-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa baraha bulshada lagu soo daadiyay qoraal lagu bixiyay lacag badan oo loogu magac daray (100-ka qof ee ugu saameynta badan Soomaalidda 1920-2020). Sida ay ogaatay Caasimadda Online, barnaamujkaan waxaa abuuray xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre, ayada oo aan la ogeyn ujeedka ay ka leeyihiin. Sida qorshuhu ahaa waxaa lagu heshiiyay in laga ilaaliyo qof walba oo ay maalin is qabteen Xasan Kheyre iyo Farmaajo. Lacag kumanaan dollar ayaa lagu bixiyay Barnaamujkan. Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa la sheegay inuu aqbalay qarash bixinta barnaamijkan madaama loo balan qaaday inuu ku jiro doono liiska 100-ka ugu saameyn badnaa Soomaalida 100-kii sanno ee lasoo dhaafay. ilaa 50 qof oo dhallinyaro ah oo lagula heshiiyay lacag ayaa baraha bulshada ku faafinayay qoraalkan saacadihii lasoo dhaafay. Dad badan ayaa dood ka keenay liiskaan uu diyaariyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Waxaa barnaamujkaan lagu xusay dad loo arkay iney qeyb ka noqon karaan inuu faafo oo uu dad badan gaaro. Dadka sida ku tallo gal ah looga tagay waxaa ka mid ah: Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka xooga dalka, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, iyo madxaweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaa sidoo kale ka mid ah Pro. Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari oo 2 jeer noqday gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid oo 2 jeer ra’iisul wasaare noqday, Cabdiweli Gaas oo ah qofka qura ee wada noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Dowlad-goboleed, sidoo kalana ah ninkii Kumeel gaarkii ka saaray Soomaaliya, Thabit Cabdi oo ahaa duqii ugu da’da yaraa uguna saameynta badna ee soomara caasimada, iyo shaqsiyaad kale. Madaxda mucaaradka ee sida weyn dowladda hadda jirta u diidan ayaa sidoo kale inta badan laga tagay marka laga reebo Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. Liiskaan ayaa durba la kulmay ceebeyn iyo naqdin xoogleh waxaana laga yaabaa iney baaqato xaflad la doonayay in loo qabto si ay madaxda Dowladdu uga qeyb gasho.
-
Amiirka Wales ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in uu qabo xanuunka coronavirus, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Clarence. “Amiir Charles, oo 71 sano jir ah, waxaa lagu arkay astaamaha Covid-19 oo iska yara fudud balse xaaladdiisa caafimaad way wanaagsan tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay. Xaaskiisa oo 72 sano jir ah ayaa sidoo kale la baaray, waana laga waayay fayraska. Aqalka Clarence wuxuu sheegay in Charles iyo Camilla ay hadda is karantiileen Gurigooda Balmoral. Waxaa intaa lagu daray in Amiirka uu ka soo shaqeynayay guriga maalmihii la soo dhaafay. Warka qoraalka ah waxaa lagu yiri: “Iyadoo la raacayo talada dowladda iyo adeegyada caafimaadka, Amiirka iyo xaaskiisa waxay isku go’doominayaan gurigooda ku yaalla Scotland. Ma cadda weli qofka uu Amiirka ka qaaday fayraska iyadoo ay jirto in uu shaqo culus oo la xiriirta doorkiisa uu qaaday isbuucyadii la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Prince Charles, the 71-year-old heir to the British throne, has tested positive for coronavirus but is in good health and is now self isolating in Scotland. Source: Hiiraan Online
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax noociisa ismiidaamin lagu sheegay oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo isku qarxiyey maqaaxi lagu shaaxo oo ku taalla isgoyska Sayidka dhanka Baar Bulsho. Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaruxu ka dhacay mararka qaar ay fariisan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey sida wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku geedaamay halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/COD.mp3 View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaallada ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen gudaha deegaankaasi, iyaga oo muddo kooban kala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in weerar rogaal celis ah ay markale qaadeen Milatariga Soomaaliya, kaas oo uu xigay dagaal la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay dib ula wareegeen deegaanka Deynuunaay oo qiyaas ahaan 25 KM bari ka xiga magaalada Baydhabo ee K/Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalladaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanada K/Galbeed Soomaaliya. View the full article
-
Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Ajendaha kulanka mudanayaasha Baarlamanka waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga soo diyaarinaya doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa. 89 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka kuwaas oo meel-mariyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah oo soo diyaarinaya doorashada guddoonka oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo. Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay waxaana horyaalla shaqooyin kala oo laga doonayo in ay qabtaan oo ay ugu horrayso doorashada Guddoonka Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koofurgalbeed oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xubnaha guddiga doorashada ee guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi. Guddiga oo ka kooban illaa 15 xubnood ayaa waxaa soo xulay guddoomiyaha KMG ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Xasan Aalbaro. Sidoo kale guddigaan ayaa ka shaqeyn doono agaasinka doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada maamulkaasi. Halkaan hoose ka ka aqriso: f View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-25032020.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Baarlamaanka 2-aad ee Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay guddiga diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka. Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood oo afar kamid ah ay yihiin dumar ayaa guddoomiye looga dhigey Cismaan Buulle Macalin. Guddiga la Magacaabey ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo iclaaminta waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso. Hoos Ka Akhriso Magacyada guddiga Guddoonka Baarlamaanka koonfur Galbeed.
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa siideysay in kabadan 4,000 oo maxaabiis ah si ay uga hortagaan faafida coronavirus ee xabsiyada dadku ku badanyihiin, warbaahinta dowlada ayaa werisay. Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa ku amartay shaqaalaha wadanka in ay kusugnaadaan guryahooda taas oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka. Kulan aan caadi ahayn oo dhacay Salaasadii shalay, golaha wasiirradu waxay ku meel mariyeen go’aanka ah in shaqaalaha dawladda ay ku shaqeyn doonaan guryahooda laga bilaabo March 25, 2020, illaa ogeysiis dambe. Itoobiya waxay xaqiijisay hal kiis oo kale oo ah coronavirus (COVID-19), taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dadka cudurkaasi ku dhacay 12 qof. Source
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa 20 qof oo Sacuudiyaan ah, oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-Suge Mohmed Bin Salman, kusoo oogtay dacwado la xidhiidha dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida ay Arbacda sheegeen dacwad-oogayaasha dalkaas. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey taliye ku-xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga Ahmed al-Assiri, iyo la-taliyihii hore ee dhanka warbaahinta ee Maxkamadda boqortooyada Saudi Al-Qahtani, inay hogaamiyeen howl-galkii lagu dilay Jamaal Khaashuqji, ayaga oo amraya kooxda dilka fulisay. Khaashuqji, oo ahaa 59 jir wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay 2-dii October 2018, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, si uu uga soo qaato warqado uu u baahnaa, si uu u mehersado gacalisadiisa Turkish-ka ah Hatice Cengiz. Turkey ayaa baadhitaan u gaar ah ku sameysay dilka, kadib markii ay ku qanci weyday sharaxaadaha ay bixisay Sacuudi Carabiya. Xafiiska Dacwad-oogaha Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Assiri iyo Qahtani lagu eedeeyey “inay billaabeen dilkii ula kaca ahaa ee argagaxa badnaa, ayaga oo horseeday rafaad.” 18 tuhamanayaal kale – oo ay ku jiraan Meher Mutreb oo ahaa sarkaal sirdoon oo si joogto ah ula safri jiray Mohamed Bin Salman, iyo khabiir saynis Salah Al-Tubaigy iyo Fahad Al-Balawi oo ka mid ah ilaalada boqortooyada – ayaa lagu eedeeyey “dilkan ula kaca ahaa ee arxanka darnaa.” 20-ka qof, ayaa haddii dambiyada lagu helo waxay wajahayaan xabsi daa’in. Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa sheegay in maxkamadeynta raggan la furi doono ayaga oo maqanayaal ah, balse ma aysan shaacin waqtiga. Dacwad-oogayaasha ayaa horey usoo saaran waaran lagu soo xidhayo eedeysanayaasha, oo aan ku sugneyn dalka Turkiga. CIA-da, iyo Anges Callamard oo ah ergeyga gaarka ee QM u xil-saartay baadhitaanka dilka Khaashuqji, ayaa dilka si toos ah ula xidhiidhiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu si xooggan u beeniyey. AFP Source
-
Sudan's defence minister, General Gamal al-Din Omar, has died of a heart attack while on an official visit to neighbouring South Sudan, according to the Sudanese officials. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's elite forces captured a senior al-Shabaab militant in the Lower Shabelle region, the Information Ministry said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta go’aamo culus kasoo Saartay ka hortaga Cudurka dunida Saamaynta badan ku yeeshay ee Coronavirus. Guddoomiyaha guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus ahna Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdilaahi Badde ayaa sheegay in Laga bilaabo maanta rakaabka kasoo dega garoomada diyaaradaha Somaliland lahayn doona muddo 14 cisho oo ay bixin doonan qarashka ku baxaaya . Cumar Cabdilaahi Badde Waxa kale oo uu sheegay in Raashinka , Shidaalka iyo Dawooyinka mooye xuduudaha dalku ay xidhan yihiin laga bilaabo maanta wax isku gudbayaana aanay Jirin gaar ahaan dalalka Soomaaliya , Itoobiya iyo Jabuuti.. Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa Fasax geliyey shaqaalaha Wasaaraddaha iyo Ha’yaddaha Dawladda marka laga reebo Shaqaalaha Garoomada Diyaaradaha , Dekedaha , Bangiga iyo qeybo kamida shaqaalaha Wasaaradaha Caafimaadka , Warfaafinta iyo dawladaha hoose kuwaasi oo qaranka looga Maarmi Waayey. Source
-
Turkey ayaa 20 qof oo Sacuudiyaan ah, oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-Suge Mohmed Bin Salman, kusoo oogtay dacwado la xiriira dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida ay Arbacda sheegeen dacwad-oogayaasha dalkaas. Dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey taliye ku-xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudiga Ahmed al-Assiri, iyo la-taliyihii hore ee dhanka warbaahinta ee Maxkamadda boqortooyada Saudi Al-Qahtani, inay hogaamiyeen howl-galkii lagu dilay Jamaal Khaashuqji, ayaga oo amraya kooxda dilka fulisay. Khaashuqji, oo ahaa 59 jir wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay 2-dii October 2018, markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, si uu uga soo qaato warqado uu u baahnaa, si uu u mehersado gacalisadiisa Turkish-ka ah Hatice Cengiz. Turkey ayaa baaritaan u gaar ah ku sameysay dilka, kadib markii ay ku qanci weyday sharaxaadaha ay bixisay Sacuudi Carabiya. Xafiiska Dacwad-oogaha Istanbul ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Assiri iyo Qahtani lagu eedeeyey “inay billaabeen dilkii ula kaca ahaa ee argagaxa badnaa, ayaga oo horseeday rafaad.” 18 tuhamanayaal kale – oo ay ku jiraan Meher Mutreb oo ahaa sarkaal sirdoon oo si joogto ah ula safri jiray Mohamed Bin Salman, iyo khabiir saynis Salah Al-Tubaigy iyo Fahad Al-Balawi oo ka mid ah ilaalada boqortooyada – ayaa lagu eedeeyey “dilkan ula kaca ahaa ee arxanka darnaa.” 20-ka qof, ayaa haddii dambiyada lagu helo waxay wajahayaan xabsi daa’in. Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa sheegay in maxkamadeynta raggan la furi doono ayaga oo maqanayaal ah, balse ma aysan shaacin waqtiga. Dacwad-oogayaasha ayaa horey usoo saaran waaran lagu soo xirayo eedeysanayaasha, oo aan ku sugneyn dalka Turkiga. CIA-da, iyo Anges Callamard oo ah ergeyga gaarka ee QM u xil-saartay baaritaanka dilka Khaashuqji, ayaa dilka si toos ah ula xiriiriyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, eedeyntaas oo uu si xooggan u beeniyey. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Turkey oo dacwado kusoo oogtay 20 Sacuudiyaan ah appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka cusub ee Koonfur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdinuur Aadan ayaa magacaabay guddiga diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo dhowaan la filayo in ay ka qabsoonto magaalada Beydhabo ee caasimadda maamulkaasi. Marka uu guddoomiye Xasan Cabdinuur tix galiyay Kullan golaha baarlamaanka dowlad goboleedka ay ku yeesheen magaalada Beydhabo ayaa waxa uu magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood kuwaas oo diyaarin doon doorashada hogggaanka baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 89 mudane kuwaas oo dhammaan cod gacantaag ah ugu codeeyey guddiga mana jirin cid diiday ama ka aamustay marka laga reebo 6 mudane oo ka maqnaa fadhiga kulanka aan soo xaadirin. Guddiga diyaarinta doorashada guddoomiya baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeennadiisa ayaa la filayaa in ay dhexdooda iska doortaan guddoomiye iyo ku-xigeenno oo dardargelindoona sidii loo dooran lahaa guddoomiyaha labaad ee baarlamaanka iyo labadiisa Xigeen. Halkan ka akhriso magacaabista Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 25 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Baydhabo oo xarunta KMG ah Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka koowaad oo dhacay saaka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi, iyagoo kala wareegay ciidanka dowladda. Al-Shabaab dagaalyahannadeeda ayaa muddo kooban waxa ay ku sugnaayeen Deynuunaay, iyagoo meel fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in kadib weerar rogaal celis ah ciidanka dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku qaadeen halkaasi, kadibna uu markale dagaal saacado badan qaatay uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku fara saaray. Ugu yaraan illaa lix askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa dagaalladan ku dhintay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya. Sidoo kale saraakiishaa ayaa tilmaamay inay dib u qabsadeen gacanta ku heynta deegaankaan oo ah mid istaraatiiji ah, kuna yaalla gobolka Baay. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalladaasi, balse xaaladda ayaa ah weli mid aad u kacsan. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku yaalla gobollada Baay & Bakool.
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia’s journey to debt relief inched closer Tuesday with the clearance of the country’s arrears to the African Development in what is set to unlock access to much needed credit. Source: Hiiraan Online
-
Wararka aan ka helayno waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi saacadihii la soo dhaafay iska hor imaad ay dad ku dhaawacmeen uu ku dhexmaray maleeshiyo xoog ku furatay maxbuus iyo ciidanka ilaalada xabsiga Gaalkacyo. Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo ay ku jireen maxbuuska xoogga lagu furtay iyo taliyaha xabsiga Gaalkacyo ayaa ku dhaawacantay shaqaaqadaasi, waxaana la sheegay in markii maleeshiyadan ay sida xoogga ah ku furanaysay maxbuuska loo sii waday cisbitaal ka dib markii uu ku xanuunsaday gudaha xabsiga. Wararka qaar ayaa sheegaya in maxbuuska ay maleeshiyadan xoogga ku furteen uu ku xukunnaa dil toogasho ah ka dib markii lagu helay in uu ku lug lahaa dil ka dhacay Gaalkacyo. Amaanka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe waxa uu noqday mid faraha ka sii baxayay iyada oo magaaladaasi ay si joogta ah uga dhacayeen dilal qorsheysan iyo iska hor imaadyo kala duwan, waxaana ugu dambeeyay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee xildhibaankii golaha deegaanka Gaalkacyo ee maamulka Puntland Mukhtaar Axmed Cumar Tiinle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa maanta markale soo saartay fariin ku aadan dadka safraya, gaar ahaan kuwa ku socdaalaya dhulka ama badda, maadaama la joojiyey duulimaadyada caalamiga. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa talooyin caafimaad loogu jeediyey dadka Soomaaliyeed ee u safraya dalka dibaddiisa. Ugu horreyn wasaaradda ayaa muwaadniinta Soomaaliyeed ka dalbatay in aysan u safrin wadamada uu sida daran u saameeyey caabuqa Corona. Sidoo kale waxa ay ku baaqday in qofka uu dib u dhigo safarada gudaha, haddii uu isku arko calaamadaha hargabka, sida qadho ama diif. Ugu dambeyn wasaaradda caafimaadka ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbatay in aaney is-gacan qaadin, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo guud oo lagula dagaalamayo cudurkaan, iyadoo xalay qalab muhiim ah ka guddoontay safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya.
-
Addis Ababa ( Faallooyinka Puntland Post) — Biyoxireenka Dib-u-curashada Itoobiyada Weyn (GERD) wuxuu soo nooleeyay muran ku saabsan qaybsashada biyaha webiga Niil. Soomaaliya, oo ah dal deris la ah Itoobiya kana tirsan Jaamacadda Carabta, waxay qaadatay mowqif dhexdhexaad ah. Waxay soo jeedisay in Masar iyo Itoobiya ay miiska ku furdaamiyaan ismaandhaafka ku saabsan sida loo qaybsanayo biyaha Niil. Kheyraadka ka dhexeeya dalal badan waxaa loo yaqaan la-wadaageyaal (commons). Doodda Itoobiya waa: heshiiskii Biritayn iyo Masar kala saxiixdeen in ka badan lixdan sano ka hor wuxuu u diidayaa Addis Ababa inay wax uga dheefto Niil si ku sargo’an baahideeda horumarineed. Dooda Masar waa: biyoxireenku wuxuu yaraynayaa biyaha soo gaara Masar. Itoobiya way diiddan tahay inaysan buuxinin biyoxireenka Itoobiya waxay rumeysan tahay in heshiiska Niil uu dhexmaray dal Afrikaan ah iyo dal gumeyste ahaa. Waxaa xusid mudan in Itoobiya (markii Menelik iyo Xayle Salaase talinayeen) ay heshiis la saxiixatay Biritayn. Heshiisyadaas bay Itoobiya cuskataa marka ay dhulka Soomaalidu ku nooshahay sheegatay oo hoos geysay Imbaradooriyaddii Itoobiya. Sidoo kale Biritayn waxay Eritreeya ka dhigtay qayb ka mid ah Itoobiya markii Talyaaniga laga qabsaday dhulkii uu ka qabsaday Itoobiya 1935kii iyo dhulkii uu maamulayayba. Waxaa is qaban la’ in Itoobiya ku dhaadato heshiisyada gumeyste ugu sadburiyay halka ay ka biyo-diiddan tahay heshiisyada ay u aragto in Masar lagu gacanqabtay. Biritayn waxay heshiiska Niil u saxiixday si ay uga waraabiso beerihii suufka oo ku yiil Masar. Sidee Itoobiya uga dul boodi kartaa xeerarka ku saabsan kheyraadka dalalku wadaagaan iyo heshiisyada taariikhiga ah oo awoodihii saxiixay weli maanta ifka ugu tuktuk-roon yihiin? Itoobiya way ku gacansaydhay dhexdhexaadintii Maraykanku waday. Waxay doonaysaa in Midowga Afrika uu ka odoyeeyo muranka qaybsiga biyaha webiga Niil. Mabda’ odhanaya “dal Afrikaan ihi kuma dhaqaaqi karo fal halis gelinaya nabadgelyada dal kale oo Midowga Afrika ka tirsan” waa midka hortaagan himilada Itoobiya oo ah inay maamusho biyaha gaara Masar. Qayb ka mid ah Niil wuxuu noqon kartaa webi Itoobiya iyo Masar ay wada maamulaan. Dalalka Afrika kama leexan karaan xeerarka asaasayaashii Midowga Afrika isla garteen oo ku salaysnaa mabda’a: dal Afrikaan ah uma bannaana inuu sameeyo fal dal kale oo Afrikaan ah nabadgelyadiisa ama qarannimadiisa dhaawacaya. Waa xeer ka mid ah xeerarka Masar cuskanayso. Waa xeerka Itoobiya rabto in badda lagu daro. Dhega! © Puntland Post, 2020 The post Miyay Itoobiya laba isku helaysaa? appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
