafka waalidiinta iyo caruurtooda, oo marka uu xumaado la saaro dowladda. Amarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dawladda Soomaaliya dhawaan Denmark ku wareejisay gabar ka baxsatay xarun dhaqan celin oo ku taalla Muqdsho, taas oo dowladdu kala kulantay buuq iyo eedeyn. PUNTLAND POST The post Amar laga soo saaray xarumaha dhaqan celinta iyo qur’aan saarka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Safiirka Mareykanka u qaabilsan Somalia oo war kasoo saaray kulamo uu Nairobi kula qaatay Deni,Axmed madoobe & Lafta-gareen Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Don Yamamoto ayaa maalmahanba Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmayay qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo halkaas ku sugan. Safiirka ayaa la kumay madaxweynaha Puntland, Saciid Cbadullaahi Deni, madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xassan Maxamed oo maalma kahor soo gaaray Nairobi. Safiir Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysaneyso sidii la isgu soo dhawen lahaa dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, si looga wada shaqeeyo ammaanka iyo caqbaadaha taagan. Safiirka ayaa sheegay in wadaxaajood ay yeeshaanlabada dhinac ay muhiim u tahay, si looga miradhaliyo ujeeddooyinka ah Soomalaiya oo ammaan iyo barwaaqo ah. “Waa mid dadka Soomaaliyeed waa arrin ay dalbanayaan, jiillka dambena ay filayaan, hogaamiyeyaasha Soomaalidana looga fadhiyo”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga Facebook ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Yamamoto oo kulankii uu la qaatay Axmed Madoobe ka war bixiyay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubaland uu kala hadlay baahida loo qabo in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka ka taagan Jubaland, taas badelkeedana lagu badelo xiriirka maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, dagaalka kadhanka ah ururka Al Shabaab, xoojinta iyo sidii Soomaalida ay ugu midoobi lahayd ka shaqeynta ammaanka iyo Soomaaliya oo barwaaqa noqota. Waxaa kale oo uu safiirka fahfaahiyay kulankii uu la yeesha Saciid Deni. “Yamamoto 23-kii bishan waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Puntland, waxayna ka wada hadleen tagaeerada Mareykanka uu siiyo laamaha ammaanka ee Puntland, ahmiyadda ay leedahay doorasho qaran oo loo dhan yahay, in horay logu tallabsado horumarinta gobolka iyo baahidaha degdega ah ee loo qabo wadaxaajood ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada”, ayaa lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay safaaradda. Sidoo kale diblomaasiga ugu sareeya safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu la kulmay madaxweyne Lafta-gareen ay ka wada hadleen amaanka gobolka Shabeelaha hoose, wuxuuna ku booriyay in uu sii xoojiyo dedaalada uu wado ee u ku aadan mideynta dadka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare ayuu safiirka sheegay in uu sidoo kale kala hadlay sidii Mareykanka iyo Soomaaliya ay isgaa kaashan lahaayeen Al Shabaab iyo xoojinya xiriirka maamu goboleedyada iyo Dowladda Federaalka. Waxaa dalal badan oo caalamka iyo hey’adaha caalamiga ay in muddo ah wadeen dedaalo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo Dowladda Fedeaalka. Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada Soomaaliya qaar kamid ah iyo Dowladda dhexe ayaa ku qotom doorashooyinkii dhacay, doorahsada 2020-ka, dastuurka dhamesyirkiisa, qeybsiga kheyraadka iyo faragelin ay qaar kamid ah maamul goboleedyada ay shegeen in Dowladda Federaalka ay ku sameysay maamuladooda. WAR-SAXAAFADEEDKA KULANKA: Qaran News
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, on Saturday inaugurated the first training workshop organized by the Diplomatic Institute after re-launching it with funding from the sisterly State of Qatar on December 02, 2019 after it had been closed for 29 years due to its destruction in civil wars in the country on January 26, 1991. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Magaalada Dhuusmaareeb waxaa laga soo warinayaa in hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax uu la yimid waji cusub, wuxuuna dowladda ka codsaday in jago sare looga magacaabo maamulka cusub ee la rabo in laga dhiso Galmudug si uu gacan uga geysto dhameystirka doorashada lagu dhisayo maamulka cusub. Waxaa lasoo warinayaa in la guda galay waan-waan cusub oo u dhaxeysa maamulka Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka, xogta la helay ayaana sheegeysa in hogaamiyahaan uu doonayo in laga dhigo madaxweyne ku xigeenka Galmudug. Sheikh Maxamed Shaakir ayaa qoraal uu soo qoray ku xaqiijiyay ineysan qeyb ka aheyn doorashada lagu dhisayo Galmudugta cusub kadib markii ay ku qanci waayeen habka ay dowladda u maamuleyso guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Qorshaha ay la yimaadeen Ahlu Sunna waxey culeys hor leh ku abuurtay habsami u socodka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kux igeenka Galmudug, waxaase la ogyahay in wadahadalada dib ugu bilaabanaya labada dhinac ay dowladda u wakiilatay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah wiil uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna ee qorshahaan la yimid. Dowladda Federaalka ayaan la ogeyn sida ay qorshahaan ugu fulin doonto hogaamiyaha Ahlu Sunna, waxeyna tani imaaneysaa xilli ay ku guuleysan waayeen xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka cusub ee Galmudug.
-
The militant group Al-Shabaab and Somali troops clashed in Far Libah area, about 45 kilometers from Beledwenye, the capital of the Hiiraan region, central Somalia. The battle left at least three people from the warring sides dead, according to the local officials, who said the area is still under the government control after Al-Shabaab attack. Reports from the region also indicate that reinforcements from government forces are expected to arrive in the area to support the local forces. Al-Shabaab has been launching attacks on government-held areas in the south and central Somalia as part of the group’s struggle to oust the UN-backed Somali government. View the full article
-
(SLT-Washington)-Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ee The Pentagon, ayaa sheegtay in 34 Ciidammadeeda ku sugan Ciraaq ka mid ah laga helay dhaawac dhinaca Maskaxda ah, ka dib markii IRAN ay weerartay Saldhigyada Maraykanka ee gudaha Ciraaq. Wasaaradda Difaaca ee Maraykanku waxa kale oo ay sheegtay in illaa hadda baadhitaan dhinaca Maskaxda ah lagu wado 17 kale oo ka mid ah Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Pentagon. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo hore uga hadlay Weerarkii IRAN ku qaadday Saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq, ayaa xilligaa sheegay in aanay Weerarkaas wax dhaawac ahi ka soo gaadhin Ciidammada Maraykanka. IRAN ayaa 8-dii January ee sannadkan waxay Gantaallada Riddada dheer la beegsatay Saldhigyada Ciidammada Maraykanku ku leeyahay Ciraaq, ka dib markii duqayn diyaaradeed uu Maraykanku ku dilay Qaasim Sulaymaani oo ahaa Taliyihii Ciidammada Kacaanka IRAN, kaasi oo ku sugnaa Ciraaq. Toddobaadkii u dambeeyay, the Pentagon ayaa sheegay in 11 ka mid ah hawl-wadeennadii Ciidanka Ciraaq laga daweeyay dhaawacyo. Madaxweynaha Maraykanka oo la waydiiyey wuxuu ka ogyahay dhaawacyada dhinaca maskaxda ah ee Ciidammadiisa ka soo gaadhay Weerarkii IRAN, ayaa ku gaabsaday inuu jiro Madax xanuun laga helay Ciidanka, balse aanu jirin dhaawac culu Source
-
The Force Commander of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) Lt. Gen. Tigabu Yilma on Wednesday (22 January) visited troops on the frontline in Dhobley town near the Somali-Kenyan border to check on their condition and operational plans. The AMISOM Sector Two forces in Jubaland State are made up of soldiers from the Kenyan Defence Force. The AU Mission in Somalia has five sectors spread across the country where AMISOM forces work hand in hand with the Somalia National Army (SNA) to stabilize the country. On arrival in Dhobley, Lt. Gen. Yilma was received by Sector 2 Commander, Brigadier General Dickson Ruto who briefed him on achievements recorded in line with AMISOM Concept of Operations (CONOPS), which guides the operations of the mission, and the Somalia Transition Plan, which outlines how AMISOM will gradually hand over security responsibility to the Somali Security Forces. The Force Commander thanked the troops and their commanders for strongly holding the fort and praised them for their bravery and service to Somalia. “I came to check on you and see for myself the good work that you are doing for AMISOM and for Somalia. The enemy is losing ground but we need to maintain the pressure in order to completely stabilize this country and hand it over to the Somalis. After we finish our job, history will remember us for our noble effort of bringing peace in Somalia,” Force Commander Yilma said. Sector Two Commander Brig. Gen. Ruto thanked the Force Commander for the visit and assured him all was well with the troops under his command. “I can say that within Sector Two, our troops have made significant contributions. If you want to measure our success, you can look at the number of businesses and the number of people that are in the towns specifically the movement of people and goods is an indication that life has returned to normalcy in Jubaland,” Brig. Gen. Ruto said. Dhobley town is located approximately 729 km southwest of Mogadishu. It lies within an important route from Kismayo to the Kenyan border town of Liboi close to the Dadaab refugee camp inside Kenya and home to tens of thousands of Somalis refugees. View the full article
-
Wareegto ka soo baxaday xafiiska wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in la kala diray rugta ganacsiga iyo warshadaha ee gobbalka Banaadir. Qoraalka wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 25/1/2020 la kala diray rugta ganacsiga iyo warshadaha gobalka Banaadir si dhaqso ahna loo soo magacaabi doono, magacaabistana waxaa ka wadatashan doono wasaaradda gacsiga iyo warshadaha, maamulka gobalka Banaadiir iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed. Horay ayaa hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya waxaa ay xirtay guddoomihii rugta ganacsida iyo warshada gobalka Banaadir iyo ku-xigeenkii, sababo ay ku sheegtay in baaritaanno ay ku socdaan . Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xassan, ayaa maanta oo Sabtiya kala diray maamulkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in kadib markii la tashi lala sameeyay Ganacsatada gobolka Banaadir, ay soo baxeen cabashooyin xiriir ah oo ku saabsan hannaankii loo maray magacaabista maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir, sidaasi darteedna loo kala diray. Wareegtada ayaa lagu xusay, in sida ugu dhakhsaha badan maamul cusub loogu magacaabi doono, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir. Magacaabista cusub waxaa ka wada tashan doona Wasaaradda Ganacsiga dowladda Federaalka, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo Ganacsatada gobolka, sida wareegtada lagu sheegay. Kala dirista ayaa ku soo beegmatay, xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in ururka Al-shabaab uu saamayn xooggan ku lahaa magacaabistii maamulka la kala diray ee Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo kala dirtay maamulkii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Farlibaax oo hoos yimaada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa saddex qof oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga. Mudane Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inay saacadihii la soo dhaafay dowladda federaalka ciidamo dheeraad ah geysay degmada Luuq ee gobolkaasi. Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay illaa 200 oo askari ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen gudaha iyo daafaha degmadaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xiisad ka dhalatay ciidamada cusub ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolka Gedo. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay dhankooda dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobolkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dagaal ku dhex maro halkaasi. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo muddooyinkii dambe khilaaf u dhexeeyey dowladda federaalka iyo Jubbaland laga dareemayey gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa maanta amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir. Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray Caasimadda Online isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir. Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan xirtay Gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo ku xigeenkisa ka dib markii lagu eedeeyay in magacaabistooda ay Shabaab ka qeyb qaateen. Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood un ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dmabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga
-
At least three children between the ages of 4 and 6 died from hunger and disease in Mogadishu's Kahda neighborhood internally displaced camps Friday, local media reported. Source: Hiiraan Online
-
Kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa amar ku bixiyay, in la hakiyo munaasabadda xil-wareejinta Xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan Puntland. Dikreeto ka soo baxday ku simaha madaxweynaha Puntland, ayaa lagu amray agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta xafiiska hay’addaasi u qaabilsan Puntland. Dikreetada ayaa laga tixraacay, qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Maxamed Aaden Koofi oo ku taariikhaysan 8-dii bishan January 2020, kaasi oo agaasime cusub loogu magacaabay xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u qaabilsan degaannada Puntland. Agaasimaha cusub ee xafiiska xafiiska hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka u qaabilsan degaannada Puntland, ayaa loo magacaabay, Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil, halka agaasimihii hore ee xafiiskaasina loo wareejiyay xarunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ku leedahay magaalada Muqdisho. Munaasabadda xil-wareejinta, ayaa sida qorshaysan maalmaha soo socda lagu qaban lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo amar dul-dhigtay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
