Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la shaaciyay in uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan hakadka ku jira. Madaxweyne Biixi ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay bar-bar joogeen Guddoomiyeyaasha labada gole iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka Somaliland, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo furo wada-hadaladaasi. Ayada oo wararka ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu doonayo inuu kulansiiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Muuseo Biixi, maadaama reer Somaliland “ay xasaasiyada ka qabaan” madaxweyne Farmaajo, ayaa Muuse Biixi wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka, midaasi oo u muuqata inuu si dad-ban u aqbalay uguna diyaar yahay qorshihii Abiy Ahmed. Biixi ayaa sheegay in cudurka dunida ku habsaday ee Coronavirus uu xiligan waxkasta ka muhiimsan yahay ka hortagidiisu, balse xiligeeda ay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la iskugu imanayo fagaaro caalamiya. Caasimada Online ayaa shalay baahisay xog ku saabsan qorshahaasi cusub ee Abiy Ahmed ku wajahayo wada-hadaladaasi iyo kulamo uu qorsheeyay inay ka dhacaan caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, inkasta oo aan sheegnay suurta-galnimada ay ku baaqan karaan kulamadaasi, maadama cudurka Covid-19 uu si xawliya u faafayo, Kiisas hor lehna laga helay Soomaaliya iyo Itoobiya.
  2. Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan afar qof oo saddex kamid ah ay dumar yihiin ayaa ku dhintay qarax Miino oo ka dhacay Shabeellaha Hoose. Illo degaanka ah ayaa u sheegay Shabelle in qaraxa uu dadkaan ku haleelay agagaarka Awdheegle xili ay lugeynayeen. Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkaan oo dhamaantooda shacab ah ay kasoo baxeen degaanka Lamber 60 ee gobolkaas. Hooyo iyo gabadheeda ayaa lasoo wariyey in ay ku jiraan dadka ku nafwaayey dhacdadaas aysan wali ka hadlin mas’uuliyiinta. Lama ogga cidda halkaas ku aastay Miinada. Balse, waxaa aagaas inta badan adeegsada ciidamadda dowladda Soomaaliya. Inta badan falalka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya waxaa khasaaro ay kasoo gaaraan dad shacab ah. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Hay’adda Caafimaadka Aduunka ayaa waxa ay maanta Qalabka Baaritaanka Cudurka Corona ku wareejisay Wasaardda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada. Lacagta lagu soo iibiyey qalabka waxaa ku deeqday Safaaradda Talyaaniga ee fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho. Waxaana gacan ka gaystay keenista qalabkan Hay’adda Cunnada Aduunka oo shalay diyaarad qaas ah soo saartay. Sawirrada wareejinta View the full article
  4. Wanlaweyn (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa sheeegay in lagu tallaabsaday guullo hor dhac ah ka dib markii la kala qaaday kooxihii ku dagaalamaayey halkaasi. Guddoomie Najax oo la hadlay qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Wanlaweyn ayaa digniin u diray shakhsiyadka hubeysan ee ka dambeeyay dagaal beeledyadii ka dhacay degmadaasi. Gudoomiyaha ayaa xusay in aan la aqbali doonin in dadkii dhibaatada ka geystay Wanlaweyn in ay sii joogaan,sidaa daraadeedna gacanta lagu soo dhigi doono cid kasta oo ka qeybgashay dagaaladii dhexmaray labadaasi beelood eek u dgaalamay halkaai. Ibraahim Aadan Cali Najax waxa uu sheegay in uu dhow yahay xalka dagaaladii ka dhacay Wanla Weynm sidaa daraadeedna loo baahan yahay in ciidamada ay u howlgalaan gudasha waajibaadka xagga amniga ah ee ay u xilsaaran yihiin,isagoo dhinaca kalena qirau in caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo geysatay dhibaatooyin bini’aadanimo. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada, gaar ahaan wadada isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay oo ah waddo aad u burbursan oo isticmaalkeeda ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen. Wadadan ayaa ka mid ah wadooyinka aadka loo isticmaalo, waxayna martaa suuqa Siinaay oo kulmiya degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid. Waxaa dhagaxdhigga Duqa Magalaada ka sokow goobjoog ka ahaa Qaar ka mid ah ku xigeenaddiisa, Agaasimayaasha, Gudoomiyaha Degmada Boondheere iyo Gudoomiyaasha Haweenka iyo Dhallinyarada Gobolka Banaadir. Dhanka kale, Cumar Filish ayaa ka dhawaajiyey in dad badan ay Muqdisho ugu dhinteen Coronavirus. Shaqsiyaadkaas ayuu caddeeyay in qaarkood uu isagu garanayo. Balse ma uusan carabaabin tiradda guud. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili wasaaradda caafimaadka ay soo bandhigtay kiisas cuusb oo wadar ahaan gaaraya 4, taas oo tiradda guud ka dhigtay 12. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-090420.mp3 View the full article
  7. US Africa Command (Africom) has announced that it killed a senior commander of the Al-Qaeda-linked group Al-Shabaab in an airstrike on 2 April. The slain militant commander, Yussuf Jiis, was reportedly a founding member of the group who has held senior positions in the group over the last decade. Yussuf Jiis and two other Al-Shabaab members were killed in an airstrike in Bush Madina, Bay region, some 217 kilometers west of the capital, Mogadishu. “This individual was a key leader in the al-Shabaab organization. He was violent, ruthless, and responsible for the loss of many innocent lives. His removal makes Somalia and neighboring countries safer,” Gen Stephen Townsend, Aafricom commander said in a statement. The US has increased its airstrikes against the group over the last few days, hitting Al-Shabaab-controlled areas in Bay, Lower Shabelle, and Middle Jubba regions. In a separate statement, the US said it killed five Al-Shabaab members near Jilib on 6 April. Jilib is a militant stronghold in the Middle Jubba region, southern Somalia. “While we might like to pause our operations in Somalia because of the Coronavirus, the leaders of Al-Qaeda, Al-Shabaab, and ISIS have announced that they see this crisis as an opportunity to further their terrorist agenda so we will continue to stand with and support our African partners,” Gen Townsend said. Some rights groups have however accused the US of killing civilians in airstrikes in Somalia. View the full article
  8. The US-trained Danab forces have conducted an operation on the outskirts of Wanlaweyn town following deadly inter-clan clashes, residents and military sources said. The troops managed to intervene in the tribal combat and removed several roadblocks manned by local militia fighters during the operation that came after dozens killed in battle. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has called on both warring sides to cease the hostilities and end their differences through dialogue instead of gunpoint. The SNA and AMISOM are currently waging anti-Shabaab operations in Lower Shabelle region in the latest attempt to flush out the militants from the remaining areas. View the full article
  9. Geneva (Caasimada Online) – Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa si adag u difaacay sida hay’addiisa ay ula tacaashay faafitaanka cudurka Coronavirus, isaga oo ka jawaabaya eedeynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in laga yaabo inuu maal-gelinta ka jaro ururka. Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”. Tedrso ayaa sheegay inuu rajeynayo in Mareykanka uu sii wado taageerada uu siiyo ururka. Trump iyo maamulkiisa ayaa Arbacadii sii waday dhalleeceynta ka dhanka ah ururka. Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay qiimeyneyso lacagta ay ku taageerto ururka, isaga oo sheegay in hay’adaha caalamiga ah ee hela lacagta canshuur bixiyayaasha Mareykanka looga baahan yahay inay kasoo baxaan hadafyadooda. Si kastaba, Pompeo ayaa diiday is-beddel iminka lagu sameeyo hoggaanka WHO. Mareykanka ayaa sanaddii 2019 siiyey WHO lacag ka badan 400 oo milyan oo dollar, taasi oo laba goor ka badan tan dalka labaad ee kusoo xiga. Shiinaha ayaa bixiyey kaliya 44 milyan. Trump ayaa sheegay in lacagta Shiinaha ay bixiyaan ay aad uga yar tahay tan Mareykanka, taasina “aysan ahayn caddaalad.” Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan. Hase yeeshee, Tedros ayaa ku adkeystay in WHO ay dunida “la socod siisay xogta, akhbaarta iyo caddeymaha” cudurka markii uu kasoo shaac-baxay Shiinaha, December 2019. Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shiinaha, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.” REUTERS + VOA
  10. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu dalka soo gaaray waxa uuna tilmaamay in dad uu garanayo ay xanuunka u geeriyoodeen kuwaas oo uu shaaciyay inaysan ka imaan dibadda oo ay ku ku sugnaayeen dalka. Waxa uu hoosta ka xariiqay guddoomiyaha in dadkaas u geeriyooday COVID-19 qaarkood la aasay halka qaarka kalane aan wali la aasin sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna yiri “Cudurkaas waa uu soo gaaray dalka dad badan ayaa u ila daran qaarna wey u dhinteen aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan oo dalkooda jooga ayaa ku dhintay oo qaar hadda la aasay qaarna aan wali la aasin” Dhanka kale guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyay halista uu leeyahay cudurkaan isaga oo sheegay in si fudud loo kala qaadi karo cudurkaan, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo. “Arrintaas waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo sidaa darted talloyinka la didin siinayo waa in sida uu yahay loo qaato” ayuu hadalkiisa ku sii daray duqa Muqdisho Cumar Filish. Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in muwaadin Soomaaliyeed oo aan dibad ka imaan oo 58-sanno jira ahaa uu magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, waxaana korortay tirade guud ee Corona ee laga diiwaan galiyay Soomaaliya taas oo gaartay 12 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. The long, black hem of Ibado Mohammed Abdulle’s diya drags in the sand, creating mini tornadoes of dust under her sandals. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Deegaanka qayib iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid, waana kuwa loogu talagalay iney hawlgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyaan gobolka. Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, waxaana la ogyahay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay halkaas ku lahaayeen awood buuxda ka hor inta aysan isaga guurin maadaama ay ka war heleen ciidamada kusoo foolka leh halkaas. Dadka ku sugan deegaanadaas oo xogo siiyay warbaahinta gudaha ayaa qiray in kooxahii gacanta ku hayay deegaanka ay isaga baxeen iyadoo aysan jirin wax dirir ah oo ay la galeen ciidamada Dowladda ee soo gaaray deegaanka. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa carabka ku dhuftay in Ciidamada ay hawlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ay ka mid yahiin Cadakibir, balse ma jiraan wax hadal ah oo kasoo yeeray saraakiisha hawlgalka hogaamineysay ee la wareegay deegaanka Qaayib. Deegaano ka tirsan Gobolka Galdaduud ayaa waxaa ku sugan oo gacanta ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxaana jiro qorsho uu Maamulka Galmudug ku doonayo in lagu xoreeyo deegaanadaas. Ciidamo tiro badan ayaa waxaa tababar loogu soo gabagabeeyey meel u dhow Dhuusamareeb, waana ciidamada loogu talagalay in lagu weeraro meelo ay kamid tahay Ceelbuur iyo deegaano badan oo hoos tago.
  13. Mogadishu (PP) — The less physical money in circulation in Somalia proves a blessing in disguise. Cash changing hands turned out to be a transmission source of Covid-19 in many countries. In London the daughter of a taxi driver, who died of complications from Covid-19, said her father “contracted the illness as a result of handling cash from customers”. China had to withdraw a lot of cash from usage to contain spread of Covid-19. Many Somalis are wondering how they would cope with the voluntary lockdown had the ubiquitous mobile money services not been available in the Horn of Africa country. People would be using cash and unwittingly increase the rate of infections in a country with inadequate health services. “Mobile money services play a significant role in containing the spread of Covid-19 because a fewer people will handle cash” says Faisal Jama, the owner of a convenience store in Bosaso. “Still people must apply preventive measures such as social distancing, washing hands with soap for 30 seconds, and self-isolation in case one has cold and symptoms of Covid-19” Jama added. The Federal Government of Somalia has a plan to print Somali Shillings. The global health emergency could put the plan to print Somali Shillings on hold. © Puntland Post, 2020 The post SOMALIA: MOBILE MONEY USAGE REDUCES SPREAD OF COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  14. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kala dhex galay Labo Malleeshiyo Beeleed oo ku dagaallamay degaanka Balli-cad oo dhaca xadka gobalka Galgaduud uu la wadaago dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa booqday degaannada lagu diriray, markii ay Ciidamada Qaranku la wareegeen degaannada lagysku hayo, waxaana la filayaa in ay goobta gaaraan Odaasha dhaqanka ee Beelaha ay dirirtu dhex martay si loo kala qaado Malleeshiyaadkii dagaallamay. Dagaal Maalin ka hor ka dhacay Balli-cad ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 15 Qof oo ka tirsan Labada djinac, iyadoo tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waa markii ugu horaysay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya halkaas gaaraan tan iyo wixii ka dambeeyay 1983-dii, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen Odayaasha degaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Helsinki (Caasimadda Online) – Tirada dadka Soomaaliyeed ee u dhimanaya xanuunka COVID-19 ayaa sii kordhaysa, iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay ilaa sadex qof u geeriyoodeen cudurka. Shalay, waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday oday 58 sano jir ah oo la oran jirey Shariif Maxamed, kaas oo noqday qofkii ugu horeeyay oo xanuunkaas ugu geeriyooday gudaha dalka. Dalka Finland waxaa ku geeriyooday Sheekh Wacdi Aw-Aadan. Waxaa uu ahaa Sheekh weyn oo aad loogu yaqaanno fidinta diinta iyo heshiisiinta Soomaalida ku nool dalalka Yurub gaar ahaan Finland. Xalay ayuu cudurka COVID-19 ugu geeriyooday dalkaas, jaaliyadda dalka Finland ku dhaqan ayaa si weyn ugu murugooday geerida Sheekhaas, Allah u naxariistee. Dalalka UK iyo Sweden ayaa ah labada dal oo ay ku dhinteen Soomaalida ugu badan oo xanuunka safmareenka ah uu haleeley. Dhaka kale Kiisaska Xanuunka Covid-19 ayaa hada gaaray 1.5 millyan adduunka oo dhan guud ahaan iyadoo Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ay ku dhintaan tirada ugu badan ee dhimashada hal maalin tan iyo markii uu cudurka dillaacay. Laakiin dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Koofurta iyo New Zealand, waxaa jira caddeyn muujineysa in bandowga, tijaabada, la socoshada iyo karantiilista bulshada ay gacan ka geysan karto yareynta faafitaanka viruska. Xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins University waxa ay muujineysaa in 1.5 milyan oo qof oo qaba COVID-19, ku dhawaad 330,000 ayaa ka soo kabsaday. In kabadan 88,500 oo qof ayaa ku dhintey iyadoo Mareykanku warbixintiisa ku sheegay 1,850 dhimasho Arbacadii, iyo Boqortooyada Ingiriiska, 938 waana tiradii ugu badneed oo hal maalin tan iyo markii cudurku ka dilaacay Shiinaha dabayaaqadii sanadkii 20-kii.
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Magaalada Muqdisho kusoo rogto go’aan adag oo hor leh oo looga hortagayo cudurka COVID19 oo kusoo badanayo Magaalada Muqdisho. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin oo ah xubin ka mid ah guddiga heer federaal ee ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa tilmaamay inay Muqdisho u baahan tahay go’an adag iyadoo la iska ilaalinayo in cabsi lagu abuuro dadka Shacabka ah. Waxaa la filayaa in la mamnuuco isu imaatinka dadweynaha, sidoo kalana waxaa go’aamada ka mid noqon doono in Salaada Jimcaha soo socoto aan lagu dukan Masaajida, waxaana laga yaabaa in guud ahaan la xiro Masaajidda. “Xitaa hadii ay noqoto in naf la badbaadiyo waxaa haboon in awood ciidan la adeegsado si loo dhaqan-geliyo go’aanada adag,” ayuu yiri Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin Dhanka kale Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin ayaa sheegay in la qiyaasayo in Magaalada Muqdisho uu si weyn ugu faafi doono cudurkaan todobaadyada soo socdo. “Muqdisho waxey wajahi doontaa isbuucyo xanuun badan, dad badan buu soo ridan doonaa Corona, wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankooda baaritaan baa la marsiiyey maadama laba naga mid ah laga helay, natiijadana waan arkeynaa,” ayuu tilmaamay Dr Cabdirisaaq. Howlwadeenada la baarayo waxaa kamid ah isla Jamaaludiin maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii la shaqeeyay saraakiisha qaadey caabuqa, balse wuxuu ka gaabsaday in ay wasiir Fowziya Abiikar Nuur kamid tahay. “Annaga ma xamili karno in aan karan-tiilno dad badan, laakiin xalka ugu wanaagsan waa dadka in ay iyaga is-karan-tiilaan, ayna xoojiyaan difaacooda oo ay cabaan biyo badan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus. Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah. Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.
  17. Qareenadii u doodayay xisbiga Himilo Qaran ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in dacwaddii ay ka gudbiyeen hey’adda duulista ay iyagu ku guuleyteen islamarkaana loo xukmiyay in lacag magdhaw ah waxaaana sidoo kale ay tilmaameen in maxkamaddu go’aamisay in hey’addaasi ay ku qaldanayd in ay is hor istaag ku sameeyaan wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Qareenada ayaa intaas waxa ay ku dareen in waxyaabihii loo go’aamiyay ay ugu waa weynaayeen labadan qodob. In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista Soomaaliya. in hay’adda duulista rayidka ay shubto qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka ku wajahnaa, kaas oo ay ka midyihiin hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado. Dhanka kale Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee Himilo qaran ayaa waxa uu soo dhoweeyay go’aanka ay ka maxkamadda sare ka soo saartay dacdii ay ka gudbiyeen xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan hey’adda duulista rayidka. Qoraal kooban oo ka soo baxay xisbiga ayaa lagu yiri sidan “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Maxkaamadda sare ee dalka ka qaadatay dacwaddi laanta fulinta laga gudbiyay gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada” Sidoo kale xisbiga waxa uu sheegay in faahfaahin rasmi ah ay ka bixin doonaan sida ay u dhacday dacwaddaasi “Xisbiga wuxuu faahfaahin doonaa sida dacwadda kiiskaas loo qaaday iyo go’aanka Maxkamadda”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa amar dul-dhigay maleeyshiyaadka ku hubeysan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Guutada 7aad, Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, ayaa faray saraakiisha gobolka in ay hub ka dhigis ku sameeyaan maleeyshiyaadka. Isagoo hadalkiisa sii wata, Gaashaanle Dhexe Cumar ayaa tilmaamay in hubka ku jira gacanta rayidka ay sababeen dagaaladii ka dhacay degmada Wanlweyn. Hogaanka ciidamada ayuu hoosta ka xariiqay in uusan u dulqaadan doonin wixii haatan ka dambeeya in hub ay wataan maleeyshiyaadka. Tobanaan ruux ayaa lagu dilay dagaal beeleedyo todobaadyaddii lasoo dhaafay ka dhacay Wanlaweyn, iyaddoo colaada ay salka ku haysa aanooyin qabiil iyo loolan siyaasadeed. View the full article