-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa guddoomiyey shir xasaasi ah oo looga hadlayey caabuqa Corona, kaas oo fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu go’aamiyay bandow 15-cisho ah oo lagu soo rogay deegaanada maamulkaasi. Bandowga ayaa dhaqan galaya 1-da bisha April oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxuuna bilaabanayaa 6:00,pm (Lexda Maqribnimo), wuxuuna ku egyahay 5:00,AM (Shanta Aroornimo). Sidoo kale waxaa la faray hay’adaha amniga inay xoojiyaan nabad-gelyada iyo sidoo kale ka hortagga cudurka Coronavirus. Puntland ayaa horay u xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sababo la xariira caabuqa Corona.
-
Ilaahay naxariistii janno ha siiyo Maxamed Qowdhan Cilmi oo ku geeriyooday UK, waxa aan ka si gaar ah uga tacsiyadeynayaa geeridiisa, Qoyskiisii, qaraabadiisii, xigtadiisii iyo asxaabtiisii oo aan leeyahay samir iyo iimaan Marxuumkana Jannatul firdowsana Rabi ha ugu deeqo. Aamiin pic.twitter.com/97GTUmyAdY — Abdirahman Cirro (@CirroSL) March 28, 2020 Ilaahay naxariistii janno ha siiyo Axmed Muxumed Caynaanshe Guuleed oo ku geeriyooday London, waxa aan ka si gaar ah uga tacsiyadeynayaa, Qoyskiisii, qaraabadiisii, xigtadiisii iyo asxaabtiisii oo aan leeyahay samir iyo iimaan, Marxuumkana Jannatul firdowsana Rabi ha ugu deeqo. pic.twitter.com/QVLwLVedPs — Abdirahman Cirro (@CirroSL) March 27, 2020 Qaran News
-
Boorama (Caasimada Online) ― Saacadihii u dambeeyay waxa aad la iskula dhex-mareyay in Kiis la xiriira fayruska Corona laga helay gudaha magaalada Boorama, isla markaana lagu hayo Isbitaalka weyn ee magaalada oo lagu dabiibayo. Haddaba, Caasimada Online oo u kuur-gashay dhab ahaanshaha Kiiskaasi ayaa la xiriirtay maamulka gobolka Awdal ee wasaarada caafimaadka, si aynu bulshada ugu xaqiijino waxa ka jirra Kiiskaasi la xiriira Coronaha ee la leeyahay waxa laga helay Boorama. Mas’uuliyiinta caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuusan jirin Kiis la xiriira Coronavirus oo laga helay gudaha gobolka, gaar ahaan magaalada Boorama, midaasi oo beenin cad u ah warar saacadihii u dambeeyay la wareejinayey baraha bulshada iyo gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay Mas’uuliyiintaasi xaqiijiyeen in uusan jirin haba-yaraate Qof looga shakisan yahay caabuqaasi oo soo gaaray laamaha caafimaadka, isla markaana uu gobolku ka bad-qabo aafada dunida oo dhan ku faaftay. Guud ahaan deegaanada Somaliland ayaa wajahaya cabsi baahsan kadib markii ay soo if-baxeen in dad saarna diyaarada Ethiopian Airlines laga helay Caabuqa Coronavirus, iyagoo isku dayaya inay xuduuda dhuleed ee dalka Jabuuti ka gudbaan. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in Xukuumada Muuse Biixi ay damaanad kusii deysay dad kamid ah rakaabkii diyaaradaasi oo looga shikisanaa fayruska Corona, sida ay dhowaan xog ku heshay Caasimada Online.
-
28 militants wounded, 18 others captured alive since start of operation on March 18, military says Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay, in heegan buuxa la geliyay dhammaan ciidamada kala duwan ee dowladda Puntland, si ay uga hawlgalaan qorshaha sugidda Amniga iyo dadaallada looga hortagayo cudurka Coronavirus. Go’aankaas, ayaa looga dhawaaqay shir deg deg ah oo xalay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisu ay si wadajir ah ula qaateen, guddiga Amniga iyo guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus. War-saxafadeed ka soo baxay Shirka, ayaa sidoo kale lagu amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland, in ay shaqadooda isu’gu geeyaan Sugidda Amniga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus. Go’aankaas, ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii qarax ismiidaamin ah lala beegsaday, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir iyo taliyihii hore ee Booliiska Nugaal G/sare Faraax Galan-goolli. Labada mas’uul oo dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa, ayaa la dhigay isbitaalka guud ee caasimadda Garoowe, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday marxuum Gu’jir. Qaraxa waxaa mas’uuliyaddiis sheegtay malayshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaallama koonfurta Soomaaliya, sida lagu faafiyay warbaahinta taageerta Al-shabaab PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo heegan buuxa gelisay dhammaan ciidamadeeda Qalabka sida appeared first on Puntland Post.
-
Paris (Caasimadda Online) – Faransiiska ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku bah-dilay qasri uu ka baxsaday boqolaal milyan oo dollar oo ku yaalla magaalada Paris. Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa diiday codsi uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayey inuu ku booqdo qasriga Louis XIV Palace oo uu ku iibsaday ku dhawaad $350 milyan dollar dhowr sano ka hor. Sida laga soo xigtay illo wareedyo sare oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dowladda France, Bin Salmaan wuxuu doonayey inuu waqti ku qaato qasriga Louis XIV oo ku yaalla duleedka Paris. Hase yeeshee, Faransiiska ayaa taas ku gacan seeray, ayaga oo booqashada Bin Salmaan u arkay mid ceebeyn doonto Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo ku dhex jira xilli xasaasi ah iyo culeys uu kala kulmayo shacabkiisa sababa la xiriira inuu ku fashilmay mashaariicdiisa dib u habeynta. Sidoo kale, sababta Bin Salman loogu diiday booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay inay France ay ka cabsi qabto inay culeys kala kulanto dunida maadaama Bil Salman lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka wariye Jamal Khashoggi. Waxaa intaas dheer, Sacuudi Carabiya oo dhowaanahan aad looga hadal hayey warbaahinta inay jaajuustay suxufiyiin iyo ganacsato dhowr ah oo reer galbeed ah oo siyaasadeeda diidan, taasi oo booqashada Bin Salmaan ee Paris abuuri karta xiisad siyaasadeed oo madaxweyne Macron uu kula kalmo gudaha dalkiisa. Maxamed Bin Salmaan ayaa qasrigan iibsaday xilli uu isku dayayey inuu yareeyo ku tiirsanaan Sacuudi Carabiya ee dhaqaalaha shidaalka. Qasriga Louis XIV Palace ayaa la sheegay inuu yahay kan dunida ugu qaalisan. Bin Salmaan ayaa ku caan baxay iibsashadiida faanka ku dhisan. Sanadii 2016 wuxuu 500 oo milyan oo dollar ku iibsaday doon lagu raaxeysto, halka sanad kadib la shaaciyey inuu ahaa qofka ku guuleystay iibka xaraashka sawir gacmeedka Leonardo Da Vinci ee Salvator Mundi, oo uu ku iibsaday 450 milyan oo dollar.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha naxariistee, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo xalay u geeriyooday qarax lagula eegtay gudaha magaalada Garoowe. Madaxweynaha Jubaland, ayaa qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray dowladda iyo shacabka Puntland, gaar ahaanna ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday guddoomiye Cabdisalaan Gu’jir. Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si kulul u cambaareeyay falka gurracan ee argagixisadu la beegsatay marxuum Gu’jir, isagoo ku baaqay in hal meel looga soo wada jeesto Argagixisada falkaas geysatay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo cambaareeyay qaraxii Argagixiso ee lagu dilay guddoomiye Gu’jir appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Guddoomiyaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku sugan dalka Turkiga ayaa yeeshay kulamo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo musiibada dunida ku habsatay ee coronavirus. Labada Guddoomiye ayaa isla meel dhigay ku baraarugooda ku saabsan mudada 7 bil ee u hartay dhamaan baarlamaanka Soomaaliya iyo rajo la’aanta ka muuqata qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya. Mas’uuliyiin ku dhaw dhaw labada guddoomiye ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyada ay dareensan yihiin in aysan dalka ka qabsoomi karin doorasho iyadoo aan meesha laga saarin khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Sidoo kale waxay walaac ka muujiyeen cudurka Coronavirus ee dalal ay kamid tahay Soomaaliya ay la daala dhacayaan. Waxay dhinacyadu isla garteen in si wadajir ah looga wada qeyb qaato ka hortaga iyo daaweynta dadka uu haleelay cudurkaan. Waa kulankii ugu horeeyay oo ay mas’uuliyiintaan ku yeeshaan meel ka baxsan Soomaaliya, islamarkaana ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka oo rajo xumo weyn laga qabo. Labada mas’uul oo aad ugu dhowaa Villa Somalia, ayaa doorashadooda kulan gaar ah oo madaxda kale ee dowladda ay ka maqan yihiin, dhalineysa tuhun ku saabsan inay qaadayaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo in doorasho ay dhacdo, halka Villa Somalia ay dooneyso in doorashada dib loo dhigo.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la hakiyo Canshuurta iibka ee loo yaqaan Sales Tax, inta uu socdo ololaha la tacaalidda cudurka Coronavirus, si aysan saamayn ugu yeelan qiimaha maciishadda. Shir ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku xalay la qaateen guddiga Amniga iyo guddiga qaabilsan ka hortagga Coronavirus, ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo Canshuurta iibka, si aysan saamayn ugu yeelan sicir koror ku yimaada maciishadda. Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay hirgelinta Sanduuqa Taakulada ka hortagga Coronavirus, kaas oo $100,000 kun ee ugu horreeyay ay ku shubtay xukuumadda Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirka. Dowladda Puntland ayaa dadweynaha Puntland, ganacsatada iyo hay’adaha caalamiga ah ka dalbatay, in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada ka hortagga Coronavirus, si loogu fuliyo ololaha la tacaalidda COVID-19. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo laalay Canshuurta iibka amrayna hirgelinta Sanduuqa Taakulaynta Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay khadka Teleefomka kula hadlay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xukuumadda iyo shacabka Puntland uga tacsiyeeyay, geeridii ku timid Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (gu’jir), oo u geeriyooday qarax fiidnimadii xalay lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe. Qoraal ka soo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Farmaajo, ayaa lagu sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay ka tacsiyaynayso geerida xanuunka leh ee guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi oo u geeriyooday qaraxii fiidnimadii caawa lagula beegsaday saldhiga magaalada Garoowe, kadib markii qof Nafti-hallige ah isku miidaamiyay guddoomiye Gu’jir iyo G/sare Faarax Galan-goolli. “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyay dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas arxan darrada ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Marxuum Gu’jir, ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka guud ee Garoowe ugu geeriyooday, dhaawac daran oo ka soo gaaray qaraxaas, oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen malayshiyaadka Al-shabaab. Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa taliyihii hore ee qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame Galan-goolli iyo qof shacab ah oo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo khadka Taleefonka ugu Tacsiyeeyay madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa khamiistii todobaadkaan baarlamaanka Soomaaliya u sheegtay in shaqada guddiga ay baarlamaanka ku milmeen. Xaliimo Yareey, oo warbixin siineysay guddiga kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan sameynta sharciyada kale ee dhameystiraya sharciga doorashooyinka, ayaa sheegtay in shaqadii gudigeeda ay faro-gelin ku hayaan oo ay si dadban la-wareegeen baarlamaanka arrintaasina ay tahay nasiib darro weyn. “Gudigiina shaqadaan ma ahan waajibkiina waa mid anaga noo taalo waxayna aheyd inaa annaga soo diyaarino waana caqabad taagan,” ayey Xaliimo Yarey u sheegtay ee guddiga isku dhafka ah. Goobta ay hadalkaan ka sheegeysay Xaliimo Yareey ayaa waxaa ku sugnaa ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxayna wararku sheegayaan in xubno ka tirsan guddiga ay qirsan yihiin doodda Xaliimo yareey. Inkastoo ay Xaliimo Yareey iyo guddigeeda shaqadaan u fasaxeen guddiga baarlamanka, hadane waxay sheegtay in arintaan ay abuuri karto caqabado kale oo hor leh. Guddoomiyaasha labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan si wadajir ah u magacaabay guddiga ku-meel gaarka ah ee dhameestirka xeerarka kale ee sharciga doorashooyinka, waxaana aerintaan hore uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada dalka.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa la soo warinayaa in ay kordheen dilka iyo tacadiyada kale ee loo geysanayo caruurta, dumarka iyo waayeelka, kuwaas oo ku nool degaan qiyaastii 40 km oo dhanka xeebta ah kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Sawiro ay heshay Caasimada Online ayaa muujinaya in koox maleeshiyaad ah ay weerareen guri ay daganaayeen dad xoolo dhaqato ah islamarkaana ay dil iyo dhaawac ugu geesteen dad ay ku jiraan caruur iyo waayeelo. Sidoo kale dilka iyo dhaawacii ugu dambeeyay ee waayeelka iyo caruurta loo geestay ayaa daba socda dilka iyo gowraca ugu yaraan 4 canug oo kale oo ka yar da’da 10 sano. Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dil iyo kufsi loo geestay dumar maato ah. Arimahaan oo dhan ayaa daba socda dagaal beeleed muddo bilooyin ah ka socda duleedka Kismaayo waxaana ka sii daraya xaalada degaanka. Boqolaal shacab ah oo isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato ayaa isaga baxay degaanka. Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in tobaneeyo dad ah oo ay ku jiraan caruur iyo dumar in la dhigay Isbitaalka guud ee Kismaayo, waxaana ku jira kuwa ay xaaladooda aad u liidato. Maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in uu ku guul dareestay joojinta xasuuqa degaanka ka socda, halka dadaalo ay culumada iyo odayaasha sameeyeen aysan natiijo wanaagsan ka soo bixin. Abaabulka iyo isu hub aruursiga ayaa wali ka socda duleedka Kismaayo, waxaana jira warar sheegaya in dad siyaasiin ah ay hurinayaan colaad beeleedka Kismaayo kuwaas oo ka dhax raadinaya dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/WhatsApp-Video-2020-03-29-at-10.58.44-AM.mp4
-
The governor of Puntland’s Nugaal region Abdisalam Hassan Hirsi has died of his grave wounds after AlShabab suicide bomb attack in Garowe on Sunday night. Local officials have confirmed the death of the governor to the media. AlShabaab has claimed responsibility for the bombing at the police station that targeted a vehicle transporting regional officials. Somali government has vehemently condemned the attack and sent a cable of condolences to the Puntland and governor’s family. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir oo u dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay fiidkii lagula eegtay iridda hore ee saldhiga bartahama magaalada Garoowe. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey, Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. “Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.” Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxaasi lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe “waxa uu Madaxweynuhu Alle SWC uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si kulul u cambaareeyay Qaraxii lagu dilay Gudoomiye Gu’jir appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Nugaal ee Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir ayaa u geeriyooday dhaawacii kasii gaaray qarax uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa kaasi oo caawa ka dhacay magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii geeriyooday. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey, Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. “Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.” Ruuxa is-miidaamiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga uu lasocday guddoomiye Cabdirisaaq, xilli uu marayey afaafka hore ee saldhigga magaalada Garowe. Wararka aan ka heleyno weerarkaas ayaa waxa ay intaas ku darayaan in taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli uu ku jiro mas’uuliyiintii la socotay gudoomiyaha ee ku dhaawacmay qaraxaas. War rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaa ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka caawa ka dhacay magaalada Garoowe. “Mujaahidiinta ayaa howlgal ku beegsaday mas’uuliyiin katirsan maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland khasaara xooggan ayaana cadowga gaaray” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.
-
Popular Contributors
