Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalo dadka kuu dhimanaya ay ka badan yihiin tirada waddamo badan Ma ahan oo kaliya fagaareyaal maran iyo Isbitaallo buux dhaafay. Magaalada Guayaquil, oo ah magaalada ugu dadka badan dalka Ecuador ayaa dadka uu soo ritay cudurka Covid-19 waxa ay ku dhimanayaan waddooyinka, waxaana maalmo qaato in meydadka dadka ku dhintay guryahooga ee sababsaday cudurkaasi la daad-gureeyo. Gobolka Guayas waxaa tan iyo kowdii bishan Abriil cudurkaasi u dhintay dad ka badan kuwii ku dhintay ama uu ku dhacay cudurkan waddaamda Latin Ameeika oo tiradoodu ay tahay 60 qof oo dhimasho ah iyo 1, 937 qof oo kale oo la xaqiijiyay in uu soo ritay. Magaalada Guayaquil oo kaliya oo caasimad u ah gobolkaasi ayaa waxaa ku nool ku dhawaad 70% dadka uu cudurkaasi ku dhacay guud ahaan dalkaasi. Waxa ayna ka mid tahay magaalooyinka caalamka ee uu sida ba’an u aafeeyay cudurkan. Dadka iyaga oo aan cudurka laga baarin u dhintay marnaba qeyb kama ahan tiradan. Waddanka Ecuador ayaa kaalinta saddexaad kaga jira waddamada Latin Ameerika marka la eego tirada dadka uu cudurkani ku dhacay, waxaana ka horreeya waddamada Brazil iyo Chile, balse marka la eego tirada dadka cudurkaasi u dhintay waxa uu noqonayaa dalka ugu dhimashada badan. Goobaha meydadka la dhigo ee ku yaal magaaladaasi ma xamili karaan tirada meydadka maalin waliba soo gaaraya. Xaaladda ayaa gaartay heer madaxweyne Lenín Moreno uu sameeyo guddi gaar ah oo shaqadiisu tahay uruurinta meydadka iyo aaskooda. “Adeerkey Segundo ayaa dhintay 28-kii bishii Maarso, mana aysan jirin cid na caawisay.” Ayay tiri Jésica Castañeda, oo ka mid ah 2.5 milyan ee qof ee ku nool magaaladani oo qiyaastii 600km koonfur ka xigto caasimadda dalkaasi ee Quito. “Isbitaalladu ma lahan sariiro ku filan, sidaa awgeed waxa uu ku dhintay guriga. Waxa aynu wacnay adeegga gurmadka deg degga ahi, waxayna noo sheegeen in aan dul qaadanno oo aan sugno. Meydkiisa wali waxa uu saaran yahay sariirtii uu ku dhintay oo wali ma aanan taaban.” Ma ahan oo kaliya bukaannada u dhintay cudurka Coronavirus kuwa aan wax gurmad ah ka helayn adeegga gurmadka deg degga ee magaaladaasi. “Nin dariskeyga ahi ayaa soo dhacay waxa uuna dhaawac ka gaaray madaxa. Waxaan wacay lambarka 911 ee adeegga gurmadka deg degga ahi, balse cidna iima soo gurman,” ayuu yiri Wendy Noboa, oo ku nool woqooyiga magaaladaasi. Gorky Pazmiño oo 96 ahaa oo deris la haa Wendy Noboa ayaa shil ku dhintay 29-kii bishii Maarso. “MeydiikiIsa ayaa bannaanka yiillay maalin dhan ilaa iyo inta xubnaha qoyskiisa ay ka qaateen. Balse ma aysan awoodin in ay aasaan waayo waxay waayeen dhakhtar u saxiixa waraaqda caddeynayso geeridiisa si ay u aastaan.” ‘ilaa iyo 72 saacadood’ Dadka deegaanka ayaa adeegsanaya baraha xiriirka bulshada in ay ku shaaciyaan macluumaadka la xiriira dadka waddooyinka ugu dhintay cudurkan. Muqaal maalmo dhawayd lagu faafiyay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinyay nin ku naf baxay bannaanka hore ee Isbitaal ku yaalla magaaladaasi iyo dad dibad-baxyo dhigaya oo doonaya in dadka guryaha ku dhintay meydadkooga la soo daad-gureeyo. “Seygayga ayaa tagay goob khudaarta lagu iibiyo waxa uuna halkaasi kula kulmay qof meyd ah oo yaalla bartamaha jidka. Sidoo kale waxaa loo sheegay in meyd kale uu yaalo meel aan halkaasi ka fogeyn,” ayay tiri Jésica Zambrano, oo ah weriye la shaqeysa wargeyska maalinlaha ah ee El Telégrafo oo ka soo baxa Guayaquil. “Halkan waxaan horey u arki jirnay dadka darbiyada jiifa, balse haatan waxaan aragnaa meydadka dadkaasi oo daadsan bartamaha magaalada.” Bukaannada ku dhintay guryahooda ayaa aad u tiro badan, waxa ayna cadaadis ku hayaan xarumaha caafimaadka ee dowladda. Isbitaallada oo haatanba buux dhaafay ayaan qaabili karin bukaanno hor leh. “Dadka magaaladani Guayaquil ayaa wajahaya xaalad adag, qaarkood waxay ku qaadataa 72 saacadood si mas’uuliyiintu ay u qaadaan meydadka,” ayuu yiri Blanca Moncada, oo ah suxufi la shaqeeyo wargeyska Expreso. Usbuucii ugu dambeeyay ee bishii Maarso ayaa in kabadan 300 oo qof waxay cudurro kala geddisan ugu dhinteen guryhooga, waxaana meydadkooga markii dambe daabulay ciidamada booliska. Ilaa haatan 115 meyd ayuu qorshaha yahay in laga soo qaado guryaha ay ku kala dhinteen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi ee EFE. XANUUNKA COVID-19 EE DALKA ECUADOR Dowladdu waxay tan iyo labadii bishan ay xaqiijisay 98 dhimasho ah iyo 2,758 xaaladood oo cudurkaasi ah. Waa waddanka saddexaad ee ugu badan cudurkan guud ahaan waddamada Latin Ameerika, waxaana ka horreeya waddaamda Brazil iyo Chile. Dhimasho marka la yirahdo, dalkaasi waxa uu ku xigaa waddanka Panama. Gobolka Guayas ayaa ah gobolka uu aadka u saameeyay cudurkaasi, waxaana ilaa haatan la xaqiijiyay in gobolkaasi uu cudurka soo ritay in kabadan 70% marka loo eego tirada guud ee dalka. In meydadka la uruuriyo waxaa sii adkeynaya Bandow 15 saacadood ah oo maalin kastaa billaabanaya labada duhurnimo. Darwin Jarrín oo ah taliyaha ciidamada militariga dalkaasi ayaa dowladda u qaabilsan la tacaalidda cudurkaasi ee gobolka, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaadka usbuucan la aasi doono dhammaan meydadka. Warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi ayaa sheegeysa in muran siyaasadeed uu ka dhashay sidii loola tacaali lahaa tirada sii kordheyso ee dadka u dhimanaya cudurkan. Duqa magaalada Guayaquil, Cyntia Viteri (oo hadda karantiil ku jirta ka dib markii cudurka laga helay), ayaa dowladda dhexe ku eedeysay burburka ku yimid hannaanka daryeelka caafiamad ee dalkaasi. “Meydadka ayay uga tagayaan waddoonka, dadku waxay ku dhimanayaan bannaanka hore ee cusbitaalalda. Ma jiro qof doonaya in uu meyd meel ka qaado. Haddaba maxaa ku dhici doona dadkayaga xanuunsan? Dadku waa in ay albaabada ku garaacaan cusbitaallada sariir la’aan awgeed aan bukaan cusub qaabilayn,” ayay tiri Cyntia Viteri. Muranka xabaal-wadareedka Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa si deg deg ah uga jawaabay halista caafimaad ee dalka soo wajahday ka dib markii dalakaasi laga helay qofkii ugu horreeyay ee uu soo ritay cudurka. “Marnaba ma beenin karno waxa jira, waa arrin halis ah,” ayuu yiri Juan Carlos Zevallos oo ah wasiirka caafimaadka dalkaasi. “Balse waa in aan caddeyno in aanu ka mid nahay waddamadii ugu horreeyay qaaraddan ee soo rogo tallaabooyin looga hortagayo faafitaanka cudurkan.” Zevallos waxa uu sheegay in eedeymaha qaar ee ka dhanka ah dowladda aysan ahayn kuwo la qaadan karayo. Dowlada gobolka Guayas ayaa soo jeedisay in dadka u dhintay cudurkan lagu aaso xabaal wadareedyo, balse arrintaasi ayay markiiba ka laabatay. Waxaana khubaradu ay sheegayaan in dadka magaalada Guayaquil aysan aqbali karin in eheladoodu lagu aaso xabaal wadareed, sababo la xiriira diimahooga. Jorge Wated waa madaxa guddi qaran oo uu soo magacaabay madaxweyne Moreno oo ujeedadiisu tahay sidii loo uruurin lahaa meydadka daadsan guryaha iyo Isbitaallada. Waxa uu sheegay in uusan aqbali karin in la yirahdo dadku waxaa lagu aasayaa xabaal wadareedyo. Noolol cabsi ah Dhibaatadu waxaa qeyb ka ah goobaha lagu keydiyo meydadka oo diidan in ay qaabilaan meydadka sabaobo la xiriira cabsi ay ka qabaan cudurkan. Dadka qaar waxay sheegayaan in loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo arrintan xal loogu raadiyo. Ernesto Torres oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha caafimaadka dad weynaha ayaa rumeysan in cudurkani ay tahay in bulshada laga qeyb geliyo la dagaalanka cudurkani. In kabadan 17% dadka ku nool magaaladani Guayaquil ayaa ah dad sabool ah. Waxaana aad u badan sinnaan la’aanta dadka, gaar ahaanna arrimaha bulshada. Balse mas’uuliyiinta qaar waxay rumeysan yihiin in arrintani oo kaliya aysan ahayn dhibaatada, sidaa awgeedna xitaa deegaananda kale ay wajihi karaan xaalado la mid ah tan halkan ka jirto, waa haddii uu cudurkan si ba’an u faafo. Qaran News
  2. Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmada Dharkenley ee G/ Banaadir. Howlgalka oo laga fuliyey waaxda koowaad ee degmadaasi ayaa intii uu socday wuxuu iska hor imaad dhex-maray rag burcad ah iyo ciidanka amniga oo baacsanayey. Is-rasaaseynta oo muddo kooban socotay ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah raggii hubeysnaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Xasan Cadow Xabad-Weyne. Weli maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka dowladda kama hadlin dhacdadaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan. Muddooyinkii la soo dhaafaay shacabka ku dhaqan Dharkenley ayaa waxa ka cabanayeen rag burcad ah oo dhibaatooyin kala duwan ka geysanayey degmadaasi. View the full article
  3. Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed lagu weeraray duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi, xilli ay ku socdaalayen duleedka degmadaasi. Weerarka oo ahaa mid jid-gal ah ayaa waxaa fuliyey dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuuliyadda weerarkan ayaa baahisay inay ku dishay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sidoo kalena ay ku dhaawacday illaa saddex kale. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo la xariira weerarkaas iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa hada yare degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi. Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda, xilliyada ay isaga kala gooshayaan wadooyinka isku xira gobollada Baay iyo Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya. View the full article
  4. Somalia’s former president Hassan Sheikh Mohamud has cautioned against efforts that could derail Somalia’s march towards democracy. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-07042020.mp3 View the full article
  6. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa weli ku sugan xaalad adag, isaga oo qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka kula dagaalamaya cudurka Coronavirus, oo haleelay 10 maalmood ka hor. Johnson ayaa qeybta daryeelka deg degga ee isbitalka la dhigay Axaddii, kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cudurka Coronavirus, sida qandho xooggan. “Iminka aynu hadleyno, ra’iisul wasaaraha wuxuu ku sugan yahay xaalad deg deg ah, waxaana la-tacaalaya dhaqaatiirta, isaga oo daryeelka ugu wanaagsan ka helaya koox ku sugan isbitalka St Thomas. Rajadeena iyo ducadeena ayaa la jirta isaga iyo qoyskiisa,” waxaa sidaas yiri Michael Gove, oo ah wasiirka xafiiska golaha wasiirada, oo la hadlay taleefishinka BBC. “Waxaan dhammaanteyn rajeeneynaa in caafimaadkiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan, taas waa waxa aan hadda ka fakareyno,” ayuu yiir. Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street. Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda. Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen. REUTERS + AFP + VOA
  7. Somali and U.S. security forces on Sunday evening killed eight al-Shabab militants in the latest onslaught on the extremist group in the southern region, officials confirmed on Monday. The Somali Ministry of Information said no civilians were killed or injured in the attack conducted by the Somali National Army (SNA) and U.S. Africa Command (Africom) in the vicinity of Mubarak. “The Federal Government of Somalia, the SNA, Danab Brigade, and its United States partners are committed to fighting al-Shabab terrorists in order to prevent the deaths of innocent civilians,” the ministry said in a statement issued in Mogadishu. “The efforts we take to protect and safeguard civilians dramatically contrast to the indiscriminate attacks that the coward al-Shabab regularly conducts against the civilian populace of Somalia,” it added. The drone strikes have largely targeted al-Shabab figureheads based in southern and central Somalia where the group still maintains a strong grip in some regions. The extremists have recently stepped up their attacks against African Union and Somali forces especially in Mogadishu, targeting their bases, hotels and other public places. View the full article
  8. MOGADISHU (HOL) - Somalia has halted issuance of passports in its latest measures to curb the spread of the deadly COVID-19 cases after the country recorded its seventh case Friday. Source: Hiiraan Online
  9. Somalia has received USD 100,000 as a financial contribution from IGAD to combat the Corona Virus on Monday. The Permanent Secretary of the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, Ambassador Mohamed Ali-Nur Haji, received the check from Jemal Ahmed, a senior liaison officer for the Inter-Governmental Authority on Development Office in Mogadishu. The financial contributions delivered to members of the regional block is a gesture of solidarity from the staff members of the regional organization towards the Federal Republic of Somalia in its fight against the COVID-19. Contributed funds have been distributed to all member states of the organization in equal installments. IGAD has collected $ 700,000 in financial donation from its 430 active employees in various duty stations throughout the region. The move is aimed to indicate a willingness to participate in efforts to protect the IGAD citizens from the epidemic while showing solidarity with the region. Somalia has so far registered seven COVID-19 cases with one patient fully recovered with no deaths according to the Ministry of Health of the Federal Republic of Somalia. View the full article
  10. Shirkadaha xawaaladuhu badanaa waxey u adeegaan qurba joogta qaraabadooda iyo asxaabtooda gudaha dalka jooga lacagaha usoo dira; in kastoo mararka qaar la arko ganacsato dalka gudihiisa ku sugan oo lacago dibadda loogu xawilo si ganacsi ay dalbadeen ama ay doonayaan loogu soo iibiyo. Laakiin suuqa ganacsiga lacagaha lasoo diro in muddo ahba waxaa saameeyn ku yeeshay oo ciriiri badan geliyay sharciyo adag oo salka ku haya baqdinta laga qabo lacagaha sida khaldan loo diro (money laundering) ee maalgelinta xagjirka loo adeegsado, arrintaas oo welwel gelisay Soomaali badan oo ay u muuqatay in ku adkaan doonto taageeradii ay u fidin jireen qaraabada iyo asxaabtii dalka joogtay ee ay cududda u ahaayeen. Sida ay dhaqaaleyahannadu qiyaasaan dadka Soomaaliyeed 40% waxay ku tiirsanyihiin oo ay ku noolyihiin lacagta dibadda looga soo diro, tusaal ahaan dalka Britten waxaa laga soo diraa $139 milyan, guud ahaan lacagaha dalka ay soo geliyaan xawaaladaha lagu qiimeeyo illaa 2-bilyan oo dolar. Iyadoo ay jirto in xawaaladaha ay markiiba hore dhibaato iska haystay oo intooda badani ay lacagaha boorsooyin ku qaadi jireen isla markaan ay la raaci jireen diyaaradaha, ayaa hadda culeyskii hore uu kusoo kordhay mid cusub, waa caabuqa dunida oo dhan naafeeyay ee “Coronavirus” oo sabab u noqday in dhaqaalihii dunidu uu wiiqmo, dad badani ay shaqadooda ku waayeen, isku socodkii dunida uu gaabis galo, dowlkastaa ay xuduudaheeda badda, beriga iyo cirkaba ay xirato si aan caabuqu u soo gaarin ama ay u xakameeyaan. Hadaba, Warbixintan waxaa ku eegaynaa dhibaatada uu Coronavirus u geystay xawaaladaha dalka maadama la tacaalidiisu ay hadda sii cagacageynayso muddo 4 bilood ku dhow, haddii xaaladdu ay sidan kusii socotana ay adkaan doonto nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo ku tiirsanaa qaraabadooda dibadda joogta oo nolol maalmeedkooda uu ku xiran yahay. Muhiimadda Ay Xawaaladuhu U Leeyihiin Dhaqaalaha Dalka Cidna kama Qarsoona qiimaha ay xawaaladuhu dalka ugu fadhiyaan oo halbowlaha dhaqaalaha ay yihiin, la’aantoodna ay wax badani ciriiri geli doonaan, waa sida uu aaminsan yahay Cabdiweli Muuse Maxamuud oo ah guddoomiyaha xawaaladleyda Soomaaliyeed oo wareysi gaar ah siiyay goobjoog, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa; “Dhaqaalaha Soomaaliyeed meesha ugu muhiimsan waa xawaaladaha, waxa soo raaca waa wax yaryar, xoogaa ari oo la dhoofiyo marka ay Udxiyadu timaaddo oo Sucuudiga loo dhoofiyo oo sanadkaanba sida howshu ku socoto aan jireyn, xagga beerahaan waxbadan lagama dhoofiyo.” Waxa uu tilmaamay in lacagaha qalaad ee dalka wareegaa ay yihiin kuwa ay xawaaladuhu soo diraan, haddii la waayana uu ka baqayo abaartii caga-bararka mid ka daran ay dalka ka dhacdo: “Suuqyada iyo magaalooyinkana si weyn ayuu waxyeello ugu geystay<Hoos u dhaca xawaaladaha> sababta oo ah dadku waxey wax ku kala gadanayeen ama lacagta dalka wareegaysay waxey ahayd lacagaha ugu badan tan dadka jaalidaha dibadaha jiraa ay usoo dirayaan dadka qaraabadooda ah, lacagtaas ayaa aad u wareegaysay, lacagtiina hadda ma leh, xaaladdii caga bararkii ka daran iney dhacdo ayaan cabsi badan ka qabaa.” Dhanka kale, Aadan Xalane ah oo Aqoon yahan wax ka barta cilmiga dhaqaalaha oo aan wax ka weydiinnay muhiimadda ay xawaaluduhu dalka ugu fadhiyaan ayaa ku jawaabay: “Doorka xawaaladaha Somaliya wuxuu si weyn muhiim ugu yahay dib u cusboonaysiinta dhaqaalaha dalka isaga oo ka caawinaya wadista matoorka dhaqaalaha.Dadka loo soodiro lagacaha ee ku nool dalka waxay ku maareyaan lacagahaas noloshooda aasaasiga ah Sida; Cuntada, Biyaha, korontada, Kirada ama ijaarka, waxbarashada ilmaha iyo waliba qaar kale oo ka sameysta ganacsiyo yaryar.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Dhanka kale marka aan ka eegno, lacagahaas waxay dhaqli u yihiin bulshada leh guryaha, ceelasha biyaha, shirkadaha korontada iyo waliba goobaha waxbarashada”. Dhibaatooyinka Uu Coronavirus U Geystay Xawaaladaha Pro. Yaxye Xaaji Caamir oo aan ka waraysaynnay, ayaa noosheegay “Dadkii dibadda joogay ee lacagaha soo diri lahaa iyaga ayaan ka bixi karin guryahooda, kii xitaa xawaalad dibadda ku haystay xawaaladdii ayaanuu tagi Karin, dad halkan jooga Ayaan arkaya oo lacago u diraya dalka Kenya, illeen waa la isku wada xiran yahaye.” Cabdiweli Muuse Maxamuud, ayaa isna dhankiisa inoo sheegay: “Xawaaladaha intii muddo ahba wey dhutinayeen oo wadamada akhtharkooda(badankooda), waxaa lagu soo qaadayay boorso, lacagta xawaaladaha sida America oo meesha ugu badan ee lacagtu ka timaaddo boorso ayaa lagusoo qaadi jiray, wey joogsatay marka, hadda xawaalidihii America joogtay midda ay doontaba ha ahaatee wax lacag xawi karaa aad ayey u yaryihiin, qaar ma xawilaan qaarna 100 dolar labo boqol oo doolar wax la mid ah ayey qaadaan, sababtu waxa weeyaan meel lasoo marsiiyo ma laha. lacagtaan markii la qabto halkaas ayey ku aruuraysaa, markii hore waa lasoo qaadi jiray, waxaa la keeni jiray meesha la yiraahdo Dubai, ganacsatay ayaa halkaa ka qaadanaya bariis, sonkor, qalabka dhismaha waxaas ayey kusoo iibsan jireen.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Dubai-dii naftarkeedii waa xiran tahay, markaa Shacabkii Soomaaliyeed waxey marayaan xaalad khatar ah, lacagtii dadka Soomaaliyeed ee qurbaha joogay usoo diri jireen, waa khatar in hal boqol oo dolar uu qofku hooyadii usoo diri jiray iney weydo.” Waxa uu hoosta ka xariiqay in hoos u dhac baaxad leh ay dareemayaan: “Hoos u dhac weyn oo aad u ballaran oo la dhihi karo 60 ilaa 70%, waxaa la dhihi karaa haddii ay saan kusii socoto oo Isbuuc kale ay qaadato ama bil ay ku dhawaato waxa weeyaan xaalad khatar ah, in xal la helo mooyaane wax kale oo meesha ka imaanaya ma jiro.” Aadan Xalane ayaa dhankiisa qaba: “Cudurka covid-19 waxa uu saameyn ku yeeshay xaawladaha ama lacagaha laga soo diro dibada. Bulshada Soomaalida ee ku nool dowladaha horumaray oo cudurkani saamaynta ba’an ku hayo oo ka shaqeenayay hoteellada, maqaayadaha, iyo weliba baaburta tagaasida ah, ayaa badankoodu ay waayeen shaqooyinkoodii, iyagoo aan helin taageerada dowladihii ay ku noolaayeen. waxaa ka sii xun, xitaa kuma noqon karaan dalalkoodii ay ka yimaadeen xanibaadii safarka awgeed.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Xitaa kuwa haysta lacago ay u diraan ehelkooda, waxaa laga yaabaa in ay ku dhibtoodaan lacag dirista ama ay u suurtoobi waydo xayiraada wadamada ka jirta awgood.” Sidee Looga Dhowsan Karaa Dhibaato Dhaqaale Oo Aad U Ba’an Oo Dalka Soo Waajahda Isla Markaana Xawaaladaha Loogu Fududeyn Karaa In Lacagaha Si Fudud Ay Usoo Gaarsiiyaan Dalka Prof. Yaxye, waxa uu aaminsan yahay in labo tallaabood haddii ay is raacaan ay wax badani hagaagi karaan oo raadka saameynta la yareyn karo, labadaa arrimood oo kala ah in badeecada quutul-daruuriga ah ee dalka soo gasha canshuurta laga yareeyo, halka loo baahan yahay in ganacsata lagula xisaabtamo inaaney badeecadaha qaaliyayn; “Dalka lacag adag ayaa soo gali jirtay oo ganacsatada waaweynna waa ku xisaabtami jireen, shirkadaa ku xisaabtami jiray canshuur ayaa laga heli jiray, wixii oo dhan waa la weynaa markaa waa in tallaabooyin muhiim ah la qaado, hadda dowladdu labo tallaabood oo muhiim ah ayay qaadday oo ah in waxyaabah daruuriga ah ee dalka soo galay laga yareeyo canshuurta, waa tallaab wanaagsan oo in la qaado, tan labaad ganacsatada oo lagula ballamo iney joojiyaan inaaney sicirka waxba ka bedelin iyaduna waxey u baahan tahay dabagal maxaa yeelay; ganacsatadu waxey u badan yihiin dad interstigooda raaca, dadbadani kaash ma heystaan oo waxey ku noolaayeen nolol maalmeedka markaa shaqooyin badan ayaa istaagaaya.” Guddoomiyaha xawaaladleyda Soomaaliyeed Cabduweli Muuse waxa uu aaminsan yahay in Bankiga dhexe aanuu kasoo dhalaalin kaalintiisii looga baahanaa ee dhanka taageero uu u fidiyo xawaaladleyda si ay ugu sahlanaato iney lacagaha soo gaarsiiyaan gudaha dalka, laakiin ay rajo fiican ka qabaan in culeyska haysta xawaaladaha la garwaaqsan doono waxna laga qaban doono waa sida ay rajeynayaan. “Xalkuna wax kale maaha ee waa bankiga dhexe oo sidi la rabay aan u shaqeynayn, guddoomiyaha bankiga dhaxe ragga ka shaqeeya kulli waa la dadaalayaa, laakiin kaalintiisii ayaa weli wax ka maqan yihiin, ganacsatadii wax loo xawili jiray, waxaa ugu badan Dubai, Shiinaha iyo Turkiga, saddexdaas meelood ayaa ugu badan saddexdoodaba cudurkaan Coronaha ayaa aad u saameeyay, wax dhaqdhaqaal la yiraahdo ma jiro, diyaarad galeysa iyo wax kasoo baxaya kulli ma leh.”, ayuu yiri guddoomiyaha xawaaladleyda Soomaaliyeed oo sidoo kale noo sheegay iney dhowr jeer oo hore uu warkoodu gaaray madaxda sare ee dalka. Waxa uu farta ku fiiqay: “Bankiga dhexe wey dadaalayaan kulamo badan baan yeelannay, madaxda dalka ugu sarreysa farriintaan waa loo dhiibay, waxaaladaha iyo bankiyadu waa u tageen, intaas oo shirar baa la qaatay, wey ka warqabaan xaaladda waxeyna noo sheegeen in wax ka qabadka arrintaan ay ku maqan yihiin oo dadaal badan ay u sameynayaan si arrintaan lacaga jaaliyadaha dibadda jooga ay dalka kusoo gali lahayd ayey dadaalkeeda wadaan, waxaana rajeynayaa iney ku guuleysan doonaan.” Aadan Xalane ayaa aaminsan in bankiga dhexe uu xawaaladaha dalka wax badan la qaban karo maada la adeegsan karo adeegga Digital Banking: “Hadaba, hadii ay adkaatay in xawaalad lacag lagu soo diro waxaa jiri karta bedel kale oo uu bangiga dhexe ka caawin karo bulshada. bedelkaa waxa uu yahay in la isticmaalo Digital Banking oo ah in la isticmaalo bank to bank. Taa iyaduna caqbad ayeey leedahay oo bankga dhexe laga rabo in uu xalliyo taa oo ah in dadka loo soo diro lacagaha aysan intooda badan lahayn account bank, waa in uu bankiga dhexe keena hab uu lacagta dadka kusoo gaari lahyd qaasatan kuwa aan bank account lahayn. Waa in uu fududeeya in bankiyada gaarka loo leeyahay ay xariir la yeeshan bangiyada calamigga ah si dadka inta account samaysan lacagta loogu soo diro.” Si kastaba, mar haddii aan aragnay in xawaaladihii dalka ee halbowlaha uu ahaa dhaqaalaha ay xaalad adagi soo waajahday, mar haddii aan ognahay in hoos u dhac ballaaran oo lagu qiyaasayo 60% uu soo gaaray, haddii aan ku baraarugsannahay in dhibaatada haysataa ay tahay sidii ay lacagta dalka kusoo gaarsiin lahaayeen, mar haddii aan garwaaqsannahay in xalka ugu sahaln ee ugu dhow uu jiro dhanka Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo u muuqda mid kaalintiisii ka gaabinaya, waxaa laga maarnaan ah in bulshada Soomaaliyeed u sii diyaargaroobaan xaalad dhaqaale oo adag oo dalka kusoo waajahan, haddii aan si degdeg ah wax looga qabanna ay dhici karto abaaro dad iyo duunyaba lagu wiiqmo oo cidwalba saameysa. W/D: Khadar Xuseen ‘Gabiley’ Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. MOGADISHU (HOL) - Somali Medical Association (SMA) has warned of a possible spike in the number of COVID-19 cases in the country over what it termed as unattended cases reported in various medical facilities. Source: Hiiraan Online
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalyahanada weerarka fuliyey ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaan ayaa sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, sidoo kalena ay ku dhaawacday saddex kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarkaas oo ay guullo ka sheegatay kooxda Al-Shabaab. Inta badan ciidamada huwanta ee ku sugan Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kala kulma dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi. Weerarada Al-Shabaab oo inta badan ah kuwo gaadma ah ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa ciidamada isaga kala goosha gobollada dhaca K/Soomaaliya.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu uga hadlay qodobo xasaasi ah, sida arrimaha Galmudug, xaaladda maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), heshiiska Axmed Madoobe iyo mucaaradkiisa. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa boggaadiyey heshiiska ay gaareen madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo madaxweynihii hore ee maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka war-hayo heshiis haatan u socda madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisa, isagoo sheegay inuu marayo heer gabagabo ah. Dhinaca kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo hadal qaaday xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowladda. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa dowladda federaalka ka dalbaday inay sii deyso Roobow, si uu ula heshiiyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago colaadaha ka soo cusboonaaday magaalooyinka Kismaayo, Wanlawayn iyo Diinsoor, si xal loogu helo. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka siyaasiga: Waxaan bogaadinayaa daddaalka uu madaxweynaha Galmudug mudane Axmad Qoorqoor kula heshiiyey mucaardkiisa. Waxaan xog ku hayaa in heshiiska Madaxweyne Axmad Madoobe iyo mucaaradkiisa heer gebagebo ah marayo. Waxaan dawlada Federaalka ah ugu baaqayaa in ay xabsiga ka sii dayso Mukhtaar Robow si loo gaaro heshiis dhexmara madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mucaaradkiisa ka dibna loo diyaar garoobo gogasha wadahadal ee Garowe fidsan. Waxaan mar kale ku baaqayaa in aan dhamaanteen dadddaal wadajir ah u galno deminta dagaalada sokeeye ee duleedka Kismaayo, Degmada Wanlawayn iyo Diinsoor ka socda. Waa colaado danbiyo dagaal lagu galay, dhaawacayna dadnimadeena iyo magaca ummadnimo ee qarankeena. Ilaahow quluubta dadkeena isku soo dhoweey, dhiiga qubanayana istaaji, dabaysha Koroonana Fayrisna itaal uma haynee naga badbaadi. Aamiin
  14. London (PP ) — Sarfaraz Munshi, oo ah dhaktar sare (consultant) oo ka shaqeeya Queen’s Hospital oo ku yaalla degmada Romford ee London, baa soo bandhigay hab neefsashada loo gaarsiiyo sambabbada haddii caabuqa Covid-19 uu qof ku dhaco. Dhakhtarka, oo habka ka bartay kaalkaaliso cisbitaalka kala shaqaysa, ayaa sheegay in marka horeba loo baahan yahay in qofka qaba caabuqa Covid-19 uusan u seexan dhabarka “waayo sambabbadu dhabarka ayay ku yaallaaan”. Dr Sarfaraz Munshi: Waa in qofka caabuqa Covid-19 qaba uu laabta u seexdo Waa sidan habka loo neefsafo oo uu Dr Sarfaraz la wadaagay dadka, farayna inay la sii wadaagaan dad badan. Shan jeer u neefso si buuxda adiigoo hawada gaarsiinaya sambabbada. Mar walba shan ilbiriqsi neefta isku celi oo si daa neefta. Marka lixaad: marka shanta ilbiriqsi ay dhammaadaan, hal mar u qufac si xoog leh adigoo gacanta ama xusulka afka saaraya. Mar labaad samee neefsashada lixda qaybood ka kooban. Caabuqa Covid-19 wuxuu saameeyaa habka neefsashada qofka. Dhakhtarku wuxuu sheegay inuusan markii hore ku baraarugsanayn habkan ilaa kaalkaalisadu la wadaagtay. “Waa inuu qofku laabta u seexdo, iyadoo barkini ay hor taall. Si tartiib-tartiib ah neefta uu qaado” si ay u gaarto u sambabbada buu Dhakhtar Sarfaraz yiri. Qoraha caanka J.K. Rowling ee buugagga Harry Potter baa ku dhiirrigelisay dadka inay habka neefsashada la wadaagaan dad badan. Warbixinta ku saabsan talada dhakhtarku bixiyay waxaa markii ugu horreysay lagu soo saaray wargeyska Daily Mail. © Puntland Post, 2020 The post Dhakhtar soo bandhigay hab loo neefsado, si loo yareeyo saameynta caabuqa Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  15. A special sitting to discuss the banning of miraa by a number of counties is being planned by the county assembly. Source: Hiiraan Online
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda dhaq dhaqaaq xoogan ay ka wadaan duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidanku ay ku gaareen tuulooyin hoostaga deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay la wareegeen illaa shan tuulo oo ay ka mid yihiin Buulo-Urunji, Malable, Siigaale, iyo Busley Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalladan u jeedkooda uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan halkaasi. Ugu dambeyn saraakiisha hadashay ayaa shaaciyey in howlgalkaan uu yimid, kadib markii ay ka war-heleen weeraro ay deegaanadaasi ka soo abaabulayeen Al-Shabaab Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Janaale oo dhowaan ay la wareegtay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weerar gaadma ah ku qaada dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
  17. Africa’s biggest airline, Ethiopian Airlines, has started to furlough workers, including crew members in response to the devastating impact of the coronavirus crisis on the global travel industry. Source: Hiiraan Online
  18. Cabdinuur Ibraahim Xuseen afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay kala dhex-dhigeen beelo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayey deegaano hoos-yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadaasu ay isugu jiraan boolis iyo milatari, islamarkaana ay dhaqaaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi, si loo qaboojiyo colaadahaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan meel wanaagsan marayaan dadaallada lagu dhameynayo xiisada u dhexeya beelahaasi walaalaha ah. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo khasaare geystay ay ka dhacayeen duleedka magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. View the full article
  19. Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo gelinkii dambe ee shalay shir jaraa’id ku qabatay magaalaada Muqdisho ayaa sheegtay in aysan ogeyn sababta ka dambeysa xariga loo geystay agaasimaha maaliyadda iyo maamulka wasaaradda caafimaadka Maxamuud Maxamed Buulle. Waxaana wasiir Fowsiya ay ka dhawaajisay in agaasimaha la xiray 4-tii bishan xilli habeen ah islamarkaana waxa ay intaas ku dartay in aan lala soo wadaagin xariga agaasimaha iyada oo dhinaca kale tilmaamtay in arrinkaasi ay kala shaqeyn doonaan xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, hanta dhowrka iyo cidkasta oo sharci ahaan ay arrinkaasi quseysa. “Maxamuud Maxamed Buulle oo ahaa agaasimaga maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka waxaa la xiray 4-tii April habeenkii fiidnimo marey saacaddu ku beegnayd sagaalka, ilaa iyo hadda wasaaradda lalama soo wadaagin sababta loo xiray, waxaana socda baaritaanno badan, waxaana wasaaradda ay arrinkaasi kala shaqeynaysaa xeer ilaaliyaha guud ee qaranka hanta dhowrka iyo ciddii kale ee sharci ahaan ay quseyso, waxaan diyaar uwada nahay baaritaan waafi ah” ayey tiri wasiirka caafimaadka Soomaaliya. Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in xarigga agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka uu yimid ka dib markii lagu helay kiis la xiriira musuqmaasuq inkasto warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin. Hey’adaha qaabilsan sharciyada dalka wali wax wara kama aysan soo saarin xarigga Maxamuud Maxamed buulle oo hadda ku jira gacanta dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in ciidamo ay kala dhex-dhigeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada gobolka Jubbada Hoose. Cabdinuur oo la hadlayey warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadaasi oo isugu jira Boolis iyo Milatari ay geeyeen deegaanada Fuuma Dalsan iyo Kooyaame, si ay u kala qaadaan maleeshiyaadka beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu xalinayo xiisadahaasi, si looga baaqsado dagaallo kale. Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa ka dalbaday maleeshiyaadka labada dhinac inay soo dhoweeyaan dadaalladaan oo muhiim ah in nabad laga gaaro colaadahaasi. Dhowaan ayey aheyd markii madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku baaqay in su deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday duleedka Kismaayo. Dagaalladdii ugu dambeeyey ee dhex-maray labada beel ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 ruux oo u badan dhinacyada ay dirirtu u dhexeyso.
  21. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haddana ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa waxa uu baaq nabadeed u diray dadka ku dagaalamaya maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed, isaga oo ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda waxkastana wadahadal lagu dhameeyo. “Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qeybaha bulshada maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaalladaas ahliga ah, waxa uuna intaas ku daray in iyaguna ay ka qeyb qaadaan doonaan. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha maasha xisbiyada qaran. Ugu dambeyn waxa uu dowladda federaalka ugu baaqay in ay qeyb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha dalka ku soo noqnoqday. “Ugu dambeyntiina Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay qayb ka noqoto dadaal kasta oo looga hortagayo colaadaha soo noqnoqdey ee aafeeyey dalkeenna” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Shariif Sheekh Axmed. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo kala duwan oo ku salaysay qabiil ay ka socanayeen gobalada Jubbada hoose iyo Shabeellaha hoose, waxaana degmada wanlaweyn laga soo sheegayaa xaaladihii ugu darnaa ee dagaalka u dhaxeeya beelaha degmadaasi wada dega. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Xanuunka Corona Virus, iyadoo uu dunida si saa’id ah ugu faafayo ayaa hadda wuxuu marayaa inuu soo gaadhay Somaliland. Inkastoo kiisas laga helay Somaliland, haddana weli lama hayo cid xanuunkan u dhimatay. Alle mahadii weeye. Dalalka Jaarka ayuu xanuunku si xowli ah ugu fidayaa. Itoobiya axadii oo keliya waxa xanuunka u geeriyooday laba ruux, halka ay Djibouti aad u korodhay tirada uu xanuunku soo ritay. Addis Ababa iyo Djibouti waxa labadaba laga dareemayaa inay kordhayso tirada dadka uu xanuunku soo ritay. Sidaas marka ay tahay waxa muuqda walaac badan oo muujinaya inay si fudud u kordhi karto tirada dadka Somaliland ku sugan ee xanuunkan qaba, iyadoo ay Somaliland dhaqaale ahaan iyo tayo caafimaad ahaanba aad u liidato marka loo eego dalalka jaarka iyo kuwa dunida oo la baaxaa degaya culayska uu xanuunkani ku keenay. Inkastoo ay guddiga loo magacaabay ka hortagga faafitaanka xanuukani maalin kasta qaybo kala duwan oo bulshada ah u qabtaan kulamo kala duwan, haddana waxa muuqato inay tayadoodu aad hoosayso, wax qabadkooduna liito. Waxa ay hawshoodii loo xilsaaray u muuqdaan inay u leexiyaan la tashi iyo tallo urursi, halkii ay ka ahayd hawlgalo rasmi ah oo ay kaga hortagayaan in xanuunku dalka si fudud ugu faafo. Laakiin waxa iyaguna farriimo wacyigelin ah bulshada u diraya dhakhaatiirta maxaliga ah ee Hargeysa ku sugan oo umadda ugu baaqaya inay feejignaan muujiyaan. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa wuxuu umadda u soo jeediyay taxadir dheeraad ah, isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo in xanuunku si fudud ugu faafi karo Somaliland, waxaanu u soo jeediyay shacabka inay u baxaan dhulka baadiyaha ah oo ka baxaan magaalooyinka. Dad badan ayaa taladan u arka inay tahay mid muhiim ah, waxaanay qaarkood maalmahan ku mashquulsanaayeen inay dadka waayeelka ah u saaraan dhulka miyiga ah. Waxase dad badan ka yaabisay Madaxweyne Biixi oo ay ugu dambaysay inuu shacabkiisa la hadlo 14 March. Mudane Madaxweyne, xaaladahan oo kale waa marka loo baahanyahay hoggaamin dhab ah, waxa ay umaddu u baahantahay inaad ugu yaran toddobaadkii hal ama laba jeer warbaahinta kala hadasho oo aad farriimo wacyigelin ah hawada u mariso, haddii aanay Somaliland itaal kale haynin. Waxa aad ogtahay Madaxweyne inaanay si rasmi ah u fulin amaro ay guddigu soo saartay oo ay ka mdi tahay in la yareeyo dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka si xanuunkan looga hortago inuu faafo. Mudane Madaxweyne, waxaad xogogaal u tahay xaaladda tayada caafimaad ee dalka aad Madaxweynaha ka tahay, waxaanad ogtahay inaanay Somaliland xamil u lahayn dhaqaale ahaan iyo awood caafimaad ahaanba in xanuunku ku faafo. Sidaas daraadeed waxa Madaxweyne waajib kugu ah inaanad aamusan oo aanad albaabada xidhan ee aad umadaada la hadasho oo u waranto, una gudbiso farriimo wacyigelin ah. Uma wanaagsana hoggaamintaada inay soo baxaan warka uu Boqor Buurmadoow sheegay ee ah inaad magaalada Hargeysa ka baxday oo aad beertaada oo ku taala waqooyiga magaalada u guurtay. Madaxweyne Ka sokow umadaada dalka ka sugan ,waxaad ogtahay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay dunida ugu geeriyoodeen xanuunkan. Alle haw naxariisto dhammaantood. Si kastaba ha ahaate, Madaxweynoow, umaddu kaama aqbalayso iyadoo xaaladan warwarka leh lagu jiro inaad afar toddobaad aamusnaato. Source
  23. Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo Daraawiishta Puntland oo aad u hubaysan, ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la sheegay in uu amray in ciidamadaas la geeyo Gaalkacyo, si ay u xaqiijiyaan Sugidda Amniga magaalada oo todobaadyadii u dambeeyay laga soo weriyay dhacdooyin amni-darro oo baahsan. Ciidamadaas ayaa loo qorsheeyay, in ay hawlgal xasilin ah ka bilaabaan xaafadaha Gaalkacyo, kaasi oo lagu beegsan doono kooxaha kala duwan ee xasilooni-darrada ka wada Gaalkacyo, si loo soo celiyo Amniga magaalada. Gaalkacyo, waxaa haatan ku sugan wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo halkaasi kulamo kula leh Maamulka Gobolka Mudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Saraakiisha Ciidamada iyo ururada Bulshada, isagoo kala hadlaya Arrimaha Nabad-gelyada. Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu dhowaan socdaal aan la sii shaacin ku tego magaalada Gaalkacyo, kaasi oo la xiriira hirgelinta Qorshaha Amniga iyo Hormarinta magaalada. PUNTLAND POST The post Ciidamo loo diray Gaalkacyo iyo madaxweyne Deni oo ku wajahan appeared first on Puntland Post.
  24. Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Xiisadaan oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay barakac bilaabeen, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalladaasi. Dagaalkii ugu dambeeyey oo shalay dhacay ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyey illaa 20 ruux oo u badan dhinacyadii diriray. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Ugu horreyn Sheekh ayaa baaq u diray beelaha diriraya, isaga oo ka dalbaday inay dagaalka ku joojiyaan si shuruud la’aan ah. “Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kastana oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo”ayuu yiri madaxweyhne hore Sheekh Shariif Seekh Axmed. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay u istaagaan joojinta colaadahaasi. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dhankooda gacan ka geysan doonaan, sidii loo xalin lahaa xiisadahaasi. “Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaagaan sidii dagaalladaas ahliga loo joojin lahaa, annagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadanno oo aan gacan ka siinno nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Mudane Sheekh Shariif. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxa ay ka soo cusboonaadeen degmada Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo.