Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,295
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boqor Burhaan ayaa sigaara loogu casumay ka qaybgalka Aaska Suldaan Qaamuuska Dalka Cusmaan oo todobaadkii hore geeriyooday. Kumayaal Shacab Reer Puntland ah ayaa boqolaal sano [...] Source
  2. Wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka DFS uu habeenkii xalay ahaa ku dilay magaaladaasi qof shacab ah. Sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah, qofka la diley oo lagu magacaabayey C/raxmaan Maxamuud Siigaale ayaa waxa uu saarnaa Mooto bajaaj. Mootada ayaa si lama filaan ah ku dhaaftay bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidanka DFS, iyadoo askarigana uu rasaas ku furay mootada, sidaasina uu ku dhintay Siigaale. Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay xireen askarigii dilka geystay, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah. Ciidamada DFS ayaa maalmahan dambe aad u adkeeyey ammaanka magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay ka socoto dhismaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow oo ay shalay kula wareegeen si nabdoon. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanku xalay ay soo faarujiyeen deegaanka, islamarkaana ay dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab. Ciidamada dowladda ayaa intii ku sugnaayeen Tooratoorow ayaa waxaa ka sameeyeen baaritaano lagu soo qab qabtay illaa 10 ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro Garsoore maxkamadeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ki daraya in dagaalyahannada oo aad u hubeysan ay isku ballaariyeen deegaanka, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gobolka Sh/ Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya laga dareemaya dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac. Tooratoorow ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo qiyaastii 75 km u jira degmada Awdheegle, waxaana Al-Shabaab ugu yaallay maxkamado.
  4. Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay uu ka furmo shir looga hadlayo horumarinta dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo sidoo kale K/galbeed. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxweynayaasha maamullada, C/casiis Lafta Gareen iyo madaxweyne Waare. Sidoo kale, waxaa shirkan ka qeybgalaya xubno ka socda Midowga Yurub, waxaana laga wadahadli doonaa sidii maamullada ugafaa’ideysan lahaayeen mashaarciida horumarineed ee midowga Yurub. Arrinta ugu weyn ee Labada maamul ka wadahadli doonaan ayaa ah sidii ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo midowga Yurub, kaasi oo ku aaddan kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta Labadan maamul. Shirkan ayaa soo gabagaboobi doonna isla Maanta, iyadoo la filayo in laga soo saaro qodobada la isku fahmay iyo sidoo kale kaalinta Midowga Yurub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Dowladda Mareykanka oo dalkeeda ka eriday 21 askari oo Sacuudiyaan ah Dowladda Mareykanka ayaa Kow iyo labaatan askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga ka eriday dalkeeda, halkaas oo uu tababar uga socday. Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga oo lagu magacaabo Mohammed Saeed Alshamrani, 21-jir uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah halkaas oo uu ku dilay. Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah. Saddex ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa ” fal aragagixiso”. Qaran News
  6. Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii shalay ay ciidanka DFS la wareegeen deegaankaasi. Baraha ay ku leeyihiin Internetka ayeey Al-shabaab ku sheegeen iney la wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya kama aanay hadal waxa ka jira in ciidankooda ka baxeen deegaanka Tooratoorow. Dhanka kale, Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaan suurtagelin, kadib markii guddoomiyaha gobolkaasi ka jawaabi waayey wicitaannadeenna. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil nin da’ahaa xalay loogu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug. Dilka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada nabad sugida ee ka howlgala magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, C/raxmaan Maxamuud Siigaale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka xilliga uu dhacayey ciidanku ay howlgal ka wadeen xaafado ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askarigii geystay dilkaasi, balse ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen dhacdadaasi. View the full article
  8. Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi. Ilo wareedyo ku sugan gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamadu gabi ahaan ay ka soo ruqaansadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dib u qabsadeen Al-Shabaab. Ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaasi ka sameeyey howlgallo ballaaran oo ay sheegeen inay ku soo qabteen madaxii Garsoorka ee dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Tooratoorow oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa 75 koonfur ka xiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-14012020.mp3 View the full article
  10. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay dib ula wareegeen degaanka Toorratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasi oo ay shalay ka qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay, in Kumaandooska DANAB ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamo Maraykan ah, ay dib uga baxeen degaankaasi Toorratoorow, islamarkaana iyagu ay mar kale la wareegeen. Marka laga reebo sheegashada Al-shabaab, ma jiraan warar ka madax-bannaan oo xaqiijinaya in ay dib ula wareegeen Toorratoorow, sidoo kale weli saraakiisha ciidamada dowladdu kama hadal, in ay halkaas ka baxeen iyo in kale. Al-shabaab ayaa shalay ciidamada dowladdu ka qabsadeen degaankaasi istiraatiiji ah, oo ay ku uruursan jireen Canshuuraha , islamarkaana ay ku taallay xarunta ugu muhiimsan Al-shabaab ee gobolka iyo sidoo kale maxkamad ay dadka ku kala xukmaan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay dib ula wareegtay degaanka Toorratoorow appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askari xalay qof shacab ah ku dilay gudaha degmadaasi Dhuusamareeb. Qofka askarigu dilay oo watay mooto bajaaj, ayaa magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana eheladiisa laga soo xigtay in uu dhegool ahaa, iyadoo askarigaasina dilay, kadib markii uu maqli waayay amarro uu siiyay. Askariga dilka geystay, oo la xaqiijiyay in uu ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xabsiga la dhigay, si baaritaan loogu sameeyo falkaasi uu geystay. Amniga magaalada Dhuusamareeb oo isu diyaarinaysa doorashada madaxtinimada Galmudug, ayaa si weyn loo adkeeyay, inkastoo la sheegayo in dhacdadaasi xalay ay saamayn ku yeelatay magaalada. PUNTLAND POST The post Askari qof shacab ah ku dilay Dhuusamareeb oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.
  12. The 62-year-old Nigerian businessman and Africa’s most prominent industrialist ended the decade with a net worth of almost US$15 billion Source: Hiiraan Online
  13. OTTAWA (Reuters) - Canadian Prime Minister Justin Trudeau said on Monday that the victims of the Ukrainian airliner shot down in Iran would still be alive if the recent escalation of tensions in the region had not happened Source: Hiiraan Online
  14. A group of young volunteers in central Somalia’s Goldogob have set up a system linking blood donors with the local hospital, in order to save patients in urgent need of blood. Source: Hiiraan Online
  15. Garissa leaders have accused police of ignoring intelligence reports that could thwart attacks in the county by suspected Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda Maraykanka ayaa dalkeeda ka soo eriday 21 askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga, kuwaasi oo tababar ku qaadanayey gudaha waddanka Maraykanka. Askartaasi ayaa la soo eryay, kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Maraykanka u dhashay. Balse, 21 askari ee lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen, toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, inkastoo xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr uu sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha argagixisada ah. 3 ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, 6 kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa mid aragagixiso. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo waddankiisa ka eryay 21 askari oo Sacuudiga u dhashay appeared first on Puntland Post.
  17. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Tartan adag ayaa la filayaa in maalmo kadib uu dhaxmaro laba Xildhibaan oo u sharaxan kursiga guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo kala matalaya siyaasiinta mucaaradka ah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Labadaan Xildhibaan ayaa ka soo kala-jeeda degmooyinka Ceel-dheer iyo Ceel-buur, waxayna taageero ka kala heestaan Xisbiyada mucaaradka ah ee uu ugu horreeyo UPD, oo ah Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Labadaan masuul ayaa lagu kala magacaabaa Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo ay qaraabo yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna noqon doonaan calaamada muujineysa guusha iyo guul darrada Nabad iyo Nolal ee doorashada Galmudug. Haddii kursiga guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug uu ku soo baxo Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cusmaan oo ka soo jeeda Ceel-dheer, waxaa cad in ay halkaas ku guul dareysatay Nabad iyo Nolal balse hadii uu kursigaas ku soo baxo Xildhibaan Dr. Gacal waxay u muuqataa in aysan wal wal badan qabin Nabad iyo Nolal, maadaama codadka guddoomiyaha lagu doorto ay ku filantahay musharaxa madaxweyne oo ay wataan. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Cabdinaasir uu illaa iyo hadda u muuqdo inuu ka taageero badan yahay Gacal, taasi oo ahayd sababtii walaacisay dowladda. Nabad iyo Nolol ayaa isku dayday inay hor-istaagto xildhibaannimada Cabdinaasir ayada oo ka cabsi qabta inuu kursiga ku ciriiriyo Dr. Gacal, hase yeeshee cadaadis ay beeshiisa saartay ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu ogolaaday. Ma fududo in rabitaanka dhan kasta uu si sahlan ku yimaado, hasa yeeshee waxaa la sugayaa natiijada ugu dambeysa ee doorashada Galmudug oo ay ka harsan tahay maalmo kooban sida ay maanta shaaciyeen guddiga doorashada ee baarlamaanka maamulkaasi.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ay habeen hore hub farabadan ay ka soo bixiyeen Guri ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobalka Banaadir, kaas oo ku yaala meel muhiim ah ciidamada dowladda Soomaaliya. Gurigan ayaa ku yaalla ka soo horjeedka Xerada ciidamada Cirka ee Afisyooni waxaana Albaabka Xerada iyo guriga hubka laga soo saaray u dhaxeeya oo kaliya laamiga ay gaadiidka maraan. Qolka hubka laga soo saaray oo ah albaab banaan ah ayaa u kireysnaa dhallinyaro kuwaas oo la sheegay in ay guriga ka maqnaayeen xiliga howgalka, waxa uuna hubka isugu jiraa qoryo fudud, bambooyin iyo qalab kale oo dagaal, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka qaarkood. Xerada afisyooni oo ah goob muhiim ah ayaa laheyn ilaalo habeenkii ah wixii ka dambeeyo 9-ka habeenimo, waxaana la xiraa albaabka xerada wixii xiligaas ka dambeeyo, saraakiil la hadlay Caasimada Online. Ma jirto ilaa hadda cid faah faahisay arrintaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxaa habeenadii la soo dhaafay ka socday Muqdisho howgalo baaritaano ah oo ay sameeyaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsan hay’adaha amaanka.
  19. Baardheere (Caasimada Online) – Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulan shalay magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ku dhaxmaray saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka baxay Muqdisho iyo maamulka degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland. Kulankaan ayaa ahaa mid guddoomiye Ismaaciil Qorrax oo dhawaan loo magaacabay Baardheere looga dalbanayay in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya, halka uu hadda ku xiran yahay Axmed Madoobe ,sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil kulanka qayb ka aheyd. Sidoo kale waxaa jirta warar sheegaya in Guddoomiyaha loo sheegay in haddii uusan la shaqeynin dowladda uu ku khasaari doono rajadiisa gobalka Gedo oo dhawaan ay ka billaaban doonaan howlgalo laga hagayo Muqdisho. Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi uu ku dhawyahay in uu ka tanaasulo la shaqeynta Jubbaland islamarkaana uu taageero dowladda Soomaaliya oo wadahadalo kula jirta dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo sheegaya in ay halkaasi ka socdaan kulamo gaar gaar ah oo ku saabsan xaaladda gobalka Gedo, gaar ahaan xaaladda Baardheere ee gobalka Gedo, balse waxaa la ogeyn halka ay wax ku dambeyn doonaan. Baardheere waxaa dhowaan gaaray ciidamo dowladda ay ka dirtay Muqdisho, oo doonaya inay awood kula wareegaan magaalada, haddii wada-hadallada xal lagu gaari waayo.
  20. Toora-Toorow (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in lagu qabtay toban ka mid ah maleeshiyada Ururka Al-Shabaab. Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Xoogga Dalka oo ka dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ayaa bilaa dagaal shalay kula wareegay Deegaanka Toora Toorow, ka dib markii ay isaga baxeen maleeshiyada Al-Shabaab. Ciidanka Danab oo hawlgal baaritaan ahaa ka sameeyay qaybaha kala duwan ee Toora Toorow ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen toban ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaa oo Garsoore Maxkamadeed uu ku jiro. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen toban nin oo ka tirsan Al-Shabaab, uuna ku jiro Gudoomiyihii Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, Macalin Abuukar. “Ciidamada waxay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan toban ka tirsan maleeshiyada argagixisada, oo uu ka mid yahay Horjoogihii Maxkamadda Gobolka Shabellaha Hoose, Macalin Abuukar.” Ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha oo la hadlay Radiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa xusay in Toora Toorow ay ku taalay maxkamaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose, taasoo sida uu sheegay lagu baadi jiray shacabka Soomaaliyeed, iyadoo looga qaadi jiray buu yiri lacago baad ah. Gaashaanle Maalin ayaa ku waramaya inay sii wadi doonaan gulufka militari ee Ururka Al-Shabaab looga saarayo dhulka ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa isna sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgaladii Shabaab looga saarayay gobolkaasi. Ma cadda in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku sii nagaan doonaan Deegaanka Toora Toorow iyo in kale, xilli ay horey uga soo baxeen muddo dhawr sano laga jooggo, markii ay kala wareegeen Al-Shabaab.
  21. Washington (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka William Barr ayaa sheegay in toogashadii bishii tagtay ka dhacday saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Florida, halkaasi oo askari Sacuudiyaan ah oo la tababarayey uu ku dilay saddex Mareykan ah uu ahaa “ficil aragagixiso.” Barr ayaa sidoo kale sheegay in 21 askari oo Sacuudiyaan ah oo xeradaas ku tababaranayey laga ceyrinayo Mareykanka, kadib baaritaan lagu sameeyey weerarkaas. Weerarkaas ayaa mar kale cakiray xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay Mareykanka iyo Iran, oo ah dalka ay gobolka ku xifaaltamaan Sacuudiga. Sarkaal ka tirsanaa ciidamada cirka Sacuudiga oo lagu magacaabay Mohammed Saeed Alshamrani, kaasi oo ah 21 jir, ayaa waxaa toogtay booliska magaalada Pensacola ee gobolka Florida kadib markii uu toogashada gaystay. Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, Barr ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Sacuudiyaanka kale ee tababarka u socday ay gacan ka gaysteen weerarka, ama ay horey usii ogaayeen. “Kani waxa uu ahaa fal argagixiso. Caddeymaha la hayo waxay muujinayaan in qofka weerarka gaystay ay dhiiri-geliyeen fikrado jihadi ah,” ayuu yiri William Barr. “Intii uu baaritaanka socday, waxaan ogaanay in Alshamrani uu 11-kii September 2019 qoray fariin uu ku leeyahay ‘tirsigu waa billowday.’” Barr ayaa sidoo kale sheegay in Alshamrani uu booqday goobta lagu xusuusto dhibanayaasha weerarkii September 11 2001 ee magaalada New York, islamarkaana uu baraha bulshada ku qoray fariimo ka dhan ah Mareykanka iyo Israel, oo ay ku jiraan kuwa uu qoray laba saac ka hor weerarka. Dowladda Sacuudiga ayaa “taageero buuxda oo dhameystiran” siisay baaritaanka Mareykanka ee dhacdadan, sida uu sheegay Barr.
  22. Ciidama dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxaa deggan xaaladda deegaankaasi, iyadoo ciidamada Danab lasoo sheegayo in halkaasi ay ka wadaan howlgallo. Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka G/lle Ismaacil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inta uu howlgalka socday ciidamada iney ku qabteen 10-katirsan Al-shabaab oo uu ka mid yahay horjoogihii maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose Macalin Abuukar oo haatan ku jira gacanta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dhanka kale, deegaanka Tooratoorow ee Shabellaha Hoose waxaa barakacay qoysas aad u badan, kuwaasi oo ka baqay in lagu dul dagaallamo. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-13012020.mp3 View the full article