-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-Sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed ayaa dowladda Syria ka dhaadhiciyey qorshe lagu burinayo xabad-joojinta gobolka Idlib ee kala dhaxeysa Turkey, isaga oo u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, waxaas sidaas weriyey wargeyska Middle East Eye. Maalmo ka hor kulan dhex-maray saraakiil Russia iyo Turkish ah oo lagu raadinayey heshiis xabad-joojin, ayaa 5-tii March waxa uu Mohammed Bin Zayed sarkaal sare oo lagu magacaabo Ali Al-Shamsi u diray magaalada Dimishq, si uu wada-xaajood ula galo madaxweyne Bashar Assad. Bin Zayed ayaa Assad u ballan-qaaday 3 bilyan oo dollar, si uu dib ugu billaabo howl-gallada iyo weerarada gobolka Idlib. Assad ayaa loo hormariyey 250 milyan oo dollar oo kaash ah, ayada oo loo ballan-qaaday in ka hor dhammaadka bisha March la siin doono 1 bilyan oo dollar, ayada oo lacagta inta ka harsanna la bixin lahaa goor dambe. Mohammed Bin Zayed ayaa qorshihiisa ka damacsanaa laba ujeedo, oo lagu wiiqayo saameynta Turkey ee gobolka. Qorshaha koowaad ayaa ahaa in Turkey dagaal dheer oo aan dhammaad lahayn lagu geliyo gobolka Idlib si askar badan looga dilo, islamarkaana caalamka loogu muujiyo inay dal kale duulaan ku yihiin, oo loo sumcad tiro. Qorshaha labaad ayaa ahaa in dagaalkaas uu Turkey ka weeciyo qarashkii iyo kheyraadkii ay ku bixin lahayd Libya, oo ay taageerto dowladda dalkaas, halka Imaaraadka Carabta ay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Qorshahan ayaa waxaa ka war-helay madaxweynaha Russia Vladimir Putin, kaasi oo aad uga carrooday. Putin ayaa kadib wasiirkiisa gaashaandhigga Sergei Shoygu u diray Dimishiq kuna armay inay joojiso qorshahan.
-
Nuur-Cadde: Booliis, Samafale, Siyaasi iyo Diblomaasi Nuur Xasan Xuseen, Nuur –Cadde, wuxuu ahaa nin muddo ka badan nus qarni u shaqeeyay Dowladda Soomaaliya, jagooyinka dalka ugu sarreeyana ka gaaray. Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa booliiska Soomaaliya. Wuxuu ka qabtay xilal kala duwan. Darajo wuxuu ka gaaray Gaashaanle Sare. Wuxuu ahaa sharci yaqaan wuxuuna ka shaqeeyay Maxkamadaha dalka. Nuur waxay dadku inta badan ku yaqaanneen Booliiska iyo xilka Ra’iisal Wasaare laakiin xaggeyga shaqada qalbigeyga u dhow ee uu qabtay waa howsha samafalka ee Bisha Cas. Bisha Cas Nuur wuxuu markii hore ka tirsanaa Guddiyada Bisha Cas oo mar mar uun fadhi isugu yimaada korna kala socda Howlaha Bisha Cas. Markii 1991 ay Dowladdii Soomaaliya burburtay ayaa waxaa dagaalku saameeyay Guddoomiyaha Bisha Cas, Dr. Axmed Food-Cadde, oo inkasta oo uu isku dayay in uu ku shaqeeyo Bisha Cas xarunteeda Muqdisho ay ku adkaatay in howshu ay hagaag u socoto. Waxaa u sabab ahaa dagaallo qabiil, kuwo siyaasadeed iyo amni darro baahday oo ay ka faa’iideysteen burcad – dhac iyo boob-doon ah oo agabka hey’adaha Dowladda, kan samafalka iyo hantida gaarka loo leeyahay aan midna u aabba yeeleyn. Si ay taas u gaaraanna aan ka waabaneyn in ay naf Aadane gooyaan. Guddoomiye Dr. Food Cadde, Allah ha u naxariistee, wuxuu u wareegay Nairobi halkaas oo uu ka sii waday howsha Bisha Cas. Xarunta Muqdisho waxaa u istaagay Nuur – Cadde oo noqday Xoghayaha Guud ee Bisha Cas. Isaga oo aqoonsan lana shaqeynaya Dr. Food – Cadde. Wuxuu noqday Xogahayaha Guud ee Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed. Nuur – Cadde, isaga oo kaashanaya Guddoomiye Food – Cadde, wuxuu noqday ninka suurta geliyay in dagaalkii iyo jahawareerkii ka taagnaa caasimadda aan Bisha Cas ku burburin, kuna dhex milmin siyaasadda qabiileysan ee berigaas taagnayd. Bisha Cas oo xilliga loogu baahi badan yahay ay tahay xilliga colaadaha iyo xilliga masiibooyinka ay abaaraha iyo cudurrada saf marka ahi ka mid yihiin, waxay ku guuleysatay in aan marnaba albaabbada loo laabin. In aanay marnaba ka qixin Xamar, marnaba ka maqnaan goobaha looga baahan yahay. Xataa markii ay Muqdisho iyo Kismaayo colaaddu ay ka dhexeysay iyo markii ay Muqdisho laba u qeybsantay, waxaa Bisha Cas u suurta gashay in ay dhinacyada oo dhan ay ka howlgasho. Goobaha ugu daran dagaalka waxaa ka mid ahaa Muqdisho oo Nuur – Cadde uu fadhiyo, Xamar labada dhinac ee markaa uu dagaalku u qeybiyayna ku leh laba wakiil. Magaalooyinka kale ee dagaalka xooggani ka dhacay waxay ahaayeen Kismaayo oo Axmed – Goobbo uu joogay iyo Baydhowa, oo dagaalka ay macluul maalintii boqol ruux dishaa ay u dheereyd 1992. Xuseen Daahir ayaa ka howlgalayay oo ahaa mas’uulkii Bisha Cas ee Baydhowa burburka ka hor iyo ka dib labadaba. Nuur – Cadde oo la shaqeynaya Guddoomiyihiisa Dr. Food Cadde, waxay labada mas’uul ku guuleysteen in iyada oo ku howlgaleysa magaca Bisha Case ee Somaliland uu ururku howlo samafal ka fuliyo Somaliland, iyada oo Bisha Cas ee Soomaaliyeedna ay raalli ka tahay. Kulammada caalamkana farriin ay isla og yihiin ayay ka jeedinayeen maaddaama ay howshu tahay samafal ka fog siyaasad. Waxay wada shaqeyn dhow oo xagga samafalka ah ay lahaayeen rag uu horseed u yahay Cali Jirde. Taasi waxay suurta galisay in hey’ado kale oo badan oo samafal ah ay ku dhiirradaan in ay dalka si xoog leh uga shaqeeyaan xilliyadii colaadda iyo abaaraha. Waxaa si gaar ah loo xusi karaa kaalintii Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC, oo miisaaniyaddiisa caalamiga ah barkeed ku bixiyay Soomaaliya. Howlgalka wuxuu la kaashaneya Bisha Case ee Soomaaliyeed oo ay bahwadaag yihiin, kana wada tirsan yihiin Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Bisha iyo Laanqeyrta Cas. Caalamku wuxuu qiray howsha adag ee samafalka ah ee Bisha Cas ay ka qabatay dalka xilli aad u adag. Sawirka waxaad ku arkeysaa Boqoradda, Elizabeth, oo Qasrigeeda London abaalmarin ku Guddoonsiineysa Guddoomiyaha Bisha Case ee Soomaaliyeed, Dr. Food – Cadde. Madaxa Xukuumadda Iyada oo sida aan maqlay ay soo jeedintiisa gacan weyn ku leeyihiin saaxiibbadiisii Bisha Cas, Dr. Food – Cadde iyo General Cabdinuur Yusuf, ayaa Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Nuur Xasan Xuseen, Nuur – Cadde. Waxay ahayd xilli aad u adag, xasaasina ah. Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ayaa dagaal qaraar kula jiray ciidammadii Maxaakiimta. Baarlamaanka Soomaaliya laba ayuu u kala jabay oo qaar Badan oo Guddoomiyaha Baarlamaanku uu hoggaaminayo ayaa Dowladda ku diiday siyaasaddeeda. Xildhibaannada mucaaraday gacansaarka ciidanka Ethiopia iyo Dowladda Federaalku dalka ayay ka baxeen oo waxay xarun ka dhigteen Asmara oo markaas ay cadaw isku ahaayeen Ethiopianka. Qurbo joog is abaabushay ayaa ku biirtay. Dhammaantood waxaa Guddoomiye u noqday Shiikh Shariif oo markaa ka hor ahaa Madaxa fulinta ee magaca Maxaakiimta Shareecada ku dagaallamayay. Qax fara badan ayaa shacabka ku dhacay siida dadweynaha Muqdisho. Inksta oo markii hore uu dhisay Xukuumad fara badan, haddana Nuur – Cadde wuxuu hirgeliyay Xukuumad 18 Wasaaradood ah. Nuur wuxuu dhexda u galay siyaasado Soomaaliyeed oo is diiddan iyo kuwa caalamka oo iyaga qudhoodu aan meel u wada socon. Xilliyada qaar wuxuu dadka qaar ugu muuqday Hoggaamiye isku dayaya in uu qanciyo dhinacyada oo dhan, taas oo xilligaas aan sinnaba suurta gal u ahayn. Khilaaf Culus Xilligii ugu adkaa wuxuu ahaa markii khilaaf aan qarsoodi ahayni soo dhex galay Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan Xuseen. Intii aan baaritaanka qoraalkaan ku jiray, il iga xog ogaalsan waxay ii sheegtay in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu uu ka billowday dhismaha Xukuumadda. Waa sida beri dambe ka dhex dhici doonta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh. Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde iyaga khilaafkooda muddo ka dib ayuu dibadda u soo baxay. Labada mas’uulba waxay bixiyeen wareysiyo uu mid waliba dadweynaha ugu fasirayo mowqifkiisa iyo waxyaabaha aanuu aqbali karin ee ka hor yimid. Wareysiyadaas in aan dhammaantood dhegeystay, qaar badan oo ka mid ahna aan anigu labada mas’uul gooni gooni uga qaaday, waxaa ii dheeraa kulammo aan isu geyntooda kula yeeshay mgaalooyin ay ka yihiin London, Nairobi, Hague iyo Lisbon. Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, dhowr jeer oo hore ayuu iiga warramay khilaafkii kala dhexeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, markii ugu horreysay ee aan afkiisa toos uga maqlo waxay ahayd mar uu Madaxweynuhu caafimaad u yimid London. Waxay ahayd xilli uu i dhaliilsanaa igana diiday wareysi. Ka dib markii aan aad isugu dayay, inta aanuu ka amba bixin London ayay ii suurta gashay in aan la kulmo, iska maslaxo, is fahamno, welibana aan gooni u wada casheeyno. Wuxuu ii yara taabtay khilaafka isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha. Inta uu Madaxweynuhu ii sheegay waxaa iiga sii muhiimsanaa waxa iiga baxay marka aniga oo la fadhiya ay telefoonka ku wada hadleen Nuur – Cadde. Arrin caafimaad ayuu usaguna u yimid London. Maalin ama laba ayuu joogay. Laakiin wadahadalkooda aan maqlay hal dhinac waxaan ka fahmay in aanay weli is arag. Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, rag hadda nool oo Baarlamaanka ku jiray aadna ugu dhowaa ayaan sheeko wadaag ahayn oo meesha ay wax marayaan iyo rajada is fahamku hadba inta ay gaarsiisan tahay aan joogto u kala warqaadan jirnay. Waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Cirro. Saaxiibkeey Cabdirashiid Seed Qoor iyo rag kale iyagana xog iyo gacanba waan ka heli jiray. Nuur – Cadde isaguna wuxuu marar badan wareysiyo ugu fasiray shacabka Soomaaliyeed sida ay isaga wax ugu muuqdeen. Wuxuu ugu yaraan laba jeer aqbalay in si toos ay dhegeystayaasha BBC su’aalo u weydiiyaan isaguna uu uga jawaabo. Mar waxay ahayd khadka telefoonka, marna waxay ahayd su’aalo ay fool-ka-fool u weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands oo isugu soo baxay magaalada Hague. Waxaa kale oo aan xusuustaa wareysigii ugu adkaa ee aan la yeeshay Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde, lagana yaabo in uu ahaa kii ugu adkaa ee laga qaaday inta uu xilka hayay. Dhowr jeer ayaa ciidan magaca Dowladda sita lagu eedeeyay in uu bililiqeystay suuqa Bakaaraha. Galab ay Bakaaraha bililiqo ka dhacday ayaan Caawa iyo Caalamka wareysi kula yeeshay Ra’iisal Wasaare Nuur – Cadde oo hore u ballanqaaday in uu wax ka qabanayo xadgudubka ciidanka Dowladda ee soo noqnoqday. Wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu ku dooday in aan ciidanka galabtaas dhacay Bakaaruhu aanay ku shaqeyneyn amarka Dowladda. Waxaan kula dooday in muwaaddinka la dhacay aanay macna u sameyneyn in askariga dhacaya la soo amray iyo in kale. Sidaa darteed waxaan Ra’iisal Wasaaraha weydiiyay waxa looga qanci karo oo uu dadka la dhacay iyo Soomaali oo dhan uu u sheegi karo. Nuur-Cadde wuxuu ballanqaaday in aanay mar dambe dhici doonin isaga oo xilka haya. Waxaan filayaa in ay ahayd markii ugu dambeysay oo uu weerar noocaas ahi ka dhaco Suuqa Bakaaraka. Dhanka Madaxweynaha marka laga reebo inta uu isagu si rasmi ah u shaaciyay, waxaan khilaafka si hoose ugala socday rag ay ka mid yihiin Xildhibaanno Baarlamaanka ah oo isaga ku dhowdhow. Dhanka Ra’iisal Wasaaraha inta uu toos iigu sheegay waxaa ii wehliyay inta aan ka helo mas’uuliyiinta Xukuumadda ee isaga la safnaa oo uu ka mid yahay Ku Xigeenkiisii, Wasiir Axmed Cabdisalaan. Waxaan u haystaa in khilaafka labada mas’uul uu salka ku hayay go’aan ay qaadatay waxa dadka qaar ugu yeero beesha Caalamka oo ay ku jirto Dowladda Ethiopia oo Ciidankeeda la’aanteed aan Dowladdu cagaheeda isku taagi karin. Go’aankaasi wuxuu ahaa in la joojiyo dagaalka qaraar ee lagu hoobtay ee ka socday caasimadda iyo degaanno kale oo Koofurta ah. Iyo in marka taas lagu guuleysto ay ciidammada Ethiopia ka baxaan Soomaaliya, ciidammada keliya ee shisheeye ee la ogyahay ee dalka joogayaana ay ahaadaan kuwa AMISOM. Waxaa kale oo go’aanka ka mid ahayd in ay Dowladdu beddesho siyaasaddeeda, heshiis la gasho mucaaradka, wadajirna ay ugu soo dhowaadaan shacabka. Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu saameeyay Xukuumadda oo ku kala jabtay, ka dib markii Wasiirrada intooda badani ay is casileen iyaga oo eedeynaya Ra’iisal Wasaaraha. Ma doonayo in aan ku sii talaxtago faallada hoose ee khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ee ugu darnayd 2008. Markii ay arrintu cakirantay, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu iskiis u goostay in uu is casilo, taas oo ahayd ballanqaad uu hore u sameeyay markii uu xilka qabtay. Labada mas’uulba waxay ahaayeen akhyaar muddo dheer dalka u soo shaqeeyay, weliba xagga ciidanka militeri iyo booliis kala ahaa, Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare soo noqday. Labadaba Allah ha u naxariisto. Wadahadal, Heshiis iyo Doorasho Wadahadallo billowday intii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf xilka hayay, ayaa ka socday Djibouti markii uu Madaxweynuhu is casilay. Wadahadlku wuxuu u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee dagaallamaya oo ay matalayeen Madaxda Siyaasadeed ee muqaawamada oo xaruntoodu ay tahay Asmara. Waxay labada dhinac isku af garteen in xabbadda la joojiyo iyo in 275-ta kursi ee Baarlamaanka in la eg lagu daro. Xildhibaannada fariisanayana ay muqaawamadu magacawdaan . Ka dibna la qabto doorasho Madaxweyne. Heshiiska Djibouti waxaa dhinaca Dowladda u Saxiixay Axmed Cabdisalaan oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Warfaafinta. Dhinaca Mucaaradka waxaa u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa ku Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Dhexe. Nuur Xasan Xuseen oo taageero ka haysta siyaasiyiin iyo dhinacyo beesha caalamka ah, wuxuu u tartamay Madaxweyne. Nuur-Cadde taageero kama haysan muqaawamada soo buuxisay Baarlamaanka, sidoo kale taageere kama haysan taageerayaasha Cabdullaahi Yusuf ee Baarlamaanka hore u fadhiyay. Sidaa darteed, waxaa doorashada ku guuleystay Shariif Shiikh Axmed oo loo doortay Madaxweyne. Iyada oo murashaxa ku soo xigaana uu noqday General Maslax Maxamed Siyaad. Mudane Nuur – Cadde, kama caroon ee wuu la shaqeeyay Madaxweynaha cusub, Shiikh Shariif iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu magacaabay, Cumar Cabdirashiid C. Sharmaarke. Nuur – Cadde waxaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Roma iyo xarunta Midowga Yurub, Brussels. Nuur Xasan – Xuseen, Nuur-Cadde wuxuu ahaa mas’uul aad u xushmad iyo qaddarin badan. Yar iyo weyn labada qaddariya. Inta badan fadhiga ka kaca marka uu qof gacan qaadayo, adeegsadan labada calaacalood. Wuxuu ahaa waaya arag af gaaban. Marka uu damcana sheekeeya. Ilbax ayuu ahaa, furfuran, maskaxna furan. Nolol quruxoon ayuu qaatay. Nuur-Cadde waxaa dilay Covid-19, isaga iyo tobannaan Soomaali ah oo inta badan Yurub ku geeriyooaday. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. Inta taagtu tahay, ha laga feejignaado Coronavirus oo isagu keena cudurka. Yuusuf Garaad Cumar: Waa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxii hore ee BBC Somali.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland. Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabay Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey), waxaana uu ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo. Farey ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada iyo goobjoogeyaal. “Marxuumka waxaa la bartilmaameedsaday isagoo weesaysanaya salaada marqib,” ayuu yiri qof goobjoog ahaa. Sidda ay sheegeen mas’uuliyiin, dableyda geysatay dilka ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, waxaana ku raadjooga ciidamadda ammaanka oo durba bilaabay howlgalo saf-balaaran leh. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray. Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka waday xalay ilaa saaka howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas, balse aan weli miro-dhalin. Bilooyinkii lasoo dhaafay Gaalkacyo waxaa kusoo kordhay beegsiga mas’uuliyiinta iyo wax-garadka, iyaddoo xukuumadda Deni ay ku adkeysatay in ay xididaha u siibi doonto maleeyshiyaadka argagixisada ah, balse weli kuma aysan guuleysan
-
Dokumentiyo muujinaya xidhiidh ka dhaxeeya Saudi Arabia iyo kooxda Al-Qacida Wakaaladda Wararka Yemen ee YPA ayaa weriye sare oo ku sugan Koonfurta Yemen kasoo xigatay dokumentiyo muujinaya xiriir ka dhaxeeya dowladda Sacuudiga iyo kooxda Al-Qacidada Yemen ee loo yaqaan AQAP. “Warqad ka timid qabiilka al-Humiqani ayaa xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo looga digay inay hub usoo diraan kooxaha argagixisada ee gobolka Al-Baydah, ayaga oo usoo marinaya xisbiga Al-Rashad iyo Abdul Rahman Abu al-Harith al-Humiqani oo ku xiran kooxda Daacish,” ayuu yiri weriye Salah Bin Laghbar. Hase yeeshee warqad kale oo ka timid Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa amartay in hub lagu wareejiyo kooxihii argagixisada ee laga digay, sida uu sheegay weriye Laghbar, oo helay labada warqad. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sanadkii tegay, baaritaan uu sameeyey taleefishinka CNN lagu ogaaday in Sacuudiga ay hub ay ka heleen Mareykanka siiyeen maleeshiyo Salafi ah oo xiriir la leh kooxda Daacish. Sacuudi Carabiya ayaa muddo lagu eedeyn jiray inay si dadban u taageeraan kooxaha xagjiriinta, ayada oo nidaamka diimeed ee Wahaabiga ah ee dalkaas la rumeysan yahay inuu dhiiri-geliyo fikradaha diimeed ee xagjirnimada iyo rabashadaha ku dhisan ee kooxaha Al-Qacida iyo Daacish. Sacuudi Carabiya marar badan ay beenisay eedeymahan. Qaran News
-
Burundi oo horey u sheegtay in sababta uusan usoo gaarin cudurka coronavirus ay tahay “inuu Ilaah bad-baadinayey”, ayaa hadda laga helay saddexdii kiis ee ugu horreysay. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in weli ay ku sugan yihiin “bad-baadada ilaah”, oo aan loo baahneyn in la faro-geliyo nolosha dadka. Xisbiga talada haya ayaa shacabka u sheegay inaan loo baahneyn inay ka wel-welaan cudurkan ku faafaya caalamka oo dhan, ayaga oo ogolaaday in nolosha ay sideeda kusii socoto, oo xitaa qabanaya doorasho madaxweyneoo la qorsheeyey 20-ka May. “Ha cabsanina. Ilaah wuu jecel yahay Burundi. Haddii ay jiraan dad cudurka laga helay, waxaa laga yaabaa inay tahay mid ilaah uu awooddiisa ugu muujinayo Burundi,” waxaa sidaas yiri General Evariste Ndayishimiye, oo ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. “Haddii saddex kiis halkan laga helay… waxaa la ii sheegay in xaaladdoodu wanaagsan tahay, ogowna coronavirus dadka ayuu ku dilayaa meelo kale,” ayuu Ndayishimiye u sheegay taageerayaashiisa. Ayada oo go’doomin lagu soo rogay dalal badan oo ka mid ah Africa ay hakisay noloshii caadiga ahayd ee dadka, ayaa baararka iyo maqaayadaha weli ay ka furan yihiin Burundi, waxaana ay mas’uuliyiinta ay meesha ka saareen inay soo rogaan amaro xayiraad ah. Xafladaha aroosyada iyo tacsiyadaha ayaa weli dhacaya, ayada oo kumanaan qofna ay si caadi ah u aadaan kaniisadaha iyo masaajidada. Xitaa waxaa weli socda horyaalka heerka labaad ee cayaaraha. Qiyaastii 80-90% dadka Burundi ayaa ah Kirishtan. Si kastaba, shacabka qaarkood ayaan dhageesaneyn dowladda, waxayna billaabeen inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo ay isaga ilaalinayaan cudurka. Dhinaca kale, diblomaasi ku sugan Burundi oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in tallaabooyinka dowladda ay qaadeyso ay yihiin kuwa siyaasadeed, oo aan ahayn caafimaad, sababtoo ah ayada oo ay ka go’an tahay in la qabto doorashada 20-ka may. Qaran News
-
Dadka qaar ayaa aaminsan in liin dhanaanta lagula tacaali karo coronavirus Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay. Waxa ugu weyn ee ilaa hadda la hubo waxtarkiisa si cudurkan loola dagaallamo waxay dhakhaatiirta ku sheegeen ka hortagga iyo dadaalka ku aaddan sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka. Sidaasoo ay tahay waxaa soo baxaya talooyin badan oo la xiriira sida ay dadka u waji karaan cudurkan aan wali daawadiisa la helin. Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo maanta toos uga qeyb qaatay barnaamijkii ku baxay idaacadda duhurnimo ee BBC Somali ayaa dhageyste uga jawaabay su’aal ku saabsaneyd in liin dhanaanta ay dawo u tahay coronavirus iyo in kale. “Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka”, ayuu yiri Dhakhtarka. Khudaarta qaarkeed ayaa sare u qaadda fitamiinnada xoojiya difaaca jirka Wuxuu dhinaca kale meesha ka saaray hubaasha in liin dhanaanta lagu dhaqan karo gacmaha. “Ilaa mahha ma heyno caddeyn dhinaca seyniska ah. Waxa aan ognahay waa in gacmaha lagu dhaqi karo biyo iyo saabuun oo ilaa 20 ilbiriqsi lagu dhaqanayo. Haddii aadan saabuunta heysanin ku dhaqo dareeraha jeermis dilaha ah haddii aadan intaas heli karinna danbas iyo biyo isticmaal”, ayuu yiri. Wuxuu Dr Fuje ku taliyay in qofkii isaga shakiya xanuunka uu gurigiisa joogo, laakiin haddii deegaankiisa laga heli karo xarumo caafimaad oo loogu talagay coronavirus iyo goobo karantiil ah uu si dhakhso ah ula xiriiro. Dhanka kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay fikradaha qaba in coronavirus uusan ku dhaceynin dadka muslimiinta ah iyo bulshooyinka ku nool dalalka kuleylaha ah. Coronavirus ayaa dunida kasoo ifbaxay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, markii ugu horreysayna wuxuu ka billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ka hor inta uusan si deg deg ah ugu fidin caalamka intiisa kale. Khubarada seyniska ayaa si weyn ugu mashquulsan tallaalka dawada u ah cudurkan, kaasoo la sheegayo inuu qaadan karo muddo ka badan sanad. Maxaa ugu dambeeyay xaaladda coronavirus? Isku darka tirada dadka cudurkan ugu geeriyooday caalamka ayaa kor u dhaaftay 100,000 oo ruux. Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinteen waa Talyaaniga oo hadda maraya (18,850 dhimasho), halka ay kusoo kala xigaan Mareykanka (17,927 dhimasho) iyo Spain (15,970 dhimasho). Tirada guud ee dadka uu cudurkan ku dhacay ilaa hadda waa 1,652,643 qof. Waxaa ka caafimaaday 369, 938. Dhammaan tirooyinkan waxay ku saleysan yihiin waqtiga warbixintan la qorayay. Soomaaliya iyo xaaladda coronavirus Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Jimca ah xaqiijisay in 7 kiis oo cusub ay ku biireen dadka uu cudurka ku dhacay ee ku sugan magaalada Muqdisho. Tirada guud ee dadka uu Covid-19 kula dhacay Soomaaliya waa 19. Hal qof ayaa ilaa hadda u dhintay. Qaran News
-
Mudo bilooyin gudahood dunida waxaa isbedel ku sameeyey cudurka Covid -19, waxaa xirmey suuqyadii waaweynaa ee dunida, waxaa lajoojieyey duulimaadyadii gudaha iyo dibadaba, waxaa shaqa la’aan soo wajahdey shaqaalo fara badan… Qormadan kooban waxaa ay ku wajahantahay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan masuuliyiinta Soomaalida si ay wax uga bartaan fashilkii ku dhacey wadamada iska caabin waayey cudurka si xunna u saameeyey dunida oo dhan. Soo ifbixitaankii cudurkan waxaa soo shaac baxey warar ku saabsan saameynta cudurkan uu ku yeelan karo dunida taa oo dad badan ay u maleynayeen in uu dhibaatadan geysan doonin. Hadaba hoos waxaa ku uruursan siyaabihii keeney in cudurkaan si xad dhaaf u saameeyo wadamo gaar ah anagoo soo qaadaneyno laba wadan ee uu aadka u haligey cudurkan. Sababihii keeney in dowladaha Spain iyo Taliyaaniga ay ku fashilmaan xakameynta cudurka Covid19. Ka warqab la,aanta xaalada dalka iyo xawliga uu cudurkan ku faafi karo. Qaadashada xal aan dhameystirnayn iyo in maalinba mid cusub la qaato. Wax kabarsha la,aanta wadamadii cudurka ku soo hormarey sida shiinaha. Qaadasha go,aano kala duwan oo weliba is khilaafsanaan karo. Tusaale laba magaalo oo ku yaala wadanka Taliyaaniga oo midina cudurka iska caabisey midna ku fashilmatey la dagaalankiisa. Qorsha Difaaca Magaalada Venoto ee Cudurka Covid-19 Baaritaano aad u baahad weyn oo dadka lagu sameeyey iyo kala saarida astaamaha muuqda iyo kuwa aan muuqan Daba adag oo lagu sameeyey qofkii cudurka laga helo ilaa laga soo helaayo dadkii uu xiriirka lasameeyey oo laga yaabi karayey in uu cudurka qaadsiiyey Dadka oo candhuufta looga soo qaado guryahooda kadibna lagu lagu baaro sheybaarada, halka ay dadku iyagu aadi lahaayeen xarumaha caafimaadka. Sidoo kale dadka daryeel caafimaad loogu sameynayay ayagoo guriyahooda jooga. In shaqaalaha la siinayay daryeel caafimaad oo aad u xooggan, kuwaas oo ku howlan ladagaalanka cudurkan, iyo kawarqabka meelaha bulshada isugu timaado sida suuqyada iyo maqaayadaha. Talooyin ay Haboontahay in Dawladdeena ay Raacdo Uruurin xog sax ah oo ku aadan cudurka iyo lawadaagidda cid kasta oo khuseysa oo ugu horeyso Wasaaradda Caafimaadk Qaadashada go,aano nimaadsan iyo waqtiga ku munaabsan kahor cudurka iyo kadiba La,imaansha dad khubaro ku ah xadidida cudurkan oo kasoo shaqeeyey wadamada uu saameeyey cudurkan Iney xadido isu socodka xaafadaha magaallyinka dalka. Wax kabarasho laga barto wadamada iyo kuwa aan ku fashilmin iska caabida cudurka. Wacyi gelin joogta ee loo sameeyo bulshada.
-
Nin Haweenay Masiixiyad u ekaysiiyey Gabadh Somaliyada oo xanuunsanaysa+Sababta Wangari Maathai oo ku guuleysatay abaalmarinta Nobel-ka iyo Baadari Ndingi Mwana a’Nzeki waxay u ol’oleyn jireen dimuqraaddiyadda xisbiyada badan ee siyaasadeed Mid ka mid ah wadaad diimeedyadii muranka ugu weyn hareeyay ee dalka Kenya ayaa la aasay maalintii Talaadada, kaddib markii uu ku geeriyooday da’da 89. Ka hor inta uusan geeriyoonin wuxuu qirtay hal mar oo uu been sheegay. Beentaas ayaa qeyb ka ahayd ol’ilihiisii nabadda iyo caddaaladda ee uu ka waday dalka Kenya. Waxay ahayd dhacdo uu sameeyay markii uu haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka Prof Wangari Maathai, ku caawinayay inay ka baxsato booliska oo waday howlgallo baaxad leh oo ka dhan ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha, horaantii 1990-meeyadii. Baadari Mwana a’Nzeki wuxuu markaas qeyb ka ahaa qorshe Prof Maathai lagu qarinayay loona ekeysiinayay haweeney muslim ah oo Soomaali ah. Arrintaasina waxay sababtay in la safriyo masaafe dhan ilaa 200km (125 miles), iyadoo intaasoo dhan lasii gudbinayay baro koontarool oo ay booliska leeyihiin. Waxaa la geeyay guri uu baadarigan ku lahaa magaalada Nakuru ee ku taalla gobolka caanka ka ah dalka Kenya ee Rift Valley. Dad badan ayaa ku taxnaa adeegyada diimeed ee uu fulin jiray Baadariga geeriyooday Prof Maathai, oo ahayd haweeney ku caan baxday u doodista xuquuqda aadanaha iyo deegaanka, ayaa xilliga la safrinayay waxay xirneyd xijaab, waxayna iyadoo iska dhigyesa qof indhoole ah indhaha ku taageysay ciidanka booliska kaddib markii darawalkeeda, oo isagana ahaa baadari kale, ay ciidanka ku khasbeen inuu istaago mid ka mid ah jidgooyooyinka ay sameysteen. “Miyey xanuunsan tahay?” ayey weydiiyeen booliska, oo la hadlayay darawalka. Baadarigii gaariga waday ayaa ku jawaabay haa way xanuunsan tahay, askartiina waxay islamarkiiba u oggolaadeen inuu sii socdo. Maalintii xigtay Prof Maathai ayaa shir kala qeyb gashay wadaad diimeedka. ‘Hal mar unbaad dhimaneysaa’ Booliska ayaa markii dambe shirkaas ka hor istaagay inuu sii socdo, laakiin baadariga wax cabsi ah kama muuqanin. Dadka uu caawinayay ee ay ku jirtay Prof Maathai, waxay bulshada dhexdeeda uga soo shaac baxeen si weyn, maadaama ay kasoo horjeesteen dowladdii lagu tilmaami jiray inay “xukun adkeyd” ee uu madaxweynaha ka ahaa Daniel arap Moi. Maurice Crowley, oo baadarigaas yaqaannay muddo 40 sano ah ayaa sheegay in lagu xasuusan doono “geesinnimadii uu ku wajahay dadkii ugu awoodda badnaa dalka”, isagoo wax cabsi ahna aan muujineynin. “Wuxuu mar kasta saaxiib la ahaa dadka uu u arkayay inay khaladka ku taagan yihiin, si uu u saxo, dadkana way u hoggaansami jireen”, ayuu yiri Crowley. Marka ay saaxiibadiis uga digaan inuu naftiisa khatar ku galinayo ficillada ka dhanka ah dowladda, wuxuu oran jiray “hal mar unbaad dhimaneysaa”. Qaran News
-
New U.S. airstrikes targeted and killed 11 members of the terror organization, Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate in Somalia. One airstrike against Al-Shabaab came as a defensive measure after the terror group’s fighters engaged U.S. and Somali government forces near Kobon, Somalia on Thursday, according to a press statement U.S. Africa Command (AFRICOM) provided to American Military News. AFRICOM supported partner forces with an airstrike that killed 10 Al-Shabaab terrorists. Another airstrike on Friday also targeted members of the group near the town of Jilib, and resulted in the death of one more Al-Shabaab fighter. U.S. forces were working alongside partner forces of the Somali National Army Danab and Jubaland Security. “Our assistance continues to build on the gains our partners are making,” U.S. Army Gen. Miguel Castellanos, the deputy director of operations for AFRICOM said. “The SNA and African partners on the ground keep hitting al-Shabaab hard, and it’s having an effect on the al-Shabaab terror network” AFRICOM assessed no additional civilian casualties as a result of the Thursday and Friday airstrikes. The Thursday and Friday strikes are just the latest in a series of attacks on Al-Shabaab positions throughout Somalia. Those AFRICOM strikes have resulted in the deaths of dozens of Al-Shabaab members in recent weeks, including one high-ranking member of the terror group, Yusuf Jiis. AFRICOM has carried out dozens of strikes targeting Al-Shabaab since the start of the year. Those U.S. forces in Africa set a record for airstrikes in 2019, having conducted more than 60 airstrikes in Somalia over the year. They previously conducted 47 airstrikes in 2018 and 35 in 2017. “U.S. Africa Command and our international partners recognize that stability in Somalia will not be achieved through purely military means. It requires providing programs and opportunity for the Somali people,” the AFRICOM statement continues. “In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia and Somali National Army forces. Together with the partner and allied forces, U.S. Africa Command works on a daily basis to improve security conditions to enhance governance and economic development.” AFRICOM said it is working with its Somali partners to transfer responsibility for maintaining security conditions onto the Federal Government of Somalia and its member states. Source: American Military Times
-
Galka’yo (PP News Desk) — Gunmen whose identities are unknown shot dead Osman Hussein Haji Ismail, a senior officer of Somali Immigration Agency’s office in Galka’yo. The gunmen targetted Osman in a mosque while he was observing pre-prayer ablution. The mosque is located in Israac quarter of the divided district. Puntland Security Forces in North Galka’yo have launched investigation into the murder. A spate of killings against civilians in Galka’yo for the last five weeks have brought to the fore the deteriorating security situation of the district under the control of Puntland and Galmudug. Last week the former North Galka’yo Central Police Station Commander Captain Abdiqani Jama Ahmed resigned, citing lack of cooperation from the police headquarters in Garowe. Abdiqani survived an attempt on his life after IED had been attached to his vehicle. Puntland State President Said Abdullahi Deni has sacked the Mudug Regional Police Commander Colonel Jama Mohamed Ahmed and appointed Colonel Mumin Abdi Shire as the Mudug Regional Police Commander. © Puntland Post, 2020 The post UNIDENTIFIED GUNMEN ASSASSINATE IMMIGRATION OFFICER IN GALKA’YO appeared first on Puntland Post.
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo gaystay mid kamid ah Nabaddoonada Muqdisho. Dableey Bastoolado ku hubaysan ayaa fiidnimadii xalay gudaha gegmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay oday Nabaddoon ah oo lagu magacaabi jiray Xaaji Shaahid Kheyrdoon sida laga soo xigtay goob-joogalayaal. Dilkaas ayaa ka dhacay Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay ka hor inta aysan halkaasi gaarin ciidamo ka tirsan Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgallo ka sameeyay aagga dilkaas ka dhacay. Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka Nabaddoonka inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab looga bartay in ay weerarada noocaas oo kale ah ka gaystaan gudaha magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa Nabaddoon lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Marxuum Cismaan Farey Sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda laanta Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida maamulka gobolka Mudug ay u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post. Dilka waxaa geystay sida la sheegay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas ka baxsaday goobta dilku ka dhacay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray. Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay falkaas. Sanadii u dambeeyay waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas. PUNTLAND POST The post Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaraha Gaalkacyo oo la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xilli ay dagaal kula jireen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, oo ay weerar ku qaadeen. Qoraal kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu yiri “AFRICOM waxay weerar is-difaac ah la beegsatay argagixisada Al-Shabaab oo dagaal kula jiray Ciidamada Danab iyo Ciidamada Amniga Jubaland, meel u dhow degaanka Kobon ee Jubbada Hoose, 9-kii April.” AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weerar labaad ay ka fulisay magaalada Jilib, maanta oo ah 10-ka April. Duqeynta dhacday 9-ka April, ayey AFRICOM sheegtay in lagu dilay 10 ka mid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, halka duqeyntii maanta dhacday lagu dilay hal dagaal-yahan. AFRICOM waxay sheegtay in labada duqeynba aysan shacab wax ku noqon. AFRICOM ayaa bilihii dhowaa aad u kordhisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana agaasime ku-xigeenka howl-gallada Army Brig. Gen. Miguel Castellanos uu sheegay in duqeymaha ay saameyn xooggan ku yeesheen shabakadda argagixisada ee Al-Shabaab. AFRICOM ayaa 7-dii bishan April shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen, in qof ka mid ah saddex qof oo lagu dilay duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen labadii April, uu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka Bariga Africa qaarkood.
-
Faafidda Cudurka corona,Calaamadihiisa inta laga og yahay ilaa hadda ,ka hortagga iyo La tacaalidda qofka uu haleelo. Cudurka dilaaga ah ee dunida ku habsaday, macluumaadkiisa waa lasoo kordhinayaa (ogaansho cusub), xogaha ugu badan waxaa laga helay cilmibaadhisaha kala duwan ee la sameeyey,iyo dadkii uu haleeyey oo wax badan iftiimiyey. aqoonta cudurkan weli wax badan lagama oga,meel uu ku dambayn doonana Allaahu aclam,waxaa lagu jiraa dadaal badan ilaa iyo hadana rajo yar ayaa la qabaa,waxaa muhiima in dadaalka iyo taxadirka la badiyo ducadana la laasimo. Xaqiiqda marka laga hadlayo cudurkani waa Ciqaab iyo cajsi gelin. Aadanuhu mar kasta oo uu kibro oo wax is moodo waxaa la tusaa itaalkiisa si uu u garto in awood ka sarraysaa jirto oo uu isu dhul dhigo una toobad keeno,ayaad fara badan ayaa Rabbi ku xusay,umadihii inaga horeeyey mid kastaaba markay kibirto waxaa lagu qaban jiray nooc ama noocyo badan oo ciqaaba,kuwa kusii adkastana waa la halaagi jiray,Reer Caad xoog ayey is bideen waxaa lagu halaagay dabayl dhulka la dhacday,xoogoodii hawada la neefsanayo ayaa baabah ka dhigtay,qoladii ka dambaysay oo xarfaanta ku ahayd farsamada waxay isku dayeen inay ka taxadiraan dabayshii saaxiibadooda heshay, dhagxaanta buuraha ayey xordi jireen oo dhufaysyo iyo aqalo aan dabayshu geli karin ka dhigeen,iyagana qaylo daran ayaa lagu furay oo lagu halaagay ,kuwo kale dagaalo,abaaro, xanuuno,duufaano,noolayaan, dhulko oo lala jaro iyo wax yaabo kaloo badan ayaa lagu halaagay,intani waa hordhac aan uga jeedo in aan fahano xaggee laynooga yihi. Faafidda cudurkan waxaa ilaa iyo hadda loga ogaaday in uu ku faafayo qufaca iyo hindhisada oo weliba dhawr mitir soconayo oo hawada dabaalano ama dhulka u dhacayo oo weliba muddo ku noolaanayo,(12.saac) waxaa kalo uu ku gudbi karaa taabashada shay uu taabatay qof cudurka qaba,dabdeed cid kasta oo taabata wuu raacayaa haday afka iyo sanka ama indhaha gaadhsiiyaana waa is deberayaa wixii dambe cunaha ayuu fadhisanayaa muddo,sambabada ayuu u gudbayaa qufac ayuu keenayaa intaa wixii ka dabeeya naqaska ayaa qofka ku yaraanaya,wadna xanuun ayuu keenayaa,calaamadihiisa waxaa ka mida xummad dadka qaar qabata,urta iyo dhadhanka oo ka taga qofka,xamaag isu bedesha qufac,shuban iyo matagna waa la heegay. Dhayalsiga cudurkan dawlado badan ayaa ku dagmay oo ku qoslayey china marku dhex jibaaxayey,laakiin markii uu ka dhex toosay ee weliba muddo ku dhex jiray oo dadkii soo daateen ayaa qayladu isu baxday,Somaalidu waa dadka ugu dhegaha adag bulshooyinka,taxadir badana ma sameeyaan, wadamada ,Sweden,Norwey iyo uk, safka hore ayey kaga jiraan dhimashada,waxaa inala gudboon in taxadarka la badiyo oo la qaato tilmaahaha la bixinayo faraxalku ugu horreeyo,faraha markaad maydho qasabada ama kildhiga halkaad taabatay si xeeladaysan u maydh,haddii kale waad isku cel-celisay uun, waxaa iyana loo baahan yahay kala fogaanka (keeping distance) qofkii cidla ama miyi tegi karaya sidii uu sheegay Dr. gaboose waa wax fiican.qofkii qol gooni ah heli karaya yaan cid kale u soo gelin ,cuntada qof qof haloo qaato hana loo cuno,wixii qalab la xidhan karo iyana waa muhiin. Hadaad iska shakidid talaabadda kowaad waa inaad dadka kale iska basrisid (kala fogansho),iska ilaali dawooyinka xanuun baabi’iyaha marka laga reebo paracetemol(4 saac mar laq/cab),isticmaalka dhirta dabiiciga ah ayaa waxtar weyn laga dareemay iyagana waa inaad si qiyaasa u isticmaashid,qaarkood haddii la isku badiyo waa halis,cid taqaana la tasho mar kasta,qolyaha acshaabta bartay waa la weydiin karaa, haddii aqoontooda la hubo. Biyaha iyo dareerayaasha la cabbi karo wax weyn ayey ka taraan la tacaalidda xanuunkan,wer-wer iyo naxdin iska ilaali culays bay keeni kartaa,gaajadana iska ilaali. Haddii qofku kasoo daro waa inuu la xidhiidho meeshii ugu dhow hospital. by Adan Nokia Qaran News
-
Go’aankii Taariikhiga ahaa ee Somaliland ka Badbaadiyay Sharka Salaadiinta 01/10/2003 ! Asalaamu Calaykum Waxay ahayd xilli ay Somaliland la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin aad u waaweyn, waxaana laga soo kabanayay dagaaladii kala danbeeyay ee ka dhacay magaalooyin badan oo Somaliland ka mid ah. Hadaba duruufahaas qadhaadhaa ee Dalka ka jiray waxaa qayb ka ahaa kooxo Salaadiin ah iyo Siyaasiyiin si dhuumaalaysi iyo muuqashoba leh dhinaca Xamar ugu janjeedhay oo iyagu aaminsanaa fikrado Somaliweyn ah. Si looga hor tago Fawdo iyo Fidnadii Salaadiinta ayaa Golayaasha Xeer dejintu ay soo saareen Xeerar dabarka loogu xidhayo Salaadiintaas iyo cid kasta oo la aragti ahayd. Hadaba Go’aan ay fadhi wadajir wada yeesheen labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland bishii Oktoobar ee Sanadkii 2003, oo ay Sumadiisu ahayd JSL/GB/O1/10/2003 -11/10/2003 ayaa waxa uu u dhignaa sidan: Ujeedo: Soo gudbin Go’aan Baarlamaan Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay kaga doodayeen xaaladaha siyaasadeed, iyo saamaynta hindisayaasha ay Salaadiintu ku yeelan karaan Somaliland iyo siyaabaha looga hor tagi karo dhibaato kasta oo ka iman karta Fadhiyada Wada Jirka Ah oo socday mudadii u dhaxaysay 8 ilaa 11-kii bishii 10aad 2003, waxay golayaasha Baarlamaanku ka soo saareen go’aankan halkan ku lifaaqan 1. In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawlad, shicib, Afraad, Ururro, Axsaab, NGO-yada, Aqoon yahanada, Madax-dhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururrada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali karin shir kasta iyo arrin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Soomaaliya ama iyagoo isku dhanba. 2. In cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qawl, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada-hadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado Dambiile Khiyaamo Qaran, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba hay’adaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay Dastuurku ee Qodobka 130aad farqdiisa 5aad. . 3. Gaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaar ahaaneedba. . 4. Waxa lagula dhaqmayaa Xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururrada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahaayeen. 5. Waxa dhamaan Warbaahinta Somaliland, tan Xukuumada iyo tan madaxa banaanba ka reeban inay baahiyaan wararka iyo macluumaadka lidiga ku ah waxna loogu dhimayo ama lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland. . 6. Dalka waxa sharci ahaan ka jira saddex Gole Qaran oo kaliya sida ku tilmaaman distoorka, waxa reeban in cidina sheegato gole kale oo aan ahayn kuwa distoorku uu tilmaamay, waxa lagu fulin doonaa talaabooyinka sharci ee u yaala sheegasho wax aanay ahayn. . 7. Qofkii loo qabto inuu ku kacay qodobadan kor ku xusan waxa la cafin karaa xukun maxkamadeed ka dib. Dhaqan galka qodobadan waxa loo adeegsanayaa sida ku cad distoorka qodobka 130aad farqadiisa 5aad. Go’aankaasi Taariikhiga ahaa waxa uu xirsi-xidh iyo xijaab uu u noqday Somaliland, waxaana uu dabar adag u noqday Salaadiintii iyo cid kasta oo uu hunguri kaga jiray inay u dusto ama u bootaalaysato dhanka Soomaaaliya, waxaana go’aankaasi uu aad u xoojiyay Jiritaanka Somaliland, waxaanuu ka hor tagay in Tafaraaruq lagu furo bulshada sida maanta muuqata. Go’aankaas xayndaabka u ahaa Qaranimada Somaliland waxa ay labada Gole ee Guurtida iyo Wakiiladu ay wax ka bedel ku sameeyeen taariikhdu markay ahayd 05/02/2012 iyagoo ku daray labadan Qodob ee hoose: 1. In Xukuumadu ay ka qayb gali karto shirarka loo arko in dani ay ku jirto, ee aan ka hor imanaynin Jiritaanka Qaranimada iyo Dastuurka Somaliland. 2. Maadaama Xukuumadu ay ka codsatay in labada Gole ay ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada gole ay ku taageereen. Markii Go’aankaas wax ka bedelka lagu sameeyay waxa ay Somaliland ka qayb gashay Shirkii Maamulada Soomaalida loogu qabtay Magaalada London 23 February 2012. Waxaana shirkaasi London uu ibo-fur u noqday kulankii u horreeyay ee ay muddo Labaatan Sanadood ku siman ay si fool ka fool ah ay isu soo hor fadhiistaan Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo 18kii bishii June 2012 ku kulmay Xaruntav Chevering House oo ku taalla deegaanka Kent oo u dhow magaalada London, nasiib darro wax faaiido ah oo la taaban karo oo ay Somaliland ka faaiiday wadahadalada Soomaalita lama hayo. Faaiido ay Somaliland ka hesho ha joogtee waxaa ku dhlntay oo hoos ay u riday Sumcadii iyo Haybadii ay Somaliland lahayd, waagii hore Dunida iyo Soomaaliya waxay baryi jireen oo ay daba carari jireen Somaliland oo ay ka baryi jireen in Somaliland ay Soomaaliya la hadasho, nasiib darro maanta Somaliland iyadaa Soomaaliya daba cararta oo ka tuugta inay la hadasho. Waxaa kale oo iimika inoo muuqda in ay mar kale Madaxa la soo kaceen Salaadiintii iyo Madax-dhaqameedkii jinni boqorka ahaa oo ay ku hamiyayaan inay barbar cararaan Xukuumada kuna qabsadaan Masuuliyada ay Xukuumadu u xil saaran tahay. Waxaana muuqata in Salaadiinta iyo Ururro kale iyo Askhaasiba ay isku deyayaan inay Dalka khalkhal siyaasadeed ka abuuraan. Waxaa Xukuumada Somaliland looga fadhiyaa inay shaqadeeda qabsato oo ay Talaabooyin degdeg ah ku dhaqaaqdo si ay Dalka Somaliland uga badbaadiso khalkhal iyo jaha-wareer siyaasadeed oo ka dhaca oo ay hormuud u yihiin Salaadiin ku sheega jinni boqorka ah ee aan cidnaba ka wakiilka ahayn. Hadii ay Xukuumadu ku daawato waxa ay dalka ka wadaan kooxaha sheegta Madax-dhaqameedka iyo kooxaha qarsooni waxaa dhici doona waxyeellooyin waaweyn, waxaanay gaadhi doontaa XAYD MALA ILOOBAY ! Ummad yahay Tiraa kaa gedmene wax isu geygeyso. Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed Bristol. UK kaysar@diplomats.com Qaran News
-
Bismillah – Jimco wanaagsan! Maalmahaan waxaan ka fekeraayay AUN Nur Cadde iyo dhaxalkii uu uga tagay sooyaalka siyaasadda Soomaaliya 16-kii bilood ee uu R/Wasaare ahaa. Maadaama aan inta badan la qorin taariikhda masuuliyiinta dalkeenna soo maray, waxaan goostay inaan soo bandhigo casharrada laga baran karo habdhaqankii siyaasadeed ee Nur Cadde, anigoo ku saleynaya saddex goor oo aan si gaar kula kulmay Rome, London iyo Muqdisho (Sawirka waa Rome 2013-dii). Waxaan kaloo 10kii maalmood ee lasoo dhaafay daawaday/dhageystay wareysiyo aad u fara badan oo laga qaaday. 1. Mabdi’iisa siyaasadeed waxaa gundhig u ahaa dibu heshiisiin, tanaasul iyo xurmo. Maalmo kaddib markii uu xilka qabtay, wuxuu joojiyey inuu ‘argagixiso’ ugu yeero xoogaggii iska caabbinta duullaankii Itoobiya, wuxuuna la furay wadahadal toos ah oo kama danbeystiina mira dhalay. 2. Wuxuu ka dhabeeyay hadalkii nabiga NNKH ee ahaa: لا طاعة لمخلوقن في معصية الخالق (bani’aadam laguma adeeci karo wax kasoo horjeeda daacada Allah). Wuxuu iska diiday amarkii Madaxweynihiisii ee ahaa in xoog lagu muquuniyo dadkii kasoo horjeeday. 3. Wuxuu u damqaday dadka Muqdisho oo ay si gaar ah ugu aafoobay duullaankii Itoobiya (16000 oo qof oo rayid ah ayaa colaaddaas ku dhimatay 2007/2008 sida ay qortay HRW). Wuxuu ku guuleystay inuu Suuqa Bakaaraha, oo ah halbowlaha ganacsi ee dalka, inuu noqdo goob ka caaggan ciidankii Itoobiya, isagoo ku beddelay ilaalo ay ganacsatadu sameysteen, isagoo sidaas ku badbaadiyey nafta, hantida iyo sharafka ummadda. 4. Doorashadii February 2009, wuxuu oggolaaday inuu ka dhex tartamo gole uu 50% soo xushay Isbaheysigii Dibu Xoreynta, taasina waxay astaan xooggan u tahay kalsoonida xooggan ee uu isku qabay, iyo siday uga go’oneyd inuu rogo baalkii madoobaa ee 2007/2008, xitaa haddii uu isagu ku waynayo xilkiisa. 5. Doorashada kaddib, wuxuu aqbalay inuu danjire u noqdo ninkii doorashada uga adkaaday, halkaasna kasii wado adeegga dalkiisa iyo dadkiisa. Allaha u naxariistee sooyaalka Nur Cadde laguma soo koobi karo intaas, balse wuxuu baal dahabi ah kaga jiraa taariikhda dalkeenna, waxaana lala barbar dhigi karaa AUN Aden Cadde iyo C/rashiid Sharmarke. Wabillahi Towfiiq Cabdiraxmaan Caynte – Waa wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya iyo suxufi horey ula soo shaqeeyay warbaahinta VOA, BBC iyo Al Jazeera.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xaqiijiyey sagaal qof oo hor leh oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ku dhacay cudurka halista badan ee Coronavirus. “Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda. Sida lagu xusay qoraalka wasaaradda ka soo baxay, 6 ka mid ah dadka laga helay cudurka ayaa ah “dad horey xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horey cudurka looga helay.” Sidoo kale dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ku jira laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar qof. Tirada cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda ah illaa 21 ruux, iyadoona qof ka mid ah dadkaas uu geeriyooday Arbacadii la soo dhaafay Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-10042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay magaalada Muqdisho ka diiwaan gelisay 9 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda, oo lagu xaqiijinayo sagaalka xaaladooda ee cusub, ayaa lagu sheegay in dadkaan ay dhamaantood yihiin dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin. Sida ay sheegtay wasaaradda, 6 kamid ah dadkan ayaa ah dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay. Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimadka ee uu saameeyay cudurku afar (4), sida lagu sheegay qoraalka. Sagaalka kiis ee cusub ee maanta la diiwaan-geliyey ayaa tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay ee Soomaaliya waxay ka dhigeysaa 21 qof. Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay muujineyso in xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayo buslshada dhexdeeda, waxyanta ku talisay in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.
