Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Daawo:Isku Duwaha Caafimaadka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Warka Sheegaya In Qof Lag Helay Corona Source
  2. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobleedka Galmudug ayaa ku waramayo in dil loogu geystay magaaadaasi xubin hore oo ka tirsanaan jiray ururka Ahlusunna, waxaana dilkaasi geysatay qaar ka tirsan ilaalada Senetor Dhageey. Dilka ayaa yimid ka dib markii gaari uu watay Marxuum Shaafici Xaaji Diiriye ay rasaas ku fureen ilaalada Hoyga Seneter Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, xili marxuumka uu watay gaari nuuca raaxada ah xili uu marayey meel u dhow koontarool ciimada ay la haayeen. Majiro wax wara oo ilaa iyo hadda ka soo baxay ciidamada Booliska oo ku aaddan dilka maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. ciidamada dowladda iyo ku ilaalada u ah mas’uuliyiinta kale ee sugan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa marka qaar waxaa dil bareer ah kala kulmaan dadka shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dagaal salka ku haya qabyaalad iyo maamulka maaliyadda ayaa kala qeybiyey hoggaanka kooxda Al-Shabaab, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, oo sheegay in lala wadaagay warbixino sirdoon. Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in bishii tagtay amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeyda uu isku dayey inuu eryo madaxa sirdoonka iyo maaliyadda kooxda Mahad Karate, iyo madaxii howl-gallada dibedda Bashiir Qoorgaab, kadib markii ay isku qabsadeen cidda maamuleysa dhaqaalaha kooxda. Warbixinada sirdoon ayaa sheegay in qabiilka ay kasoo jeedaan Karate iyo Qoorgaab ee Mogadishu Clan ay diideen in la eryo. Laba toddobaad kadib Qoorgaab, oo Mareykanka ay sheegeen inuu mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya, ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka. Warbixinta Daily Nation ayaa sheegtay in warbixino cusub oo sirdoon ay muujinayaan in geerida Qoorgaab ay kasii dartay khilaafkii iyo kala shakigii kooxda ka dhex jiray. Horraantii March, warbixinta sirdoon ayaa sheegtay in Axmed Diiriye uu amray dilka mid ka mid ah saaxiibada Karate oo lagu magacaabay Muuse Macallin Macaawiye, oo ahaa madaxii sirdoonka gobolka Banaadir, kaasi oo lagu shirqoolay laguna dilay magaalada Bua’aale. “Abu Cubeyda wuxuu Karate ku eedeynayaa inuu keydsanayo dhammaan lacagta canshuurta looga soo qaado beeraleyda, xoolaleyda iyo ganacsatada Muqdisho iyo goobaha kale ee Shabaab ay maamulaan. Dhinaca kale, Karate wuxuu ku doodayaa in beeshiisa Mogadishu Clan ay tahay tan ugu badan Soomaaliya, lacagta ugu badanna laga qaado, sidaas darteedna lacagta marka hore ay leeyihiin Mogadishu Clan, kadibna beelaha kale,” ayaa lagu yiri warbixinta sirdoon, sida uu qoray Daily Nation. Ilo-wareedyada xogtan bixiyey ayaa sidoo kale sheegay in Karate uu aad uga carrooday qaraxii 14-ka October 2017 ee Zoobe, oo dadkii ku dhintay badankood ay ahaayeen beeshiisa Mogadishu Clan. Abu Cubeyda ayaa la sheegay inay ku adkaatay inuu awoodda ka xayuubiyo Mahad Karate, sababo la xiriira nidaamka qabaliga ah oo kooxda ku xooggan. Waxaa la sheegay inuu isku dayey inuu la xiriiro qabiillada yaryar, islamarkaana abuuro isbaheysi ka dhan ah xubnaha Mogadishu Clan ee kooxda, taasi oo weli uusan ku guuleysan, sida ay tiri wabixinta Daily Nation.
  4. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Dowladda dhexe ayaa hakisay safarrada gudaha Dalka, si loo yareeyo Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Qarax bambaano oo maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Dowladda Somaliya ayaa la wareegtay Maamulka Iskuulka 15-ka May, xilli ay dhex-dhexaad ka noqatay muranka Masar iyo Itoobiya. Madxada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa hakiyay shaqadii Safaaradda in muddo ah, arrimo la xariira Xanuunka COVID-19. Guddomiyaha Baarlamanka Hirshabeele ayaa bulshada ku dhaqan deegannada Hirshabeele ugu baaqay in ay u hoggaansamaan taloyinka ay soo jeediyaan Hay’daha Caafimadka. Madaxweynaha Somaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u hoggaansamaan Talooyinka Caafimaad ee Bad-qabkooda la xiriira. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Hanad Cali Guuleed iyo Fatxi Maxamed Axmed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-28-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Sweden’s Somali community is being hit particularly hard by the coronavirus (COVID-19) outbreak, with at least 6 of the 15 victims who have died of the disease so far in Sweden being of Somali background. Somalis in Sweden are complaining that they received information from the authorities too late to act on it and that the material was inadequate. Most of the warnings were only distributed in Swedish and English. The government is now issuing updated information in 15 other languages besides Swedish. The Swedish national television network, SVT, as well as several Swedish newspapers, are beginning to add Arabic translations to their dispatches in an effort to disseminate information to immigrants more effectively. Arabic is currently the second-most spoken language in Sweden, even surpassing Finnish since the beginning of the migrant crisis in 2015. Mohamed Nuur, the Chairman of the Social Democratic party in Tensta, has blasted the government for not doing more to get information about the disease to non-Swedish speakers, according to a report by Expressen. “No one should risk losing their life due to lack of information or failure to master the language of the majority,” he told Expressen. The Swedish Somali Medical Association says that areas where many immigrants live, such as Järva, are seeing a disparate number of cases of coronavirus in comparison to the general population, according to a report by SVT. Jihan Mohamed, a doctor with the Swedish Somali Medical Association, says that there are unconfirmed indications that the virus may have spread among the Somali population during Friday prayers at mosques. She also noted that Somalis frequently live in overcrowded apartments and that Somali culture stresses the need for social contact, especially when someone is ill, which may have further aided its spread. “We’re all in the same boat,” Dr. Mohamed told Expressen regarding the crisis. “All healthcare professionals are working and struggling with everything they have in intensive care and other departments. We have to help with what we can to give everyone the information they need so that they can do what’s necessary to stop the infection.” It has been estimated that Sweden is currently home to approximately 60,000 Somali immigrants. Rinkeby, a Stockholm suburb, has been dubbed “Little Mogadishu” due to its high number of Somalis. View the full article
  6. Dowladda Soomaaliya ayaa in ka badan 20 dhaqaatiir ah oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda u direysa Talyaaniga, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Covid19. Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in dhaqaatiir mutadawiciin ah oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo dirayo dalka Talyaaniga oo haatan la daala dhacaya cudurka Coronavirus. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in dhaqaatiirtaan ay iska diiwaan-geliyeen safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, islamarkaana ay dhawaan dalkaasi tagi doonaan. Ugu dambeyn sarkaalka u hadlay dowladda ayaa tilmaamay in dhaqaatiirta ka tirsan Jaamacadda Ummadda ee loo dirayo Talyaaniga ay jawaab u tahay codsi ka yimid dowladda Talyaaniga oo ahaa in dalalka caalamka ay garab ku siiyaan la dagaalanka caabuqa Corona. Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada reer Yurub ee uu saameynta xoogan ku yeeshay cudurkaan oo asal ahaan Shiinaha ka dilaacay, bishii December sanadkii hore 2019-kii. View the full article
  7. A local official says Somali troops have engaged in a gunfight with militants belonging to Al-Shabaab, the Al-Qaeda ally in the conflict-riddled Horn of Africa country. The clash broke out after troops on security patrol came under the Al-Shabaab attack near the newly recovered Barire town located in Lower Shabelle region, according to the official. The official who spoke to Radio Shabelle over the phone on condition of anonymity said both sides have suffered casualties during the battle that raged on for several hours. Al-Shabaab has intensified attacks on SNA-controlled areas in the region as the militant group faces increasing US military airstrikes in the south and central Somalia. View the full article
  8. Bulshada ku nool gobolka Nugaal, gaar ahaan caasimadda Garowe ayaa lagu amray in aysan guryahooda ka soo bixin, islamarkaana ay yareeyaan isu-socodka iyo dhaq dhaqaaqyada aan muhiimka ahayn, si looga fogaado cudurka Coronavirus. Maamulka gobolka Nugaal oo amarkan soo saaray ayaa sidoo kale mamnuucay in la qabto kulamo siyaasadeed iyo dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha. Qoraalkaan oo maanta ah soo baxay ayaa lagu go’aamiyay in ay sii xirnaadaan goobaha waxbarashada oo ay horay u fasaxday wasaaradda waxbarashada Puntland. Sidoo kale maamulka ayaa ku hanjabay in ganaax iyo ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo u hoggaansami wayda amaradaasi. Dhanka kale wararka naga soo gaaraya isla magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi lagu karantiilay dad looga shakiyey inay qabaan cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus. Dadka la karantiilay oo dhammaantood rag ah ayaa gaaraya illaa lix qof, kuwaas oo looga shakiyey xanuunka. Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi ay si iskood ah u tageen xarumaha caafimaadka, si looga qaado baaritaano ku aadan xaaladdooda. Lixda qof ee la karantiilay ayaa lagu soo warramayaa inay dhowaan ka yimaadeen dalka dibaddiisa, islamarkaana ay tageen deegaanada Puntland. Illaa iyo hadda ma jiro kiis ay shaacisay Puntland, balse waxaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi ka jirta cabsi la xariirta faafitaanka cudurkaasi. Puntland ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo caabuqa Coron, iyadoona ku dhawaaqday inay xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo Itoobiya. View the full article
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Sabtida maanta qoraal kooban soo saaray, ayaa ku baaqay in la dhaqan-geliyo awaamiirta ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ee la xiriirta ka hortagga cudurka Coronavirus. Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale dadweynaha ku boorriyay, in ay u hoggaansamaan talooyinka ay hay’adaha caafimaadku ka bixinayaan ka hortagga iyo xakamaynta faafidda Xanuunka COVID-19. “Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland waxaan ugu baaqayaa inay qaataan talooyinka Hay’adaha Caafimaadka iyo Arimaha Gudaha ee Dawladda Puntland inta suurto gal ah” ayuu yiri madaxweyne Deni. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada. “Waan dareensanahay duruufaha dadkeena ku xeeran lakiinse waxaan ku baaqaynaa in la yareeyo; isu socodka laga maarmi karo, xafladaha iyo kulamada sida maqaaxiyaha iyo goobaha cibaadada.” Mudane Deni, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu qaadday tallaabooyin kala duwan oo looga hortagayo coronavirus, si uusan dalka ugu faafin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku baaqay in la dhaqan-geliyo awaamiirta la xiriirta Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  10. At least one Somali soldier was reported to have died and two others sustained wounds in an IED blast in the country’s troubled south on Saturday. A witness said the attack took place at Manya-Fulka, a rural area located on the outskirts of Baidoa city after remote-controlled landmine explosion struck a military convoy. There was no immediate claim of responsibility for the bombing, the latest in a series of IED attacks targeting Somali and AU troops in the south, mostly claimed by Al-Shabaab. Meanwhile, the allied forces have managed to flush out Al-Shabaab from several villages in Lower Shabelle region, the mostly recently Janale which fell to the government hands. View the full article
  11. Puntland ayaa sheegtay in ay Cisbitaal gaar ah ku karantiishay dad looga shakiyey in ay qabaan caabuqa Coronavirus. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo maanta la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay hayaan shan (5) qof oo looga shakiyey in ay qabaan xanuunka Coronavirus, laguna arkay qaar kamid ah calaamadihiisa. “Ma jirto cid Puntland laga xaqiijiyey oo laga helay Coronavirus, laakiin waxaa jira dad laga shakisan yahay, ama calaamadihii cudurka qeybo kamid ah lagu arkay, dadkaasi waa shan qof, afar qof oo ajnabi ah iyo hal qof oo Soomaali ah” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Wasiirka ayaa intaas ku daray in dadkaas hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay, ayna ku hayaan xarunta karantiilka ee Garowe, lagana ka qaaday dhacaankii lagu ogaan lahaa in ay qabaan caabuqa Coronavirus iyo in kale, jawaabtana la heli doono maalmaha soo aadan. “Dadkaas xaaladoodu waa fiican tahay, waxaan geynay xarunta karantiilka ee Garowe, wixii daawo ahaa ee ay u baahnaayeen waan siinay, waxaan ka qaadnay dhacaankii lagu ogaan lahaa ama lagu xaqiijin lahaa in ay qabaan iyo in aysan qabin xanuunkaas, baaritaankaasi wuxuu soo baxayaa maalmaha soo socda” ayuu mar kale yiri Wasiir Cabdinaasir Ilaa iyo hadda saddex qof oo mid kamid ah yahay ajnabi, ayaa Soomaaliya laga helay caabuqa Covid 19, sida ay xaqiijisay dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay hayso dad looga shakiyey Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  12. Iyadoo wadanka Sweden uu ka mid yahay dalalka uu saameeyay cudurka Coronavirus ayaa waxaa si gaar ah looga deyrinayaa xaaladda Soomaalida ku dhaqan dalkaasi. Illaa lix ruux oo Soomaali ah ayuu horay ugu dilay cudurka Corona Sweden, gaar ahaan magaalada caasimadda ee Stockholm oo Soomaali badan ay ku nool yihiin, haatana waxaa la soo sheegayaa inay jiraan Soomaali kale oo uu cudurku ku dilay dalka Sweden Maxamed Amiin Cadow oo ka tirsan Shabelle oo ku sugan magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa ka warramaya xaaladda guud. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-mahad.mp3 View the full article
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xogo aan helayno ayaa sheegaya in saacado ka hor ay Odayaal dhaqameed ay damiin ahaan kusii daayeen Dad kamid ah Lixdan qof oo Xukuumada Biixi u karantiishay fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Covid-19 ama Coronavirus. Somaliland ayaa dhowaan dad badan oo tiradoodu aheyd Lixdan qof u karantiishay fayruskaas, kuwaasi oo ay siday diyaarada Ethiopian Airlines oo iyadu duulimaadyadeeda caadiga ah ku timaada madaarka Hargeysa ee Cigaal. Sida ay ogaatay Caasimada Online, qaar kamid dadkaasi ayey fasaxday Xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi, iyadoo tixraaceysa damaanad qaadka Odayaashooda dhaqanka. Sidoo kale waxa la filayaa in Saacadaha soo socda in Dad kale oo badan lagu sii daayo damaanad, isla markaana Odayaashooda dhaqanku ay ka madax furtaan goobta lagu karantiilay. Talaabadan oo ah mid halisteeda wadata ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa ku kalifay Xukuumada Muuse Biixi, kadib markii Muran baahsan uu soo kala dhex-galay dadkii la karantiilay iyo Xukuumadooda. Dadka la karantiilay ayaa la dajiyey Huteelo qaali ah, kuwaasi oo ay ku doodeen inaysan awoodin in mudada Karantiilka ay iska bixiyaan kharashaadka ku baxaya, maadama aysan hore ugu soo talo galin, sida ay sheegeen. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ku qasbanaantay muran dheer kadib inay kafaalad qaado kharashaadka ku baxaya Dadkaasi, midaasi u muuqata inay awoodi weyday inay hayso muddo badan, taasi oo keentay inay damiin ahaan ku-siiso odayaashooda dadkaasi. Somaliland ayaa si ay uga baaqsato kharashaadka badan ee ka soo fuulay Karantiilka dadkaasi ayaa u muuqata inay door-biday sii deyntooda, iyada oo dadkaasi qaarkood ay baaritaan caafimaad kasoo marin wadamadii ay ka yimaadeen.
  14. Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada oo xilligaas howlgal waday iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday deegaankaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay Bariire ka kaxeysteen nin lagu magacaabo Cismaajio Xaji Iikow oo maamule ka ahaa Ceel-Biyood ku yaalla halkaasi, kaas oo ay baadi goobayaan laamaha amniga. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada dowladda ay baaritaano dheeraad ah ka wadaan agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  15. MOGADISHU (HOL) - All local flights within Somalia will be halted starting Sunday, the government has said while extending the international flights ban which was set to lapse this week. Source: Hiiraan Online
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS ayaa waxaa lagu sheegay in si KMG ah loo joojiyey duulimaadyada gudaha, sababo la xariira Corona. Qoraalka ayaa lagu sheegay in beri wixii ka dambeeya la mamnuucay diyaaradaha isaga kala goosha gudaha, marka laga tago kuwa sida daawooyinka iyo raashinka. Sidoo kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa shaacisay in amarkii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga ah uu weli sidiisii yahay, illaa amar dambe. Halkaan hoose ka aqriso: View the full article
  17. Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in la dhigay bar-control oo ciidamada milatariga ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Manya-fulka. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ka fuliya dalka, kuwaas oo beegsada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-280320.mp3 View the full article
  19. MOGADISHU (HOL) - Somalia remains at risk of importing COVID-19 cases because of poorly manned land borders and sea, the Minister of Health Fawziya Abikar. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo maanta lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo khudaarta. Bam-gacmeedka ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday ciidamada kuwa canshuurta uruuriya ee loo yaqaano Minishiibiyo. Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, taas oo aheyd haweeney, halka uu ku dhaawacmay nin kale oo oday ahaa, sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la weeraray ay rasaas xoogan fureen bambada kadib, waxaana goobta tegay ciidamo kale oo ka tirsan Booliska Soomaaliya. Weli wax faah faahin ah kama bixin weerarkaasi laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.