Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/WarkaHabeen-25032020.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Caumar Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Suuqyaraha u dhow Isgoyska Sayidka. Saalax Dheere ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, ayada oo lix ka kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys, waxayna geeriyoodeen markii la geeyey isbitalka ayaga oo dhaawac ah. War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qof maleeshiyadooda ka tirsanaa uu fuliyay weerarkaasi, isla-markaana uu ujeedka iyo bartilmaameedka weerarka uu ahaa maqaaxi ay qaad ku cunayeen ciidamada Dowladda, sida hadalka loo dhigay. “Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen dhabarka dambe ee Xarunta Baarlamaanka waxaa ku dhintay 9 ka mid ah Ciidamada Dowladda, 24 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay mintidiinta Al Shabaab. Weerarkan ayaa khuburada amniga waxay ku macneeyeen mid ka tarjumaya carada ay Shabaabku ka muujiyeen tallaabadii 16-kii bishan loogala wareegay gacan ku haynta Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose. Sidoo kale waxaa uu weerarka u muuqdaa mid ay Al-Shabaab ugu aargudayeen tiro Saraakiil ahayd, oo maalmo ka hor looga dilay tuulooyinka hoos-tagga Janaale, halka kuwo kalena ayagoo nool gacanta looga soo dhigay, sida ay sheegeen khuburada. Shabaabku ayaa sidoo kale damacsanaa inay muujinayan cududooda iyo inay weli weeraro baqdin geliya dadka ay fulin karaan, welibana ay ka gaysan karaan xeendaabyada aadka amnigoodu loo ilaaliyo. Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta. Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.
  3. By: ABDI GULED Associated Press MOGADISHU, Somalia — A Somali police officer says a suicide bomber has walked into a tea shop in Somalia’s capital and detonated, killing at least two people. Capt. Mohamed Hussein says the bomber, posing as a pedestrian, entered the shop and detonated his vest among the crowd. Wednesday’s blast in Mogadishu was the first since the country confirmed its lone case of the coronavirus on March 16. The al-Qaida-linked al-Shabab extremist group claimed responsibility. It often targets the capital. The blast shattered a period of calm amid a large security presence in Mogadishu that officials had said prevented al-Shabab from smuggling explosives-rigged vehicles into the city.
  4. Qore : Faisal Roble Nin arimaha Soomaalida aad uga faalooda oo dalka Kenya ku nool ayaa laga hayaa waa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka [...] Source
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta soo saartay Go’aamo kale oo ay ku sii xoojinayso go’aamadii hore ee ka hortaga cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdilaahi Bade oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee diyaar-garowga iyo Ka hor-tagga Cudurka Covid-9 ayaa sheegay in gebi ahaanba xukuumadu ay maalinta berri ah ay xirayso xuduudaha ay la wadaagto wadamada dariska. Wasiirka ayaa xusay inay xirayso xukuumada Biixi xuduudaha ay la wadaagan Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaasi oo hore ugu dhawaaqay in xuduudahoodu ay xiran-yihiin si looga hortago faafida cudurka xawliga ku socda ee Coronavirus. Waxayna xirnaan doonaan sida uu Wasiirku sheegay xuduudahaasi muddo Saddex Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya sida uu sheegay waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka. Bade oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa warbaahinta waxa uu ka hor akhriyey Lix qodob oo ay Guddigu soo saartay, kuwaasi oo lagu xoojineyo sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi, waxayna u dhignaayen sidan: 1. Bulshada Somaliland waxa lagu adkaynayaa inay ka taxadaraan halista Xanuunka Coronavirus, raacaana farriimaha Wacyi-gelinta ah ee loogu talo-galay ka hor-tagga Xanuunka ee bahda Caafimaadku la wadaagayso. 2. Guddigu markay qiimaysay Xaaladda Rakaabka ka soo degaya Madaarka Cigaal ee Hargeysa waxay go’aamisay in dhammaan Rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka laga bilaabo maanta, muddo 14 Maalmood ah lagu haynayo Goobo gaar ah oo lagu karantinimaynayo, muddadaas oo la hubin doono Xaaladdooda Caafimaad, iyagoo Rakaabkaasina isku qabi doona kharashka ku baxaya muddada 14-ka cisho ah ee la haynayo. 3. Waxa la xidhay dhammaan Xuduudka dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, muddo 3 Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka, IWM. 4. Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda (Dekedaha) ee Somaliland, marka laga reebo Dekedda Berbera oo ay ka soo degi karaan Waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee Caafimaadka, IWM, laga bilaabo berri oo bishu tahay 26.03.2020, lixda Makhribnimo marka la gaadho. 5. Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda waxa lagu war-gelinayaa in shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan inay ku shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo shaqaalahaasina ku jiro doona Heegan buuxa. Arrintani ma saamaynayso Hay’adaha iyo Wasaaradaha hoos ku xusan, kuwaasi oo duruufo gaar ah awgeed looga baahan yahay inay buuxda u shaqeeyaan, Hay’adahaa iyo Wasaaradahaa waxa ka mid ah, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Shaqaalaha Madaarka Cigaal, shaqaalaha Dekedda Berbera, Shaqaalaha Waddada Ceerigaabo-Burco, Shaqaalaha Bangiyada Somaliland, shaqaalaha Dawladaha hoose. 6. Hay’adaha Dawladda ee u xil-saaran fulinta Go’aammada loogu diyaar-garoobayo, lagagana hor-tagayo Xanuunka Covid_19 ee guddigu soo saartay, waxa lagu war-gelinayaa inay Cid kasta oo ka dhego-adaygta hirgelinta go’aannadan ay Tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.
  6. Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) PRESS RELEASE Coronavirus: Ethiopia Humanitarian Bulletin Issue #5 Ethiopia counts 11 cases as of 23 March since the first COVID-19 case was confirmed in the country GENEVA, Switzerland, March 25, 2020/ — The joint Government and partners’ verification of beneficiaries in Guji zone was suspended until at least the two-week Government ban on public gatherings ends on 30 March; a measure taken in a bid to reduce the risk of transmission of COVID-19. In order to avoid further delays in relief food assistance to displaced population, the firstround relief food distribution will proceed using already existing beneficiary list, pending the verification exercise. 11 confirmed COVID-19 cases in Ethiopia Ethiopia counts 11 cases as of 23 March since the first COVID-19 case was confirmed in the country. Following Prime Minister Abiy Ahmed’s public announcement of the two-week school closure, as well as a ban on all sports events and large gathering, ECA Executive Secretary Vera Songwe and the Resident and Humanitarian Coordinator Catherine Sozi issued a joint communiqué on 18 March asking UN agencies to put in place alternate working arrangements to contain the spread of the virus. The arrangements will be in line with the business continuity plan to ensure the delivery of key mandates to the Government and the people of Ethiopia. This measure was effective as of 19 March until further notice. Joint verification exercise in Guji zone suspended due to COVID-19 On 19 March 2020, the head of the Guji zone disaster risk management office (DRMO), together with other government officials and humanitarian partners met and agreed to suspend the joint verification exercise until at least the two-week Government ban on public gatherings ends on 30 March; a measure taken in a bid to reduce the risk of transmission of COVID-19. The Guji zone DRMO communicated the decision to all government sector offices, including the zone administrator, along with the tentative resumption date (6 April 2020). The joint Government and partners’ verification exercise was rolled out on 16 March in three (Goro Dola, Liben and Wadera woredas) out of the six targeted woredas in Guji zone, with the aim to verify the beneficiary list of nearly 80,000 reported new IDPs in the zone for relief food distribution purpose. In order to avoid further delays in relief food assistance to displaced population, the meeting agreed that the first-round relief food distribution will proceed using already existing beneficiary list, pending the verification exercise. NDRMC food dispatch is currently ongoing in all six targeted hosting new IDPs woredas (Aga Wayu, Goro Dola, Gumi Eldelo, Liben, Seba Boru and Wadera). The Food Cluster was asked to fast-track the dispatch and distribution of the food to affected population. Advocacy is also ongoing to ensure the continuation of food dispatch and distribution for the duration of the suspension of the verification exercise Distributed by APO Group on behalf of Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA). SOURCE Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Qaran News
  7. Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey qarax maanta ka dhacay malaagada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro oo soo gaaray dad shacab ah . Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in la xaqiijiyey in qaraxa ay wax ku noqdeen 6 ruux oo afar ka mid ah ay isku qoys ahaayeen. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in la xaqiijiyey afar ruux oo isku qoys ah oo waxyeello ka soo gaartay qaraxa in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii la geeyey goobaha caafimaadka, sedexda ruux ayaa kala ahaa Aabihii qoyska waxyeelladu soo gaartay , Hooyadii iyo Caruur ay dhaleen, kuwaas oo ganacsi yar ku lahaa goobta ay wax ka dhaceen sida warbaahinta uu u sheegay Afhayenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere. “Waxaa dhacday in uu ruux naftii haliga ah uu soo dhex galay dad shacab ah naftiisiina haligay shacab danley ah qaarkood oo meeshaan ku ganacsanaayey iyo dadkii deganaa halkaan uu ku halaagay, Inta la xaqiijiyey khasaaraha waxaa ay gaarayaan 6 qof waxaana ku jira 4 qof oo hal qoys ah waxaana markii goobaha caafimaadka la geeyey nasoo gaaraya in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen” ayuu yiri afhayeenka. Afhayeen Saalax Cumar Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay taxadir dheeri ah ay muujiyaan, si dhowna ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya si loo badbaadiyo nafta iyo maalka shacabka. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa mar weliba ka dhaca qaraxyo kuwaas oo ay oo ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur hanyiyadeed oo soo gaaroo dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. A Somali police officer says a suicide bomber has walked into a tea shop in Somalia's capital and detonated, killing at least two people. Source: Hiiraan Online
  9. Maanta galinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo geystay dhimasho iyo dhaawac. Sida la sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel u dhow baar Bulsho, nawaaxiga taalada Sayidka ee degmada Howlwadaag. Qaraxa ayaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, waxaana dhaawac soo gaaray markii dambe u geeriyooday 4 qof oo 3 kamid ah yihiin isku qoys. Qaraxa ayaa inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Muqdisho, waxaa masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab. Qaraxan ayaa ku soo aaday, iyadoo xaaladda amniga magaalada Muqdisho wanaagsaneyd muddooyinkii dambe. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. MOGADISHU (HOL) - Three people were killed and three others injured in suicide bombing outside a restaurant in Mogadishu Wednesday afternoon. Source: Hiiraan Online
  11. The world may soon run out of space to store its extra oil as Saudi Arabia prepares to increase its fossil fuel production even as global demand for energy continues to fall due to the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  12. Wararka aan ka helayno deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubbada hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi ee Cabdullaahi Diiriye Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay gaari uu la socday guddoomiyaha, halkaas ayuuna ku geeriyooday, wararka ayaana intaas ku darayo inuu la geeridooday darawalkii gaari u waday. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Raaskambooni sida wararka aan ku helayno guddoomiyaha ayaa ku sii jeeday beer ku taalla halkaasi kadibna waxaa haleelay qaraxa oo la galiyey waddada dhinaceeda. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku aaddan qaraxa maanta lagu dilay gudoomihii degmada Raaskambooni ee gobolaka Jubbada hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Only a global victory can end this pandemic, not a temporary rich countries’ win There is a major flaw in the strategy to deal with the coronavirus pandemic. Advanced economies are unveiling unprecedented economic stimulus packages. African countries, by contrast, lack the wherewithal to make similarly meaningful interventions. Yet if the virus is not defeated in Africa, it will only bounce back to the rest of the world. That is why the current strategy of unco-ordinated country-specific measures, while understandable, is myopic, unsustainable and potentially counter-productive. A virus that ignores borders cannot be tackled successfully like this. We can defeat this invisible and vicious adversary — but only with global leadership. Without that, Africa may suffer the worst, yet it will not be the last. We are all in this together, and we must work together to the end. Fragile and vulnerable at the best of times, African economies are staring at an abyss. Let me illustrate this with the situation in my own country. Ethiopia has made steady progress in the provision of health services over the past two decades. But nothing has prepared us for threats posed by Covid-19. Access to basic health services remains the exception rather than the norm. Even taking such common-sense precautions as washing hands is often an unaffordable luxury to the half of the population who lack access to clean water. Even seemingly costless social distancing is hard to implement. Our lifestyle is deeply communal, with extended families traditionally sharing the burdens and bounties of life together, eating meals from the same plate. Our traditional and rain-dependent agriculture is dictated by the fixed timeframes of weather cycles in which planting, weeding and harvesting must happen. The slightest disruption to that chain, even for a brief period, can spell disaster, further jeopardising already tenuous food supply and food security. Take Ethiopian Airlines, the country’s largest company, which accounts for 3 per cent of national output and is a major source of hard currency. It will be pushed to the brink as its business is upended by the pandemic. Shortage of hard currency will then make it all but impossible to source essential medical supplies and equipment from abroad. The cost of servicing our debts is already often more than our annual health budgets. The list continues. This grim reality is not unique to Ethiopia. It is shared by most African countries. But if they do not take appropriate measures to tackle the pandemic, no country in the world is safe. Momentary victory by a rich country in controlling the virus at a national level, coupled with travel bans and border closures, may give a semblance of accomplishment. But we all know this is a stopgap. Only global victory can bring this pandemic to an end. Covid-19 teaches us that we are all global citizens connected by a single virus that recognises none of our natural or man-made diversity: not the colour of our skin, nor our passports, or the gods we worship. For the virus, what matters is the fact of our common humanity. Editor’s note The Financial Times is making key coronavirus coverage free to read to help everyone stay informed. Find the latest here. That is why the strategy to tackle the human and economic cost of this global scourge must be global in design and application. Health is a worldwide public good. It requires global action guided by a sense of global solidarity. But Covid-19 has also exposed our dark underbelly. The world community desperately needs global-level leadership to tackle swiftly pandemics such as this, and in a way that is institutionalised rather than ad hoc. A good place to start is with the World Health Organization. As countries with the necessary resources focus on fighting the pandemic through their national institutions, the WHO must be empowered and resourced sufficiently to co-ordinate responses globally and directly to assist governments in developing countries. In the meantime, the G20 must provide collective leadership for a co-ordinated global response. There is no time to waste: millions of lives are at risk. Building on what has been announced by international financial institutions, the G20 must launch a global fund to prevent the collapse of health systems in Africa. The institutions need to establish a facility to provide budgetary support to African countries. The issue of resolving Africa’s debt burden also needs to be put back on the table as a matter of urgency. Finally, all of Africa’s development partners must ensure that their development aid budgets remain ringfenced and are not diverted to domestic priorities. This is where true humanity and solidarity must be demonstrated. If such aid were ever necessary in Africa, it is now more than ever before. The writer is prime minister of Ethiopia and the 2019 Nobel Peace prize laureate. Source: Financial Times The post If Covid-19 is not beaten in Africa it will return to haunt us all appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Caumar Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Suuqyaraha u dhow Isgoyska Sayidka. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa u dhow baarkii hore ee Baar Bulsho, oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah, kuwaas oo khasaaraha qaraxa uu gaaray. Saalax Dheere ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, ayada oo lix ka kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys, waxayna geeriyoodeen markii la geeyey isbitalka ayaga oo dhaawac ah. “Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. Gaar ahaan Suuq Yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 qof oo 4 ka mid ah ay yihiin hal qoys, Inkastoo markii danbe ay isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyska,” ayuu yiri Saalax Dheere. Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta. Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.
  15. Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka aragti ka dhiibtay go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay dowladda ka qaadatay xiisada Masar iyo Itoobiya. Dadweynahaan oo la hadlay Shabelle ayaa inta badan boggaadiyey mowqifka ay dowladda federaalka iska taagtay khilaafka wabiga Nile ee u dhexeeya dalalkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Shacab-1.mp3 View the full article
  16. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Bajaajlayaasha ka shaqeeya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Ceelaha biyaha oo maanta dhigay dibadbaxyo ay uga cabanayaan in laga xiray wadadaasi. DF Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al Shabaab faafaahinno laga helayo qarax maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho Bangiga Hormarinta Afrika Oo Ka Cafiyay Soomaaliya Deyntii Uu Ku Lahaa Dowladda Soomaaliya oo La Wareegtay Deeq Caafimaad oo Looga Hortagayo Xanuunka Coronavirus Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Xamdi Baraale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-25-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Ugu yaraan hal askari ayaa ku geeriyooday, ilaa lix kalena waa ku dhaawacmeen, iska hor-imaad kooban oo saaka ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18km dhanka bari ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Al-shabaab ayaa la sheegay in ay saaka hiirtii waaberi weerar xooggan ku ekeeyeen, saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Daynuunaay ee gobolka Bay. Ilo’ wareedyo ku sugan Baydhabo, ayaa warbaahintu ka soo xigatay, in weerarka oo si gaadmo ah ku bilowday uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya halka lix kalena ku dhaawacantay, inkastoo aan la ogayn khasaaraha gaaray dhanka Al-shabaab. Ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigaas, ayaa sida wararku sheegayaan markii dambe gurmad ciidan helay, taasi oo Al-shabaab ku khasabtay in ay dib ugu cararaan halkii ay weerarka ka soo qaadeen. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta dagaal maanta ka dhacay Daynuunaay appeared first on Puntland Post.
  18. Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad u dhexeeyey ciidanka Puntland iyo kooxo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Gaalkacyo. Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadku ay weerar ku qaadeen gaari nooca Booliska oo siday nin maxbuus ah oo xabsiga waqooyiga magaaladaasi ku xanuunsaday, kaas oo loo waday xarun caafimaad, si loogu soo daaweeyo halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi ay si xoog ah ku furatay maxbuuska oo la sheegay inuu ku xukunaa dil toogasho ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta labada dhinac ay waxyeelo ka soo gaartay afar qof oo uu ku jiro taliye ku xigeenka xabsiga waqooyiga Gaalkacyo. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Gaab-2.mp3 View the full article
  19. Al-Shabaab ayaa weerar kusoo qaadey Fariisin ay Ciidamada Koonfur Galbeed ku lahaayeen Deegaanka Daynuunow ee Gobolka Bay halkaasoo ay Al-Shabaab la wareegeen Fariisinkii Ciidanka. Ciidamada [...] Source
  20. Qarax ayaa wuxuu maanta duhurkii uu ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,Qaraxa ayaa lala bergsadey goob Ciidamada ka shaaheeyaan. Ilaa hada Afar Qof ayaa [...] Source
  21. War-weyn:Dhaxal-sugaha Boqortooyada Ingiriiska Amiir Charles oo laga helay Caabuqa Coronavirus Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud “balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska. Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay. Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland. “Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay.” Qaran News
  22. Wasiirka wasaaradda hormarka caalamiga ah ee dalka Canada, Karina Gould ayaa shaacisay in 50 Milyan oo dollar ay ku taageerayaan wadamo ay ku jirto Soomaaliya. Karina Gould oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Ottaw ee caasimadda dalkaasi ayaa sheegtay in ay malaayiinta dollar ay ugu deeqayaan wadamada Afrika ee ay ka mid tahay Soomaaliya loogu tala galay iska caabinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus. Sidoo kale wasiirka wasaaradda hormarka caalamiga ah ee dalka Canada ayaa xustay in dhaqaalahaasi ay u diyaariyeen dalal ay ka mid yihiin Congo, Kenya, Sudan iyo Somalia. Canada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in dhaqaalaha ay ugu tala gashay wadamadaan ka tirsan qaaradda Africa ay 8 Milyan oo ka mid ah ay gacanta u galin doonto hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo kuwa gargaarka ee ka howlgala guud ahaan dalalkaasi. Dhowaan ra’iisal wasaaraha Canada Justin Treadue ayaa shaaciyey in uu ka hortagga cudurka Coronavirus u qoon-deeyey illaa 50 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, si loo yareeyo khatarta iyo saameynta uu cudurkaasi ka geysan karo gudaha wadankaasi. View the full article
  23. Wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay agagaarka taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu geystay, waxaana ilaa haatan la xaqiijiyay in saddex qof ay qaraxaasi ku geeriyootay halak tiro kale oo aan la cayimin ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen. Ciidamo ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa dhaamn xiray jidadka soo gala isgoyska Sayidka iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaana wali sidoo kale ka hadlin saraakiisha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, dhinaca xiga Baar Bulsho. Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa qaraxa sababay, balse warar horudhac ah ayaa sheegaya in loo maleynayo inuu fuliyey qof is-miidaamiyey. Waxaa lagu warramayaa in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online. Dadka waxyeelada ay gaartay ayaa lagu warramayaa in badankood ay yihiin shacab. Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaraxu ka dhacay mararka qaar ay fariinsan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta. Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.