-
Content Count
214,295 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in wefdiga ay hoggaaminayeen Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay ee WHO, Dr. Peter Salama iyo waliilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik. Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
Booliska Kenya ayaa ka warbixiyey weerar khasaare geystay oo xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Gaarisa ee G/Waqooyi Bari dalkaasi. Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa xaqiijiyey in dagaalyahanbada weerarka soo qaaday ay markii koowaad rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa saldhig halkaasi ku yaala, kadibna ay isku dayeen in ay burburiyaan Ateeno ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Intaasi kadib Booliska ayaa sheegay in Al-Shabaab ayaa gudaha u galeen iskuul ku yaalla tuulada Kamuthe, halkaasina ay ku dhex dileen illaa saddex Macalin. Taliyaha Booliska gobolka Woqooyi Bari, Paul Soi ayaa sheegay in haatan baaritaan dheeraad ah ay sameyn doonaan, si cadaaladda loo horkeeno dadkii weerarkaasi geystay, islamarkaana xilligan ay soo qabashadooda ku howlan yihiin ha’yadaha sirdoonka dalkaasi. Al-Shabab ayaa inta badan weeraro khasaaro geysta ka fulisa deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
-
Ciidanka Booliiska dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in koox hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay maanta saddex macallin ku dileen dugsi hoose oo ku yaalla gobolka waqooyi bari ee dalkaas. Dableeyda hubaysan ayaa sidoo kale ku gubay xarun boolis, islamarkaana ku waxyeeleeyey anteeno taleefon weerarkan oo ka dhacay magaalada Kamuthe, oo 40km koonfur kaga beegan magaalada Gaarisa. “Qiyaastii labadii subaxnimo, koox hubeysan oo la tuhmayo inay yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray dugsiga hoose ee Kamuthe, xarunta booliska Kamuthe, iyo anteeno taleefon, waxayna dileen saddex macalin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay booliska. Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay si rasmi ah ugu sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo saddex macallin ku dishay gudaha dalka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Cabdiweli Maxamed Xirsi agaasimaha waaxda musiibooyinka ee wasaaradda arrimaha gudaha, faderaalka iyo simuquraadiyeynta Puntland ayaa shacabka uga digay roobab dabeylo wata oo la sheegay in saacadaha soo socda ay ka di’i doonaan xeebaha G/Bari. Agaasimaha ayaa tilmaamay in laga cabsi qabo in roobabkaasi iyo dabeylaha is wata ay ku dhuftaan meelo ay ka mid yihiin Boosaaso, Baargaal, Bayla, Xaafuun iyo Ayl loo ka wada tirsan gobolka Bari ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay ka fogaadaan goobaha biya dhaca ah oo roobka marka uu da’o sababi kara khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-Jaamac-Kadiye.mp3 View the full article
-
Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo dhowaan booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa sheegay in QM ay dedaal badan ku bixineyso wadahadalada Soomalaiya iyo Somaliland. AJames Swan ayaa tilmaamay in QM ay soo dhaweneyso dedaalada dib u cusbooneysiinta wadahadalada, islamarkaana ay labada dhinac ku bogaadinayaan arrintaasi. Sidoo kale wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Somaliland siyaasad ahaan aysan is waafaqsaneen, balse ay jiraan dhinacyo badan ay iska kaashadaan, si bulshada labada dhinac loogu adeego. Sikastaba ha’ahaatee ambassador James Swan ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto taageerada iyo garab istaaga ay siiyaan maamulka gooni isu taaha ah ee Somaliland, si ay hormaruga sameeyaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha. View the full article
-
Tooratoorow (Caasimada Online) – Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa maanta qabsaday degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, oo ah mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsan Al-Shabaab Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka. Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-Shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-Shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan. Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed. Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Dhinaca kale, faah-faahino dheerad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamada Jubbaland iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Kisamayo. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Jubaland oo howlgal ka wada deegaannada Canjeel iyo Kaba Kibir ee Galbeedka Kismaayo ay weerar kala kulmeen Al-Shabaab. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu khasaaro kala duwan kasoo gaarey labada dhinac ee wada dagaalamay, hase yeeshee aan si rasmi ah loo ogeyn heerka. Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay dagaalkaas ku dileen lix Askari oo ka tirsan ciidamada Jubaland, balse ma jiro cid si madax banaan u xaqiijin karta. Saraakiisha Ciidamada Jubaland ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose weli wax faah faahin ah kaba bixin dagaalkan
-
Saddex macallin ayaa ku geeriyooda weerar ay Xarrakada Alshabaab ku qaadday deegaan lagu magacaabo Kamuthe oo u dhaw magaalada Garissa waxaana weerarku uu dhacay waaberigii hore ee saaka. Sarkaal ka tirsan deegaanka shilku ka dhacay ayaa xaqiijiyey in Alshabaab ay toogteen saddex macallin islamarkaana ay geeriyoodeen wuxuuna intaas ku daray in hal macallin uu weerarkaas ku dhaawacmay loona qaaday Isbitaal. Wararku waxay sheegayaan in macallimiinta la dilay aysan deegaan ku lahayn halka lagu dilay laakiin ay u imaan jireen Iskuul ku yaalla Garissa oo ay wax ku bari jireen ardayda deegaanka. Dagaaalyahannada ayaa weeraray Iskuulka Kamuthe xilli ay macallimiintu hurdeen waxaana maamulka Iskuulku sheegay in hadda Iskuulka la xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan looga hadlayey arrimaha amniga HirShabelle oo maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa maamul HirShabelle. Intiisa badan shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi dadka wata hubka sharci darrada ah iyo amniga waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho oo inta badan weeraro gaadma ka fuliyaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha canshuuraha, gaar ahaan xadiga lacagaha laga qaado gaadiidka isaga goosha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. HirShabelle ayaa tan iyo markii la aas aasay wajaheysa dhibaayooyin kala duwan oo ay ugu horreeyaan arrimo dhaqaale iyo kuwa amni intaba. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Kulan ay saaka yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyeyaasha xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyada oo lagu soo kala kacay iyada oo wax is-afargarad ah laga gaadhin muran ka taagan guddiga doorashooyinka iyo muddo-kordhinta loo sameeyay golaha wakiillada. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo hadda si toos ah warbaahinta ula hadlaya ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Biix uu si cad u diiday in uu kala diro komishanka cusub ee doorashooyin. Muuqaalka warkan goordhaw la soco Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-13012020.mp3 View the full article
-
Click here to read Qaran News
-
Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Galmudug, gaar ahaan garabka uu magacaabay Madaxweyne, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada guud ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada guddoonka baarlamaanka ay dhaceyso 25-ka bishaan Janaayo ee 2020-ka Sidoo kale waxaa qoraalkaan lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharaxiinta Mmdaxweynaha ay bilaabaneyso isla 27-ka bishaan, kadibna doorashada madaxweynaha cusub la qaban doono 1-da bisha soo socota ee sanadkaan 2020-ka. Jadwalkaan ayaa ah mid ka duwan kii ay soo saareen guddiga farsamada ay dowladdu magacawday, kaas oo ka howlgalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Arrintaan ayaa sababi karta in Galmudug ay yeelato laba madaxweyne, haddi aan xal rasmi ah laga gaarin ololaha iska soo horjeeda ee ka socda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Ilmo yar ugu geystay afafaaka hore ee xarunta gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose ee Xamar oo uu ku shaqeeyo maamulka gobolka Banaadir. Dilka wiilkaan yar oo lagu qiyaarsay 10 jir ayaa yimid, kadib markii askariga toogtay uu ku eedeeyey inuu ka xaday Mobile, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogaal ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe gacanta lagu dhigay askariga ka dambeeyey dhacdadaasi. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilka cunugaasi yar. Inta badan ciidamada ammaanka ayaa dilal ka dhan ah shacabka ka geysta Muqdisho, iyadoona ay marar badan dowladdu ku cel-celisay inay wax ka qaban doonto falalkaasi.
-
Hawlgalka AMISOM iyo taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee iska-kaashada amniga Soomaaliya ayaa ka digay in Alshabaab heleen awood iyo hub culus oo ay ku-sii-wadaan weerarrada qasaaraha geysta oo ay ka fuliyaan dalka. Bishii January, Xarrakada Alshabaab waxay weerartay saldhig Millateri oo ku yaalla gudaha dalka Kenya kaas oo martigeliya ciidamo isugu jira Kenyan iyo Mareykan waxaana weerarkaas ku dhintay askar Mareykan ah iyo dad kale. Dowladda Mareykanku waxay xaqiijisay in saldhigga la soo weeraray ay ku weysay hal askari iyo laba qandaraasle. Saldhigga Manda Bay wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaraa hawlgallada cirka ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay AFRICOM. Wareysi ay la yeelatay Jariiradda EastAfrican Lt Christina M Gibson oo ah afhayeenka Africom ayaa sheegtay in danaha Mareykanka ee Soomaaliya ay yihiin sidii looga hortegi lahaa ururrada gacansaarka la leh Al-Qaeda iyo ISIS. “Soomaaliya amni ahaan waxay muhiim u tahay geeska Africa, xasillooni muddo dheer ah oo ay hesho waxay muhiim u tahay danaha Mareykanka ee gobolka. Hawlgallada Mareykanka ee sii socda waa tillaabooyin lagu taageerayo diplomaasiyadda iyo dadaallada horumarineed,” ayey tiri afhayeenka Africom. Waxay xustay in tan iyo 2006 ay Alshabaab sii kordhinayeen dagaallada iyagoo qabsaday hub culus, gawaari gaashaaman, miinooyin, hub fudud, rasaas iyo sahay kale waxayna ku qabsadeen dagaallo ay la galeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM sidoo kalena gacanta ku dhigay saldhigyo ciidamada ka socda Africa ee gobolka jooga. Taliska Mareykanka ee Africom wuxuu sheegay inay muhiim tahay in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay meesha ka saaraan tabar-darradooda taasoo dammaanad-qaadeysa inay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Alshabaab lana abuuro xaalad guulo looga gaari karo siyaasadda iyo dhaqaalaha. Bishii December 31, 2019, Alshabaab waxay sheegatay mas’uuliyadda qarax xooggan oo Muqdisho ka dhacay kaasoo ay ku naf-waayeen 81 qof oo ay ku jiraan laba muwaaddin oo u dhashay Turkiga. Maalin kaddib qaraxaas, Africom waxay sheegtay inay ku qaadeen weerar cirka ah saldhigyo ay ku leedahay Alshabaab Shabeellaha Hoose islamarkaana ku dileen afar ka tirsan dagaalyahannadooda kana burburiyeen laba gaari. “Weerarrada dhanka cirka ah ee la hubiyey waxay taageeraan ciidamada aan iska kaashanno amniga waana dadaallo looga difaacayo dadka Soomaaliyeed argagixisada innagoo abuureyna fursado sare loogu qaadayo maamulka dowliga ah inuu shaqeeyo. Laakiin waa muhiim in la xusuusnaado in weerarrada dhanka cirka ah ay yihiin hal nidaam oo amni kuwaas oo aan ka fulinno Soomaaliya,” Ayey u sheegtay afhayeenka Africom jariiradda EastAfrican Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
President Uhuru Kenyatta continued his two-week stay in Mombasa where he has held meetings with top State officials. Those that the president has met include the Director of Public Prosecutions Noordin Haji and Directorate of Criminal Investigations boss George Kinoti. Uhuru has also met Interior Cabinet Secretary Fred Matiang’i. He has been in Mombasa almost continuously since December 29 last year, leaving once to attend a burial in Central Kenya. He returned the same day. Reports indicate the president will stay in Mombasa until Saturday. While the president has been at the Coast, his deputy William Ruto has also visited his vast farm in Taveta and reportedly toured Mombasa. Dr Ruto met some Jubilee members at his vast ranch in Taveta sub-county on Thursday, amid reports he had been blocked from his official residence adjacent to the Mombasa State House, the day before. Yesterday Dr Matiang’i and his ICT counterpart Joe Mucheru arrived in Mombasa and went straight to Mombasa State House for meetings with the president. “The two CSs arrived early today and they are now at State House with the president,” an intelligence official told The Standard yesterday. On arrival at Moi International Airport yesterday, Matiang’i held brief discussions with Mr Haji who was leaving for Nairobi after a four-day stay in Mombasa. He met the president at an exclusive hotel in Nyali. Others who have met the president at State House or Nyali are Transport Cabinet secretary James Macharia and Mr Kinoti. The latter arrived in Mombasa on Friday and held discussions with the head of state at a hotel in Nyali. Matiang’i’s presence in Mombasa has particularly caused anxiety among security agencies who are still smarting from two terrorist attacks in Lamu. The Interior CS came to Mombasa on Thursday for meetings with the president and discussions with top intelligence and security officials at the Uhuru Na Kazi building. Macharia also attended this meeting. There are claims the attackers who raided the US base arrived in Kenya from Southern Somalia, through Kiunga in Lamu, in groups from early December last year. View the full article
