-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadaado (SMN) – Xaalada degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo ayaa lagu waramay in ay ka jirto deganaanshiyo. Degaanadda ay xasiloonida laga soo sheegayo ayaa kala ah; Dhabad iyo Foron-tiyeer oo u dhaxeeya degmada Cadaado iyo magaaladda Caabudwaaq. Ciidamadda Xoogga ee ka howlgala halkaas ayaa lagu soo waramay in ay ku guuleysteen in ay kala dhex-galaan dhinacyadda dagaalamay. Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyey in ay sababeen isku-dhacyadda oo salka ku hayey aanooyin qabiil oo beelaha dhexmartay. Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa horey ugu baaqay joojinta colaada isla markaana wuxuu faray ciidamadda in ay qaboojiyaan dagaal beeleedyada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka gobolka Banaadir ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu baarayo qof kasta oo ku dhinta magaalada Muqdisho, si loo hubiyo inuu u geeriyooday coronavirus. Sababta loo soo saaray amarradan cusub ayaa lagu sheegay inay tahay si looga feejignaado xanuunka safmarka ah ee Covid-19, kaasoo horayba kiisas ka mid ah looga soo tabiyay Soomaaliya. “Waxaan dooneynaa in dadka la aasayo aan ka ogaanno xanuunnada ay u geeriyoodeen, si loo hubiyo inay leeyihiin yihiin astaamaha cudurka coronavirus, markaas haddii ay dhacdo inuu qofkaas u dhintay xanuunkaas, waxaan amarradan ugu talagalnay isidii loo xakameyn lahaa inuusan sii faafin cudurkaas”. ayey tiri Basmo Caamir Axmed, oo ah Gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada ee gobolka Banaadir. Hase ahaatee waxaa la is weydiinayaa sida uu ku suura geli karo amarkan, maadaama ay jiraan dad ku geeriyooda meelo aan aheyn Isbitaalada, sida guryaha iyo meelo ka baxsan Muqdisho. Guddoomiye Basmo ayaa sheegtay in maamulka gobolka uu awood u leeyahay inuu gaaro meel kasta oo ka mid ah gobolka Banaadir, iyadoo beenisay in ay jiraan meelo aysan shaqaalaha caafimaadka u tagi karin sababo amni darro awgood. “Dowladda meel aysan tagi karin ma jiro. Degmooyinka gobolka Banaadir meel maanta naga xiran oo aannaan gaari karin inay jirto uma maleynayo”, ayey tiri. Waxay Basmo hoosta ka xarriiqday in amarka kasoo baxay maamulka uusan micnihiisu ahayn “lama aasi karo qof meyd ah”. waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus. Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah. Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa xalay dib ugu laabtey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, kadib markii habeen ka hor uu safar deg deg ah ku tegay Magaalada Gaalkacyo. Xaaf oo sheegay in uu u tanaasuley Shacabka Galmudug ayaa maalmo ka hor waxaa uu tegay Magaalada dhuusamareeb, isaga oo kulan la qaatey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. War Kooban oo kasoo baxey Xafiiska Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in safarka deg dega ahaa ee uu ku tegay Magaalada Gaalkacyo uu ahaa mid isaga u gaar ah,hayeeshee uu dib ugu laabtey Dhuusamareeb. “Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u dhigay safarka Madaxweynaha balse waxaanu u cadeyneyna in arimo gaar u ah isaga uu u baxay Madaxweynuhu dibna ugu soo laabtay Caasimada ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxey Xaaf. Maalmaha soo socda ayaa la filaya in Xaflad kooban lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isla markaana uu xilka sirasmi ah ugu wareejiyo Madaxweynaha la doortey ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ku guuleysay inuu la heshiiyo dhinacyada siyaasadda ee kasoo jeedo deegaanada Galmudug, waxaana Magaalada Dhuusamareeb ku sugan inta badan xildhibaanadii sida weyn uga soo horjeeday doorashadiisa. Axmed Qoor Qoor ayaa muujiyey dabacsanaan siyaasadeed, wuxuuna juhdi badan ku bixinayaa sidii uu u sharciyeysan lahaa kursiga uu ku fadhiyo oo muran badan ka dhashay.
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegtay inay hayaan laba Qof oo looga shakisan yahay inuu hayo Xanuunka Dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19. Labadan Qof oo dumar ah ayaa lagu hayaa Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda deegaanka Soomaalida, waxaana laga qaaday dheecaano si loo hubiyo in Xanuunka hayo iyo kale. Sidaana waxa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dr. Yuusuf Maxamed oo Shalay Saxaafadda la hadlay, waxaanu sheegay in labada Dumarka ah ee laga shakiyey midkood ka timid Magaalada Burco oo Somaliland ah, Xaaladdeedana lagu ogaaday Magaalada Wajaale oo ay safar ku tagtay. Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xaruntii aanu diyaarinay waxa jooga laba Gabdhood, mid waxay ka timid Diridhaba da’deeduna waa 24 jir, taas oo looga shakisan yahay Cudurka, Gabadh kale oo 45 jir ahina waxay ka timid Burco oo ay gaadhay, wayna ka soo noqotay, waxaana laga soo gudbiyey Wajaale, dhiiggagii looga baahnaa waanu ka qaadnay, natiijadana Addis Ababa ayaanu ka sugaynaa..” Source
-
Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waa arrin si weyn u taabanaysa dareenka Masiiriga ah ee shacabka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay marka la soo hadal qaado xadanto iyo xaalad hor leh ku abuurayaan Muwaadiniin badan oo sida xaqiiqdu tahay xaasaasiyad iyo xumad ka qaba magaca Soomaaliya gabi ahaantiiba. Waxa kale oo iyaduna hubaal ah in aanay ahayn arrimo sahlan oo si’ dhayal ah looga dooddi karo amma la wadaagi karo masuuliyadahooda iyo ku metelaada Qaranka JSL, taasoo ahayd sababtii wax ka bedelka loogu sameeyey 5-tii Feb 2012-kii xeerkii hore loogu mamnuucay arrimaha Soomaaliya ee ay goleyaasha Xeer-dejintu soo saareen 2003-dii, kaasoo tirsigiisu ahaa JSL/GB/01/10/2003. Fadhi wada-jir ah oo labada gole ee baarlamanku yeesheen taariikhda kor ku xusan ee sanadkii 2012, ayaa waxa ay xukuumadda si buuxda awood ugu siiyeen ka qayb galka shirarka loo arko in ay dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland, taasoo shacabka iyo qaybaha kale ee bulshada ka reebaysa in ay door ku yeeshaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Labada qodob oo lagu daray Xeerkaasi iyadoo aan waxba laga bedelin qaab-dhismeedkii, luuqadii iyo ujeeddooyinkii loo sameeyey kolkii hore, ayaa kala ahaa sidan; 1.In Xukuumadu ka qayb gasho shirarka loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland. 2.Maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan. Waa Maxay sirta ka dambeysa durbaanka Madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta ee ku wajahan wada-hadallada? Haddaba, iyadoo uu sidaasi xaalku yahay sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxna aanay iska bedelin qadiyada jamhuuriyada, ayaa waxa todobaadkii la soo dhaafay qalabka warbaahinta ka soo muuqday xubno isugu jira Madaxdhaqameed iyo Siyaasiyiin u ololleynaya wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo afar sannadood ku dhow sababo siyaasi ah iyo kuwo farsamo hakad u galay, in dib loo bilaabo iyo in Madaxdhaqameedka Somaliland laga talo-geliyo, isla markaana golaha dhaqanku door ku yeesho ergada ka qaybgelaysa. Maba xuma haddii uu jiro amma taagan yahay mowduuc ku saabsan arrintaasi oo ay fooshiisu muuqataaye, madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiintan oo ay qaarkood kamid ahaayeen raggii dalka u soo halgmay, ayaa waxa hadalladooda laga dareemayey in ay qadiyada wada-hadallada uga faa’idaysanayeen ujeedooyin siyaasi ah amma ay si ula-kas ah cadaadis ugu saarayaan xukuumadda in ay si debecsan oo aan ka fiirsasho lahayn u waajahdo wada-xaajoodka Soomaaliya u dhexeeya. Dareenkan fasirraadeed oo laba sabab-boodba ku imanaya. 1. In aan mowduucaasi wakhtigan taagnayn, sabab loo hilaadiyaana jirin. 2. In xubnaha hadlay luuqadooda laga dareemayey in aanu wanaagsanayn xidhiidhka ka dhexeeya xukuumaddu, taasina ay sabab u tahay in ay u arkaan meelaha xukuumaddu ka damqanayso. Xubno kamida Isimadu waxa ay, sidoo kale isticmaaleen kelmado ay ku jirto “Soomaali ma kala maaranto”oo ah weedh ay inta badan isticmaalaan Siyaasiyiinta Soomaaliya marka ay beer-laxowsanayaan Shacabka Somaliland, isla markaana ay adeegsadaan dadka u jan-jeedha dhanka midnimo-doonka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Hadalka madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta ka hadlay wada-hadalladu, waxa uu furay dood iyo muran aan xilligoodii la joogin oo ay daraf kale oo ka soo horjeedaana uga fal-celiyeen si aragtidooda ku lidi ah, taasoo ka dhigan in uu curiyeen muran iyo tirtirsi aan meesha oolin oo aan xataa dareenka bulshadu qaadi karin xaalada adag ee lagu jiro wakhtigan. Geesta kale, waxa ay dareen ku abuurtay dooddaasi Hay’addaha Dawladda, gaar ahaan kuwa xukuumadda u qaabilsan siyaasadda dibada oo u arkay qorshe lagu soo gacan-togaleeyey shaqadooda iyo in sida runtu tahay Odayaasha dhaqanku ka soo gudbeen xayndaabka. Labadaas qodob oo daw ku ah in lagaga jawaab celiyo durbaanka ay Salaadiinta iyo isimada kale u tumeen wada-hadallada u dhexeeya labada dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa dhinac kale marka laga joogsado waxa ay weedhaamintoodu saameynaysaa warbaahinta sida xil-kasnimada iyo xirfadnimada ka madhan u tebinayey oo ay lafteeda muuqato in ay Olollaha aan ujeedadiisu caddayn qayb ka yihiin. Si kastaba ha ahaatee, Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hadalka ku badhi-taaray-ba iyagoo xushmad iyo qadarin inaga mudan, ma sarrifi karno sababta iyo ujeeddada ku keliftay in ay ilaa heer saloolshaan qadiyadaha xaasaasiga ah ee Mustaqbalka qaranka iyo masiirka umadda oo dhan taabanaya, iyaga oo u buha-buhaynaya sidii xaajo dhaqan oo geed iyo gole taalla amma lagu kala-tagsan yahay ka-tashigeeda iyo toobiyaha lagu xalillayo. Hase yeeshee, Waxa dhici karta oo xaqiiqo ah, in dadka qaar maleeyaan in odayaasha ay ka hadliyeen gacmo-siyaasaddeed oo si uun uga shidaal-qaadanaya caddowga Jamhuuriyada Somaliland, taasoo haddii lays-tuso amma uu yimaado shaki noocaas ah, iyada qudheedu halis ku ah is-aaminnaada iyo kalsoonida qaranka, wallow aanay ahayn iminka xujjo iyo xan cid ku lug leh si cad farta loogu fiiqay,noqon-na karta jirto in laga waantoobaana ku suurto-geli karto maslaxad iyo muquunin sharci oo la sababsaday. Maxaa la gudboon madaxdhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Saxaafadda? Sidaasi darteed, Madaxdhaqameedka mid-baa la gudboon ah, in aanay nusqaamin kaalinta dhaqan ee ay bulshada iyo qaranka ugu jiraan, isla markaana aanay mindi-roortayn iyo jahawareer gelin arrimaha masiiriga ah ee Dalka, hagaajiyaana wada-shaqaynta iyo kalsoonida Dawladda ka dhaxaysa, sidoo kalena ay masuuliyadaha dastuuriga ah uga dambeeyaan Hay’addaha shacabku u igmaday ee fulin, xeer-dejin iyo Garsoorba dheeli-tiran. Waxa kale, oo Madaxdhaqameedka looga baahan yahay in aanay ku dhex-milmin asxaabta siyaasadda iyo kooxaha ku kala abtirsada Mucaaridka iyo muxaafidka, balse ay taasi bedelkeeda noqdaan Odayaal loogu soo hagaaggo horumarinta danta guud ee umadda, ka-talinta ayaaha wanaagsan ee bulshooyinka ay dhaqanka u yihiin iyo astaanta geedka nabada iyo samaha umaddaha. Geesta kale, Siyaasiyiinta oo ay ugu horeeyaan hogaamiyeyaasha asxaabta Qaranka muxaafid iyo mucaarid midkay doonaan ha noqdeene iyo jileyaasha sida caadadda noqotay la kala safta labadaas dhinac, waxa quman in ay fahmaan masuuliyadda guud ee ka dhaxaysaa in ay tahay hogaaminta afkaarta bulshada oo dhan, taasoo micnaheedu yahay in uu daraf waliba xambaarsan yahay fikirka qayb kamida Bulshada oo taageersan, oo ku ayidaya talaabo kasta iyo tallo kasta oo uu soo jeediyo sax iyo khalad midkay tahayba. Waa hogaamiyeyaasha Siyaasadda’e, waxa dhab ahaan looga baahan yahay in ay u dhaqmaan si waafaqaysa kaalinta hogaamineed ee ay qaranka ku leeyihiin, kana dheeraadaan in ay horseed u noqdaan kala-qaybsanaan Jamhuuriyada Somaliland mar kale sollansiisa in ay qaado dariqii ay ku luntay 1960-kii gobanimadii la qaatay. Dhinaca kale, Suxufiyiinta da’da yar iyo kuwa garaada-gooyey ee dalka iyo dadkaba tacabka badan u soo huray, innaga oo dareensan duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabaha ku gedaaman waxa aynu kula talinaynaa in ay xakameeyaan dareennada ceebta u soo jiidaya mihnadooda iyo in aanay falanqeynta arrimaha masiiriga ah uga wacaal doonin dad aan ehel u ahayn oo haddana dhegaha bulshada saameyn ku leh. Haddii aan si’ kale u dhigno Wariyeyaashu waa in aanay abla-ablaynta Siyaasadda ka raadin Isin dhaqan oo huwan sharaf iyo Karaamo dadkiisu ku maamusay. sidoo kalena waa in aan qalabka Warbaahintu iyadoo geel loo heesayo aanay gorayo u heesaan, sida ay muujinayso doodda iminka bilaabantay ee ku saabsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya , xilli ay dalalka adduunku la-tacaalayaan caafimaadka iyo maaraynta nololsha Dadkooda, iskana laabeen dhamaan barmaamujyadii kale ee ay dawladdaha iyo dunida kala dhexeyeey, Somaliland-na dhawaaqa iyo qaylo-dhaanta qudha ee dhegaha bulshada u furani ay tahay xakameynta Cudurka Corona Virus ee caalamka ku faafay. Wariyeyaasha iyo Warbaahinta, waxa ku waajib ah in ay dedaalka iyo diirada xirfadooda geliyaan wakhtigan sidii ay kaalintooda uga ciyaari lahaayeen samato-bixinta dadka iyo dalka, oo ay xataa yeeshaan door ay bulshada ku hogaaminayaan qaab kasta oo aynu kaga badbaadi karno sadhada caafimaad ee socota “alle ha inaga badbaadiyee isagaa awood u lehe” Ugu dambeyn, durbaanka wada-hadalladu yaanu qaranka ku noqon Corona-virus labaad, dhamaanteena aynu mideyno awooddeena dad-deed, aqoonteena iyo itaalkeena dhaqaale si aynu kufka iminka iyo kabashada dambeba u maarayno innaga oo Qaran ah. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) Hargeysa/Somaliland Email: curad1986@hotmail.com Source
-
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujisay faafidda cudurka Coronavirus oo laga cabsi qabo in uu si xawliya ugu faafo magaalada Muqdisho. Dr. jalaaludiin Yuusuf Axmed oo ka tirsan saraakiisha sare ee Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka oo wareysi siiyay warbaahinta lagu magacaabo DALSAN, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay wajihi doonto todobaadyo xanuun badan oo cudurka Coronavirus uu dad badan soo rito “Muqdisho waxey wajahi doontaa todobaadyo xanuun badan dad badan buu so ridan doonaa Carona wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankood baaritaan baa la marsiiyey maadama 2 naga mid ah laga helay Natiijada wa arkeynaa “ ayuu yiri Dr. jalaaludiin. Sarkaalkaas ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo rogi doonto go’aanno adag oo lagu xakamaynayo faafidda deg deg ah ee COVID-19, kuwaas oo ay kamid noqon karaan in dhammaan la mamnuuco isu-imaatinada dadweynaha, islamarkaana albaabada loo laabo masaajidda iyo goobaha cibaadada. Hadalka Dr. jalaaludiin ayaa ku soo beegmay, xilli shalay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay in qofkii u horreeyay Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus, iyadoo isla shalay afar kiis oo horleh laga helay gudaha Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in Coronavirus si deg deg ah muqdisho ugu faafo appeared first on Puntland Post.
-
Wanlaweyn (SMN) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan ka wada Degmada Wanlaweyn iyo deegaanno ku dhaw dhaw oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah. Sargaal ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay xoog ku qaadaan isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn oo u yiilay ciidamo ka tirsan milatariga iyo maleeshiyaad hubeesan. Waxa uu sheegay sargaalkan in sidoo kale kahor tageen weerar maleeshiyo beeleed ku soo qaadeen tuulooyin hoos taga degmada Wanlaweyn, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo . Sargaalkan ka tirsan DANAB ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee lagu baadi goobayo dadka hurinaya iyo kuwa ku lugta leh dagaal beeleedyada ka socda degmada Wanlaweyn. Ciidamada DANAB ayaa degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku dhaw dhaw loo geeyay in ay joojiyaan colaada u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah iyo in sidoo kale qaadaan isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda. Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay ayaa sheegaya in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegaya in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay badhtamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay. Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in anu xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka. Wasaaradda ma shaacin goorta la baadhay labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda uu khatar gelin karo raysal wasaare Khayre. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-090420.mp3 View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Qiyaastii 150 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu saameeyey cudurka Coronavirus, lix toddobaad kadib markii boqortooyada ay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey, waxaa sidaas qoray wargeyska caanka ah New York Times. Iyada oo heerka faafitaanka cudurka ee boqortooyada uu kasii darayo, ayaa 500 oo sariirood waxaa lagu diyaariyey isbitaallada ugu wanaagsan dalka, kuwaas oo loogu talo-galay xubnaha boqortooyada. Sida uu qoray New York Times, Amiir Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, oo ah badhasaabka gobolka Riyadh, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salmaan, ayaa ka mid ah xubnaha uu cudurka ku dhacay, wuxuuna ku sugan yahay xaalad deg deg ah. Boqor Salman, oo 84 jir ah, ayaa isku go’doomooiyey jasiirad ku taalla meel u dhow magaalada Jeddah. Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohmaed Bin Salman, oo ah 34 jirka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga, ayaa joojiyey la-kulankii wasiirada, wuxuuna ku nool yahay guri ku yaalla xeebta Jeddah, meel u dhow halka laga dhisayo magaalada mustaqbalka ee Neom. Illaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaadhsiisan yahay iyo sida uu cudurka ugu dhex-faafay boqortooyada. Sacuudiga ayaa billowgii hore awoodday kaliya inay sameyso tijaabooyin xaddidan oo cudurka ah, taasi oo ay suurta-gal tahay inay sahashay in ayada oo aan la ogeyn uu cudrka ku dhex-faafo boqortooyada. 2,900 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan Sacuudiga, iyada oo 41 qof ay u dhinteen Source
-
Booliiska dowlad goboleedka Galmudug, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa xalay ilaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud. Hawlgalkaas, ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo Amniga degmada Baxdo iyo tuulooyinka hoosyimaada, si looga hortago dadka dhibaatada iyo Amni-darrada ka wada degaanka, sida laga soo xigtay saraakiil hoggaaminaysa hawlgalkaas. Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in hawlgalka uu xalay ilaa saaka ka socdo gudaha Kaxda iyo tuulooyinka ku xeeran, islamarkaana uu saamayn ku yeeshay isu-socodka degaanka. Dhinaca kale, Saraakiisha Booliiska Galmudug iyo hay’adda Nabad sugidda NISA, weli war kama soo saarin haddii ay jiraan dad hawlgalkaas lagu soo qabtay. PUNTLAND POST The post Booliiska Galmudug iyo NISA oo hawlgal wadajir ah ka wada gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Isbahaysiga Sucuudiga ee Yemen ka dagaallama oo xabbad joojin ku dhawaaqay Qaramada Midoobay ayaa labada qoloba ugu baaqday, inay xabbad joojin sameeyaan, coronaha aawadii. Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee la dagaallamaya xoogagga Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqay xabad joojin, sida ay sheegeen saraakiishoodu. Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in xabbad-joojinta ay dhaqangelayso Khamiista, iyada oo lagu taageerayo dedaallada Qaramada Midoobay ee lagu soo afjarayo dagaalkan shan sano jirsaday. Isbahaysiga, oo ay taageerayaan quwadaha millatariga ee reer Galbeedka, ayaa la dagaallamayay xoogagga Xuutiyiinta ee isbahaysiga la ah Iran ilaa iyo bishii Maarso 2015. Ma cadda in ciidamada Xuutiyiinta ay sidoo kale samayn doonaan xabbad joojin, dhankooda ah. Bishii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu ugu yeedhay dadka ku nool Yemen inay joojiyaan dagaalka oo ay kor u qaadaan dadaallada looga hortagayo suurtagalnimada in cudurka Coronavirus uu saameeyo. Wuxuu ugu yeedhay xisbiyada dalka in ay la shaqeeyaan ergeygiisa gaarka ah Martin Griffiths si loo gaardho xasillooni dalka oo dhan ah. Arbacadii, Mr Griffiths wuxuu soo dhaweeyey warka xabbad joojinta. Waxa uu yidhi: “Dhinacyadu waa inay hadda ka faa iidaystaan fursaddan oo ay si dhakhso leh u joojiyaan colaadaha oo dhan sida ugu dhaqsaha badan.” Labada dhinac ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shir dhanka muuqaalka ah ah oo ay uga wada hadlayaan xabbad joojinta. Hindisaha ayaa ku baaqaya in la joojiyo dhammaan weerrarada hawada, dhulka iyo baddaba. Qoraal ka soo baxay ciidamada isbahaysiga ayaa lagu yiri: “Munaasabadda qabashada iyo guuleysiga dadaallada ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen iyo in la yareeyo dhibaatada dadka walaalaha ah ee reer Yaman iyo in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa musiibada Corona iyo ka hortagga faafitaankiisa, isbahaysigu waxa uu ku dhawaaqayaa xabad joojin dhameystiran muddo labo toddobaad ah, oo ka bilaabaneysa Khamiista. ” Xaaladda Yemen ayaa muddo dheer lagu tilmaamaa inay tahay dhibaatada ugu daran ee bina-aadamnimo ee dunida. Dagaalku waxaa ku naf waayey nolosha dad badan oo rayid ah wuxuuna waddanka ku sii dhowaaday qarka u dumidda. Qaramada Midoobay ayaa jebisay wadahadaladii hore, laakiin tani waxay noqonaysaa tii ugu horraysay ee isbahaysigu ku dhawaaqo xabbad-joojin waddanka oo dhan ah. Tallaabo muhiim ah Tani waa tallaabada ugu weyn ee Sacuudigu isugu dayayo in uu ka baxo olalaha Military ee gudaha dalka Yeman . Bayaanka isbahaysiga ayaa lagu sheegay in xabbad joojintu aan shuruudda lahayn hase yeeshee ay ku dhalisay arrintaan halista dhabta ah ee Fayrsaka corona ku hayo dalka oo nidaamkiisa caafimaadna aanu si caadi ah u shaqeyneyn. Sacuudiga ayaa wareejiyay qalab, iyaga oo wadahadallo qarsoodi ah la yeeshay saraakiil sare sare oo ka tirsan fallaagada Xuutiyiinta si ay u sugaan amniga xuduuddooda ugana joojiyaan gantaallada ka imaanaya Xuutiyiinta isla markaana isugu dayaan in ay ka saaraan Iran. Balse bilihii la soo dhaafay, ciidammada Xuutiyiinta aya sii waday horumar Militari, oo ay gaadheen. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha sare sare ee Xuutiyiinta ay taageersan yihiin in wadahadal lagu dhammeeyo colaadda. Waxase muuqanaysa in hadii xittaa Qaramada midoobey ay bilowdo wadahadalo in talaabadaas ay qaadan doonto waqti dheer in xal laga gaadho xaaladda qallafsan ee dalka Yeman . Qaran News
-
More than six weeks after Saudi Arabia reported its first case, the coronavirus is striking at the heart of the kingdom’s sprawling royal family. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda. Caasimada Online ayaa ogaatay in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay bartamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay. Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inuusan xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka. Wasaaradda ma shaacin goorta la baaray labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda Kheyre uu khatar gelin karo ra’iisul wasaaraha. Cudurkan ayaa badanaa dadka haya hal illaa saddex toddoobaad, taasi oo ka dhigeysa inay u badan tayay in xilligaas aysan qabin.
-
Markab Shixnad Daruuriya & Agab Caafimaad sida oo ku xaniban Dekeda Berbera & Sababta Berbera-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa maalmahanba magaalada Berbera ku xaniban Markab Nooca kunteenarada qaada oo sida shixnad dhan 890 Kunteenar oo isagu jira Raashin kala jaad-jaad sida Caano,Timir & Badeecado kale oo loogu talo galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Sidoo kale waxaa markabka saaran Agab caafimaad iyo Daawooyin oo aad loogu baahan yahay xilligan. Markabkan oo ka soo shiraaqday Dekeda Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo gaadhay Dekeda Berbera Arbacadii hore oo ku beegnayd 1-dii April 2020-ka. Sidoo kale waxay xogguhu intaas ku darayaan in Ganacsatada leh Shixnada & Badeecadaha kala duwan ee Markabkan saaran markiiba Shirkada Oomar oo Wakiilka u ah Markabka u jartay warqada DO-ga (Delivery Order) oo ay kula bixi karaan Alaabtooda,Ku darsoo waxay Waaxda Kastamaduna ka shubtay Ganacsade Walba Canshuurta ku waajibtay ee u saran Markabka,Halka Shirkada DP World-na ka qaadatay Khidmadii Adeega “Handling Services”-kii,Haddaba maxaa dhacay?. Sida xogguhu tibaxayaan waxaa markabku u xaniban yahay oo diiday in la soo xidho Shirkada DP world oo sheeganaysa Lacag badan (Handling Charges) oo kaga maqan Ganacsade Oomar oo ah Wakiilka Markabka & Shirkada Kunteenarada PIL.Lacagtan DP World ku sheeganayso Shirkada Oomar ayaa la sheegayaa inay la xidhiidho Adeegyo hore oo loo qabtay oo aan khuseyn Markabkan Balse Shirkada Oomar ka gaws adaygtay inay bixiso taas oo sababtay in DP World-na xanibto markabkan & shixnadii uu sidayba Isku soo wada duuboo Ganacsatada Shixnadu u saaran tahay Markabkan ayaa ku jahawareesan waxaa badeecadooda loo xanibay,cida xanibtay & Waxa laysku haysto.Ganacsatada Shixnada u saaran tahay Markabkan ayaa noo xaqiijiyey inay garan la yihiin ciday qadiyadan kala xidhiidhaan maadaba laysku tuurtuurayo oo qoloba qolo xanibaada ku eedaynayso. Qaran News
-
Ali Abdi Iman, a severely disabled 60-year-old father of seven children, does not have the luxury of heeding the advice to stay at home to avoid the spread of Corona virus. Source: Hiiraan Online
-
Kenya Navy soldiers patrolling Lamu's Indian Ocean waters have intercepted two boats ferrying a consignment of miraa estimated to be worth about Sh25 million. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada dhuusamareeb kadib kadib socdaal deg deg ah oo uu habeen ka hor ku tegay Gaalkacyo. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ex. Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in uu xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib socdaalkiisi Gaalkacyo oo siyaabo kala duwan looga hadlay. Qoraalka waxaa lagu xusay in socdaalka Xaaf ay jiraan dad siyaabo kala duwan u dhigay balse uu halkaas u tegay arrimo isaga u gaar ah inkastoo aan faahfaahin laga bixin arrimahaas. Mudane Xaaf ayaa sida la filayo magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb geli doona caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor PUNTLAND POST The post Xaaf oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib socdaalkiisi gaalkacyo ee muranka dhaliyay appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qiyaastii 150 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la rumeysan yahay inuu saameeyey cudurka Coronavirus, lix toddobaad kadib markii boqortooyada ay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times. Ayada oo heerka faafitaanka cudurka ee boqortooyada uu kasii darayo, ayaa 500 oo sariir waxaa lagu diyaariyey isbitaallada ugu wanaagsan dalka, kuwaas oo loogu talo-galay xubnaha boqortooyada. Sida uu qoray New York Times, Amiir Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, oo ah barasaabka gobolka Riyadh, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salmaan, ayaa ka mid ah xubnaha uu cudurka ku dhacay, wuxuuna ku sugan yahay xaalad deg deg ah. Boqor Salman, oo 84 jir ah, ayaa isku go’dmooiyey jasiirad ku taalla meel u dhow magaalada Jeddah. Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohmaed Bin Salman, oo ah 34 jirka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga, ayaa joojiyey la-kulankii wasiirada, wuxuuna ku nool yahay guri ku yaalla xeebta Jeddah, meel u dhow halka laga dhisayo magaalada mustaqbalka ee Neom. Ilaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay iyo sida uu cudurka ugu dhex-faafay boqortooyada. Sacuudi Carabiya ayaa billowgii horey awoodday kaliya inay sameyso tijaabooyin xaddidan oo cudurka ah, taasi oo ay suurta-gal tahay inay sahashay in ayada oo aan la ogeyn uu cudrka ku dhex-faafo boqortooyada. 2,900 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan Sacuudiga, ayada oo 41 qof ay u dhinteen.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, ayaa ka jawaabay su’aal ay dad badani is weydiinayeen, ka hor iyo ka dib-ba markii uu qabtay xilkaasi. Midda dadka u cuntami weyday, aadna ay wax isaga weydiinayeen ayaa ahayd, isagoo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dibna loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, xilli uu horey u ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub. Inta uu xilkaasi iska celisay ayuuna wax ka dayay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada. Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay sababta uu xilkan u qabtay, xilli uu ahaa diblomaasi sare ayaa sheegay in diblomaasiyadda ka horba uu ahaa nin saynisyahan ah. “Horta intaan diblomaasiyadda aan qaban, waxaa ka horeysay inaan ahaa qof saynisyahan ah, cilmi baare ah, taa nafteeda waan ka soo tagay. Wadankii Soomaaliyeed oo aan aniga ka dhashay in intaan taakulayn karo, taakuleeyo, hadana waxaan gartay inay muhiim tahay in wadanka gudahiisa wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiyaha. Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray “Waxaad ogaataa wadankan waa federaal, Maamul Goboleedyada haddaan la dhisin dowlad federaal oo adag ma jireyso.” Mar Cali Saciid Fiqi ay BBC wax ka weydiisay in Dowladda Federaalka ay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii uu xilkan ku qaban lahaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Horta meeshaan qarash ku baxay maleh, doorashadan waa doorashada keliya ee buuq ka dhicin, doorashooyinkii ugu dambeeyay, waxa la sheegaayana aysan jirin,” Dhanka kale waxaa uu qiray in uu ka tirsan yahay Xisbiga Nabad & Nolol ee talada dalka haya, balse in uu xilkan qabto ayuu sababteeda dusha u saariyay inuu lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). “Nabad & Nolol run waaye waan ka tirsanahay, oo dowladdii baan ahay, laakiin meeshaan aan imid sababteeda waxaa iska lahaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.” Ayuu yiri Fiqi.
-
Qofkii u horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Xanuunka Coronavirus+Tiro Hawl-wadeeno Caafimaada oo laga helay Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus ay ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Wasiiradda caafimaadka dawdlada federalka soomaliya Fowziya Abiikar Aaadan ayaa xaqiijisay in qof la xanuunsanaa coronavirus uu ku geeriyoodey gudaha Soomaaliya. Qofka geeriyooday waxuu ahaa Muwaadin soomaaliyeed oo 58 jir ah, ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini. Ilaahay ha u naxariistee waxaan xaqiijineynaa geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19. Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood ee cudurka. Waa faafida bulshada dhexdeeda. Fadlan raaca talooyinka caafimaad si cudurka loo xakameeyo. — Dr Fawziya Abikar (@AbikarDr) April 8, 2020 Shalay ayaa laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho halkaas oo uu ku xanuunsaday. Waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa qof magaalkada Muqdisho deggan. Waxay sidoo kale Wasiiradda sheegtay in 4 kiis oo cusub oo coronavisus ah la diiwaan galiyay Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka labo sarkaal oo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka ah taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaanka. — Dr Fawziya Abikar (@AbikarDr) April 8, 2020 Isku darka tirada guud ee cudurkan ee Soomaaliya ayaa hadda noqotay 12. Qaran News
