-
Content Count
214,295 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Maxamuud Siigaale oo ahaa nin oday ah ayaa goor dhaw lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dilka marxuumka ayaa waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka Nabad sugidda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu dilku u dhacay waxaana la sheegay in markii dilki dhacayey ay ciidamadu xaafado ka tirsan magaalada howlgal ka wadeen, isla markaana ninka la dilay oo ay la socdeen xaaskiisii iyo qaar ka mid ah caruurtiisa uu xabad ku riday askari ka tirsan ciidankii howlgalka ku jiray, sidaasna ay xabaddu ku haleeshay, isagoo isla goobta ku geeriyooday. Warar kale oo ka soo baxaya qaab uu dilkaasi u dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ninka dhintay ay ciidamadu ku amreen inuu is taago, balse uu maqli waayey, maadaama uu dhega la’aa marxuumku, sidaasna ay toogashadu ku dhacday. Askarigii ka dambeeyey dilkaas ayaa la sheegay in haatan la hayo, welina laamaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb kama hadlin dilka loo geystay Marxuumka. Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan ayaa ka soo jeeday qoys lagu magacaabo reer Siigaale oo caan ka ah magaalada Dhuusamareeb, waxuuna hada ahaa nin oday ah isagoo ilaa yaraantiisii Harqaan ku lahaan jiray magaalada Dhuusamareeb.
-
Somaliland : Police Commissioner Pledges Reform The Somaliland Police Commissioner, Brig. General, Mohamed Aden Saqadhi Mohamud, “Dabagale” has pledged to reform to force in order to strengthen the ties with the public, the respect of the due process, the meritocracy of the force and the training and welfare of the officers and their families. Speaking to the Sanaag constabulary in Erigavo, the Commissioner pledged to improve the facilities and the training of all the forces across Somaliland. The Police Commissioner, Brig. General, Mohamed Aden, ” Dabagale”, declared his intention to make sure that a cadre of younger officers emerge through the chain of command in order to move the nation and the force forward. With the support of the United Kingdom, a new Police Academy is currently under construction, with instructors from that country and modern facilities for the trainees. Qarannews.com Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa Guddoomiye Waaxeedyo cusub u magacaabay deegaanka Garasbaaley, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Maamulka Galmudug, kuwaasi oo ka kooban 15-xubnood. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Somaliland: Talks On Elections And The NEC Fail The talks held today at the Presidency in Hargeisa between the leaders of the three Somaliland political parties, Kulmiye, Waddani and UCID have failed to produce an agreement. The talks which were hosted by the President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, and attended by the chairs of Waddani, Abdirahman Mohamed Abdillahi ” Cirro” and UCID’s, Faisal Ali Warabe, have once again ended in a stalemate. According to sources, the inability on all sides to agree on the state of the newly appointed Somaliland National Elections Commission, NEC, has led to the failure of the talks. The long overdue Somaliland parliamentary and local elections have been postponed time after time, and it seems very unlikely that there will be a vote this year. The Somaliland House of Representative, whose mandate expired over a decade ago, has been sitting on extension after extension granted by the House of Elders, Guurti, who themselves have been sitting for close to three decades. The local council mandates expired last year. Qarannews.com Qaran News
-
Magaaladani waa Kigali, caasimada dalka Rwanda. 1994 waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo ilaa 800,000 qof lagu dilay. Waxaa islaayey, Hutu iyo Tutsiga. Maanta waa dembi xadhig ah inaad sheegatid labaddaa bulsho. Dadka ku nool Rwanda waa Rwandan. Wax kale ma jiraan. Dalka deriska ay yihiin, Burundi, waxaa ku nool labadda bulsho ee kala ah, Hutu iyo Tutsi. Burundi weli waa la is haystaa oo waxaa laga baqayaa inoo ka bilaabmo dagaal sokeeye. Horumarka dalka Rwanda waa mid ay Somaliland hiigsan karto. Burundi askarteedu waa kuwa AMISON ku jira ee ka lacagaystay Somaaliya. Faraqa u dhaxeeya Rwanda iyo Burundi, waa la mid ka u dhaxeeya, Somaliland iyo Somaaliya. Cali Maxamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashooyinka guddoonka baarlamaanka cusub ee Galmudug. Xubnaha guddiga oo ka kooban 15 ruux ayaa kulan ay galinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, waxay ka soo saareen jadwalkan oo si wadajir ah ay u saxiixeen. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu cadeyey shaxda maalmaha iyo qaabka ay u kala horeyso hanaanka loo marayo doorashada guddoomiyaha, iyadoo lagu soo gaba-gabey doono afar maalmood gudahood sida ku cad warqadda. Hanaanka lagu soo dooranayo guddoomiyaha ayaa la guda galayaa maalinta berrito ee 14-ka bishan, iyadoo ilaa 15-ka loo qorsheyey in la qabto araajida musharaxiinta guddoomiyaha. Maalinka xigta ee 16-ka bishan ayaa lagu cadeeyey warqadda in lagu soo gabagabey doono dhageysiga khudbaha musharixiinta guddoonka Baarlamaanka Galmudug. Ugu dambeyntiina doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa la qaban doonaa 17-ka bishan Janaayo, iyadoo isla maalinkaas lagu cadeeyey warqadda in xilkaas loo dhaari doono.
-
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu u geystay gacan-qaad iyo aflagaado. “Madaxweynuhu wuu ila dagaalamay 27-kii bisha, waan qarinaynay, dalka dantiisa ayaan ka ilaalinaynay, lama maqal, xafiiskiisa ayuu igula dagaalamay hooyadayna caayey, intuu igu soo tuuray caag, hooyadaa waxaas ku samee buu yiri, laadna igula soo orday, yaa la sheegin baa la yiri, laakiin hadda waan sheegaynaa” ayaa yiri Faysal Cali Waraabe. Mar la weydiiyey waxa keenay in ay isu gacan-qaadaan isaga Muuse Biixi ayuu Faysal ku jawaabay “waxaa isu kaaya keenay Ramaax (masuul ka tirsan Ucid) oo waaran loo soo jaray, wuxuu yiri waa sharci, ana waxaan iri sharci maahee waan is difaacaynaa”. Dhanka kale warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in isu gacan-qaadka Muuse iyo Faysal ay ka dambeysay, markii bishii November ee sanadkii hore uu Guddoomiyaha xisbiga Ucid sheegay in qoyska Muuse Biixi ay Somaliland ka dhigteen dukaan. Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayey Somaliland in qoyska Muuse Biixi ay dacwad ka gudbiyeen Faysal Cali Waraabe, iskastoo isagu sheegay in dacwadaasi aysan soo gaarin. Faysal Cali Waraabe ayaa lagu eedeeyaa in uu u janjeero dhanka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye. PYNTLAND POST The post Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Muuse Biixi u geystay gacan-qaad iyo aflagaado appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-habeen-13012020.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Illaa toddoba askari oo ka tirsanaa ilaalada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu warramayaa inay ku biireen Al-Shabaab, sida ay werisay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho. Askartan oo shalay galinkii dambe ka baxday magaalada Kismaayo ayaa ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland dagaal kula gashay duleedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in lagu amray inay qabtaan askartan baxsadka ah. Wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in ciidankii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland seddax askari looga dhaawacay, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo. Todobada askari ee ka baxsatay Jubbaland ayaa sida aan xogta ku heleyno waxay geereen oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Janaay Cabdalle oo 60KM galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab. Waxaa noo suura galin xiriirro aan la sameynay madaxda maamulka Jubbaland, si aan wax uga weydiino ciidamadan ka tirsanaa ilaalada madaxweynaha ee ku biiray Al-Shabaab. Arrinkan oo noqotay tan maanta ugu hadal heynta badan magaalada Kismaayo, ayaa ku soo aadaysa xilli maalmihii dambe ay ciidamada Jubbaland gobolka Jubbada Hoose ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku baacsanayeen Al-Shabaab.
-
Eng. Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu hooyadii caayay caagadna uu ku tuuray, dhawaan xilli ay madaxtooyada joogeen. Wareysi uu BBC siiyay maanta ayuu Faysal ku yidhi: “Waan qarinayay ee madaxweynuhu wuu ila dagaallamay hooyadayna wuu caayay, caagad uu gacanta ku hayayna wuu igu soo tuuray anigoo xafiiskiisa jooga.. Waxaan ku idhi iska daa Ramaax waa xogayahaygii arrimaha gudaha e’ isna wuxuu i yidhi waa seeddigay” Source
-
IGAD has transformed from an organization that merely focused on drought and disaster as it used to be during its inception in 1986 to that of dealing with regional peace and development matters. It is now one of the eight recognized building blocks of the AU. During the 13th Ordinary Summit of the IGAD held in Addis Ababa on November 29, 2019 Sudan was elected to take over the next chairpersonship from Ethiopia. Reflecting on some of Ethiopia’s achievements and the challenges observed in the functioning of IGAD during Ethiopia’s decade-long leadership would serve as a springboard in shaping the future activities of the organization under the leadership of Sudan or other countries that would assume the chairmanship in the future. IGAD in Addressing Peace and Security Matters IGAD under Ethiopia’s leadership and in collaboration with all Member States has addressed a number of crucial peace and security matters. In IGAD’s long-time effort to re-establish a sovereign government in Somalia, 13 attempts have been made to get Somalia back on track paving the way for the success of the 14thattempt which resulted in helping Somalia form the Transitional Government of President Abdullahi Yusuf Ahmed. Although, Al-Shabaab still poses substantial threat to Somalia and the Region, it is undeniable that under AMISOM, where IGAD member states are the major troop contributors, it was made possible to stabilize the country and fight the insurgents and liberate large parts of Somalia. Under Ethiopia’s chairpersonship, IGAD also made lengthy negotiations to make the two major conflicting Parties in South Sudan- the Government and SPLM/A-IO- sign the Agreement on the Resolution of the Conflict in South Sudan (ARCSS) in August 2015. After a Transitional Government of National Unity (TGoNU) which was established in April 2016 entered into a crisis, it was again IGAD that decided to step in and help to revitalize the ARCSS. Following a Cessation of Hostilities Agreement (CoHA) which was signed on the 21st of December 2017, the signing of September 2018 R-ARCSS made fighting in South Sudan significantly recede and hundreds of Refugees and Internally Displaced People (IDPs) return to their villages. Recently, Ethiopia, as the Chair of IGAD together with the AU closely assisted the reconciliation and understanding of the Sudanese stakeholders after the fall of President Bashir. The successful signing of the political and constitutional declaration and the formation of the Transitional Civilian Government on August 21, 2019, in response to the demand of Sudanese people was very exemplary. The reconciliation process between Ethiopia and Eritrea to end the deadlock has not been confined to Ethiopia and Eritrea. A significant process of normalization between and among all the countries of the Horn has started to unfold. A new phase in relations between Djibouti and Eritrea opened with the two countries agreeing to normalize their ties. Somalia and Eritrea have also re-established diplomatic relations. These dramatic developments have contributed to advancing regional peace and stability. Noting the importance of forging a regional framework to manage situations in the strategically important areas of the Red Sea and Gulf of Aden, the IGAD Task Force on the Red Sea and the Gulf of Aden has moved progressively in forging common positions and developing a comprehensive regional plan of action through a knowledge-led, policy-oriented research. The Declaration of Principles on the Red Sea and Gulf of Aden, an instrument for the work of the Task Force’s concretization on the matter, was adopted by the 13th IGAD Summit. IGAD in the Socio-Economic Front IGAD has designed important programs that aim at improving the lives of the people of the region and particularly in the area of health, climate resilience and economic integration. Regarding some activities on the environment, IGAD Drought Disaster Resilience and Sustainability Initiative (IDDRSI), the IGAD Biodiversity Management Programme, the Regional Pastoral Livelihoods Resilience Project (RPLRP), the Drought Resilience and Sustainable Livelihoods Programme (DRSLP) and the IGAD Environment Impact Assessment (EIA) Policy Framework can be cited as the most notable achievements. Although its implementation has been slowed down due to various reasons, one of the most important programs initiated for economic and social integration during Ethiopia’s Chairmanship was the Minimum Integration Plan (MIP) for IGAD. Development of the IGAD Sustainable Tourism Master Plan 2013-2023 (launched in 2013) and its domestication in Ethiopia and Kenya was another development. It was also made possible to design IGAD Regional Infrastructure Master Plan that was linked to the Programme for Infrastructure Development in Africa (PIDA) Strategic Framework, based on the shared vision for Africa’s infrastructure by 2040 and in line with the EU-Horn of Africa Initiative. Regarding IGAD’s activities in the health sector, provision of HIV and AIDS services was made possible in identified cross-border sites, in the refugee and IDP camps while an IGAD Cancer Centre of Excellence was launched in Addis Ababa. Creation of a Regional Consultative Process on Migration and a mechanism to the coordinate with key stakeholders and development partners was also initiated to address the issue of migration governance and strengthen regional cooperation and dialogue. IGAD has also been able to formulate a regional gender policy framework and strategy that has been instrumental in mainstreaming gender issues in all of its priority areas. Economic integration was set out as the major step on the IGAD Minimum Integration Plan for 2016-2020; but a common understanding and a coordinated move towards this end still remains to be ironed out among member countries. Over the past eleven years, achievements made for interconnecting the region through several infrastructural projects such as roads, electricity, ports and railway were commendable. However, the need for alignment of Trade and other policies of IGAD member countries that should be set for the implementation of the African Continental Free Trade Agreement (AfCFTA) has become evident. Ethiopia also proposed a new IGAD Structure that was adopted by the 13thOrdinary Summit of Heads of State and Government. This will support the region’s determination to move towards a more strengthened cooperation for peace and development. IGAD’s International Cooperation Under Ethiopia’s chairpersonship, IGAD has transformed its cooperation with the African Union, the United Nations, the European Union and partners from far and wide. On peace and security matters, IGAD has been at the forefront in creating understanding and support of its endeavor to fight extremism and terrorism, bring peace to major conflict hotspots such as in Somalia, South Sudan, the Ethio -Eritrea conflict and the situation in the Sudan. In this endeavor it has gained considerable support and understanding from the African Union, United Nations, and other major partners. IGAD has forged strong cooperation with international partners in matters of climate resilience, migration, and cross-border regional cooperation. IGAD’s programs were able to get considerable financial and technical support in this regard. Challenges in the Region and for IGAD The major challenges faced in the region were characterized by lack of sustainable peace and security environment that could have otherwise enabled the IGAD to focus more on economic and social cooperation. Hence, encouraging developments in solving peace and security challenges in Somalia, South Sudan, Sudan, Ethiopia and Eritrea, need to be consolidated and followed through. Though considerable gains have been registered in tackling violent extremism and terrorism in the region, particularly in fighting Al-Shabab, it leaves more room for regional cooperation not to regress on gains achieved so far and even find lasting solution to the problem. The region’s effort needs to be continued to be supported by international partners. In addition, the challenges facing the IGAD Region are extreme poverty, income inequality, governance problems, corruption, election-related disputes and violence, radicalization and violent extremism, transnational threats and organized criminal activities, proliferation of small and light weapons, as well as migration, smuggling and human trafficking. Ministry of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab dhibsaday safarada dibedda ee madaxweyne Farmaajo ayaa si carro leh uga fal-celiyey qoraal lasoo dhigay barta facebook ee Villa Somalia, oo lagu sheegay in madaxweynaha uu u baxay dalka Cuman. Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas uga qeyb-galaya aaska Suldaan Qaboos Bin Said oo Jimcihii geeriyooday, hase yeeshee shacab ka daalay safarada tirada badan ee madaxweynaha ayaa jawaabo kulul ka bixiyey. Madaxweyne Farmaajo oo inta uusan xilka qaban aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Xasan Sheekh inuu hantidii umadda safar ku dhameeyey, ayaa saddex sano gudahood safray in ka badan intii uu safray Xasan Sheekh afar sano. Qoraalladii shacabka uga falceliyeen safarkan ayaa waxaa ka mid ahaa: Iqra Abdikhadir Abdulle: Kuwa aktiisa ku dhamaado waligiis asoo u tacsiyeynayo yaa arkay, oow mas’uulka ka yahay. Ibrahim Ahmad: Lacagta safarada badan oo qiimaha laheyn lagu galaa maa caruurta gaajada u dhimanee lagu quudiyo. Abdi Abukar: 4 sano safar ayuu ku dhameeyay, siyaasi Soomaali xaa ku been ah. Saad Alı: Midaan la yaabay ayaa ah dhaqaalaha dowladda soo gala maxaa siyaasiinta kaliya ku ekeeyay, oo masaakiimiinta ku dhaawacmo iyo kuwa ku dhinto qaraxyada ehelladooda maxaa wax loogu qaban la’yahay. Kaliya nin dhargan oo wax ka maqneyn ayaa loo sii dhameystiraa. Maskiin Allaa kuu maqan. Dahabo Kiin Abdirahman: Asagaba tacsi badan u taalayee muxuu uga qeyb gali waayey. Midda kale safar qarash ku bixin maayo, oo masaakiinta ayaa siin, ma sidaan bey dhashay, awalba kursi doon buu ahaa, wax la aamino ma jiraan bisinka. Maxamuud Shaacir: Tacsi iyo baroordiiq boqor Carbeed oo dhawr beri ka hor dhintay u safarkiisa waxaa u dhaama inuu murugada la qaybsado boqolaalka Soomaalida ah ee adduunka lagu ciqaabay iyagoon waxba galabsan, illaa haddana cisbitaalada ka buuxa. Mohammed Deeyoo: Waa baxay iyo waa soo dagay lee maa lagu jiraa 90-ka. Abdiasis Gure: Digfeer dhaawacyadii Soomaaliyeed yaalayna waa booqan waayay, meyd Cumaani ahna waa kaas madaxwaynaheena tacsi ugu socdo. Diamond Shik Ahmed: Madaxwayne ma ogtahay xalay 3 caruur inay gaajo u geeriyodeen in ka badana ay jiri karaan, adigana waa iska socdaalaysaa. Tuuti Tima Yare: Waxaa habbooneyed intuu tacsidaa boqorka geeriyoday ka qeyb gali lahaa inuu saaka ku baxo caruurtaa hareeraha Muqdisho gaajada ugu geeriyootay, qaarna baahida la liitaan Abdikadir Ali Fantastic: Subxanallah safar badanaa oo tayo yaraa madaxweyne Farmaajo, aaway doodii uu ku doodi jiray waagii uu ahaa shacabka kuna doodii Jiray safarada badan maahin wax wanagsan, isagoo inagu qancinayo in safaradaas badan ay ku baxaan qarash farabadan iyo waqti qaaliya, war yaa Alle yaqaan oo na dhaafiyo siyaasiyiintan beenta badan oo Alle ka baqeyn. Abdifatah Ibrahim Omar: Alla ceeb weyna oo damiir xumaa. Wali kamuu qeyb galin tacsida shacabkiisa lagu leeyay qaraxyada iyo ardaydii hadda u danbesay. Walee siyaasiyow ku bartay mar danbe nama qiyaantid.
-
Baghdad (Caasimada Online) – Qorshaha dowladda Iraq ay dooneysay inay dalkeeda uga ceyriso ciidamada Mareykanka ayaa u muuqda mid fashilmay kadib markii madaxweyne Trump uu adeegsaday xeelad aysan fileyn. Saraakiisha Iraq ayaa ka cabsi qaba “burbur” dhaqaale, haddii Mareykanka uu saaro cunaqabateyn ay ka mid tahay xanibaadda akoon banki oo ku yaalla Mareykanka, halkaasi oo Baghdad ay dhigato lacagta kasoo xaroota iibka saliidda oo ah 90% miisaaniyadda dowladda. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka carrooday qaraar shanti bishan kasoo baxay baarlamanka Iraq, oo ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay dalkaas ka baxaan. Haddii ciidamada Mareykanka la weydiisto inay baxaan, ayaa Trump waxa uu ku hanjabay “waxaan saari doonnaa cunaqabateyn aysan weligood arkin.” Dowladda Mareykanka ayaa kadib farriin toos ah gaarsisiay xafiiska ra’iisul wasaaraha Iraq Adil Abdul Mahdi, sida ay laba sarkaal oo Iraqi ah u sheegeen AFP. “Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa helay farriin ku hanjabeysa in haddii ciidamada Mareykanka la eryo, uu Mareykanka xannibi doono akoonka aan ku leenahay Bankiga Keydka Federalka ee New York.” Ayuu yiri sarkaal. Akoonka Bankiga Dhexe ee Iraq uga furan Bankiga Federalka Mareykanka ayaa la sameeyey 2003 kadib markii Mareykanka ay xukunka ka tuureen madaxweynihii hore ee Iraq Saddam Hussein. Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee 1483, ee lagu qaaday cunaqabteyntii la saaray Iraq markii ay qabsatay Kuwait, ayaa dhigaya in dhammaan dakhliga kasoo xarooda saliidda Iraq la dhigo akoonka ku yaalla Mareykanka. Iraq waa dalka labaad ee ugu saliid soo saarista badan ururka OPEC, waxaana 90% miisaaniyadda dowladda oo gaareysa 112 bilyan oo dollar, ay ka timaadaa dakhliga saliidda. Sarkaal Iraqi ah ayaa sheegay in haddii akoonkaas laga xanibi aysan dowladda Iraq shaqeyn karin. “Waxay la macno noqon doontaa burburka Iraq,” ayuu yiri. AFP
-
The US-trained Somali special forces, Danab have seized Toratorow, an Al-Shabaab stronghold town of Toratorow on Monday. Backed by US troops the Somali forces attacked group’s positions in the agricultural in Lower Shabelle and recaptured without any resistance. The commander of the Danab forces, General, Ismail Abdimalik Malin said the troops arrested ten al-Shabaab fighters including the group judge at the local court. Toratorow which has been controlled by the group has been very significant for the group in the past years. It hosts al-Shabaab main tax and revenue collections center in south-central Somalia. The group repelled several attempts by government soldiers to liberate the area. Meanwhile, four people have been executed by Al-Shabaab in Sablale town, Lower Shabelle region on Sunday. The men aged between 23- 40 were accused by the group court for working with the Federal Government as soldiers and as district officers respectively. View the full article
-
Siyaasi Ramaax Oo Xorriyadiisa Dib U Helay 20 Cisho ka dib Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa goor dhawayd xorriyadiisa dib u helay ka dib muddo 20 maalmood ah oo uu ku xidhnaa Xbasiyada magaalada Hargeysa. Yeelkeede waxay Xogguhu tibaxayaan in Xoghaye Ramaax lagu sii daayey Damaanad,Taas oo macnaheedu tahay inaan sii deyn buuxda aan la siin. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa waxaa toddobaadka soo socda ka dhici doona doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo ay jiraan musharaxiin ilaa 6 ah oo u tartamaaya xilka madaxweynaha. Waxaa hadda bilaawday is-xulafeysi iyo isbaheysi u dhaxeeya musharaxiinta kala duwan ee tartanka ku jira, kuwaas oo u kala qeybsan saddex, islamarkaana kala ah. 1 – Qubta 1-aad – Musharaxiin madaxbanaan: Qeybtan ayaa ah musharaxiin ay dowladu iyo xisbiyada mucaadarkuba wadan, oo si shaaqsi ah xooga u saaraya in ay helaan kalsoonida xildhibaanka iyo dadka kale ee saameynta ku leh siyaasada Galmudug. Kooxdan waxaa ugu cad cad Jeneral Cabdiraxman Maxamed Tuuryare, waxaana ka mida kuwa kale sida Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Wehliye. 2 – Qeybta 2-aad – Musharaxiinta dowladda: Qeybtan waa muxaafad oo dowladfa ayaa wadata oo canshuurtii xamar laga qaaday iyo mushaarki askata ku bixineysa uguna ololeyneysa. Sidoo kale xildhibaano xoog ay dowladda ku soo saartay oo beelahoodi ka daba qeylinayaan ayaa loo xareeyay. Musharaxiintan ayaa waxaa laga yaabaa una badantahay in carada loo qabo habdhaqanka dowlada ee xoogga iyo cajajuubka ah in ay keento in xildhibaanadu ugu shubaan codka musharax kale oo ka mid ah kuwa madax banaan, islamarkaana ay banaanka dhigaan kuwa dowlada ay wadato. 3 – Qeybta 3-aad – Musharaxiinta Mucaaradka: Qeybtan waa musaraxiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah oo aad u diidan ugana soo horjeeda musharaxa ay wadato dowladda, waxaana laga yaabaa in loolanka iyaga iyo kuwa dowladda uu fursad siiyo kuwa madax banaan. Waxaa laga yaabaa in haddii ay arkaan in aysan iyagu ku guuleysaneyn tartanka in ay ugu shubaan iyaguna mid ka mida musharaxiinta madax banaan. Dhinaca kale guuxa xildhibaanada cusub ayaa ah mid aad uga soo horjeeda in isjijiidka Xamar ka jira ee ka dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka la geeyo Galmudug. Mid ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “waxaan rabnaa musharax aan wax la yeelan karon ee musharax qola kale wadato dowlad ama mucaarad waa adagtahay si aan codkeena u siino, maxaa yeelay anagu ma rabno in aan noqono sidi xilidhibaanada dowlad gobaleeyada qaar, sida Koonfur Galbeed, oo ay dowladu madaxweyne geysatay, sidaasna ay awoodi xildhibaanadaas ku baaba’day. Loolanka dowladda iyo mucaaradka waa fursadda musharaxiinta madaxa banaan. Dhinaca kale, musharaxiinta madaxa banaan ayaa iyaguna dhinacooda ku mashquulsan sameynta isbaheysi dhexdooda ah, si ay awood siyaasadeed u yeeshaan codadkoodana u mideeyaan haddii midkood uu rajo wanaagsan yeesho wareegyada doorashada. Musharaxiinta madax banaan oo ah saddex, sida Jeneral Cabdiraxman Maxamed Tuuryare, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Wehliye, ayaa la rumeysan yahay inuu ugu fursad badan yahay Jeneral Tuuryare marka la eego maqaamkiisa iyo xilalka uu horey dalka uga soo qabtay.
-
Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare BFS a yaa manta gudagalay qodobbo la xiriiray Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Kulankii maanta oo ay soo xaadireen Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi , Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid xuseen Guhaad.waxa golaha hor-yimid Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Waxaa haatan ay guda galeen Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS dodooda ku aadan akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen ciidamo kuwa Jubbaland ka mid ah oo howlgal ka waday duleedka Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan yare degan, iyadoona labada dhinac dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. View the full article
-
Wararka ka imaanaya degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Degaankaasi oo ay horay gacanta ku hayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab, ayaa la soo weriyay in ay la wareegeen cutubyo ka tirsan Guutada DANAB ee Kumaandooska dowladda Soomaaliya. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in ay degaanka isaga carareen, kadib markii cabsi ka soo wajahday ciidamada aadka u qalabaysan ee Kumaandooska DANAB. Degaanka Tooratoorow, waxaa ku taallay xarunta ugu muhiimsan ee Al-shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeellada Hoose, waxaana halkaasi uga furnayd maxkamad ay ku kala xukmaan bulshada degaanka, islamarkaana ay uga yeeri jireen dadka ku sugan gobollada kale ee wax isku haysta, si ay ugu kala xukmaan. Sidoo kale, Tooratoorow, waxay Alshabaab u ahayd xarunta ugu weyn ee ay ku uruuriyaan canshuuraha uga soo xerooda gobolka Shabeellada Hoose iyo meela kaleba. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Al-shabaab kala wareegay degaanka Tooratoorow appeared first on Puntland Post.
