Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,295
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose waxay ku toogteen Afar qof oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen DFS. Dadweyne laga soo bixiyey guryahooda ayaa la isugu keenay fagaarahan si ay u daawadaan raggan la tooganayo. Ragga ay dileen Al-shabaab ayaa kala ah:- 1- Xasan Cismaan Cali (Abayle) waxay ku sheegeen inuu ka tirsanaa ciidanka DFS ee degmada Baraawe ku sugan, lagana yaqaano degmadaais. 2- Xuseen Xasan Geelle, waxay sheegeen inuu ka mid ahaa ciidanka DFS, ayna ka qabteen deegaanka Dacaraha oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. 3- Ayuub Xasan Buraale, waxay Al-shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka degmada Kuntuwaarey, una magacawnaa dhirta iyo daaqa. 4- Xasan Maxamed Faarax, isna waxay ku sheegeen Al-shabaab inuu ka tirsanaa ciidanka DFS,lana qabtay isaga oo ku socday degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Al-shabaab ayaa marar badan waxay fagaarayaal ku yaalla meelaha ay ka taliyaan ku toogteen dad ay sheegeen iney la shaqeeyaan DFS. Goojboog News Source: goobjoog.com
  2. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah ku sugan magaala xeebeedka Mombasa ee dalkaasi Kenya, isagoo halkaasi kulamo xasaasi ah kula qaadanaya saraakiisha ugu sarreysa dhanka ammaanka dalkiisa. Uhuru ayaa saraakiisha uu kulamada kula qaadanayo Mombasa waxaa kamid ah agaasimaha laanta dambi baarista dalkaasi, George Kinoti iyo xubna sar sare oo ka mid ah wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi. Kulamada u socda madaxweyne Uhuru iyo saraakiisha dhanka ammaanka ayaa waxaa looga hadlayaa qataraha Al-Shabaab ee gudaha Kenya iyo weeraradii ugu dambeeyey ee ay ka fulisay gobolka Woqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale madaxweynaha Kenya ayaa Mombasa kula kulmay xubno ka tirsan golaha wasiirada dalkaasi oo ay ka wada hadleen sida loo sugi karo amniga xadka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay sare u qaaday weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
  3. Taliska hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee Jubbaland ayaa waxay soo bandhigeen Labo nin oo ay sheegeen iney ka tirsanaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo isku dhiibay maamulkan. Raggan ayaa lagu soo bandhigay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, waxaana saraakiisha Nabadsugidda Jubbaland ay sheegeen in raggan ay muddo sanado ah la shaqeynayeen ururka Al-shabaab. Sidoo kale, raggan ayeey sheegeen in ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiil Jubbaland ah, laguna soo wareejin doono DFS. Marar badan sidan oo kale, xubno Al-shabaab ah ayaa isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya, iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada amamaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda Taleex ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo markii dambe la sii daayey. Maalin ka hor ayey aheyd markii taliyihii nabad sugida degmada Qoryooley ee gobolka Sh/ Hoose lagu dilay agagaarka dalcadda Taleex ee degmada Hodan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoona habeen hore laga sameeyey degmada Boondheere ee G/ Banaadir. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-13012020.mp3 View the full article
  6. Kooxaha ku loolama dalka Libya ayaa lagu wadaa in isniinta ay saxiixaan heshiis iyo xabad jiijin rasmi ah, wada hadalka waxaa uu ka socdaa caasimadda Ruushka ee Moscow . Kooxda uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa ogolaatay xabad joojinta, waxaana la sheegayaa inuu dhaqan galay xalay saqdii dhexe. Arrinta xabad joojinta ah waxaa ay ka dambeysay kulan todobaadkii hore dhexmaray madaxweyneyaasha Ruushka Putin iyo Turkiga Erdogan. Dagaalka ka socda Libya waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dad tiro badna halka ay ku barakaceen in ka badan 300,000 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxa ay maanta leeyihiin kulan muhiim ah oo looga hadli doono arrimo dhowr ah. Kulankan oo ah midkoodii 29-aad ee Kalfadhiga Lixaad golaha shacabka ayaa waxau akhrinta Labaad marsiin doonaan Hindise sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo Dhowrka. Waxa uu kulankan baaqday Arbacadii aynu kasoo gudubnay, kadib qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun dil ku fuliyey illaa afar qof oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Fagaarha lagu toogtay raggaan oo saddex ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyey dilka toogashada ah. Afarta qof ee la toogtay ayaa ka lahaa: 1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka degaanka Kuntuwaarey, uguna magacaawnaa dhirta iyo daaqa. 2: Xasan Cismaan Cali (Abayle) oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ka howlgala Baraawe aadna looga yaqaanay degmadaas. 3: Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) ayey sidoo kale Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, islamarkaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. 4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
  9. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xaruntooda magaalada Muqdisho ay ku kulmaan mudanayaasha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sida wararka aan ku helnay, kulanka maanta ayaa ah mid ay mudanayaasha kaga hadli doonaan indise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Kulankan ayaa shalay u baaqday Kooram la’aan, hase ahaatee waxaa la filayaa in maanta uu soo dhammeystirmo kooramka golahan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay xalay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalkan ayeey ciidanka waxay si gaar ah uga sameeyeen xafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana la sheegay in lagu qabtay rag u badan dhallinyaro. Saraakiisha ammaanka ee hoggaamineysa howlgalkan ayaan jirin wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen, iyadoo dadka la qabtay la sheegay in la baarayo. Ciidanka DFS ayaa xoojiyey howlgallada ammaanka lagu sugayo ee ay ka sameynayaan qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo axaddii kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaohosa ayaa ka dalbaday inuu dhexdhexaadin ka sameeyo muranka biyo xireenka ee u dhaxeeya dalal Masar iyo Itoobiya. “Ramaohosa waxaa uu saxiib la yahay Masar iyo Itoobiya, waana guddoomiyaha soo socda ee midowga Afrika, waxaa uu labada dhinac kala hadli karaa iney xal ka gaaraan waxa ka dhaxeeya si nabad ah” waxaa sidaasi yiri Abiy Axmred. Arrinta Biyo xireenka ayaa waxaa ay xasarad ka dhex dhalisay dalal uu maro webiga NILE, waxaana lagu wadaa in todobaadkan ay xal ku garaan kulan ka dhacaya dalka Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay saakay isaga barakacayaan dadka shacabka ah, kadib casbi soo wajahday. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya iyo kuwo Maraykan ah ayaa la sheegay in ay isku gadaameen deegaankaasi, waxaana taasi ay keentay in shacabka ka baqaan dagaalk halkaasi ka dhaca. Sida ay sheegeen dad ku dhow deegaankan, waxaa durba halkaasi ka bilowday dhaq-dhaqaaq aad u xooggan, iyadoo xaaladdu tahay mid kacsan. Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Three civilians were killed in a suspected Al Shabaab attack in Kamuthe area, Garissa County in a pre-dawn strike on Monday. Source: Hiiraan Online
  14. Baghdad (Caasimada Online) – Saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada Baghdad oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka ayaa shalay gelinkii dambe lagu garaacay gantaallo, waxaana halkaas ku dhaawacmay afar askari oo Iraqi ah. Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha weerarka kasoo gaaray ciidamada Mareykanka, haddii ay jiraan. Salhigga Al-Balad, oo ah halka ay ciidamada Mareykanka ku dayac tiraan diyaaradaha dagaalka ee F-16, ayaa waxaa lagu dhuftay lix gantaal. Qaar ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay maqaayad ku dhex taal saldhigga. Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Iran ay gantaallo ballistic ah ku garaacady laba saldhig oo ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Iraq, inkasta oo aysan wax khasaare nafeed ah kasoo gaarin ciidamada Mareykanka. Inta badan ciidamada cirka Mareykanka ee jooga Baghdad ayaa ku sugnaa saldhigga Al-Balad, oo 80km waqooyi kaga beegan magaalada Baghdad. Hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey ayaa la sheegay in ay billaabeen inay halkaas ka baxaan. “Saddex askari oo Iraqi ah oo ilaalo ka ahaa albaabka saldhigga ayaa dhaawacmay.” Waxaa sidaas yiri Colonel Mohammed Khalil oo ah sarkaal ka tirsan booliska gobolka waqooyi ee Saladin. Wakaaladda wararka ee AP ayaa sarkaal Mareykan ah kasoo xigatay in khuburo Mareykan ah, tababarayaal iyo la-taliyayaal Mareykan ah ay ku sugnaayeen saldhigga, markii weerarka lagu qaaday. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’iiliyadda weerarka. Hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha hubeysan ee Shiicada Iraq, oo ku xiran Iran.
  15. Amisom and US Africa Command (Africom), who are security partners in Somalia, have warned that Al-Shabaab have built sufficient resilience and weaponry to keep launching deadly attacks in the country. Source: Hiiraan Online
  16. Amiirka Qatar oo ka degay Iran,shaaciyeyna mawqifka dalkiisa ka taagan yahay Xiisada ka dhex oogan Iran & Maraykanka Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, xilli ay xiisad ka taagan tahay Bariga Dhexe. Amiir Tamim ayaa sheegay in mowqifka dowladda Qatar uu yahay inay taageersan tahay mowqifka Iran, maadaama uu sheegay inay Iran ay garab wanaagsan siisay waqtigii ay god’oomiyeen dowladaha Carabta ee ay hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Amiirka ayaa sheegay inay Iran Dekadaheeda iyo Hawadeeda u furtay Qatar markii ay Dowladaha Khaliijka go’doomin dhinac walba saareen dalkaan qaniga ah. Amiirka Qadar ayaa carabka ku adkeeyay, xilli ay si wadajir ah shir jaraa’id u wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, in xalka kaliya ee khilaafaadka Gobolka uu yahay wadahadal iyo in la yareeyo waxyaabaha keenayo in xiisadda sare usii kacdo. Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa tilmaamay in wadahadladii uu la yeeshay Rouhani ay ahaayeen kuwa wanaagsan oo miro dhal ah, isagoo intaas sii raaciyey in xiriirka ka dhaxeeyo Iran iyo Qatar uu yahay mid taariikhi ah oo ay labada dowladeed ka gaareen horumar weyn. Wuxuu sidoo kale xusay inuu madaxweynaha Iran Rouhani u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo caasimadda Qatar ee Doha. Dhiniciisa, Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in labada dal ay go’aansadeen inay kordhiyaan tirada isweydaarsiga booqashooyinka dhexdooda ah, isagoo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay nabadgelyada gobolka, gaar ahaan Khaliijka. “Waxaan go’aansannay inaan sii wadno iskaashiga iyo wadatashiga labada dal, waxaana rajaeynayaa in xiriirka ka dhexeeya Doha iyo Tehran uu sii fidi doono.” ayuu yiri. Booqashada Amiirka Qatar ee Tehran ayaa kusoo aadeysa xilli ay sare u kacday Xiisadda u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran oo gaartay inuu Mareykanka duqeyn ku dilo sarkaal sare oo Iranian ah, halka Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq. Qaran News
  17. South African President Cyril Ramaphosa has accepted the task, saying that a solution was surely possible. Egyptian officials have occasionally threatened military action against the dam. Source: Hiiraan Online
  18. Duqeyn hor leh oo loo geystay saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay gidaha dalka Ciraaq goordhow loo geystay duqeyn taas oo aan ilaa iyo iminka la ogeyn halka ay ka timid. Saldhigga la duqeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Balad, waana saldhig ciidanka cirka Ciraaq leeyahay balse Mareykanku daggan yahay kaas oo ku yaal waqooyiga magaalada Baghdad. Waxaa lala dhacay afar gantaal, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka, lamana oga khasaaraha ka dhashay. Maalmo ka hor ayay aheyd markii Iran ay duqeysay saldhigyo Mareykanku ku leeyahay dalka Ciraaq taas oo jawaab u aheyd dil uu Mareykanku u geystay general caan ah oo Irani ah Qaasim Suleymaani kaas oo qaab dhuumaaleysi kusoo galay dalka Ciraaq Qaran News
  19. A majority of Americans said they disapprove of President Donald Trump's handling of Iran and feel less safe, according to a ABC News/Ipsos poll released on Sunday. Source: Hiiraan Online
  20. Faah-faahin ku aadan qaabkii uu Mareykanka u dilay taliyaha reer Iran oo soo shaac baxday Saddexdi bishan Janaayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa waxa ay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Baghdad duqeyn ku dileen taliyihii ciidamada Quds ee Iran General Qasem Soleimani iyo afar kale. Taliyaha ayaa la sheegay in uu diyaarad caadi oo rakaab ah kasoo raacay caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq, magaciisa kuma xusneyn liiska rakaabka saaran diyaardda oo waa la qarinayay. Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka rag Mareykanka iyo Israel u basaasa oo ku sugnaa gudaha garoonka magaalada Dimishiq ayaa u xaqiijiyay Mareykanka in uu General Qasem Soleimani uu la socdo diyaarad rakaab ah oo ku wajahan magaalada Baghdad. Ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Baghdad ayaa isu diyaariyay ka takhluusidda generalka, iyagoona diyaarsaday diyaarad nooqa aan duuliyaha laheyn taas oo ay ku rakiban yihiin laba gantaal. Marki ay magaalada Baghdad soo gaartay diyaaraddi sidday Generalka ayaa waxaa xaqiijin ahaan loogu diray basaasiin kale kuwaas oo soo xaqiijiyay. Safarka general Qasem Soleimani oo aad loo qarinayay ayaa waxaa garoonka looga soo doonay labo gaari oo caadi oo nooca yar-yar ah kuwaas oo ay wateen madaxda maleeshiyaad ay Iran ka abuurtay gudaha dalka Ciraaq islamarkaana dhawaan qabsaday safaaradda Mareykanka ee Baghdad, wax yar kadibna isaga baxay. Marki gaariga lagu hubsaday generalka oo ay kaamirooyin kor kala socdeen dhaq-dhaqaaqa generalka ayaa waxaa labo gantaal la beegsaday diyaaraddi duuliyaha aan laheyn ee loo diyaariyay in ay howlgalka fuliso taas oo hawada lasii geliyay. Si kastaba arrintan ayay Mareykanka ugu fududaatay in uu gacanta ku haayo amniga guud ee hawada Ciraaq iyo kan garoonka kor ahaan. Qaran News
  21. Somalia’s ex-President Sheikh Sharif Ahmed was an accidental politician. Now he wants to become the first man in the country to be re-elected. Source: Hiiraan Online
  22. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim,Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta is-cusbooneysiisa Eng. Cumar Shuuriye iyo siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Abu,Dubai, waxay ka qaybgaleen Shirweynaha Sannadlaha ee Hay’adda Tamarta Is-cusbooneysiisa oo xarrunteedu ku taalo Magaalada Caasimadda Isutagga Imiraadka Carabta ee Abu Dhabi. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa ka soo xigatay Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya in shirkaasi muhiimad gaar ah uu u lahaa Soomaaliya,ayna ka faa’ideysandoonaan waxyabo badan oo dhinaca Tamarta la xiriira. Waxaa shirkaasi ka qeybgalay wafuud gaaraysa ilaa 1,500 oo ka kala socotay 16o dowladood oo Soomaaliya ay kujirto,Hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo Ururada bulshooyinka wadamadaasi,kuwaasi oo ejeedkoodi ahaa sidii ay diiradda u saari lahaayeen arrimaha laxiriira horumar laga sameeyo tamarta Caalamka. Mudadii labada maalmood ahayd oo uu shirkaasi socday waxyaabaha la isla gorfeeyay waxaa kamid ah in loo baahanyahay xoojinta iskaashi iyo wadashaqeyn dowladaha xubinta ka ah Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Is-cusbooneysiisa sidii loo joog tayn lahaa horumarinka ka faaideysiga khayraadka Tamarta,la isna dhaafsado qibradaha iyo aqoonta dhinaca Tamarka ah. Wafdiga uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Inta ay joogaan magaalada Abu,Dubai waxay la kulmi doonaan madax kala duwan sida Agaasimaha Hay’adda Tamarta Caalamka(IRENA) iyagoo kala hadli doona sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda Soomaaliya oo shir muhiima uga qeyb-galay waddanka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  23. Parents are wrongly being arrested and having their children taken into care due to the stigma around female genital mutilation (FGM), Source: Hiiraan Online
  24. Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Muuse [Qalbi dhagax] ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah, kuwaasoo quseeya xarigiisa iyo qaabkii Dowladda Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya. Qalbi dhagax, oo haatan ah hogaanka garsoorka ONLF, ayaa laga qabtay hotel ku yaala koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Muddo saddex maalmood ah ayay ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ku hayeen magaaladaas, iyagoo kadib u soo wareejiyey Muqdisho. Xukuumadda federaalka ayaa xariga iyo u dhiibistiisa Itoobiya ku fasirtay in uu “maleegayey falal argagixiso oo ONLF ka fuliso Soomaaliya” wallow eedeyntaas ay beenisay jabhada xorreynta Ogaadeeniya. Qabashadda iyo dhiibista Qalbidhagax, oo bar-madow ku noqday dowladda madaxweyne Farmaajo, waxaa ka dhiidhiyey shacab fara badan oo gudaha dalka iyo dibaddaba ku nool. Isagoo u waramaya SSTV, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uusan marnaba ku fekerin in dowladda Farmaajo ay muwaadin Soomaaliyeed u dhiibi doonto “cadowga” Itoobiya. U-ololeyn Wallow uusan waligii la kulmin, sababta ayuu ku sheegay in uu kamid ahaa shaqsiyaadkii u ololeeyay in Farmaajo loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, doorashadda bishii Febraayo, 2017-kii. “Xitaa mararka qaarkood waxaan gelaayey meelo sirdoonka Itoobiya ku jiro. Waxaa jirta in Xildhibaano ay ii digeen oo ay yiraahdeen ‘shaqadan aad waddo khatar bey kuugu tahay’ haddana waan gelaayey”. Isagoo sii hadlaya, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uu aaminsanaa in Farmaajo uu yahay “hogaamiye daacad ah oo dadka iyo dalka xorreyn kara oo dib u dhisa kara” balse “ma noqon” madaxweynihii uu filaayey. “Culimo ayaan fariisiyey Qur’aan ayaan bilaabay. Saddex jeer ayaan Qur’aanka u dhameeyay, dartii. Markii u dambeysay Ri’ in aan soo iibiyey ayaan ku qatimay Qur’aanka,” ayuu xusay. Wuxuu ku daray: “Ma nihin qaraabo, kaliya waxay iga ahayd Soomaalinimo iyo waxaan raadinayey qof leh awood iyo karti dalka dib loogu xoreeyo, waxaan is iri shaqadii loo baahnaa kii qaban lahaa waa kan”. Safar is-biimeyn ah Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Qalbi dhagax habeenkii laga qabtay Gaalkacyo maalintiisa uu kasoo duulay Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu baarey isla markaana muddo daqiiqado ah lagu hakiyey. “Si isbiimeyn ah ayaan ku aaday Gaalkacyo, iyaddoo shaki badan uu iigu jiray. Maalintaas waan ka baaqan lahaa, laakiin shaqo halgan ah oo ka fuqsan waayey ayaan ku jiray,” ayuu tibaaxay. Saddex maalmood kadib markii lagu hayey Gaalkacyo, Qalbi dhagax ayaa sheegay in kolkii loosoo qaadey Muqdisho uu rajo ka qabay in uu taageero ka heli doono Farmaajo balse uu ku hungoobay. “Markii aan arkay in aan xagiisa u sii socdo waan nafisay, laakiin waxaan hubaa in xitaa hadii sawirro layga qaado oo loo gudbiyo in uusan waxba ka qaban lahayn, maadaama xogteyda loo gudbiyey,” ayuu ku daray. “Daba-qoodhi” Godka Jilacow ayuu saddex maalmood ku qaatay, iyaddoo maalin kamida la geeyay Dambi Baarista, oo lagu waydiiyey su’aalo ay ku jiraan reerka uu yahay, tirada caruurtiisa iyo in uu ONLF kamid yahay. “Su’aalahaas kadib, wixii rajo aan lahaa way dhamaadeen, waxaan xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan ahayn qofkaan moodayey, dowladdu aysan ahayn taan moodayey, laba xaaladood oo ah; in Itoobiya ii dhiibaan ay ku qaadan doonto muddo bil ama 20 berri ah ama in ay dowladda oran doonto annagaa maxkamadeynayna, ayaan filaayey”. Maalintii afaraad ayaa laga soo saarey jeelka, isagoo kadib lagu wareejiyey Itoobiya. Mas’uuliyiinta uu aqoonsaday in ay saarnaayeen gaariga lagu wareejiyay ayuu ku sheegay Sanbaloolshe iyo safiirka Itoobiya. Dowladda Farmaajo oo xusay in aysan marnaba dooneyn in uu xabsiga Itoobiya kasoo baxo ayuu tibaaxay in uu kadib dhacdadaas u ictiraafay “daba-qoodhigii Itoobiya sida maamuladii ka horeeyay”. Sikastaba, isbedelkii ka dhacay Itoobiya ayaa suurtageliyay in Qalbi dhagax uu xorriyadiisa kadib u helo, wallow mudadii uu xabsiga Itoobiya ku jiray “lagu cadaadiyey in uu Jigjiga ka dego oo uu cafis dalbado”. Hoos ka daawo Wareysiga W/D: Garowe Online