Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gaartay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF iyo Banka Adduunka. Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa sanado saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah. “Deyn-cafinta waxay Soomaaliya ka dhigi doontaa inay dadkeeda u sameyso is-beddel waara, ayada oo u ogolaaneysa in deynta lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan dollar laga dhigo 557 milyan, marka ay gaarto marxaladda Completion Point muddo saddex sano gudaheed ah,” ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo kasoo baxay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Banka Adduunka. Si kastaba, marxaladda ay hadda gaartay Soomaaliya ayaa u ogolaaneysa inay hesho fursad ay maal-gelin uga hesho barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Banka Adduunka ee loo soo gaabiyo (IDA), iyo la shaqeynta garabyada kala duwan ee Banka Adduunka. Waxay sidoo u ogolaaneyso Soomaaliya inay hesho deymo cusub. IMF iyo Banka Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay xasilooni iyo is-beddelo dhaqaale, qorshe lagu yareynayo saboolnimada, iyo is-beddelo lagu xoojinayo xasiloonida miisaaniyadda. “Si Soomaaliya u gaarto maraxaladda uga dambeysa ee Completion Point, IMF iyo Banka Adduunka waxay sii wadi doonaan inay mas’uuliyiinta Soomaaliya siiyaan caawimaadda farsamo iyo midda siyaasadeed ee ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan hadafyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marxaladda ay hadda Soomaaliya gaartay ee Decision Point ayaa soo socotay sanado badan, oo kasoo billaabatay dowladdii Xasan Sheekh. Dowladda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee tagtay shacabka u sheegeysay in bishan laga cafinayo deynta, taasi oo ah arrin aan sax ahayn, waxayna hadda un buuxisay marxaladdii koowaad ee u qalmidda deyn-cafin, sida ku cad qoraalka IMF iyo Bankiga Adduunka. Si Soomaaliya looga cafiyo deynta, waa inay dhameystirtaa marxaladda Completion Point.
  2. Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa galabta qarax miino loogu xiray lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa. Allaha u naxariistee Cabdullahi Diiriye Cabdi ayaa xilliga uu qaraxaasi haleelay ka baxay deegaanka Kulbiyow ee isla gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo sida la sheegay uu maalmihii lasoo dhaafay u joogay xalinta khilaaf soo kala dhex galay maamulka deegaankaas. Masuulkaas ayaa xilliga la qarxiyey waxa uu kusii jeeday deegaanka Raaskambooni oo mudo sagaal sano ah uu guddoomiye ka ahaa, kaas oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in sida lagu ogaaday baaritaano hor dhac ah, qaraxa lagu guddoomiyaha uu ahaa miino lagu aasay wadada, isla markaana ay socdaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay qaraxaas. Cabdullaahi Diiriye ayaa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo intii maamulkiisu jiray ay isla shaqeynayeen. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, waxayna sheegeen in ay la dileen seddax askari oo ilaaladiisa ka mid aheyd. Jubbaland ayaan weli war rasmi ah kasoo saaray dilka guddoomiyihii u qaabilsanaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
  3. NAIROBI (HOL) - Kenya has announced salary cuts in government, tax relief and dawn to dusk curfew in new measures to curb the spread of the novel coronavirus and cushion Kenyans from economic slump as the country registers the 28 th case of the COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweyne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta meel ka baxsan magaalada Dhuusamareeb kulan qado ah kula qaatay siyaasiyiin reer Galmudug ah. Madaxweyne Qoorqoor ayaa siyaasiyiintan oo u badnaa kuwii mucaaradsanaa doorashadiisii kala hadlay sidii loo tayeyn lahaa Galmudug, loogana wada shaqeyn lahaa sidii maamulka cusub uga duwanaan lahaa kii afartii sanno ee hore shaqeynayay. Siyaasiyiintii ka qeyb galay kulanka oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku amaanay kaalintiisa nabadoonimada, iyagoo balan-qaaday in ay kala shaqeynayaan nabadeynta maamulka iyo dhameynta madmadowyadii horay u jiray. Sidoo kale waxaa dhawaan lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadda ku sagan Gaalkacyo, kaas oo diidanaa doorashadii Qoorqoor. Horey waxaa siyaasaddii Galmudug uga baxay hoggaankii Ahlusunna oo saameyn weyn ku lahaa gobolada dhexe, kadib dagaal 24 saac ka socday magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Qoorqoor oo aan wali la caleemo-saarin, ayaa wada qorshe uu kaga gudbayo carqabadihii horey u curyaamiyey maamulka Galmudug. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo la heshiiyey siyaasiyiin mucaaradsanaa appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dusha saartay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho. Warbaahinta ku hadasha afka xarakada ayaa shaacisay in ay weerarka ay ku dileen xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Waxay intaas ku dareen in sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen xubno kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah Tiradda dhimashadda ayay ku sheegeen sagaal, halka dhaawac ay ku tilmaamtay tirro intaas ka badan oo ah 27. Dhanka kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa shaacisay in weerarkaas lagu dilay afar qof oo shacab ah kuna dhaawacmeen 2. View the full article
  6. Wasiirka gaashaandhigga Suudaan, Janaraal Jamaal Cumar ayaa wadna xannuun ugu dhintay gudaha Suudaanta Koonfureed, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeyso afahayeen u hadlay militariga Suudaan. Janaraal Cumar ayaa lagu soo warramaya inuu waday wadahadallo lala yeelanayo koox fallaago ah gudaha caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba. Aas qaran ayaa loo sameyn doonaa wasiirka dhintay, sida ay ku warrantay wakaalada Anadolou oo soo xiganeyso golaha sare ee haya talada Suudaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wadanka Jabbuuti ayaa maanta diiwaan geliyey kiisas hor leh oo xanuunka Coronavirus ah kuwaas oo laga helay gudaha wadan , ka dib markii dowladdu horay u karantiishay labo ruux kuwaas la oo lageeyey goobo gaar ah. Afhayeenka wasaaradda caafimada dalka Jabuuti Saalax Banoyta Turaab.ayaa maanta xaqiijiyay 9 qof oo kale kuwaas uu ku dhacay cudurka Coronavirus, xili uu wareysi siinayey BBC-da, wadanka ayaana wajahayo xalad deg deg oo ku aadan caabuqa Covid-19 . Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga xaqiijiyay gudaha Jabuuti wuxuu ahaa askari u dhashay Spain oo kamid ahaa ciidammada shisheeye ee ku sugan dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Waxan ahay Hooyo haysata toddoba carruura waxay u dhexeeyaan da’da saddex iyo tobbon jirka iyo saddex jirka. Aabbohood kal saddexaad buu hoyday, halkii loo badnaanna tegay! Godka Eebbe ha u nuuree, wuxuu ahaan jiray Kuuli. Mar wuu heli jiray marna wuu waayi jiray. Keligii kumaan dayn jirin hawsha iyo u soo raadinta bariiska carruurta e’ aniguna waxaan dhinac kale raadin jiray cuntadooda iyo dharkooda waxbarashadu haba danbaysee. Hadda hawshu keli ayey igu tahay. Waxan muddo laba sanno ah iibin jiray muuska, markii se’ deyn badan la igu yeeshay baan faraha ka qaaday. Hadda waxaan haystaa meel lagu iibiyo shaaha waa Aqal-Soomaali yar oo baco badan ka samaysan. Gidaar baan ka dhinac samaystay. Gidaarka kiro badanbaa la iga qaadaa mararka qaar waxay igu gaadhaa afar billood. Waa garanayaa magaalada billicdeeda iyo badhaadheheedaba. Baylahdeedana cidi ii sheegi mayso. Waanan garanyaa wax kasta oo magaalada qurux badnaysiinaya cidina iiga warrami mayso. Dawladda hoose sidaan fillaayo saddexdii billoodba marbay na duugtaa oo na daad guraysaa, xashiiskana raacisaa dhammaan agabkayaga oo dhan meelna nama geeyaan! Markay maalin ama saddex maalmood naga maqnaadaan waanu soo noqonaa. Annaguna kama daalno askarta naga kala daadinaysa agabkayaga. Qaar naga midaa gura,”Car alaabtayda kala daadi. Ma adaa ku dhaca. Haddaan wiilashaan dhalay kuugu yeedhi waayo fartaad qaadaba ha ku jabiyaane.” Askarta qaar aad bay u naxariis badan yihiin way iska dhaafaan qaarkalana bakoorad bay dabada noo qabtaan. Waa kala duwanaanshaha dadka iyo abuurka dabeecaddoodda. Gurigayga waxan ka soo baxaa shanta arroornimo, mana ku noqdo inta ay ka gaadhayso siddeedda habbeenimo. Carruurtayda cidi ila ma hayso iyagaa is-haya. Waan ogohay tani inay adagtahay hase yeeshee waxan kaga dhigaa calool adayg waa iyo Alle wehelkii. cid aan ahayn Eebbe kagama tago. Danta carruurtaydaa gurigayga iga soo saartay, danta carruurtaydaan baa bacadka u fadhiyaa, balaayooyinka qaarna la kulmaa, danta carruurtaydaan u daallanahay markasta. Haddaanan sidaa samaynin qayrkay u baahanayaan gacantana hoos dhiganayaan! Anna tan ma ogoli mana ogolaan doono, mana ogoli inay waxbarasho beelaan. Waxan ogolahay inay gaadhaan meel ka sarraysa halkay gaadheen qayrood dadkooda, dalkooda, diintoodana wax ku soo kordhiyaan. Carruurtaydaan u rafaadsannahay markasta. Dartood waan u daalaa, mana danneeyo diifta dushayda ka muuqata. Haa iyaga waxa kasta oo wannaag badan baan u sameeyaa kelidayna ma ahee Hooyooyinkoo dhan baa ila qaba. Hooyooyinka qaar waxay bariiska carruurtooda ka raadiyaan Muus ay iibiyaan in ku xumaata oo laga iibsan waayana yeelata, marka danbana u dhigta xoolaha. Hooyooyin maantoo dhan gidaar fadhiya oo naawila dad ay u soo shaqeeyaan qaarkoodna waxay fadhiyaan 10 saacaddood! Boodhka, Basaaska dushooda barridsaday iyaga waa busayl waayo baahiday halkan u fadhiyaan baa ka darran. Hooyooyin Shaah kariya maantoo dhanna afuufa dhuxusha iyo xaabada indhaha qiiqa kaaga ilmaysiinaysana u adkaysta. Anna bariiska carruurtaydaan bacadkaa u fadhiyaa oo aan u badheedha balaayo kasta! Faadumo Buuni Hargeysa, Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa Maanta kormeer ku tagay Xarumo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka looga shakiyo Cudurka COVID 19 oo ku yaalla Magaalada Muqdisho. Masuuliyiintaan Xarumaha ay booqdeen ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka Martiini iyo kuwo kale iyaga oo hadalo isugu jira wacyi gelin iyo dardaaran u jeediyey Shaqaalaha Caafimaadka ee ku sugan Xarumahaas. Wasiirka ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono qeybaha burbursan ee isbitaalka Martiini si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed. “Waxa aan maanta booqasho ku tagnay Xarumaha caafimaad ee loo diyaarinayo bukaanada ay suuro galka tahay in looga shakiyo ama laga helo cudurka coronavirus Alle kuma keenee,waxaana ka mid ah Hospital Martiini oo aan dooneyno in aan dib-u-dhis ku sameyno qeybaha bur-bursan ee Hospitalka, sidoo kale waxa aan booqanay goobaha hadda diyaarsan ee Karantiilka loogu talagalay”ayuu yiri Wasiir Beyle. View the full article
  10. (SLT-Jigjiga)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar oo Maanta xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda ayaa bulshada u diray farriin ku saabsan sidii Caabuqa COVID-19ka looga hortagi lahaa. Madaxwaynaha ayaa bulshada ku guubaabiyay, inay yareeyaan isu imaanshaha iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida, Makhaayadaha, xarumaha adeega bixiya sida, Bankiyada iyo xarumaha Isgaadhsiinta. Madaxwaynaha ayaa farriin gaara u diray Ciidamada amaanka ee kala gadisan ee DDS, inay ilaaliyaan ammaanka xuduudaha madaamo oo dhawaan la xidhay , isla mar markaana inay fuliyaan awaarmita la xidhiidhay Caabuqa COVID-19 ee ay xukuumadu soo saarto. dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo is xigxiga oo laga hortagayo Cubaqan, iyada oo la magacaabay Guddi heer deegaan oo si toos ah ula socda wixii is badalo ah ee yimaada, waxaana xusid mudan in ilaa maanta aan deegaanka laga helin wax bukaan ah oo qaba fayrasaka CORONOGA, marka laga tago 2 ruux oo looga shakiyay, hase ahaate baadhis Caafimaad ka dib la xaqiijiyay inay Caafimaad qabaan. Source
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/WarkaHabeen-25032020.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Caumar Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Suuqyaraha u dhow Isgoyska Sayidka. Saalax Dheere ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, ayada oo lix ka kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys, waxayna geeriyoodeen markii la geeyey isbitalka ayaga oo dhaawac ah. War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qof maleeshiyadooda ka tirsanaa uu fuliyay weerarkaasi, isla-markaana uu ujeedka iyo bartilmaameedka weerarka uu ahaa maqaaxi ay qaad ku cunayeen ciidamada Dowladda, sida hadalka loo dhigay. “Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen dhabarka dambe ee Xarunta Baarlamaanka waxaa ku dhintay 9 ka mid ah Ciidamada Dowladda, 24 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay mintidiinta Al Shabaab. Weerarkan ayaa khuburada amniga waxay ku macneeyeen mid ka tarjumaya carada ay Shabaabku ka muujiyeen tallaabadii 16-kii bishan loogala wareegay gacan ku haynta Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose. Sidoo kale waxaa uu weerarka u muuqdaa mid ay Al-Shabaab ugu aargudayeen tiro Saraakiil ahayd, oo maalmo ka hor looga dilay tuulooyinka hoos-tagga Janaale, halka kuwo kalena ayagoo nool gacanta looga soo dhigay, sida ay sheegeen khuburada. Shabaabku ayaa sidoo kale damacsanaa inay muujinayan cududooda iyo inay weli weeraro baqdin geliya dadka ay fulin karaan, welibana ay ka gaysan karaan xeendaabyada aadka amnigoodu loo ilaaliyo. Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta. Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.
  13. By: ABDI GULED Associated Press MOGADISHU, Somalia — A Somali police officer says a suicide bomber has walked into a tea shop in Somalia’s capital and detonated, killing at least two people. Capt. Mohamed Hussein says the bomber, posing as a pedestrian, entered the shop and detonated his vest among the crowd. Wednesday’s blast in Mogadishu was the first since the country confirmed its lone case of the coronavirus on March 16. The al-Qaida-linked al-Shabab extremist group claimed responsibility. It often targets the capital. The blast shattered a period of calm amid a large security presence in Mogadishu that officials had said prevented al-Shabab from smuggling explosives-rigged vehicles into the city.
  14. Qore : Faisal Roble Nin arimaha Soomaalida aad uga faalooda oo dalka Kenya ku nool ayaa laga hayaa waa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka [...] Source
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta soo saartay Go’aamo kale oo ay ku sii xoojinayso go’aamadii hore ee ka hortaga cudurka faraha ba’an ku haya dunida ee Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cabdilaahi Bade oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee diyaar-garowga iyo Ka hor-tagga Cudurka Covid-9 ayaa sheegay in gebi ahaanba xukuumadu ay maalinta berri ah ay xirayso xuduudaha ay la wadaagto wadamada dariska. Wasiirka ayaa xusay inay xirayso xukuumada Biixi xuduudaha ay la wadaagan Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaasi oo hore ugu dhawaaqay in xuduudahoodu ay xiran-yihiin si looga hortago faafida cudurka xawliga ku socda ee Coronavirus. Waxayna xirnaan doonaan sida uu Wasiirku sheegay xuduudahaasi muddo Saddex Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya sida uu sheegay waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka. Bade oo arrimahaasi ka hadlaya, ayaa warbaahinta waxa uu ka hor akhriyey Lix qodob oo ay Guddigu soo saartay, kuwaasi oo lagu xoojineyo sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi, waxayna u dhignaayen sidan: 1. Bulshada Somaliland waxa lagu adkaynayaa inay ka taxadaraan halista Xanuunka Coronavirus, raacaana farriimaha Wacyi-gelinta ah ee loogu talo-galay ka hor-tagga Xanuunka ee bahda Caafimaadku la wadaagayso. 2. Guddigu markay qiimaysay Xaaladda Rakaabka ka soo degaya Madaarka Cigaal ee Hargeysa waxay go’aamisay in dhammaan Rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka laga bilaabo maanta, muddo 14 Maalmood ah lagu haynayo Goobo gaar ah oo lagu karantinimaynayo, muddadaas oo la hubin doono Xaaladdooda Caafimaad, iyagoo Rakaabkaasina isku qabi doona kharashka ku baxaya muddada 14-ka cisho ah ee la haynayo. 3. Waxa la xidhay dhammaan Xuduudka dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, muddo 3 Toddobaad ah oo ka bilaabmaya berri oo bishu tahay 26/03/2020, marka laga bilaabo Lixda Makhribnimo, waxaana ka soo gudbi kara oo keliya waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabka kala duwan ee Caafimaadka, IWM. 4. Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda (Dekedaha) ee Somaliland, marka laga reebo Dekedda Berbera oo ay ka soo degi karaan Waxyaabaha Daruuriga ah, sida Raashinka Shidaalka, Dawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee Caafimaadka, IWM, laga bilaabo berri oo bishu tahay 26.03.2020, lixda Makhribnimo marka la gaadho. 5. Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax-bannaan ee Dawladda waxa lagu war-gelinayaa in shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan inay ku shaqeeyaan Guryahooda, iyagoo shaqaalahaasina ku jiro doona Heegan buuxa. Arrintani ma saamaynayso Hay’adaha iyo Wasaaradaha hoos ku xusan, kuwaasi oo duruufo gaar ah awgeed looga baahan yahay inay buuxda u shaqeeyaan, Hay’adahaa iyo Wasaaradahaa waxa ka mid ah, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Shaqaalaha Madaarka Cigaal, shaqaalaha Dekedda Berbera, Shaqaalaha Waddada Ceerigaabo-Burco, Shaqaalaha Bangiyada Somaliland, shaqaalaha Dawladaha hoose. 6. Hay’adaha Dawladda ee u xil-saaran fulinta Go’aammada loogu diyaar-garoobayo, lagagana hor-tagayo Xanuunka Covid_19 ee guddigu soo saartay, waxa lagu war-gelinayaa inay Cid kasta oo ka dhego-adaygta hirgelinta go’aannadan ay Tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.
  16. Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) PRESS RELEASE Coronavirus: Ethiopia Humanitarian Bulletin Issue #5 Ethiopia counts 11 cases as of 23 March since the first COVID-19 case was confirmed in the country GENEVA, Switzerland, March 25, 2020/ — The joint Government and partners’ verification of beneficiaries in Guji zone was suspended until at least the two-week Government ban on public gatherings ends on 30 March; a measure taken in a bid to reduce the risk of transmission of COVID-19. In order to avoid further delays in relief food assistance to displaced population, the firstround relief food distribution will proceed using already existing beneficiary list, pending the verification exercise. 11 confirmed COVID-19 cases in Ethiopia Ethiopia counts 11 cases as of 23 March since the first COVID-19 case was confirmed in the country. Following Prime Minister Abiy Ahmed’s public announcement of the two-week school closure, as well as a ban on all sports events and large gathering, ECA Executive Secretary Vera Songwe and the Resident and Humanitarian Coordinator Catherine Sozi issued a joint communiqué on 18 March asking UN agencies to put in place alternate working arrangements to contain the spread of the virus. The arrangements will be in line with the business continuity plan to ensure the delivery of key mandates to the Government and the people of Ethiopia. This measure was effective as of 19 March until further notice. Joint verification exercise in Guji zone suspended due to COVID-19 On 19 March 2020, the head of the Guji zone disaster risk management office (DRMO), together with other government officials and humanitarian partners met and agreed to suspend the joint verification exercise until at least the two-week Government ban on public gatherings ends on 30 March; a measure taken in a bid to reduce the risk of transmission of COVID-19. The Guji zone DRMO communicated the decision to all government sector offices, including the zone administrator, along with the tentative resumption date (6 April 2020). The joint Government and partners’ verification exercise was rolled out on 16 March in three (Goro Dola, Liben and Wadera woredas) out of the six targeted woredas in Guji zone, with the aim to verify the beneficiary list of nearly 80,000 reported new IDPs in the zone for relief food distribution purpose. In order to avoid further delays in relief food assistance to displaced population, the meeting agreed that the first-round relief food distribution will proceed using already existing beneficiary list, pending the verification exercise. NDRMC food dispatch is currently ongoing in all six targeted hosting new IDPs woredas (Aga Wayu, Goro Dola, Gumi Eldelo, Liben, Seba Boru and Wadera). The Food Cluster was asked to fast-track the dispatch and distribution of the food to affected population. Advocacy is also ongoing to ensure the continuation of food dispatch and distribution for the duration of the suspension of the verification exercise Distributed by APO Group on behalf of Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA). SOURCE Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Qaran News
  17. Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey qarax maanta ka dhacay malaagada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro oo soo gaaray dad shacab ah . Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in la xaqiijiyey in qaraxa ay wax ku noqdeen 6 ruux oo afar ka mid ah ay isku qoys ahaayeen. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in la xaqiijiyey afar ruux oo isku qoys ah oo waxyeello ka soo gaartay qaraxa in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen ka dib markii la geeyey goobaha caafimaadka, sedexda ruux ayaa kala ahaa Aabihii qoyska waxyeelladu soo gaartay , Hooyadii iyo Caruur ay dhaleen, kuwaas oo ganacsi yar ku lahaa goobta ay wax ka dhaceen sida warbaahinta uu u sheegay Afhayenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan Dheere. “Waxaa dhacday in uu ruux naftii haliga ah uu soo dhex galay dad shacab ah naftiisiina haligay shacab danley ah qaarkood oo meeshaan ku ganacsanaayey iyo dadkii deganaa halkaan uu ku halaagay, Inta la xaqiijiyey khasaaraha waxaa ay gaarayaan 6 qof waxaana ku jira 4 qof oo hal qoys ah waxaana markii goobaha caafimaadka la geeyey nasoo gaaraya in sedex ka mid ah ay geeriyoodeen” ayuu yiri afhayeenka. Afhayeen Saalax Cumar Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay taxadir dheeri ah ay muujiyaan, si dhowna ay ula shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya si loo badbaadiyo nafta iyo maalka shacabka. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa mar weliba ka dhaca qaraxyo kuwaas oo ay oo ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur hanyiyadeed oo soo gaaroo dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. A Somali police officer says a suicide bomber has walked into a tea shop in Somalia's capital and detonated, killing at least two people. Source: Hiiraan Online
  19. Maanta galinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo geystay dhimasho iyo dhaawac. Sida la sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel u dhow baar Bulsho, nawaaxiga taalada Sayidka ee degmada Howlwadaag. Qaraxa ayaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, waxaana dhaawac soo gaaray markii dambe u geeriyooday 4 qof oo 3 kamid ah yihiin isku qoys. Qaraxa ayaa inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Muqdisho, waxaa masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab. Qaraxan ayaa ku soo aaday, iyadoo xaaladda amniga magaalada Muqdisho wanaagsaneyd muddooyinkii dambe. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU (HOL) - Three people were killed and three others injured in suicide bombing outside a restaurant in Mogadishu Wednesday afternoon. Source: Hiiraan Online
  21. The world may soon run out of space to store its extra oil as Saudi Arabia prepares to increase its fossil fuel production even as global demand for energy continues to fall due to the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  22. Wararka aan ka helayno deegaanka Raaskambooni ee gobalka Jubbada hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta qarax miino lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi ee Cabdullaahi Diiriye Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay gaari uu la socday guddoomiyaha, halkaas ayuuna ku geeriyooday, wararka ayaana intaas ku darayo inuu la geeridooday darawalkii gaari u waday. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka deegaanka Raaskambooni sida wararka aan ku helayno guddoomiyaha ayaa ku sii jeeday beer ku taalla halkaasi kadibna waxaa haleelay qaraxa oo la galiyey waddada dhinaceeda. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku aaddan qaraxa maanta lagu dilay gudoomihii degmada Raaskambooni ee gobolaka Jubbada hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Only a global victory can end this pandemic, not a temporary rich countries’ win There is a major flaw in the strategy to deal with the coronavirus pandemic. Advanced economies are unveiling unprecedented economic stimulus packages. African countries, by contrast, lack the wherewithal to make similarly meaningful interventions. Yet if the virus is not defeated in Africa, it will only bounce back to the rest of the world. That is why the current strategy of unco-ordinated country-specific measures, while understandable, is myopic, unsustainable and potentially counter-productive. A virus that ignores borders cannot be tackled successfully like this. We can defeat this invisible and vicious adversary — but only with global leadership. Without that, Africa may suffer the worst, yet it will not be the last. We are all in this together, and we must work together to the end. Fragile and vulnerable at the best of times, African economies are staring at an abyss. Let me illustrate this with the situation in my own country. Ethiopia has made steady progress in the provision of health services over the past two decades. But nothing has prepared us for threats posed by Covid-19. Access to basic health services remains the exception rather than the norm. Even taking such common-sense precautions as washing hands is often an unaffordable luxury to the half of the population who lack access to clean water. Even seemingly costless social distancing is hard to implement. Our lifestyle is deeply communal, with extended families traditionally sharing the burdens and bounties of life together, eating meals from the same plate. Our traditional and rain-dependent agriculture is dictated by the fixed timeframes of weather cycles in which planting, weeding and harvesting must happen. The slightest disruption to that chain, even for a brief period, can spell disaster, further jeopardising already tenuous food supply and food security. Take Ethiopian Airlines, the country’s largest company, which accounts for 3 per cent of national output and is a major source of hard currency. It will be pushed to the brink as its business is upended by the pandemic. Shortage of hard currency will then make it all but impossible to source essential medical supplies and equipment from abroad. The cost of servicing our debts is already often more than our annual health budgets. The list continues. This grim reality is not unique to Ethiopia. It is shared by most African countries. But if they do not take appropriate measures to tackle the pandemic, no country in the world is safe. Momentary victory by a rich country in controlling the virus at a national level, coupled with travel bans and border closures, may give a semblance of accomplishment. But we all know this is a stopgap. Only global victory can bring this pandemic to an end. Covid-19 teaches us that we are all global citizens connected by a single virus that recognises none of our natural or man-made diversity: not the colour of our skin, nor our passports, or the gods we worship. For the virus, what matters is the fact of our common humanity. Editor’s note The Financial Times is making key coronavirus coverage free to read to help everyone stay informed. Find the latest here. That is why the strategy to tackle the human and economic cost of this global scourge must be global in design and application. Health is a worldwide public good. It requires global action guided by a sense of global solidarity. But Covid-19 has also exposed our dark underbelly. The world community desperately needs global-level leadership to tackle swiftly pandemics such as this, and in a way that is institutionalised rather than ad hoc. A good place to start is with the World Health Organization. As countries with the necessary resources focus on fighting the pandemic through their national institutions, the WHO must be empowered and resourced sufficiently to co-ordinate responses globally and directly to assist governments in developing countries. In the meantime, the G20 must provide collective leadership for a co-ordinated global response. There is no time to waste: millions of lives are at risk. Building on what has been announced by international financial institutions, the G20 must launch a global fund to prevent the collapse of health systems in Africa. The institutions need to establish a facility to provide budgetary support to African countries. The issue of resolving Africa’s debt burden also needs to be put back on the table as a matter of urgency. Finally, all of Africa’s development partners must ensure that their development aid budgets remain ringfenced and are not diverted to domestic priorities. This is where true humanity and solidarity must be demonstrated. If such aid were ever necessary in Africa, it is now more than ever before. The writer is prime minister of Ethiopia and the 2019 Nobel Peace prize laureate. Source: Financial Times The post If Covid-19 is not beaten in Africa it will return to haunt us all appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Caumar Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Suuqyaraha u dhow Isgoyska Sayidka. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa u dhow baarkii hore ee Baar Bulsho, oo ay haatan deggan yihiin dad barakacayaal ah, kuwaas oo khasaaraha qaraxa uu gaaray. Saalax Dheere ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, ayada oo lix ka kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys, waxayna geeriyoodeen markii la geeyey isbitalka ayaga oo dhaawac ah. “Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. Gaar ahaan Suuq Yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 qof oo 4 ka mid ah ay yihiin hal qoys, Inkastoo markii danbe ay isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyska,” ayuu yiri Saalax Dheere. Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta. Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.