-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa waxa uu kullan magaalada Garowe kula qaatay culuma awdiinka Puntland iyaga oo kawada hadlay sidii looga hortagi lahaa xanuunka Coronavirus. Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in culumada deegaanada Puntland ay isla garteen in ay sii furnaadaan masaajidda balse la xiro gabi ahaanba goobaha looga weysqaato masaajidda islamarkaana qof waliba uu gurigiisa ka soo weysqaato si looga hortaggo in uu faafo cudurkan Covid19. Sidoo kale wasiirka ayaa tibaaxay in la isla gartay in dhamaan la joojiyo daruusta laga akhrinayay guud ahaan masaajidda maamulka Puntland, sababtana waxa ay ku sheegeen in ay tahay taxadar islamarkaana masaajidda caalamka ay intooda badan xiranyihiin. Dhanka kale culumada Puntland ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen in ay ka dhabeen doonaan qodabadii ay isla qaateen iyaga iyo maamulkooda, waxa ayna shacabka ugu baaqeen in ay sameeyaan taxadar islamarkaana ay Alle tala saartaan. Deegaanada Puntland ayaa horey waxaa looga dhawaaqay in la fasaxay goobaha waxbarashada iyo sidoo kale qeybo ka mid ah xafiisyada maamulkaasi si looga baaqsado faafida xanuunka Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay laga helay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay iska hor imaad u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan iyo ciidanka ammaanka maamulka Puntland uu ka dhacay waqooyiga degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii kooxda maleeshiyada ah ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen taliye ku xigeenka xabsiga waqooyiga Gaalkacyo iyo ilaaladiisa. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka hubeysan ay doonayeen inay xoog ku soo furtaan nin maxbuus ah oo la sheegay inuu ku dhex xanuunsaday xabsiga, kaas oo la socday gaariga la rasaaseeyey, lana rabay in lagu geeyo xarun caafimaad, si loogu dabiibo. Kooxda weerarka fulisay ayaa sidoo kale wararku waxa ay sheegaan inay ay ehel la’yihiin ninka maxbuuska ah oo ay horay Puntland ugu xukuntay dil toogasho ah. Inta la xaqiijiyey waxaa is-rasaaseyntaasi ku dhaawacmay illaa afar qof oo uu ku jiro taliye ku-xigeenka xabsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ragga weerarka qaaday ay si xoog ah markii dambe ku kaxeysteen maxbuuska ay doon-doonayeen. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga ay ka bixiyeen shaqaaqadaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, base ciidamada Puntland ayaa haatan xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo ka wada howlgallo baaritaano ah.
-
Somalia has received a consignment of COVID-19 testing kits and other preventive products such as face masks on Tuesday. The protective medical equipment was donated by Chinese billionaire and Alibaba co-founder Jack Ma to combat the coronavirus. An Ethiopian Airline carrying the equipment arrived at the Aden Abdulle International Airport (AAIA) in Mogadishu. It was received by Somali officials together with the Chinese ambassador in the country, Chin Jian. Deputy Minister for Health and Social Services, Saed Mohamed Abdullahi thanked the government of China and billionaire Jack Ma for the support saying a second consignment expected in the country in the forthcoming days. On his part ambassador, Jian pledged Beijing continued support to the federal government of Somalia. Since the outbreak of the virus in Wuhan months ago only one case was recorded in Somalia. A Somali citizen who traveled from affected countries tested positive and is under medication in Mogadishu. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa lagu soo warramayaa inuu ugu dambeyn aqbalay in uu la kulmo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Arrintaan ayaa ku timid, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug oo Xaaf ka dalbaday inuu u tanaasulo dadkiisa. Sidoo kale madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galoi xafladda caleema saarka ee Qoor-Qoor, kadib markii uu hoygiisa Gaalkacyo ku booqday guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada munaasabadaasi, Yuusuf Garaad. Galmudug oo marxalado kala duwan soo martay ayaa hadda yeelatay weji cusub, kadib markii laga adkaaday ururka Ahlu Sunna oo ku xooganaa deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
Bangiga horumarinta Afrika oo deyntii ka Cafiyey Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo dawladda ay ku sameysay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka. “Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray” “Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda. Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri wasiir beyle. View the full article -
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danan guutadooda 1-aad ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa dagaalmayaasha Al shabaab. Sarkaalkan ay dowladdu sheegtay in ay soo qabatay ayey magaciisa waxa ay ku sheegatay Ibraahim Maxamed Rooble waxa ayna sidoo kale tilmaamtay in laga soo qabtay qeybo ka mid degmada Walaweyn ee gobalka Shabeellaha hoose. Howlgalkan lagu soo qabtay sarkaalkan ayaa dhacay 23-kii bishan, waxaana qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu caddeeyay in shaqsigan uu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarsareysa ee Al shabaab u qaabilsanaa gobalka Shabeellaha hoose. Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan warka dowladda ee ah in sarkaal sare oo iyaga ka tirsanaa ay ku qabteen gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaan degmada Walaweyn. Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka ayaa howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameynayeen gobalka Shabeellaha hoose, waxaana dhowaan ay si buuxda ula wareegeen magaalada Janaale, iyaga oo sidoo kalane sheegay in degmooyin iyo deeganno kale ay qabsan doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Yunnan)-Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii toddobaadkan, waxaanay keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka coronavirus ee ka yimid dalka China. Telefishinka Shiinaha ee Global Times ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ninkaan isagoo ku sii jeeday Gobolka Shandong uu raacay bas Isniintii. 32-ka qof oo baska saarnaa ayaa iyagana laga baadhay fayraska. Sida lagasoo xigtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee dalka China (CDC), hantaviruse waa qoys kamid ah Viruska oo ku faafa badanaaba xawayaanka jiirka, isagoo uga gudbi kara dadka. Cudurku ma aha mid lagu kala qaado hawo-qaadasho sida cudurka Coronavirus, balse waxaana laga qaadi karaa oo kaliya taabashada kaadida, saxarada, iyo candhuufta dadka qaba feyraska. Calaamadaha hore ee cudurkaan waxaa ka mid ah daal, xumad iyo murqo xanuun, oo ay weheliso madax xanuun, dawakhaad, dhaxan iyo dhibaatooyin caloosha ah. Haddii aan la daaweyn, waxay horseedi kartaa qufac iyo neefsashada oo yaraat. Waxayna noqon kartaa mid ugu dambyntii keenta geeri iyadoo heerka dhimashada uu yahay 38 boqolkiiba, sida laga soo xigtay CDC. Waxaa cudurkaan sidoo kale astaamihii kamid ah, cadaadis dhiig oo hooseeya, naxdin daran, murqu xanuun, iyo kelyaha oo shaqadiisa xumaato. Source
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa ay kula wareegtay qalab caafimaad oo looga hortagayo xanuunka faafa ee Coronavirus, deeqdaasi oo ka timid dalka Shiinaha. Garoonka diyaaradaha oo ay ku sugnaayeen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamed Siciid Cabdulaahi, ayaa waxa ay halkaasi safiirka shiinaha u fadhiya kala wareegeen qalabkan caafimaad oo la sheegay in looga hortago Covid-19. Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Maxamed Siciid cabdulaahi oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay maalqabeenka reer Shiina ee Jack Ma oo isagu deeqdaan ugu deeqay dowladaha Afrika ee laga helay xanuunkan, isaga oo wasiirku sheegay in waqti loo baahnaa adeegan la soo gaarsiiyay. “Aniga oo magaca dowladda ku hadlaaya waxaa markale mahad gaara u celinaynaa walaalaheen waddanka Shiinaha oo run ahaantii waqti aan u baahnayn ay noo gurmadeen runtii” ayuu yiri wasiir Maxamed Siciid Cabdulaahi. 16-kii bishan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah laga helay gudaha dalka, deeqdaan ayaana ka qeyb qaadanaysa ka hortagga xanuunkaan caalamka ku sii fidaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tirada Soomaalida U Dhintay Cudurka Coronavirus Oo Korodhay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Sweden)-Waxaa sii kordhaya tirada dadka Soomaalida ee ugu geeriyooday caabuqa coronavirus waddamada barwaaqo sooranka ee qaarada Yurub. Dalalkan ugu daran ayaa waxaa ka mid ah wadamada Sweden Norway iyo Denmark oo ka mid ah waddamada ay ku nool yihiin Soomaalida. Dalka Sweden ayaa waxaa cudurkan ugu geeriyooday 23 qof, iyadoo 12 ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah sida ay sheegtay Dowlada. Yaasiin Cabdiraxmaan oo ka mid ah siyaasiyiinta Sweden ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida in taxadar ay muujiyaan ayna ku sugnaadaan guryahooda. Dhanka kale caabuqa cudurkaan ayaa wuxuu saameeyay isku socodka dalalka Yurub. Source -
(SLT-Delhi)-Dowlada Hindiya ayaa Salaasada shalay qaadatay tallaabadi ugu adkeyd ee uu dal kula tacaalo cudur-sidaha Corono, kaddib marki ay bandoow gelisay dhammaan waddanka, kaasoo ku qasbaya in ka badan 1 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo qof in ay guryahooda joogaan muddo 21 maalin ah. Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa dhaqan galay xalay saqdi dhexe xilliga Hindiya, waxaanu ugu baaqay shacabka in ayna argagixin. Dukaamada lagu iibiyo cuntada ayaa safaf dhaadheer loogu jiray guud ahaan wadanka, ka hor inta aan bandowga dhaqangalin. In ka badan 500 oo kiis oo coronovirus ah ayaa laga diiwaangeliyay Hindiya. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – War ka soo baxay wasaaradda cadaalada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay inay khafiifisay amaradii horay uga soo baxay ee ku aadan in la xiro dhammaan maasliyada iyo dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka. Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay wadatashiyo kala sameysay Culimada iyo qeybahabulshada, islamarkaana ay dib u eegis ku sameysay go’aankii hore, kadib talooyin ka yimid Culimada, Macalimiinta iyo mu’adimiinta. Wasaaradda ayaa shaacisay in dhinacyadaasi ay isku raaceen in aan la xirin masaajidda balse laga shaqeeyo nadaafadda goobahaasi, si looga hortgago Coronavirus. Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in la’isla gartay in gabi ahaan la xiro Musqulaha iyo meelaha lagu weesaysto, si loo ilaaliyo nadaafadda guud. Puntland ayaa horay u soo saartay amaro lagu xirayo dhamaan goobaha waxbarashada iyo meelaha isu imaatinka dadka, si loo xakameeyo faafitaanka COVID19. Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in hal kiis oo ka mid ah xanuunkaan laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bangiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo dawladda ay ku sameysay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka. “Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray” Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in warbixinta soo baxday ay muujinayso isbadalka Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka maamulka iyo maaliyadda dalka, waxa uuna yiri “Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir beyle. Horey hey’adda IMF waxa ay sheegtay in dadaal dheer ku bixinayso sidii Soomaaliya dhamaan looga cafin lahaa deymaha uu caalamku ku leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad kooban oo Talaadadii shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Iska hor-imaadka ayaa sida la sheegay bilowday kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay jidka u galeen gaari lagu siday maxbuus dil ku xukman oo xabsiga ku xanuunsaday kaasi oo loo waday isbitaal si loo soo daweeyo. Malayshiyaadka ayaa dhaawac culus gaarsiiyay taliye ku xigeenka xabsiga Gaalkcayo iyo hal askari ah oo ka tirsanaa ilaalada xabsiga waxaana ay xoog ku ka xaysteen maxbuuska oo ay ehelo ahaayeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in maxbuuska uu dhaawac ka soo gaaray rasaastii halkaas ka dhacday sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo xabbad wiifto ah ugu tagtay gurigiisa islamarkaana ku dhaawacmay. Maxbuuska xoogga lagu furtay ayaa horay maxkamadi dil toogasho ugu xukuntay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug-lahaa dil ka dhacay Gaalkacyo. Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaanayay waxaana halkaasi ka dhacay dilal kala duwan iyo bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah oo khasaare gaystay. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Malayshiya-beeleed xoog ku furtay maxbuus dil ku xukunnaa appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Liyuu Boolis ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. Ciidamadaan oo ka soo tallaabay xadka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay ruux shacab ahaa ku dileen deegaanka Xuday-Woogle oo qiyaastii 35 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolkaasi. Marxuumka oo sidoo kale beeraley ahaa ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Sheekh Doon Cilmi Ciyow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib uu iska hor imaad dhex-maray ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo dadka deegaanka oo si weyn uga carooday falka dilka ah ee loo geystay marxuumkaasi. Inta badan ciidamada Liyuu Boolis ayaa dhibaatooyin kala duwan ka geysta xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhanka gobolka Hiiraan. View the full article
-
Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka ayaa beenisay in Ciidamada Dowladda ay go’doomiyeen Guriga Madaxweynihii hore ee Sh Shariif Sh Axmed.. Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay qalab caafimaad oo qayb ka qaadanaya qorshaha ka hor tegga Caabuqa CORONA. Somaliland ayaa sheegtay in ay billaabi doonan Howlgallo looga hortagayo faafidda Caabuqa CORONA isla markana aysan ogolan doonin in Dadku isugu yimaadan koox koox. Aqonyahn Soomaliyed ayaa sheegay in Dowladda somaliya ay heli kartay xal kale oo aan ahayn go’aan dhex-dhexaadinta ahaa ee ay ka qaadatay arrinta Masar iyo Itoobiya Safaaradda Somaliya Dalka Koonfur Afrika ayaa hakisay shaqoyinkii ay hayeen bulshada, cabsi laga qabo faafidda Caabuqa COVID19. Maamulka Gaaronka Diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa maanta shegay in ay gacanta ku dhigeen qaad laga qaaday Magaalada Muqdisho. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-25-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa xalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagtay diyaarad ka timid wadanka Shiinaha, taas oo siday agab caafimaad oo loo qorsheeyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay uga hortagto cudurka Corona. Goobta lagu soo bandhigay qalabkaan oo ah garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, Mr Qin Jian. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Caciid Cabdullaahi ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay agabkaan oo qeyb ka qaadana ka hortagga COVID-19. Dhankiisa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa caddeeyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Soomaalita ay ka caawin doonaan la dagaalankan cudurkaan oo fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-250320.mp3 View the full article
-
Maalin kadib markii xukuumadda Puntland ay amartay in la xiro dhammaan masaaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus, ayay mar kale go’aankaas dib u eegis ku samaysay dowladdu. Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud, oo shalay kulan gaar ah la qaatay culimaa’udiinka masaajidda,ayaa sheegay in dowladdu ay khafiifisay go’aankeedii ahaa in la xiro masaajidda, si looga hortago Coronavirus. Wasiir Xaamud, ayaa sheegay in dowladda iyo culimaa’udiinku ay isu raaceen in masaajiddu sii furnaadaan, balse la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda, islamarkaana la ilaaliyo nadaafadda, si looga hortago cudurkaas. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in masaajidda ku yaalla Puntland ay sii furnaan doonaan, haddii aan kiisas coronavirus ah laga helin gudaha Puntland, balse haddii kiisas cusub la arko dhammaan la xiro doono masaajidda. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay ka laabatay amarkii ay masaajidda ku xirtay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shaaciyay in Bankiga horumarinta Afrika uu Soomaaliya ka cafiyay dhammaan deymihii uu ku lahaa, taas oo sida uu sheegay dowladda Soomaaliya dadaal ku bixisay. “Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray” ayuu yiri Beyle Wasiirka ayaa ku faanay, in wasaaraddiisu ay dadaal xooggan gelisay hagaajinta hannaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka, taasina keentay in la aamino nidaamka Maaliyadeed ee Soomaaliya, deyntana laga cafiyo. “Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri sii raaciyay. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay sii wadista isbedellada dhanka horumarinta Maaliyadda dalka, isagoo u mahadceliyay saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya la shaqeeya. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika”. PUNTLAND POST The post Bankiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay deymihii uu ku lahaa appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor ayaa bilaabay inuu heshiis la galo xildhibaanada iyo dhamaan dadka diidan maamulkiisa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegaya in heshiis muhiim ah ay galeen Madaxweyne Qoor iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo diidanaa doorashadii Dhuusarameeb. Waxyaabaha ay dhinacyadu isku afgarteen ayaa waxaa kamid ah. 1) – In xildhibaanada mucaaradka ah ay ka qeyb galaan Caleema saarka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo dhawaan la filayo in lagu qabto Dhuusamareeb. 2) – In dhinacyadu kawada shaqeeyaan danaha Galmudug ayna xildhibaanada ka qeyb qaataan dib u heshiisinta siyaasinta gobalka iyo hogaanka maamulka. 3) – Iyo madaxweyne Qoor Qoor oo Xildhibaanada u balan qaaday in uu kala shaqeyn doono sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen baarlamanka Soomaaliya oo lix bil kadib waqtigiisu dhamaanayo, lana filayo in dib looga soo doorto Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale heshiis la galay Madaxweynihii ka horeeyay ee Xaaf waxaana la filayaa inuu xaliyo tabashada hogaanka Ahlu-Sunna, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah. Masuuliyiin badan oo daneeya arrimaha Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyada Qoor Qoor ku tilmaamay mid isu keeni kara Galmudug meeshana ka saari kara dib u dhaca gobalka.
-
Diyaarad siday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu tala-galay ka hor-tagga iyo in lagula tacaalo cudurka Covid-19 ayaa xalay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Qalabkan ayaa waxaa qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma, oo ah aas-aasaha shirkadaha Alibaba, sidoo kalena ah ninka ugu taajirsan dalka Shiinaha oo cudurkan saf-mareenka ku noqday dunida uu kolkii hore ka dillaacay. Diyaaradaan ayaa ka timid dalka Itoobiya, waxaana garoonka ku sugayey Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi, iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey, kuwaas oo safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian, kala wareegay deeqdaas. Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro cudurka Coronavirus iyo qalabka ay isticmaalaan dhakhaatiirta ka howlgala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee dunida ku baahay. PUNTLAND POST The post Safiirka Shiinaha oo qalab lagu baaro Coronavirus ku wareejiyay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Female Genital Mutilation (FGM) is still widely practised in the African country of Djibouti. Despite efforts by the government and development agencies to curb this practice, culture, tradition and religion continue to slow down progress. Source: Hiiraan Online
-
DUBAI: Since the COVID-19 outbreak, now officially a pandemic, began in December, schools and educational institutions have closed worldwide, Source: Hiiraan Online
-
MAPUTO, Mozambique (AP) — More than 60 undocumented migrants believed to be Ethiopians have been found dead in a cargo truck in the Mozambique’s northwestern Tete province. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
