Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,295
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u arko in isagu u qalmo billadda Nabadda Adduunka ay la gudboon tahay inuu dacwad u gubbisto guddiga caalamiga ah ee abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee Nopel Peace. Hadalkaas ayaa jawaab u ahaa, war ka soo yeeray Mr Trump oo ku saabsanaa in isagu u xaq lahaa abaalmarintii Nabadda, laakiin la hareer mariyey, inkastoo Trump uusan xusin magaca qofka la siiyay, balse hadalkaas ayaa u muuqday mid hoos u dhigayey in Ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu u qalmo iyo in kale Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019. Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wuxuu sidoo kale sheegay in uusan waxba ka ogayn heerarka ay soo martay iyo sababaha ay guddigu ugu doorteen in isaga la siiyo billadda nabadda adduunka. Balse, uu ogyahay oo kaliya in bulshada caalamku ay ku amaaneen qaabkii uu waddankiisa Ethiopia u hirgeliyay heshiiskii nabadeed ee ay Ethiopia la gashay dalka deriska la ah ee Ereteriya oo ay mudo dheer ka dhex aloosnayd colaad raagtay oo galaafatay nolosha kumanan qof oo u kala dhashay Ethiopia iyo Ereteriya, taasoo god dheer ku riday xiriirkii labada shacab. PUNTLAND POST . The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-London)-Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh. Maxkamaa Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama laba bilood gudaheed ku bixiso magdhow. Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan. Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si khasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekedda Doraleh bishii Feberaayo 2018. Shirkadda DP World ayaa hadda ka sugaysa Jabuuti inay u hogaansaanto xukunkii sharci ee ugu dambeeyay. 22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii. Source
  3. (SLT- Masqad)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Masqad ee Caasimadda dalka Cummaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu gaadhay halkaas saacado kadib waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Haitham Bin Daariq Ataymur, wuxuuna uga tacsiyadeeyay geerida Suldaan Qaabuus Bin Saciid. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu suldaan Haitham Bin Daariq u rajeeyay inuu Cummaan ku hogaamin doono cadaalad, isla markaana uu ka shaqeyn doono horumarka dalkaas. Magaalada Masqad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaadhay Madax ka socota dalalka Carabta, kuwaasi oo ka qeyb galaya Tacsida qaran ee u taalada dowladda Cummaan iyo shacabkeeda, kadib markii maalmo kahor uu geeriyooday Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo muddo xukumayay dalkaas. Source
  4. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa maanta sheegay in go’aanka uu Jeneral Khalifa Haftar, ee ah inuusan heshiis xabad joojin ah la gelin dowladda Libya ee caalamka aqoonsan yahay, uu muujinayo cidda dagaalka dooneysa iyo tan nabadda rabta ee dalkaas. Haftar, oo ah taliyaha Ciidamada Qaranka Libya, ayaa kasoo tagay magaalada Moscow, isaga oo aan saxiixin heshiis la qoray kadib wada-hadallo Russia ka dhacay Isniintii, sida ay sheegtay wakalaadda wararka TASS oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Russia. Haftar ayaa horey u weydiistay in la siiyo illaa subaxa Talaadada si uu go’aan uga gaaro heshiiska, kadib wada-hadallo aan toos ahayn oo uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Serraj. Serraj, oo ciidamadiisa ay ku adkaatay inay haliyaan weerarada ciidamada Haftar, ayaa heshiiska saxiixay kadib wada-hadallada oo socday sideed saac, sida uu Isniintii sheegay wasiirka arrimaha dibedda Russia Sergei Lavrov. Isaga oo weriyayaasha kula hadlayey Ankara, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu waxa uu sheegay in Turkey ay sameysay wixii ay kartay si ay u xaqiijiso xabad-joojin, waxaana uu intaas ku daray in haddii Haftar uu sii wado inuu sidan u dhaqmo, uusan wax macno ah lahayn shirka madaxeedka Libya ee la qorsheeyey inuu Berlin ka furamo Axaddda. Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa Sabtidii sheegtay in shir-madaxeed ku saabsan arrimaha Libya ay Axadda soo aadan la yeelan doonto madaxda Russia, Turkey iyo Italy.​ PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga ka shiftay cidda wada dagaalka Libya appeared first on Puntland Post.
  5. Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furmay shir gaar ah oo u dhexeeya madaxda maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Midowga Yurub, waxaana ka qeyb galaya madaxweynayaasha labada maamul, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mr. Nicolás Berlanga Martinez iyo safiiro kale ayaa ka qeyb galay furitaanka shirkaasi. Inta uu socdo ayaa waxaa looga hadlayaa horumarinta maamulada dariska ah ee Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabelle. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey Midowga Yurub iyo sidoo kale ka qeyb galayaasha. Shirkaan oo qaadan muddo hal maalin ah ayaa waxaa la filayaa in gabagabada laga soo saaro War-Murtiyeed ku aadan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay. Lama oga illaa iyo hadd sababta sida gaarka ah shirkaan loogu qabtay labadaan maamul oo xiriir xoogan haatan la leh dowladda federaalka, halka Jubbaland iyo Puntland oo ka maqan la oogsan yahay in khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.
  6. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo and a high-level delegation he is leading have arrived in the Omani capital, Muscat, according to Villa Somalia. The country’s leader left Mogadishu for Muscat on Sunday to offer his condolences to the new ruler Sultan Haitham bin Tariq Al Said over the death of Sultan Qaboos last Friday. The late Sultan Qaboos died on Friday at 79 after 50 years as Oman’s ruler. Many dignitaries from around the world have been powering into Muscat to offer their condolences. Many leaders praised Sultan Qaboos who was described by some as a friend of all. View the full article
  7. MOGADISHU (HOL) - Police is Somalia have put an unspecified bounty on five Al-Shabaab militants who were sentenced to death and life in absentia by a military court in Mogadishu early this month. Source: Hiiraan Online
  8. Al-Shabaab militants took over a town close to the capital Mogadishu on Tuesday, officials said, after government troops withdrew from the area. Toratorow, in Lower Shabelle, which is about 100 km from Mogadishu was recaptured by the Somali national army [SNA] on Monday without a battle following Al-Shabaab pull out. The town has been controlled by Al-Shabaab for many years and it serves as the main tax and revenue collections center in south-central Somalia. For a decade, the weak U.N.-backed government has been fighting alongside African Union troops AMISOM against Al-Shabaab which still controls large parts of the country. View the full article
  9. Somali Journalists Syndicate (SJS) stands in solidarity with local journalists and media houses in Galmudug who this week, protested against the increasing pressure and blockage against independent journalists covering Galmudug State election in Dhusamareb. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay gaaray wadanka Cumaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Suldaanka cusub ee dalkaasi, Suldaan Haitham Bin Taymur. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Suldaanka cusub iyo shacabka wadanka Cumaan uga tacsiyadeeyey geeridii Suldaan Qaboos Bin Saciid oo sanado maamulayey dalkaasi. Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Janada Fardowso. Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan xiriirka labada dala iyo sidii loo xoojin lahaa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah madax kala duwan oo ka qeyb galka tacsida Suldaan Qaboos u tegay wadankaasi. Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaasi, kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ku geeriyooday 79 sano.
  11. The Governments of Somalia and Qatar have condemned an al-Shabaab attack on a Garissa village in northeastern Kenya amid terror attack concern increases in the region. In a Twitter post, Somali foreign minister, Ahmed Isse Awad extended his condolences to the families of the victims killed in the attack. “My heartfelt condolences to the families and friends of the innocent Kenyan teachers killed in the cowardly attack in Kamuthe, Fafi sub-county. On behalf of the Federal Gov’t of Somalia, I strongly condemn this senseless attack that targeted teachers and pupils. Terror will fail,” reads Twitter. In a pre-dawn attack, al-Shabaab fighters killed three non-local teachers after destroying mast communication and police posts in the areas. Meanwhile, Qatari foreign ministry strongly condemned the attack that targeted a school and a police station in Garissa County saying it is unacceptable to kill innocent people with no genuine reason. The Ministry of Foreign Affairs reiterated the State of Qatar’s firm position rejecting violence and terrorism, whatever the motives and reasons. The statement expressed condolences of the State of Qatar to the victims’ families, the government and the people of Kenya, wishing the injured a speedy recovery. View the full article
  12. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur. Madaxweyne Farmaajo oo halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer Suldaan Qaboos bin Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey da’da 79 jir. Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uu Naxariista Jano in uu siiyo. Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Kismaayo (Caassimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaano ay heysato Al-Shabaab. Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxa lagu garaacay, Jilib, Jamaame, Salagle iyo Xaramka oo ka kala tirsan gobolladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaaqa gantaallo culus oo qaar kood lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka , gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in weeraradaan xubnaha lagu dilay ay ka mid ahaayeen labo sarkaal oo magacyadooda lagu soo gaabiyey Macalin Arbow iyo Axmed. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in duqeymahaasi lagu khaarijiyey dagaalyahanno kale, laguna burburiyey saldhigyo ay laheyd kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro weli war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadaan weerarkaasi ‘khasaaraha badan lagu gaarsiiyey’. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxibadooda caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhulka iyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah dagaalyahannada hubeysan ee Xarakada Al-Shabaab.
  14. Wararka helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Xiisada ayaa la sheegay inay u dhexeyso laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaalamay degmadaasi, kaas oo ay ku dhinteen 3 qof, kuna dhaawacmeen 5 kale. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shaballe ayaa ka warbixiyey xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Goobjooge-Walaweyn.mp3 View the full article
  15. Maamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Booliska magaaladaasi ku eedeeyay in ay iska indha tireen xog sirdoon oo ku saabsan weerarkii ugu danbeeyay ee ka dhacay halkaasi. Saddex Macalin oo ka howgalayay iskuulka Kamuthe ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen koox loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab,sida ay sheegeen Booliska dalkaasi. Macalimiinta la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Caleb Mutangia Mutua 28 jir ahaa, Titus Sasieka Mushindi 29 jir ahaa, Samwel Mutua 29 jir ahaa iyo Joshua Mutua, 30 jira ahaa, kaas oo isagoo dhaawac ah baxsaday. Sidoo kale 8-dii bishaan Janaayo afar caruur ah ayaa lagu dilay iskuul ku yaalla deegaanka Saretho oo ku yaalla meel ku dhaw xerada Dhadhaab. Si kastaba ha’ahaatee Anab Subow Gure oo ka mid hoggaanka ururada haweenka ee degmada Gaarisa ayaa sheegtay in dhammaan weeraradii dhacay xogtooda la hayey, balse aysan masuuliyad dhameystiran iska saarin laamaha ammaanka ee deegaanka. View the full article
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sanator Yuusuf Geelle Ugaas oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Galmudug iyo dadaallada ka socda Dhuusamareeb ee loogu jiro dhismaha maamul loo dhan yahay. Senator Geelle ayaa sheegay in Galmudug ay ka soo daashay khilaafaad, loona baahan yahay in laga gudbo is jiid jiidkii hore ee lugaha qabtay horumaka maamulkaasi. Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in ka xildhibaano ahaan ay waayeen fursad ay uga shaqeeyaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo sababta ku sheegay khilaafka madaxda maamulkaasi kala dhexeeyey kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Sanotor Yuusuf Geelle Ugaas oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay u is taagaan badbaadinta Galmudug, wuxuuna uga digay inay doortaan Madaxweyne mucaarad ah, isaga oo carabka ku dhuftay inay muhiim tahay in la helo madax la shaqeyn karta dowladda dhexe, islamarkaana samata bixin karta Galmudug. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Galmudug ay hadda joogto meel wanaagsan, loona baahan yahay in horay loo sii socdo. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel xasaasi ah uu marayo dhismaha Galmudug, islamarkaana uu soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya dowladda iyo madaxweyne, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo olole ka wada magaalada Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Cod-Saenator-ka.mp3
  17. Baasaboorada ugu tayada wanaagsan caalamka iyo kuwa ugu liita Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Tayada baasaboorada caalamka Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaaduada caalamak ee IATA, ayaa qiimeyn ku sameeyay baasaboorada caalamka kuwooda ugu tayada wanaagsan ee la qadariyo, dadka watana ay si sahlan ugu safri karaan iyo kuwa ugu liita ee ay adag tahay in dadka sita ay si fudud ku tagaan dalal badan oo caalamka ah. Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu tayada wanaagsan caalamka oo dadka heysta ay si fudud ugu safri karaan daafaha caalamka. Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ama viishaa ay ka heli karaan meesha ugu horeyso ee ay ka galaan dalalkaas. Waxaa muuqato in qiimeynta la sameeyay ay ugu horeeyaan dalalka qaaradda Aaasiya, waxaana kaalinta labaad galay dalka Singapore. Dadka heysta baasaboorka dalkaas waxay fiisa la’aan tegi karaan inkabadan 190 wadan oo caalamka ah, halka kaalinta saddexaadna ay ku jiraan dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo muwaadiniinta u dhashay wadamadaas ay 189 dal ku tegi karaan si sahlan, iyadoona dal ku galka laga siinayo halka ugu horeysa ee ay ka galaan wadamadaas. Dalalka Yurub ayaa sidoo kale soo galay kaalimaha ugu horeeya, kuna badan kaalinta 10-aad, waxaana kaalinta afaraad ku jira dalalka Finland iyo Spain, halka dalalka Luxembourg iyo Denmark ay soo galeen kaalinta shanaad, Faransiiskana wuxuu ku jiro kaalinta lixaad. Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay in ay hoos uga dhaceen kaalimihii hore ee ay ku jireen. Dalka Ingiriiska ayaa hoos u dhaca ku yimid lagu tilmaamay jahwareerka ka dhashay ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub, waxaana Ingiriiska uu hadda ku jiraa kaalinta sideedaad. Britain ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku jirtay kaalimaha ugu horeeya. Sida lagu qoray Henley Passport Index, dalka Imaaraatka Carabata ayaa lagu qiimeeyay waddan guul badan ka gaaray sare u qaadidda tayada baasaboorkooda, maadaama dalkaas dad badan oo caalamka ay dalxiis u tagaan. Baasaboorka dalka UAE ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku jiray kaalinta 47-aad, balse hadda waxaa lagu qiimeeyay kaalinta 18-aad, waxaana dadka heysta baasaboorka dalkaas ay dal ku gal la’aan tegi karaan 171 wadan oo caalamka ah. Baasaboorada sanadkan 2020 ugu wanaagsan caalamka waxay kala yihiin: Japan (191 destinations) Singapore (190) Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189) Talyaaniga, Finland (188) Spain, Luxembourg, Denmark (187) Sweden, Faransiika (186) Switzerland, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, Austria (185) Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Griiga, Belgium (184) New Zealand, Malta, Jmahuuriyadda Czech, Canada, Australia (183) Slovakia, Lithuania, Hungary (181) Baasaboorada ugu liita caalamka sannadkan 2020 waxay kala yihiin: Dalal dhowr ah oo caalamaka ayaa baasabooradooda dal ku gal la’aan lagu tegi karaa waxkayar 40 dal. Waxayna ku jiraan lambarada ugu hooseeya: 100. Kuuriyada Waqooyi, Sudan (39 destinations) 101. Nepal, Falastiin (38) 102. Libya (37) 103. Yemen (33) 104. Soomaaliya, Pakistan (32) 105. Suuriya (29) 106. Iraq (28) 107. Afghanistan (26) Qaran News
  18. Gabadh Soomaaliyada oo qoyskoodu kala kulmeen Arrin aaney ka filaynin SUMAYA “Maxaa tiri?! Hilibka waan ka caagganahay aa?….yaah?!… Maxaa xiga marka… ma waxaad tuuri rabtaa xijaabka?!” Hadalladaas waxaa tiri Sumaya hooyadeed, ka dib markii ay ogaatay in gabadheedu aysan hilibka cunin balse khudaarta oo kaliya ay cunto. “Waxaan jeclaan lahaa inaan hooyadey muuqaal ka duubo markaas! jirkeeda oo dhan wuu isbaddalay. Waxay ii arkeysay sidii inaan qof dilay oo kale”, ayey tiri Sumaya oo 18 jir ah, kana soo jeedda galbeedka London. “Anigana waxaan dhahay ‘hooyo, aniga qof bani’aadan ah ma dilin. Wax sidaasoo kale u weyn ma sameynin”. Sida dad badan oo reer Britain ah ay maanta yihiin, Sumaya waxay isku tahay dhowr waxyaabood. Haweeney, muslim ah, xijaab xirata, Soomaali ah. iyo tan ugu dambeysay oo ah inay tahay qof hilibka ka caaggan oo khudaarta kaliya cuna. Qiyaastii 540,000 oo dadka hilibka ka caaggan ah ayaa ku nool waddanka Britain, sida lagu sheegay daraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii. Tiradaas waxay 150,000 ka sarreysaa halkii ay mareysay sanadkii 2006-dii, taasoo ka dhigan in dadka noocaas ah ay sii kordhayaan. Diinta Islaamka, in hilibka xoolaha la cuno waa xalaal, taasina micnaheedu waa in dadka muslimiinta ah ay hilibka cunaan iyagoo diintooda raacaya. Dadka Muslimiinta ah qaarkood waxay aaminsan yihiin in haddii la iska mamnuuco wax diinta lagu xalaaleeyay ay tahay tallaabo xaaraam ah. Sidey Sumaya qoyskeeda ku ogaadeen inay hilibka ka caaggan tahay? SUMAYA Sumaya durbaba waxay si shakhsi ah u dareentay khilaafka noocaas ah ee salka ku haya in waxa ay diintu banneysay la iska xaaraantinimeeyo. Waxay muddo lix bilood ah qoyskeeda ka qarineysay inay khudaarta kaliya cunto, oo aysan hilib cunin. Laakiin habeen habeennada ka mid ah ayuu aabaheed u keenay raashin aad loo soo hagaajiyay, oo ah digaag la dubay. Da’deedu waxay ahayd 16 xilligaas, jilibka ayeyna ka dhaawacneyd, sidaas darteed ayuuna aabaheed ugu keenay wax fiican. “Markii uu guriga yimid, wuu ii yeeray, raashinka digaagga ah ayuuna gacanta ku hayay”, ayey tiri iyadoo dib u xasuusaneysa dhacdadaas. “Waa raashinkii aad ugu jecleyd ayuu igu yiri isagoo dhoollacaddeynaya”. Baahidii heysay ayaa isu baddashay walwal iyo naxdin ku saabsan sida ay ka yeeleyso arrinta markaas heysatay. Laakiin waxaa la joogay wakhtigii ay mowqifkeeda caddeyn lahayd. Sumaya waxay ku kortay qoys muslim ah oo Soomaali ah, hilibkuna gurigooda wuxuu ka ahaa cuntada joogtada ah. “Quraacda, qadada iyo cashadaba hilib ayaan ku sameysan jirnay, hilib ayaa raashin walba noo ahaa”, ayey tiri. Gudaha Britain tirada Muslimiinta waxay ka tahay qiyaastii 4.6% ka mid ah tirada guud ee shacabka, laakiin sida lagu sheegay daraasad ay sameysay hay’adda wax soo saarka hilibka ee AHDB Beef & Lamb, 20% ka mid ah hilibka lagu sameeyo UK waxaa isticmaala muslimiinta. Sumaya markii ay 15 sano jirtay ayey billowday inay ka fikirto xaddiga hilibka ay cuni jirtay, iyo saameynta uu caafimaadkeeda ku leeyahay, sidaas darteedna waxay dareentay inay isbaddal u baahneyd. SUMAYA Waxay gashay Youtube-ka, iyadoo raadineysa nooca raashinka ah ee ay ku baddalan karto hilibka. “Waxaan arkay gabdho caddaan ah oo dhuudhuuban, oo sheegaya in qofkii sidooda oo kale doonaya inuu cuno khudaarta kala duwan”, ayey tiri. “Markii aan isku dayay, oo aan dhowr bilood waday, waxaan dareemay inaan aad ugu fiicnaanayay”, ayey tiri Sumaya. Maxay sameysay maalintii uu aabaheed u keenay digaaga? Cabbaar markii ay taaban weysay hilibkii ayuu aabaheed dareemay inaysan cuni rabin. “Aabe wuxuu igu yiri: ‘maxay tahay xushmad darradan, waa maxay sababta aad u cuni la’dahay raashinka aan kuu keenay?”. Halkaas ayey arrinteedii ku caddaatay, qoyskeedana waxay ku noqotay fajac. Sumaya waxay hadda wax ku qortaa website looga hadlo faa’iidada khudaarta, waxayna farriimo taageero ah ka heshay dad badan oo muslimiin ah, kuwaasoo doonaya inay billaabaan cuntada khudaarta kaliya ah. Qaran News
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu badheedho oo go’aan kama dambays ah ka qaato arinta Komishanka, danaha gaarka ahna aanu eegin ee uu eego danta qaranka, iyo codsiga Beesha Caalamka. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Siday hadda wax yihiin iyo waxaa soo baxay weynu aragnaa, Madaxweynahana waxaa hor taagan afar qodob, afartaas looga baahan yahay inuu kala xusho, afartan qodobna waxay kala yihiin qodobka ah abaalka beelaysan ee la sheegay in isaga loo galay, danta Golayaasha, codsiga Beesha Caalamka iyo danta Qaranka,laakiin Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu badheedho sidii uu Daahir Rayaale u badheedhay 2005, oo dantihiisi gaarka ahaa ayuu danaha qaranka ka horeeysiiyey, markaas waa inuu Madaxweynuhuna sidaas oo kale sameeya, oo uu danaha gaarka ah ka horeysiiya danaha qaranka, abaalka beelaysan ee uu Buurmadaw ku mana-sheeganayo iyo danaha Golayaasha, waxaa ka weyn danta Qaranka, ee Madaxweynaha danta Qaranka raac,waxaana laga sugayaa go’aan dadka u wada cuntama, ee lagama sugayo go’aan dadka kala kaxeeya, cid gaar ahna ha u danayn, ee Somaliland u danee, codsigaas Beesha Caalamkana tixgali” Source
  20. (SLT-Addis Ababa)-Itoobiya waxa ay May ama June qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo, waxaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed intii lagu guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay dalka Koonfur Afrika. Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale. Qorshihiisa isbeddel ayaa sidoo kale huriyey rabshado islamarkaana muuujiyey kala qeybsanaanta qowmiyad ee dalka Itoobiya, oo ay ku nool yihiin 105 milyan oo qof. Guddiga doorashada ayaa bishii June 2019 sheegay in xaaladda amni ay dib u dhigi karto doorashada 2020. Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Pretoria ugu qabteen madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dadkeedaba ay u wanaagsan tahay in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyey. Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qabaneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay. Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale weydiistay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu soo faro-geliyo muranka muddada taagan ee kala dhaxeeya Masar, kuna saabsan biyo-xidheenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. Xidhiidhka Itoobiya iyo Masar ayaa xumaa tan iyo markii dalka ku yaalla Bariga Afrika uu billaabay dhismaha biyo-xidheenka Grand Renaissance 2011—kii. Source
  21. (SLT-Washington)-21 askari oo ka tirsan ciidanka Sacuudiga ayaa laga soo eryay dalka Mareykanka, halkaasoo uu tababar uga socday. Ciidankan ayaa la eryay kadib markii mid kamid ah ciidamada Sacuudiga ee tababarka loo geeyay Mareykanka uu toogasho u geystay askar kale oo Amerikaan ah. Askartan lasoo eryay laguma eedeynin in ay ku lug lahaayeen toogashadii uu mid kamid ah u geystay askar Ameerikaan ah, balse xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr ayaa sheegay in askartaas lagu arkay qalab looga shakiyay in ay adeegsadaan kooxaha jihaad-doonka ah iyo sawiro anshax xuma ah. Saddex ka mid ah shaqaalaha ciidamada badda ee Mareykanka ayaa la dilay, lix kalena waa la dhaawacay, taas oo keentay in hakad la geliyo tababarka uu Mareykanka gudaha dalkaas ku siinayay ciidamada Sacuudiga. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falki toogashada ee ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Pensacola uu ahaa ” fal aragagixiso”. Source
  22. (SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kulan la qaatay hogaamiyeyaasha wadamada loo yaqaan Saahil ee dhaca galbeedka Afrika oo kala ah Mauritania, Mali, Burkina Faso, Niger Chad. Kulanka oo ay martigalisay dowlada Faransiiska ayaa waxaa lagaga hadlay dagaal ka dhan ah kooxaha Argagixisada iyo joogitaanka Milatariga Faransiiska ee ku sugan Gobolka. Khilaafka u dhaxeeya dowlada Faransiiska iyo wadamada Sahel ayaa mudooyinkan cirka isku sii shareeray taasi oo shaki galisay xidhiidhka labada dhinac iyadoo la filayo in isfahamwaagan looga hadlo kulanka ka dhacay magaalada Pau ee dhacda koonfurta Galbeed ee dalka Faransiiska. Madaxweynaha Mali Ibrahim Boubacar Keita dhiggiisa Burkina Faso, Roch Marc Christian Kabore, Mahamadou Issoufou oo maamula Niger hogaamiyaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, iyo madaxweyne Idriss Deby, ayaa ka soo muuqday kulanka. Ku dhowaad 4,500 oo askari oo ka tirsan Milatariga Faransiiska ayaa ku sugan galbeedka Afrika kuwaasi oo taageera ciidanka wadamadan oo dagaal kula jira kooxo hubeysan oo gacan saar la leh ururada Al-Qaacida iyo Daacish. Source
  23. Korneyl Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ay u goosteen dhinaca Al-Shabaab. C/rashiid Gaas ayaa tilmaamay in ciidamadaasi oo gaaraya illaa 19 askari oo ku heyb ah, Axmed Madoobe ay u baxsadeen dhanka dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka mid ahaayeen ciidanka ilaalada ee madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Gaas.mp3 View the full article
  24. (SLT-London)-Bogga wax ka qora arrimaha socdaalka caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaaduada caalamak ee IATA, ayaa qiimeyn ku sameeyay baasaboorada caalamka kuwooda ugu tayada wanaagsan ee la qadariyo, dadka watana ay si sahlan ugu safri karaan iyo kuwa ugu liita ee ay adag tahay in dadka sita ay si fudud ku tagaan dalal badan oo caalamka ah. Baasaboorka dalka Japan ayaa noqday kan ugu tayada wanaagsan caalamka oo dadka heysta ay si fudud ugu safri karaan daafaha caalamka. Dadka heysta baasaboorka dalka Japan ayaa dal ku gal la’aan ku tegi kara 191 dal oo caalamka, waxaana ay dal ku galka ama viishaa ay ka heli karaan meesha ugu horeyso ee ay ka galaan dalalkaas. Waxaa muuqato in qiimeynta la sameeyay ay ugu horeeyaan dalalka qaaradda Aaasiya, waxaana kaalinta labaad galay dalka Singapore. Dadka heysta baasaboorka dalkaas waxay fiisa la’aan tegi karaan inkabadan 190 wadan oo caalamka ah, halka kaalinta saddexaadna ay ku jiraan dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Jarmalka oo muwaadiniinta u dhashay wadamadaas ay 189 dal ku tegi karaan si sahlan, iyadoona dal ku galka laga siinayo halka ugu horeysa ee ay ka galaan wadamadaas. Dalalka Yurub ayaa sidoo kale soo galay kaalimaha ugu horeeya, kuna badan kaalinta 10-aad, waxaana kaalinta afaraad ku jira dalalka Finland iyo Spain, halka dalalka Luxembourg iyo Denmark ay soo galeen kaalinta shanaad, Faransiiskana wuxuu ku jiro kaalinta lixaad. Dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay in ay hoos uga dhaceen kaalimihii hore ee ay ku jireen. Dalka Ingiriiska ayaa hoos u dhaca ku yimid lagu tilmaamay jahwareerka ka dhashay ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub, waxaana Ingiriiska uu hadda ku jiraa kaalinta sideedaad. Britain ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay ku jirtay kaalimaha ugu horeeya. Sida lagu qoray Henley Passport Index, dalka Imaaraatka Carabata ayaa lagu qiimeeyay waddan guul badan ka gaaray sare u qaadidda tayada baasaboorkooda, maadaama dalkaas dad badan oo caalamka ay dalxiis u tagaan. Baasaboorka dalka UAE ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay wuxuu ku jiray kaalinta 47-aad, balse hadda waxaa lagu qiimeeyay kaalinta 18-aad, waxaana dadka heysta baasaboorka dalkaas ay dal ku gal la’aan tegi karaan 171 wadan oo caalamka ah. Baasaboorada sannadkan 2020 ugu wanaagsan caalamka waxay kala yihiin: Japan (191 destinations) Singapore (190) Kuuriyada Koonfureed, Jamalka (189) Talyaaniga, Finland (188) Spain, Luxembourg, Denmark (187) Sweden, Faransiika (186) Switzerland, Burtiqiis, Netherlands, Ireland, Austria (185) Mareykanka, Ingiriiska, Norway, Griiga, Belgium (184) New Zealand, Malta, Jmahuuriyadda Czech, Canada, Australia (183) Slovakia, Lithuania, Hungary (181) Baasaboorada ugu liita caalamka sannadkan 2020 waxay kala yihiin: Dalal dhowr ah oo caalamaka ayaa baasabooradooda dal ku gal la’aan lagu tegi karaa waxkayar 40 dal. Waxayna ku jiraan lambarada ugu hooseeya: Kuuriyada Waqooyi, Sudan (39 destinations) Nepal, Falastiin (38) Libya (37) Yemen (33) Soomaaliya, Pakistan (32) Suuriya (29) Iraq (28) Afghanistan (26) Source
  25. Xiisad u dhaxeysa Labo maleeshiyo beeled ayaa lagu soo waramayaa iney maanta ka taagan tahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose. Waxa ay xiisaddan salka ku haysaa dagaal shalay Labadan dhinac ku dhexmaray degmadaasi, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa dagaalkaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay Sha qof kale oo shacab u badan, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo aynu la hadalnay. Dhanka kale, wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in maamulka degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose wadaan dedaallo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisaddan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com