Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaaliya waxaa haysta dhibaatooyin badan. Waxaana kamida amni xumo, dawlad jilicsan iyo qaad. Dhibaatada qaatku waa tan ugu weyn. Labada waxyaabood ee umadda jiritaankeeda salka u ah buu qaatku cadow ku yahay oo ah maalka iyo maskaxda qofka. Qaad-waluhu, Soomaaliya wuxuu sanad walba ka qaataa $700 million ugu yaraan,100 kun oo tan oo maandooriye qaad ahna waa cunsiiyaa ugu yaraan. Aniga oo aaminsan in Soomaalidu tahay hal qoys ah oo ku fiday geeska Africa, waxaa qaatku dhibta ku hayaa waa isirka Soomaaliga. Soomaalida dibada ku nool waxay sanad walba diraan $1.5 billion. Maalka intaa dhan wuxuu ku biiraa wixii umadu horey u haysatey. Dhaqaaluhu makorayo ee waa sii yaraanaa. Sababtu waa lacagta wadanka soogasha bar ka badan khaat-walaha baa qaata iyadoo loo wadajeedo. “Maxaa Weedha iyo Naasa Adag isku beegay”. Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi, sanadkii 2002 wuxuu yiri Kenya iyo Ethiopia ma doonayaan in Soomaaliya dawlad xoogleh ka dhalato. Hadaba maxaa isku beegay ereyga Arap moi iyo 15 sano oo dawlada Soomaaliya liciif tahay. Waa mida kala e labadii dawladood oo Arap Moi sheegay waa kuwa tobanaan ka kun oo tone oo khaat maandooriye Soomaaliya u dira. Dagaal Daroogo (Drug war) sanadku markuu ahaa 1820 English ku wuxuu China geliyey oo ku beeray darogo Opium, isaga oo dhaqaalaha kala dagaalaya, wuxuu kale oo uu ku beerey daroogo Heroen iyo Cocain . Sanadkii 1949 dadka China ee daroogadu dilatey (drug addicted) waxay ahaayeen 70 million oo qof. Nasiib wanaag, madaxweynihii China Mao Zedong muddo sadex sano ah buu China daroogadii kaga suuliyey. Khaatku hadaan si toosa oo nadaamsan buu Soomaaliya ugu socdaa. Iyadoo dadka cuna iyo kuwa aan cunin labadaba waxyeelo ugeysto nafsiyan noloshooda. Kuwa cuna xaga maanka iyo caafimadka buu ka qaldaa, kuwa aan cunina niyad jab buu ku ridaa, xattaa ayka gaabsadaan inay ka hadlaan dhibaatada khaatka. Boqolaalka million oo doolar oo intaa oo sano Soomaalida laga dhacayey iyo boqolaalka kun oo tone oo daroogo-khaat ah oo intaa oo sano la cunayey, dhibaatadii ka dhalanesey oo ay xambaar saneyd, soomaalidaa qabta oo ay kumaqan tahay. Waana waxa ayla dabandebeyso oo tiihu ugu dhacay iyo jaha-wareerku. Bal in tiih jiro, qofna reerkiisa uma ogola in lacagta laga dhaco ama la cunsiiyo qashin isaga oo arkaya haduusan tiih qabin. Dawladaha Soomaaliya khaat-walaha waxaa kaso gala tobanaan million oo doolar. Khaat-waluhu lacagta uu khaatka ka helo buu 3% dawlada canshuur ahaan u siiyaa, oo la macna ah $100 kii oo uu khaatka ka helo 97 isagaa qaato, 3 na dawladdaa leh. Sanadkii 1943, shantii qaybood ee Soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jirey waxay isu taageen iney isxoreyaan, waana xorobeen. Hadase waxaa haysta gumeyste cagaaran oo intaa oo jeer ka xun kana xanuun badan kii hore. Sida ugu fiican oo isirka soomaalida gumeystaha cagaaran isaga xoreynkaro, waa madaxda Soomaaliy ee hada joogta ee ka koban shantii qaybod ee soo halgamay, oo wadajir go’an taariikhi ah xanuun badan (painful decision) qaata, oo marqura khaatka ka mamnuuca umada Soomaalida. W/Q: Cabdullaahi Aadan Faarax The post Gumeystaha Cagaaran appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in la isku dayey in weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu qaado xarunta madasha iyo hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran. War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay habeenadii isku xigay ee taariikhda aheyd 22 iyo 23 March ay jireen isku daygaas ciidamada ku hareereeyeen hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xurmada Madaxweynuhii hore isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada. Qoraalka ayaa waxa ay madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qorshaha isku daygaasi inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, islamarkaana arrintaasi ay ka digayaan. Qoraalka ayaa raaciyey in falalkaas “aysan marmarsiyo u noqon karin dib u dhigis ku timaada doorashooyinka ama marin habaabinta umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”. Madaxda dowladda federaalka ayay ku boorisay “in ay xoogga saaraan howlaha qaran ee hortabinta leh mar-xaladan kana fogaadaan talaabo kasta oo abuuri karta xasilooni darro”. War saxaafadeedka Madasha ayaa ku soo aaday saacad kaddib markii Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale uu beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo la dul dhigay Hoyga Sheekh Shariif, isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.
  3. Madasha Midowga Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku dhaleeceysay isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo Ciidamo hubeysan ay ku [...] Source
  4. Waxaa saacadihii la soo dhaafay soo baxayey dadka Soomaalida ah ee uu soo ritay xanuunka Coronavirus kuwaas oo u geeriyooday, kuna noolaa waddamada Yurub ee xanuunka uu sida aadka ah u saameeyey. Magaalada London ee caasimadda waddanka Ingriiska waxaa maanta caabuqa Coronavirus ugu geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed kaas oo deganaa magaalada London oo dhowaanna uu caabuqu haleelay . Cabdulqaadir Maxamed Faarax Biriq ayaa oo ah ciyaaryaahan si weyn looga yaqaanay gudaha Soomaalida dhexdeeda, isaga oo ahaa ciyaaryahan ka tirsanaa xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka. Allah u naxariistee Abdulqaadir Maxmed Faarax ayaa muddooyinkii dambe la xanuunsanayey Cudurka Coronavirus oo haleelay, waxaana maalmiihii dambe lagu baxnaaninayey Isbitaal ku yaallo magaalada Londan ee waddanka Ingiriiska oo ugu dambeyn uu maanta ku geeriyooday maanta. Sidoo kale wararka laga helayo waddanka Sweden ayaa sheegaya in ku dhowaad 6 qof oo Soomaali Swedish ah la soo wariyay in ay u geeriyoodeen caabuqa COVID-19 sida ay baahiyeen warbaahinta wadankaas, dadkaan ayaa ka mid ah 16 qof oo guud ahaan Sweden ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus. Allaha u naxariistee Cabdulqaadir ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey falanqeeye dhanka ciyaaraha, maadama markiisii hore uu ahaa ciyaaryahan ka tirsanaa qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (SMN) – Maamulka sare ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wadaago macaamiisha, saamilleyda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in Shirkadda Hormuud ay ku guuleysatay shahaadada caalaamiga ah oo ay summaddeedu tahay ISO 9001:2015. Shahaadadan ayaa ah aqoonsi ka turjumaya in adeegyada shirkadda, sida: Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan, Internet-ka, EVC Plus, iyo sidoo kale daryeelka macaamiisha, iyo hab- maamulka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay waafaqsan yihiin habraaca caalaamiga ahee halbeegiisu lagu asteeyay tayada wanaagsan. Aqoonsigan ayaa ah natiijadii ka dhalatay sideed sano oo dadaal ah oo ay maamulka shirkadda Hormuud iyo waaxyeheeda kala duwan u galeen ka mira-dhalinta guushan. Dadaalladaas waxaa ka mid ahaa hubin iyo kormeer joogto ah (Internal Audit) ay samaynaysay Shirkadda Hormuud. Sidoo kale Hayadda Halbeegyada Aduunka (International Standard Organization) ISO ayaa u soo dirtay xafiisyada shirkadda khubaro sameeya kormeero kala duwan (External Audit). Dhammaan Kormeeradaasi shirkadda Hormuud way ku guulaystay, waxayna ku mutaysatay shahaadada Hab Maamulka Tayaysan (Quality Management System Certificate) ee ISO 9001:2015. Muddadii ay jirtay shirkadda Hormuud waxay in ka badan 35 kun oo shaqo ka abuurtay guud ahaan koonfurta iyo bartahama Soomaaliya. Marka laga reebo bixinta adeegyada isgaarsiineed, waxay shirkadda Hormuud mar waliba qayb ka tahay samafalka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada abaaraha, fatahaadaha, iyo u- gargaaridda bulshada Soomaaliyeed kuwooda mudan in la gacan qabto. Ugu dambayn, Shirkadda Hormuud waxay sii wadi doontaa xasilinta himilooyinkeeda fog ee ku aadan iney noqoto isgaarsiinta ugu fiican geeska Afirca. Waxayna mar waliba u taagan tahay daryeelidda macaamiisheeda iyo in ay ugu adeegto habka ugu fiican uguna tayada wanaagsan. View the full article
  6. waa kuma laacibka Soomaaliyeed ee u dhintay xanuunka coronavirus-ka? Biriq oo la sawiran laacibga reer Côte d’Ivoire, Didier Drogba Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ku geeriyooday Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq oo kamid ahaa falanqeeyayaasha kubadda cagta ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Cabiqaadir oo sidoo kale kamid ahaa laacibiintii kubadda cagta ee Soomaaliya, una dheeli jiray naadigii bartoolka ayaa maalmahan la xanuunsanayay xanuunka caalamka hareeyay ee Covid-19. Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka tacsiiyay geerida Biriq. Biriq wuxuu in muddo ahba ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tan iyo markii uu howlgabka ka noqday ciyaaraha, wuxuu ahaa nin aad ula socda arrimaha kubadda cagta. Wuxuu ka mid ahaa falaqeeyayaasha ciyaaraha ee sida joogtada ah ula shaqeeya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. Maxaan ka naqaannaa rugcaddaagii kubadda Cagta ee u geeriyooday coronavirus? Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq wuxuu ahaa rugcaddaa ku xeel dheer arrimaha kubadda cagta Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ka mid ah ciyaartooydii ay kawada tirsanaayeen naadigii batroolka ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedka marxuum Biriq oo kooban. Markii ugu horreysay wuxuu u ciyaari jiray gobolka Hiiraan, oo uu ku matali jiray ciyaarihii tartanka gobollada ee dalka Soomaaliya. “Kooxda Batroolka ayaa markii ay xirfaddiisa sare aragtay kasoo qaadatay gobolka Hiiraan. Runtii waan isla ciyaarnay aniga iyo asaga, waxaana ka wada dheeli jirnay xagga weerarka,” ayuu yiri Mukhtaar Cuti. Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11. Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya. Mukhtaar Cuti(bidix) iyo Cabduqaadir Biriq(midig) waxay ahaayeen saaxiibo Mar uu Cabduqaadir qudhiisa hadda ka hor BBC-da la hadlayay wuxuu u sheegay in sababtii loogu bixiyay magaca biriq ay ahayd maadaama uu aad u orod badnaa, marka uu kubadda wato. Wuxuu Cuti sheegay in Biriq uu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo bulshadu ay si weyn u jecleyd. “Hal isbuuc ka hor ayaan wada hadleynay, wixii ka dambeeyay lalama hadli karin, waayo aad buu u xanuunsanaa, Alle ha u naxariisto, haddaan nahay bahda ciyaaraha ee Soomaaliya maanta waxaa naga baxay nin qaali ah, waana uga tacsiyeynayaa dhammaan umadda Soomaalida”, ayuu yiri. Wuxuu Mukhtaar sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo uusan ku illoobi doonin Biriq, uuna ahaa nin aad ugu dadaali jiray inay soo baxaan dhalinyaro Soomaali ah oo xirfad sare u leh kubadda Cagta. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo la dul-dhigay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Ducaale oo qoraal soo dhigay facebook ayaa yiri “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.” Caasimada Online ayaa shalay qortay in xiisad ay ka dhalatay ciidamo ku gaaf-wareegay guriga Shariif kadibna iska baxay, hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta sheegay in ciidamo la dul dhigay guriga Shariif. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo.” Sidoo kale xildhibaan Fiqi ayaa yiri “Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo habeenadaan danbe ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay daandaansiga agagaarka gurigisa ku samaynayeen ma waxaa gashay doorashadii 2020/2021 mise hawlgalkii muddo kororsigii maxaxweyne Farmaajo raadinayey ayaa laga baadigoobayaa oo ku dhuuntay? Midday ahaataba ma ahan tallaabo wanaagsan ama dhaqan dawladnimo, waxaan kula talinayaa madaxweyne Farmaajo In uu joojiyo daandaansiga iyo abuurista xaalad dagaal oo aan hadda taagnayn oo caaqibadeeda danbe aan la mahdin doonin! Si kastaba Ducaale ayaa yiri “Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.” Warar goor dambe ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidamadaas ay meel u dhow guriga Shariif ka sameynayeen baaritaano la xiriira hoobiyeyaal dhowr habeen ka hor laga shakiyey in laga tuuray, taasi oo laga yaabo inay kala shaki dhalisay.
  8. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Qaad ku gubtay guaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo si dhuumaaleysi ah loo soo geliyey, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada Garoonka diyaaaradaha Aadan Cade, xili lagu soo dhex daray alaabo kale sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in ay gubeen Qaad si qaldan loo soo geliyey Dalka,isaggoo intaa raaciyay in Qaadkan la isku dayey in lagu soo dhex qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka. Ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Qaadkasi lagu gubay meel fagaare ah oo ka tirsan gudaha Garoonka. Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. LONDON, UK (HOL) - Former Somali football player and current youths trainer Abdulkadir Mohamed Farah Biriq has dies in London from COVID-19. He is the first Somali died for the diseas in London. Source: Hiiraan Online
  10. LONDON, UK (HOL) - Former Somali football player and current youths trainer Abdulkadir Mohamed Farah Biriq has dies in London from COVID-19. He is the first Somali died for the diseas in London. Source: Hiiraan Online
  11. LONDON, UK (HOL) - Former Somali football player and current youths trainer Abdulkadir Mohamed Farah Biriq has dies in London from COVID-19. He is the first Somali died for the diseas in London. Source: Hiiraan Online
  12. United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) PRESS RELEASE The Secretary-General Appeals For Global Cease-Fire Amid The Threat Of Covid-19 The most vulnerable — women and children, people with disabilities, the marginalized and the displaced — pay the highest price TRIPOLI, Libya, March 23, 2020/ — Our world faces a common enemy: COVID-19. The virus does not care about nationality or ethnicity, faction or faith. It attacks all, relentlessly. Meanwhile, armed conflict rages on around the world. The most vulnerable — women and children, people with disabilities, the marginalized and the displaced — pay the highest price. They are also at the highest risk of suffering devastating losses from COVID-19. Let’s not forget that in war-ravaged countries, health systems have collapsed. Health professionals, already few in number, have often been targeted. Refugees and others displaced by violent conflict are doubly vulnerable. The fury of the virus illustrates the folly of war. That is why today, I am calling for an immediate global ceasefire in all corners of the world. It is time to put armed conflict on lockdown and focus together on the true fight of our lives. To warring parties, I say: Pull back from hostilities. Put aside mistrust and animosity. Silence the guns; stop the artillery; end the airstrikes. This is crucial… To help create corridors for life-saving aid. To open precious windows for diplomacy. To bring hope to places among the most vulnerable to COVID-19. Let us take inspiration from coalitions and dialogue slowly taking shape among rival parties in some parts to enable joint approaches to COVID-19. But we need much more. End the sickness of war and fight the disease that is ravaging our world. It starts by stopping the fighting everywhere. Now. That is what our human family needs, now more than ever. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL). SOURCE United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) Qaran News
  13. Janaale (Caasimadda Online)- War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu xaqiijiyay in 23-kii Maarso 2020 ay ciidamada DANAB gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab kadib hawlgalo laga sameeyay Gobolka Shabeelada Hoose. Hawlgalkaan ay qaadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya xilli habeenimo ah ayey kusoo qabteen Ibrahim Mohamed Roble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha, sidoo kalana ka mid ahaa xoogagga amniyaadka ee ka hawlgala gobolka Shabeelada Hoose. Qabashada masuulkaan sare ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan ay ciidamadda amaanka fuliyeen hawlgalo ay ku qabteen madaxii sirdoonka Al-Shabaab (Hassan Suley) kaas oo gacanta lagu dhigay isagoo ku sugan magaalada Janaale. Soo qabashada masuuliyiintaan sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Janaale oo muhiim u ah isku socodka qeybaha kala duwan ee gobolka Shabeelada Hoose. Xarakada Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay u qabilsanahii canshuuraha gobolka Shabeelaha Hoose (Ibraahim Mohamed Rooble). Hoos ka arag warqadda kasoo baxday wasaaradda
  14. Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa maanta oo Talaado ah soo saaray awaamiir ku saabsan ka hortagga faafidda COVID.19 oo ku socota dadweynaha Reer Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay guddigaas, ayaa lagu sheegay in mudda laba todobaad ah la fasaxay dhammaan goobaha Waxbarashada degaannada Jubaland, islamarkaan la joojiyay dhammaan isu’ imaatinnada dadweynaha, si looga fogaado xaafidda xanuunkaas Coronavirus-ka. Guddiga ayaa sidoo kale amray in la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda, laguna dadaalo ilaalinta nadaafadda masaajidda, mar kastana la furo daaqadaha masaajidda, si dadka tukanayaa u helaan hawo nadiif ah. Sidoo kale, guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee dowlad goboleedka Jubaland, ayaa imaamyada masaajidda ku amray in ay xilliyada salaadda ka qunuudaan (ilaahow naga badbaadi ku ducaystaan) xanuunka coronavirus. Sid ku xusan War-saxaafadeedka guddiga, waxa kale oo dadweynaha lagu wargeliyay, in ay kor u qaadaan nadaafadda guud sida suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee la isu’gu yimaado, waxaana ganacsatada lagu amray in ay isticmaalaan jeermis dilayaasha Saabuunta, shaambada iyo wixii la hal-maala. Guddiga ayaa sidoo kale amray in xarumo baaritaan caafimaad laga sameeyo bar-xuduudeed kasta iyo meelaha kale ee laga soo galo Jubalanda, sida garoomada diyaaradaha, dekedda Kismaayo iyo kantaroollada magaalooyinka. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa uga digay ganacsatada in aysan ka faa’idaysan xaaladda ka dhalatay cudurka, oo aysan qaaliyeyn maciishadda iyo agabyada kale ee aadka loogu baahanyahay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Jubaland oo amartay in masaajidda looga qunuudo Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  15. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Guddoomiyaha Guddiga Caleema-Saarka Madaxda Galmudug ayaa Galkacyo kula kulmey Xaaf oo diiddan doorashii ka dhacday Dhuusamareeb. Maamulka Gaaronka Diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa maanta shegay in ay gacanta ku dhigeen qaad laga qaaday Magaalada Muqdisho. Dumarka Xoogstada ah ee garabkooda ku xamaasha ayaa sharraxay dhibaatoyinka ay kala kulmaan ganacsiga adag ee suuqayada Magaalada. Taliska xoogga Dalka ee ku sugan Shabeellaha hoose ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah xarakada Al-shabab. Safaaradaha Somalida ee Kenya iyo Turkiga ayaa hakiyay shaqoyinkii ay hayeen, cabsi laga qabo faafidda Caabuqa COVID19. Guddoomiyaha Guddiga Caleema-Saarka Madaxda Galmudug ayaa Galkacyo kula kulmey Xaaf oo diiddan doorashii ka dhacday Dhuusamareeb. Maamulka Gaaronka Diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa maanta shegay in ay gacanta ku dhigeen qaad laga qaaday Magaalada Muqdisho. Dumarka Xoogstada ah ee garabkooda ku xamaasha ayaa sharraxay dhibaatoyinka ay kala kulmaan ganacsiga adag ee suuqayada Magaalada. Taliska xoogga Dalka ee ku sugan Shabeellaha hoose ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah xarakada Al-shabab. Safaaradaha Somalida ee Kenya iyo Turkiga ayaa hakiyay shaqoyinkii ay hayeen, cabsi laga qabo faafidda Caabuqa COVID19. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdiwali Qorane https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galbnimo-24-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah garoonka diyaaradaha Muqdisho ku gubtay Jaad ay sheegtay in si qaldan dalka loo soon geliyay. Wasiirka gaadiidka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo saxaafadda u xaqiijiyay warkaas ayaa laga soo xigtay jaadka ay gacanta ku dhigeen ciidanka amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli la doonayay in si qaldan dalka lagu soo geliyo. Wasiirka ayaa sheegay in jaadkaas la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii dullimaadka labada maalmood ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka. Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay xilli dowladda Soomaaliya ay horay u mamnuucday in dalka la soo geliyo jaadka si looga hortago cudurka coronavirus. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay gubtay jaad si qaldan dalka lagu soo geliyay appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International ayaa qabtay qaad si qaldan loo soo gelin rabay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya ayaa amartay in la gubo qaadka la isku dayey in sifo sharci darro ah loo soo geliyo Muqdisho sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Gadiidka Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar. Wasiirka ayaa xusay in jaadkaan la isku dayey in lagu soo dhex qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Muqdisho soo gaarayey Qaad lagu soo daabulay duumo, waxaana lagu kala iibsanayey qiimo aad u sareeyo, waxaana meelaha qaar halkii marduuf lagu kala iibsanayaa 200-300 Dollar halka markii hore lagu kala iibsan jiray 20 Dollar. Ganacstada qaadka soo dajisato ayaa isku dayey inay ka faa’idestaan fursadda labada maalin oo ay Dowladda Soomaaliya fasaxday duulimaadyada caalamiga, waxayna qaadka kusoo dhex qarinayey buursooyinka iyo Jeegaga lagu soo qaato hilibka oodkaca. Qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya ayaa qaadka lagu geeyaa gawaarida Xamuulka oo kasoo tallaabayo xuduudaha dowladaha Kenya iyo Itoobiya, taasoo hareer marsan amarkii Dowladda Soomaaliya ee ahaa inaan lasoo geli karin xuduudaha muddo 18 Maalin ah.
  18. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan ammaanka looga hadlayey oo maanta lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ammaanka Gaalkacyo, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug iyo odayaasha dhaqanka. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu soo saaray, sidii looga hortagi falalka ammaanka darri, gaar ahaan dilalka ka dhaca gobolkaasi. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii looga hortagi lahaa jid-gooyooyinka sharci darradada ah ee yaalla halkaasi. Mudug ayaa waxaa inta badan dhibaatooyin kala duwan ka geysta kooxo maleeshiyaad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi. View the full article
  19. Ugu yaraan illaa 15 qof oo lix ka mid ah ay yihiin Soomaaliya ayaa sacaadihii la soo dhaafay caabuqa Corona ugu geeriyooday gudaha dalka Sweden. Ururka dhaqaaqtiirta ee magaalada Stockholm ee caasimadda dalkaasi ayaa maanta tirada intaasi la’eg warbaahinta u xaqiijiyey. Bashiir Cabdullaahi oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan wadanka Sweden ayaa dhankiisa Shabelle uga warbixiyey, sida ay tahay xaaladda guud. Fayraska Corona oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha ayaa haatan fara ba’an ku haya qaaradda Yurub iyo wadama kale oo ku yaalla caalamka Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/cc.mp3 View the full article
  20. Waxaa weli furan qaar ka mid ah xarumaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho, kadib go’aankii ka soo baxay dowladda ee lagu amray in goobahaasi la xiro illaa 5 cisho. Shabelle ayaa ogaatay in Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ay inta badan furan yihiin, islamarkaana ay duruusta si caadi ah uga socoto. Wariyaheena Zakariye Axmed Muuse (Carab) ayaa u kuur galay, kana diyaariyey warbixinta soo socota. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Zakariye-dugsiyada-quraanka.mp3 View the full article
  21. Wasaaradda Gadiidka Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gubtay Jaad la isku dayey in si qaldan lagu soo geliyo dalka , Jaadka la gubay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gadiidka XFS Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in ay gubeen Jaad si qaldan loo soo geliyey Dalka , Wasiirka ayaa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii dulimaadka labada maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka. Horay ayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u xaqiijisay in fasaxa labada maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo , iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka imaanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convid19. View the full article