-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab oo dagaal ba’an kala soo horjeeda dowldda Soomaaliya kana taliya degaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha dalka, ayaa go’aan ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in waddanka laga qabto sanadka soo aadan. Go’aankan ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay mamnuuc tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimahaas. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo kenya iyo Itoobiya, una horseedayo colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed. Warkan kasoo soo baxay Al-Shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu xusay in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dilay tahriibayaasha u dhashay Itoobiya, sidda ay hadalka u dhigeen. Qoraalkaan kasoo baxay dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa kusoo xili dhawaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in waddanka ay ka bilaabatay doorasho taasi oo la filayo in sanadka dambe isla markaana ay noqoto qof iyo cod, sidda uu qorshuhu yahay. View the full article
-
Roma (SMN) – Dowladda Talyaaniga ayaa siisay hay’adda lacagta adduunka ee loo yaqaano IMF lacag dhan 330 oo dollarka Mareykanka ah maadaama la joogay waqtigii ay IMF iyo Bangiga adduunka go’aan ka gaari lahaayeen deyn cafinta uu dalka Soomaaliya soo dalbaday. Lacagtan oo ah deeq ay dowladda Talyaaniga ugu talagashay in lagu dedejiyo deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa ay mar qura u sahashay Soomaaliya ay noqoto dalkii 37aad ee ay deymaha ka faciyaan IMF iyo Bangiga Adduunka. Sida lagu faafiiyay barteeda Twitter-ka, Safaarada Talyaaniga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Talyaniga ay diyaar ula tahay Soomaaliya in ay siiso 10 million oo dollar oo dheeraad ah si uu dalka uga soo kabto dhinaca dhaqaalaha. Maalintii shalay ayay aheyd markii IMF iyo Bangiga Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deynta, isla markaana xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka dib loosoo celiyay. Soomaaliya ayaa hadda ka qaadan karta IMF iyo Bangiga adduunka deyn cusub oo gaaraysa balaayin dollarka mareykanka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Wasiir Cawad iyo Ambassador James Swan ayaa kawada taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,saameynta cudurka Coronavirus ee dalka iyo xiisadaha xuduuda ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa isla soo qaaday diyaar garoowga ay dowladda Soomaaliya ay ugu jirto kahortagista cudurka dilaaga ah ee Coronavirus. Si kastaba ha’ahaatee inta uu kulankooda socday labada dhinac ayaa kawada hadlay arrimaha xuduuda Kenya iyo Soomaaliya oo sare u qaaday muranka siyaasadeed ee labada wadan u dhexeeya,kadibd dagaal Beled Xaawo ka dhacay horaantii bisha March. Dhinaca kale, James Swan ayaa wasiir Cawad ugu hambalyeeyay sida ay xal uga gaareen xiisadii ka taagneyd degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo dagaal halkaasi ka dhacay Kenya ay ku tilmaantay mid lagu qal qal galinayo amaanka deeganada xuduuda. Ugu danbeyn, wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa inta uu socday kulanka uu la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ambassador James Swan shaaciyay in uu khudbad u jeedin doona dibloomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada mucaaradka ee Baarlamaanka ayaa si yaab leh u sheegay inaysan waxba ka jirin warbixinada ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in Soomaaliya laga helay kiisas ku saabsan cudurka Corona Virus. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu shakhsiyan la hadlay qofka labaad oo ay Maanta Wasaaradda Caafimaadka sheegtay in laga helay cudurka Coronavirus isla markaasa uu u sheegay inuusan isku arkin wax calaamad ah oo muujinayo inuu qabo cudurkaas. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa xusay in arrintaan ay tahay mid mashruuc ah oo la doonayo in lagu helo lacag sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay inaysan aqbali karin in argagaxa Shacabka Soomaaliya lagu raadiyo lacag, isagoo ku baaqay in saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Mahad Salaad Facebook kusoo qoray Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan. Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday. Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay. Sidoo kale sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen? Waxaa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo! Hon. Mahad Salad
-
Dooxa (SMN) – Dowladda Qadar ayaa soo dhoweysay go’aanka Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ee la xiriiray arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, si loo dhiirigeliyo waddamada la dhibaateysan deymaha. Dowladda Qadar waxay carrabka ku adkeysay in go’aankani yahay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya hore u qaaday si ay u gaarto xasillooni iyo barwaaqo. Dowladda Qadar ayaa ugu hambalyeysay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankan iyo dadaallada degdegga ah ee ay sameeyeen si ay u gaaraan marxaladdan deyn bixinta ah. Bayaan ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar soo saartay ayaa lagu yiri” Dowlada Qadar waxay waligeedba aheyd mid ku faanta dadaalada horumarineed ee ka socday Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, isla markaana waxay la shaqeysay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, iyada oo loo marayo waddooyinka horumarineed ee maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in la abuuro fursado shaqo si loo helo xasilooni iyo horumaro mustaqbalka. Bayaanka ayaa intaa ku daray in go’aankan muhiimka ah uu billoow u yahay marxalad cusub oo u soo hoyatay Soomaaliya, sidoo kalena Qadar ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee hiigsanaya mustaqbal wanaagsan iyo barwaaqo. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Mid ka mid ah Masaajiddada Tuulada Abaarso ee Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa gubtay Habeennimadii Taariikhdu ahayd 23-kii bishan March, markii Salaadda Cishaa’i laga baxay ka dib. Masaajidka gubtay oo dhinaca Waqooyi ka xiga Jidka dheer ee Waqooyi iyo Koonfur u kala qaybiya Tuulada Abaarso ayaa waxyeelo ka soo gaadhay dabka oo markii dambe la bakhtiiyey. Illaa hadda lama oga waxa sababay Gubashada Masaajidka, balse Xubin ka mid ah Guddiga Maamusha Masaajidka ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in aanay garanayn Cidda gubtay iyo sababta loo gubay midna, balse markii la bakhtiiyey gudaha Masaajidka laga helay Caagado loo malaynayo inay lagu soo qaaday Shidaal la aaminsan yahay in loo adeegsaday gubista Masaajidka…“Masaajidka waxaanu ka dhex helnay Caagado..” ayuu yidhi, Xubintaasi oo diidday in Magaciisa la sheego, waxaanu intaa ku daray in Subaxnimadii ka dambaysay habeennimadii falkani dhacay ay halkaasi yimaaddeen Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo bilaabay baadhis ay ku ogaanayaan in Masaajidku uu gubtay iyo in la gubay “Illaa hadda Ciidanku baadhistii way la maqan yihiin..” ayuu hadalkiisa raaciyey. Xubinta Guddiga ka mid ah oo Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey inuu ogyahay khilaaf sababi kara in dhinacyo is khilaafsani falkan geysan karaan iyo in kale, ayaa sheegay inaanu deegaanka ka jirin wax khilaaf ah oo gaadhsiisan in Masaajid la gubo “Ma Ogin wax khilaaf ah oo Diin la xidhiidha..” ayuu yidhi. Guddoomiyaha Guddoomiyaha Tuulada Abaarso Mr. Jibaax ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Masaajidka aan cidna gubin ee uu dabku ka kacay Shoodh ka dhashay laydhka Masaajidka ku xidhan, balse taa beddelkeeda oo ah in la gubay waxa aaminsan Xubinta Guddiga Masaajidka Maamusha ah oo sheegay in haddii Masaajidka Shoodh ka dhici lahaa laga dareemi lahaa Xaafadaha Masaajidka ku dhow ee ay isku laydhka yihiin “Xaafadaha kale ayuu laydhku ka bakhtiyi lahaa..” ayuu yidhi. Masaajidka Abaarso waxa wax ku barta Arday badan, kuwaasi oo dhawaan galay Fasax, markii Guddiga ka hor-tagga Coronavirus soo saareen Amarka ah in la fasaxo Dugsiyada Waxbarashada, si looga baaqsado Coronavirus. Ugu dambayn, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Wargeyska Geeska Afrika uu isku dayey inuu arrintan wax ka waydiiyo aanay suurto-gelin inaanu helno Source
-
Waxaan dhegaystay Clip kooban oo Wasiir Beyle (Finance Ministry of SFG) duubay isagoo ku dooday dhowr arimood oo aan ku habboonayn maqaamka wasiir maaliyadeed. Wasiirku, isaga isleh difaac go’aamadda aan loo meel deyin ee xukummaddiisu qaadanayso iyaga oo eegaya maslaxadooda siyaasadeed ee dhow keliya isla markaasna halis gelinaya mustaqbal facaha (next generations) soo socda, wuxuu ku andacooday dhow arimood oo ah jahwareerin (disinformation) ummadeed: 1. Wuxuu ku tuhmay shacabka Soomaaliyeed iyo aqoon yahankooda in aysan fahmi karin qaabka iyo foormulooyinka (formula) loo maray “deyn cafinta” (haddii ay run tahay!). Wuxuu sheegay Wasiirku in ay isticmaaleen “Bridge Financing” isagoo u sawiraya in uu yahay wax aan dadku fahmi karin!! 2. Wuxuu sheegay Wasiirku in waddamada Soomaaliya deynta ku leh aan sharciyadoodu u ogolayn in ay deynta cafiyaan! Yaab! 3. Wuxuu sheegay in World Bank horay uga cafiyey, bishaan 25-keedana (25th March 2020) ay IMF ka cafin doonto isagoo ku kajamaya shacabkana wuxuu yiri “ishii buktooy ku bikaacso!” Hab-dhaqan Wasiir oo yaab leh! Haddaba su’aashu waxay tahay Somaliya deyn ma laga cafiyey? Waase maxay “Bridge Financing”? Jawaabta kooban waxay tahay annagoo cuskanayna isla hadalka Wasiirka waa “MAYA”. Deyn lama cafin ee waa culeyskii hore oo mid laguu daray “reeryo reeryo kale la dulsaaray! Caddayn: Wasiirku wuxuu yiri waxaan isticmaalnay “Bridge Financing”. Waa maxay “Bridge Financing”? Haddii af-Soomaali lagu soo koobo waa “Deyn deyn kale ku gud” oo weliba uu sii dheer tahay dulsaar Ribo dheeri ah oo aad u badan sida 20% interest. Qaab kee u shaqeeyaa “Bridge Financing”? Marka shirkad (Dawlad) ay u baahan tahay maal gelin deg deg ah (short term financial obligation for working capital), isla markaasna ay filayso in ay hesho lacag maalgelin ah oo muddadeedu dheer tahay (secure long term investment/loan), laakiin aan hadda la heli karin laakiin la hubo (approved) in la heli doono muddo dhow ka dib (e.g. 1 sano, 6 bilood ka dib), waxay qaadataa deyn ay kusii buuxiso mudda ay lacagta sugeyso (bridging the gap). Deynta noocaan ah waxaa la yiraahdaa “Bridge Loan”, waxaana lagu qaataa Ribo dulsaarkeedu aad ku badan yahay sida 20% interest – maxaa yeelay muddada ayaa yar. Maalgelinta noocaan ahna waxaa la yiraahdaa “Bridge Financing”. “Bridge Financing” waa ilaa 3 nooc “Bridge Loan” oo aynu kor ku sharaxnay. Nooca labaad waa “Bridge Equity Financing” oo ah in jihadda lacagta bixisay la siiyo saamiyo iyagu ay awood u leeyihiin in jaangooyaan qiimaha saamiga. Waxaa ka faa’iidaysta “Venture Capital Firms” marka ay u arkaan in qolada deynta rabta Business koodu faa’iidayo. Nooca saddexaad waa “Bridge IPO financing” oo ku dhow kan dambe. IPO (Initial Price Offering) oo ah marka shirkad ay furayso saamiyo hor leh. Gebogebo: Waxaa muuqata in Wasaaradda Maaliyadda iyo Xukuumadda hadda haysa SFG aysan si buuxda ugu beer xaarnayn shacabka. In loolanka siyaasadeed ay ku jirto xukuymaddu ku marin habaabinayso Shacabka wax ugu yeertay “Deyn Cafin!” maqaarsaar ah, laakiin deyn hor lagu gelinayo. Waxaa muuqata: 1. In Soomaliya aan deyn laga cafin ee qolooyin (Dawladdo, Shirkado Caalamiya) oo aan la faafin ay ka bixinaynaan deymaha hadda taagan iyagoo ku bixinaya dulsaar Ribo ah oo aad u badan. 2. In Soomaaliya qaadanayso deyn hor leh oo ka badan tii hore si qolooyinkaan ay u siiyaan deyntooda dhow (short term loan with high interest). Tusaale: waxaa la inaka bixiyey $100M + 20% interest (muddada bixinta 1 sano ama 6 bilood) = $120M. Waxaynu qaadanay $150M + 5% interest (mudda bixinta 20 sano. Waxaan iska bixinay $120M deynta ahayd. Waxaa xukuumadda hadda jirta u haray $30M. Doorashaa lagu galay (tusaale ahaan). Faca soo socda (next generation) waxay ay la il darnaan doonaan bixinta deynta iyo dulsaarka ribada (cummulative/compound interest) dul fuuli doonta muddaa dheer. W/Q: Dr. Maxamuud Cabdiraxmaan AFEFF: Aragtidan waxay u gaar tahay Qoraaga ku saxiixan Maqaalka The post Soomaaliya Deyn Ma Laga Cafiyey? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-26032020.mp3 View the full article
-
Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee cudurka Corona Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus kaddib markii baaritaan lagu sameeyay qofkaas. Fowsiya waxay sheegtay in qofkan laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa oo maalmo lagu hayay xarun karantiil. 16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya. Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in la karantiilay dad looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga. Qaran News
-
Dalka keliya ee Yurub ee aan ka walwalsaneyn Xanuunka Corona virus Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko Qaaradda Yurub hadda waxay xudun u noqotay xanuunka corona, balse waxaa jira dal katirsan qaaradaas oo aan ka walwalsaneyn xanuunka faraha ba’an ku haya adduunka. Dowladda dalka Belarus, ma aysan soo rogin wax tallaabo ah oo looga hortagayo xanuunka, waxaana uu qaaday wado ka duwan tallaabooyiinka ay qaadeen dalalka deriska la ah sida Ruushka iyo Ukraine. Dalka Ukraine oo xuduud ay wadaagaan waxaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, dhanka Ruushka, waxaa la xiray dhammaan iskoollada, waxaana la baajiyay kulamada dadweynaha, sidoo kalena waxaa la hakiyay duullimaadyadii caalamiga ahaa; Laakiin dalka Belarus waxwalba waa cadi oo sidoodii ayay u socdaan. Xuduudaha way furan yihiin, dadku sidii caadiga ahayd ayay u shaqo tagaan, waxbarashadana waa loo dareeraa, mana jirta wax cabsi oo laga qabo xanuunka. ‘Waxba ha qalqalin!’ Madaxweynaha dalkaas Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo sameeyo tallaabooyiin looga hortagayo faafidda xanuunka corona. Madaxweynaha ayaa mar uu la kulmayay safiirka Shiinaha ee dalkaas u fadhiya wuxuu sheegay in waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in dadka aysan qalqalin. Lukashenko wuxuu sheegay in tacabka beeraha oo wanaagsanaada looga hortagi karo xanuunka Madaxweyne Lukashenko ayaa sheegay in cagacagafta ay daawo u tahay, hadalkaas oo uu ula jeeday in dedaalka beeraleyd uu yahay kan keliya ee lagu daweyn karo xanuunka, inkastoo aan la ogeyn suurtagalnimada arrintaas ayaa haddana waxay hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalkaas. Dad badan oo u dhashay dalkaas ayaa ka walaacsan faafidda fayraska corona, sababtoo ah waxay ka war hayaan sida dalalka kale ee caalamka ay ula daalaa-dhacayaan. Belarus ma aanay xirin shaneemooyinka, tiyaatarada, waxaan sidoo kale wali dalkaas ka socda horyaalka kubada cagta oo inbadan oo caalmaka laga joojiyay. Balse gudaha dalkaas waxaa ka bilawday wacyigelin ku aadan xanuunka oo loo jeedinayo dadka, gaar ahaan dadka da’da ah. Madaxweyne Lukashenko wuxuu marwalba ku celceliyaa in aysan jirin wax laga walwalo, maadaama sida uu sheegay la baarayo dhammaan dadka adduunka uga yimaada dalkiisa. “Saddex iyo ilaa afar qof ayaa maalinkiiba laga helaan xanuunka, waana la karantiilaa, laba asbuuc kadibna waa la fasaxaa,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in walwalka iyo dhibaatooyiinka maskaxda ee laga dhaxlayo arrintan ay tahay mid khatar ah oo ka daran fayraska, wuxuuna intaa raaciyay in uu ciidamada sirdoonka ku amray inay gacanta kusoo dhigaan dadka faafinaya xanuunka. Belarus waxaa illaa iyo hadda lagu arkay 86 kiis oo fayraska corona ah, laba qofna way u dhinteen. Cudurka Corona Virus ayaa waxaa wali uu fara ba,an u ku hayaa 5 qaradood ee caalamka. Qaran News
-
Madaxweyanaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta oo Khamiis ah shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadla arrimaha amniga degaannada maamulkaas. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan Milatariga,Amisom gudoomiyaasha gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guddoomiyaasha Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan shirka kaga dhex dhegaystay xaaladda amni ee degmooyinka gobolladaas Dhinaca kalana saraashisha ciidamada AMISOM iyo dowladda ayaa lagu wargeliyay in ay sii laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda degaanada maamulka Hirshabeelle. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo shir guddoomiye kulan xasaasiya oo ku saabsan Amniga Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay qaabka ay Xukuumada Muuse Biixi ay ugu diyaar-garoobeyso ka hortaga cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus iyo duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines. Waddani ayaa sheegay in qaabka ay Xukuumada Biixi u maareynayso ka hortaga cudurkaasi uu ka muuqdo wer-wer aad u weyn, midaasi oo uu ku micneeyay inay tahay khatar aan laga soo kaban karin. Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu Xukuumada ka dalbaday inay gebi ahaanba deg-deg u joojiso duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa. Waddani ayaa qaba in duulimaadyada Ethiopian Airlines ay Somaliland ku yihiin halis weyn oo u baahan in si deg-deg ah looga hortago, maadama ay tagto wadamo uu ka jiro fayruska Corona, kaasi oo ka dhigan in gudaha deegaanada Somaliland ay usoo xambaari karto cudurkaasi. Xoghaye Khadar oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Wer-wer aad u weynaa ayaa ka muuqda, sida illlaa hadda Xukuumaddu uga diyaar-garowgday ka hor-tagga Coronavirus. Xukuumaddu waxay soo saartay Go’aano aynu kuligeen wada taageernay, shacabkuna uu soo wada dhaweeyay, laakiin iskuulladii oo la fasaxay mooyaane go’aannadii kale sidii la rabay weli uma fulin”. “Arrimaha qaar haddii aad ku fashilanto waad ka soo kaban kartaa oo dhibaato malaha, laakiin haddaynu diyaar-garowga khaladno oo khatartu siday tahay u arki wayno oo sida ay tahay inaynu uga diyaar-garowno aynu uga diyaar-garoobi wayno way adag tahay inaynu ka soo kabano”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu soo jeedinaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo diyaaradda Ethiopian Airlines, aqoonsi ma siddo Ethiopian Airlines, waxa laga yaabaa inay Covid-19 inoo siddo, dawladdu waa inay sheegtaa kharash cayiman oo ay ugu talo-gashay Xanuunkan la dagaalankiisa iyo Kharashkaa siday u isticmaalayso”. “Waxaynu u baahan nahay Qalab Caafimaad maxaa inoo yaalla, maxaa inoo soo socda Qalab Caafimaad oo Xukuumaddu inoo dirtay, Xukuumaddu waa inay sheegtaa halkay ku yaallaan Xarumaha Dadka lagu karantiilayo, dadka Danyarta ah sidee loo taageerayaa, waxa jira Dad badan oo danyar ah oo Xanuunkan Walaac ka qaba”. “Xukuumadda waxa la gudboon inay Maalin kasta Dadka War siiso, Waayo? Xukuumadaha dunida markaad eegto Xukuumad walba Maalin walba Dadkeeda War bay siinaysaa, markaa waa inay uga warranto halkay wax marayaan, waxay qabteen iyo hawlaha ay ku jiraan, Waayo? Ku celcelinta lagu celcelinayaa waxay Dadka fahamsiinaysaa khatarta Xanuunka” ayuu sidoo kale yiri Xoghaye Khadar. Xoghayaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Xisbigooda oo ka qeyb qaadanaya daadalada loogu jiro ka hortaga fayruska Corona uu gebi ahaanba joojiyey isku imaatinkii iyo shirarkii uu xisbigu lahaa, madaama uu cudurkan fursad uu ku faafo u yahay isku imaatinka dadka badan.
-
Wefdi uu hogaaminayo Santar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta oo Khamiis ah ka gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo Guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sanotor Cabsi Xasan Cawaale Qeybdiid socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya xildhibaan Ubax tahliil ,Xildhibaan Cabdikariin ķhaliif dhalac iyo odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Galmudug. Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweyay Madaxda maamulka gobolka kan degmada iyo qeybaha bulshada. Wefdiga ayaa sida la sheegayo magaalada Gaalkacyo kula kulmi doono madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaana socdaalkoodu qeyb ka yahay dadaalo lagu doonayo in Ex madaxweyne Xaaf lagula heshiisiiyo Qoor Qoor. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Gaalkacyo gaaray appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirka caafimaadka Soomaaliya DR Fowsiya Abiikar Nuur oo shir jiraa’iid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadday in wasaaraddu ay xaqiijisay qofkii labaad ee qaba xanuunka Coronavirus, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa boggaadiyey guulaha laga gaaray barnaamijka deyn cafinta, kadib markii ay Soomaaliya shalay buuxisay maraxaladii koowaad. IMF iyo Banka Adduunka ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ayaa dhameysay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo. Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah. Warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu soo dhoweeyey heerka uu gaaray xiriirka iskaashi ee DF iyo hay’adaha maaliyadeed ee adduunka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in laga sal gaaro dhameystirka qorshaha deyn cafinta oo xilligaan muhiim u ah Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna. “Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna. “Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna. “Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna. “Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.” Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal, Madaxda Dowlad Goboleedyada, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu midoobeen, uguna dhabar adeygeen ka miro dhalinta hiigsiga deyn cafinta iyo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha dalka. View the full article
-
The United Nations congratulates Somalia for reaching the Highly Indebted Poor Countries Initiative’s (HIPC) ‘Decision Point’ for debt relief – an historic milestone on the country’s path to peace and prosperity. “Achievement of the HIPC ‘Decision Point’ is a major step forward for Somalia’s economic progress, allowing the country to advance towards its long-term objective of inclusive economic growth and poverty reduction. All Somalis can be proud of this achievement,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “The ‘Decision Point’ is tribute and testament to the federal authorities’ impressive public financial management reforms,” he added. “It also reflects strong collaboration between the Federal Government and the Federal Member States, and sets a template for future collaboration in this and other areas.” The International Monetary Fund and World Bank established the HIPC Initiative in 1996 to ensure that no poor country faces a debt burden exceeding its capacity to service and manage. Reaching ‘Decision Point’ means that Somalia’s eligibility for debt relief is confirmed, and its relations with International Financial Institutions are fully normalized. Somalia will also qualify now for certain types of grant financing to meet its public finance and development needs, and for access to private sector financing instruments. View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadashey Warbaahinta ayaa faah faahisay kiiska qof labaad oo qaba cudurka Corona Virus oo dalka laga heley,kaasi oo ka yimid dalka Talyaaniga maalmana la hayay. Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalka laga heley kiiskii labaad ee qof qaba xanuunka Corona Virus,kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhibaatooyin ku hayay bulshada caalamka. Waxay sheegtay in qofka laga heley xanuunka COVID-19 uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay ka dibna la baaray sidaasna lagu xaqiijiyay. Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in qofka laga heley cudurka COVID-19 hadda xaaladiisa degan tahay,isla markaana aysan ka muuqan wax calaamad ah oo tilmaamaya cudurka. “Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo,baaritaan aan isbuucii hore aan dirnay ayuu jawaab u ahaa,waxaan la wadaagnay bulshada, kiisaasi waa positive,ma ahan mid calamaduhu ay ka muuqdaan,ilaahayna waxaan uga baryaynaa in uusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin,wuxuu kamid yahay dadka karantiilka kujira,. Wuu fiicanyahay qofka,laakiinse waxaan rabnaa ilaa baaritaanka lagu hayo in meel gooni ah lagu haayo ilaa laga xaqiijiyo in cudurkan uu ka caafimaaday”. Ayay tiri wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur. Iyadoo hadalkeedi sii wada ayay ugu baaqaday bulshada in ay ka feejignaadaan fiditaanka cudurkan halista ah,waxaana ay ku baaqday in wacyigelinta bulshada la sii xoojiyo. View the full article
-
Popular Contributors
