Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) — Ra’iisal saaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dib usoo nooleeyey dadaaladii uu dib ugu furayey wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe fadhiid noqday. Abiy Ahmed ayaa qorshihiisan cusub si gaar ah ugu beegsaday Madaxda ugu sareysa Somaliland iyo Soomaaliya, si uu ugu guuleysto soo nooleynta wada-hadalada labada dhinac ee gabalku u damay. Sida ay Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada Somaliland u sheegeen Caasimada Online, Abiy ayaa qorshahaasi ugu horeyntii usoo bandhigay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, xili uu dhowaan safar ku tagay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Ra’iisal wasaare Kheyre ayuu Abiy usoo bandhigay in uu kaalinta ugu weyn ka qaato wada-hadaladaasi, isagoona soo diyaarinaya ajandaha ay xukuumada Soomaaliya ku wajaheyso wada-hadalada Somaliland. Abiy ayaa arrinkaasi ku sababeeyay fikir uu qabo oo ah in reer Somaliland ay waxyaabo badan ka tirsanayaan Madaxweyne Farmaajo oo xasaasiyad gaar ah ka qabaan, maadama ay Somaliland ganafka ku dhufatay safarkii Hargeysa ee uu qorsheeynayey in Farmaajo uu ku geeyo. Kheyre ayaa lagu soo waramaya inuu aqbalay qorshaha cusub ee Abiy, isla markaana uu usii bandhigay Madaxda reer Somaliland ee xukuumadiisa ku jira, si ay gacan uga siiyaan hirgelinta qorshahaasi cusub. Xubnaha xukuumada Kheyre kujira ee kasoo jeeda Somaliland, ayaa iyagu aaminsan fikirka midnimada Soomaaliya, lamana oga kaalinta ay ka qaadan karaan wada-hadalada labada dhinac, maadama ay Somaliland ka soo horjeedo inay xubnahaasi kamid noqdaan wada-hadaladaasi. Abiy ayaa sidoo kale qorsheynayay inuu dabayaaqada bishan April magaalada Addis Ababa ku kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, si loogu gogol xaadho bilowga wada-hadalada labada dhinac ee mudada badan hakadka ku jiray. Kulanka Abiy Ahmed uu iskugu keenayey Biixi iyo Kheyre, ayaa la filayaa in uu isbadal ku yimaado waqtigiisii, sababo la xiriira cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus. Sidoo kale Abiy ayaa lagu soo waramayaa in uu fudeydiyay wada-hadal dhanka telefoonka oo dhexmaray Xasan Kheyre iyo Muuse Biixi, si uu qorshihiisu u noqdo mid midho dhala oo horseeda wada-hadalo rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan qorshaha Abiy iyo wada-hadalka dhexmaray Kheyre si kooban ugu soo bandhigay Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland iyo qaar kamida madaxda mucaaridka, isagoona la socodsiiyay inuu jiro qorshe cusub oo uu dabada ka riixayo Ra’iisal Abiy Ahmed. Inkasta oo uu Biixi si faah-faahsan uga warbixin Madaxda Somaliland qorshahaasi Abiy, haddana wuxuu qabsaday in muddo 10-cisho ah kadib uu warbixin buuxda ka siin doono qorshahaasi cusub ee wada-hadalada. Qorshaha cusub ee Abiy ayaa ku soo aadaya xili ay Salaadiinta Somaliland ay dalbanayeen in dib loo bilaabo wada-hadala Somaliland, isla markaana ay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi si looga gaadho natiijo wax ku ool ah, lamana oga inay daaha dabadeeda ka wado dowladda Soomaaliya, maadama ay dhowaan Madaxda Somaliland baaqyadaasi la xiriiriyeen inay hageyso oo dan ka leedahay dowladda federaalku. Lamana oga sida uu qorshaha Abiy u guuleysan doono, xili uu Madaxweynaha Somaliland u muuqdo mid ka caga jiidaya qorshahaasi, isagoona hore ganafka ugu dhuftay qorshihii fashilmay ee uu Abiy ku rabay inuu Madaxweyne Farmaajo ka dajiyo Hargeysa.
  2. Boqorkii Cuudka Somalida Xudeydi oo u dhintay Xanuunka Coronavirus Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Sida ay BBC-da u xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba. Ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi. Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Qaran News
  3. Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Sida ay BBC-da u xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba. Ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi. Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Boqorkii Cuudka ee Xudeydi oo u geeriyooday Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen inay joojiyaan howl-gallada Soomaaliya, balse inay sii wadaan ay ku qasbeyso dhowaq ay sameeyeen madaxda Al-Shabaab, Daacish iyo Al-Qaacida. “Inkasta oo aan jeclaan lahayn inaan hakino howl-galladeenna Soomaaliya, sababo la xiriira Coronavirus, hogaamiyayaasha Al-Qacida, Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa ku dhowaaqay inay xasaraddan u arkaan fursad ay kusii ballaariyaan ajendahooda argagixisada, sidaas darteed waxaan sii wadi doonnaa inaan garab istaagno oo aan taageero saaxiibadeenna Africa,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend. AFRICOM ayaa sheegtay in hadafkeeda Soomaaliya uu yahay inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, si ay deegaan nabdoon oo ammaan ah u siiso shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana laga hor-istaago Al-Shabaab iyo Daacish inay isku ballaariyaan Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in taageerada AFRICOM ay u suurta-gelisay Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM inay qabsadaan dhul badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. “Soomaaliya waxay muhiim u tahay deegaanka nabdoon ee Bariga Africa, islamarkaana xasiloonideeda muddada fog ayaa muhiim u ah xoojinta danaha Mareykanka ee gobolka,” ayuu yiri Townsend. AFRICOM ayaa shalay shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen, in qof ka mid ah saddex qof oo lagu dilay duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen labadii April, uu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka Bariga Africa qaarkood.
  5. Heshiiska madaxweyne-sheegtayaasha Jubbaland ee Nairobi haddii u jiro waa arrin wanaagsan laakiin (compensating feedback) waxay keeneysaa natiija hor u socodka Jubaland dhib tii hore ka weyn.! Isbadal-doonka Jubbaland kuma uusan salaysnayn qabiil gaar ah, balse wuxuu ahaa dadka deegaanka oo si wadajir u raadinayay sinnaan iyo caddaalad. Tan labaad awood-qeybsiga Jubaland waa qad cagaaran oo beelaha saami-qeybsi xaq ah u leeyihiin, tusaale Cabdinaasir Seeraar iyo Xiddig midkoodka madaxweyne ku xigeen kama noqon karaan Jubbaland iyada uu madaxweynaha yahay Axmed Madoobe, Sheekh Daahirna warkiisa dhaaf. Waxaa habboon in wax laga barto fashilkii siyaasadeed ee ku dhacay Sheekh Shaakir iyo Ahlu Sunna ee Galmudug. Beelaha Jubbaland, gaar ahaan kuwa degen meesha ubucda u ah deegaanka ee Kismaayo waxa ay arkaan taliyeyaal ciidan, shaqaalaha rayidka ah, iyo waliba qeybinta mucaawinada hey’adaha in beesha madaxweynaha uu kasoo jeedo ay inta badan qaadato, inta soo hartayna beeshaas ay dalaal ka tahay. Taas oo jirto in haddane saddex nin oo ilmo adeero ah ku heshiiyaan masiirka maamulka iyo mustaqbalka deegaanka, waxay keenaysaa dareen guud oo ah in dulmiga uu sii kordhayo. Waxaa kale oo ay keeneysaa in ay soo cusboonaadaan dulmigii Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Col. Axmed Cumar Jees iyo Col Barre Aadan Shir (Hiiraale) ay ku hayeen dadka Jubbooyinka. Waxaana tusaale kuugu filan in dagaalka labada beelood ku dhex maraya duleedka Kismaayo in middood lagu tuhmayo in maamulka uu si toos ah garab u siinayo. Madoobe dhaqankiisa (Trend analysis) ee ah in dhaqaalaha Jubbaland uu siyaasad ku bixiyo, deeqsina ku yahay, laakiin awoodda siyaasada qofna uma ogolo la qeyb sado, xitaa haba yaraatee, wuxuuna xitaa iska illaaliya in hal sargaal oo deegaanka ah uu federaalka qeyb ka noqdo ama meel kale oo muhiim ah kasoo muuqdo. Waxaase dhacda in heshiis uu si fudud u galo, isaga oo maskaxda qeybta dambe ka ogsoon in uusan fulin doonin heshiiskaas. Kaliya waqtiga iyo marxaladda cakiran ee markaas taagan ayuu kaga gudbaa. Tusaale 2016-kii wuxuu heshiis la galay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo, hase yeeshee hal qodob oo heshiiskaas ka mid ah ma uusan fulin Axmed Madoobe. Sidoo kale 2014-kii wuxuu heshiis Addis Ababa kula saxiixday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, balse 99% heshiiskaas hal qodob lagama fulin. Marka iyada oo taas la ogyahay, maxaa ku kalifaya in Xiddig iyo Seeraar ay Axmed sidii awr aqal sida gurada u galaan. Haddii aad u fiirsadtid sooyaalka taariikhda dhow, waxaad arkaysaa in dowladda federaalka aysan marnaba ku gardaroon maamulka Jubbaland, ee ay jirtay taas cagsigeeda. 1. Waxaa dhacaysay in gudaha baarlamaanka awood lagu samaysto, si loo rido madaxweynaha hadba markaas jooga ama loogu sanduleeyo in uu fuliyo waxa laga rabo, iyada oo la isticmaalayay lacago sandareero ah oo la siinayay xildhibaanada labada gole, balse taas waxa ay soo afjarantay markii guddoomiyaha golaha shacabka loo doortay mudane Maxamed Cabdiraxmaan Mursal. 2. Waxa Axmed Madoobe uu sameeyay isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga Maamul Goboleedyada iyo iyo waliba mid larnaa oo ah mucaaradka dowlada federalka, iyada oo ay xusid mudantahay in meel fagaare ah uu guddoomiyihii maamul goboleedyada Cabdiwali Gaas ka sheegay in dalka boqolkiiba 90% ay iyaga xukumaan, dowladdana iyagu yihiin. Hadda hoggaanka Jubbaland waxa ay u egtahay in uu meel cidlo ah soo istaagay kadib markii xildhibaanadii codka dheeraa ee mucaaradka ay ka safteen dhanka Galmudug, isbahaysigii maamul goboleedyadana uu gebi ahaanba burburey. Madaxweynihii hore ee Galmudug oo waxoogaa sunuud ah ay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni hoosta oga dirayeen si uu u mucaarado maamulka Galmudug, isna waa kii shalay ugu dambeyn taladii tolkiisa qaatay, shacabkiisana u turey, una tanaasulay madaxweyne Qoorqoor. Arrimaha dowladdaha dariska ah, Axmed Madoobe waxaan u qirayaa in uu yahay siyaasi laacib ku ah siyaasadda qaska ku salaysan, intii u dhaxaysay 2012-kii illaa 2016-kii wuxuu si rasmi ah oga faa’iidayay taageerada siyaasadeed ee Itoobiya iyo tan ciidan ee Kenya. Balse kama uusan faa’iideysan fursadahaas oo kuma uusan samayn maamul wanaag, maamul daadajin iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah, illaa maanta amarkiisa ayaa garta lagu kala goostaa Kismaayo, xitaa haddii la’isku hayo boos yar oo 20-20 ah. Baarlamaanka waxaa fadhiya guddoonkii (iga tir igu tir) ay u bixiyeen reer Kismaayaha waxgalka ah. Isagii meel cidlo ayuu kusoo dhacay kadib markii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Soomaaliya. Taageeradii Kenya ee uu niyadda u sheegayay waxa ay ku banjartay dagaalkii Beledxaawo ee ciidamada Harmacad iyo Gorgor ay har cad cagta mariyeen maleeshiyaadkii dulufka ahaa ee uu Cabdirishiid Janan watay. Halka kaliya ee heshiiska Nairobi nuxur u yeelaya ayaa ah in heshiiska ay qeyb ka tahay dowladda federaalka, sababtoo ah iyada kaliya ayaa mas’uul ka ah, matelina karta beelaha dulman iyo muwaadhiniinta kale ee Jubbaland. Haddii aysan taas jirin, Seeraar iyo Xiddig hal ayay bacaad ku lisayaan, Madoobana guul siyaasadeed oo Dhoobleey iyo Kismaayo aan dhaafsiinayn waxbo u tari mayso. 3 bilood ka hor maamulka Jubbaland waxa uu ka talinayay 8 degmo, maantana labo degmo ayaa gacantiisa kusoo hartay. Gobolka Gedo waxaa gebi ahaanba gacanta ku haya dowladda Federaalka, waxaana jira qorshayaan bulshada laga samatobixiyo maamulkan boqno-goyska ah. Guntii iyo gebogebadii, Axmed Madoobe wuxuu u muuqdaa faras itaal gabay oo ay nafta kusii dabo yartahay. Cabdulqaadir Cabdillaahi Maxamed – Waa agaasimahii horey ee maaliyada Jubaland iyo garoonka diyaarada Kismaayo AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. The novel Coronavirus has upended everything. While Governor Tim Walz’s “Stay-at-home” order has affected everyone, it has especially taken a toll on the lives of African immigrant seniors and disabled individuals. Source: Hiiraan Online
  7. The novel Coronavirus has upended everything. While Governor Tim Walz’s “Stay-at-home” order has affected everyone, it has especially taken a toll on the lives of African immigrant seniors and disabled individuals. Source: Hiiraan Online
  8. London (Caasimada Online) – Fanaankii, abwaankii iyo Muusikiistihii caanka ahaa ee Soomaaliya Axmed Ismaaciil Xuseen oo loo yaqaano Xudeydi, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka UK, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa maalmihii dhowaa. Xudeydi oo loo yaqaan “Boqorkii Cuudka”, ayaa waxaa ku dhacay cudurka Coronavirus, oo muddo toddobaadyo ah uu ugu jiray isbital. Xudeydi ayaa noqday qofkii saddexaad oo caan ah oo Soomaaliyeed oo Coronavirus ugu geeriyooda magaalada London kadib Cabdulqaadir Maxamed Faarax Biriq, oo ahaa ciyaartooy hore iyo tababare, iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde. Axmed Xudeydi, oo ku geeriyooday da’da 92 jirka, ayaa waxaa uu ahaa rug-caddaa lagu qadariyo heesaha Cuudka ama kuwa kabanka oo muddo ka badan 70 sano uu ku jiray. Sidoo kale Axmed Xudeydi ayaa qaaday heeso kala duwan, waxaana kamid ah heesta Uurkii Hooyo iyo kuwo kale oo aad u badan. Xudeydi ayaa isaga oo 14 jir ah aabihiis wuxuu u kaxeeyey xaflad ka dhaceysay magaalada Cadan ee dalka Yemen, halkaasi oo uu kula kulmay nin Carab ah oo cayaaraya Cuudka, kana jeclaaday. Aabihiis ayuu ka codsaday inuu u iibiyo, wuxuuna kadiba sida loo cayaaro ka bartay Cabdullaahi Qorshe, wixii markaas ka dambeeyana wuu garaacayey.
  9. Waxa la yidhi oo lagu celceliyey Somaaliya iyo Somaaliland waa in ay wada hadlaan. Waa hadal wanaagsan ee maxaa ay ka wada hadlayaan? "Mushkilada midnimada iyo goosashada"(Sida Soomaaliya tidhaa) ama gooni-isutaaga(sida Soomaaliland tidhaahdo); ha ka wada hadlaan oo ha ka heshiiyaan baa la yidhi. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab, ayaa muddo bil gudaheed ah weysay ugu yaraan 7 hoggaamiye oo sare, kuwaas oo qaarkood la dilay ama la qabtay, qaarna ay kooxda iska dishay, sida ku cad xog ururin ay sameysay Caasimada Online. Dawladda Maraykanka ayaa maanta shaacisay in duqayn ay 2-dii bishan ka fulisay degaanka Bush Madina ee gobolka Bay lagu dilay Yuusuf Jiis, oo magaciisa oo dhameystiran uu yahay Yuusuf Nuur Sheekh Xasan. Yuusuf Jiis, ayaa gudaha Al-Shabaab waxa uu ku lahaa magacyo kale oo ay ka mid yahiin Bashar iyo Macalin Sahal. Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, waxa uu kolkii hore u qaabilsanaa dabagalka hey’adaha gargaarka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee gudaha dalka, balse waxa uu waayihii dambe Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka Xisbada. Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in duqaynta lagu dilay Yuusuf Jiis ee ka dhacday gobolka Bay, sidoo kale lagu dilay sarkaal kale oo lagu magacaabo Yoonis Sheekh Daahir, oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsan dhanka sirdoonka. Dilka labadan sarkaal ayaa kusoo beegmay toddobaadyo is-xig-xigay oo ay Al-Shabaab si joogto ah u lumineysay saraakiil sare. 3-dii April, Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-gallada gobolka Bakool. Qoraal kasoo baxay ciidamada xoogga ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka fuliyay degaanka Ceel-cali degmada Xudur ee gobolka Bakool howlgal ay ku dileen horjoogahan oo lagu magacaabay (Aflaaw).” 21-kii March, Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale shaaciyey in nolosha lagu qabtay madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellda Hoose, oo lagu magacaabo Xasan Suley (Xasan Ganey). Laba maalin un ka hor qabashada Xasan Suley, 19-kii March, war kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Janaale ay kusoo qabteen Maxamuud Yuusuf Maansuur, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta canshuuraha, gaar ahaan Zekawaatka. 10-kii March, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye). Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay “in Muuse Macallin xilli habeen ah oo saqdii dhexe ee 9-kii March ah lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah. Laba maalin un ka hor xilligaas, 8-dii March, Taliska Ciidamada Militariga dalka Mareykanka ee Qaaradda Africa ee AFIRCOM ayaa xaqiijiyey geerida Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan Bashiir Qoor-qaab, kaasi oo lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey. “Dhab ahaan waxaanu rumeysanahay in Bashiir Maxamed Maxamuud oo loo garan og-yahay Bashiir Qoor-qaab lagu dilay duqeyn uu taliska AFRICOM fuliyey,” ayuu yiri afhayeenka taliska Korneyl Chris Karns. Qoorgaab oo dhashay sanadkii 1982, wuxuu xiriir dhow la lahaa hoggaanka Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kooxda ka hayey xilka abaanduulaha guud ee Al-Shabaab. Qoorgaab ayaa waxaa lala dilay xaaskiisa, oo iyana xubin fir-fircoon ka ahayd Al-Shabaab, islamarkaana mas’uul ka ahayd dhaq-dhaqaaqyo argagixiso oo kala duwan. Waxaa la oran karaa in bishii tegtay ay Al-Shabaab u aheyd mid ka mid ah bilihii ugu xumaa ee soo mara, ayada oo weysay 7 sarkaal oo sare, taasi oo ay usii dheer tahay tobaneeyo maleeshiyaad hoose ah oo iyagana ku baxay duqeymaha Mareykanka iyo weerarada ciidamada xoogga dalka.
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-070420.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ku dilay dhaqtar magaciisa lagu sheegay Xasan Xaayoow. Falkaas khaarijinta ah ayaa lagu waramay in uu ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan halka loo yaqaano Suuq bacaad. Marxuumnka oo ku xeeldheeraa daaweynta Shubanka ayaa la sheegay in lagu beegsaday nawaaxiga goobtiisa shaqo. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay in ay baxsadeen dableydii ka dambeysay falkaas oo wararku sheegayaan in ay wateen AK47. Ma jirto koox sheegatay falkaas. Sidoo kale, laamaha ammaanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadaas oo hadalheyn dhalisay. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa caawa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dishay nin dhakhtar ahaa, kaas oo sida la sheegay caan ka ahaa degmada Yaaqshiid oo uu deganaa. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka dhakhtarka uu si gaar ah uga dhacay gudaha Suuq lagu magacaabo Miijiska oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaan la sheegay in kooxdu ay dhowr xabadood uga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa. Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, sida ay noo sheegeen dadkii ku soo baxay, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilka u geystay. Dhakhtarkan la dilay oo aad looga yaqaanay degmada Yaaqshiid ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Xasan Xaayow, waxuuna daaweyn jiray caruurta iyo dadka uu ku dhaco cudurro uu ka mid yahay Shuban biyoodka, waxuuna xarun caafimaad ku lahaa Suuq-Bacaad. Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa dilka dhakhtarka kadib goobta gaaray, waxayna halkaas ka biklaabeen baaritaano, aan illaa hadda la shaacin cid lagu soo qabtay. Lama yaqaan cidda dishay marxuumkaas, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa. Muqdisho ayaa in mudo ah marti gelineysay dilal qorsheysan, waxaana intooda badan mas’uuliyadooda sheegta ururka Al-Shabaab.
  14. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Somaliya ayaa shaacisay iney heshay kiis cusub oo la xiriira xanuunka Corovirus. War kooban oo la soo dhigay bogga wasaaradda ayaa lagu lagu sheegay in kiiska laga helay Muwaadin Soomaaliyeed oo Rag da’diinuna tahay 58 jir taas oo ka dhigayso kiiska maanta la helay in uu yahay kiiskii 8-aad oo wasaaraddu ay diiwaan geliso. Halkaan ka Akhriso. “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan. Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8 Tirada bogsashada : 1 Tirada dhimashada : 0” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Walanweyn (Caasimadda Online) – Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa maanta Barqadii gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ay qeyb ka yihiin Garsoorayaal. Gudoomiyaha iyo saraakiisha ku wehlinaysay socdaalka ayaa waxaa degmada Wanlaweyn ku soo dhaweeyay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan halkaasi u tagay in ay kala dhexgalaan maleeshiyaad ku dagaalamay deegaanadaasi. Waxaa Degmada Walanweyn ka socdo kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Walanweyn, iyaga oo kala hadlaya dilalkii ka dhacay Magaalada. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay haatan kulamo gaar gaar ah la leeyihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Walanweyn, iyaga oo kala hadlaya dilalkii ka dhacay Magaalada. Xubnaha Wafdiga uu horkacayo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa ay degmada Walanweyn u tageen sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen dilalkii arxan darrada ahaa ee dhawaan ka dhacey, iyaga oo bilaabi doona baaritaanada dad lala xiriirinayo dhacdooyinka. Dagaalkii labada maleeshiyo beeleed ku dhexmarey degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu sababey in Gudaha degmada dad la dilo, kadibna meydkooda la gubo taas oo keentay in dowladda ay Ciidamo u dirto. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Xildhibaanada labada gole ee Dowladda iyo siyaasiyiin ayaa ku baaqay in dagaalkaasi sida uga dhaqsiyaha badan loo joojiyo xiisada u dhaxaysa beelaha lagu dhameeyo wada hadal iyo isqancin.
  16. Garowe ( PPM) — In a break with previous administrations, Puntland President Said Abdullahi Deni has introduced a monthly speech on government activities. Yesterday evening President Deni delivered a speech via Puntland State Television. The speech, which was streamed through YouTube, had provided President Deni with an opportunity to discuss challenges facing Puntland State of which Covid-19 is the most pressing. “I urge people to follow rules to prevent the spread of the deadly disease. Khat is a main transmission source of the disease” Deni said. Khat is still imported to Puntland. Chewing it is a form of socialising for men, who meet in designated places known as majlis (council). Puntland has not temporarily banned importation of Khat. President Deni: Khat is a main source of Covid-19 transmission President Deni welcomed efforts of Galmudug State President, Ahmed Abdi Kaariye, who met with his former rivals to form an inclusive administration. Deni’s administration was neutral in the power struggle that culminated in the defeat of the former paramilitary group, Ahlu Sunna Wal Jama’a. He welcomed talks between Jubaland administration and former Presidential candidates in Nairobi and urged the Federal Government to push the talks. Deni called for an end to feuding in Jubaland between two communities. Puntland State President said he was sanguine about a summit he called for, to be held in Garowe for the Federal Government and other Federal Member States. A similar summit held in Garowe one year ago ended in failure. President Deni is exploring ways to revive the former Council of Inter–State Cooperation (CIC) that his predecessor co-founded to exert pressure on the Federal Government in Mogadishu. President Deni enumerated the progress his administration has made to date in the security reform. “The investigation into the assassination of the former Nugaal Governor is under way” he said. He criticised journalists for publishing unsubstantiated reports. “Journalists must verify information with the government” Deni said. During the Consultative Conference held in Garowe last month, Puntland Government denied local journalists access to the venue of the conference and had given Puntland Government journalists the privilege to report on the government activities. “His criticism is an attempt to grant Puntland Government media outlets the sole privilege to report on government activities” said Abdullah Ali, a media analyst in Garowe. © Puntland Post Monthly, 2020 The post PUNTLAND PRESIDENT “HOPEFUL” ABOUT A PLANNED SUMMIT IN GAROWE appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in kiis cusub oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyey fahfaahinta bukaanka oo da’diisa lagu sheegay 58-sano jir. “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan. Tirada guud ee la xaqiijiyey: 8 Tirada bogsashada : 1 Tirada dhimashada : 0,” ayaa lagu yiri. Sikastaba ha ahaatee, hadalka wasaaradda ayaa kusoo aadaya xili maanta ay ku dhawaaqdey in ay hirgelisay qalab lagu ogaado fayruska dilaaga ah. View the full article
  18. Dhuusamareeb (SMN) – Gudiga ka hortaga Caabuqa Covid 19 oo kulan ka yeeshay Xaalada Caabuqa Covid 19 ayaa warbixin kasoo saaray. Gudigaan oo heer maamul Gobaleed ah oo ka kooban 11 xumnood oo uu dhawaan magacaabay madaxweyne ku xigeenka DGGM, Mudane, Cali Ciid ayaa soo bandhigay Qarsho gudigu uga Hortagayo Caabuqa Covid 19. Hoos ka akhriso warbixinta View the full article
  19. Garowe (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu khilaaf kala dhaxeeyo hogaamiyaha maamulkaas. Karaash oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in ay Saciid Cabdullaahi Deni isku qabteen isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiiradda. Warbaahinada faafinaya xogaha noocaas ah ayuu ku waaniyey in ay xishoodaan isla markaana ka fogaadaan been abuurka. Dadweynaha ayuu ku booriyey in aysan dhageysan wararka aanan kasoo bixin ilaha saxda ah ee dowlad goboleedkaas. Todobaadyaddii lasoo dhaafay waxaa taagneyd hadlaheyn ku saabsan in uu muran u dhaxeeyo Deni iyo Karaash isla markaana ay ku kala kaceen kulamo dhexmaray. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Hapeen-070420.mp3 View the full article
  21. Ciidamo ka tirsan Taliska 21-aad ee xoogga dalka ee deegaannada Galmudug ayaa maanta gaaray deegaannada xuduuda gobalka Galgaduud uu lawadaago dalka Itoobiya oo maalinimadii shalay ay ku dagaalamaeen labo maleeshiyo beeleed oo deegaanka wada dega. Ciidamada oo isugu jiro Milatari, booliiska iyo nabad sugid ayaa u jeedkooda lagu sheegay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen labada dhinac loona kala qaadi Maleeshiyaad weli isku hor fadhiyo halkii lagu dagaalamay iyo in la baajiyo inuu dhaco dagaal kale. Taliyaha ciidamada NISA ee Galmudug Mahad Cumar Muumin oo hoggaaminayo ciidamada gaaray deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in u jeedkoodu yahay in la kala qaado labada ciidan ee dagaalka uu dhaxmaray kaas oo khasaare uu ka soo gaaray labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro. Ciidamada ayaa fariisimo ka dhigtay afaafka hore ee halkii lagu dagaalamay ee deegaanka Furinta-foore ee ka tirsan gobolka Galgaduud ee dhanka dowlad deegaanka Somaalida waana halkii uu ka bilowday dagaalka labada dhinac, waxaana socdo dadaal lagu wado sidii lagu kala qaadi lahaa labada Maleeshiyo kuwaas oo murankooda uu ka bilowday dhul daaqsimeed Ilaa 20 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleedka iyada oo in ka badan ku dhaawacmeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abriil ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab. Maraykanku waxa uu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis. Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dadka laf dhabarta u ah kooxda, isla markaana uu ahaa nin arxan daran oo mas’uul ka ah gumaadka shacabka. Taliyaha AFRICOM Jeneral Stephen Townsend ayaa yiri “ Yuusuf Jiis waxa xuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixisada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin dhibaato badan, arxan darran, kana mas’uul ah in dad badan oo aan waxba galabsan ay noloshooda waayaan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa ka nabdoon sidii hore.” Idaacadda VOA Somali oo la xiriirtay saraakiil Soomaali ah ayaa sheegay inuu Yuusuf Jiis uu xarakada horey ugu qaabilsanaa dabagalka hay’adaha gargaarka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Yuusuf Jiis ayaa magaciisa oo buuxa lagu sheegay Yusuf Nuur Sheekh Xasan, waxaa sidoo kale uu isticmaali jiray magacyo kala duwan oo uu ka mid yahay Bashar iyo Macalin Sahal. Waxa la sheegay inuu beryihii u dambeeyey uu Shabaab kala shaqaynayey dhinaca Xisbada (Booliis) iska markaana dhowaan lagu daray Shuurada. Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in duqayntaas ay ku dhinteen saddex qof, waxay intaas ku dareen in ragga la dilay uu ka mid ahaa Yoonis Sheekh Daahir oo ka mid ahaa saraakiisha sirdoonka ee xarakada. Qofka saddexaad ayaan weli la xaqiijin. Isla maanta ayaa Maraykanku sheegay In duqayn ka dhacday Jilib lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. Isha: VOA Somali
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii 8-aad gudaha Soomaaliya laga helay xannnuun Covid-19. Bayaan kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qof 8-aad ee laga helay caabuqa Covid-19 uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah oo degan Muqdisho. “Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Mid kamid ah 8-da qof ee gudaha Soomaaliya laga helay caabuqa Coronavirus ayaa dhawaan ka boqsaday xannuunkaas. Soomaaliya wali lama xaqiijin qof u dhintay caabuqa Covid-19, oo dunida ku dilay in ka badan 35 kun oo qof. PUNTLAND POST The post Tirada kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay appeared first on Puntland Post.