-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
There was one standout performer on Tuesday night...Christopher Nkunku. Source: Hiiraan Online
-
The Egyptian government has confirmed sending arms shipments to Somalia amid regional tension over Ethiopia’s controversial deal with the self-declared republic of Somaliland. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia's foreign minister has warned that ammunition supplied to Somalia could exacerbate conflict and be diverted to terrorists, Ethiopia's state news agency reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
461235603_1065538701850445_828110031885466380_n Qaran News
-
Despite being underpinned by strong diaspora ties, the trade relationship between the United Kingdom and Somalia remains surprisingly weak and volatile. The Somali federal parliament includes about 15 members of parliament (MPs) of dual British nationality, reflecting the significant relationship between the UK and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
A Toronto rapper charged with first-degree murder in the shooting death of a 20-year-old man was freed on Monday after the Crown stayed the charge. Source: Hiiraan Online
-
Sadik Warfa argues that Ethiopia's attempts to annex a Somali port are not just economic maneuvers but a direct challenge to Somalia’s sovereignty, with potentially destabilizing effects on the Horn of Africa. He emphasizes the need for Somalia to unite in defense of its territorial integrity, calling for diplomatic solutions over militaristic approaches to maintain regional stability. Source: Hiiraan Online
-
Warbaahinta Puntland Post ayaa markii u horraysay ilo wareedyo sugan ka heshay in Todobaadkan Taliye cusub loo magacaabi doono Booliska Soomaaliya. Xogtani lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaysa in Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya loo magacaabayo Gen. Asad Cismaan Diyaano kaasi oo beddelaya S/Guuto Sulub Axmed Firin oo hadda xilkaasi haya. Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Khamiista Todobaadkan oo uu shir-guddoomin doono Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa sida xogtani caddaynayso lagu magacaabi doonaa Taliyaha cusub. PUNTLAND POST The post Gen. Asad Diyaano oo Todobaadkan loo magacaabayo Taliyaha Booliska Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabsi weyn ayaa soo wajahday mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Madaxweynuhu uu Jimcihii ku hanjabay in gurigiisa saqda dhexe loogu geli doono qofkii la ogaado inuu heysto hub sharci darro ah oo kan dowladda ama u diiwaan gashan aan aheyn. Mucaaradka ayaa ka cabsi qaba in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa, maadaama ay hubeysan yihiin, isla markaana guryaha ay ka degan yihiin Muqdisho ay ku heystaan hub ka madax-banaan kan dowladda. Siyaasiyiinta qaar waxay bilaabeen in gaadiidka dagaalka ay banaanka uga soo saaraan guryaha ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isla markaana difaac adag sameystaan, maadaama ay suurtagal tahay inay dowladdu weerarto, si hubka dhigis loogu sameeyo. Mucaaradka ayaa u arka qorshaha Xasan Sheekh inuu yahay mid ayaga hubka looga dhigayo, waxayna isku diyaariyeen inay iska difaacaan weerar kasta oo uga yimaada dhanka dowladda. Siyaasiyiinta qaar waxaa la sheegay inay dalbadeen hub ka badan kii ay horay u heysteen, si ay isku difaacaan oo Xasan Sheekh uusan ugu dhiiran in guryahooda uu ku weeraro, si hub ka dhigis loogu sameeyo. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad dheer jeediyey ayaa sheegay in qofkii heysta hub sharci darro ah uusan sharaf laheyn, dowladuna ay ka qaadi doonto talaabo adag, iyadoo weliba gurigiisa loogu dhacayo saqda dhexe ee habeenkii. Arrinta cabsida ku abuurtay mucaaradka waa in Xasan Sheekh oo xusay magacooda, isagoo yiri “Siyaasi, sarkaal ama ganacsade ahaaw qofkii heysta hub ma ixtiraami doono, waxaana loogu dhacayaa gurigiisa, weliba xili saq dhexe ah.” Arrintaan ayaa shaki badan ku abuurtay mucaaradka, waxayna hadalkaas u arkeen in ayaga ku socda oo dowladu ay rabto inay la wareegto hubkooda, taasi oo khatar ku ah amnigooda, maadaama ay dayacmayaan xili kasta ay suurtagal noqon karto in la weeraro ama la dhibaateeyo. Xildhibaan Gamaadiid oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah Mucaaradka Xasan Sheekh ayaa TV-ga Shabeelle u sheegay in mucaaradku ay is qalabeynayaan oo hub ay isku difaacaan ay soo iibsanayaan, si ay isaga difaacaan hadii Xasan Sheekh uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa. The post Xog: Mucaaradka oo Muqdisho ka bilaabay diyaar-garow ka dhashay hanjabaadii Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la qaado cunaqabateynta Mareykanka ee xannibaya qaar ka mid ah iibsashada difaaca ee dalkiisa iyo tallaabooyin kale ee “halka dhinac ah”. Erdogan ayaa xayiraadahan ku sheegay in ay caqabad ku yihiin awoodda labadan dal ee xulufada NATO ah ku gaari karaan bartilmaameedyadooda ganacsi. Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Washington ayaa sannadihii la soo dhaafay aad u xumaaday sababo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin; ku kala aragti duwanaashaha siyaasadda Bariga Mediterranean-ka, Suuriya iyo Gaza. Waxay sidoo kale ku kala tageen soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca hawada ee Ruushka ee S-400, taasi oo dhalisay in Maraykanka uu cunaqabatayn saaro Turkey 2019-kii, lagana saaro Barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35. Hase yeeshee kadib Ankara waxay xaqiijisay inay Washington ka soo iibsato 40 diyaaradaha F-16 ah iyo 79 qalab kale oo casri ah. Heshiiska ayaa la ansixiyay ka dib markii Turkiga uu ogolaaday dalabka ay Sweden ee ku biiritaanka NATO, taasi oo hoggaamisay in xiriirka uu soo hagaago. Ankara iyo Washington waxay leeyihiin yool fog oo ah $100 bilyan oo ganacsi laba geesood ah, taasi oo aad uga badan ganacsigii 2023 oo ahaa $30 bilyan. Intii lagu guda jiray booqashadii New York ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu u sheegay ganacsatada Turkiga iyo Mareykanka, inkasta oo uu rumeysan yahay in hadafkaas uu suurtagal yahay in la gaaro, haddana iskaashiga dhinaca difaaca ” uu hoos u dhacay” sababo la xiriira xayiraadaha. “Tallaabooyinka halka dhinac ah, sida canshuuraha dheeraadka ah ee qaybaha birta iyo aluminium-ka, baaritaannada iyo cunaqabateynta CAATSA waxay u baahan yihiin in la baabi’iyo,” ayuu yiri Isniintii, isaga oo tixraacaya CAATSA oo laga soo gaabiyo Ka-hortagga Cadawga Mareykanka ayada oo la adeegsanayo Xeerar Cunaqabatayn. “Waxaan rajeynayaa inaan bog cusub furnay kadib mashruucii casriyeynta ee F-16, waxaana rajeyneynaa in xayiraadaha dhoofinta ee dhinacan si joogto ah loo qaado,” ayuu Erdogan ku daray. Waxa uu sidoo kale sheegay in Turkigu uu faa’iido u leeyahay socodka sahayda, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashiga xagga wax soo saarka iyo soo iibinta rasaasta 155mm – oo muhiim u ah dagaalka Ukraine iyo Ruushka. Washington ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogtay dhowr qof oo Turkish ah iyo shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu eedeeyay inay jebinayaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka. Turkiga ayaa taageera Ukraine, balse wuxuu ka soo horjeedaa cunaqabateynta Ruushka, inkasta oo uu sheegay inaan lagu jebin doonin dhulka Turkiga. Ka sokow diyaaradaha F-16, Turkigu waxa uu sidoo kale danaynayaa dayuuradaha Eurofighter Typhoon ee Jarmalka, Britain iyo Spain, balse waxa uu ka cawday horusocod la’aan ka dhalatay diidmada Berlin. Isniintii Erdogan wuxuu New York kula kulmay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo intaas ku daray inuu u gudbiyay in Ankara ay diyaar u tahay inay horumariso iskaashiga dhinac walba iyo ka faa’iidaysiga fursadaha wadajirka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac. Voa The post Madaxweyne ERDOGAN oo Mareykanka u direy baaq culus oo ku saabsan… appeared first on Caasimada Online.
-
Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda sanad guurada 75-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha. Intii uu ku guda jiray munaasabadda, Mudane Saalax ayaa hambalyo diirran u diray dowladda Shiinaha oo Soomaaliya saaxiibtinimo soo jireen ah la leedahay. Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka ayaa si gaar ah u xusay horumarka iyo isku duubnida dowladda Shiinaha, isagoo carrabka ku adkeeyay taariikhda dheer ee xiriirka saaxiibtinimo ee labada dowladood. Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uu yahay mid taabbo-gal ah, laguna dhisay is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin ganacsiga, dhaqaalaha, iyo dhaqanka. Wuxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Shiinaha ku leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, caafimaadka, iyo waxbarashada. Sidoo kale, Mudane Saalax ayaa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyada oo qorshayaasha mustaqbalka dhow ay diiradda saarayaan in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada difaaca, teknolojiyadda, iyo tababarka xirfadeed. Waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in ay sii wadato xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si kulul ugu jawaabay Itoobiya oo maanta ka hadashay hubka Masar ay keentay magaalada Muqdisho, kaas oo sii huriyay xiisadda ka taagan gobolka. Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay inay ka imaan karto halis kale oo wayn. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu yiri Taye Astke Selassie oo ah wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya. Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiir Axmed Macallin oo sheegay in warkan Itoobiya ay ku qarineyso hubka sharci darrada ah ee kasoo geliso xadka ay la wadaagto Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkaas uu u gacan galayo shacabka iyo kooxaha argagixisada ah ee halis ku haya amniga Soomaaliya iyo guud ahaan ee gobolka. Hadalka Fiqi waxaa kasii horreeyay mid kale oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay 20-kii bishan soo saartay, kaas oo ay si kulul ugu cambaareysay shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Puntland. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika. The post Wasiir FIQI oo shaaciyay arrin weyn oo Itoobiya ku qarineyso warkii kasoo baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia accused Ethiopia of smuggling weapons on Tuesday amid fears that arms going into the conflict-riven Horn of Africa nation could end up in the hands of Islamist militants. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay fursad wayn oo uu isaga yareyn karo culeyska siyaasadeed ee haatan haysta, kadib markii uu madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku dhowaaqay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo dowladda federaalka Soomaaliya, oo haatan uu kala dhaxeeyo khilaaf xooggan. Deni oo ka hadlay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay dood adag qabto oo ay rabto in lagu fallan-qeeyo meel fagaare ah, ayna garsoorayaal ka noqdaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xusay in haddii ay Puntland khaldan tahay laga qanciyo, balse haddii ay saxan tahay laga garaabo mowqifkeeda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda maamulka kala dhaxeysa dowladda dhexe. “Odayaal aan arkay waxaa u sheegay in Puntland ay diyaar tahay doodna ay qabto, waliba ay jeceshay in meel fagaare ah lagu wada hadlo, qol qarsoodi ah aanu aheyn, haddaan khaldanahay in nala qabto, haddaan sax sannahay in nala ayido,” ayuu yiri Deni. Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Saciid Deni ay tahay fursad gaar ah oo ay haboon tahay inay ka fa’iideystaan madaxda dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac oo wadahadal galo ay muhiim tahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay taagan tahay xiisad u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya. “Farriinta Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku baaqay ee ah in maamulkiisu diyaar u yahay wadahadal, waa fursad ay tahay in madaxda dowladda federaalka ah ka faa’iidaystaan, sababtoo ah ma jirto xilli ay maanta Soomaaliya uga baahi badan tahay midnimo iyo wadajir dhexdeeda ah oo ay ku wajahdo damaca shisheeye iyo dagaalka argagaxisada” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Villa Soomaaliya oo ku aadan hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha Puntland ee ah inuu diyaar u yahay in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya. The post Xasan oo fursad wayn helay kadib tallaabadii Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubka ay Masar keentay magaalada Muqdisho, kaas oo habeen hore si rasmi ah ula wareegtay dowladda federaalka, kadib markii marka lagu keenay dekedda Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Taye Atske Selassie oo war kooban soo saaray ayaa walaac ka muujiyay hubka Masar ee laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inay ka imaan karto halis kale oo wayn. Taye Astke Selassie ayaa sidoo kale xusay in hubkan uu geli karo gacanta kooxda Al-Shabaab, taasina ay ku dhalineyso walwal xoogleh. “Hubka ay Masar kusoo daabushay Muqdisho wuxuu ku dambayn doonaa gacanta kooxaha argigixisada” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Itoobiya ay sidoo kale ka walaacsan tahay in saadka ay bixiyaan ciidamada shisheeye ay sii xumeyn doonto ammaanka jilicsan ee Soomaaliya. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay soo saartay dowladda Masar oo faah-faahin dheeraad ah ka bixisay hubka ay keentay magaalada Muqdisho, waxayna xaqiijisay inay Soomaaliya keentay kaalmo military oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, xilli ay labada dhinac gaareen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah. “Waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya, iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar. Masar ayaa sidoo kale sheegtay in kaalmadan milateri ay tahay mid lagu fulinayo heshiiska iskaashi ee labada dal iyo dadaallada Soomaaliya oo amni ah. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan oo ka dhalatay heshiiska badda, waxaana laga cabsi qabaa inay isku rogto dagaal saameeya Geeska Afrika. The post Dowladda Itoobiya oo war yaab leh kasoo saartay hubka Masar ay keentay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka digay in hubka la geeyey Soomaaliya uu uga sii dari karo colaadda, loona weecin karo argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi. Hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii markab laga leeyahay dalka Masar uu hub culus ka soo dejiyay Muqdisho, taasi oo aheyd shixnaddii labaad oo hub ah muddo bil gudaheed, kaddib heshiis amni oo ay Soomaaliya iyo Masar kala saxiixdeen. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in saadka rasaasta ay bixinayaan xoggagga shisheeye uu sii xumeyn doono ammaanka jilicsan, kuna dhammaan doono gacanta argagixisada Soomaaliya, sida ay tebisay wakaaladda wararka Itoobiya. Dhinaca kale, wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubka, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday kadib markii Addis-Ababa ay heshiis afgarad la saxiixatay Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo looga kireynayo dhul badeed 20 km ah, loogana beddelanayo in ay aqoonsatao Somaliland. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo digniin ka soo saartay hubka ay Masar geysay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Ayadoo ay dowladda Soomaaliya dhowaan dekedda muqdisho kala soo degtay saanad ciidan oo hub culusi ku jiro, islamarkaana ka timid dalka Masar ayaa waxaa arrintaas walaac xooggan ka muujiyay maamulka Abii Axmed. Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ka hadlay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in hubka ay dowladda Soomaaliya keensatay uu xaaladda uga sii darayo, islamarkaana ay inuu Alshabaab gacanta u gali ay ka cabsi qabaan. Hadalka wasiir Taye Atske ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor Itoobiya hub aan oggolaansho dowladeed ay soo gelisay deegaannada Puntland, waxaana muuqanaysa in xukuumadda Addis Ababa aysan raali ahayn koritaanka cududda militari ee Soomaaliya iyo hormarka laga samaynayo la dagaallanka kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Xaflad ballaadhan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Kaah ee bariga magaaladda Hargeysa, xafladani oo ahayd mid lagu sharfaayay isla markaasina lagu soo dhawaynaayay suldaanka guud ee beelaha Isaxaaq Care suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray. Xafladani oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin hogaamiye dhaqameedyo, cuqaal,ganacsato dhalinyaro iyo marti sharaf badan oo la soo kala jeeda dhamaan gobolada dalka oo dhan. Xafladda oo dhamaystiran la soco dhawaan marka ay soo dhamaato. Qaran News
-
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah (NETP). Kulanka, oo uu furay Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Maxamed Adam, ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, wakiilo ka socda shirkadaha Isgaarsiinta, iyo sidoo kale wufuud ka socota ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Ururka Isgaarsiinta Caalamiga, ITU, Ururka Nidaamka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobilka (GSMA), UNICEF, IFRC, UNDP, iyo Bangiga Adduunka. Maareeyaha Guud ee Hay’adda, Mudane Mustafa Yasin Sheekh, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka muhiimka ah ee ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ee ku aaddan ilaalinta isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah, isagoo yiri: “Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah waxay si weyn ugu tiirsan tahay ka-qaybgalka firfircoon ee shirkadaha isgaarsiinteenna. Kaabayaashooda, adeegyadooda, iyo aqoontooda farsamo ayaa udub dhexaad u ah qaab-dhismeedka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah ee Soomaaliya. Qorshahan waa muhiim si loo hubiyo in kaabayaasha isgaarsiinteenna ay sii ahaadaan kuwo shaqeynaya oo lagu kalsoonaan karo xilliyada musiibooyinka.” Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Macallin Aadam, ayaa intii lagu guda jiray xafladda furitaanka yiri, “Isgaarsiintu waxay muhiim u tahay gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, kulankan maanta wuxuu muujinayaa sida ay nooga go’an nahay ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed. Waxaan hiigsaneynaa inaan dhisno kaabayaal isgaarsiineed oo adag oo adkeysi leh, kuwaas oo si wax ku ool ah uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah islamarkaana kor u qaadi kara awooddeena qaran ee maaraynta musiibada, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta .” Mas’uuliyiin ka socda Ururka Isgaarsiinta Caalamiga (ITU) iyo GSMA ayaa sidoo kale ka hadlay kulanka, iyagoo bixiyay aragtiyo ku saabsan Fulinta NETP, Habka Digniinta Guud (CAP), iyo Nidaamyada Digniinta Hore ee ku Shaqeeya Farriimaha Mobilka (CB EWS), kuwaas oo muhiim u ah faafinta digniino degdeg ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah. Kulan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu qeexo doorarka iyo mas’uuliyadda ku aaddan hirgelinta qorshaha NETP, si loo hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ay gacan ka geystaan nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah. Natiijooyinka kulankan ayaa la filayaa inay si weyn u xoojiyaan qaab-dhismeedka Qorshaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka, taasoo ugu dambeyn horseed u ah isku-duwidda dhinacyada ay khusayso iyo ka-hortagga xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka. Source: goobjoog.com