Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir Alle ha naxariistee, waxaa daqiiqado ka hor isbitaalka Garoowe ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo caawa dhaawac culus ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe. Geerida Guddoomiyaha, waxaa Puntland Post u xaqiijiyay dhaqaatiir ku sugan isbitaalka Garoowe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, waxaana ay sheegeen in uu geeriyooday, kadib qalliin lagu sameeyay. Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay. Qaraxaas oo dhacay fiidnimadii caawa, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay malayshiyaadka Al-shabaab, kadib qoraal ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta kooxdaas. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo qaraxa ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay in baaritaan lagu hayo cidda ku lug leh. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Caawa appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar____-Qumanaha-Wararka-29032020.mp3 View the full article
  3. Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Duqa Gorowe oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa Faahfaahin kooban waxay ka bixiyeen weerarkii caawa fiidkii lagu [...] Source
  4. Garowe (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii caawa fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho. War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageerada kooxda ayaa lagu sheegay in ay beegsadeen xubno sare. Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo taliyihii hore ee booliska gobolkaas ayay sheegeen in ay dhaawacyo culus oo gaareen. Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gujir] iyo Faarax Galangooli ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka guud ee magaala madaxda Puntland. Askari kamid ahaa ilaaladooda ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhaawacyo kasoo gaarey falkaas. Qaraxaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo mudo sanado ah kadib ka dhaca Garowe, oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga fiican dalka. View the full article
  5. Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa caawa ka badbaaday weerar ay Cadowgu la beegsadeen, Dhawicii kasoo gaaraysa waa lagu guulaystay in la badbaadiyo. [...] Source
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Weerar uu fuliyey qof naftiisa hallige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa caawa lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland Cabdirisaaq Xasan Xirsi iyo kolonyo uu la socday. Ruuxa is-miidaamiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga uu lasocday guddoomiye Cabdirisaaq, xilli uu marayey afaafka hore ee saldhigga magaalada Garowe. Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in guddomiyaha iyo xubno la socday ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaas. Sidoo kale wasiir Dhabancad ayaa Alle caafimaad uga baryey guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo xubnaha kale ee ku dhaawacmay qaraxaas. “Allaha u sahlo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo dhamaan intii ku dhaawacantay qarax ismiidaamin oo caawa ka dhacay Garowe. Guddoomiyaha Gobolka Mudane Gujir waa dhaawac, waana lala tacaalayaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Wararka aan ka heleyno weerarkaas ayaa waxa ay intaas ku darayaan in taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal, Faarax Galangooli uu ku jiro mas’uuliyiintii la socotay gudoomiyaha ee ku dhaawacmay qaraxaas. Qaraxaan ayaa dhacay 7:30pm ee caawa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ku sugan Garowe, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas loo adeegsaday qaraxa is-miidaaminta ah.
  7. Reform Finance Ministry and Central Bank Embedding the Ministry of Finance with 19 talented and skilful academics, 95 tax inspectors and 350 taxmen will envisage overhauling the tax system in which more than $550 million of tax due is not collected every year. It is estimated that motorists alone avoid paying $10 million a year in road tax. Large and small companies also do not pay more than $500 million a year of tax dues. The Finance Ministry should recruit extra 464 that will not only collect tax but hold every departmental government to account every shilling of public fund it handles. At the cost of $3,956,000, the government is to increase its annual revenue by an extra $546,044,000, which is more than its annual budget. The millions collected will allow the government to provide good public service, including health, education and construct new road networks. More importantly, over the past years, there has not been enough cash in the economy and the institutions could not engender the right policy to aid the economy. To this end, extra money raised through effective taxation will be injected into the economy to stimulate economic growth. The Central Bank is emasculated to adopt economic stimulation by lack of experts to manage the monetary policy. Embedding the talents with required skills and knowledge will fetch in the treasury more than a billion dollars. In essence, quantitative easing economic policy is an area that has not been exploited let alone seeking loans and grants from the international financial institution, including the World Bank and International Monetary Fund. The message to both institutions is to reform to overcome the challenges impeding their ability to manage both fiscal and monetary policies. Our people are in extreme poverty and thousands of working age are unemployed. That situation was compounded by the impotence of institutions to deploy the skilled and experienced professionals — as without them millions of dollars are lost that deprived the ordinary folks of getting the necessary service from the state— health and education are priorities to them. Ahmed Abdi Isse Social Scientist Get Outlook for iOS Qaran News
  8. Wasiir Dhabancad Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo wareysi haatan wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay gudaha caasimadda Garoowe. Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo uu weheliyay Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli). Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir Mudane Dhabancad, wuxuu intaas raaciyay in Guddoomiye Gu’jir iyo G/sare Faarax Galan-goolli ay labaduba ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo isna ku dhaawacma, islamarkaana dhammaantooda lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe. Sidoo kale, Wasiirka oo wax laga weydiiyay in qaraxaas cid loo qabtay, ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan jirin cid loo qabtay balse ay socdaan hawlgallo lagu baadi-goobayo cidda ka dambaysay qaraxa. Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Garoowe: Puntland oo faahfaahin ka bixisay qarax lagu dhaawacay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  9. A suicide bomber blew himself up at Garowe police station on Sunday evening, wounding top regional officials. Police and witnesses said a man wearing a suicide vest has detonated his explosives at a vehicle carrying Nugal governor Abdisalan Hassan Gu’jir and former regional police boss. Both officials have been admitted to Garowe hospital where is currently being operated, according to the local security officials. There was no immediate claim of responsibility for the suicide attack in Puntland capital. Developing a story, more soon. View the full article
  10. Wararka caawa naga soo gaarayo magaalada Garowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegayo in goordhow uu ka dhacay qarax ismiidaamin kaas oo lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Nugaal. Qaraxa oo ahaa qof walxa qaraxa isku soo xiray ayaa lala beegsaday gaari uu la socday guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee Booliska gobolka gobolka, Faarax Galangooli. xili ay marayeen afaafka saldhiga magaalada. Wararka dheeraadka ee qaraxa laga helayo ayaa ku waramayo in qaraxa uu ka dhashay khasaare soo gaaray mas’uuliyiintii lala beegsaday waxaana la soo warinayaa in dhaawac uu soo gaaray guddoomihii gobolka Nugaala Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee Booliska gobolka gobolka Faarax Galangooli. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa xiray wadooyinka soo gala saldhigga iyaga oo bilaabay in ay ridaan rasaas taas oo ay ku kala eryayaan dadka waxaana wali si dhab ah loo ogeyn khasaaraha soo garay dadka shacabka ah ee ka agdhowaa goobtii ay wax ka dhaceen. La soco wixii soo kordho Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. GAROWE (HOL) - Two government officials were injured Sunday in a blast near a police station in Garowe, Puntland. Source: Hiiraan Online
  12. GAROWE (HOL) - A suicide bomber has seriously injured two Puntland government officals Sunday near the police station in Garowe, Puntland. Source: Hiiraan Online
  13. Qaraxa Ismiidaaminta ah ee caawa ka dhacay Garowe ayaa lala beegsadey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Gudoomiyahu waa dhawac, waxaa kaloo iyana dhawac [...] Source
  14. Garowe (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro soo gaaray saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Nugaal oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe, caasimadda Puntland. Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey looga shaki qabo inuu kusoo orday oo uu isku qarxiyey saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Nugaal, inkastoo mas’uuliyiinta Puntland aysan rasmi ahaan iyagu u xaqiijin sababta dhalisay qaraxa. Weerarkan waxaa dhaawacyo culus ay kasoo gaareen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray askari ku sugnaa goobta. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. Magaalada Garoowe ayaa ka mid ah meelaha ugu amniga badan Puntland. View the full article
  15. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa kamid ah Dadka dhawaca ah , Waxaana hada lagu daweynayaa Isbitaalka. Qaraxa ayaa loo badinayaa inuu yahay ismiidaamin, Masuuliyiin kale ayaa [...] Source
  16. Garowe (Caasimada Online) – Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goor dhaw isku qarxiyey kolonyo gaadiid ah oo ay wateen guddoomiyaa gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal. Qofka is qarxiyey ayaa waxaa la sheegay in uu beegsaday gaariga ay la socdeen guddomiyaha iyo taliyaha, xilli ay hor marayeen saldhigga booliska ee magaalada Garowe. Wararka aan ka heleyno qaraxaas ayaa sheegaya in dhaawacyo ay kasoo gaareen guddoomiye Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore ee booliska gobolka Nugaal oo la socday gaariga uu beegsaday ruuxa nafti haligaha ahaa. Labadaas masuul iyo qaar ka mid ah askartii la socotay oo dhaawac ah ayaa la sheegay in loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Garowe. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.
  17. Wafdi Xildhibaano kasoo jeeda Xaafada Baraxley ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ugasii gudbeen Xaafada Baraxlay. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa hogaaminaya Wafdiga [...] Source
  18. Ciidamada Amaanka ayaa gabi ahaan xiray goob u dhow Saldhiga Bileyska ee Qaruxu uu ka agdhacay, Waxaa loo badinayaa inuu ahaa Qarax lagu xiray baabuur [...] Source
  19. Garowe (SMN) – Qarax aan wali la ogaan noociisa ayaa lagu waramayaa in uu caawa fiidkii ka dhacay Garowe, caasimadda Puntland. Weerarka ayaa la sheegay in lala beegsaday mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi [Gujir]. Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay falkaas. Laamaha ammaanka dowlad goboleedka ayaanan wali wax fahfaahin ah ka bixin dhacdadaas lama filaanka ah. Sidoo kale, ma jirto koox dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxa, oo la tilmaamay in laga maqlay kamid ah magaala madaxda. Garowe ayaa kamid ahayd magaalooyinka ugu amniga fiican Soomaaliya, waxaana qaraxa ka dhacay uu meesha ka saarayaa arrintaas. Fahfaahin dheeraad ah kala soco Shabelle View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay warbahinta Qaranka ayaa sheegay in taliska Ciidanka Asluubta taxadar weyn u galay hubinta iyo badqabka caafimaadka maxAabista ku xiran xabsiyadDa dalka gar ahaan xabsiga dhexe ee xamar . Sidoo kale waxaa uu taliya sheegay in qalab caafimad la geeyay xabsiga dhaxe si loo ilaaliyo cafimaadkooda maxaabiista ,kuwaasi oo ka kooban saabuunta gacmaha lagu meerto, dawooyimka ilaaliya jermiska iyo qalabka lagu xirto afkan si looga taxadiro faafida CoronaVirus oo kiiskii sedexaad laga helay dalka Taliska ciidanka asluubta ayaa dhawaan soo saaray amarro ku aadan inaan lasoo booqan karin maxaabiista ku xeran xabsiga dhexe ka dib markii ay wasaaradda caafimaadka ay ka digtay isdhaxgalka dadweynaha. Generaal Mahad ayaa sheegay in xabsiga dhexe uu ka mid yahay meelaha ugu nugul caafimaadka loona baahanyahay in fiijignaan dheere ah laga muujiyo. View the full article
  21. Qarax ayaa goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartmaha magaalada Garowe. Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in gaari Kuruukar ah oo marayey afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garowe uu qarxay, kadibna qiic iyo uuro ay cirka isku shareertay. Qaraxa, kadib waxaay inta badan magaalada Garowe laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Booliska Puntland, iyadoo la xiray aagii qaraxu ka dhacay. ILaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhacay qaraxaas oo inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Gorawe ee caasimada Puntland, sidoo kale wali lama oga cidda lala eegtay. Faaahfaahin dib kala soco. The post Qarax ka dhacay Garowe appeared first on Puntland Post.
  22. Jowhar (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xaafiiska Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Muxumad Caraale, iyadoo isla wareegtadan lagu magacaabay guddoomiye kale. Guddooyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan, oo horay xilkan looga qaaday mudo laba jeer ah. Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Muxumad Caraale ayaa xilkan hayey mudo sanad iyo bilo ah, iyadoo xubnaha kale ee maamulka gobolka wareegtadan looga dalbaday in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub. Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa warqadan lagu faray in xaaladda caafimaad ee degdega ah ee dalku ku jiro awgeed in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u howlgalo. “Dhamaan xubnaha kale ee maamulka oo uu ugu horeeyo duqa degmada Beledweyne, waxaa la farayaa in howlahooda si degdega ay u bilaabaan lana shaqeeyaan guddoomiyaha cusub” ayaa lagu yiri wareegtadan. Cali Jeyte ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii 2016 saddex jeer loo magacaabay xilka Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaa hal jeer magacaabay Madaxweynaha hore Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, halka labo jeerna uu magacaanay Madaxweyne Waare.
  23. Muqdisho (SMN) – Guddiga-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Xeerarka dhamaystirka sharciga Doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan kula yeeshay xarrunta guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddi-wadajirka ku meel-gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka Madane Ibraahim Isaaq Yarroow. Guddiga iyo Wasaaradda ayaa ka wada hadlay arrimaha Muhiimka u ah dhameystirka Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ay kamid yihiin afarta Xeer ee loo xil-saaray Guddiga Wadajirka ah,kuwaas oo kala ah. Xeerka Deegaameeynta Kuraasta. Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka. Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland). Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir. Xubnaha guddigaan ayaa horey waxaa ay ula kumeen Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo xubno kale,iyada oo ay si caadi ah u wataan howshooda. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-29032020.mp3 View the full article