-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliyaha guutada 7-aad qeybta 60 -aad ee ciidanka Dhulka G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka ku diriraya halkaasi. Socdaalkaan waxaa taliyaha ku wehlinayey taliye xigeenka Booliska gobolka Shabeelaha Hoose, G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo guddoomiyaha arrimaha bulshada ee ghobolkaasi. U jeedka saraakiishaa ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday gudaha degmadaasi. Wanlaweyn ayaa waxaa maalmihii dambe ka taagnaa xiisad u dhexeyso labo beelood oo walaalo ah, kuwaas oo dagaallo dhex-maray ay isaga dilay dad badan. View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya Airlines, Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay in saddex kamid ah shaqaalaha shirkaddooda laga helay cudurka Coronavirus. Tewelde Gebremariam, wuxuu sheegay in shaqaalaha cudurka laga helay ay ku jiraan daryeel caafimaad laguna karantiimeeyay goob u gaar ah shaqaalahooda oo ay sharciyeysay wasaaradda caafimaadka Ethiopia. Arrintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli shirkadda Ethiopia Airline ay tahay shirkadda kaliya ee xilligaan duulimaadyada ka sameysa Somaliland. Dhinaca kale, shirkadda Ethiopian Airline ayaa shaacisay inay khasaartay lacag dhan 550 milyan oo dollar oo ah saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus. Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay xilligan, shirkaddu inay hakisay duullimaadyadii ganacsiga ilaa boqolkiiba 90, taas oo macnaheedu yahay inay duuleyso 10 boqolkiiba oo keliya goobaheedii caalamiga ahaa. Source
-
Source
-
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu horkacayey ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in ku laabashada Xaaf ee Gaalkacyo ay ka dambeysay, kadib markii la’isku fahmi waayey kulamo maalmihii u dambeeyey uga socda magaalada Dhuusamareeb isaga iyo madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Qoor-Qoor. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Xaaf ay cuntami waayeen qaar ka mid ah qodobada loo soo bandhigay, taas oo keentay inuu isaga tago magaaladaasi. Dhowaan ayey aheyd markii shaaciyey inuu u tanaasulay danaha guud ee dadka reer Galmdug, si loo soo afjaro khilaafaadka hareeeyey maamulkaasi. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada Puntland, gaar ahaan kuwa nabad-sugida maamulkaasi ee loo yaqaano PSF-ta ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii qarax miino oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah iyo askar uu ka dhacay magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howlgaladaan ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qab-qabteen tiro dad ah oo lala xiriiinayo inay ku lug lahaayeen qaraxaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in haatan su’aallo ay weydiinayaan shaqsiyaadka lagu qabtay howlgalladaasi oo gacanta ugu jira ciidamada amniga. Qaraxaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe Puntland ay bandow ku soo rogtay magaalooyinka maamulkaasi, si loola socda dhaq dhaqaaqa guud. Falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ayaa ku soo badanayey todobaadyadii la soo dhaafay deegaanada Puntland, kadib qarixii xoogana ee dhowaan ka dhacay gudaha magaalada Garoowe, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal ee maamulkaasi.
-
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Londo ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Abwaan, fannaan, mulaxamiiste Axmed Ismaaciil Xudeydi kaas oo u geeriyooday xanuunka Coronavirus. Fannaankan, ayaa la sheegay in maalmihii dambe uu la xanuunsanayay cudurkaan taas oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday sida ay xaqiijiyeen dad si aada ugu dhawaa marxuumkaasi Axmed Xudeydi. Allaha u naxariistee Axmed ayaa caanka ku ahaa laxamada iyo tumista kabanka taasi oo keentay in dadka ay ugu yeeraan boqorka cuudka, waxaana fannaanka geeriyooday heesaha aadka loogu yaqaano ka mid ah heesta “Uuryo hooyo” oo ka hadlaysa walaaltinimada. Axmed Xudeydi waxa la sheegaa in uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawirkani maaha Xudun ee waa mid hore Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Arbaco ah ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool taasi oo ka dhalatay nin lagu dilay nawaaxiga degmadaas. Dilka ninkaas ayaa xiisad ka dhex abuuray dadka degaanka kadib markii ehelada marxuumku ay dalbadeen in loo soo gacan-geliyo dadkii ka dambeeyay dilkiisa balse ay arrintaas lagu guulaysan waayay. Malayshiyaad hubaysan oo ka soo kala jeeda dhinacyada xiisaddu u dhexayso ayaa lagu soo warramayaan in ku wada sugan yihiin degmada Xuddun waxaana laga cabsi qabaal dagaal halkaasi ka qarxa. Waxgaradka iyo odayaasha degmada Xuddun ayaa dhankooda ku hawllan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee degaanka ka aloosan si looga baaqsado isku dhacyo qabiil PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo ka aloosan degmada Xuddun ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Raysal saaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa dib usoo nooleeyey dadaaladii uu dib ugu furayey wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe fadhiid noqday. Abiy Ahmed ayaa qorshihiisan cusub si gaar ah ugu beegsaday Madaxda ugu sarreysa Somaliland iyo Soomaaliya, si uu ugu guulleysto soo nooleynta wada-hadalada labada dhinac ee gabalku u damay. Sida ay Ilo-wareedyo lagu kalsoon ay sheegayaan, Abiy ayaa qorshahaasi ugu horreyntii usoo bandhigay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, xili uu dhowaan safar ku tagay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa. Raysal wasaare Kheyre ayuu Abiy usoo bandhigay in uu kaalinta ugu weyn ka qaato wada-hadaladaasi, isagoona soo diyaarinaya ajandaha ay xukuumada Soomaaliya ku wajaheyso wada-hadalada Somaliland, Sida ay Ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday. Abiy ayaa arrinkaasi ku sababeeyay fikir uu qabo oo ah in reer Somaliland ay waxyaabo badan ka tirsanayaan Madaxweyne Farmaajo oo xasaasiyad gaar ah ka qabaan, maadama ay Somaliland ganafka ku dhufatay safarkii Hargeysa ee uu qorsheeynayey in Farmaajo uu ku geeyo. Kheyre ayaa lagu soo warramaya inuu aqbalay qorshaha cusub ee Abiy, isla markaana uu usii bandhigay Madaxda reer Somaliland ee xukuumadiisa ku jira, si ay gacan uga siiyaan hirgelinta qorshahaasi cusub. Xubnaha xukuumada Kheyre kujira ee kasoo jeeda Somaliland, ayaa iyagu aaminsan fikirka midnimada Soomaaliya, lamana oga kaalinta ay ka qaadan karaan wada-hadalada labada dhinac, maadama ay Somaliland ka soo horjeedo inay xubnahaasi kamid noqdaan wada-hadaladaasi. Abiy ayaa sidoo kale qorsheynayay inuu dabayaaqada bishan April magaalada Addis Ababa ku kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya, si loogu gogol xaadho bilowga wada-hadalada labada dhinac ee mudada badan hakadka ku jiray. Kulanka Abiy Ahmed uu iskugu keenayey Biixi iyo Kheyre, ayaa la filayaa in uu isbadal ku yimaado waqtigiisii, sababo la xidhiidha cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus. Sidoo kale Abiy ayaa lagu soo waramayaa in uu fudeydiyay wada-hadal dhanka telefoonka oo dhexmaray Xasan Kheyre iyo Muuse Biixi, si uu qorshihiisu u noqdo mid midho dhala oo horseeda wada-hadalo rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan qorshaha Abiy iyo wada-hadalka dhexmaray Kheyre si kooban ugu soo bandhigay Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland iyo qaar kamida madaxda mucaaridka, isagoona la socodsiiyay inuu jiro qorshe cusub oo uu dabada ka riixayo Raysal Abiy Ahmed. Inkasta oo uu Biixi si faah-faahsan uga warbixin Madaxda Somaliland qorshahaasi Abiy, haddana wuxuu qabsaday in muddo 10-cisho ah kadib uu warbixin buuxda ka siin doono qorshahaasi cusub ee wada-hadalada. Qorshaha cusub ee Abiy ayaa ku soo aadaya xili ay Salaadiinta Somaliland ay dalbanayeen in dib loo bilaabo wada-hadala Somaliland, isla markaana ay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi si looga gaadho natiijo wax ku ool ah, lamana oga inay daaha dabadeeda ka wado dowladda Soomaaliya, maadama ay dhowaan Madaxda Somaliland baaqyadaasi la xidhiidhiyeen inay hageyso oo dan ka leedahay dowladda Soomaaliya. Source
-
Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Maalmihii u dambeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isaga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Magaalada Berbera ayuu ku dhashay, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-080420.mp3 View the full article
-
Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Fannaan Somliyed ayaa ku goor dhow ku geeriyoday Magalada London ee Dalka Ingariiska…. Wasaaradda Caafimadka Somaliya ayaa shegtay in Qof cusub oo aan dalka ka bixin oo laga helay cudurka Coronavirus. Wasaaradda Caafimadka ayaa shegtay in qalabkii lagu baari laha Caabuqa CORONA la so damaystiray, hadda kaddibna kiisaska cusub lagu baari doono gudaha dalka. Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax xalay ka dhacay Magaalada Bosaso ee xaruntagobolka Bari. Dowladda Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyn lagu dilay Hoggaamiye sare oo ka tirsana Xarakada Al-Shabaab. Nabaddoon ku sugan Jubboyinka ayaa sheegay in Dowladda Mareykana duqyn waliba o ay ka fuliso deegannadasi ay shacabka kaliya la bartilmaamedsadaan. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdikariin Cali Aadan iyo Xamdi Baraale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saaakay-iyo-goobjoog-08-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Bosaaso)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in qarax xalay ka dhacay istaan laga raaco gaadiidka isaga kala goosha magaalada ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof. Qaraxa oo ka dhashay miino jidka la dhigay ayay wararku sheegayaan in bartilmaameedkiisu ahaa baabuur ay la socdeen ciidamo ku gaaf-wareegayay magaalada, si ay u hubiyaan dhaqan-galka bandowga xilliga habeenkii ah ee lagu soo rogay Boosaaso. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyadu ay iskugu jiraan sagaal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidanka amniga ee Boosaaso. Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xilli ay guud ahaan magaalooyinka Puntland ka dhaqan-galeen bandoow habeenkii ah. Todobaadki hore ayay aheyd marki qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal. Source
-
(SLT-London)-Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku geeriyooday, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeel-dheera tumiddiisa. Sida ay uu xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi. Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaalla London, isaga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii aanu soo noqon Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. Source
-
Maxay shacabka Mareykanka hub u wada iibsanayaan xilli uu Faro baas ku hayo Xanuunka Coronavirus? Shacabka Mareykanka ee khatarta weyn ka wajahaya cudurka sida ba’an ugu sii fidaya dalkaas ee coronavirus ayaa haddana bishii lasoo dhaafay iibsaday hubkii ugu badnaa ee la diiwaan galiyo tan iyo markii ay laanta dambi baarista ee FBI-da billowday xog uruurinta ku saabsan ganacsiga hubka muddo 20 sano ka hor ah. Haddaba maxay tahay sababtu? Iyadoo tirada dhimashadu ay maalin walba kor usii kaceyso, inta badan waddankana uu ku jiro nooc xayiraadda dhaqdhaqaaqa ah, dad badan oo Mareykan waxay u muuqdaan inay u jeesteen dhinaca hubka iyagoo ka falcelinaya waxa socda. Arrintan ma aha kaliya cabsi lagaqabo inuu isku dhex yaac ka dhaco shacabka dhexdiisa, oo markaas sharciga la jabiyo, sida ay khubarada sheegeen. Maxay muujinayaan tirooyinku? Hay’adda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da waxay baaritaanno tixraac ah ku sameysay 3.7 malyan oo qof oo damacsanaa inay hub iibsadaan bishii March ee sanadkan 2020-ka, waana tiradii ugu badneyd ee la diiwaan galiyo tan iyo sanadkii 1998-kii. Tiradan waxay muujineysaa koror 1.1 malyan ah markii la barbar dhigo bishii March ee sanadkii 2019-kii. Maalintii ay taariikhdu ahayd 21-kii bishii March oo kaliya waxaa tixraac lagu sameeyay 210,000 oo ruux, waana tiradii ugu badneyd ee abid hal maalin gudaheed lagu sameeyo. Sida ay shaaciyeen warbaahinta Mareykanka, FBI-da waxay sheegtay in hub ka badan labo malyan oo qori la iibsaday bishii March gudaheeda oo kaliya. Gobolka Illinois oo ugu sarreeyay ayaa laga iibsaday ku dhawaad nus malyan qori, waxaana kusoo xigay gobollada Texas, Kentucky, Florida iyo California. Dukaamada hubka lagu iibiyo ee guud ahaan waddanka ayaa soo tabiyay inaysan awood u heli karin inay hub cusub soo dhigaan si ay u daboolaan baahida weyn ee ay dadka qabaan. Tirooyinkan ugu dambeeyay waxay xitaa ka sarreeyaan heerkii ugu sarreeyay ee hub iibsashada Mareykanka ay gaartay ee ahaa 3.3 malyan sanadkii 2015-kii, xilligaasoo maamulkii Obama laga cabsi qabay inuu xakameyn adag kusoo rogo gadashada hubka kaddib markii lagu baraarugay toogashadii ka dhacday magaalada San Bernardino ee gobolka California. Maxay gadashada hubka aad ugu badaneysaa? Sida uu aaminsan yahay Timothy Lytton, oo ah macallinka cilmiga sharciga ka dhiga Jaamacadda gobolka Georgia, khabiirna ku ah ganacsiga hubka ee Mareykanka, labo sababood ayaa ugu waaweyn kororka hub iibsashada, kuwaasoo salka ku haya xiisadaha ka dhashay coronavirus. “Tan koowaad oo ah in laamaha dowladda ee u adeega shacabka – sida; dab damiska, booliska iyo howl wadeennada caafimaadka – ay aad u “mashquuli karaan” haddii ay dhibaatadu sii weynaato, taasina ay horseeddo in ay meesha ka baxdo kala dambeynta sharciga. Haddii ay xaaladdu heerkaas gaartana qofkii hub heysta “wuxuu isku difaaci karaa” isagoo naftiisa ku badbaadsanaya”, ayuu yiri If you thought the lines at the grocery store are long… good morning from Los Angeles pic.twitter.com/NudGqwW4I2 — CJ Johnson (@cjjohnsonjr) March 14, 2020 Tan labaadna wuxuu ku sheegay cabsi ay dadku ka qabaan in dowladda ay soo rogto xayiraado dhinaca iibsashada hubka ah ama lahaanshaha hubka, taasoo hadda qeyb ka ah dastuurka Mareykanka. “Dadka qaarkood waxay xitaa walwal ka qabaan in dowladdu ay burburi karto sidaas darteedna aysan awood u heli doonin inay dadka amnigooda sugto, dad kalena waxayba ka cabsi qabaan inay dowladdu aad u xoogeysato oo ay ka xaddiddo xorriyaddooda,” ayuu yiri. Sababta aan usoo iibsaday hubkeygi ugu horreeyay Nin ka mid ah dadka hadda cusub ee hubka yeeshay ayaa BBC-da uga warramay sababaha ku kallifay, wuxuuna codsaday in magaciisa la qariyo. Wuxuu sheegay in uu labo qori soo iibsaday 12-kii bishii March kaddib markii ay hay’adda NBA sheegtay inay hakad galisay dhammaan ciyaarihii ay qaban jirtay. Waxaa kale oo uu sheegay in sababaha kale ay ka mid tahay markii ay mas’uuliyiinta waaxda arrimaha degdegga ah dadka u sheegtay inay raashin guryaha soo dhigtaan si aysan dhibaato usoo gaarin haddii uu hakad ku yimaado adeegyada daruuriga ah. “Waxay ila tahay inay adagtahay in meesha laga saaro waxyeello ka dhaln karta xasilooni darro ka dhex billaabata shacabka, markaasoo aanan isku halleyn karin booliska oo kaliya”, ayuu yiri. Sidee looga fal celiyay iibsashada hubka ee badatay? Qaar ka mid ah maamul goboleedyada Mareykanka waxay oggolaadeen in uu sii socdo ganacsiga hubka, iyagoo ku daray ganacsiyada aasaasiga ah ee aan la xayiri karin marka la hirgalinayo xayiraadda guud ee waajibka laga dhigay. Gobollada New York, Massachusetts iyo New Mexico waxay dukaamada noocaas ah ku khasbeen in albaabbada la isugu dhufto laakiin waxay u fasaxeen inay wax ku iibiyaan dhinaca online-ka. Gobolka Washington waxaa looga dhawaaqay amar lagu xirayo dhammaan dukaamada hubka lagu iibiyo, laakiin kuwo badan ayaa iska furnaa iyagoo ka dhaga adeygaya amarka lagu soo rogay. Dhinaca kalena, ururrada u dooda in la xakameeyo hubka shacabka gacantooda gala waxay soo dhaweeyeen xiritaanka dukaamada hubka lagu iibiyo. Maxaa kale oo saameyn ku leh iibsashada hubka badan? Siyaasadda gudaha Mareykanka ayaa saameyn weyn ku leh kororka iibsashada hubka ee laga soo tabiyay waddankaas, xilli ay dabayaaqada sannadkan dhici doonto doorashada madaxweynaha. Musharraxiinta xisbiga Dimuqraaddiga ayey aad ugu badan tahay inay adkeeyaan shuruucda oggolaaneysa in shacabka ay hub iibsadaan, marka la barbardhigo Donald Trump. Gadashada hubka ayaa sare u kacday labadii jeer ee uu xilka ku guuleystay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama. Waxay sidoo kale sare u kaceen markii ay Hillary Clinton usoo baxday tartanka madaxweynaha, sanadkii 2016-kii. Qaran News
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo ka dhacay boosteejo laga raaco baabuurta ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Booliiska oo roondo ku jiray si loo hubiyo bandowga saaran magaalada. Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxa ku dhaawacmay 10 ruux oo isu’gu jira 9 qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland. Dadkaas ayaa badankoodu dhaawacyo fudud qaba marka laga reebo hal ruux oo la sheegay in xaaladdiisu liidato. Ma jirto ilaa iyo haatan cid loo qabtay iyo cid sheegtay midna qaraxa oo ku soo beegmay xilli uu bandow saaranyahay magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta qarax xalay ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Wanlaweyn ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday magaaladaasi. Shuute oo kulan gaar ah la qaatay maamulka iyo odoyaasha dhaqanka ayaa wuxuu u sheegay in aan loo dul-qaadan doonin sii socoshada coladaasi, isaga oo tilmaamay in cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyey dhibaatooyinkii ka dhacay halkaasi. Sidoo kale wuxuu amray ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo dhowaan la geeyey Wanlaweyn in ay maleeshiyaadka weli dhibaatada ka wada degmadaasi ku soo qabtaan nolol ama geeri mid-kood. “Ciidamada Danab ayaan u dirtay Wanlaweyn, waxaana amarnay in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku lugta leh dagaal beeleedyada dhacdooyinka naxdinta leh laga dhaxday, waxaan sidoo kale amarnay in Nolol ama Geeri ay kusoo qabtaan Shaqsiyaadka dhibaatada wada, xitaa waxaa uu amarkaan taabanaa dadka difaacaya” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo doorka maxkamadda ciidamada, maadaama la dhibaateeyey dad birimageydo ah oo aan waxba geysanin. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in maalmaha socdo ay maxkamadda ka soo hor muuqan doonaan shaqsiyaadkii geystay gubidda, dilalkii ka dhacay halkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacdooyin argagax leh lag soo warinayey degmada Wanlaweyn oo ay ka soo cusboonaadeen dagaallo sokeeye oo u dhexeeya laba beelood.
-
London (HOL) - A Somali cultural icon, Mohamud Ismail Hussein, or more commonly known as Hudeydi (Xudeydi), has died on Tuesday as a result of complications of COVID-19. He was 92. Source: Hiiraan Online
-
Ethiopia has secured a £24 million grant from the United Kingdom to support refugees in two regions of the horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
-
Waxaan qabri u sii diyaarinayaa dad nool” Qabri-qode oo qodaya qabri Golaha hose ee dowladda Britain ayaa isku diyaarinaya in fayraska Corona ay u dhintaan dad cusub oo isbitaalada u jiifa qeybta xaaladaha deg dega ah. Clive Kalber waxay kanisadda parish ee ku talla Cornwall ka codsaday inuu qodo qabriyo dheeri ah oo lagu aaso dadka u dhimanaya Coronavirus. “Waa shaqo ay tahay inaan sameyno, waxaa nasiib darro ah in tan ay tahay xaaladda dhabta ah ee hadda aan ku jirno,” ayuu yiri Mr Clive Kalber. Guud ahaan, Britain waxay isu diyaarineysaa latacaalidda haddii xaaladda ay sii xumaato iyadoo tirada dadka uu ku dhacay cudurka ay mareyso ku dhowaad 53 kun, halka 5385 qof ay fayraska u dhinteen. “Waxaan qodaa qubuuraha, waxaana sidoo kale dayactir ku sameeyaa qabriyada, qof walbo uma sahlana, waxay ila tahay inay dadka qaar moodayaan inay la kulmi donaan waxaysan filaneynin, taasi aad ayey u walbahaar badantahay, ma jecli inay ku fikiraan khabri, ma aysanna jeclaan lahayn inaay xita qodaan, balse aniga, culeys igu ma hayso qodidda qabriyada.” Clive Kalber wuxuu diyaarinayaa 4 qabri oo dheeri ah, oo lagu tallo galay in haddii ay dhintaan lagu aaso dadka la xanuunsan fayraska corona ee hadda isbitaalada ku jira. “Runtii dad badan ayaa isku diyaarinaya oo qodayo qabriyo dheeri ah, iyo qabuuro haddii loo baahdo lagu xabaali karo dad badan, waxaan mar walbo xaqiijiyaa inay wax walba diyaar yihiin. Waa mid ka mid ah waxyabaha aad isku dayi karto in aad si wanaagsan ugu hagaajiso qoysaska dadka ay ka geeriyoonayaan, xushmad ayey ii tahay”, Ayuu yiri Mr Clive Kalber. Clive Kalber ayaa sheegay inaysan waligiis dhicin inuu sii qodo qabri qofkii lagu duugi lahaa uu weli noolyahay. “Waligey arrintan maanan sameynin, dhabtii waa wax xanuun badan, in qabri aad u sii qodid dad aanan weli dhimanin. Waxay ka mid tahay dhacdooyiinka xanuunka badan ee dhacay waqtiga lagu jiro xaaladda adag, waxaan rajeynayaa inaan qabriyadan aanan isticmaalin oo dadku ay iska nooladaan”. UK ayaa la tacaaleysa cudurka Covid-19. Raisul wasaaraha dalkaasina, Boris Johnson ayaa la seexiyay isbitaal ka dib markii xaaladdiisa ay sii adkaatay. Horay ayuu Rai’sul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ugu sheegay warbaahinta, in uusan wax walaac ah ka qaban in uu dadka gacanta ku salaamo, xiili uu Britain cudurka ku sii faafayay, wuxuu ku dooday in muhiimadda ay tahay in qofka uu gacanta dhaqdo. Cudurka saf-marka ee Corona ayaa dowladaha caalamka wuxuu ku qasbay in ay u kala cararaan sidii ay u xakamayn lahaayeen faafidiisa. Cudurka ayaa waxaa uu soo ritay in ka badan 1.3 milyan oo qof, halka ay u dhinteen in ka badan 74,000 qof, guud ahaan caalamka. Qaran News
