-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka hadashay suurta-galnimada ah in hal qof ka badan uu cudurka Coronavirus ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasaaradda ayaa Arbacadii shaacisay in muwaadin 58 jir uu noqday qofkii ugu horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu dhintay cudurka, hase yeeshee warar ay warbaahinta qaar werisay ayaa lagu sheegay in qof labaad oo lagu arkay calaamadaha cudurka uu ku dhintay Muqdisho. Bukaan jiifay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho kaas oo looga shakiyay Covid-19 ayaa la geeyay isbitaal Martiini, taasi oo lasheegay in wasaarada caafimaadka ay awood buuxda u yeelan weysay in ay ku xirto oksijiin kadibna dib loogu soo celiyay Isbitaalkii hore, halkaas oo kadibna uu dhintay. Isaga oo la hadlayey Taleefishinka Shabelle ee Muqdisho, ayaa wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Saciid waxa uu sheegay inay jiro karto suurta-galnimada arrintaas balse uusan xaqiijin karin. Waxa uu sheegay in aysan baarin qofka la tilmaamay in uu ku geeriyooday Muqdisho, sidaas darteedna aysan hubin wasaarad ahaan. “Waa jiri karaan, dad badan oo xanuunsan ayaa jooga Isbitaallada waddanka. Qofka siyaabo badan baa loo heyn karaa, calaamado calaamadahaan lamid ahna wuu yeelan karaa, waxa kaliya oo aan ku kala caddeyno waxay tahay annagoo dheecaanada qaadna sheybaarka la geeyo la ogaado,” ayuu yiri. Wuxuu raaciyey: “Annaga kiiska nooma diiwaan-gishana, oo laab ahaan ma aanan caddeynin. Taa macnaheedu ma ahan in uusan u dhiman ma dhihi karno, ilaahey baa og. Laakiin, xaqiiqda jirtaa waxay tahay cudurka, sidaas aragteen wuu ka jirtaa waddanka, waa laga yaabaa. Dhanka kale, wasiir ku-xigeenka ayaa qiray inay hooseyso awooda uu Isbitaalka Martiini, oo loo asteeyay goobta karantiilka, u leeyahay in uu qaabilo bukaano badan.
-
The International Air Transport Association has released new analysis showing that some 25 million jobs are at risk of disappearing with plummeting demand for air travel amid the COVID-19 crisis. Source: Hiiraan Online
-
Wanlaweyn (SMN) – Dabley ayaa lagu waramay in ay degaanka Yaaq-bira-wayne ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen “nin nabadoon ahaa”. Marxuumka ayaa magaciisa lagu sheegay Ciise Fara-cadde Diiriye. Wuxuu caan ka ahaa degaanada gobolkaas. Ma cadda sababta loo beegsaday iyo cidda xaqiiqo ahaan ka dambeysa toogashadda lagula kacay ee noloshiisa lagu dhaafiyey. Hase ahaatee, xubin ka tirsan ehelkiisa oo u waramay Shabelle ayaa tilmaamay in ay dileen garab kamid ah maleeyshiyaadka isku haya Wanlaweyn. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in nabadoonka uusan wax lug ah ku lahayn isku dhacyadda qabaa’ilka ee ka jira degmadaas. Wareysiga gaarka ah ee Radio Shabelle uu siiyey ayuu cod dheer ku soo jeediyey in ay cadaalad u helaan qofkaas qoyskooda ka tirsanaa. Ku dhowaad 20 qof oo shacab u badan ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka ka dhacay Wanlaweyn, iyaddoo la baadigoobayo dhinacyada ku lugta lahaa. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa amar horleh kasoo saarey Coronavirus. Amarada ayaa si gaar ah quseeya dhanka iibinta Qaadka oo magaalooyin ay kamid tahay Baydhabo si furan loogu kala iibsado. Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedkaas ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin dadkaas. Saraakiisha ayaa caddeeyay in la gubi doono Qaadkii la qabta. Waxay raaciyeen la ganaaxi doono ganacsatadii lagu soo xiro. “Sababtoo ah waa jebinta amar dowladeed maadaama la joojiyey duulimaadyada iyo Qaadka,” ayay hoosta ka xariiqeen. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili ay jiraan warar sheegaya in Qaadka uu Baydhabo kasoo galo dhanka Itoobiya iyo maamul goboleedka Judbaland. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia. Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac. Warar ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19.
-
The Somalia Trademarks Office resumed its operations at the end of 2019, when Ministerial Decree 1/2019 was issued by the Ministry of Commerce and Industry, stipulating that trademark registrations are once again possible in this former Italian colony and British Protectorate. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey, oo xalay Saxaafadda u akhriyay warbixinta guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa xaqiijiyay in uu dhaqan-geli waayay amarkii dowladda Puntland ku xirtay xuduudka dhanka Somaliland iyo Ethiopia. Wasiirka ayaa sheegay in laamiga dheer ee isku xira degaannada Puntland iyo Somaliland uu si caadiya u furanyahay, islamarkaana gaadiidka kala duwan ay maalinle u maraan, taasina uu isagu indhihiisa ku soo arkay kadib socdaal uu dhowaan ku tegay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Mudane Sabareey, ayaa ku baaqay in Puntland ay ciidamo gaar ah u samayso, dhaqan-gelinta bandowgii lagu soo rogay xuduudka dhanka Somaliland, maadaama uu socon waayay amarkii hore ee lagu xiray isu-socodka labada dhinac. Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya, in xuduudka Puntland la wadaagto dhanka Ethiopia uu isna weli furanyahay oo uusan ka dhaqan-gelin amarkii xukuumadda Puntland ku xirtay xuduudka, si looga hortago faafidda COVID-19. Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, oo ka yimaada degmada Gallaadi ee gobolka Doollo ee dowlad degaanka Somaalida DDS, ayaa sida la sheegayo maalmihii u dambeeyay ka soo gudbayay xuduudka dhanka degmada Galdogob ee gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo xaqiijisay in uu dhaqan-geli waayay amarkii ay ku xirtay xuduudka Somaliland iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Mar warbaahinta Shabelle ay wax ka waydiisay wasiir ku xigeenka wasaarada Soomaaliya, Maxamed Saciid, jiritaanka qof labaad oo u dhintay Coronavirus, wuxuu adkeeyay suurtagalnimadda, balse ma uusan xaqiijin. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu caddeeyay in aysan baarin qofka la tilmaamay in uu ku geeriyooday Muqdisho, sidaas darteedna aysan hubin. Dhanka kale, awooda uu Isbitaalka Martiini oo loo asteeyay goobta karantiilka u leeyahay in uu qaabilo bukaano badan ayuu qiray in ay hooseyso. Dadweynaha ayuu ku waaniyey in ay raacaan dhamaan tilmaamaha caafimaad ee ay kaga badbaadi karaan fayruska safmareenka ah. Bukaan jiifay mid kamid ah isbitaalada ku yaala Muqdisho kaas oo looga shakiyay caabuqa Covid-19 ayaa la geeyay isbitaal Martiini taasi oo lasheegay in wasaarada caafimaadka ay awood buuxda u yeelan weysay in ay ku xirto oksijiin kadibna dib loogu soo celiyay Isbitaalka, kadibna uu dhintay. Wasaarada caafimaadka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in xanuunka Covid 19 uu bilaabay inuu ku dhex-faafo bulshada dhexdeeda maadaama sida ay sheegtay wasaarada laga helay dad degan gudaha magaalada oo aanan dibada u safrin. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Meydka wada bajaajle ah ayaa saakay lagu arkay wadada u dhexeysa isgoysyadda Soobe iyo Danwadaagaha, iyadoo ay si weyn uga argagexeen dadkii goobta soo gaaray. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijinin sababta ka dambeesay geerida wadaha bajaajla ahaa ayaa hadana wararka qaar waxa ay sheegayaan in lagu dilay toorey ama mindi. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta lagu arkay meydka, kuwaasi oo baaritaan ka sameeyay agagaarkaas. Ma jirto wax war ah oo illaa iyo haatan ay hay’addaha nabad-gelyadda kasoo saareen dhacdadaas. Ma ahan markii ugu horeysay oo meyd lagu arko qeybo kamid ah magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Beegsiga Bajaajleyda waxaa looga bartay Ciidamadda Dowladda marka ay murmaan. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya qarax xalay lagu weeraray Safa Hotel, oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle ee Jowhar. Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmay weerarka oo ka dhashay bam-gacmeed, sidda ay sheegeen illo wareedyo. Qofka dhaawacmay ayaa lagu sheegay Ismaaciil Warsame Faarax, gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda degmadda Jowhar. Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in aysan jirin waxyeelo kale oo ka dhashay dhacdadaas, oo laamaha ammaanka aysan wali ka hadlin. Todobaadkii hore ayay ahayd markii qarax Miino oo ka dhacday maqaaxi ay fariistaan madaxda HirShabelle ay ka dhasheen khasaaro. Inta badan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegta falalka noocaan ah ee laga soo wariyo degaanada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Sawirro hoteelka la weeraray View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-10042020.mp3 View the full article
-
Jilib (Caasimada Online) – Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneral Cali Maxamuud Bagmadow oo la hadlay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey dagaalkii Al-Shabaab ku dhex-maray degmada Jilib Arbacadii. Sida ay Caasimada Online ogaatay, dagaalka ayaa dhaxmaray ciidamada Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee Malitariga, waxa uuna dagaalkooda salka ku hayaa khilaaf ku saabsan ajaaniib ku eedeysan basaasnimo. Jeneral Bagmadow oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay kooxda Al-Shabaab ay dagaalka dhaxdeeda ah isaga dileen 12 xubnood oo iskugu jira horjogayaal iyo maleyshiyaad. Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in ajaaniibta ku eedeysan basaasnimada ay ka badan yihiin 2 qof ayna u dhasheen laba dal oo kala duwan. Xubnaha qaar ayaa doonaya in la toogto halka qaarkood ay qabaan in aan la dilin sababo badan aawgeed. Al-Shabaab ayaa hore u dilay dad badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Dadka basaasnimada loo dilay waxaa ku jira caruur iyo dumar. Dagaalkan ayaa imanaya ayada oo horey sirdoonka Soomaaliya ay u sheegeen inuu jiray khilaaf u dhaxeeyey hoggaanka sare ee kooxda.10-kii March ayay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye). Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey xiligaas ku sheegtay “in Muuse Macallin lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.
-
" Maanta maalin aynu uga baahi badan nahay ma jirto midnimo, iskaashi iyo isku-tiirsanaan haddii aynu nahay reer Soomaalilaan, labadii xubnood ee KDQ waanu ku soo celineynaa golaha, Soomaalilaanna wada-hadalka waa u diyaar, Talo-na waa lagu galayaa. Daawohttps://t.co/hFg7tjK54S pic.twitter.com/Lu4PLm407j — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 9, 2020 Qaran News
-
Waxa aan ka tacsiyadeynayaa qoyskii, qaraabadii, asxaabtii, iyo guud Xisbiga WADDANI-ba geerida ku timid Marxuumad Amaal Saleebaan Cabdillaahi (Amaal Cabaade) oo London ku geeriyootay, Marxuumaddu waxa ay ka mid ahayd aasaasayaashii Xisbiga, Ilaahay Jannada ha ku hubsado, Aamiin pic.twitter.com/Vc57d7D5rw — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 9, 2020 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan guddiga dekadaha ee gaadiidka badda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khatar uu sheegay in dalka ay ku hayaan shakhsiyaad ay soo adeegsadeen dalal shisheeye, kuwaas oo uu carrabaabay dalka Kenya. Xildhibaan Dalxa oo u warramay Radio Simba ayaa sheegay shakhsiyaadkaas ay si joogto ah dalka dhanka xeebaha uga soo geliyaan waxyaabo maandooriye ah oo qaadku u badanyahay, iyadoo la adeegsanayo doomo, kuwaas oo halis ku ah bad qabka umadda Soomaaliyeed. Dalxa oo ku hadlayey magaca guddiga dekadaha ee gaadiidka badda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray dadka ku howlan falalkaas oo uu sheegay in ay xogtooda si buuxda u hayaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in shakhsiyaadkaas ay adeegsadaan inta badan xeebaha dalka, sida xeebaha Jubbada Hoose, Banaadir, Galmudug iyo Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. “Ninka maanta soo dhoofinaya waxyaabahaas aadka u xun ee hadana caafimaad darrada iyo cudurka wata, anigu waxaan qabaa Soomaali-nimadooda in la baaro horta dadkaas iyo kuwa kasii iibsanaya ee sida dhuumaaleysiga ah dalka ugu sii dhex iibinaya”ayuu yiri Xildhibaan Dalxa. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri Dalxa, “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa, iyadoo sun lagu siinayo oo hadana aad soo iibsanayso suntaas ayey ka dhigantahay arintaas ee fadlan ka waantooba”. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dalbaday in dadka soo dhoofinaya waxyaabahaas suntan ah aysan dowladdu indhaha ka fiirsan ee go’ankii ay ku xirtay hawada ay badana ku xirto, si looga badbaado waxyaabaha halista ah ee dalalka qaar ay iska soo dhoofinayaan. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka dambeyso qaadka lagu soo daabulayo Soomaaliya, arintaas oo uu ku tilmaamay mid ay ku xumeyneyso dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ku dooneyso in ay halis ku geliso caafimaadka umadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u joojisay duullimaadyada caalamiga ah, oo qaadka ugu badan dalka lagu soo geli jiray, balse hada iyada oo aysan jirin waxa duullimaad ah, gudaha ama dibada, ayaa waxaa hadana dalka lasoo geliyaa maandooriye uu qaadku ku jiro, kuwaas oo laga soo geliyo xuduudaha dhulka oo ah kuwo intooda badan iska furan oo aan laheyn wax ilaalo ah.
-
TACSI MADAXWEYNE: 09/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/04/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadka kaalin muglehna ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu aas aasay guurtida Somaliland oo uu ilaa hadda ka tirsanaa Marxuumku. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee guurtida iyo wakiilaa Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Sanca (Caasimada Online) – Wakaaladda Wararka Yemen ee YPA ayaa weriye sare oo ku sugan Koonfurta Yemen kasoo xigatay dokumentiyo muujinaya xiriir ka dhaxeeya dowladda Sacuudiga iyo kooxda Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP. “Warqad ka timid qabiilka al-Humiqani ayaa xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo looga digay inay hub usoo diraan kooxaha argagixisada ee gobolka Al-Baydah, ayaga oo usoo marinaya xisbiga Al-Rashad iyo Abdul Rahman Abu al-Harith al-Humiqani oo ku xiran kooxda Daacish,” ayuu yiri weriye Salah Bin Laghbar. Hase yeeshee warqad kale oo ka timid Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa amartay in hub lagu wareejiyo kooxihii argagixisada ee laga digay, sida uu sheegay weriye Laghbar, oo helay labada warqad. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sanadkii tegay, baaritaan uu sameeyey taleefishinka CNN lagu ogaaday in Sacuudiga ay hub ay ka heleen Mareykanka siiyeen maleeshiyo Salafi ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Sacuudi Carabiya ayaa muddo lagu eedeyn jiray inay si dadban u taageeraan kooxaha xagjiriinta, ayada oo nidaamka diimeed ee Wahaabiga ah ee dalkaas la rumeysan yahay inuu dhiiri-geliyo fikradaha diimeed ee xagjirnimada iyo rabashadaha ku dhisan ee kooxaha Al-Qacida iyo Daacish. Sacuudi Carabiya marar badan ay beenisay eedeymahan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal uu madaxda dowladda ugu baaqayo in ay shacabka si joogto ah ula wadagaan khatarta iyo saameynta cudurkan dalka soo galay ee Coronavirus. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka oo kaliya lagu sii daayey arrimaha cudurkaas, iyadoo dalal ka hor marsan dalkeena ay ka guuleysan la’yihiin Coronavirus iyaga oo aan u kala harin. Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan in Adduunka oo dhan madaxdooda ay hoggaaminayaan dagaalka lagula jiro cudurkan sida fudud ku faafaya ee Coronavirus. Siyaasigan ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba u soo jeediyey talooyin dhinaca samafalka ah iyo doorka hoggaanka siyaasadda ee ka hor tagga iyo la tacaalidda cudurkan. Hoose ka akhriso qoraalkan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in ay shacabka horyimaadaan, hoggaanna muujiyaan, si shacabka ay u helaan xog sugan oo la xariirta Fayriska Karoona. Hawshan hoggaankeeda kuma filna wasaarad, adduunka oo idilna madaxda sare ayaa hoggaamineysa dadaalka lagula tacaalayo Karoona Fayris. Waxay ahayd in horay loogu diyaargaroobe, dhowr jeer oo horena hoggaanka dawlada waan xasuusinay, laakiin talaabooyin wax ku ool ah lama qaadin . Haddaba waa in talaabooyin kan siyaasadeed iyo farsamo degdeg loo qaado. Kaalinta hogaanka siyaasadeed waa in 1- Madaxdu ay dadka horyimaadaan, runtana u sheegaan, oo ay ugu horreyso inta ay tabarteenna la tacaalida la egtahay, xagga qalabka baaritaanka, qolalka daryeelka sare, qalabka oksijiinka caadiga ah iyo ogsijiinka mashiinka ah. 2- Waa in ay hawshan la gaarsiiyo heer Golaha Amniga Qaranka ka wada hadlo, kaasoo ay ku jiraan guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxda dowlad goboleedyada. Wadahadalku wuxuu noqon karaa warbaahinta la iska arko. Waa in joogto looga tashadaa sida looga hortegi karo aafada Fayriskan dilaaga ah. 3- In si wadajir ah loo qaato go’aamo la is waafajinayo bedqabka dadwaynaha, iyadoo la tixgelinayo saamaynta dhaqaale ee go’aanadaas, maadama inta badan dadkeenu ku nool yihiin waxa kasoo gala xoogsi maalmeedka. 4- In la dhiso guddi ganacsato, bulshada rayadka ah, culimada iyo waxgarad ah oo qayb ka noqda abaabulka istaakulaynta bulshada . Dhinaca Farsamada 1- Waa in dhiso guddi khubaro saynis iyo dhakhaatiir isugu jira, lehna gudoomiye aqoon durugsan u leh cudurada faafa, si ay dadwaynaha maalin walba ula socod siiyaan halka uu xaal marayo. 2- Farriimo iyo talooyin wacyi gelin uu Guddigu hormuud u yahay oo ay dhammaan qaybaha bulshada saameynta ku leh ka wada qeyb qaataan. Fayriska Karoona waxaa looga samatabixi karaa, Alla oo la tala saarto laguna kabo taxaddar, digtooni, farriimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadka oo la raaco. Nabigeeenna (NNKH) wuxuu yiri “Hashaada xiro, Ilaaheyna talo saaro”
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la sheegay in Abiy Ahmed uu mas’uuliyada wada-hadalada DF iyo Somaliland dusha ugu saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba ogoleyn wada-hadalo uu qeyb ka yahay Khayre, midaasi noqoneysa fashilkii labaad ee ku yimaada qorshayaasha Abiy Ahmed. Faysal ayaa ka horyimid aragtida uu aaminsan-yahay Abiy, kaasi oo ahaa in Somaliland aysan rabin Farmaajo balse ay Khayre macquul tahay inay aqbalaan, maadama aysan xasaasiyad weyn ka qabin sida Madaxweynaha. Guddoomiyaha ayaa banaanka keenay in qorshaha Abiy Ahmed ee wada-hadalada uu yahay mid uu ku wiiqayo jiritaanka Somaliland, isla markaana uu ku rabo inay midoobaan Soomaaliya iyo Somaliland oo sheegata inay ka madax-banaantahay Jamhuuriyada. Faysal Cali ayaa gebi ahaanba diiday in wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan dalal ay kamid tahay Itoobiya, oo uu sheegay inay u xaglinayaan dhanka Soomaaliya. Lamana oga in mowqifka Faysal ay ka wada socdaan Madaxweynaha Somaliland oo isagu ka gaabsaday ka hadalka arrinkaasi, balse si guud u sheegay inay diyaar u yihiin in wada-hadalo la furaan dowladda Soomaaliya, marka laga baxo xaalada ka dhalatay Corona ee dunida saameysay.
