-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay ilaa maanta aad loo hadal hayaa xiisad ka dhalatay ciidamo la sheegay in lagu arkay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo Madasha Xisbiyada Qaran iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay siyaabo kala duwan uga hadleen. Madasha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in la isku dayey in weerar gaadmo ah oo qorsheysan lagu qaado xarunta Madasha iyo hoyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran. Hase yeeshee War kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha ay Madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Haddaba Caasimada Online ayaa la hadashay saraakiil amni oo ka tirsan booliska, waxna ka weydiisay sida ay wax u dhaceen, kuwaas oo sheegay in waxa dhacay oo dhan ay yihiin is-faham waa. Sheekh Shariif wuxuu dagan yahay gurri ku yaalla agagaatka Bar Kontorool oo ku jira xayndaabka ay hay’adaha amniga ka ilaaliyaan Garoonka Aadan Cabdulle iyo guud ahaan Xerada Xalane. Waxaa inta u dhaxaysa Xarunta UNDP iyo Isbaarada laga ilaaliyo u dhaxeeya Maqaayad habeenkii aad u camiran iyo Meel Jalaatada laga iibsado oo lagu magacaabo Gelato Divino. Sida ay sheegeen booliska xilli saq dhexe ah ayaa halkaas waxaa habeenkii 22-ka March tagey ciidamo boolis iyo taliye la socday oo ujeedku ahaa in ay wax ka iibsadaan meheradaha ku yaalla aagaas. Booliska ayaa Intaas ku daray in kadib warka uu gaaray guriga Sheekh Shariif oo ku yaallo meel u dhaw Xaruntii hore Xisbiga PDP (Peace and Development Party) ee Xasan Sheekh iyo Hay’adda CRD. Ciidanka ilaaliya Sheekh Shariif ayaa kadib la sheegay inay dareemeen imaanshaha ciidamadan ayna ka shakiyeen, sidaasna dibedda uga soo baxeen, waxayna usoo dhaqaaqeen dhanka ay joogeen ee laamiga. Si kastaba hab maamuuska Shariif dad kamid ah ayaa hor istaagay oo ka hortagay in dagaal uu meesha ka dhaco, waa sida saraakiisha amniga ay sheegeen. Dhinaca kale, wasaaradda amniga ayaa si dadban ugu eedeysay Madasha Xisbiyada Qaran inay dhacdadan uga faa’iideysanayaan dano siyaasadeed. Qoraalka ayaa lagu yiri “DF waxay ka digeysaa ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadedkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.”
-
Meydadka muhaajiriin Itoobiyaan ah oo laga helay Kunteenar dalka Mozambique In ka badan 60 qof oo la tuhunsan yahay inay yihiin muhaajiriin aan sharci wadin oo ka yimid dalka Itoobiya ayaa meydadkooda maanta laga helay konteenar baabuur xamuul, gobolka Tete ee waqooyiga galbeed ee dalka Mozambique, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Isbital ku yaalla halkaas. “Baabuur xamuul ah oo safrinayey muhaajiriin la tuhunsan yahay inay yihiin Itoobiyaan, kana yimid dalka Malawi, ayaa lagu joojiyey buundada lagu cabiro culeyska rarka baabuurta ee Mussacana, waxaana laga helay meydadka 64 qof. Kaliya 14 ayaa ka bad-baaday,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, balse codsaday inaan la magacaabin. “Sababta dhimashada dadkan ayaa loo malaynayaa inay tahay neefta oo ku xirantay,” ayuu yiri. Dhibanayaasha ayaa waxay ku jiraan konteenaro buluug ah oo uu jiidayey baabuur xamuul ah, sida ka muuqata sawirro ay heshay AFP. Mozambique ayaa inta badan loo arkaa xarunta dadka muhaajiriinta ah ee doonaya inay galaan dalka Koonfur Afrika. Koonfur Arika, oo ah dalka ugu dhaqaalaha wanaagsan qaaradda, ayaa waxaa usoo haajira dadka saboolka ah ee dalalka deriska ah sida Lesotho iyo Zimbabwe, iyo sidoo kale kuwa ka imanaya dalal fog, sida Ethiopia oo kale. Qaran News
-
Amniga Madaxweynihii Hore ee Somalia Sheekh Shariif oo la sheegay inuu halis ku jiro+Weerar lala damacsanaa oo.. Shariif Sheekh Axmed wuxuu madaxweyne ka ahaa Dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay inuu jiro weerar la qorsheynayo in lagu qaado madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. War saxaafadeed ay maanta soo saareen mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga gudaha ayaa lagu yiri:- “Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagaysaa in uu yahay wax kama jiraan eedaha lagu xusay qoraal lagu sheegay in qaar kamid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Mudane, Shariif Sheekh Axmed. Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo”. Hadalka kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa kusoo aaday xilli galinkii hore ee maanta war kasoo baxay xafiiska madashada xisbiyada qaran lagu sheegay in amniga Sheekh Shariif uu halis ku jiro. Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay inay waajib qaran tahay ilaalinta amniga Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii ka dambeeyay, Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaanu adkeynaynaa in Madaxweyneyaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweyneyaal dalkan ka soo samata-bixiyey marxalad adag, qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah, amnigooduna uu yahay waajib qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Labada siyaasi ayaa hadda safka hore uga jira shakhsiyaadka mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shariif Sheekh Axmed(bidix) iyo Xassan Sheekh Maxamuud(midig), oo labaduba horay madaxweyneyaal uga soo noqday Soomaaliya ayaa hadda safka hore uga jira siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda madaxweyne Farmaajo. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay uga hadashay khalkhalka soo wajaya xaaladda amni ee Sheekh Shariif. “Madasha Xisbiyada Qaran waxay dhaleeceyneysaa isku day u muuqday weerar gaadmo ah oo qorsheysan oo ciidamo hubeysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed habeennadii isku xigay ee 22 – 23 Maarso 2020, Magaalada Muqdisho, taasoo xad-gudub ku ah xurmada madaxweynihii hore islamarkaana kasoo horjeedda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Waxaa sidoo kale lagu sheegay: “MXQ Waxay u aragtaa isku dayga shirqoolkaas lagu bartilmaameedsanayay hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaranka arrin lagu abuurayo xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni oo Villa Soomaaliya ay gadaal ka taagan tahay, ayadoo aysan jirin sabab keeni karta in habeen madow ciidamo la dul keeno guriga Sheekh Shariif”. “MXQ Waxay aaminsan tahay kuna shaqeyneysaa ilaalinta xasiloonida iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka u dagsan, iyadoo arrintaas laga duulayana waxay ilaalada hoggaamiyaha madashu qaateen kaalin mas’uuliyadeed ayagoo ka hortagaya isku dhac hubeysan in labadaas habeen uu dhaco”. Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo labaduba ku jireen doorashadii madaxtinnimada ee ugu dambeysay Soomaaliya, ayaa hadda ku mideysan madasha xisbiyada Qaran. Qaran News
-
Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal haayay in ciidamo Itoobiyahaan ah ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana ay soo gaareen gobalka Gedo. Warar horu dhac ah oo laga helay ciidanka soo gaaray Gedo ayaa sheegaysa in ciidankaasi ay u badan yihiin ciidan Soomaali ah oo dhowaan tababar soo qaatay. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidankaan ay yihiin dhalinyaro sanadkii hore loo qaaday dalka Eritrea islamarkaana ay hada soo dhameesteen tababarkìi waxaana lagu soo dhax daray askar Itoobiyaan ah. Sababta ay ciidanka Itoobiya usoo raaceen ayaa lagu sheegay in ciidankaasi ay wataan hub culus oo ay mamnuuc tahay in Soomaaliya soo iibsato ama loogu deeqo maadaama ay saaran tahay cunaqabatayn dhanka hubka ah. Ciidamada ayaa qaarkood Gedo ku soo bandhigay hubka ay dalka la soo galeen oo ah lidka diyaaradaha. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in ciidankaan iyo kuwa Itoobiya ay u ruqaansan doonaan gobalka Jubada Dhexe oo ay si buuxda umaamulaan Al-Shabaab. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin ciidanka ajnabiga ah ee dalka soo galay iyo wararka sheegayo in ciidamo Soomaali ah qeyb ka yihiin ciidankaas ka soo gudbay xaduuda Itoobiya ee Gedo.
-
6 qof oo Soomaali ah oo xanuunka Coronavirus ugu dhintay Dalka Sweden. Dalka Sweden ayaa ka mid ah wadamada Europe ee Cudurka Covid-19 uu gaaray, warbaahinta gudaha Sweden ayaa xaqiijisay in 20kii sacadood ee la soo dhaafay ay xanuunkaan u geeriyoodeen dad kor u dhaafay 10 qof. Dadka Xanuunkaan u dhintay ayaa la sheegay in 6 ka mid ah ay yihiin dad Somali-Swedish ah, dadka xanuunkaan uu dilay ayaa u badan dad waayeel ah waxaana dawlada ay hadda bilawday sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta caafimaadka bulshada. Dawlada Sweden ayaa bilawday qaadista talaabooyin ay kaga hortagyaso faafista cudurkaan, dadka ayaa loogu baaqayaa in ay joogaan guryahooda, sidoo akle waxaa la xadiday goobaha la isugu yimaado iyo kulamada balaaran. Qaran News
-
Stockholm (Caasimada Online) – In ka badan 30 qof oo dalka Sweden ugu geeriyootay cudurka Coronavirus ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dad Soomaaliyeed oo ku noolaa dalkaas. Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ah Weriye ku sugan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa laanta af-Soomaaliga ee VOA u sheegay in magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Stockholm ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen in ka badan lix qof oo Soomaali ah. Dadka ku nool dalka Sweden ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa kor u dhaafaya laba kun oo qof, waxaana dhimashada lagu sheegay 33 ruux oo ay Soomaali badani ku jirto. Tirada guud ee dadka Soomaaliyeed ee degan dalka Sweden ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 90,000 oo ruux (Sagaashan kun), halka caasimadda dalkaas ee Stockholm Soomaalida degan lagu qiyaasay 30,000 oo qof. Warbixin xalay kasoo baxday dhakhaatiirta dalkaas ayaa lagu sheegay in dadka qaba xanuunkaas ay ku badanyihiin xaafadaha ay deganyihiin dadka Soomaalida ah ee ku nool Stockholm, iyadoo arintaas oo aaneynayo wacyi gelin la’aan jirta.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku tagto magaalada Hargeysa, maadama ay ka timaado dalal uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo Guddoomiye Faysal ayaa xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inaysan la fogaan ‘ficiltanka siyaasadeed’ ee kala dhaxeysa dowladda federaalka, midaasi oo horseeday in xukuumadu ku adkeysato in garoonkeedu u furan yahay, walow ay xayiraad ku soo rogeen dalalka qaar. Faysal ayaa ka dhawaajiyey in bad-qabka Bulshada uu ka horeeyo xiisada siyaasadeeda, isla markaana gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyada ay diyaarada Itoobiya ku timaado magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Guddoomiyaha ayaa ka digay in aafooyinka Somaliland uga yimaada dalka Itoobiya uu ugu darsamo cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo uu sheegay in uu noqon karo ‘Hooga reer Somaliland’. “Labo arrimood waa in la qaada, mid waa in la karantiila dadka ka yimaada dhulka lagu sheegay cudurkaasi sida ay yeeshay Itoobiya ee welibana Aduunkana yeelay, ama in duulimaadyadaa la joojiyo, hadeynu joojino ciyaalka Xamar jooga may joojine Coronavirus baa joojiyey” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Ficilku yuusan nasii eryin oo uu noo soo xambaarin cudurka, waxaana jeclahay arrintani waa aafo qaran ee waa in Mucaarid, muxaafid iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadaba aynu gacmaha is-qabsanaa, oo waxa kale oo dhan hareeraha iska dhigna”. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa iyadu weli kusii adkeysaneysa in sidoodii hore u socdaan duulimaadyada ka imanaya Itoobiya, midaasi oo halis caafimaad ku ah bulshadeeda. Somaliland ayaa u aragta duulimaadyada Ethiopian Airlines guul ay ka gaartay dowladda federaalka, maadama ay hareermartay go’aanadii ay ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, iyadoo ku doodeysa inay tahay dal ka madax-banaantahay Soomaaliya.
-
In the Nabadoon camp on the outskirts of Mogadishu, Asho Abdullahi Hassan, a 40-year-old mother of seven, has heard about the coronavirus on the radio. “I am very scared about this deadly virus. I only heard about it from the news. It is like we are waiting for death to come,” she says. The camp hosts about 3,000 families, most recently displaced from Somalia’s Lower Shabelle region following an intensification of fighting and US airstrikes. Humanitarian activists are warning that it may be impossible to stop the spread of the virus in such places, where sanitary precautions are difficult and social distancing impossible. In Nabadoon, few can afford soap and water is rare. “This can get very bad. It will be hard,” said Patrick Youssef, deputy director for Africa at the International Committee of the Red Cross. “Our fear is that governments will seek to protect those they see as their own populations and people … in refugee camps will be left to fend for themselves.” The spread of coronavirus in Africa has been much slower than in Europe and Asia, but the World Health Organization is concerned about a steep rise in cases across the continent in recent days. The WHO’s Africa region – sub-Saharan countries plus Algeria – had recorded 990 confirmed cases and 23 deaths as of Tuesday morning. Tedros Adhanom Ghebreyesus, director general of the WHO, has warned that official numbers may underestimate the scale of infection on the continent. “Probably we have undetected cases or unreported cases,” he said. “In other countries we have seen how the virus actually accelerates after a certain tipping point, so the best advice for Africa is to prepare for the worst and prepare today.” South Africa, Senegal and Rwanda are the most recent countries to impose stringent new restrictions on movement. President Cyril Ramaphosa said police and army would enforce a three week lockdown from Friday. But little attention has yet been paid to the 6.5 million refugees in sub-Saharan Africa, many living in precarious conditions, often already weakened by malnutrition and disease. Health officials across Africa know that hospitals can deal with only a fraction of those needing care if the virus spreads through overcrowded cities, remote villages and among vulnerable populations such as those suffering from HIV and other chronic conditions. Authorities are already moving to protect some sites. In north-east Nigeria, visitors have been banned from camps housing tens of thousands of people displaced by the Boko Haram insurgency, in a bid to prevent the spread of coronavirus. Nigeria, Africa’s most populous nation, on Monday reported its first death from Covid-19, as the country’s overall number of confirmed cases rose to 36. Prisoners and other detainees, such as those in detention centres for migrants, are also a concern, said Youssef. Uganda, which has nine confirmed cases, hosts more than 1.4 million refugees, with more arriving every day from from South Sudan, the Democratic Republic of the Congo and, to a lesser extent, Rwanda and Burundi. Professor Pauline Byakika, a specialist in infectious diseases at Uganda’s Makere University, said prevention and control were key to fighting the virus in the crowded conditions of most refugee camps. “This is a highly infectious disease,” Byakika said. “They are crowded, they don’t have handwash facilities – they don’t even have hand sanitisers – [and] distance between one patient and the other is so close.” Jane Ruth Aceng, Uganda’s minister of health, said that any case of Covid-19 in refugee camps would be treated like outbreaks elsewhere. “We have tents that we have procured, and [which are] ready to be set up to manage people who may get infected wherever,” she said. “For those who are severely ill, they will be referred and managed in the regional referral hospitals whose capacities are being built to handle Covid-19.” The UNHCR, the UN refugee agency, has launched a campaign to educate refugees in Uganda about hygiene and sanitation, increase distributions of soap and hand sanitiser, and train health workers. Experts believe some camps might be shielded to a degree by their distance from urban areas that are the usual entry points of the virus to countries. The age profile of many refugee settlements – with a very high proportion of young people and children – may also boost their resilience. But a significant risk is that the focus on the threat of coronavirus will distract from other needs. Ma’ow Ali Mohamud, a 56-year-old father of eight in a displacement camp in the Hodan area of Mogadishu, said his priority was food. “We only eat one meal every day. I am not bothered about coronavirus. We are lacking food. We do not have clean drinking water. That is my first priority,” he said. A neighbour, Maryan Abdi Yarow, 70, said she and her family were without protection against the disease. “My children are malnourished. We do not have access to basic healthcare and now they are saying coronavirus has been confirmed in Somalia. If someone is infected then what can they do? Nothing at all. “The government cannot even provide us clean water for drinking in this displacement camp. There are only six toilets for 1,000 families here. We are praying to God to help us.” Many refugees and displaced people live in villages or cities, not in camps. These include some vulnerable communities. Across Africa, LGBT men and women face discrimination and may be reluctant to seek medical help or inform the authorities about infection. In most African countries gay sex is illegal and potentially punished by long prison sentences, or even death. “We are in the midst of a public health emergency causing panic, death and fear on an international and widespread level,” the Refugee Coalition of East Africa, which represents a number of LGBT refugee organisations in the region, said in a statement. “It merits the attention of the world and its leaders. [But] at the same time, we implore humankind to not let us slip from your consciousness.” Source: The Guardian
-
Somalia’s elite forces captured a senior al-Shabaab militant in the Lower Shabelle region, the Information Ministry said Tuesday. “The elite 1st Danab Advanced Infantry Battalion conducted an operation that resulted in the capture of a high-profile senior al-Shabaab member in the vicinity of Wanlaweyn. This operation was a massive win for the Federal Government of Somalia, the Federal Member States, and the Somali Security Force,” according to a statement. The militant was identified as Ibrahim Mohamed Roble who operated in the region. US African Command also confirmed the operation and said: “This successful operation, led by our Somali partners, demonstrates progress.” Wanlaweyn, is located 90 kilometers (55 miles) southwest of the capital of Mogadishu. The Somali military on Sunday arrested Somali-based the al-Qaeda affiliated group intelligence chief in Lower Shabelle. Meanwhile, on Monday, at least seven soldiers were killed in a roadside bomb blast that targeted a military vehicle near the newly liberated town of Janaale, according to a local official who spoke to Anadolu Agency. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack.
-
Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) PRESS RELEASE Coronavirus in Africa: 43 countries with 1,788 positive cases Countries (13) with deaths (58): Algeria (17), Burkina Faso (4), DRC (2), Egypt (19), Gabon (1), Gambia (1), Ghana (2), Mauritius (2), Morocco (4), Nigeria (1), Sudan (1), Tunisia (3), Zimbabwe (1) ADDIS ABABA, Ethiopia, March 24, 2020/ — Countries (43) and with positive cases (1,788): Algeria (230), Angola (2), Benin (5), Burkina Faso (99), Cameroon (56), Cape Verde (1), Central African Republic (4), Chad (3), Congo (4), Côte d’Ivoire (25), Djibouti (3), DRC (45), Egypt (366), Equatorial Guinea (9), Eritrea (1), Eswatini (5), Ethiopia (12), Gabon (6), Gambia (2), Ghana (27), Guinea (4), Kenya (16), Liberia (3), Madagascar (12), Mauritius (36), Mauritania (2), Morocco (134), Mozambique (1), Namibia (4), Niger (2), Nigeria (40), Rwanda (19), Senegal (79), Seychelles (7), Somalia (1), South Africa (402), Sudan (2), Tanzania (12), Togo (18), Tunisia (75), Uganda (9), Zambia (3), Zimbabwe (2). Countries (13) with deaths (58): Algeria (17), Burkina Faso (4), DRC (2), Egypt (19), Gabon (1), Gambia (1), Ghana (2), Mauritius (2), Morocco (4), Nigeria (1), Sudan (1), Tunisia (3), Zimbabwe (1). Countries (11) with recoveries (184): Algeria (77), Burkina Faso (5), Cameroon (2), Côte d’Ivoire (2), DRC (1), Egypt (68), Ethiopia (4), Ghana (1), Morocco (3), Nigeria (2), Senegal (8), South Africa (12), Togo (1), Tunisia (1). Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). View multimedia content SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
-
Somaliland Economy: Millions Lost in Taxes If the central bank and ministry of finance had diligent and skilled academics, the government revenue would have increased by two folds. $550 million of taxes are not collected statistically. Nicholas Kay— the former UN envoy to Somalia, said in an interview he gave to the USA institute of Peace in 2014, generalizing Somalia, including Somaliland —departmental governments do not have the talent that would have lifted their people out of extreme poverty. He was speaking in his capacity — the UN mission roles in Somalia including Somaliland is to help economic development and good governance. In my curiosity about the ineffectiveness of taxation system in which companies and businesses both large and small avoid paying taxes, I came across yesterday a Toyota Land Cruiser driver who appeared to be a better-off person. I asked if he would kindly allow me to ask a question about our economy. I said to him that his tax disc had expired in December 2019 and why he had not taxed his vehicle? He said He would tax it soon and in response, I said to him he would have taxed in January 2020. I further elaborated that, if he were to tax it tomorrow, the government would lose two months of tax dues as tax disc would not be normally backdated from January, but the day he pays it. The guy at that point was so irate and said that he works for the finance ministry and became aggressive towards me, and I had to end the conversation. Nevertheless, six out of ten vehicles in Hargeisa do not display a valid tax disc based on my study. Tax disc for six months is only $20, and a year is $40 respectively. Motorists in Hargeisa avoid paying $10 million a year — that will fix potholes, construct new roads and also create employment opportunities for thousands of unemployed. Large companies avoid paying taxes of more than $300 million per annum. Small and larges businesses also are estimated to avoid paying more than $200 million based on my data. Finally, economic growth that would see us through the end of mass unemployment and reduction in extreme poverty is not plausible while enfeeble institutions have not got the capacity to manage the economy. Ahmed Abdi Isse Social Scientist isseahmed@hotmail.com Qaran News
-
Arrears on loans owed by Somalia to the African Development Bank (www.AfDB.org) Group have been cleared following the payment in full of $122.55 million by the governments of the United Kingdom and the European Union, marking the end of sanctions and the resumption of full re-engagement between the Bank Group and the East African nation. The long road to resolution of Somalia’s debt arrears began in 2014 and included the completion of three Staff Monitored Programs of the International Monetary Fund and significant advances on a fourth program. The process saw the high level of political commitment and consistent engagement of Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmaajo’, and Prime Minister Hassan Ali Khayre. This translated into the implementation of reforms that gave confidence to international financial institutions, including the African Development Bank and the International Monetary Fund. Speaking on behalf of the Somali government, Minister of Finance, Abdirahman Beileh, said: “The settlement of the arrears of Somalia to the African Development Bank, is a new beginning for us in Somalia. We stuck with our reforms, we were persistent, and it has paid off”. In response, Bank President Akinwumi Adesina noted that it was a historic moment for Somalia. “I am absolutely delighted that the African Development Bank provided the leadership needed to push for and successfully negotiate the arrears clearance for Somalia. It was a reflection of the power of partnerships and consensus-building,” Adesina said. Adesina further noted, “I commend the government of Somalia for their diligence in implementing reforms, and the UK government and the European Union for paying off Somalia’s arrears to the African Development Bank Group. Together, we got it done for the people of Somalia.” The Bank Group will immediately provide a new policy-based operation to help boost economic growth and accelerated the development of Somalia. The Bank’s current portfolio in Somalia totals $135 million, covering operations in the agriculture, water and sanitation, transport, social and energy sectors, and capacity building for multiple sectors of the economy. View the full article
-
Somalia’s elite forces captured a senior al-Shabaab militant in the Lower Shabelle region, the Information Ministry said Tuesday. “The elite 1st Danab Advanced Infantry Battalion conducted an operation that resulted in the capture of a high-profile senior al-Shabaab member in the vicinity of Wanlaweyn. This operation was a massive win for the Federal Government of Somalia, the Federal Member States, and the Somali Security Force,” according to a statement. The militant was identified as Ibrahim Mohamed Roble who operated in the region. U.S. African Command also confirmed the operation and said: “This successful operation, led by our Somali partners, demonstrates progress.” Wanlaweyn, is located 90 kilometers (55 miles) southwest of the capital of Mogadishu. The Somali military on Sunday arrested Somali-based the al-Qaeda affiliated group intelligence chief in Lower Shabelle. Meanwhile, on Monday, at least seven soldiers were killed in a roadside bomb blast that targeted a military vehicle near the newly liberated town of Janaale, according to a local official who spoke to Anadolu Agency. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-___-Qumanah-Warark-24032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga yo in lagula tacaalo cudurka Coronavirus ayaa caawa kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay. Maxamed Siciid Cabdullaahi, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqda. Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Madaxweyne ku xigeen Puntland waxaa booqashada Tukaraq ku wehelinayey Taliyaha ciidamada daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, xubno ka mid ah Guddiga dib-u-habeynta ciidamada oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka. Axmed Karaash, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa warbixin ka dhageystay, saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee Aaga Tukaraq, kadibna waxaa uu asteeyay xarun lagu tababaro ciidamada daraawiishta Puntland. Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa isku hor-fadhiya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo sanadkii 2018 labo jeer dagaal kharaar ku dhexmaray. 8 January, 2018, magaalada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland, kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay. Puntland iyo Somaliland ayaa muddo labaatan sano ka badan isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar badan ku dhexmaray dagaalo dhiig badani ku daatay. Booqashada Axmed Karaash ee Tukaraq iyo astaynta xero tababar ciidan, ayaa keeni karta xiisad hor leh. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo booqday Tukaraq oo isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Amniga ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku tilmaamtay waxba kama jiraan wararka sheegaya in Hey’addaha amniga ay abaabuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin eedeymaha ay Madasha Xisbiyada Qaran ku sheegeen qaar ka mid ah hey’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in madaxweynayaashii hore ee dalka ay amnigooda sugaan ciidamada ilaalada madaxtooyada, isla markaana aysan suurta gal aheyn in weerar uga yimaado hey’adaha amniga. “Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna aysan suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in labadii madaxweyne ee ka horeysay madaxweynaha haatan, ay dalkan kasoo asamata bixiyeen xaalado adag, isla markaana ay mudan yihiin tix gelin gaar ah. “Waxaanu adkeynaynaa in Madaxweyneyaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweyneyaal dalkan ka soo samata-bixiyey marxalad adag, qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah, amnigooduna uu yahay waajib qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay” ayaa lagu yiri qoraalkan. Ugu dambeyntii warqadan ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka digeyso warar been abuur ah oo sida lagu sheegay qoraalka ay faafinayaan ‘shakhsiyaad ku doonaya in ay ku gaaraan dano siyaasadeed.” “DFS waxay ka digeysaa ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadedkan oo goor dhaw kasoo baxay wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya.
-
Jowhar (SMN) – Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Talaada ah cod aqlabiyad ah ku meel mariyay miisaniyadda 2020-ka ee maamulkaasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada maaliyadda iyo horumarinta dhaqalaha, taas oo gaareysa Toban iyo Afar milyan, toban kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us) . Kulanka lagu ansaxiyay miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa waxaa si rasmi ah u soo xaadiray 51 xildhiban oo uu shir guddominay Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Hirshabelle Md Cabdi Xuseen Geeddi. Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa horay u soo gudbisey Misaanadda Hir-Shabeelle ee sanadka 2020,waxaana soo ansixiyey Golaha Wasiirada Maamulkaas,kuwaas oo u soo gudbiyey Baarlamaanka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-24032020.mp3 View the full article
-
Desk) — The Mogadishu-based Forum for National Parties has issued a statement accusing the Federal Government of Somalia of “what appeared to be an attempted attack against the leader of the Forum”, Former President Shariif Sheikh Ahmed. “The forum views the incident as a plot to destabilise the country, masterminded by Villa Somalia” the statement reads. Former President Sharif Sheikh Ahmed leads Forum for National Parties “There is no a reason to deploy troops near the house of Sheikh Sharif at night.” The Forum urged the Federal Government to finalise the draft constitution, spearhead efforts to defeat the terrorist group controlling parts of Southern Somalia and prepare the country for 2021 elections. The Forum urged Somali forces not to allow to be used for political and destabilisation purposes. The Federal Minister for Security Mohamed Islow denied reports about the alleged deployment of troops near the accommodation of the former President of the Transitional Federal Government of Somalia. “The Federal Government owes the former President a respect. We categorically deny reports that the Federal Government had deployed troops by the house of Sharif Sheikh Ahmed” the Security Minister wrote in statement for the media. © Puntland Post, 2020 The post FORUM FOR NATIONAL PARTIES CONDEMNS “A FAILED AMBUSH” AGAINST A FORMER PRESIDENT appeared first on Puntland Post.
-
Madasha xisbiyada qaran ayaa warsaxaafadeed ay galabta soo saareen waxaa ay ku dhaleeceeyeen fal ay ku sheegeen in uu ahaa isku day lala damacsaaa xarunta madasha iyo hoyga hogaamiyahooda. Madasha ayaa qoraalka ku sheegtay dhacdada oo dhacday habeenadii isxigay 22-ka iyo 23 bisha Maarso 2020-ka ay tahay mid xad gudub ku ah xasaanadda madaxweynihii hore kana soo horjeeda shuruucda dalka iyo nidaalka dowladnimo ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Madasha. Halkaan Hoose ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
