Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,295
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In an exclusive interview with Puntland Post the acting Chief Justice of Puntland Supreme Court Mr Nur Mohamed Issa explained why the death sentence on three men who gang-raped and murdered Aisha Ilyas remains unenforced. Both the Supreme Court of Puntland and Court of Appeals have upheld the death penalty against Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige and Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame whom Nugaal Regional Court found guilty of luring, gang-raping and killing Aisha Ilyas Aden. “The court ruling is awaiting enforcement. We are waiting for the execution file from the Attorney General’s office containing inheritance details and permission from the family of Aisha before the execution of the three men convicted of the gang-rape and murder” said Issa. Gang-rapists and murderers were tried under a civil law The Acting Chief Justice added that President Said Abdullahi Deni of Puntland State will not sign the execution letter “because this is a civil case”. Legal experts question how the Puntland judiciary categorises the case gang-rape and murder under the Civil Law. Detectives of the case have used DNA tests to investigate the crime with the help of the first forensic laboratory in Somalia based in Garowe. Meanwhile Puntland State Television reports that the convicted three men “will be executed by a firing squad in February 2020.” © Puntland Post, 2020 The post Puntland: Convicted Rapists to be Executed in February appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay sare u qaadayaan weerarada ka dhanka ah Mareykanka, kadib midkii ay dhowaan ku qaadeen saldhigga Manda Bay oo ku yaalla gobolka xeebta Laamu ee dalka Kenya. Idaacadda Andaluus ayaa baahisay qeybta koowaad barnaamij ay ku sheegtay inay uga hadleyso duulaamada ka dhanka ah Mareykanka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weeraradooda ay yihiin kuwa ay ugu jawaabayaan howlgallada Mareykanka uu ka wado dalalka Ciraaq, Afghanistan illaa bariga qaaradda Africa, kuwaas oo ay sheegtay in lagu dhibaateeyo inta badan dadka musmiliinta ah. Sidoo kale waxa ay ku hanjabtay in hadda kadib ay beegsan doonto ciidamada Mareykanka, kuna weerari doonto saldhigyadooda. Weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay saldhigga Manda Bay ayaa waxaa ciidamada Mareykanka ka soo gaaray khasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Horay kooxda Al-Shababa ayaa sidoo kale u weerartay saldhigga Balidoogle oo muhiim u ah Mareykanka, inkastoo weerarkaasi ciidamadu ay ka hortageen. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab, waxaana uu duqeymo xoogan ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  3. Taliyihii ciidamada sirdoonka ee magaalada ku taalla koofurta Soomaaliya ee Qoryooley ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho sabtidii sida uu xaqiijiyey sarkaal boliis ah. Maxamed Isxaq oo ah sarkaal boliis ah kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu sheegay Wakaaladda wararka ee Anadolu qadka taleefanka in taliyaha rasaas ay kala eegteen xabadka dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarrakada Alshabaab. “Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa dilay Dhaayow Cismaan oo ah sarkaalkii ugu sarreeyey hay’adda sirdoonka qaranka ee magaalada Qoryooley. Dhawr xabbadood ayaa xabadka looga dhuftay isagoo isla goobta ku geeriyooday,” ayuu yiri Isaaq. Saraakiisha boliiska iyo laamaha kale ee amniga ayaa gaaray goobta falku ka dhacay waxayna billaabeen baaritaan ku aaddan sidii wax u dhaceen. Xarrakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkii ugu sarreeyey hay’adda NISA ee magaalada Qoryooley. Anadolu. Source: goobjoog.com
  4. Sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ahaa sanad aysan wax Burcad Badeednimo ah aysan ka dhicin Xeebaha apuntland taasna waxaa sababay Ciidamada Bada ee Puntland oovshaqadooda si [...] Source
  5. Xarrakada Alshabaab ee saldhiggeedu yahay dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarro ku qaadi doonto xarumo Mareykanku ku leeyahay adduunka maalmo kaddib markii ay weerar qasaaro geystay oo aan la fileyn ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh dalka Kenya. Iyagoo dhiirranaan ka helaya guushii lama-filaanka ahayd oo ay ka gaareen weerarkii Axaddii hore ay ku qaadeen saldhigga Millateri ee woqooyiga Kenya “Manda Bay Region” kaasoo ay waxyeellooyin kasoo gaareen askar iyo dad rayid ah ayey hadda dirayaan hanjabaad kale. Taliska Mareykanka ee Africa “AFRICOM” ayaa jawaab ka bixiyey weerarka iyagoo askar iyo qalab Milateri u diray qeybta ciidamadu saldhigga ku leeyihiin ee woqooyiga Kenya waxaana la kordhiyey duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Alshabaab ee ku sugan dalka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya. Laakiin waxaan wali sharraxaad laga bixin ciidanka aan sida xooggan u hubeysneyn ee Alshabaab kuwaasoo qiyaas ahaan aan tiradoodu ka badneyn 15 dagaalyahan ay u awoodeen inay u soo gudbaan Kenya islamarkaana ay dilaan 3 muwaaddin oo Mareykan ah una burburiyaan diyaaradaha wax basaasa. Inkastoo Alshabaab ay weerar ku qaadi jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajinnabiga ah ee jooga dalka in-ka-badan toban sano haddana waa bishii September marka Alshabaab ay billaabeen inay ku beegsadaan Mareykanka weerarro qasaare badan dhaliya. Xarrakada Alshabaab ayaa weerartay saldhigga Mareykanka ee Balli-doogle ee u dhaw caasimadda Soomaaliya dhammaadka sannadkii hore weyna ku guul-darreysteen inay qasaare geystaan. Tan iyo xilligaas hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Diiriye ayaa farayey dhammaan qeybaha xarrakada iyo dagaalyahannada kale ee dalalka Bariga Africa ee gacan-saarka la leh inay xoogga saaraan weerarro lagu qaado Mareykanka iyo xulufadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Gaadiidleyda Muqdisho oo si joogta ah u bixiyo canshuurta lagu waajibiyey, ayaa hadana waxa ay yihiin kuwo aan helin adeegyadii ay dowladda uga baahnaayeen, gaar ahaan dowladda hoose ee Xamar. Waxaa jira waddooyin badan oo ka xiran gaadiidkan iyo sidoo kale kuwo burbur-san, oo aan xitaa xil la iska saarin in dayactir lagu sameeyo. Darawallada kaxeeya Mooto bajaajta qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in xilligan ay cabasho xooggan ka yihiin wadada isku xirta Dabka iyo degmada Xamar Jajab, taasi oo burbur xooggan uu ka muuqdo. Waxay sheegeen in ay la yaab tahay iyaga oo bixinaya canshuurta hadane aanay helin adeegyadii loo baahnaa oo ay ugu horreyso dhismaha waddooyinka burbursan. “Annaga waan bixinnaa canshuurta, hase ahaatee ma helno bedalkeeda, wadada isku xirta Dabka iyo Buundo Koowaad boholo ayaa ka qodan, xitaa maamulka degmada ama kan gobolka wey garan la yihiin iney naga dhisaan, waxaa intaas ka daran waddooyinka oo dhagxaan ku xiran, shaqadeenna oo aan u socon sidii hore, balse waxaan nahay canshuur bixiyeyaal aan loo adeegin” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawallada kaxeeya Mooto Bajaajta. Kaliya ma ahan dadka canshuurta bixiya gaadiidleyda ee sidoo kale dowladda waxay canshuur ka qaaddaa guryaha iyo xarumaha ganacsiga, si la mid ahna ma helaan bedalkii looga baahnaa dowladda federaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa shaaciyey xilliga kama dambeysta ah ee xukunka dilka toogashada ah lagu fulin doono raggii lagu helay kiiskii Caa’isho Ilyaas Aadan. Aw-Cismaan ayaa Telefishinka Puntland u sheegay in raggaasi oo gaaraya saddex la toogan doono subaxnimada Talaadada ah ee 11-ka bisha soo socota February 2020-ka. Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu shalay wareejiyey galka fulinta xukunka oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan. Saddexda xukunsanaha ah ayaa kala ah: Cabdishakuur Maxamed Dige, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame. Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal, mida racfaanka iyo tan sare ayaa waxa ay xukun dil toogasho ku rideen raggaan, kadib markii lagu helay kiiskaasi. Caaisho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd ayaa la’isugu daray kusfi iyo dil bishii February ee sanadkii hore 2019-kii, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed.
  8. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has condoled with the family of the former independence minister and champion of the unification of the north and southern Somalia in 1960 Ahmed Kayse Hali Duale who passed on in the US last week. Source: Hiiraan Online
  9. Gorfeyn ku saabsan buug uu qoray Xaashi Maxamed oo ah qareen-sare (barrister) ka soo jeeda Soomaaliya baa lagu soo saaray shalayto wargeyska maalinlaha ah, The Times. Buuggu waa People Like Us— (Dad innaga oo kale ah). Xaashi aabbihiis wuxuu ku geeriyooday shil gaari. Dad ay ehel yihiin baa ka soo dhoofiyay dalka Keenya si uu iyaga kula noolaado dalka Ingiriiska. Wuxuu kula noolaa qoyska guri ciriiri ah. Wuxuu ku soo barbaaray kaalmada dowladdu siiso qoysaska dakhliga yari uu soo galo, waxa Soomaalida qurbajoogta ahi u taqaan Ceyrta. “Dadka hanaqaaday laga billaabo sanadkii 2000 noloshoodu way ka hoosayn doontaa nolosha waalidkood” buu ku dooday Xaashi. Gorfeeyaha buuggu ku ma uu raacin Xaashi. “Noloshayda iyo tan [ Xaashi] Maxamed way ka fiicnaan doontaa tan waalidkeen” buu gorfeeyuhu qoray. Xaashi: Aflixidda bulsheed way joogsatay Xaashi wuxuu ka baxay Jaamacadda Oxford oo wuxuu qaatay waxbarasho qalinjebin kaddib si uu ku kasbado xirfadda qareennimo sare oo uu hadda kaga shaqeeyo London. Maqaallo kala duwan ayuu ku qoray wargeysyada iyo xilliileyaal kala duwan sida The Times iyo Prospect . Wuxuu maqaal ku qoray sanadkii 2016kii shabakadda Open Democracy, maqaalkaas oo ugu baaqayay warbaahinta inay si dhexdhexaadnimo ah wax uga qoraan dadka haysta diinta Islaamka. Xaashi wuxuu soo jeediyaa barnaamij ka baxa Idaacadda Afraad ee BBC ( BBC Radio 4). Dood ka mid ah doodaha uu buuggiisa ku soo bandhigay waa aflixidda bulsho ( social mobility ) – heerka nolosha qofka oo meel sare gaarta shaqada uu hayo iyo dakhliga soo gala awgood. Xaashi wuxuu ku dooday in aflixidda bulsho ay joogsatay iyo in saamaynta dabaqadda ( class) aan mudnaan loo siinin si la mid ah sida mudnaanta loo siiyo kala duwanaanta (diversity), oo ku salaysan haybta sida madow oo dad kala dabaqad ah isku tolaysa ( homogenising). “Wiilka cad oo dabaqadda shaqaysa ka soo jeeda oo deggan Dagenham baan wax la wadaaga. Wiilka madow oo Eton taga wax lama wadaago” buu qoray Xaashi Maxamed. © Puntland Post, 2020 The post Xaashi Maxamed: Aflixidda Bulshadu Way joogsatay appeared first on Puntland Post.
  10. Dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay wakhtiga la toogan doono saddexda xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Telefishinka Puntland, oo xiganaya Xeer ilaaliyaha guud dowladda Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa baahiyay in saddexda xukmane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2019, saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo. Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden. Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019. Ugu dambeyntii, xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku wareejiyay Galka fulinta Xukunka, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka qoyska Caa’isha Ilyaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo muddaysay wakhtiga la toogan doono saddexda xukmane ee Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  11. The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire has received the envoy of the United Nations [UN] for the country James Swan at his office in Mogadishu on Saturday. According to UNSOM, the pair discussed a range of issues, including the country’s next elections in 2020-21 and how the world body can best support delivering the set goals. Swan said the UN and international partners are committed to helping Somalia in its quest for holding one person, one vote elections for the first time in the country for 50 years. The current government’s 4-year mandate expires early next year and the country is expected to elec nex parliament and president by the end of this year and February 2021. View the full article
  12. The security forces of Somalia’s Federal Government have conducted an overnight operation in the country’s capital, Mogadishu on Saturday night, police sources said. The police personnel arrested several people suspected to have links with the militant group Al-Shabaab during the operation in parts of Bondheere district. Security officials believe armed groups have used residential areas as bases to prepare attacks and then mingle with residents in urban areas to carry them out. The operation comes hours after unknown gunmen killed in the capital a senior regional intelligence official on Saturday morning, the latest in a series of killings by Al-Shabaab. View the full article
  13. Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa muuqato in dulqaadkii ka dhammaaday iyaga oo saacadihii tagay qaaday tallaabooyin lagu cadaadinayo dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan. Kulanka ayaa looga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, loona soo celin lahaa, arrimaha amniga iyo doorashada 2020/2021 iyo taageerada ay tahay iney qaramada midoobey iyo guud ahaan beesha caalamka ka geysato arrinkan. Dhanka kale, madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bosaso wuxuu ku qaabilay Wafdi ka socda Maraykanka oo isugu jira Sairka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Saraakiil Ciidan. Kulanka oo looga hadlay khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedka, doorashada, amniga iyo arrimo kale ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday tababar ay Puntland u rabto ciidamadeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii Alle ha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka. Madaxweynaha oo sidoo kale tacsidan khadka taleefanka kula wadaagay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska Eebbe uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee marxuumka. Madaxweyne Farmaajo ayaa halgamaa Axmed-Kayse Eebbe uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa isaga oo xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed. Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxa uu kamid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga. Marxuumku waxa uu midowgii labada gobol kaddib kamid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Source
  15. Xiriir dhanka telefanka ah ee dhexmaray madaxweynaha Ukrain Volodmyr Zelenky iyo dhiggiisa Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa ninka dambe waxaa uu balanqaaday 3 arrin oo muhiim ah. In Iiraan ay Ukrain u dib u celin doonto meydka 11 u dhashay dalkaasi oo diyaaradda ku geeriyooday. 2. In ay Dhahraan ay magdhow bixi doonto wixii khasaare ah ee halkaasi ka dhashay 3. In la ciqaabi-doono iyo cdaaladda la marsiin-doono dadkii ka dambeeyey falkaasi. Dhankeeda Canada ayaa sheegeysa in ay jawaabo ka rabto ilaa 57 qof oo dalkaasi u dhashay oo diyaaradda saarnaa. Arrintan ayaa waxaa ay imaaneysaa saacado kadib markii ay Dhahraan qiratay in ay soo riday diyaaradda taasina ay aheyd qalad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Website-ka sirta kashifa ee WikiLeaks ayaa baahiyey dokumentiyo shaaca ka qadaay walaac iyo aragti madow oo uu dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohamed Bin Zayed ka qabay qoyska xukuma Saudi Arabia. Dokumentiyadan, oo sidoo kale uu daabacay wargeyska The New York Times, ayaa shaaciyey in Bin Zayed uu ku wargeliyey safiirka Mareykanka James Jeffrey, in uu ku cabsi qabo Wahaabiyada Sacuudiga, uuna doonayo inuu baabi’iyo. New York Times ayaa ku warramay in Mohamed Bin Zayed uu xilligii boqor Abdallah Bin Abdulaziz, uu u arkay boqortooyada Sacuudiga mid taag darran, balse uu ka cabsi qabay in haddii meesha ay ka baxaan ay beddeli lahaayeen kuwa Wahaabi ah oo la mid ah Daacish. “Qof kasta oo beddela qoyska Al Saud, wuxuu la kulmi doonaa qarow.” Ayuu yidhi Bin Zayed. Warbixinta ayaa sheegtay in Bin Zayed uu kadib xoogga saaray dhaxal-sugaha iminka ee Sacuudiga Mohamed Bin Salman. Bin Zayed oo dul-qaadka kasii dhamaanaya kana cabsi qabay in Islaamiyiinta mayalka adage ay ku xoogeysanayaan Sacuudiga, ayaa aragtidiisa ka iibiyey maamulka madaxweyne Trump, si xukunka uu u qabsado Bin Salman. Dokumentiyada ayaa shaaca ka qaaday in Bin Zayed uu sidoo kale dadaal xooggan geliyey sidii uu u qaadi lahaa kacdoon looga adkaanayo kooxda Ikhwaanul Muslimiin, iyo dhammaan cid kasta oo aragti Islaami ah wadata. Wargeyska New York Times ayaa qoray in xukun ka tuuristii madaxweyne Mohamed Morsi ee Masar ay ahayd guushii ugu horreysay ee ololaha Bin Zayed ee ka dhanka ah Islaamiyiinta. Waxa uu kadib dareenkiisa u weeciyey dalka Libya, halkaasi oo uu hadda taageerayo dagaal oogaha militari ee Jeneral Khaliifa Haftar, kaasi oo qaba aragti Islaam naceyb oo la mid ah tan Mohamed Bin Zayed. Xanibaaddii la saaray Qatar, ayaa sidoo kale qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah islaamiyiinta ee Bin Zayed, maadaama Qatar lagu tiriyo dalalka taageera Ikhwaanul Muslimiinka. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane James Swan. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labad ma’sul waxa ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in kulankaan intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021, si meesha looga saaro walaaca taagan. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa u sheegay James Swan in xukuumaddiisu ka go’an tahay, sidii loo dardar galin howlaha doorashooyinka, si uusan u imaan dib u dhac. Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe si weyn loogu dhaliilayey inay ka gaabisay dadaalladii looga baahnaa ee doorashooyinka soo socda 2020/2021. Walaaca ugu badan ayaa wuxuu ka taagan yahay nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama xisbiyada mucaaradka ay ku doodayaan inaan la qaban karindoorasho qof iyo cod ah.
  18. (SLT- Taiwan)-Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa mar labaad ku guuleysatay xilka dalkaas, iyadoo doorashada Taiwan ay hareysay xidhiidhka ay jasiiraddu la leedahay Shiinaha. Codadkii la tiriyay, Ms Tsai waxay ka heshay 57%, iyadoo aad kaga horreysa ninka la tartamayay ee Han Kuo-yu. Ms Tsai ayaa ka soo horjeedda xidhiidh dhow oo lala yeesho Shiinaha, halka Mr Han uu rumeysan yahay in xidhiidh lala yeesho Shiinaha uu sare u qaadayo dhaqaalaha dalkaas. Khudbaddii ay jeedisay, Ms Tsai ayaa waxay u sheegtay Shiinaha inuu ka tanaasulo hanjabaaddiisa ah inuu jasiiradda si xoog ah u soo ceshan doono. Weriyaha BBC John Sudworth oo ku sugan Taiwan ayaa sheegaya in natiijada doorashada ay dharbaaxo weyn ku tahay Beijing. Damaceeda ah midow ballaadhan oo Shiinuhu yeesho ayaa si weyn loo qaadacay. Ms Tsai ayaa shir jaraa`id ka tidhi: “Taiwan waxay dunida tusineysaa sida aan u jecel nahay inaan dimuqraadiyad ugu noolaaddo iyo sida weyn ee aan u jecel nahay dalkeenna” Shiinaha ayaa sheegay inuu maamulo Taiwan tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Shiinaha sanadkii 1949. Waxay sheegtay in Taiwan ay tahay inay qasab ku aqbasho dib ula midoobidda Shiinaha, haddii kalena xoog loo adeegsan doono. Source
  19. (SLT-Washington)-Sharci dejiyaasha dimoqraadiga iyo kooxaha xuquuqda madaniga ah ayaa si weyn u hadal haya qorshooyinka Aqalka Cad ku doonayo in uu ballaadhiyo xayiraada safar ee lagu bartilmaameedsanayo waddamada muslimiinta ah ee aqlabiyadda ku leh dalal dhowr ah. Xayiraadda maamulka Trump ee socdaalka ee saaran toddobo waddan oo muslim ah, ayaa si weyn loogu kordhin karaa illaa iyo toddobo dal oo dheeri ah, sida ku xusan dukumiintiyo la helay oo dhigaya xayiraad la ballaariyey iyo xannibaado kale. Sharci-dajiyayaasha Muslimka ah Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar, ayaa si adag u dhalleeceeyay qorshahaan, waxayna ku baaqeen in la meel mariyo sharciga federaalka ee mamnuucaya xayiraada Trump. “Ma jirto Sugitaan dambe, Muslimiin aad u tiro badan ayaa si ula kac ah loo bartilmaameedsaday, loo takooray, lakala geeyay qoysaskooda, waxaana loo diidey fursadaha kaliya ku saleysan diintooda. Ayay tidhi Rashida Tlaib. Waqtigan xaadirka ah, u safridda Mareykanka waxaa ka mamnuuc ah waddamada sida weyn loo yaqaan ee Muslimka ah ee Iran, Libya, Soomaaliya, Syria iyo Yemen. Safarka sidoo kale waa ka mamnuuc Venezuela iyo North Korea. Wadamada cusub ee uu saameeyay xayiraada ayaa waxaa ka mid ah Ciraaq, Suudaan iyo Chad, oo lagu soo daray cunaqabateyntii maamulka Trump ee bilowgii 2017, laakiin markaas hoos loo dhigay. Source
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Allaha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale . Madaxweynaha oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii marxuumkaasi iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska ,wuxuu Alle uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo Mudane Farmaajo waxa uu xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed,isagoo halgamaa Axmed-Kayse Ilaah uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxa uu ka mid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga. Marxuumku waxa uu midowgii labada gobol kaddib ka mid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya. View the full article
  21. (SLT-Tehran)-Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay dowlada Ukraine iyo Iiraan kadib diyaaradii rakaabka waday oo maalinimadii Arbacada ku burburtay caasimada Tehraan. Shilkaan oo ahaa mid kam ah ayaa waxaa ku dhintay 176 ruux oo iskugu jiray shaqaale iyo rakaab saarnaa Diyaarada. Inkastoo Ukraine ay isla maalintaa shaki ka muujisay in si dabiici ah uu ku dhacay burburka diyaarada ayaa hadane dowlada Iiraan waxay qiratay in ciidankeeda ay soo Rideen. Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Facebook wuxuu ku dalbaday in baadhitaan dhab uu doonayo in loogu sharaxo qaabka ay wax u dhaceen. Waxaan dooneynaa in la ciqaabo kuwii ka danbeeyay falkaan, magdhowna ay siiso xukuumada Tehraan qoysaska ay ka baxeen dhibanayaasha raali galin dhab ahna ay la Timaado. Madaxweyne Zelenskyy ayaa dhanka kale ugu baaqay dowlada Iiraan in macluumaadka baadhitaanada ay la wadaagto 45 khabiir oo ku taqasusay shilalka diyaaradaha oo ka so socda Ukraine. Source
  22. Xiisad u dhexeysa ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo dhawaan la geeyey Bardheere iyo ciidanka Jubbaland ayaa laga soo warramayaa inay ka taagan tahay degmadaasi. Xiisada ayaa ka dambeysay, kadib markii laba maamul oo kala taageersan Jubbaland iyo dowladda dhexe siyaabo kala DUWAN loogu magacaabay degmada Baardheere. Cismaan Nuur Xaaji guddoomiye ku xigeenka G/ Gedo yaa Shabelle uga warbixiyey xiisada, wuxuuna sheegay in wax Jubbaland la yiraahdo aysan ka shaqeyn Baardheere. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi. View the full article
  23. Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Howlgalka oo dad kala duwan lagu soo qabtay, ayaa laga sameeyay guryo ku yaalla degmada Boondheere, waxaana fuliyay Ciidamada Booliska oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka. Dadka howlgalkaasi lagu soo qa-qabtay dhalinyaro ahaa, ayaa ciidamadu kala soo baxeen guryo ku yaalla inta u dhexaysa Isgoyska Daljirka Dahsoon illaa Afarta Jardiin,o kadib markii ciidamadu u daateen guryahaasi. Booliiska gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo xilliyada habeenkii ah ka waday gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu soo qabtay dad kala duwan. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Booliiska oo fuliyay Hawlgal dad lagu soo qabtay appeared first on Puntland Post.
  24. IGAD has transformed from an organization that merely focused on drought and disaster as it used to be during its inception in 1986 to that of dealing with regional peace and development matters. Source: Hiiraan Online