Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, mudane danjire Mehmet Yilmaz ayaa la kulmay ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan. Qoraal kooban oo ay soo saartay safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen dhinacyo badan oo quseeya Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka lagu xusay in Turkiga iyo Qaramada Midoobay ay si weyn uga wada hadleen ka hortagga cudurka Corona oo dowladda ay xaqiijisay inuu soo gaaray dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale tilmaamay in ay Soomaaliya ka caawinayaan, ka hortagga cudurkaan oo dunida ku haya dhibaato xoogan. Turkiga ayaa ah saaxiibka 1-aad ee Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka uu ka taageeraa dhinacyada tababarka ciidanka, arrimaha bin’aadanimada & caafimaadka. View the full article
  2. The IMF and the World Bank on Wednesday said Somalia has taken the necessary steps to begin receiving debt relief, a decision that will allow the East African country to lower its $5.2 billion in external debt to around $557 million. The decision will immediately normalize Somalia’s relations with the world after 30 years outside the international financial system, the International Monetary Fund (IMF) and the World Bank’s International Development Association said in a joint statement. Somalia’s Paris Club creditors – including the United States, Russia, Italy, and France – are expected to make the decision on debt relief for Somalia by the end of March, they said. View the full article
  3. MOGADISHU (HOL) - Somalia has confirmed the second case of COVID-19 after one of the persons who was on quarantine tested positive. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in kiiskii labaad ee Coronavirus laga helay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho, kadib baaritaan lagu sameeyey. Wasiirka wasaaraddaasi Fowsiyo Abiirkar Nuur oo shir jaraa’id u qabatay warbaahinta ayaa sheegtay in qofka cudurka laga helay uu dhowaan ka yimid dalka dibaddiisa. Dr Fowsiyo ayaa intaasi ku dartay in la Karantiilay qofka laga helay xanuunka , islamarkaana xaaladdiisu ay la socon doonto dowladda Soomaaliyeed. “Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo, baaritaan aan isbuucii hore aan dirnay ayuu jawaab u ahaa,waxaan la wadaagnay bulshada, kiisaasi waa positive,ma ahan mid calamaduhu ay ka muuqdaan,ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin,wuxuu kamid yahay dadka karantiilka kujira,” ayey tiri wasiiradu. Qofka labaad ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa ka mid ah dhalinyaradii saaraakiisha ciidanka ahaa ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga, kuwaas oo dhowaan dib ugu soo laabtay gudaha amagaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la socday muwaadinkaan Soomaaliyeed saddex kale oo labo todobaad ka hor lagu Karantiilay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Dowladda federaalka oo dhowaan Shiinaha kala wareegtay qalab looga hortago COVID19 ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo faafintaanka cudurkaasi. Tallaabada muhiimka ah ee ay sidoo kale dowladdu qaaday waxaa ka mid ah go’aankiii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah iyo kii lagu xiray goobaha waxbarashada.
  5. Ugu horreyn, ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo xalay la hadlay saxaafadda waxaa uu ku faanay in maamulkoodu uu gaaray guusha deyn cafinta, mid cusubna qaadan karaan taas oo l barbardhigay xuriyaddii isaga oo yiri “ Haddii dal walba oo dariska lagu leeyahay balaayiin dolar, innagana maanta aan taaganahay inaan wax walbo nadiif ka noqonay “! Dhankiisa wasiirkiisa maaliyadda Beyle uu maanta ka gabyey deyn cafin waxaa uu sheegay in lasoo gabagabeeyey! Inta aan u gelin qormadan, waxaa muhiim ah in akhrisataha ogaado in aanan marnaba yareysaneyn shakhsi ahaan iyo hey’ad ahaanba heerka uu dalkeenna ka gaaray deyn cafinta laakin Xasan Kheyre oo carabka ku adkeeyey in “Soomaalida ku kalsoonaadaan madaxdooda“, waxaa uu kaa qariyey 3 xaqiiq: (1). In hannaanka deyn cafinta uu socday 8 sano, siina socon doono intaas oo kale ! (2). Deyntii lama cafin, ee waa nusqaantay, oo waxa la magay lacagtii ay nagu lahaayeen IMF, World Bank iyo AfDB oo ka mid ah US$ 5.2 Billion oo dolar ee Soomaaliya lagu lahaa! (3). Deynta ay Soomaaliya qaadan karto waa Kumeelgaar oo imtixaanno kale ayaa u dhimman oo ugu yaraan 3 sano qaadanaya halka aanu jirin dal daris nala ah oo xaaladdaas abid soo maray! Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso 5 Su’aal oo Jawaabo u Baahan: Maxay Tahay Deynta La Cafiyey? Bixinta “arrears” waa tallaabada 1-aad ee deyn cafinta, taasi oo ah in la tirtiro lacagaha ay Soomaaliya ku lahaayeen hey’adaha lacagta, tusaale ahaan IMF oo Soomaaliya ku laheyd ilaa US$334 million, waxaa qeybsaday ilaa 100 dal, World Bank oo Soomaaliya ku lahaa $366 milyan waxaa ka magtay Norway halka African Development Bank oo kulahaa Soomaaliya $122 million ay bixiyeen UK iyo midowga Yurub! Sidee Loo Gaaray “Decision Point”? Arrinta ah gaarista “Decision Point” waa dadaal soo socday sida aan sheegnay 8 sano, oo kasoo bilowday dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh iyo dib ugu soo celisay hay’adda lacagta adduunka IMF, oo weliba la gashay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Decision Point, micnaheeduna waa in aan deyn kumeelgaar ah ka qaadan isla hey’adihii hadda uun deyntooda la magay ee IMF, World Bank iyo AfDB. Sidee Lagu Gaarayaa “Completion Point”? Tallaabada xigta waa “Completion Point” oo socon doonta ilaa saddex sano, waa imtixaanno cusub, waxaa Soomaaliya laga rabaa iney dhinto faqriga iyo dadka saboolka ah, oo ay la timaado barnaamijyo kor u qaadaya nolosha muwaadinka, waa hannaan kale oo adag, oo ay muhiim tahay dhakhli uruurinta iyo isla xisaabtan la kordhiyo iyada oo dalka la sii qaameyn. Deyn Kale Miyaa Nagu Hartey? Deynta hadda la magay sida aan sheegnay waa deyntii IMF, World Bank iyo AfDB, waxaa Soomaaliya ku haray in ka badan 4 Bilyan oo ay ku leeyihiin labada naadi ee Paris Club, None-Paris Club iyo hey’ado kale, waxaa kale oo anaey dowladda sheegin halkee la geeyey deyntii ay nagu lahaayeen hey’adaha: Arab Monetary fund, OFID-OPEC fund for Inter Dev, Nigeria Trust fund, Islamic Dev Bank iyo qaar kale. Paris Club: Waxaa deyn nagu leh dalalka Denmark(2), France(484), Italy(600), Japan(96), Holland(6), Norway(2), Spain(40), UK(81), USA(1004) iyo Ruushka(148). None-Paris Club: Waxaa deyn nagu leh dalalka Algeria(2), Bulgaria(11), Ciraq(58), Kuwait(171), Libya(5), Romania(3), Sacuudiga(109), Serbia(2) iyo Imaaraadka(256). Haddaba waxaa adag in xal loo helo dalalka dambe None-Paris Club laakin kooxda hore waxaa lagu wadaa in deynta Soomaaliya ay ka shiraan March 31 iyada oo la filayo in war fiican sheegaan, lagana yaabo in 50% ay cafiyaan waa haddii loo magayo inta kale waqtiga ay Soomaaliya qabsato iney ku bixineyso sanadaha soo socda. Ka Waran Haddii Deyn Kale Qaataan? Mar haddii la ogolaaday in Soomaaliya qaadan karto deyn kmg ah, khubaro dhaqaalaha waxay ka cabsi qabaan in maamulka hadda jira ee Farmaajo oo ay doorasho ku soo socota, iyaga oo ka faa’ideysanaya xamaasadda deyn cafinta ee ay suuqgeeyeen ay qaadaan deyn cusub oo ka badan middii la cafiyey, taasi oo abuuri karta kalsoonni darro kale, sidaa darteed waa in dowladda lala shaqeeyo, sidoo kale isha lagu hayo talaabooyinka ay qaadeyso. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiyo Abiikar oo goordhow shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in magaalada la helay kiis 2-aad ee qabo Coronavirus. Muwaadinkan oo ka yimid dibadda waxaa uu ku jiraa dadka la karantiilay ee ku jira gacanta dowladda federaalka ah iyada oo intaas raacisay in xaaladdiisa ay hadda degan tahay. Salaanta in la yareeyo, in gacmaha la dhaqo iyo wacyigelin guud ayey ku baaqday wasiirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa shaaciyey in wadahadallo dhanka taleefanka ah uu la yeeshay madax uu ku jiro madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo). War qoraal ah oo uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu sidoo kale sheegay in wadahadallaasi ay qeyb ka ahaayeen, ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan, madaxaweynaha Kenya, Jabuuti iyo midka Suudaanta Koonfureed. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan caqabadaha haatan soo ifbaxaya. “Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Mr Abiy. Siodo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo baahneyn in la carqaladeeyo is-dhexgalka xoogan ee haatan u dhexeeya gobolka. Abiy ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in mas’uuliyiinta uu la hadlay ay ka wada arrinsadeen ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirsus, isagoo carabka ku adkeeyey in dalalka IGAD ku jira, haddii ay iskaashaadaan ay ciyaari karaan door muhiim ah. “Wadamada xubnaha ka ah IGAD, si urur goboleed ah, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah, si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadlkaan dhinaca qadka taleefanka ah ayaa dhanka kale ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhexeysa Masar iyo Itoobiya oo isku haya Webiga Nile.
  8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijisay in kiiskii labaad ee cudurka Coronavirus laga helay dalka. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay aya shaacisay in kiiskaas labaad laga helay qof ka soo laabtay waddanka Talyaaniga oo kamid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay COVID-19. Qofka cudurka laga helay ayaa sida Wasiirku xaqiijisay kamid ahaa dhalinyaradii saraakiisha ciidanka ahaa ee Tababarka loogu qaaday waddanka Talyaaniga balse dhowaan dalka dib ugu soo laabtay. Bukaankaas ayaa ka hor intaan cudurka laga helin la karantiilay isaga iyo saddex qof oo kale kadib markii ay todobaad ka hor ka soo laabteen dalka Talyaaniga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo laga helay kiiskii labaad ee Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Milkiilaha Hoteelka Sky oo ku yaalla Xaafadda Maslaha ee magaalada Hargeysa kadib markii uu diiday in lagu Karaantiilo Hoteelkiisa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimi dalalka Dibeddiisa. Wararka ayaa sheegaya in guddiga u diyaargaroowga caabuqa Corona ay u yimaadeen Mulkiilaha hoteelka Axmed Odowaa kadibna ay ka dalbadeen in hoteelka lagu Karantiilo dadkan oo keentay in uu ka biyo-diiday kadibna xabsiga ay u taxaabeen ciidammada isaga iyo Xaaskiisa. Dadka ay ka dalbadeen guddiga mulkiilaha hoteelka in lagu karantiilo ayaa la sheegay in ay yihiin qaar ka mid ah dadkii la socday diyaaradda Itoobiyaan Airlines oo ka soo degtay magaalada Hargeysa. Guddiga xukuumadda Somaliland ay u magacawday u diyaargaroega caabuqa Corona ayaa qaaday tallaabooyin dhowr ah tan iyo intii la magacaabay. Source
  10. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 18-km u jirta magaalada Beydhabo ee gobalka Baay ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab ka dib markii halkaasi ay ku dagaalameen. Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 12 dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay. Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay ka war qabeen weerarka Al shabaab ay soo qaadeen isla markaana ay ka hortageen haatanna ay iska caabiyeen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale war qoraala oo ka soo baxay Al shabaab ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in dagaalkii Deynuunaay ay ku dileen 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Ma jiraan illo kale oo ka madax bannaan labada dhinac oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al shabaab ay ku soo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Deynuunaay ee gobalka Baay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. PRESS RELEASE COVID-19: East African Community (EAC) Deploys Mobile Labs The vehicles are fitted with laboratory and ICT equipment, as well as all the necessary consumables for a fully functional laboratory TEL AVIV, Israel, March 26, 2020/ — The East African Community (EAC) Secretariat has moved to intensify efforts against Coronavirus spread by deploying mobile laboratories and testing kits in partner states as regional ministers for health met to deliberate on the pandemic. The Sectoral Council of Ministers of Health held a video conference to swiftly augment containment strategies to prevent and stop any further spread of the deadly disease in the region. The meeting comes on the back of confirmed COVID-19 cases in four out of six EAC partner states, with the affected states embarking on a number of strategies to address the outbreak at national level. Rwanda was the most hit nation in East Africa after reporting 36 cases, followed by Kenya (15 cases), Tanzania (12 cases) and Uganda nine cases. Uganda had reported just one case until Monday this week but after 35 samples were tested eight proved to be positive. All eight new cases are Ugandan nationals who travelled back from Dubai, United Arab Emirates; Two on March 20 and six on March 22 aboard the Emirates and Ethiopian Airlines flights. The Senior Public Relations Officer at the Corporate Communications and Public Affairs Department with the EAC Secretariat, Mr Peter Owaka said at EAC Arusha Headquarters that each partner state will receive a four-wheel vehicle. The vehicles are fitted with laboratory and ICT equipment, as well as all the necessary consumables for a fully functional laboratory with the capacity to conduct tests for Ebola and the coronavirus in addition to other pathogens. The EAC Secretariat has also put in place a Regional Coordination Committee (RCC) with Risk Communication and community engagement; Policy and Guidelines; Finance and Logistics and Data and Statistics sub-committees to oversee the regional COVID-19 response. The Regional Coordination Committee has already set in motion a number of activities to secure the EAC Organs and Institutions, and support the partner states in battling the virus. Efforts to contain the spread of the dreadful virus by the regional body comes at the time when each of the East African member state steps up measures to fight the pandemic. Tanzania, Kenya, Rwanda, Uganda, South Sudan and Burundi have suspended international flights, with Burundi going the extra mile by suspending even domestic flights. On Sunday President John Magufuli announced that with effect from Monday the government would put all visitors and Tanzanians arriving from the high risk countries under quarantine at their own expenses for 14 days. Last week, the Tanzania government closed all primary, secondary, colleges and universities for a period of 30 days. Distributed by APO Group on behalf of Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel. SOURCE Embassy of the United Republic of Tanzania Tel Aviv, Israel Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay suurto gal ahayn in wakhtigan la joojiyo Qaadka Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Itoobiya oo dawladda dhaqaale ka soo gallo. Kadib markii ay isla maanta sheegeen guddiga heer qaran ee ka hor taga xanuunka Corona, iyadoo ay sheegeen in la xidhay gebi ahaanba xuduudaha dhulka Somaliland la leedahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya muddo saddex todobaad ah. Taasoo ka bilaabanaysa Khamiistan maanta oo ay bishu tahay 26-ka March, iyadoo la joojiyay dhamaanba waxyaabaha dalka ka soo gala dhinaca dhulka. Arrinta la xidhiidha joojinta Qaadka ayay maalmahan si weyn bulshadu iskula dhex marayeen hadal haynteedda, waxaanay ku doodayeen kuwa taageersan in la joojiyo Qaadka maadaama oo Itoobiya laga helay kiisas badan oo xanuunka Corona ah. Hase yeeshee wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor taga Covid 19 ayaa cadeeyay in ay arrin adag tahay in lagu deg-dego joojinta Qaadka. Arrintaasi oo uu ku sababeeyay xuduudka aadka u dheer ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo aan la wada ilaalin Karin. Waxaanu yidhi, “Qaadka marka si run ah looga hadlayo, Qaadku waa mawduuc (issue) adag. Haddii aanu ka joojino in uu Wajaale ka soo gallo, xuduud 1000 KM ah ayaanu la leenahay Itoobiya. Kunkaa kiiloo mitir Waddo kastaaba way furan tahay”. Wuxuu sheegay wasiir Koore, in gawaadhida Qaadka ka keena Itoobiya aan loo ogolayn in ay soo raacaan laba qof wax ka badan, kuwaasoo weliba caafimaadkoodda la soo baadhay. “Waxaanu isku deyaynaa in aanu dhibtiisa yarayno. Labadda qof ee baabuurka Qaadka soo raacayaa ay noqdaan laba qof oo la baadhay caafimaadkoodda, Wadadiisiina aanu hadda u dayno”ayuu yidhi wasiir Koore, oo shalay u waramay BBC. Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in haddii loo arko in dhibaato ay bulshadda kaga soo socoto dhinaca Qaadka in markaa tallo laga yeelan doono. Waxaanu yidhi, “Haddii loo arko dhibaato iyo wax weyn, oo ummada dhib ku ah in uu yimaadana, markaa tallo ayaa looga noqonayaa, ummadana waxbaa laga waydiinayaa”. Dhinaca kale Qaadka ka yimaadda Itoobiya waxaa dhaqaale ahaan ku tiirsan dawladda Somaliland oo dakhli fara badani ka soo gallo cashuurtiisa. Halka sidoo kale-na ay nolol ahaan ugu tiirsan yihiin boqolaal qoysas ah iyo boqolaal qof oo kale oo shaqo maalmeedkoodu yahay xidhan yahay Qaadka. Source
  13. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu kullan kula qaatay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee danjire James Swan. War ka soo baxay xafiiska wasiir Cawad ayaa waxaa lagu sheegay in kullanka looga hadalay sidii wada shaqeyn wanaagsan ay u dhexmari lahayd dowladda federaalka Soomaaliya iyo hey’adda qaramada midoobay islamarkaana loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac. “wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, mudane danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda ee caasimadda muqdisho, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha soomaaliya (srsg) ahna madaxa howlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya (unsom), mudane james swan” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. Dhinaca kale kullanka labada dhinac ayaa lagu soo hadal qaaday sidii looga shaqeyn lahaa howlaha dib u heshiisiinta qaran iyo wada hadalka siyaasadeed ee dhinacyada Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta. Qaramada midoobay ayaa waxa ay ka mid tahay hey’adaha sida dhow ula socda guud ahaan siyaasadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kalane taagerro kala duwan u muujisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Taliska ciidanka Xoogga dalka, qeybta 60-aad ayaa ka warbixiyey dagaal shalay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Taliyaha qeybta 60-aad Maxamed Sh. Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay guullo ka soo hoyeen dagaalkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Xaaladda deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 25 KM u jira Baydhabo ayaa saaka degan, waxaan howlagllo baaritaano ah ka wada ciidamada milatariga Soomaaliya. View the full article
  15. Malayshiyaadka Al-shabaab oo ka taliya degaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa Fatwo ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in Soomaaliya laga qabto 2020/2021-ka. Bayaan Fatwo ah oo ka soo baxay malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in ay xaaraan tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimaha doorashadaas. Al-shabaab ayaa sidoo kale fatwootay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo kenya iyo Itoobiya, una horseedaya colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed. Bayaanka ka soo baxay Al-shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu fatwooday in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana AL-shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dilay Tahriibayaasha u dhashay Itoobiya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo amartay in la dilo qofkii ka qeyb gala doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Cudurka Corona Virus ayaa waxaa wali uu fara ba,an u ku hayaa 5 qaradood ee caalamka. Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay caabuqa Corona in uu yahay mid halis ku ah aadanaha, islamarkana ay tahay in bina’adamku dhammaan ay la dagaalamaan. Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeyay in jawaab uu bixiyo dalal gaar ah ayna ku filnayn la dagaalanka cudurka islamarkana ay muhiim tahay in la isu garabsado. Waxaa uu khudbad ka jeedinayay kulan xadhigga lagaga jarayay lacag dhan balaayiin doolar oo loogu talagalay in lagu kaabo dalalka u nugul cudurkan, kuwaasi oo aan xitaa heli Karin adeega asaasiga ah ee caafimaadka. Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa dhankeeda sheegtay baahidda loo qabo in cudurkan baadhitaankiisa iyo karantiilka dadka uu haleelo la sii xoojiyo. Dalka Mareykanka waxaa imika la xaqiijiyay guud ahaan dalkaasi in ka badan 60,000 oo kiis islamarkana kala badh kiisaskaasi waxaa laga helay magaalada New York. Spain waxaa imika la diwaangaliyay islamarkana ay tirada dhimashada ka sare martay tiradii Shiinaha ugu dhintay caabuqan Corona. Xukuumadda Madrid ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay mareyso in ka badan 3, 400 oo qof. Dowladda Finland ayaa xannibaad ku soo rogtay gobolka Uusimaa oo ah goobta tirada ugu badan ee dadka Corona uu soo ritay. Dalka Kenya dowladda dalkaasi ayaa soo rogtay Bandow dhaqangali doona Jimcaha soo socda si cudurkan loo xakameeyo. Source
  17. Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Maxamed oo si gaar ah ula hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee degmadaasi. Mr Maxamed ayaa sheegay in haatan Kaxda laga dareemayo horumar ballaaran oo dhinac kasta leh, sida xasilinta amniga, bilic soo celinta iyo dhanka dib u dhiska. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shacabka ku dhaqan xaafadaha degmadaasi inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin maamulka iyo ciidamada ammaanka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/jjj.mp3 View the full article
  18. Warbixin ka soo baxday hey’adda lacagta adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay hal abuurka deymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go’aan qaadasha dayn cafinta Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey’adaha maaliyadda dalka. Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxa ay Soomaaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano”. ‘’Waxaan jeclahay in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo guusha dadaalkii sanadihii la soo dhaafay ay ku bixiyeen dib u habeynta maaliyadda oo halkaan na soo gaarsiyay” ayay tiri Agaasimaha maamulka Hey’adda lacagta Adduunka Kristalina Georgieva. Agaasimaha Maamulka Hey’adda Lacagta adduunka ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale. Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta “Waxaan dadaalka Soomaaliya ku bxiisay soo celinta hannaan dagan oo lagu yareeyo faqriga, dib ugu soo noqoshada nidaamka Maaliyadda caalamiga ah, waa waa mid taariikhi ah iyo horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha maanta laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-26032020.mp3 View the full article
  20. Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo booqday deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warbixiyey xaaladda deegaankaasi. Ugu horreyn wuxuu sheegay in xaaladdu ay dagan tahay, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan halkaasi. Sidoo kale wuxuu guullo ka sheegtay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Deynuunay, kadib markii ay weerar culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab. Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ka war hayeen xogta weerarkaasi, islamarkaana ay ka hortageen, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa intaasi ku sii daray in halkaasi ay ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay laba jibaari doonaan dhaq dhaqaaqyada milatari ee Al-Shabaab looga saarayo gobollada Baay & Bakool ee K/ Soomaaliya.
  21. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Shir Jaraa’id oo xafiiska uu ku qabtay waxuu uga hadlay guusha shacabka Soomaaliyeed uga soo hoyatay iyo wadadii loo soo maray deyn cafinta Guddoonka Golaha Shacabka ee BJFS ayaa soo dhoweeyay talaabadii Bankiga Aduunka,Hay’adda lacagta Aduunka iyo sidoo kale Bankiga Horumarinta Afrika ay Dalka deymaha uga cafiyeen. Golaha wakiilada maamulka Koofur-galbeed ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad iyagoo doortay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha. Somaliland ayaa sheegtay in ay billaabi doonan Howlgallo looga hortagayo faafidda Caabuqa CORONA isla markana aysan ogolan doonin in Dadku isugu yimaadan koox koox. Aqonyahn Soomaliyed ayaa sheegay in Dowladda somaliya ay heli kartay xal kale oo aan ahayn go’aan dhex-dhexaadinta ahaa ee ay ka qaadatay arrinta Masar iyo Itoobiya Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Bashiir Beerdaro iyo Muno Maxamed Nuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-26-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiir Cawad, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ee arrimaha Siyaasadda Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha. “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan” ayaa lagu yiri qoraalkaas. “waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha” ayaa la sii raaciyay qoraalka. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Hawlaha dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee dhinacyada Soomaaliya, si loo gaaro horumar dhanka Nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga sanadka 2021. PUNTLAND POST The post Wasiir Cawad oo la kulmay James Swan appeared first on Puntland Post.
  23. Sarakiisha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18km magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kadib markii ay soo weerareen ciidanka. Taliyaha Qeybta 60aad ee ciidanka Militariga Soomaaliya Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay. Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ka ka dileen ku dhawaad 12 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab isaga oo sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen tira intaas ka badan. Shalay ayay aheyd markii degaanka Deynuunaay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Alshabaab kaas ay guulo ka sheegteen ciidamada Milatariga Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  24. James Swan, Head of the United Nations Assistance Mission for Somalia (UNSOM), said that by reaching the so-called “decision point” for debt relief under the Highly Indebted Poor Countries’ Initiative (HIPC), Somalia has passed an historic milestone on its path to peace and prosperity. Source: Hiiraan Online
  25. Liebherr Container Cranes and DP World Berbera have signed a contract for the supply of eight RTGs for DP World’s terminal in Berbera, Somaliland. Source: Hiiraan Online