Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The city of St. Paul will provide $2,000 grants to poor families and $7,500 to small businesses struggling during the coronavirus pandemic, Mayor Melvin Carter announced Wednesday. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wada-hadal kula jira dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Nairobi. Maxamuud Sayid Aadan oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Nairobi ayaa joojiyay dhaq dhaqaaqyadii gobalka Gedo kadib markii is qilaafeen isaga, Cabdirashiid Janan iyo wasiir ku-xigeenkii arimaha gudaha ee dowladda horey isugu dhiibay. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in Maxamuud Sayid Aadan uu telephone kula hadlay masuuliyiin ka tirsan madwxtooyada Soomaaliya iyo kuwa gobalka Gedo waxayna wararku intaas ku darayaan in is faham ay gaareen dhinacyada wadahadlay. “Waxaa dhici kartaa in uu dhawaan uu yimaado Muqdisho waxaana jira is faham qabyo ah oo la gaaray,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo aan la hadalnay. Wadahadalkaan ayaa waxaa wada ama wakiil uga ah dowladda Soomaaliya taliye ku xigeenka NISA Cabdullahi Kulane iyo guddoomiye ku xigeenka Gedo Macalimow kuwaas oo kuwada sugan Gedo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay culeys saartay maamulka Jubbaland kaas oo sababay in mas’uuliyiinta qaar is dhiibaan qaarkoodna ay u baxeen dhinaca dalka Kenya.
  3. Turkiga oo 20 qof oo Sacuudiga u dhashay dacwad ugu soo oogay dilkii Jamaal Khaashuqji Sawirrada Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo weriye Jamaal Khaashuqji Dowladda Turkiga ayaa dacwad kusoo oogtay 20 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilka wariyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamaal Khaashuqji, oo laga fuliyay magaalada Istanbul bishii October ee sanadkii 2018-kii. Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in labada qof ee dilkaas abaabulay ay kala yihiin ku xigeenkii hore ee madaxa sirdoonka Sacuudiga Axmed Casiiri iyo Saud al-Qahtani, oo horay saaxiib ula ahaa boqortooyada. 18-ka qof ee kale ayaa lagu eedeeyay “inay si ula kac ah dilka ugu fuliyeen” gudaha qunsuliyadda Sacuudiga. Sirdoonka reer Galbeedka ayaa aaminsan in dilkaas uu amar ku bixiyay dhaxal-sugaha borotooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan – arrintaas oo uu isagu beeniyay. Jamaal Khaashuqji wuxuu ahaa wariye caan ah oo dhaleeceeya dowladda Sacuudiga Wakiilka gaarka ah ee ay Qaramada Midoobay u xil-saartay baaritaanka dhacdadaas ayaa sheegtay in Khaashuqji “uu noqday nin lagu fuliyay dil ula kac ah oo lasii qorsheeyay, oo ah dil caddaaladda aan loo marin oo ay mas’uul ka tahay dowladda Sacuudiga”. Xilliga uu dhimanayay Jamaal, oo ahaa 59 jir, wuxuu u shaqeynayay wargeyska Washington Post, wuxuuna ku caan baxay dhaleeceynta uu u jeedin jiray boqortooyada Sacuudiga ee uu saameynta weyn ku leeyahay Maxamed Bin Salmaan. Madaxda Sacuudiga ayaa dilka Khaashuqji ku tilmaamay fal ay fuliyeen “shakhsiyaad ku dhaqaaqay howlgal aan loo dirsanin”. bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, maxkamad ay maamusho boqortooyada ayaa xukun dil ah ku ridday shan qof oo aan la magacaabin halka ay saddex kalena xabsi ku xukuntay, kuwaasoo dhammaan loo heystay dilka wariyaha. Maxay yihiin dacwadaha uu kusoo oogay Turkiga? Bayaan ay dacwad oogeyaasha Istanbul kasoo saareen maanta oo Arbaco ah ayaa lagu sheegay in Axmed Casiiri iyo Saud al-Qahtani lagu soo oogay dacwad ku saabsan “abaabulka dilka Khaashuqji, oo ay u diyaariyeen si ulakac ah”. Dilka Jamaal Khaashuqji ayaa laga hadal hayay guud ahaan warbaahinta caalamka Warbixinta dacwad oogeyaasha 18-ka qof ee kale ku eedeysay inay gacantooda ku fuliyeen dilka – waxaana ka mid ah xubin ka mid ah ilaalada boqortooyada Sacuudiga, khabiir ku xeel dambi baarista iyo sarkaal ka tirsan sirdoonka Sacuudiga, kuwaasoo dhammaan horay ula safray Dhaxal-Suge Maxamed Bin Salmaan. Dacwadaha lagu soo oogay ayaa loo hayaa markhaatiyaal, qalab lagu baaray dilka Khaashuqji iyo diiwaan galin laga sameeyay dad gudaha u galay kana baxay Turkiga, sida lagu sheegay bayaanka. Dowladda Sacuudiga wali kama aysan hadlin tallaabada uu qaaday Turkiga. Maxaa ku dhacay Jamaal Khaashuqji? Wariyaha – oo si iskiis ah uga cararay Sacuudiga sanadkii 2017-kii, kuna noolaa Mareykanka, ayaa 2-dii bishii October, 2018-kii tagay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, halkaasoo uu ka raadsanayay warqado u fududeeya guurka haweeney u doodaneyd oo lagu magacaabo Hatice Cengiz. Su’aalo ayaa ka taagan waxa ka dhex dhacay qunsuliyadda Sucuudiga 2-dii bishii Oktoobar Dambi baareyaasha ayaa aaminsan in haweeneyda oo ku sugeysay bannaanka hore ee qunsuliyadda, isagana lagu dilay gudaha, kaddibna hilibkiisa la jarjaray. Haraadiga meydka Khaashuqji ayaan wali la helin. Dilka wariyahan ayaa argagax galiyay dunida. Wakiil ay Qaramada Midoobay u xil saartay baaritaanka arrintan, oo lagu magacaabo Agnes Callamard, ayaa sheegtay in caddeyn la isku halleyn karo loo hayo inay dilkaas si shakhsi ah uga dambeeyeen Dhaxal-Suge Maxamed Bin Salmaan iyo saraakiil heer sare ah oo Sacuudiga u dhashay. Waxay dalbatay in la sameeyo baaritaan caalami ah oo madax-bannaan. Qaran News
  4. Toddobaadkii dhawaa, Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa safar kedis ah ku tegay magaalada Addis Ababa. Safarku waxuu ku soo beegmay xilli ay xubnaha Jaamacadda Carabta wada taageereen mowqifka “xuquuqda biyaha Masar ee webiga Niil,” marka laga reebo Sudan. Inkastoo Soomaaliya ay xubin ka ahayd gudbinta qaraarka lagu cambaareynayay Itoobbiya, haddana warsaxaafadeed ay soo saartay ergada Soomaaliya u joogta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, ayaa lagu caddeeyey in “dowladda Soomaaliya ay ku baaqayso in labada dal ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda, iyada oo dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay door ka ciyaarto sidii la isugu soo dhaweeyn lahaa labada dhinac” (VOA Somali News – 23/03/2020). Ra’iisul-wasaarihii hore ee Itoobbiya Meles Zenawi, ayaa sanadkii 2011 go’aamiyay in dalkiisa dhisto biyaxireen soo saara tamar dhan 6,450 Megawatt (ama 6.45 Gigawatt), kuna kacaya kharash gaaraya ilaa $4.5 bilyan doolar. Biyaxireenkaas oo loogu magacdaray “Great Ethiopian Renaissance Dam (GERD),” waxaa lagu dhisay Webiga “Blue Nile,” oo ka farcama buuraleyda Itoobbiya, kaas oo ay ka yimaadaan ku dhawaad boqolkiiba 60% biyaha webiga Niil sanadkiiba. Muranka waxuu salka ku hayaa hab-waqtiyeedka (Jadwalka) loo buuxin doono harada kaydka biyaha oo muggiisu dhan yahay 74 bilyan cubic meter (tusaale biyaha Webiga Jubba waa 4 bilyan cubic meter sannadkii). Faa’iidada ugu wayn oo ay Itoobbiya ka helayso waa dhalinta korontada, iyadoo 65% dadkeedu heysan koronto. Haddaba, aan isweydiinnee maxuu Madaxweyne Abdel Fattah al-Siisi ula jeedaa in Soomaaliya ay dhexdhexaadiso, iyadoo kol dhow uu buburay dadaalkii ka socday Washington, muddo ka badan afar bilood? February 26, 2020, waxaa burburay wadahadal saddex geesood ahaa oo u dhexeyay Itoobbiya, Masar iyo Sudan, kana dhici lahaa Washington. Itoobbiya ayaa shirka kasoo qaybgelin, kadib markii ay ku tuhuntay Maraykanka in aysan dexdhexaad ahayn arrinka. Madaxweyne Sisi ayaa horey ugu guuldaraystay wadaxaajood socday 9 sanadood. Arrinka laga xaajoonayay dulucdiisa ugu wayn waa: (1) Jadwalka buuxinta kaydka (Immisa sano?). Mugga sidaas u weyn waxaa lagu buuxiyaa jadwal heshiis lagu wada yahay, si loo dhowr xuquuqda dalalka Masar iyo Sudan (Riperian Rights); iyo (2) Mugga biyaha loo dhaafayo dalalka meesha uu webiga ku dhammaado xiga. Shirar badan ka dib, Itoobbiya waxay oggolaatay 5 sanadood, halka Marsar ay ku adkaysatay 7 sano. Labada sano farqiga ah, Itoobbiya waxay ugu fadhidaa khasaaro dhaqaale oo aad u baaxad weyn. Masar waxaa khasaare lagu qayaasi karo 2 bilyan doolar sannadkii ka soo gaaraaya aagga “Delta Nile” oo u dhaw magaalada Iskandariya (Alexandria), oo ay biyaha ku yaraan doonaan. Dhanka kale, Itoobbiya waxay o’goshahay in jadwalku ugudbiyo biyo la’eg, 35 bilyan cubic meter, halka Masar ay doonayso 40 bilyan cubic meter, 5 bilyan cubic meter oo dheeri ah. Mashruuca (GERD) marka laga soo tago Itoobbiya, dhinac waxtar leh wuxu u leeyahay Suudaan oo uu ka yaraanaaya fatahaadda webiga iyo khasaarahiisa. Waxaa kaloo ka yaraanaya calawga biyaha (Dhooqada –Silting, oo lagu qayaasay 100 milyan), kaasoo dhib wayn ku hayey in muddo ah. Dhinaca kale, Masar wax faa’iidda ah oo aad u way uma laha, balse waxaa ka degaaya culeyska “Biyaxireenka Aswan.” In badan ayey Itoobbiya, Sudan, Kenya, Uganda iyo Tanzania ka cabanayeen saamiga xad dhaafka ah ee Masar loo qoondeeyey (54 billion cubic meters of water), kaas oo ku salaysan heshiis gumeystihii Ingiriiska gaaray 1929 – 1959, walow Itoobbiya aysan wakiil amase weerba ku lahayn heshiiska xuquuqdeeda lagu dafirayay. Teeda kale Masar biyaha ay qaadato in ka badan 79% waxay harqiyaan dhul beereedkooda. Habka waraabka beeraha Masar waa isla kan qadiimka ah ee laga adeegsado Soomaaliya oo “keliyada iyo biya-daad” ku dhisan, habkaas oo lumiya 60% biyaha, waana hab u daran dhulka beeraha qudhiisa. Masar waxey ku khasban tahay inay ka gudubto habka duugga ah, ayna adeegsato hab casri ah oo beekhaamiya waraabka sida “sprinkler irrigation and dreep irrigation” oo adeegsada tubooyin ama dhuuman. Qiimeyn ay dhawaantaan sameysay “International Crisis Group,” ayey ku sheegtay in saddexda dal ay gaari karaan heshiis, haddii ay magacawdaan dhexdhexaadiye ay ku wada kalsoon yihiin. Haddaba, haddii aan dib ugu noqonno mas’aladayadii, Soomaaliya ma laga yaabaa inay dhex dhigto Itoobbiya, Sudan iyo Masar heshiis nabadeed oo taariikhi ah? Muqdisho waxay ku dhiirratay inay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre u dirto magaalada Addis Ababa, xilli dowladda Itoobbiya ay ka walaacsan tahay mowqifkeeda Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, si meesha looga saaro male-awaale iyo shaki. Arrintu waxay u gudbi lahayd xiisad diblomaasiyeed, haddii Itoobbiya ay ergo u soo diri lahayd Soomaaliya. Mudane Khayre wuxuu ku guuleystay inuu durbaba maareeyo arrinta, islamarkaasna hanto kalsoonida deris wanaaga Addis Ababa, si khilaafka webiga Niil xal loogu raadiyo. Taas waxaa u daliil ah, wareysiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobbiya Gedu Andargachew ee uu ku sheegay in “Soomaaliya iyo Jabuuti si wadajir ah ugu baaqeen xallin laba-geesood ah, oo guul u ah labada dhinac” (The Reporter Ethiopia – 21/03/2020). Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya ma laha awood diblomaasiyadeed oo ay ku cadaadiso dalalka iskhilaafsan, mana heysato taageero farsamadeed oo ka kooban koox xeeldheere yaal ah oo arrinkan kala taliya. Sidaas awgeed, dowladda Soomaaliya waa inay si taxaddar leh ugu bandhigtaa saddexda dal, in doorkeedu ku kooban yahay kaliya hawl fududeeynta nabadeed, balse aysan noqon karin dhexdhexaadiye ku saleeysan garsoor cilmiyeeysan. Xagaagii 2018, Soomaaliya waxay ku guuleysatay iney u kala dabqaado dalka Jabuuti iyo Eritrea oo aan wax diblomaasiyad ah ka dhaxeyn jirin in muddo ah, khilaaf soo kala dhexgalay awgeed. Inkastoo guushaas diblomaasiyadeed aan loo aqoonsan dowladda hadda jirta, haddana heshiisiinta dalalka is khilaafsan waa waajib damiiri ah, mustaqbalkana usoo hooyi kara nabad Geeska Afrika, taasoo dan u ah ummadda Soomaaliyeed. W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qaasim Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya 28-kii bishii January shaacisay in uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsi ah ku hayeen, waxaa isasoo tareysay hadal-heynta ku saabsan sida ay arrintaas ku dhacday. Mar uu Janan qudhiisa la hadlayay BBC-da wuxuu sheegay inay jiraan “dad ku caawiyay tallaabadaas”, laakiin uusan magacaabeynin. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha(Human Rights Watch) ayaa soo saartay warbixin ay diiradda ku saareyso su’aalo badan oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno “Cabdirashiid Janan”. Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay eedeymo ka dhan ah Janan iyo dhaliil loo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkastoo dowladda Soomaaliya ay shegetay inuu ka baxsaday Cabdirashiid Jsanan, haddana waxay caddeysay inay ku howlan tahay dib usoo qabashadiisa. Hay’adda Amnesty International, oo iyana safka hore uga jirta ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa sidoo horay u muujisay walaaca ay ka qabtay baxsashada siyaasigan ku eedeysan dambiyada, iyadoo dalbatay in la xaqiiqiyo dib usoo xiristiisa. Maamulka Jubbaland, oo dhankiisa sharci darro ku tilmaamay xarigga wasiirkooda amniga, ayaa soo dhaweeyay inuu xorriyaddiisa dib u helay. Su’aalo badan Human Rights Watch waxay qormada ku saabsan Cabdirashiid Janan ku soo bandhigtay su’aalo iyo Jawaabahooda macquulka ah. Su’aalaha HRW, oo dhammaantood la xiriira sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u maareysay xarigga Cabdirashiid Janan, waxaa ka mid ah: Waligiis si rasmi ah dacwad ma loogu soo oogay? Maxay u jiri waysay tallaabo kale oo ay maxkamadda qaaddo, kaddib dhageysigii ugu horreeyay ee dacwaddiisa? Maxaa loogu hayay xabsi aan rasmi ahayn? Siduuse ku baxsaday? Waxay hay’addu sheegtay in dhammaan su’aalahan ay u baahan yihiin baaritaan iyo jawaabo ku habboon. Dowladda Soomalaiya wali wax war ah kama soo saarin hadalkan u dambeeyay ee ka sooo yeray hay’adda. Human Rights Watch ayaa qormadeeda ku sheegtay in maxkamadeynta qof noocaas ah ay u baahan tahay farsamo sharciyeysan, khibrad iyo dad waayo aragnimo u leh kiisaska noocaas ah, iyadoo sheegtay in waxyaabahaas oo dhan aysan Soomaaliya lahayn xilligan. Waxyaabaha kale ee aan laga heli karin Soomaaliya marka dacwad lasoo oogayo ayey ku qeexday jiritaan la’aanta hannaan khaas ah iyo ilaalinta dadka dhibbaneyaasha ah. “Markhaatiyaasha iyo dhibbaneyaasha ayaan inta badan amnigooda la sugin, sidoo kalena waxaa khatar ku jira shaqaalaha waaxda caddaaladda”, ayaa lagu yiri warbixinta HRW. Jawaabaha macquulka u ah Soomaaliya HRW ayaa sheegtay inay jiraan waddooyin u furan dowladda Soomaaliya, haddii ay dhab ka tahay inay maxkamadeyso dadka la eedeynayo sida Cabdirashiid Janan. Sida ay qormadeeda ku sheegtay hay’addu, Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda federaalka Soomaaliya waxay magaalada caasimadda ah ka abuurtay maxkamad iyo xabsi. Waxay ujeeddada loo dhisay ahayd in lagula tacaalo dadka loo heysto falalka la xiriira kooxda hubeysan ee al-Shabaab, kuwaasoo laga soo weecinayo maxkamadaha milatariga, loona soo wareejinayo kuwa rayidka. Taageradii ugu horreysay ee dhinaca beesha caalamka waxaa diiradda lagu saaray dhismaha awood caddaaladeed oo lagu wajaho dambiyada la xiriira dhinaca amniga iyo sidoo kale tababarista howl-wadeennada. Dhanka kalena, xafiiska Madaxa Caddaaladda ee Soomaaliya wuxuu fadhi ku sameystay maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha heerka gobol, si uu dacwado ugu qaado dadka galay dambiyada waaweyn. Iyadoo ay intaasi jirta ayaa HRW waxa ku talisay “sidii loo dhisi lahaa qeybo khaas ah, khibrad ku dhisantahay, oo qabilsanaada islamarkaana baaritaan ku sameeya, dacwadona kusoo ooga dadka lagu tuhmo dambiyada dagaal, kuwa ka dhanka ah bani’aadannimada iyo waliba tacaddiyada kaleba” “Tani waxay wax lagu farxo u ahaan lahayd dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda, kuwaasoo arki lahaa kuwa la tuhunsan yahay, sida Cadirashid Janan, oo ugu dambeyn caddaaladda la horkeenay”, ayay sii raacisay HRW. Kaalintii uu Janan ku lahaa Dagaalkii Beledxaawo Wax yar kaddib markii uu Cabdirashiid Janan ka baxsaday xabsiga ay ku heysay Dowladda Soomaaliya, wuxuu hormuud ka ahaa dagaalkii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku dhex maray degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Mar uu BBC-da uga warramayay qaabkii uu xabsiga uga soo baxsaday, ayuu sheegay inuu ku sugnaa Beledxaawo uuna abaabulayay dagaal lagula wareego degmooyin ka tirsan Gedo. Labadii bishan March ayey isku dhaceen ciidamo ka kala tirsan labada dhinac, kuwaasoo in muddo ah is horfadhiyay. Dagaalkaas oo khasaare dhaliyay ayaa markii dambe kusoo gaba gaboobay in ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen magaalada iyo inta badan goobihii lagu dagaallamayay. Dadaalka ku aaddan dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan Dolwadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay aaminsan tahay in janan uu ku sugan yahay gudaha dalka Kenya. Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dowladda Kenya ka dalbatay inay xirto Cabdirashiid Janan, kaddibna ku wareejiyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Amnesty ayaa sheegtay in Janan uu ku eedeysan yahay “xadgudubyo waaweyn” oo ka dhan ah xuquuqul-insaanka, loona baahan yahay “inuu caddaaladda Wajaho”. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dadaal ugu jirta dib usoo qabashada Cabdirashiid Janan ayaa codsatay in lo soo gacan galiyo. Taliska booliska Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray 4-tii bishii February ayaa dowladda Kenya ka daladay inay usoo xiraan Jajan, waxayna sidoo kale codsi u direen booliska adduunka ee INTERPOL, kuwaasoo ay weydiisteen inay ka caawiyaan sidii dib loogu soo gacan galin lahaa. Laakiin dowladda Kenya kama jawaabin labada dalab midna. W/Q: Cabdishakuur Casoowe BBC Somali
  6. Somali-Swedes have criticised authorities for not doing enough to support the community during the coronavirus pandemic, national broadcaster SVT has reported. Source: Hiiraan Online
  7. PRESS RELEASE COVID-19 Global Humanitarian Response Plan A global approach is the only way to fight COVID-19, the UN says as it launches humanitarian response plan VIENNA, Austria, March 25, 2020/ — · UN humanitarian chief warns that failing to help vulnerable countries fight the coronavirus now could place millions at risk and leave the virus free to circle back around the globe. · UN launches US$2 billion global humanitarian response to fight COVID-19 in 51 countries across South America, Africa, the Middle East and Asia. · Governments urged to commit to fully supporting the global humanitarian response plan, while sustaining funding to existing humanitarian appeals. United Nations Secretary-General António Guterres today [Wednesday, 25 March] launched a US $2 billion coordinated global humanitarian response plan to fight COVID-19 in some of the world’s most vulnerable countries in a bid to protect millions of people and stop the virus from circling back around the globe. COVID-19 has killed more than 16,000 people worldwide and there are nearly 400,000 reported cases. It has a foothold across the globe and is now reaching countries that were already facing humanitarian crisis because of conflict, natural disasters and climate change. The response plan will be implemented by UN agencies, with international NGOs and NGO consortia playing a direct role in the response. It will: · deliver essential laboratory equipment to test for the virus, and medical supplies to treat people; · install handwashing stations in camps and settlements; · launch public information campaigns on how to protect yourself and others from the virus; and · establish airbridges and hubs across Africa, Asia and Latin America to move humanitarian workers and supplies to where they are needed most. United Nations Secretary-General António Guterres said: “COVID-19 is menacing the whole of humanity – and so the whole of humanity must fight back. Individual country responses are not going to be enough. “We must come to the aid of the ultra-vulnerable – millions upon millions of people who are least able to protect themselves. This is a matter of basic human solidarity. It is also crucial for combating the virus. This is the moment to step up for the vulnerable.” Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs Mark Lowcock said: “COVID-19 has already upended life in some of the world’s wealthiest countries. It is now reaching places where people live in warzones, cannot easily access clean water and soap, and have no hope of a hospital bed if they fall critically ill. “To leave the world’s poorest and most vulnerable countries to their fate would be both cruel and unwise. If we leave coronavirus to spread freely in these places, we would be placing millions at high risk, whole regions will be tipped into chaos and the virus will have the opportunity to circle back around the globe. “Countries battling the pandemic at home are rightly prioritizing people living in their own communities. But the hard truth is they will be failing to protect their own people if they do not act now to help the poorest countries protect themselves. “Our priority is to help these countries prepare and continue helping the millions who rely on humanitarian assistance from the UN to survive. Properly funded, our global response effort will equip humanitarian organizations with the tools to fight the virus, save lives, and help contain the spread of COVID-19 worldwide.” WHO Director-General Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus said: “The virus is now spreading in countries with weak health systems, including some which are already facing humanitarian crises. These countries need our support – out of solidarity but also to protect us all and help suppress this pandemic. At the same time, we must not fight the pandemic at the expense of the other humanitarian health emergencies.” UNICEF Executive Director Henrietta H. Fore said: “Children are the hidden victims of the COVID-19 pandemic. Lockdowns and school closures are affecting their education, mental health and access to basic health services. The risks of exploitation and abuse are higher than ever, for boys and girls alike. For children on the move or living through conflicts, the consequences will be unlike any we have ever seen. We must not let them down.” At the virtual launch of the COVID-19 Global Humanitarian Response Plan, the UN Secretary-General was joined via video link by Mr. Lowcock, Dr Tedros and Ms. Fore. Together they called on UN Member States to commit to stemming the impact of COVID-19 in vulnerable countries and containing the virus globally by giving the strongest possible support to the plan, while also sustaining core support to existing humanitarian appeals that help the more than 100 million people who already rely on humanitarian assistance from the UN just to survive. Member States were warned that any diversion of funding from existing humanitarian operations would create an environment in which cholera, measles and meningitis can thrive, in which even more children become malnourished, and in which extremists can take control – an environment that would be the perfect breeding ground for the coronavirus. To kick-start the response plan, Mr. Lowcock released an additional $60 million from the UN’s Central Emergency Response Fund (CERF). This brings CERF’s support to humanitarian action in response to the COVID-19 pandemic to $75 million. In addition, country-based pooled funds have allocated more than $3 million so far. This new CERF allocation – one of the largest ever made – will support: WFP to ensure the continuity of supply chains and transport of aid workers and relief goods; WHO to contain the spread of the pandemic; and other agencies to provide humanitarian assistance and protection to those most affected by the pandemic, including women and girls, refugees and internally displaced people. Support will include efforts around food security, physical and mental health, water and sanitation, nutrition and protection. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Information Service Vienna (UNIS). SOURCE United Nations Information Service Vienna (UNIS) Qaran News
  8. Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) PRESS RELEASE Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) Emergency Response to the Impact of the COVID-19 Pandemic ICD strongly believes in its member countries’ capability to cope with these adverse impacts of COVID-19 and assures them of ICD’s full support JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, March 25, 2020/ — On 11th March 2020, the World Health Organization (WHO) declared COVID-19 a pandemic. ICD (www.ICD-ps.org) is deeply concerned about the health and well-being of its member countries, valued partners and employees. As we observe the rapidly evolving coronavirus (COVID-19) situation together, ICD wants to update you on the situation and the steps which have been taken and to be done to facilitate the safety and well-being of ICD’s member countries, partners and clients. We are very concerned about the exponential growth in the number of cases worldwide and the human, social and economic fallout from this pandemic, especially in ICD member countries. The micro and macroeconomic instability will have severe economic growth and poverty impacts on the member countries. ICD strongly believes in its member countries’ capability to cope with these adverse impacts of COVID-19 and assures them of ICD’s full support as per its mandate to overcome this challenging period. Based on IsDB Group communique (https://bit.ly/3du5jmk), ICD highlights the following fact: In order to support its member countries in this time of need, IsDB Group is setting-up a special ‘Strategic Preparedness and Response Facility’ of US$730 million to mitigate the negative health and socio-economic impact of the COVID -19 pandemic. The facility will extend financing to both the public and private sector in minimizing the spread and impact of the pandemic in IsDB member countries and to build their resilience. Financing will be extended in the form of grants, concessional resources, trade finance, private sector lending and political and risk insurance coverage. The IsDB Group will deploy all the available financing instruments to channel the funds in a fast track manner to support its member countries. The IsDB Group entities will support the private sector in responding to the crisis and to minimize its impact on SMEs to sustain economic development. Additionally, ICD shall provide US$ 250 Million of emergency funding mainly in the form of medium to long-term financing instruments to help existing and new clients in the financial, agri-food, energy and other affected sectors. ICD will also be aiding the private healthcare industry of affected member countries to meet surging need for services, equipment and medicines. Further, ICD will work closely with 100+ local and regional financial institutions in its network to provide necessary support so they can continue to finance SMEs in affected sectors within the markets they operate. ICD spent the last several weeks preparing for how the virus may impact financial institutions and the projects sponsors we partner with and the impact on how we work together. We understand that our partners’ businesses are vital and play even more prominent role in the local economies. ICD calls for a strong global coordination and collaboration for immediate response, as well as medium to long term interventions. We will work hand in hand with all partners for a united action to overcome this pandemic and we strongly believe that effective coordination and interaction among member countries is extremely important to effectively address the current situation. Currently, some critical ICD employees are continuing to work from their offices while many others are working remotely from home. We have reduced business travel to a minimum. With the dedication of ICD’s team, the available technology and our geographical distribution, we should be able to continue to work on ICD sponsored projects without disruption, either remotely or onsite. We will continue to remain attentive and alert in the coming days and weeks. At the end, we would like to share a message of goodwill from the CEO of ICD, Mr Ayman Sejiny: Our dear member countries and partners, in fact, these are exceptional times. ICD believes strongly in the importance of continuous dialogue and collaboration. ICD is ready to provide all kinds and means of support and assistance. Keep the communication strong between us and I am confident that hand in hand we will overcome this challenging period together.” Distributed by APO Group on behalf of Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD). More information on: www.ICD-ps.org SOURCE Islamic Corporation for the Development of the Private Sector (ICD) Qaran News
  9. Stockholm (SMN) – Sidee loo aasaa Soomaalida u geeryoota Corono Virus ee Dalka Sweden? Waa sidee xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka dalkaas? Xildhibaan Cali Salaad oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Magaalada Stockholm kana tirsan Gudiga Caafimaadka ayaa ka hadlay arintaas. Wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo uu uu siiyey Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayuu uga warbixinayaa. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Wareysi-Swedan-sax.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanha-Warraka-25032020-sax.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Bangiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Caalamka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka gudubtay wareega koowaad ee deyn cafinta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo soo dhaweeyay hadalkaas ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hooyatay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed. Khayre oo wariyeyaasha kula hadlay xafiiskiisa ayaa shaaciyey in ay harsan yihiin shuruudo kale oo ay tahay in waddanka uu soo buuxiyo. Shir ayuu sheegay in ay yeelan doonan madaxda wadamada lacagta leh Soomaaliya, kaasoo ay go’aan kaga gaari doonan lacagta harsan. Ugu dambeynti, ra’iisul wasaaraha ayaa meesha ka saarey in dowladdu qorsheyneyso in ay qaadato deyn cusub haddii la dhaafo qaanta haatan lagu leeyahay. View the full article
  12. The International Monetary Fund (IMF) and the World Bank's International Development Association have determined that Somalia has taken the necessary steps to begin receiving debt relief under the enhanced Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) Initiative. Source: Hiiraan Online
  13. Turkish prosecutors have formally charged 20 Saudi nationals over the murder of the dissident journalist Jamal Khashoggi in the kingdom’s consulate in Istanbul in 2018, including two men close to the crown prince, Mohammed bin Salman. Source: Hiiraan Online
  14. Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gaartay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF iyo Banka Adduunka. Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa sanado saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah. “Deyn-cafinta waxay Soomaaliya ka dhigi doontaa inay dadkeeda u sameyso is-beddel waara, ayada oo u ogolaaneysa in deynta lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan dollar laga dhigo 557 milyan, marka ay gaarto marxaladda Completion Point muddo saddex sano gudaheed ah,” ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo kasoo baxay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Banka Adduunka. Si kastaba, marxaladda ay hadda gaartay Soomaaliya ayaa u ogolaaneysa inay hesho fursad ay maal-gelin uga hesho barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Banka Adduunka ee loo soo gaabiyo (IDA), iyo la shaqeynta garabyada kala duwan ee Banka Adduunka. Waxay sidoo u ogolaaneyso Soomaaliya inay hesho deymo cusub. IMF iyo Banka Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay xasilooni iyo is-beddelo dhaqaale, qorshe lagu yareynayo saboolnimada, iyo is-beddelo lagu xoojinayo xasiloonida miisaaniyadda. “Si Soomaaliya u gaarto maraxaladda uga dambeysa ee Completion Point, IMF iyo Banka Adduunka waxay sii wadi doonaan inay mas’uuliyiinta Soomaaliya siiyaan caawimaadda farsamo iyo midda siyaasadeed ee ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan hadafyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marxaladda ay hadda Soomaaliya gaartay ee Decision Point ayaa soo socotay sanado badan, oo kasoo billaabatay dowladdii Xasan Sheekh. Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee tagtay shacabka u sheegeysay in bishan laga cafinayo deynta, taasi oo ah arrin aan sax ahayn, waxayna hadda un buuxisay marxaladdii koowaad ee u qalmidda deyn-cafin, sida ku cad qoraalka IMF iyo Bankiga Adduunka. Si Soomaaliya looga cafiyo deynta, waa inay dhameystirtaa marxaladda Completion Point.
  15. Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa galabta qarax miino loogu xiray lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Allaha u naxariistee Cabdullahi Diiriye Cabdi ayaa xilliga uu qaraxaasi haleelay ka baxay deegaanka Kulbiyow ee isla gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo sida la sheegay uu maalmihii lasoo dhaafay u joogay xalinta khilaaf soo kala dhex galay maamulka deegaankaas. Masuulkaas ayaa xilliga la qarxiyey waxa uu kusii jeeday deegaanka Raaskambooni oo mudo sagaal sano ah uu guddoomiye ka ahaa, kaas oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in sida lagu ogaaday baaritaano hor dhac ah, qaraxa lagu guddoomiyaha uu ahaa miino lagu aasay wadada, isla markaana ay socdaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxaas. Cabdullaahi Diiriye ayaa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo intii maamulkiisu jiray ay isla shaqeynayeen. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna sheegeen in ay la dileen seddax askari oo ilaaladiisa ka mid aheyd. Jubbaland ayaan weli war rasmi ah kasoo saaray dilka guddoomiyihii u qaabilsanaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
  16. NAIROBI (HOL) - Kenya has announced salary cuts in government, tax relief and dawn to dusk curfew in new measures to curb the spread of the novel coronavirus and cushion Kenyans from economic slump as the country registers the 28 th case of the COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta meel ka baxsan magaalada Dhuusamareeb kulan qado ah kula qaatay siyaasiyiin reer Galmudug ah. Madaxweyne Qoorqoor ayaa siyaasiyiintan oo u badnaa kuwii mucaaradsanaa doorashadiisii kala hadlay sidii loo tayeyn lahaa Galmudug, loogana wada shaqeyn lahaa sidii maamulka cusub uga duwanaan lahaa kii afartii sanno ee hore shaqeynayay. Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku amaanay kaalintiisa nabadoonimada, iyagoo balan-qaaday in ay kala shaqeynayaan nabadeynta maamulka iyo dhameynta madmadowyadii horay u jiray. Sidoo kale waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadda ku sagan Gaalkacyo, kaas oo diidanaa doorashadii Qoorqoor. Horey waxaa siyaasaddii Galmudug uga baxay hoggaankii Ahlusunna oo saameyn weyn ku lahaa gobolada dhexe, kadib dagaal 24 saac ka socday magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Qoorqoor oo aan wali la caleemo-saarin, ayaa wada qorshe uu kaga gudbayo carqabadihii horey u curyaamiyey maamulka Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo la heshiiyey siyaasiyiin mucaaradsanaa appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho. Warbaahinta ku hadasha afka xarakada ayaa shaacisay in ay weerarka ay ku dileen xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Waxay intaas ku dareen in sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen xubno kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah Tiradda dhimashadda ayay ku sheegeen sagaal, halka dhaawac ay ku tilmaamtay tirro intaas ka badan oo ah 27. Dhanka kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa shaacisay in weerarkaas lagu dilay afar qof oo shacab ah kuna dhaawacmeen 2. View the full article
  19. Wasiirka gaashaandhigga Suudaan, Janaraal Jamaal Cumar ayaa wadna xannuun ugu dhintay gudaha Suudaanta Koonfureed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeyso afahayeen u hadlay militariga Suudaan. Janaraal Cumar ayaa lagu soo warramaya inuu waday wadahadallo lala yeelanayo koox fallaago ah gudaha caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba. Aas qaran ayaa loo sameyn doonaa wasiirka dhintay, sida ay ku warrantay wakaalada Anadolou oo soo xiganeyso golaha sare ee haya talada Suudaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wadanka Jabbuuti ayaa maanta diiwaan geliyey kiisas hor leh oo xanuunka Coronavirus ah kuwaas oo laga helay gudaha wadan , ka dib markii dowladdu horay u karantiishay labo ruux kuwaas la oo lageeyey goobo gaar ah. Afhayeenka wasaaradda caafimada dalka Jabuuti Saalax Banoyta Turaab.ayaa maanta xaqiijiyay 9 qof oo kale kuwaas uu ku dhacay cudurka Coronavirus, xili uu wareysi siinayey BBC-da, wadanka ayaana wajahayo xalad deg deg oo ku aadan caabuqa Covid-19 . Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga xaqiijiyay gudaha Jabuuti wuxuu ahaa askari u dhashay Spain oo kamid ahaa ciidammada shisheeye ee ku sugan dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Waxan ahay Hooyo haysata toddoba carruura waxay u dhexeeyaan da’da saddex iyo tobbon jirka iyo saddex jirka. Aabbohood kal saddexaad buu hoyday, halkii loo badnaanna tegay! Godka Eebbe ha u nuuree, wuxuu ahaan jiray Kuuli. Mar wuu heli jiray marna wuu waayi jiray. Keligii kumaan dayn jirin hawsha iyo u soo raadinta bariiska carruurta e’ aniguna waxaan dhinac kale raadin jiray cuntadooda iyo dharkooda waxbarashadu haba danbaysee. Hadda hawshu keli ayey igu tahay. Waxan muddo laba sanno ah iibin jiray muuska, markii se’ deyn badan la igu yeeshay baan faraha ka qaaday. Hadda waxaan haystaa meel lagu iibiyo shaaha waa Aqal-Soomaali yar oo baco badan ka samaysan. Gidaar baan ka dhinac samaystay. Gidaarka kiro badanbaa la iga qaadaa mararka qaar waxay igu gaadhaa afar billood. Waa garanayaa magaalada billicdeeda iyo badhaadheheedaba. Baylahdeedana cidi ii sheegi mayso. Waanan garanyaa wax kasta oo magaalada qurux badnaysiinaya cidina iiga warrami mayso. Dawladda hoose sidaan fillaayo saddexdii billoodba marbay na duugtaa oo na daad guraysaa, xashiiskana raacisaa dhammaan agabkayaga oo dhan meelna nama geeyaan! Markay maalin ama saddex maalmood naga maqnaadaan waanu soo noqonaa. Annaguna kama daalno askarta naga kala daadinaysa agabkayaga. Qaar naga midaa gura,”Car alaabtayda kala daadi. Ma adaa ku dhaca. Haddaan wiilashaan dhalay kuugu yeedhi waayo fartaad qaadaba ha ku jabiyaane.” Askarta qaar aad bay u naxariis badan yihiin way iska dhaafaan qaarkalana bakoorad bay dabada noo qabtaan. Waa kala duwanaanshaha dadka iyo abuurka dabeecaddoodda. Gurigayga waxan ka soo baxaa shanta arroornimo, mana ku noqdo inta ay ka gaadhayso siddeedda habbeenimo. Carruurtayda cidi ila ma hayso iyagaa is-haya. Waan ogohay tani inay adagtahay hase yeeshee waxan kaga dhigaa calool adayg waa iyo Alle wehelkii. cid aan ahayn Eebbe kagama tago. Danta carruurtaydaa gurigayga iga soo saartay, danta carruurtaydaan baa bacadka u fadhiyaa, balaayooyinka qaarna la kulmaa, danta carruurtaydaan u daallanahay markasta. Haddaanan sidaa samaynin qayrkay u baahanayaan gacantana hoos dhiganayaan! Anna tan ma ogoli mana ogolaan doono, mana ogoli inay waxbarasho beelaan. Waxan ogolahay inay gaadhaan meel ka sarraysa halkay gaadheen qayrood dadkooda, dalkooda, diintoodana wax ku soo kordhiyaan. Carruurtaydaan u rafaadsannahay markasta. Dartood waan u daalaa, mana danneeyo diifta dushayda ka muuqata. Haa iyaga waxa kasta oo wannaag badan baan u sameeyaa kelidayna ma ahee Hooyooyinkoo dhan baa ila qaba. Hooyooyinka qaar waxay bariiska carruurtooda ka raadiyaan Muus ay iibiyaan in ku xumaata oo laga iibsan waayana yeelata, marka danbana u dhigta xoolaha. Hooyooyin maantoo dhan gidaar fadhiya oo naawila dad ay u soo shaqeeyaan qaarkoodna waxay fadhiyaan 10 saacaddood! Boodhka, Basaaska dushooda barridsaday iyaga waa busayl waayo baahiday halkan u fadhiyaan baa ka darran. Hooyooyin Shaah kariya maantoo dhanna afuufa dhuxusha iyo xaabada indhaha qiiqa kaaga ilmaysiinaysana u adkaysta. Anna bariiska carruurtaydaan bacadkaa u fadhiyaa oo aan u badheedha balaayo kasta! Faadumo Buuni Hargeysa, Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
  22. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa Maanta kormeer ku tagay Xarumo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 oo ku yaalla Magaalada Muqdisho. Masuuliyiintaan Xarumaha ay booqdeen ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Martiini iyo kuwo kale iyaga oo hadalo isugu jira wacyi gelin iyo dardaaran u jeediyey Shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Xarumahaas. Wasiirka ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono qeybaha burbursan ee isbitaalka Martiini si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. “Waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xarumaha caafimaad ee loo diyaarinayo bukaanada ay suuro galka tahay in looga shakiyo ama laga helo cudurka coronavirus Alle kuma keenee,waxaana ka mid ah Hospital Martiini oo aan dooneyno in aan dib-u-dhis ku sameyno qeybaha bur-bursan ee Hospitalka, sidoo kale waxa aan booqanay goobaha hadda diyaarsan ee Karantiilka loogu talagalay”ayuu yiri Wasiir Beyle. View the full article
  23. (SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar oo Maanta xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda ayaa bulshada u diray farriin ku saabsan sidii Caabuqa COVID-19ka looga hortagi lahaa. Madaxwaynaha ayaa bulshada ku guubaabiyay, inay yareeyaan isu imaanshaha iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida, Makhaayadaha, xarumaha adeega bixiya sida, Bankiyada iyo xarumaha Isgaadhsiinta. Madaxwaynaha ayaa farriin gaara u diray Ciidamada amaanka ee kala gadisan ee DDS, inay ilaaliyaan ammaanka xuduudaha madaamo oo dhawaan la xidhay , isla mar markaana inay fuliyaan awaarmita la xidhiidhay Caabuqa COVID-19 ee ay xukuumadu soo saarto. dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo is xigxiga oo laga hortagayo Cubaqan, iyada oo la magacaabay Guddi heer deegaan oo si toos ah ula socda wixii is badalo ah ee yimaada, waxaana xusid mudan in ilaa maanta aan deegaanka laga helin wax bukaan ah oo qaba fayrasaka CORONOGA, marka laga tago 2 ruux oo looga shakiyay, hase ahaate baadhis Caafimaad ka dib la xaqiijiyay inay Caafimaad qabaan. Source