Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa habeenimadii xalay magaalada Garowe ku gubay Qaad si qarsoodi ah loo soo geliyey magaalada ka dib xanibaad horay uu maamulku u saaray kuna joojiyey keenista iyo kaganacsigiisa, waxaana tasliska booliska Puntland uu digniin u diray dadka ka ganacsada qaadka. Qaadkan oo ahaa 5-jawaan ayaa ciidamadu ka qabteen magaalada kaas oo laga keenay dhanka dalka Itoobiya, ciidamada ayaana goob fagaaraha ah ku gubay Qaadka, iyaga oo sheegay in la fulinaayo amarkii ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni. Taliyaha Booliska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay la dagaalamaan qaadka sida sharci darrada ah lagu soo geliyo Puntland oo horay looga mamnuucay sababo la xariiro xanuunka COVID-19. Sidoo kale taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabtaan haweenka ka ganacsado qaadka lagana xareeyo kabarada, waxaana uu intaas ku daray in gawaarida keenta Qaadka deegaannada Puntlan taliska uu war ka soo saari doono lana ganaaxidoono sida uu hadalka u dhigay Taliyaha. “ Ciidamada waxaan amarayaa in dagaal ay la galaan qofka soo qaada waa la yaqaanaa laga bilaabo barri in ay doonaan dadka keeno, dumarka kabarada fariisto in la soo qabto, kabarada in la soo xareeyo oo la jajabiyo dagaal in lagu qaado, gawaarida soo qaadana waan wada hadlaynaa go,aan ayaan ka soo saari doonnaa gaariga qiimahiisa qiima ku dhow in la ganaaxo cid kasta oo lug leh waa dambiile waana la qabanayaa” Qaadka ciidamada Booliska Puntland ay ku gubeen magaalada Garowe ee caasimadda u ah maamulkaas aya waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan digreeto madaxweyne lagu mamnuucay in Qaad la soo geliyo Puntland laguna amray in ciidamadu ay la dagaalamaan qaadka sababo la xariira faafitaanka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Beryahan danbe waxaad moodaa in dadkii lagu mashquuliyey wadahadaladda Somalia iyo Somaliland. Waxaaba runtii lays weydiin karaa maxaaba laysu lurayaa kolay meel laga gaadhi maayo xilligane maadaama Shan jeer Oo hore wixii lagu heshiiyey maanta faro madhan laga joogo. Madaxda dawladda Soomaaliya kuma dhacaan in ay yidhaahdaan “waxaanu u ogolaanay inay Somaliland noqoto dal naga madax banaan.” Madaxda dawladda Somaliland iyaguna sidoo kale kuma dhacaan in ay yidhaahdan ” mar kale ayeeynu la midoobaynaa Somalia”. Haddaba iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana aniga iyo dad kaleba aanu dareensan nahay in xataa labadda dhinac xagga madaxda sare aanu midna ka hawl gelin Oo daacad ka ahayn Wuxuu shicibkoodu doonayo. Madaxda Soomaaliya midnimadda ay doonayaan Ma laha ficilkeedii oo inay dhab ka tahay shaki badan baa ku duugan sidii ay soo jiidasho u sameyn lahaayeen kama muuqato iyo tanaasul toona. Sidoo kale madaxda Somaliland ictiraafku maaha mid dhaafsiisan qudbadaha iyo heesaha waddaniga ah. Ficilkii iyo doonistii in ay noqdaan dawlad la ictiraafsan yahay Ma yaalo meesha waxaadna moodaa in dib loo sii socdo oo wanaagii la sameeyaba hadaba dib laga masaxayo. Laakiin mid uun baan ogsoonahay labadda shiciba way ku dheganaanayaan Waxay haystaan oo shicibka Somalia arrinkoodu waa midnimo, shicibka Somaliland arrinkoodu waa in ay noqdaan dal ictiraaf hela oo gooni u madax banaan. Hadda waa kolka aan ka hadlo dadka inta badan ama majorityga shicibka maadama dadka qaar ay aaminsanaan karaan fikirkan mid ka soo horjeeda. Haddaba shicibka nasiib u yeesha mustaqbalka dhow in ay helaan madax nolol u sameysa oo caafimaad, waxbarasho, shaqo, nabadgelyo iyo horumar u horseeda ayuunbaa aakhirka u dhow in ay gaadhaan yoolkooda. Waxaadna moodaa in wadahadalka dadka lagu mashquulinayo ay tahay wax kale Oo loo hayo Oo horumar ah ayaan jirin. Labadda dhinacba hawlo waaweyn Oo gudahooda ah ayaa horyaala. Ilaahay dadka ha ka badbaadiyo cudurkan imika socda” Ayuu Ku Yidhi Jamaal Cali Xuseen Qoraal Uu Ku Baahiyay Degelka Uu ku Leeyahay Facebookga. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo cidda awoodda u leh ee uu sharcigu siiyey, waxaanu tilmaamay in Madax-dhaqameedka looga baahan yahay in aanay faraha la soo galin arrimaha siyaasadda, waxaanu ugu baaqay inay hawlahooda ku eekadan. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Bulshada baaq u diray, waxaanu ugu horeyn ugu hadalkiisi ku bilaabay “Salaadiinta waxaa loo doortay oo loo caleemo-saaray arrimaha reeraha iyo inay xal ka gaadhaan dhib kasta, colaad kasta iyo khilaaf kasta oo reeraha ka dhex dhaca, nabadda ayey ka taliyaan, laakiin Salaadiintu maaha siyaasiyiin, ee siyaasadda faraha ha kala baxaan oo xilkooda reernimo ha ku eekaadaan, arrinta wada-hadallada Soomaaliya Xukuumad baa loo igmaday oo ogolaasho loo siiyey, ee Salaadiin ogolaasho looma siin, Salaadiin u igman inay Somaliland wada-hadallada Soomaaliya uga qayb galaa ma jiraan, ogolaanshana uma haystaan, Salaadiintana waxaa looga baahan yahay inay sharciga ilaaliyaan oo kala dambaynta ilaaliyaan, cid walba oo sharciga ka hor timaadana waa in sharciga la hor keena, cidda ay doontaba ha ahaatee, maxaa yeelay sharciga waa loo siman yahay”. Siyaasi Jaamac-shabeel mar uu ka hadlayey xanuunka coronavirus ayaa wuxuu yidhi “Coronavirus waa xanuun meel walba taabtay, oo meel walba raad ku yeeshay, oo albaabadii xidhay, isku socodkii waddamada xidhay, dhaqaalihii raad ku yeeshay, laakiin inagu aynu ogaano in wixii qorani ay inagu dhacayaan, oo ALLE aynu barino, dadkuna aad ha isku ilaaliyaan, nadaafaddana aad ha ugu dedaalan”. Source
  4. (SLT-Washington)-Guud ahaan caalamka wuxuu cudurka coronavirus ku dilay 70 Kun oo qof sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Jaamacada Maraykanka ee Johns Hopkins University. Tan iyo Markii uu Cudurka ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December ee sannadkii hore, wuxuu ku faafay ilaa 183 waddan oo caalamka, tirada kiisaska cudurka ee caalamkan waxay ay gaadhay hal milyan iyo saddex Boqol oo kun oo qof. Cudurka Coronavirus oo aan weli loo helin daawo iyo talaal lagaga hortego wuxuu aad u saameeyay wadamada Talyaaniga, Spian, Ingiriiska iyo Maraykanka. Talyaaniga waxaa cudurka u dhintay dad ka Badan 15 kun oo qof, halka wadanka Spain uu dilay 13 kun oo qof, Wadanka Maraykana waxaa u dhintay Cudurka dad ku dhow 10 kun oo qof. Sidoo kale wadanka Faransiiks waxaa cudurka u dhintay 8 kun oo qof. Tirada dadka Laga daaweeyay Cudurka ayaa hadda ah 270,000 kun oo qof. Source
  5. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa boggaadiyay dadaalada Mideynta iyo dib u heshiisiinta ka socota Galmudug. Puntland ayaa muddo Kaddib Aqoonsatay doorashada Madaxweyne Qoor Qoor ee Galmudug. Culimada Somaliyed ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaallada ka soconaya Jubboyinka iyo Shabeellaha hoose. Wiil Somaliyed ayaa Cudurka CORONA ugu geeriyoday Magaalada London ee Dalka Ingariiiska. Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka soo cubsoonaaday Shabeellaha hoose iyo Jubboyinka. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. War-saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeymo uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa qoraalkaan ku sheegay in howlgalka duqeymahaasi ay fuliyeen, iyaga oo garab ka helaya ciidamada, sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegtay in saddex duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Mubaarak uu ku dilay 8 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,sida uu hadalka u dhigay. AFRICOM ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan goobaha la duqeeyey. Maalmihii u dambeeyey Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
  7. Ciidamada ammaanka ee dowladda Saomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Cabdullaahi Cali Xasan. Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha xafiiskiisa ay ka wateen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Ma cada illaa hadda sababta ka dambeysa xariga loo geystay agaasimaha guud ee wasaaaradaha caafimaadka xukuumadad Soomaaliya, balse warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in loo heysto arrimo la xariira musuq-maasuq iyo wax is-daba marin. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan xariga mas’uulkaasi. Maalmo ka hor ayey aheyd markii xasbiga la dhigay agaasimaha maamulka iyo maaliyada wasaarada Caafimaadka, kaas oo sina loo heysto eedeymo musuq-maasuq ah. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-070420.mp3 View the full article
  9. “ Shirkadaha FlyDubai iyo Alrabiya hadii ay duulimaadyo toos ah ka bilaabaan Muqdisho iyo Garoowe waxay ka go’antahay Somaliland waayo rakaabka ugu badnaa ee Hargeysa ay keeni jireen waxay ahaan jireen Transit ku socda gobolada Somalia. Ethiopian Airline lafteeduna hore ayay duulimaadyo toos ah uga bilawday Muqdisho. Kuwaa laftooda ayaa markii hore ay keeni jirtay Hargeysa oo transit ku mari jiray. Hadda Hargeysa waxa u hadhay inta Somaliland u socota oo keliya. Weliba kuwa ku socda bariga sida Laascaanood oo kale waxaba u fudud inay ka degaan Garoowe. Rakaabka Somaliland ku socda marka la joojiyay kuwii carabta waxa u furan oo keliya inay Ethiopian Airline oo keliya soo raacaan qiimuhuna cirka tago ilayn ma jirto diyaarad kale oo la tartamaysaaye. Xataa rakaabka Somaliland u socda ee Imaaraadka ka imanaya ayaa ku qasban inay ka soo wareegaan Addis Ababa ilayn dayuuraddii DAALLO ee xiliyadii ugu adkaa aynu kaga soo gudubnay ee inagala soo dabaalatay waxaynu u burburinay shirkado kale oo ka awood badan oo aynu u ogolaanay mid kastaba duulimaadyo maalinle ah. Hadii kuwa shisheeyaha aynu laba sadex maalmood u ogolaan lahayn ugu badnaan khadka kamay saareen DAALLO eh. Markaa tollow maxay damacsan tahay xukuumadda Somaliland marka ay arkayso xaaladdan khasaaruhu dal ahaan iyo dad ahaanba inoo taaban karo. Dee mooyi dheh!” W/Q Mujaahid Cali Guray Source
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn xoogan ay diyaarado dagaal ka fuliyeen duleedka degmada Jilib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Duqeyntaan oo ka dhacday deegaanka kalaguur oo 20 illaa 15 KMG u jira degmadaasi auaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayid ah. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in illaa labo qof oo shacab ahaa lagu dilay weerarkaasi dhanka cirka ah, kuwaas oo ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xubno ka tirsana Al-Shabaab lagu dilay duqeynta, walow aan la shaacin tiradooda. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cida fulisay weerarkaan ayaa haddana Mareykanka maalimihii la soo dhaafay wuxuu kordhiyey howlgallada uu ka fuliyo K/ Soomaaliya Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Mareykanka lagu eedeeyey in duqeymaha uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya ay khasaarooyin ka soo gaaraan dadka rayidka ah, islamarkaana aysan jirin cid kala xisaabtanta, walow taliska AFRIOCM uu iska fogeeyey arrintaas.
  11. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali and U.S. security forces on Sunday evening killed eight al-Shabab militants in the latest onslaught on the extremist group in the southern region, officials confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-London)-Raysal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa waxaa la dhigay qeybta xaalada deg deg ah ee cisbitaal ku yaalla magaalada London. Mr Johnson oo la tacalayay caabuqa Corona ayaa xaaladiisa caafimaad la soo tabinayaa in ay ka sii dartay saacadihii la soo dhaafay. Hoggaamiyaha UK ayaa tijaabo caafimaad lagu sameeyay 10 maalmood ka hor laga helay cudurka Corona. Mr Johnson ayaa ayaa wakhtigaasi sheegay in uu wanaagsan yahay howshiisana ku qaban doono gurigiisa Boqorada UK Queen Elizabeth ayaa u mahad celisay shaqaalaha caafimaadka, waxaana ay sheegtay in ay ka guuleysan doonaan caabuqa Corona. Cudurkaan ayaa intii uu ka dilaacay dalka UK waxaa ku dhintay 4,934 oo qof. Source
  13. Taliska Booliiska Puntland, ayaa xalay duleedka magaalada Garoowe ku gubay ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah lagu soo geliyay magaalada, balse ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Booliiska. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay goobta Jaadkaas lagu gubay, ayaa Ciidanka ku amray in ay dagaal toos ah ku qaadaan dadka caadaystay soo gelinta Qaadka laga mamnuucay Puntland. Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale amray in wixii maanta ka bilowda dhammaan la qa-qabto Haweenka Jaadka gada, islamarkaana laga ja-jebiyo Kabarada Qaadka, si loo dhaqan-geliyo Amarkii dowladdu ku mamnuucday Jaadka ee la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus. Sidoo kale, Taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in dhammaan gaadiidka soo geliya Qaadka iyo guryaha la geeyo labadaba ay dowladdu la wareegi doonto, haddii mar dambe lagu qabto, isagoo uga digay dadka gaadiidka iyo guryahaas leh in ay ka waantoobaan soo gelinta Qaadka. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo xalay Garoowe ku gubay ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah appeared first on Puntland Post.
  14. The basics: you have to reside in Canada, have a Social Insurance Number, be at least 15 years of age and have earned at least $5,000 over the past 12 months Source: Hiiraan Online
  15. CAIRO — Osigan Caseres lost her job as a maid in this city and no longer sends home $300 each month to her daughters in the Philippines to buy food for her eight grandchildren. Source: Hiiraan Online
  16. Authorities in Wajir County have destroyed contraband sugar worth Sh1.8 million following a court order. Source: Hiiraan Online
  17. (ERGO) – Kaha Hirsi Ali has been concerned about the lack of education opportunities for her seven children, as they live a traditional nomadic life, herding their remaining goats in a remote part of central Somalia’s Galmudug region. Source: Hiiraan Online
  18. Ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa loo wareejiyay qaybta daryeelka xaaladaha culus ee cisbitaalka, ka dib markii astaamahii xanuunka ‘coronavirus’ ee lagu arkay ay ka sii dareen sidaas waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Downing Street . Afhayeen u hadalay ayaa sheegay in kooxda caafimaadka ee Boris Johnson ay ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka xaaladaha culus isla markaana uu haatan helayo daryeel caafimaad . Afhyeenku waxa uu intaasi raaciyay in Mr Johnson uu ka codsaday xoghayaha arrimaha dibadda UK, Dominic Raab in uu shaqada sii wado qaybaheeda muhiimka ah . Ra’iisul wasaraha oo da’diisu tahay 55 sano ayaa la dhigay cisbitaal London ku yaalla, gelinkii dambe ee Axaddii kadib markii lagu arkay calaamadaha xanuunka Corona. Boqoradda ayaa si taako taako ah loola socodsiinayay hadba halka ay marayso xaalada Mr Johnson sida laga soo xigtay aqalka boqortooyada UK ee Buckingham Palace. Wariyaha arrimaha siyaasadda ee BBC-da Chris Mason ayaa sheegay in raisul wasaaraha lagu xidhay ogasjiin, gelinkii dambe ee maanta ka hor inta aan loo wareejin qaybta daryeelka xaaladaha culus. Qoraal ka so baxay aqalka boqortooyada ayaa lagu sheegay: ” Gelinkii dambe ee isniinta xaaladda Raiisul wasaaraha ayaa ka sii dartay waxaana kooxdiisa caafimaadku ku taliyeen in la geeyo qaybta daryeelka culus ee isbitaalka.” Hadalka oo sii socda ayaa lagu yidhi ” Raiisul wasaaruhu wuu ka soo reynayaa wuxuuna u mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha waaxda caafimaadka ee NHS, shaqadooda iyo dedaalkooda.” Xoghayaha Arrimaha dibadda Raab, wuxuu sheegay “waxaa jira” koox aad iyo aad u xoog badan isla mar ahaantaa u niyadsan ” oo gacanta ku haya ra’iisul wasaaraha. Wuxuu intaas ku daray isaga iyo asxaabtiisu inay hubinayeen inay fuliyaan qorshayaasha Mr Johnson uu faray inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan. “Taasi waa habka aan dalka oo dhan ugu caddayn karno loollanka coronavirus,” ayuu yidhi. Chancellor Rishi Sunak wuxuu sheegay in ducadiisu ay la jiraan ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa uurka leh, Carrie Symonds, iyo in Mr Johnson “uu kasoo bixi doono tan xitaa isagoo sidiisii kasii xoog badan”. Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay “war aad u xun oo naxdin leh”. “Niyadda dadka waddanka oo dhan waxay la jiraan ra’iisul wasaaraha iyo qoyskiisa inta lagu jiro waqtigan aadka u adag,” ayuu raaciyay. Mr Johnson ayaa markii hore loo qaaday cisbitaalka si loogu sameeyo baadhitaano joogto ah kadib markii laga helay cudurka loo yaqaan coronavirus 10 maalmood ka hor. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ahaa heerkul sare iyo qufac. Horraantii isniinta, waxa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka inuu ku jiro “xaalad wanaagsan”. Falanqeyn, weriyaha caafimaadka iyo sayniska ee BBC Qaybta daryeelka xaaladaha culus, waa qaybta lagu daaweeyo qofka ugu xanuuun liita. Taas macnaheeda in halkaas loo gudbiyey waxay caddaynaysaa sid ay u daran tahay xaaladda raysal wasaaruhu. Ma ogin, xogta dhabta ah ee xaaladda Johnson, aakiin waa uu baraad la’ayahay hawo qaadashudana way ku adag tahay. Bukaanjiif kasta oo ku jira daryeelka degdegga ah ma ahan hawo qaadashadoodu sax tahay, laakiin ku dhawaad saddex-meelood laba meelood waxay ku dhexjiraan 24 saacadood gudahooda marka loo dhigo Covid-19. Kani waa cudur ku dhaca sambabada wuxuuna sababi karaa oof wareen iyo neefsashada oo dhib kugu noqota. Tani waxay jidhka ka dhigaysaa inuu ku dhibtoodo inuu helo oksijiin ku filan dhiigga iyo xubnaha muhiimka ah ee jidhka. Ma jiro daaweyn la xaqiijiyey oo loogu talogalay Covid-19, in kasta oo ay jiraan kuwo aan la xaqiijin. Wasiirka Koowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa sheegtay inay “u dirayaan [Mr Johnson] inay u rejaynayso soo kabasho wanaagsan”, halka Wasiirka Koowaad ee Waqooyiga Ireland Arlene Foster ay intaas raacisay “inay ugu duceyneyaan soo kabasho buuxda oo deg deg ah”. Madaxweynihii ka horreeyay Mr Johnson, Theresa May, iyo hoggaamiyihii hore ee ee Xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn ayaa labaduba sheegay in maankoodu uu la jiro isaga. Mrs May waxay tilmaamtay in “feyraskan naxdinta leh uusan cidna takoorin”. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mr Johnson “uu si dhakhso leh uga soo kabto dhibaatadan.” Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in cisbitaalka St Thomas ‘ay leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka adduunka ugu fiican’ iyo in ra’iisul wasaaruhu “uu ku jiro gacmo badbaado leh”. Praying for the Prime Minister’s swift recovery tonight. @GSTTNHS has some of the finest medical staff in the world, and he couldn't be in safer hands. https://t.co/xh8iyKUv7n — Sadiq Khan (@SadiqKhan) April 6, 2020 Qaran News
  19. 8 Hoggaamiye oo hadalkoodu Dhayalsi,Muran & Marin habaabin dhaliyey Cudurka saf-marka ee Corona ayaa dowladaha caalamka wuxuu ku qasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaayeen faafidiisa. Cudurka ayaa waxaa uu soo ritay ku dhowaad 1.3 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 70,000 qof, guud ahaan caalamka. Balse tirada yar ee hogaamiyayaasha caalamka ayaa jeediyay hadallo ay cudurka ku dhayalsanayaan, halka qaarkood ay bixiyeen macluumaad marin habaabin ah oo ku saabsan fayraska Covid-19, amaba iyaga oo soo jeedinayay tallaabooyiin aan habooneyn. Qaar ka mid ah dowladaha ayaa toddobaadyadii la soo baafay isbedelay; tusaale ahaan madaxwayne Donald Trump, iyo hoggaamiyeyaal kale waxay wali sii wadaan in ay dhibaatada ku gacan seyraan ayna qaataan go’aano halis ah. Waxaa halkan aan idinkugu soo gudbinaynaa 8 hadal oo muran dhaliyay. ‘Waan xakameynay gabi ahaanba’ 22 bishii January, labo maalmood ka dib marki kiiskii ugu horeeyay laga helay Mareykanka, madaxwayne Trump wuxuu bixiyay wareysi uu siiyay TV-ga CNBC wuxuuna xilligaas dafiray in uu cudurka soo gaaray Mareykanka. Labo bilood ka dib Mareykanka ayaa noqday dalka dadka ugu badan uu soo ritay fayraska Corona. Waxay tirada guud kor u dhaaftay – 330,000 illaa 5 April, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins. Tirada guud ee dadka u dhintay fayraska ee Mareykanka waxay ka badan tahay 9,633 qof taas oo ka yar Spain iyo Taliyaaniga; Haddana madaxwayne Trump wuxuu sheegay in tirada dhimashada Mareykanka laga yaabo in ay gaarto ilaa 250,000 oo qof. ‘Waa uun sida hargabka oo kale’ Taariikhda hadalada muranka dhaliya kama aysan hor istaagin Jair Bolsonaro, madaxweynaha Brazil, in uu cara galiyo hannaanka siyaasada dalkiisa, wuxuuna noqday madaxwaynaha dalka ugu wayn Laatin Amerika, sannadkii 2018. Waxaa hoos u dhacday caannimada Bolsonaro ee dalkiisa, markii uu dalkiisa gaaray fayraska Covid-19. Khudbadiisii ugu dambeysay ee u uu TV-ga jeediyay waxaa hareeyya dibadbaxayaal isugu soo baxay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Brazil. Dibadbaxyadan waxaa looga soo horjeeday qaabka muranka dhalisay ee uu madaxwaynaha u wajahay cudurka saf-marka ee Coronavirus. Wuxuu sidoo kale gaashaanka u daruuray halista cudurka. Madaxweynaha Brazil wuxuu si joogto ah u jabiyay talooyiinka kala fogaanshiyaha bulshada. Waxaa uu sidoo kale ka soo diiday in xannibaad ay soo rogeen qaar ka mid ah barasaabyada gobollada ee dalka Brazil. Brazil waxaa ilaa iyo hadaa la xaqiijiyay in 11,000 kiis laga helay wuxuuna si fudud ugu fiday gobollada. Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska cudurka ay laba jibaarmeen 5-tii maalmood ee ugu dambeysay. ‘Halkii aad hdibaato keeni lahaydeen, waan idiin aasayaa’ Madaxwaynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, dhankiisa muusan dafirin halista uu leeyahay fayraska Covid-19. Dalkan waxaa la soo rogay tallaabooyiin adag oo ay ka mid yihiin xannibaado iyo bandow, balse waxaa dalkaasi ka dhacay hal dibadbax oo ay dadka uga cabanayeen gabaabsi dhanka cunadda ah. Haddaba, Jawaabtii uu Duterte bixiyay maxay ahayd? Waxaa uu ku hanjabay in dadka jabiya amarada dowladda ay toogan doonaan ciidamada ammaanka. “Ha u caga-jugleynina dowladda, waad guuldareysan doontaan,” waxaa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay 2 bishan April. Dalka Philippine, kiisaska fayraska ee lagu arkay waa in ka badan 3,500, waxaana ku dhimatay in ka badan 160 qof. ‘Fayras kama jiro halkan. Ma aadan arkin wax duulaya, Soo sidaa ma ahan?’ Madaxwaynaha dalka Belarus, Alexander Lukashenko, ayaa iska indha tirayay marka la eego hab dhaqankiisa ku aadan coronavirus ee aalamka ka dilaacay. Wuxuu ku qoslay soo jeedin ahayd in uu muujiyo dadaal dalkiisa uu uga hor istaagayo in uu ku sii fido fayraska Corona, sababtoo ah waxa uu yiri “uma jeedo fayras duulaya halkan”. Xilli uu ka hadlayay telefishinka, isagoo ciyaarayay xeegada barafka lagu dheelo, wuxuu ku andacooday in dadka isugu so baxay ciyaarta ay wanaagsan yihiin sababto ah “qabowga ka jira garoonka ayaa ka hortaga in uu cudurka faafo”. Wuxuu ku tilmaamay cabsiga fayraska Corona in aysan ahayn wax ka badan cabsi maskaxda ku dhacda”. Belarus, oo ah dal ay ku nool yihiin 10 milyan oo qof, waxaa lagu tilmaamaa “goobtii ugu dambeysay ee Yurub ay kali-talisnnimada ay ka jirto”, waxaa laga soo sheegay in cudurka u haleelay in kabadan 700 qof, ayna u dhinteen ilaa iyo imika 5 qof. ‘Haddii aad awoodid qaab ay qoyskaada dibadda ku aadi karaan si ay wax uga soo cunaan samee, sababtoo ah taasi waxay xoojinaysaa dhaqaalaha’ Madaxwaynaha dalka Mexico, Andres Manuel Lopez Obrador, ayaa si joogta ah isaga dhagatiray talooyiinka saraakiisha caafimaadka ee ku aadan faafidda Coronavirus. Wuxuu sidoo kale beeniyay halista fayraska, wuxuuna booqasho ku tagay melo ka mid ah dalkaasi isaga la kulmayaya bulsahada oo uu xitaa dhunkaday carruurta, wuxuuna salaamay taageerayaashiisa. Dalka Mexico, cudurka uma uusan saamayn sida dalka dariska la ah ee Mareykanka, waxaa uuna soo ritay 2,143 qof iyo 94 qof oo dhimasho ah. Balse khubarada caafimaada ayaa ka digaya in tirada ay gaari karto mustaqbalka illaa 700,000 oo qof. 30-kii bishii March, Mexico waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caafimaad waxaana wali dalkaasi la ogol yahay in ay isu iman karaan illaa 50 qof. ‘Feyriska Corona waa shaqada alle ee uu ku ciqaabayo dalalkii cunaqabateynta nagu soo rigay’ Dowladda Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa isaga jeedin hadallo muran dhaliyay oo ku aadan Corona. Sidoo kale xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa ereyadooda lagu muray, sida Wasiirka gaashaandhiga, Oppa Muchinguri, oo sheegtay in cudurka saf-marka ah uu yahay aargoos uu alle uga aargoosanayo wadamada cunaqabateynta ku soo rigay Zimbabwe. “Cudurada saf-marka ee noocan ah ma lahan sharaxaad dhanka Seyniska ah, mana lahan wax xudduud ah,” ayay tiri MrsMuchinguri 18 March. ‘Trump – adiga iyo dadka kula midka ah ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan faafidda cudurka, maadaama dadka la dhibaatooda intooda badan ay Mareykanka ka soohorjeedaan. Wadaadka Shiicada ee sida wayn looga qadariyo dalka Ciraqa ee Muqtada Al-Sadar ayaa ku eedeeyay madaxwayne Donald Trump in uu isaga ku faafiyay fayraska dalalka ka soo horjeeda Mareykanka. Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Al-Sadar waxaa uu ku gacanseyray tallaabooyiinka ay soo rogtay dowladda Ciraaq islamarkana waxaa uu qabanayay isu so baxyo diimeed oo uu dadka ku wacdinayay. wuxuu sidoo kale faafidda u tiiriyay in ay sabab u tahay “sharciyeynta in ay is-guursadaan dadka isku jinsiga ah” guud ahaan caalamka, iyada oo ay jirto in labada dal ee sida aadka ah ugu faafay cudurka ee Shiinaha iyo Taliyaaniga aan wali laga ogolayn arrintaas. “Mid ka mid ah arrinta ugu daran ee faafisay cudurkan saf-marka ah waxay tahay sharciyaynta in ay is guursadaan dadka isku jinsiga ah,” ayuu yiri. Illaa 2 bishan April, wasaarada caafimaadka ee Ciraaq waxay xaqiijisay 772 kiis oo ah fayraska Covid-19 iyo dhimashada 54, balse hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay ka digaysaa in tirada ay intaasi ka sii badan karto. ‘Uma gudbinayno macluumaadka qaar ee dad-waynaha, sababtoo ah ma doonayno inaan cabsi abuurno’ Madaxwaynaha dalka Indonesia, Joko Widodo ayaa qiray in si ula kac ah uu u qariyay macluumaad la xiriira kiisaska Covid-19 ee dalkaas, si aysan shacabka u miciin bidin hab-dhaqanka walaaca iyo cabsida ku saleysan. Dalkan ku yaalla qaaradda Aasiya waxaa kiiskii ugu horeeyay la diiwaangaliyay 2-dii bishii March, balse waxay imika tirada gaartay 2,200, waxaana cudurka u dhintay in badan 190 qof. ‘Waxaan ku sugnaa isbatalka habeen hore halkaasi oo aan u maleynayo in ay ku jireen bukaan qaba fayraska Corona waanna salaamay qof walba’ Rai’sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa u sheegay warbaahinta, 3-dii March, in uusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xiili uu UK cudurka ku sii faafayay, waxaa uu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu gacanta dhaqdo. Maalmo ka dib waxaa cadaatay in Boris Johnson uu gacan qaaday oo kali ah shaqaalaha caafimaadka, balse hadalkiisa ayaa wali ah mid cambaareyn la kulmaya. Raisul wasaaraha ayaa fayraska Corona laga helay, waxaana la sheegay in la seexiyay isbitaal. Qaran News
  20. Dhadhaab Refugee Camp, North East Kenya ( PPM) — Al-shabaab, the Somalia-based extremist organisation, does not run out of recruits, so goes the story. Its failed attempt to launch a surprise attack against Puntland in 2016 betrayed its one-time secret recruitment strategies. Almost 30% of Al-shabaab fighters taken prisoners by Puntland Defence Forces were children under 15 years of age. Some of the children interviewed shared harrowing experiences about how Al-shabaab persuaded them to join religiously justified punitive expedition against Puntland State. Children were recruited in Lower Shabelle, Upper Jubba, Middle Jubba, Bay and Bakool regions. Their parents reported them missing. An interrogator asked one emaciated child POW how he managed to carry an AK-47 assault rifle and walk more than 200 KM. Some parents who came to Puntland to have their “abducted” children reunited with them had expressed a wish to bring up their children in an environment where Al-shabaab conscription officers cannot breathe down on families’ necks. Al-shabaab senior leaders are not young men in the conventional sense of the word. The use of the word youth in the organisation’s name conveys more than ideological commitment. It is a means to recruit young fighters regardless of their age. In Lower Jubba, where Al-shabaab controls Bu’aale, the administrative capital of the region, and Jilib, the group has put in a place a policy that compelled many parents to cross the border between Somalia and Kenya and start life in refugee camps such as Dhadhaab and Dhagahley. Al-shabaab obliges a family with three sons to send one to to Al-shabaab barracks (mu’askar) to train to become a fighter or an intelligence operarive (amniyat) after screening (tarshih). Luqman (not his real name) told Puntland Post stringer in Dhadhaab that he “was forced to flee a hamlet in Middle Jubba after Al-shabaab gave me an ultimatum to allow one of my sons to join the group.” Luqman said he would be accused of espionage had he not fled the hamlet to seek asylum in Kenya. “I told them that both my sons are adults and that it is their decision, not mine, to join Al-shabaab” Luqman told Puntland Post stringer. If three sons are under 15 years of age, parents will have to give one of the sons up for adoption by Al-shabaab. “Al-shabaab has shed any pretense of good conduct towards families and children. Families in Al-shabaab-controlled areas live in constant fear of having their sons conscripted for suicide bombing, intelligence gathering or aiding and abetting assassins” says Mukhtar Dala’an, a former coordinator of Somali Red Crescent Office in Baidoa, who is now in Dhadhaab refugee camp. Al-shabaab leaders worry about the dwindling population in districts the group controls. It does not restrict travelling to and from districts under its control. Such a decision will limit its ability to launch suicide bombing missions in Mogadishu, Kismayo and Lower Shabelle. For parents fearing the gaze of conscription officers, relocating to another part of Somalia or seeking asylum in neighbouring Kenya are two appealing options. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post ESCAPING FROM AL-SHABAAB’S CONSCRIPTION OFFICERS appeared first on Puntland Post.
  21. London (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la dhigay qeybta daryeelka deg degga ah ee isbitalka, kadib markii xaaladdiisa cudurka coronavirus ay kasii dartay, sida uu sheegay xafiiskiisa Downing Street. Britain ma lahan wax qorshe ah oo deggan oo la xiriira cidda shaqada sii wadeysa, haddii ra’iisul wasaaraha uu noqdo mid aan wax qaban karin, hase yeeshee Johnson, oo 55 jir ah, ayaa xoghayaha arrimaha dibedda Dominic Raab weydiistay inuu shaqadiisa sii qabto. Johnson ayaa Axaddii la dhigay isbitalka, kadib markii 10 maalmood oo xiriir ah lagu arkayey astaamaha cudurka Coronavirus. Saraakiisha ayaa sheegay in Johnson uu dareemayey qandho heer kulkeedu sarreeyo, iyo astaamo kale oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus. Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Downing Street ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Johnson lagu xiray qalabka laga qaato neefta. “Galabta ayaa xaaladda ra’iisul wasaraaha ay kasii dartay, waxaana kadib talo ka timid dhaqaatiirtiisa la dhigay qeybta xaaladda deg degga ah ee isbitaalka,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay xafiiskiisa. Xafiiska Downing Street ayaa sheegay in go’aanka Johnson lagu dhigay qeybta xaaladda deg degga ah, loo qaatay si loo muujiyo taxaddar dheeri ah. Johnson ayaa 27-kii March ku dhowaaqay in cudurka laga helay, wuxuuna wixii markaa ka dambeeyey ku sugnaa xaalad go’doon ah, isaga oo degan qeyb kore oo ka tirsan dhismaha xafiiskiisa Downing Street. Britain ayaa waxa ay bartamaha kaga jirtaa faafitaan xooggan oo uu sameynayo cudurka Coronavirus, ayada oo dalkaas laga xaqiijiyey ku dhowaad 50,000 oo kiis iyo dhimashada ku dhowaad 5,000 oo qof illaa hadda. Johnson waa hoggaamiyaha ugu magaca dheer caalamka ee uu cudurkan ku dhacay, hase yeeshee wasiirkiisa caafimaadka Matt Hancock, iyo dhaxal-sugaha boqortooyada UK Prince Charles, ayaa labadaba laga helay cudurka, inkasta oo ay kadib kasoo kabteen.
  22. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu uga hadlayey arrimo dhowr ah oo xaaladda dalka ku saabsan ka jeediyey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntalnd. Deni ayaa ugu horeyn balan qaaday in si joogta ah bil kasta Isniinta u horeysa uu ula hadli doono dadka, isla markaana uu ka warbixin doono xaaladaha guud ee maamulka uu hoggaamiyo iyo guud ahaan dalka. Madaxweyne Deni ayaa qeybaha hore ee khudbadiisa uga hadlay, saameynta cudurka Coronavirus ee dunida, gaar ahaan tan uu ku yeeshay dalka, isagoo tacsi u diray dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ugu geeriyooday cudurkaas. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa aad u bogaadiyey dadaaladda socda ee lagu qaboojinayo siyaasadda Galmudug, isagoo si weyn ugu amaanay madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. “Waa arin lagu farxo in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu maanta tegay Dhuusamareeb, isla markaana uu diyaar u yahay in dhismaha maamulkaas uu qeyb ka qaato, waxaan uga mahad celinayaa madaxweyne Qoor-Qoor samirka iyo dadaalka uu u sameeyey sidii uu dib u heshiisiin u abuuri lahaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Saciid Deni oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaa muuqata markii Galmudug loo madax baneeyey siyaasadeeda , oo ay dowladda dhexe wakhti siisoo faraha ay kala baxday, inay arrimahoodii xallisteen, waana arin lagu farxo oo aan ku bogaadineyno, degaan kasta dadkiisu inay arrimahooda xallistaan, oo sidaas looga gudbo khilaaf walba”. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadallo u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka socda garabka la magac baxay, isbedel doonka Jubbaland oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Waxaan kale oo bogaadinayaa dadaallada iyo wadahadalka ka socda Nairobi ee u dhaxeeya Madaxweyne Axmed Madoobe, Xidig, Seeraar iyo Sheekh Daahir, oo iyagana khilaaf kasoo bilaawday doorashadii ka dhacday Jubbaland uu mudo soo dhex yaalay, waxaan ku faraxsanahay inay garteen inay ka wada hadlaan arrimahooda oo ay xalliyaan, waxaana runtii ka war qabaa in uu gaba-gaba yahay wadahadalkoodu xal waarana ay ka gaari doonaan khilaafka dhex yaalla” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Halkan ka Daawo khudbadda Deni oo dhameystiran
  23. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna hoggaamiyaha Xisbiga UPD ayaa ka hadley dagaal beeleedyada ka dhacaya degaannada duleedka kaga beegan Magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose iyo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Xasan sheikh ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda degaannada lagu dagaalamayo in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyadaas. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn aysan ka dhalaneyn dagaal beeleedyada,isla markaana loo baahan yahay in loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta. Dagaal beeleedyadyadii ka dhacay degaannada duleedka Galbeed kaga beegan Kismaayo iyo degmada Walanweyn ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sababeen dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale. PUNTLAND POST The post Xassan Sheikh oo baaq Nabadeed ka soo saaray dagaal beeleedyo ka dhacay Wanlaweyn iyo duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-06042020.mp3 View the full article