Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Maxamed Maxamed Cumar Caymoy oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo shir saxaafadeed ku qabtay Jowhar ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Sh/Dhexe. Caymoy ayaa sheegay in amniga jidka isku xirta Muqdisho iyo Jowhar uu yahay mid aad u liita, islamarkaana ay halis ay ku tahay Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fulisa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in burbur xoog leh uu ka jiro wadadaasi oo aan wax dayactir ah helin, kadib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee dalka. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka maamulka HirShabelle inay isku tashadaan, islamarkaana ay ka shaqeeyaan horurmarka deegaanadooda. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Taliye-jowhar.mp3 View the full article
  2. Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale ku dhaqaaqady xadgudub ay ku sameyneyso dhulka Soomaaliya, ayada oo dib u billowday dhismaha darbigii ay ka dhiseysay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Gobolka, soona gashay dhulka Soomaaliya. Arrintaan ayaa waxaa xaqiijiyey Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo. Taliyaha ayaa sheegay in dhimaha darbigaas ay markii hore ka hor yimaadeen dadka Shacabka sanadkii 2018 balse ay Kenya go’aansatay inay mar kale dib u billowdo. “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in laga soo bilaabo 20-kii bishan ay Kenya bilowday inay dhismo ku bilowdo dhulkii Soomaaliyeed, taasoo qeyb ka ah qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay ku baneysato dhulkeena iyo badeena,” ayuu yiri Korneyl Aadan. Korneyl Aadan ayaa intaasi ku darey in Kenya darbiga ay ka dhiseyso in ka badan 50 Km oo ku wareegsan ilaa Xaduudka Raas Kanbooni, hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn. Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay la leedahay Soomaaliya, sidoo kalena ay kuso xad gudubtay dhulka Soomaaliya, isagoo dhallinyarada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan kacdoon ka dhan ah Kenya. Tallaabada ay Kenya dib ugu bilowday dhismaha darbiga xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli ay Gedo ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya taasoo keentay inuu dagaal culus ka dhaco xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Hoos ka dhageyso codka Korneyl Aadan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Korneyl-Rufle.mp3
  3. War cusub oo ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somalialnd & Wuxu daaran yahay Qaran News
  4. Taliska ciidanka Xoogga dalkaayaa faah faahin guud ka bixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Afhayeen u hadlay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Korneyl Ismaan Shabeel ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidamadu ay ka soo hoyeen guullo taariikhi ah, islamarkaana ay ku qabsadeen deegaano ay ka mid tahay Janaale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/COD-1.mp3 View the full article
  5. AMISOM oo xayiraad ku soo rogtay Xarunta ugu weyn ee ay Soomaaliya ku leedahay Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa xaddiday dhammaan galitaanka iyo ka bixitaanka xerada milateriga ee Xalane ee magaalada Muqdisho. AMISOM ayaa waxa ay sheegtay in xerada ay xayiraadda saarnaan doonto muddo 30 cisha cudurka coronavirus awadii. Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo oo uusan faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah, sidoo kalana loo dhowro caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo booqanayaba, ayaa AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso. Tallaabadaas ayaa dib loo eegi doonaa haddii ay baahi kale soo baxdo. Qaran News
  6. Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ka soo baxayaan dil barqadii maanta sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland loogu geystay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ay dilkiisu fuliyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado. Dilka oo ka dhacay bartamaha Boosaaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay baxsadeen raggii ka dambeeyey, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Maxamed (Caynab), kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada cashuuraha bariga ee Puntland. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka Boosaaso oo ku aadan dhacadadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay amniga magaaladaasi ayaa ahaa mid faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-29032020.mp3 View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa Soo saaray warsaxaafadeed lagu joojinayo diyaaraha ka imanaya Yurub iyo Maraykanka ee sida rakaabka. Source
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta si adag uga hadashay in qalab laga soo diray magaalada Muqdisho la soo gaadhsiiyey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Somaliland ayaa been abuur ku tilmaamtay in qalab caafimaad ay dowladda federaalku u soo dirtay, kaasi oo ay dhowaan sheegeen Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wasaarada caafimaadkuba in la gaadhsiiyey deegaanada Somaliland. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray ‘Sheegashada’ Kheyre ee aheyd in Somaliland ay gaarsiiyen qoondadoodii ku aadaneyd kaalmadii uga timid Shiinaha. Xergeeye ayaa sheegay in qalabka maamulkooda soo gaadhay uu ka yimid Qaramada Midoobay, kaasi oo qeyb ka ah daawooyin uu sheegay in hore loo siin jirey Somaliland, ayna doorkan yihiin qalab ka hor-tag. “Qalab caafimaad oo aanu Soomaaliya weydiisanay oo ay na-soo gaadhsiiisay haba yaraate ma jiraan, Soomaaliyana nooma taliso, waxaynu rabnana iyada u sii mari mayno” ayuu yiri Agaasime Xergeeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Qalabkan caafimaad ee ina-soo gaadhay waxay ka mid yihiin dawooyinkii aynu awalba ka heli jirnay Qaramada Midoobay, waana qalab ka hor tag ah”. Agaasimaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in weli gudaha Somaliland laga helin Kiis la xiriira caabuqa dunida ku faafay ee Coronavirus, iyada oo Kiiskii saddexaad laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.
  10. (SLT-Hargeysa)-Saacadihii la soo dhaafay waxa baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyay in magaalada Berbera lagu hayo qof nin ah oo u dhashay dalka Shiinaha oo qaba cudurka Covid 19. Maamulka gobolka Saaxil iyo kan degmada Berbera oo goor-dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa si wada-jir ah u beeniyay warkaasi. Dhan kale wararka ay Somalilandtoday ka helayso magaalada Berbera ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay Wariye Cabdirashiid Cadare oo ka hawl-gala Telefishanka Universal Tv oo isaga warkan ku baahiyay bartiisa facebook-ga. Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19 ayaa hore uga digay in la faafiyo warar aan la hubin oo la xidhiidha cudurka COVID19 . Source
  11. GAROWE (HOL) - A man who was in quarantine in Garowe upon arrival from Ethiopia has passed on, authorities have said amid fears the patient may have succumbed to the deadly COVID-19. Source: Hiiraan Online
  12. Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya kaasi oo loo yaqaan AMISOM, ayaa xaddiday dhammaan galitaanka iyo ka bixitaanka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. AMISOM ayaa waxa ay sheegtay in xerada ay xayiraadda saarnaan doonto muddo 30 cisha cudurka coronavirus awadii, xilli guud ahaan Soomaaliya ay saaran tahay xayiraad dhinaca duulimaadyada caalamiga ah. Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo oo uusan faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah, sidoo kalana loo dhowro caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo booqanayaba, ayaa AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso. Jimcihii la soo dhaafay Qaramada midoobay ayaa xagiijisay in qof ka shaqeynayay xafiiskooda Xalane ee magaalada Muqdisho laga helay caabuqa sida daran u faafa ee Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Dableey hubaysan, ayaa goor dhoweyd bartamaha magaaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dilay, sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada Canshuuraha Berriga ee Puntland. Ilo’ ka tirsan Laamaha Amniga oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay dilka sarkaalkaas, oo ka dhacay gudaha maqaayad ku taalla bartamaha Boosaaso. Sarkaalka la dilay, waxaa magaciisa lagu sheegay Caynab Maxamed Dunge, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii weerarka gaystay oo aan weli la aqoonsan haybtooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin midna. Ciidamada Amniga ayaa haatan gudaha magaalada ka wada, hawlgallo lagu baadi-goobayo dableeydii weerarka gaystay, iyadoo aysan jirin weli cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo Boosaaso lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in gabi ahaan la xiray xarunta Xalane oo ku dhex-taalla garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. AMISOM ayaa sababta ku sheegtay ka hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus, kaas oo kiisas la xariira dhowaan laga helay gudaha Soomaaliya. Qoraalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyey in muddo 30 cisho ay xirnaan doonto xarunta Xalane, taas oo ka bilaabaneysa isla maanta. Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyey dhaq dhaqaaqa xarunta iyo howlihii kala duwanaa ee ka socday halkaasi. Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in amarkaan ay ku wargelisay hay’adaha, shirkadaha, safaaradaha iyo shaqaalaha ka howlagla gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo. Jimcihii la soo dhaafay ayey aheyd markii qof ajnabi ah, islamarkaanaa qandaraasle u shaqeeya oo ku sugan xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho laga helay caabuqa Corona, kaas oo noqday qofkii saddexaad ee laga helo cudurka, gudaha Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID19, iyadoona horay u hakisay goobaha waxbarashada iyo isu-imaatinada dadka.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii ay shalay soo saartay dawladda federaalka ee Soomaaliya, kaas oo ay ku joojisay duullimaadyadii gudaha ee dalka. Dowladda ayaa go’aankeeda waxa ay ku sheegtay inuu qeyb ka yahay dedaallada ay ku doonayso inay ku xakamayso fayraska corona ee dunida ku sii baahaya. Bartimihii bishan ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay soo saartay go’aan ay laga billaabo 19-ka bishan Maarso ku joojisay dhammaan duullimaadyadi caalamiga ahaa ee dalka tegi jiray ama ka bixi jiray, go’aankaas oo ay dowladuu sheegtay inuu si buuxdo u dhaqangalay. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo BBCda u warramay kaddib markii uu shalay soo saaray amarka joojinta duullimaadyadii guadaha ayaa sababta ku sheegay sidii loo xakamayn lahaa cudurka safmarka ah ee coronavirus. “Maanta [oo Sabti ah] waxaan go’aan ku gaarnay si loo xakameeyo cudurka coronavirus oo uusan waddankeenna u soo gelin waa in isu socodka la yareeyo, waxaana lagu yareeyn karaa oo ugu horreeya waa duullimaadyada oo la joojiyo, sidaa awgeed waxaan hakad gelinnay si ku meel gaar ah waddanka gudahiisa. Ujeeddada aan ka leennahay arrintaasi oo keli ah waa xakameynta cudurka coronavirus hadduu ilaahey ka raallo noqdo, ilaahey ha ka raalli noqdee” ayuu yiri wasiir Oomaar. Go’aadnka dowladda ayey tahay in lagu fuliyo wax ka yar 24 saacadood taas oo dhibaato ku keeni karta dadkii markii hore safarradooda sii qorshaystay iyo shirkadaha diyaaradaha, mar aannu umuurtaasi waydiinnayna waxa uu wasiir Oomaar sheegay inay ku dedaalayaan badqabka dadka ay mas’uulka ka yihiin. “Runtii hal maalin oo safar la fasaxo ayaa waxaa ka iman karo wax aad u weyn, marka hadda xilligan aan ku jirno xilli laga hadlo tikidhyo lacagtooda lumay iyo waxaa laga hadlo ma aha waa xilli loo baahan yahay xilli in la isgarab istaago, la isu dulqaato, la fiiriyo danta guud iyo badqabka dadkeenna.” ayuu yiri Oomaar Waxaase jira walaac guud oo ku saabsan in go’aankani uu saameyn doono nolol maalmeedka kumannaan Soomaali ah, kuwaas oo isaga kala gooshi jirey caasimadda iyo gobollada. Duullimaadyada gudaha ee Soomaaliya ayaa dad badan oo ah inta awoodda waxa ay u sahleen inay si fudud ugu kala gooshaan magaalooyinka gudaha dalka, maadaama inta badan waddooyinka dalka ay burbursan yihiin, meelaha qaarna aan ammaankooda la isku halayn karin. Duullimaadyada gudaha waxaa aad u adeegsada ganacsatada, shaqaalaha dowladda iyo kuwa hay’adaha, xaaladaha degdega ah ee caafimaadka iyo waxyaabaha la midka ah. Cabdishakuur Macallim Ciise (Albadri) oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaa ku doodaya in duullimaayada si degdega ah loo joojiyay ay dhibaato ku keenayaan xaaladihii degdega ahaa ee loo isticmaali jiray. “Waxyaabaha sida gaarka ah ay u saamaynayso waxaa ka mid ah, xaaladaha degdega ah ee caafimaadka sida qof xanuun uu ku soo booday [maadaama] isbitaallada gobollada aanay u diyaarsanayn inay xaaladaha qaar qaabilaan xaaladaha adag ee caafimaad oo dadka Muqdisho loo soo gudbiyo, iyo iskudhacyada qabiillada oo dhaawacyo culus ay ka dhashaan, kuwaas oo aanan loogaga maarmin diyaaradaha gudaha isaga kala goosha.” ayuu yiri Cabdishakuur. ‘Waxaa habboonayd in dadka loo digo’ Sidaas oo ay tahayna Cabdishakuur waxa uu ku doodayaa in ay lagama maarmaan ay tahay in dowladdu ay tallaabo qaaddo si loo xakameeyo cudurkan safmarka ah ee halakeeyay dunidii horumartay. Wasiir Oomaar oo laf ahaantiisa tilmaamay dhibaatada ka dhalan karta duulimaadyada sida degdega ah loo joojiyay ayaa ku adkaystay in ujeedkoodu uu yahay sidii loo dhowri lahaa caafimaadka malaayiinta qof ee Soomaaliya ku nool, taas oo uu sheegay inay tahay waxa ugu wayn ee ay tixgalinayaan. “Sidaas awgeed ayaa inaga oo og iney jiri karaan dad qorsheystay barri iyo saad damababa safraan iyaga oo jira ayaa waxaan go’aan ku gaarnay inaan joojinno sababta oo ah waxaa ka weyn safarka uu qof soo geli karo.” ayuu yiri Oomaar. Balse qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay ku doodayaan in ay habboonayd in dadka loo sii digo si ay danahooda u sii dhammaystaan. “Waxaa habboonayd in dowladdu dadka ay digniin sii siiso oo ay dhahdo 10 bari ama 7 bari ama intaas oo maalmood kaddib ayaa la hakin doonaa duullimaadyada, sidaas darteed in dadku ay is aruuriyaan oo inta badan wixii dardaran ay sii hormarsadaan ayaa ka dhalan laheyd, laakiin hadda waqtigu aad buu u koobnaa.” ayuu yiri Cabdishakuur Macallim Ciise. Dowladda Soomaaliya ma aanay shaacin mudada ay socon doonto xayiraadda ay ku soo rogtay duullimaadyada gudaha ee dalka. Xigasho BBC
  16. War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn diyaaradahooda ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fuulaay ee G/Baay. Duqeynta oo dhacday 27-kii bishaan ayaa Africom wax ay sheegtay in la beegsatay xubno ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Africom ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dishay illaa laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale war-saxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin khasaare duqeyntaasi ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Mareykanka ayaa sanadkaan 2020-ka sare u qaaday howlgallada milatari ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab. View the full article
  17. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la hakinin waxyaabaha lagamamaarmaanka u ah Bini’aadamka sida qutul daruuriga ah xilli dowladdu shalay soo saartay go’aan lagu hakinayo duulimaadyada daka gudahiisa ah. Axmed Macalin Xasan Maareeyaha Hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo la hadalay Warnaahinta dowladda ayaa sheegay in duulimaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin tan Rakaabka dadweynaha, balse aysan ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo dadweyanaha aysanka ka maarmin. Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo u tureysa shacabka ay ku dadaaleyso in culeys farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay u digeyso dadka ka been abuurana u sheegtay warar aan xaqiiqda ku saleeysneen inay ka waantoobaan. Axmed Macalin Macalin Maareeyaha hey’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinka, daawada iyo waxa la mid ah ay u fasaxan yihiin in dalka la keeno. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hwada Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah loo hakiyay duulimaadyada dalka gudahiisa ah si looga hortaggo xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda howlgal ay ka fuliyeen duleedka Bariire ay ku dileen rag hubeysan oo qorsheynayey inay weerar ka geystaan deegaankaasi. Ragga la dilay oo gaarayey illaa afar ruux ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in raggaasi ay damacsanaayeen inay weeraraan saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu dambeyn saraakiishaasi ayaa carabka ku dhuftay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay khaarijiyeen afarta nin, kana furteen hubkii ay wateen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan toogashada loo geystay afartaasi xubnood. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xilliyada habeenkii ah weeraro gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidan ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada huwanta ayaa dhankooda muddooyinkii la soo dhaafay kordhiyey howlgallada ay ka wadaan gobolkaasi, iyagoona Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh.
  19. Nin ragga ku dhow-dhow Madax-weyne Farmaajo ka mid ah baa waxaa layga sheegay inuu yiri; lacagtii Qadar waa shaqaysay haddiiba uu maanta Faarax Macallin ku xigeenkii hore ee Af-hayeenkii baarlamaankii Kenya (2008-2013) uu maanta leeyahay “Duulaan Itoobiya lagu qaado waa duulaan Soomaaliya lagu qaaday!” Intaas kuma ekaanee ninkaas waxaa kale oo layga sheegay “Qatar lacagteeda iyo Itoobiya hubkeeda dhammaan maayaan!…Xildhibaanna laaluush diidi maayo, aawaye kuwii Xamar ka qaylqaylin jiray?!… kuwa sanka taagaya sida Puntland, iyagu marka Somaliland ay ku soo dhufato, Gaalkacyana aan ka dhigno saldhig Haramcad iyo ciidamo Itoobiyaan, baraago bandanna la xabaalo markaasay indhaha kala qaadayaan!”… Hadalladaas oraah nin doqon ah oo wuxuu ku fekerayo iyo siduu jeclaan lahaa sheegay way noqon karaan! Beenna way noqon karaan…Laakiin, marka aad fiiriso dhaqanka Farmaajo iyo Khayre iyo siyaasadda xoogga ku dhisan ee ay isticmaalayaan oo aad ku darto socdaallada Farmaajo ee Itoobiya iyo Eritrea ee aan la sheegayn ujeeddadooda, oo aad u geyso oraahdii Col.Abiy Axmed ee “Xamar baad ka soo shaqaysan oo waad ka soo hoyan”…Yaa?! Oo aad markaas ku biiriso hagoog xummada Farmaajo iyo waxa uu qarsanayo, oo aad dhab isha u geliso`waxa ka socda Gedo iyo ciidammada Amxaarrada ah ee la soo tuuray xudduudaha dalka…Alleylahay warkaas wax baa ka jira! Waana qorshe ay muuqato khariidaddiisa sida loo jeexay!…Balse waa qiyaas aan aqoon lagu salayn!… Farmaajo iyo Khayre, ma inay Soomaaliya burbur hor leh gelinayaan? Mise inay sii joogayaan?!… Burbur waaba ina geliyeen oo dalkii waa gobol ay dagaal kula jiraan iyo mid ay duulaan ku yihiin, waxayna run ahaan arrintu u egtahay in muddooyinka dhow ay xaaladuhu ka sii xummaan doonaan sida ay tahay, maxaa yeelay Col. Abiy Axmed, waxaa ka dhaadhacsan in ololihiisa doorashada bisha August ee sanadkan ay wax weyn ka tarayso haddii uu ku guuleysto inuu meel mariyo arrimihii uu sheegay inuu kula heshiiyay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, qiimo kastaba ha ugu kacdee, wuxuuna rumaysanyahay si kastaba ha noqotee inuu xoogga saaro sidii Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ay mar labaad hoggaanka Soomaaliya ugu soo laaban lahaayeen, isagoo og ama maanka ku haya inay arrintaas gacan ku siinayaan dalal badan oo uu ugu horeeyo dalka Maraykanka oo safiirkiisa Yukio Yamamoto (Donald) ay marar badan siyaasiyiin Soomaaliyeed ku eedeeyeen gacanta uu ku leeyahay arrimaha ay Itoobiya ka wado Soomaaliya. Lacagta Qatar, waxaa yaab leh ninku haddii uusan marna dhahayn lacagtayda, ama aysan xukuumadda lahayn lacagta ay leedahay doorashaan ugu ololeyniyaa, sidee buu isugu halayniyaa lacag nin kale leeyahay oo jeebkiisa ku jirta?! Lacagta Qatar iyo warshadda Taangiyada soo saarta Itoobiya!…iyo taageerada siyaasadeed Yukio Yamamoto (Donald) oo isaga caqligiisa ku fekeray kuna shaqayniya siduu qaranka Soomaaliyeed oo dhan uga dhigi lahaa tuulo yar oo miskiin ah oo hoos tagta Itoobiya, oo waliba kaaga daranee siyaasiyiinta oo dhan dhuunta kaga jira si uu ugu qurxiyo dulmiga u la damacsanyahay!… Taas ilaahay kaama aqbalin dheh! Mise aragtay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Max’ed Guuleed oo iska dhigaya inuu xadiith aqrinayo, February 2019, isagoo aad modo inuu la hadlayo dad jaahiliin ka ah Itoobiya iyo waxa ay tahay oo leh “Israa’iil iyo Carabta way heshiiyeen maxaa annaga inoo diidaya inaan Itoobiya la heshiino?!” Beenta wuxuu uga daray siduu isula qab-weynyahay!… https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2020/03/VID-20190718-WA0009.mp4 Mahdi u sheega Israa’iil colaadda Falasdhiin bay kala dhexeysaa Carabta kale awalba Falasdhiin bay taageerayeen, waxayna daysteen taageerradii, laakiin Falasdhiin xaqeedii wali waa maqanyahay kamana tanaasulin, dadka Soomaaliyeedna wali waa ku dulmanyihiin Itoobiya!… DHagarta uu mareegayo weynin badanaa! Waxa uu ku bedeshay ee ummadda Soomaaliyeed ee baaxaddaas leh ee uu ka dhashay uu u dulayniyo maxay tahay?!…Waa yaab! Waxaa intaas oo dhan ka daran Mahdi wuxuu ku leeyahay qabaa’il baynu nahay Soomaali ah marka ma heshiinayno, oo haddii aan heshiin wayno?! Ma Itooniya baa inoola soo heshiinaysaan?! Marka ma Itoobiyaa inoo kii garbo duubaysa?! Oo goormaan sidaas u dulownay?! Mahdi iyo kuwo badan oo la mid ah oo wax ka og hawl-gallada Col. Abiy iyo madaxweyne Farmaajo ay ka wadaan Soomaaliya waxay marin habaabinayaan dhallin-yarrada oo taariikhdii ay dhaxalka u lahaayeen ka qarinayaan iyagoo taas ku bedelanaya in Col.Abiy uu dalka xoog ugu qabto!…Dagaalaan dhammaad lahayn bilowgiis dheh. Waxaa arrin aan la qarin karin in golihii shacabka xaalkoodu shib noqday, dad-weynaha Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaa ay rumaysanyihiin ama ay indhahooda ku arkeen si xishood daro ah, Alle ka cabsi aan lahayn, in mar kasta oo kal-fadhiyada golaha shacbka furmaan xildhibaannada lacago laaluush ah la siiyo oo si bareer ah oo aan la qarinayn loo siiyo lacago laaluusha ah intay u soo saftaan iyagoo waliba tirsanaya si aysan uga hor imaan siyaasadaha gurracan iyo meel ka dhacyada golaha fullinta (Executive Branches) haddii ay tahay ku tumashada dastuurka, ku tagri falka awoodda, iyo duulaanka ay ku hayaan dowlad-goboleeddada, waxaana lacagahaas bixisa dowladda Qatar! Laakiin hadda khatarta iyo halista dowladda Qatar intaas aad uga baaxad weyntahay waxayna lacagteeda u adeegsanaysaa inay kula dagaasho baab’inta dhaqankii wanaagsanaa iyo ummadnimmadii Soomaaliya!… waxay dhex gashay guryihi dadkii shacabka ahaa, haweenkii, dhallin-yaradii, iyo odayaashii dhaqanka si looga hor keeno hadba madaxda, siyaasiyiinta, iyo guud ahaanba dowlad goboleeddada deegaanadooda maamula! Waxaase shacabka looga baahanyahay inay ilaashadaan maamulladooda ay iyagu samaysteen oo laga hor keenin! Inay is weydiiyaan maxaa iga maqan? Maxaanse haystaa? Farmaajose muxuu i taray?! Muxuuse iigu bedelayaa?!…Wuxuu ku bedelayaa dhaqan keli talisnimo, oo macnaheedu yahay inaadan aayahaaga qof ahaan keligaa go’aan ka gaari karayn!… intaas waa magac guud laakiin adiga aan ku daayo inaad weydiimahaas ka fekerto jawaabtooda. Waxaa muddadii 3da sano ahayd ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Khayre ay hoggaaminayeen xukuumadda dalka ay samaysteen jabhad miisaaniyad gaar ah leh oo ay ka dagaal geliyeen Baraha Bulshada, ciidammada ugu badan ee jabhddaas waa dhallin-yaro isugu jira wiilal iyo gabdho aan waxba ka aqoon taariikhda dalkooda, waxaana ugu daran kuwa dibadaha ku koray, nasiib darrada dhacdayna waxay tahay in dugsiyada iyo jaamacadaha dalka I aan lagu barin ardayda cidda ay yihiin, soo jireenkii taariikhdooda, halgankii loo soo maray qaranimmada ay maanta ay ku naaloonayaan, taariikhda ay wadaagaan dalalka deriska la ah, (siiba Itoobiya iyo Kenya) waxaana qaarkood ay rumaysanyihiin Soomaaliya dowladnimadeeda inaysan ka horeyn Farmaajo iyo Khayre! Hasa ahaatee Faarax Macallin?!… Maxaa is bedelay?!…Waa yaab mana yara!… Anigu Faarax aqoontaan u leeyahay ma aha nin aan ku tuhmi karayo waxyaabaha raqiiska ah ee dad badan ay ku tuhmayaan, laakiin xogaa waxaan la yaabanahay markii iigu dambaysay wuxuu ahaa nin rumaysan qaranimmada Soomaaliya, aadna ugu guubaabin jiray siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay dalka ka ilaashadaan cadowga duulaanka ku ah, siiba dalka Itoobiya! Maxaa is bedelay?!… Sida muuqata khatarta Itoobiya ee Soomaaliya maanta aad uga badantahay intii hore. Markii u horeysay ee Colnel Abiy Axmed uu xukunka dalkaas qabtay wuxuu markiiba duulaan ku bilaabay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku nool ilaa iyo xudduudaha dalka Soomaaliya. Ciidammadiisa waxay hor istaageen in doorasho madax banaan inay ka dhacdo dowlad Goboleedka (DG) Koonfur-Galbeed, waxayna halkaas ku laayeen dad shacab ah, waxayna xireen xubin aad muhiim u ahayd oo ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxtinimmada dowlad goboleedkaas u tartamayay Shiikh Muhtaar Roobow…waxay hadda dagaal ka wadaan gobolka Gedo oo ka tirsan DG Jubbaland, waxayna deegaano badan oo gobolkaas ah ka bara kiciyeen dadkii shacabka ahaa…waxay sidoo kale ciidamo badan ka joogaan magaalada Dhuusomareeb si cadaadis siyaasadeed loo saaro dad-weynaha ku nool DG Galmudug, waxaana jira Itoobiya inay ku xad gudubtay midnimmada Soomaaliya iyadoo khariidadda Soomaaliya mar ka tirtay khariidadda Afrika, mar goysay Somaliland khariidadda Soomaaliya, marka Faarax Macallin hadalka uu soo dhigay Twitter-kiisa waa hadal wax og, waxaana yaab leh isagu Soomaalida Itoobiya ma aha, Soomaalida Soomaliyana ma aha ujeeddada hadalkiisana waxaa loo qaadan karaa inay dano shakhsiyadeed ka dambeeyaan, waase hadal gef ku ah qaranimmada iyo ummdnimmada Soomaaliya. Shacab-weynaha Soomaaliyeed waa u jeedaan Itoobiya iyo Kenya, iyo waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxyaabaha ay ka wadaan dalkooda, waana hubaal inay u toog hayaan diyaarna u yihiin inay ilaashadaan qaranimadooda, ummadnimadooda, iyo midnimadooda! Hasa yeeshee sidee baa lug-gooyo looga baxayaa, bal ka waran ninka aad dooratay, oo aad tiri ina hoggaami, oo aad adigu keensatay oo maanta ku leh Itoobiyaan kuu soo kaxaysanayaa, oo wali Gen. Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-Wade) la taliye u yahay?! Bal is weyddii muxuu u sheegayaa bay kula tahay? Wuxuu u sheegayaa wixii uu ku shaqayn jiray..Godkii Jillicow, Baaristii Xisbiga, Godkii Boon-DHeere, Hangashtii, Godkii Fiat… mase lays weydiiyay maxay ku dambeeyeen?!… Waxa innagu dhacaya horay inoo soo mareen xilliyadii halgankii gobanimo doonka laakiin waxaa looga guuleystay midnimmada shacabka iyo wada-tashi; Guduni geed ma gooyso ee geed kalaa ku gooya, haddaan gaalo Islaam wadin nama soo gasheen!… halgamaagii tixdaan tiriyay haddii uu maanta arki lahaa madaxda dalka hoggaaminaysa ama uu Faarax Macallin maqli lahaa muxuu oran lahaa?! Balse ka waran Alle ha u naxariistee Shiikh Mukhtaar Max’ed Xuseen af-hayeenkii barlamankii dowladdii madaniga ahayd haddii uu maanta arki lahaa sida uu u taajiray xildhibaanka ka tirsan golaha shacabka intaan guddoomiyaba la gaarin muxuu oran lahaa?! Waxaa hubaal dad-weynaha Soomaaliyeed inaan loo hoosaasin duulaanka Itoobiya iyo Kenya ama waxa loogu yeero Beesha Caalamka, sida muuqatana Col. Abiy Axmed iyo Farmaajo dagaalka ay ka bilaabeen Gedo wuxuu ku soo dhammaanayaa inuu shacabka Soomaaliyeed midoobo aayahoodana ka tashadaan, waxaa kaloo iyadana dhamaanaysa in nin boorso iska wata oo aan ka war hayn dhibaatada haysata ummadda oo meel iska taagan la doorto!…Waase yaabee Farmaajo ma wuxuu garan waayay dadkaan keli talisnimo bay ka dagaalameen cid kalana kama yeelayaanee dalka dib ha u celin?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Colonel Abiy iyo Farmaajo hawl-galladooda waa dhicisoobayaan! appeared first on Puntland Post.
  20. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Xukuumada Federaalku ay soo wado qorshayaal lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa Siyaasiyiinta Muqdisho ee Mucaaradka ah [...] Source
  21. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la hakinin waxyaabaha lagama-maarmaanka u ah Biniaadamka sida qutul daruuriga ah. Maareeyaha Hey’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo goor dhaw la hadalay Warnaahinta ayaa sheegay in duulismaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin tan Rakaabka dadweynaha, balse aysan ka ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo dadweyanaha aysanka ka maarmin. Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo u tureysa shacabka ay ku dadaaleyso in culeys farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay u digeyso dadka ka been abuurana u sheegtay warar aan xaqiiqda ku saleeysneen inay ka waantoobaan. Axmed Macalin Macalin Maareeyaha Hey’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinta, daawada iyo waxa la mid ah ay u fasaxan yihiin in dalka la keeno. View the full article
  22. Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa xaqiijinaya in Mdaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu baajiyay Sfarkiisii Muqdisho ee uu ugu gogol xaarayay Shirka [...] Source
  23. Muqdishio (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo dhaq dhaqaaqyada gobolka Gedo. Ugu horreyn wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe inay aysan dooneyn in xal dhab ah laga gaaro khilaafka labada dhinac oo marba marka ka dambeysa ka sii daraya. Sayid Aadan ayaa sidoo kale tilmaamay in khilaafka u dhexeeya labada dhinac ay ka dhex faa’iideysatay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna carabka ku dhuftay inay isku ballaarisay qeybo badan oo ka mid ah gobolka Gedo ee koofurta dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka ay ka qortaan dhalinyaro cusub, kuna tababaraan deegaanka Ceel-Cadde, sida uu hadalka u dhigay. “Gobolka Gedo, Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland. Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhibaatooyin kala duwan ay soo mareen qabashada degmooyinka gobolka Gedo, si ay uga saaraan Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dagaalladaasi ay ku waayeen askar fara badan. Dhinaca kale wuxuu qiray in dowladdu guud ahaan ay qabsatay gobolka Gedo, islamarkaana aysan Jubbaland gacanta ku heyn hal degmo, siduu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey dowladda federaalka inay joojiso dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay weli ka wado gobolka, si loo soo afjaro khilaafka haatan u dhexeeya labada dhinac, isagoona carabka ku adkeeyey inay diyaar u yihiin wadahadal miro dhal ah.
  24. Wararka naga soo gaaraya G/Baay ee ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay xaaladda degmada Buurhakaba oo ay ku dagaalameen ciidan ka wada tirsan K/Galbeed. Iska hor imaadka oo ka dhacay gudaha degmadaasi ayaa waxaa ku dhintay illaa 2 askari iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulkaasi. Mid ka mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo ku baxay xiisadaasi ayaa Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo haatan sida ay tahay xaaladda. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Jaamac-1.mp3 View the full article
  25. War ka sooo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay ku dileen qeybo ka mid ah gobalka Baay ka dib markii duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday. Duqeyntaan ayuu Mareykanku sheegay in ay si gaara uga dhacday deegaanka Buulo Fuulay ee gobalka Baay waxaana iska kaashaday taliska Mareykanka ee Afrika iyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay AFRICOM. Qoraalka ayaa waxaa lagu caddeeyay in labo dagaalame oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab lagu dilay duqeyntaasi, islamarkaana aysan jirin khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. 10-kii bishan Mareykanka ayaa duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose waxa uu ku laayay dad shacab ahaa, isaga oo duqeyntaasina ku sheegay in uu ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab, waxaana xusid mudan in horey hey’adaha u dooda xuquuqul aadanaha ay Mareykanka ku eedeeyeen in duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya ay waxyeelo ba’an ka soo gaarto dadka rayidka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com