Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa habeenimadii xalay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay nabad-doon caan ka ahaa oo siweyn looga yaqaanay gudaha magaalada iyo gobolka Banaadir, nabadoonka la dilay ayaa lagu macaabi jiray Shaahir Kheyrdoon waxaana lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Juungal. Wararka ayaa intaas ku darayo in marxuumka kooxa ku hubeysnaa Bastoolada ay toogeen xili uu ka soo baxay majid ku yaalla xaafadda Juungal uu deganaa ka dib salaadii Cishaha, Kooxii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday ka dib markii ay dilka u geysteen Nabad-doon. Ciidamada ammaanka degmada Yaaqshiid oo goobta soo gaaray ayaa ka sameeyey baaritaan ay ku baadi goobayaan qolyihii dilka geystay lakiin majiro cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka nabad-doonka loo geystay. Waxaa badanaa gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhaca dilal ay la kulmaan dadka nabad-doonna ah kuwaas oo siyaaba kala duwan loogu dilo degmooyinka gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka faafa ee Coronavirus oo ku sii kordhaya gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Mahad Salaad ayaa soo hadal wararka sheegaya in bandow lagu soo rogi doono magaalada Muqdisho, si loo xakameeyo faafitaanka cudurkaasi, wuxuuna tilmaamay haddii tallaabadaasi qaado dowladda ay saameyn ku yeelan karto dadka danta-yar. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in saddexdii sano ee la soo dhaafay dadka degan magaalada Muqdisho ay la daala dhacayeeen jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, islamarkaana haddii maanta loogu daro bandow dhinac walba ah uu sababi karo halis aan ka yareyn mida cudurka faafa ee COVID-19, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn kula taliyey madaxda dowladda in ay dib ugu laabtaan talaabooyinka nuucaan oo kale ah, islamarkaana ay raadiyaan qaabab-kale oo lagu wada ilaalin karo bad-qabka shacabka iyo nolosha dadka danta-yar ee muruq maalka ah. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad:- Dad badan oo muruq maal ah ayaa maalin walba u soo xamaalasho taga magaalada Mogadishu, shilimaadka maalintaas ay helaan ayayna ku dabaraan noloshooda iyo mida qoysaskooda. Magaalada Mogadishu muddo sadex sano ah ayay la daalaa dhacaysaa jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, in maanta loogu daro bandow dhinac walba ah waxay halis aan ka yarayn mida cudurka Covid 19 ku keeni kartaa nolosha dadkaan muruq maalka ah! Sidaas daraadeed, waxaan kula talinayaa madaxda sare in ay dib ugu laabtaan tilaabooyinka nuucaan oo kale ah, lana helo qaab kale oo badqabka shacabka iyo nolasha dadkeena danyarta ah loo wada ilaalin karo.
  3. Faylasuufkii weynaa ee Giriiga, Socrates (c. 470 – 399 BC), ayaa laga hayaa inuu yiri: “Sirta isbeddelka ma’aha la dagaalanka iyo burburinta noloshii hore, balse waa inaad tamartaada oo dhan isugu geysid dhisidda nolol cusub oo la jaanqaadi karta waaqica aad ku nooshahay”. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Ceerigaabo)-Dagaal xooggan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa uu ka qarxay deegaan lagu magacaabo Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana oo u dhexeeyaa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariye iyo tuulooyin kale, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac, sida ay dadka deegaanku u sheegeen Somalilandtoday. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas. Dagaalka ka socda deeghaanka Waqdariye ee u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, wuxuuna salka ku haaya dul-daaqsimeed iyo dilal hore oo la xidhiidha aanooyin qabiil Source
  5. Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf Doonyaale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii hore ee Xannaanada Xooolaha Puntland, marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xaalad caafimaad ujoogey.” Alle ha u naxariistee, Marxuum Axmed Xuseen Xaaji Yusuf (Doonyaale) waxa uu ahaa haldoor Soomaaliyeed oo masuuliyado badan kasoo qabtay dalka, Soomaaliya waxa uu kasoo noqday Guddoomiye gobol iyo mid Degmo, Puntland waxa uu kasoo qabtay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dowle Madaxtooyo iyo La-taliye Madaxweyne ee arrimaha Amniga ah. Sidoo kale waxa uu ku suntanaa ka shaqaynta xasiloonida, Amniga iyo horumarka. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga tacsiyeeyay geerida marxuumka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka in uu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa. PUNTLAND POST The post Ex. wasiir Puntland oo geeriyooday iyo madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.
  6. Bahda caafimaadka iyo dhakhaatiir ku hawlanaa daaweynta iyo kalkaalinta bukaanka ayaa ka mid ah dadka uu haleenay cudurka Coronavirus. Ilo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey in 3 ka mid ah dhakhaatiirka Digfeer laga helay cudurka, kuwaas oo hadda la karantiiley, lana tacaalayo. Sida ay jimcihii sheegtay wasaaradda caafimaadka 9 qof oo bukaan oo oo baaris lagu sameeyey waxaa Covid 19 laga helay 9 qof. Dadkaas laga helay waxaa ku jira wasiir ka tirsan Hirshabeelle iyo 7 sarkaal caafimaadka ka shaqeeya, 2 wasaaradda caafimaadka ah iyo 5 ka shaqeeya isbitaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Warar laga helayo Sanaag ayaa sheegaya in saaka dagaal qaraar oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed uu ka qarxay gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid culus ayaa haatan ka socda deegaanka Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoona la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaan uu salka ku hayo arrimo la xariira dhul-daaqsameed oo ay isku qabteen maleeshiyaadka diriraya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu gubay Masjid, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo goobo kale, kadib markii la qabad-siiyey dab xoogan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh, balse lama oga inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Gobollada Sool iyo Sanaag oo dhaca waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelaha wada dega deegaanada gobolladaasi.
  8. Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) waxa uu magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Kowdii bishaan April. Dabayaqadii bishii Maarso ayuu soo ritay cudurka Coronavirus markii uu isku arkay calaamadaha cudurka ayuu tagay Isbitaalka King ee London oo ay ugu dambeyn geeridu ku haleeshay. Wuxuu dhashay 1938 nus qarno ka badan ayuu ka soo shaqaynayay hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya oo uu ka gaaray ilaa heer Ra’iisul Wasaare. Waxaa uu sidoolale ka soo shaqeeyay hey’adda kheyriga ah ee bisha cas qeybteeda Soomaaliya. Alaha u naxariistee Madaxweynihii dowladii KMG aheyd Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa bishii November 2007 u magacaabay Ra’isul Wasaare, wuxuuna xilkaasi hayay ilaa February 2009 kii, waxaa lagu xasuustii kaalintii dib u heshiisiineed ee uu ka qaatay wadahadaladii Xukuumadiisii xiligaa iyo Isbahaysigii dib u xoreynta ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wadahaladaasi oo ugu dambeyn lagu dhisay dowlad wadaag ah. Alaha u naxariistee magaalada London ayaa lagu aasay galinkii danbe ee shalay saacadu markii ay aheed 4:00pm xiliga Muqdisho 2:00pm xiliga London. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Boqor Cismaan Buurmadow ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweyne Biixi ee ahaa in madaxda dhaqanku ku eekaato arrimaha beelaha iyo dhaqankooda haddii ay siyaasadda ku milmaana ay u adkaystaan wixii kaga yimaadda. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo la hadlay wargeyska Geeska Afrika ayaa si kooban uga jawaabay hadalka madaxweynaha waxaanu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay arrintu meel aanay gaadhsiisnayn haddaad gaadhsiisaan waa fool xumo. Arrintu haddii meel aanu gaadhsiisnayn haddii aad gaadhsiisaan Qarankaa ka wada hadli doona,” Dhanka kale Boqor Buurmadow ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook wuxuu ugu hanjabay madaxweyne Biixi oo uu ku eedeeyay kalitalisnimo. Qoraalka Buurmadow ayaa u dhigan sidan:- Waa maan bidde Iyo maan Barreey Waxaan.dhegaystay.khudbadii madxwaynahaha iyo hanjabaadii.aan loomeeldeyin ee uu ujeediyey Madaxdhaqameedka runtii madaxwaynuhu wuxuu nagu raacay in la dardargeliyo wada hadaladii Soomaliland iyo Soomaaliya waxaase hadalkiisa ka muuqatay keli talisnimo iyo cabsigelin sidaa si la mid ah wuxuu ugu hanjabaa dadka masaakiinta ah ee uu banaystay dhaca iyo boobka dhulkooda. Wuxu iskudeyeyaa inuu dadka cabsigeliyo Si sharcidaro ah ama aanay cidina uga dabahadlin Hadaba shacbiga aanu sharaftooda huwanahay waxaanu ubalanqaadaynaa Inaanu difaaci doono sharaftooda xuquuqdooda, Hantidooda waxaanu cid walba u cadaynaa in madaxwaynuhu. Ku sii siqaayo wadadii keligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre Sidaa awgeed shacbigu haw diyaar garoobeen Halgan dheer intay kaxaqiijiniyaan xoriyad u hadalka iyo doorasho xor iyo xalaal ah Ilaahaybaa mahadleh Source
  10. Xeebta Waqa-deriya Wararka ka imaanayaa gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in dagaal beeleed xooggan uu saaka oo sabtiya ka socdo degaan-xeebeedka Waqa-deriya oo galbeed kaga beegan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag. Dagaalka oo arroornimadii hore ee saaka bilowday, ayaa sida la sheegayo u dhexeeya malayshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo halkaasi wada deggan, kuwaas oo sannadihii u dambeeyay dagaallo kala duwan dhex mareen. Warbaahinta Puntland Post, oo macluumaad sugan ka raadisay khasaaraha dagaalka, ayaan weli xog faahfaahsan ka helin, maadaama ay aad u liidato isgaarsiinta degaanka, islamarkaana aysan jirin cid kale oo laga xaqiijin karo khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo ay ka soo kala jeedaan labada beelood ee dagaallamaya, ayaan midkoodna weli ka hadlin, dagaalka saaka ka socda degaan Xeebeedka Waqa-deriya ee gobolkaasi Sanaag. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed xooggan oo ka socda Xeebta Waqa-deriya ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay colaad beeleedyada maalmihii dambe laga soo sheegayey qaar ka mid ah gobollada dalka. Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in xilligan Soomaaliya ay ka dhacaan dagaal beeleedyo, iyadoo dalka uu ku sii baahayo Fayruska Corona. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay beelaha diriraya inay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay wadahadal ku dhameeyaan colaada u dhexeysa. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/xaa.mp3 View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday agaasimihii cisbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab. Ma jiro sabab la baahiyay oo lagu xidhiidhiyay xil ka qaadista Dr. Yaasiin Carab, waxaanay warar soo baxay xaqiijinayaan in Madaxweyne Biixi uu agaasimaha cisbitaalka Hargeysa u magacaabay Dr. Axmed Cumar Askar. Dr. Yaasiin Carab wuxuu hore xilkan ugala wareegay Dr. Askar. Madaxweyne Biixi ayaa bishii February ee sannadkii hore ee 2019, wuxuu Dr. Yaasiin Carab u magacaabay inuu noqdo agaasimaha cisbitaalka Hargeysa, waxaanu markaas ku bedelay oo uu xilka ka qaaday Dr. Axmed Cumar Askar. Laakiin sannad iyo laba bilood ka dib wuxuu mar kale Madaxweyne Biixi xilkii u kala qaaday labadii agaasime ee uu hore isugu bedelay. Source
  13. Across the world, the Coronavirus has not only become another disaster to wipe us all out of the earth but has also put the spotlight on the level of competence of our political leaders. Source: Hiiraan Online
  14. Cisbitaalka Hargeysa Godkii Geeri Sugidda Kawaankii Bini’aadmiga Qormooyin Taxane Ah. Qaybtii 1-aad. Araar: Qoraalkaygani sinaba, marnaba, goornaba uma jeedo, kumana saabsana dan gaar ahna uma laha shakhsi, shakhsiyo, ashkhaas kala duwan, xukuumad, haayado, xubno dawladda ka tirsan, mana aha dhaliil si gaar ah, cid gaar ah goor gaar ah u bartilmaameedsanaysa eh, keliya waxaan doonaya inaan diiradda ku saaro galdaloolooyinka ka muuqda xaruntii ugu weynayd qarranka Somaliland caafimaadka, waa cisbitaalka guud ee caasimadda Somaliland Hargeysa. Waxaan qoraalkayga uga dan leeyahay inaan tilmaan, toosin iyo sixitaan u u noqdo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyo, iyo xukuumad kasta oo mustaqbalka timaadda, maadama caafimaadku yahay laf dhabarta iyo nolosha koobaad ee bini’aadmiga. Horudhac Cisbitaalka guud ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxaa la aas-aasay sannadkii 1953-kii, todoba sannadood ka dib markii mustacmaraddii boqortooyada ingiriisku ay xorriyadda ku wareejisay dadka reer Somaliland. Cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu ka mid yahay taariikhda guunka ah ee dalka ingiriisku kaga tagay gaar ahaan Hargeysa guud ahaana Somaliland, cisbitaalka waxaa lagu aas-aasay inuu qaado afar boqol oo qof, waxaana loogu tallo gallay 400 oo sariirood. Waagii ingiriisku dhidbaha u taagay cisbitaalka Hargeysa, magaalada Hargeysa waxaa ku noola dad tiradooda lagu qiyaasay inta u dhexeysa 50 kun oo qof ilaa 80 kun oo qof. Dhibaatada caafimaad ee ugu badan ee waagaasi dadka reer Hargeysa ka haysata dhinaca caafimaadku waxay ahayd in hooyooyinka umulaya ay ku dhiman jireen umusha, ujeedada koobaad ee ingiriisku u dhisay cisbitaalkaasina waxay ahayd in goob caafimaad loo hello haweenka umulaya. Markii Somaliland ay xornimadeeda dib ula soo noqotay, ee afar maalmood ka dib ay ku wareejisay xornimadii ay helleen wixii loo bixiyay (Midnimadii labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya), cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa wuxuu soo maray marxalado iyo jaran-jarooyin kala duwan. Wakhtigii ugu adka, uguna duruufta adka cahdigaasi wuxuu ahaa sannadkii 1974-kii oo cisbitaalka guud ee Hargeysa la soo dhigay boqolaal qof oo ay ku dhaceen xanuuno nafaq darro sababtay, kana soo cararay abaartii Daba-dheer loo yaqaanay, waagaasi dawladii Kacaanka ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka talinaysay si badheedh ah ayey u dayacday cisbitaalka, waxaana ay sababtay dhimashada boqolaal qof oo gudaha cisbitaalka ugu dhinta nafaqo darro iyo xanuuno ay ka mid yahiin beer xanuun ama joonis (Hepatitis). Wallow markii abaartaasi dhacday, cisbitaalka Hargeysa ay dawladdii kacaanku u dirtay dhakhaatiir ka tagay dhinaca goboladii Koonfurta loo yaqaanay, dawladdii Midawga Soviet oo marka Soomaaliya gacanta ugu weyn siin jirtayna ay dhigeen qallab kala duwan, haddana cisbitaalka Hargeysa, oo ahaa cisbitaalkii ugu taariikhda weyna gayiga afka Soomaaliga lagaga hadlo wuxuu ka dayac badna kana danbeeyey dhammaan cisbitaaladii koonfurta Soomaaliya ku yaallay. Waana sababta sannadkii 1982-kii ay dhalinyaradii la baxday UFFO, oo iskugu jiray dhakhaatiir, macalimiin, dhaqalayahano iyo aqoonyahano kala duwani ay banaanbax uga sameeyeen magaalada Hargeysa, kaasi oo sababay in la xidh xidho laguna xukumo dil toogasho ah, waxyaabahii ugu waaweyna ee ay ka banaan-baxayeen dhalinyaradaasi qaarkoodna, isla markaana ay noloshooda ku waayeen waxaa ugu weyna dayacii ka muuqday cisbitaalka guud ee Hargeysa wakhtigaasi. Sannadii 1981 kii waxaan ka mid ahaa caruurtii waagaasi ku dhalatay cisbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa, cisbitaalka guud ee Hargeysa wuxuu igu leeyahay taariikhda ugu weyn noloshayda. Cahdigii Ugu Dayac Xuma Cisbitaalka Hargeysa 1991 ilaa 2020 Sannadahii 1988 kii ilaa 1994 kii dalka waxaa ka dhacay dagaalo kala danbeeyey, ha ugu weynaado dagaalkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre ay ku burburisay magaalooyinka Somaliland kuna xasuuqday shacabka iyo maatida Somaliland eh. Wallow cisbitaalka guud uu soo maray dayac farabadan oo aanu gayin intii dawladdii kacaanku ka talinaysay Somaliland, haddana dayac ka weyn, ka fool xun, kana adag ma soo marin Cisbitaalka weyn ee Hargeysa intii Somaliland madax banaanideeda dib ula soo noqotay. Cisbitaalka weyn ee Hargeysa wuxuu maanta xaaladiisu gaadhay heer uu noqdo hoygii ama godkii geerida lagu sugaayay, marka laga yimaado dayrka weyn ee ku teedsan gudahiisa waxaa ka muuqda dayac uu sababay musuq maasuq, maamul xumo, aqoon xumo dhinaca hawl-wadeenadda caafimaadka ee ka shaqeeya ah, waxaana ay badiba shacabka Somaliland u yaqaanan (Kawaanka geerida), oo ay uga jeedaan, haddaad doonayso in lagugu tababarto ama shaqaalaha ka shaqaynaya ay ka dhigtaan sida aalad lagu tababaranayo oo kale ayuunbad cisbitaalka Hargeysa u tagaysa. Waxaan ka soo uruuriyay dhawr sheeko oo qofkii dhugta, akhrista isla markaana arka uu qalbigiisa xanuun ku beerayo. Sheekooyinka qaarkood aniga qayb ka mid ah markhaatiyo uga ahaa, qaarkoodna waxaa iiga sheekeeyey dad ay ku dhacday. Waxaan doonaya inaan mid ka mid ah idinla wadaago. Sheekada 1-aad Sannadkii 2019 iyo Askarigii xabaddu ku dhacday. Mid ka mid ah askarta ciidamadda Somaliland ka tirsan ayaa dhawaan wuxuu iigu waramay khadka telefoonka, wuxuu iga codsaday inaan magaciisa qariyo sababo ammaankiisa iyo shaqadiisa la xidhiidha darteed. Wuxuu ii sheegay askarigaasi inuu dhaawac ka soo gaadhay lugta isagoo ku jira hawl shaqo magaalada Hargeysa, waxaana ay xabadi kaga dhacday lugta midig, waxaana loo qaaday cisbitaalka guud ee Hargeysa. Wuxuu ii sheegay askarigaasi, in uu muddo laba saacadood ah markii cisbitaalka la geeyay goor casar ah, dhiiguna ka qulqulaayay lugtiisa, uu waayay cid dhiig joojin u samaysa, wuxuu ii sheegay askarigaasi in dhiigii ka qulqulaayay darteed goobtii uu fadhiyay la moodaayay sida neef xoolo ah oo lagu gawracay, wuxuu ii sheegay in markii danbe dhakhtar u yimid lana geeyay qolka qalliinka deg deg ah. Wuxuu ii sheegay askarigaasi in dhakhtarka qalliinka samaynaayay uu u sheegay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee uu noloshiisa qallo, dhawaana uu ka soo qallin jabiyay jaamacadda Hargeysa. Askarigaasi wuxuu ii sheegay in markii la qallay, ay lugtigiisu samaysay barar, bararkaasi oo ku fiday kor ilaa hoos lugtiisa, isla markaana saameeyey ilaa xiniinyahu halku ka gaadho. Wuxuu khadka telefoonka iigu sheegay askarigaasi, in dhawr maalmood ka dib jidhkiisii uu barar saameeyey, isla markaana ay qoyskiisu go’aansadeen in loo qaado magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, iyagoo gacan dhaqaale ka hellay xukuumadda Somaliland. Askarigaasi wuxuu ii sheegay in markii Addis Ababa la geeyay ee dhakhtar la dhigay, sawirkii ugu horeeyey ee lugtiisa laga qaaday uu soo saaray in xabadii lagu dhuftay oo ku jirta uu dhakhtarkii yara ee cisbitaalka Hargeysa ku dul tolay bartii nabarka xabadu kaga dhacday., taasina keentay caabuq (Infection) saameeyey lugtiisa. Wuxuu askarigaasi ii sheegay in lugtiisii gaadhay heer ay qudhuntay, dhakhaatiirtii cisbitaalka Addis Ababa ay u sheegeen xalka keliya inuu yahay in lugta la jaro qayb ka mid ah. Wuxuu dhakhtarkaasi ii sheegay inuu hadda ku noolyahay nolol curyaanimo ah, oo uu sababay dhakhtarkii cisbitaalka Hargeysa, wuxuuna ii sheegay nasiib darrada ka sii xun inay tahay in weli dhakhtarkaasi ka sii shaqeeyo cisbitaalka Hargeysa maanta, isla markaana uu waayay si uu dacweeyo. Qaybta 2-aad haddii alla idmo, waxaan ku soo qaadan doona dhacdo labaad oo xanuun badan, waa qof qaba xanuunka kansarka dhiiga (Leukaemia, or blood cancer) oo cisbitaalka weyn ee Hargeysa u sheegay inuu qabo macaan, isla markaana aan kula kulmay magaalda Delhi ee dalka India sannadkii 2019 kii , oo laga waayay macaankii, lagana hellay kansarka dhiiga. Qaybaha xiga waxaan sidoo kale ku soo qaadi doona musuq maasuqa xadka ka baxay iyo maamul xumada hadhaysay waaxda xanuunka HIV/AIDS u qaabilsan cisbitaalka Hargeysa. La Soco Qaybta Xigta Xigasho Sawirka hoos ka muuqda waxaan ka soo xigtay barta Gety images waana waadhka ama qaybta dadka a dhimirka ka xanuunsanaya loogu tallo gallay oo aan qaybaha danbe idiinka warbixin doono. Waxaa qoray Mohammed Abdi Hassan Diridhaba Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay labadii xubnood ee labada Xisbi Mucaarad u matalayey Komishanka ee Golahoodu codka ku diiday, kuwaasi oo la filayo inay mar kale gacanta u taagan oo ay ansixiyaan iyo sharcigu wuxuu ka qabo. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Salaadiinta Somaliland, waxaanu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu marar badan oo hore ayey is khilaafeen, iyagoo isku qabtay arrimaha Doorashooyinka iyo Komishanka, iyadoo xitta la dhex galay ayay haddana is qabteen, laakiin imika heshiis bay gaadheen, is fahana wuu ka dhex dhacay, gacan taag qudhana waxba kuma meel marino, ee shuruudaha ayaanu u eegnaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diiday, haddii dib loogu soo celiyo Golaha wax mushkilad ah malaha, oo sharciga ayaa loo eegayaa, labada xubnood ee Goluhu codka ku diidayna, waxaa ka mid ah xubin laba jeer oo hore cod lagu meel mariyey..” Xildhibaanku wuxuu farriin u diray Madax-dhaqameedka Dalka “Maanta lama taagna maalin la murmo iyo maalin laga hadlo wada-hadal iyo in Soomaaliya lala hadlo, ee waa maalin uu Adduunkii baqo ku jiro oo Waddan kastaaba xadkiisii xidhay, markaas maalin aynu Dawlad iyo Salaadiin u garnaqno ma joogno ee Salaadiintu hadalladooda ha u meel dayaan, oo waxaan shaqadooda ahayn yaanay gelin..” ayuu yidhi. Source
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Mareykanka ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen hal sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Maalmihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu la beegsado Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  17. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in aan la aqbali karin shaqsiyaadka ku howlan hurinta dagaal beeleeyada maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi. Najax ayaa tilmaamay in dadka weli u sii han-qal taagaya daadinta dhiig hor leh ay ku qaban doonaan gacan bir ah, iyaga oo kaashanaya dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Wanlaweyn ay tahay, halka laga hoggaamiyo howlgallada ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-11042020-ww.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen magaalada Muqdisho. Toogashada oo ka dhacday degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa loo geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray, Xaaji Shahid Kheyr-Doon. Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa ka dambeeyey dilkiisa, kuwaas oo rasaas ku furay, xilli uu ka soo baxay Masjidka Saaladii Cishe kadib. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dableydii fulisay toogashada ay goobta isaga baxsadeen, siday inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan dhacdadaasi. Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii Dhaqtar Xasan Xaayow oo caanka ahaa Yaaqshiid lagu dilat xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi.
  20. Wasiiru-dowlaha Wasaarradda Cadaaladda Maamulka Hirshabeelle ee dalka Soomaaliya, ahna Xildhabaan ka tirsan Baarlamanka Maamulkaasi Khaliif Muumin Tooxow ayaa la xaqiijiyay in laga helay xanuunka COVID-19 , sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in baadhitaan la sugayay natiijadiisa dhowr saacadood, kadib la xaqiijiyay in Wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle uu hayo Xanuunka COVID0-19. Waxa uuna sidoo kale uu qeexay in hadda Hirshabeelle uu ka jiro walaac xooggan, maadaama Wasiirkan xanuunsanaya uu muddo ku jiranaa Hotel-kii uu ka deganaa Jowhar, sidoo kalena ay jiri karaan dad uu la macaamiilay. Source
  21. Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa ku baaqday in dhammaan la karantiilo mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee la kulmay xildhibaan ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay cudurka Coronavirus. Khaliif Muumin Tooxow, oo sidoo kale ah wasiiru-dowlaha Caddaalada Hirshabeelle, ayaa shalay la xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronavirus, kadib baaritaan lagu sameeyay. Bukaanka oo in mudda ah ku xanuunsanayey hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, ayaa markii dambe loo qaaday Muqdisho, si looga baaro cudurka COVID-19 ee haatan laga helay. Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, ayaa ku boorrisay dadkii la kulmay bukaanka mudadii uu deganaa Hoteelka Jowhar, in ay is karantiilaan, si aanay bulshada ugu gudbin haddii ay qaadeen cudurka Coronavirus. Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay in ay raadinayaan dhammaan dadkii xiriirka la sameeyay bukaanka, si loo geliyo karantiil mudda laba asbuuc ah. “Waxaan hadda raadineynaa dhammaan kuwa laga yaabo in ay la xiriireen isaga muddo 2 asbuuc ee la soo dhaafay si go’doomin loo geliyo looguna kuur galo xaaladooda” ayuu yiri madaxweyne Waare. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo karantiilaysa dadkii la kulmay wasiir laga helay COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Dubai)-Dhaxal-Sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa dowladda Suuriya ka dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxaysa Turkiga, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye. Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad. Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib. Assad ayaa loo horumariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka hadhsanna la bixin lahaa wakhti dambe. Mohammed Bin Zayed ayaa qorshihiisa ka damacsanaa laba ujeedo, oo lagu wiiqayo saameynta Turkiga ee gobolka. Qorshaha koowaad ayaa ahaa in Turkey dagaal dheer oo aan dhammaad lahayn lagu geliyo gobolka Idlib si askar badan lagaga dilo, islamarkaana caalamka loogu muujiyo inay dal kale duulaan ku yihiin, oo loo sumcad tiro. Qorshaha labaad ayaa ahaa in dagaalkaas uu Turkey ka weeciyo qarashkii iyo kheyraadkii ay ku bixin lahayd Liibiya, oo ay taageerto dowladda dalkaas, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga cadhooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan. Source
  23. Turkey's Interior Ministry imposed Friday a two-day curfew in 30 metropolitan provinces and northern Zonguldak province starting as of midnight to curb the spread of coronavirus. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo la hadlay idaacadda BBC Somali ayaa ka jawaabay sheegashada dadka qaar ee ah in liin dhanaanta ay dawo u tahay cudurka coronavirus. Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay. “Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka”, ayuu yiri Dhakhtarka. Wuxuu dhinaca kale meesha ka saaray hubaasha in liin dhanaanta lagu dhaqan karo gacmaha. “Ilaa mahha ma heyno caddeyn dhinaca seyniska ah. Waxa aan ognahay waa in gacmaha lagu dhaqi karo biyo iyo saabuun oo ilaa 20 ilbiriqsi lagu dhaqanayo. Haddii aadan saabuunta heysanin ku dhaqo dareeraha jeermis dilaha ah haddii aadan intaas heli karinna danbas iyo biyo isticmaal”, ayuu yiri. Wuxuu Dr Fuje ku taliyay in qofkii isaga shakiya xanuunka uu gurigiisa joogo, laakiin haddii deegaankiisa laga heli karo xarumo caafimaad oo loogu talagay coronavirus iyo goobo karantiil ah uu si dhakhso ah ula xiriiro. Dhanka kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay fikradaha qaba in coronavirus uusan ku dhaceynin dadka muslimiinta ah iyo bulshooyinka ku nool dalalka kuleylaha ah. Isha: BBC SOMALI
  25. NAIROBI - When the coronavirus began hitting Western economies, it hurt the economies of African countries, too – not only because of a loss in trade and tourism, but also due to a loss in remittances. Source: Hiiraan Online