Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wadamada Yurub ayaa bilaabay iney dib u furaan dalalkooda kadib markii ay Dagaal Adag lagaleen Cudurka Corona Virus, waxayna tartiib tartiib u furayaan Nololmaalmeedkii. Wadamada [...] Source
  2. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta albaabada la’isugu laabay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka Coronavirus. Ilo caafimaad oo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabelle u sheegay in la joojiyey qaabilaAda bukaanada maalin walba tagi jiray isbitaalkaasi. Wararka ayaa sheegaya inay furan tahay kaliya qeybta gargaarka deg-dega ah oo loogu-talagalay dadka dhaawacyada qaba iyo haweenka Umulaya. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay shalay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 kiis oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay yihiin howlwadeeno ka shaqeynayey isbitaalka Digfeer ee M/ Muqdisho. View the full article
  3. Xidhibaan Sahro Cumar Maalin oo maanta shir jiraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadashay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka. Sahra oo ka tirsan BFS ayaa shir saxaafadeedkeeda ku soo qaaday arrimo la xariira cudurka Coronavirus oo walaac xoogan ku abuurayo dadka Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaadka iyo amarada dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday xaaladda Galmudug iyo kufsigii dhowaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/War-Zakariye-Xildhibaano-barlamanka-katirsan.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-11042020.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynta ayaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ka dalbaday inay raali-gelin buuxda siiso gabdhaha Soomaaliyeed, kadib warqad gef ku ah oo kasoo baxday. Warqaddan oo lagu xayeysiiyey shaqooyin ka banaan taleefishinka qaranka oo loo doonayo gabdho, ayaa lagu qoray shuruudo ay dad badan u arkeen takoor iyo aflagaado lagu sameeyey gabdhaha. Shuruudaha lagu xiray shaqada ayaa waxaa ka mid ahaa; “inaysan ka weyneyn 25 jir, inay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab taleefishin, inay leedahay cod warbaahineed iyo hub-qaad wanaagsan”, sida qoraalka loo dhigay Caynta oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo dhajisay 2 fursad shaqo oo gaar loogu qoondeeyay gabdhaha wariyayaasha ah. Balse shuruudaha lagu xiray ayaa fajac igu abuuray. In ka badan 12 sano ayaan wariye iyo tafatire kasoo ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn. Waligeyna ma arag takoor, aflagaaddo iyo akhlaaq darro ka weyn middan!” “Ka sokow inuu faquuqan kasoo horjeedo mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurkeenna, wuxuu kaloo gef weyn ku yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.” Caynte ayaa ugu dambeyn yiri “Wasaaradda Warfaafinta waxaa la gudboon inay la noqoto iidhehdaan, maxaa yeelay waxaa kasoo uraya ujeeddooyin kale. Sidoo kale, waa inay raalli galin siiso gabdhaha Soomaaliyeed.” Hoos ka arag warqadda
  6. Shir hor dhac u ah heshiis laga gaaro dagaaladii maalmahii la soo dhaafay ku dhexmarayay laba beelood oo walaala ah galbeedka magaalada Kismaayo ayaa dhinacyadii dagaalamay waxaa ay aqbaleen xabad joojin rasmi ah oo la dhexdhigay labadan beeloow. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaarkamid ah wax garadka beelaha gobolka, kuwaasi oo doonaya in heshiis laga gaaro colaada soo noqnoqatay ee ka dhex martay dadka reer guuraaga ah. Kulanka ayaa lagu go aamiyay in xiisada la qaboojiyo waxana lagu balamay in heshiis xabad joojin ah ay wada saxiixaan wax garadka dhinacyadii dirirtu dhex martay si dhiig dambe uusan u daadaadan, sidaasi waxaa wada jir u gudoonsaday Suldaanada hogaanka u ah labadan beelood. Beelahan ayaa dhawaan ku dagaalamay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, dagaalada oo salka ku haya is-qabqabsi la xiriira tuulooyin iyo dhulka daaqsimeed ayaa horay dhowr mar xal laga gaaray, balse dib ayey usoo laba kacleeyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Taliska iyo Saraakiisha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala deegaannada Galmudug ayaa hawlgallo ka sameeyay degaanka Camaara oo ka tirsan gobalka Mudug, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabab. Taliyaha qeybta 21-aad Ciidanka Xoogga dalka Gen C/Casiis C/Laahi “Qooje iyo Sarakii kale ayaa gaaray Camaara ayaa shacabka deegaanka la hadlay, Camaara ayaa ka Mid ah deegaanno dhowr ah oo gobolka Mudug ah oo ay maalulayeen Al-shabab muddooyinkii dambe. Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gen: “Qooje” oo la hadlayey shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan qorshahooda iyo mowqifkoodana uu yahay in nabada la gaarsiiyo dhammaan deegannada kale ee aan xorta aheyn sida uu hadalka u dhigay taliye Qooje. Waxuna sido kale taliyuhu ugu baaqay shacabka in Ciidamada ay ku garab siiyaan fulinta howshan, ciidamada soo gaaray deegaanka ayaa fariisinno ka samaystay wadooyinka soo gala deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Camaara ayaa waxaa ka mid noqonaysaa deegaanno dhaca gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ay gaareen iyadoo ciidamadu horay u gaareen deegaanka Qaayib oo dhaca bariga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo Baxdo oo ka samaysteen fariisin ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ayub Akhtar, oo 33 jir ahaa kuna noolaa Xaafada Norwood ee Koonfurta London ayaa wuxuu u geeriyooday Cudurka Corona Virus. Tagaasida Urban ayuu wadi jiray, [...] Source
  9. (SLT-New York)-Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee hal maalin laga diwaangeliyo inay Coronavirus dartii u dhinteen, tiradii ugu badnayd ee u dhimata adduunkoo dhan, taasi oo dhan 20,35 Qof (2 Kun iyo 35 Qof) Sida ay baahisay Jaamacadda Hopkins, afar iyo labaatankii Saacadood ee u danbeeyey, dad laba kun kor u dhaafayaa ayaa ku dhimatay Maraykanka. Mareykanka wuxuu si dhakhso leh u dhaafi karaa Talyaaniga isaga oo ku socda inuu ahaado dalka ugu badan ee dhimashada ee coronavirus Adduunka oo dhan. Laakiin, khubaro Aqalka Cad u xulay feyraskan ayaa sheegay in fiditaankiisu uu bilaabayo inuu meel xad ka baxa gaadho Maraykanka oo dhan. Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filanayo in Mareykanka ay ku dhintaan Dad tiro ahaan ka hooseeya tii saadaashu ahayd oo dhamayd 100,000. Maraykanku waxaa ku dhintay ku dhawaad 18,693 qof, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins. Ku dhawaad kala badh dhimashadaas waxaa laga diwaan geliyey Gobolka New York. Talyaanigu waxa uu diiwaangeliyay 18,849 dhimasho halka adduunka in ka badan 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska. Baadhayaasha ayaa saadaaliyay in tirada dhimashada Mareykanka ay ku dhici doonto heerkeedii ugu sareeyay Jimcaha ka dibna si tartiib tartiib ah ay u bilaabi doonto inay hoos u dhacaan, oo ay ku dhacaan ku dhawaad 970 qof maalin kasta 1-da May. Dr Anthony Fauci, madaxa cudurrada faafa ee Mareykanka, wuxuu ku raacay in Mareykanku uu bilaabayo inuu heerka uu marayo hoos uga dhaco siiba dadka qaadaya iyo kuwa u dhimanayaba. Laakiin wuxuu intaas ku daray in kasta oo “horumarka muhiimka ah” uu jiro, haddana in dadaallada lagu yaraynayey la sii wado, sida kala fogaanshihii bulshada. Magaalada New York oo ah Magaalada Dadka ugu badani ugu dhinteen Xanuunka Covid_19 ayaa Dadka lagu aasayaa Xabaal-wadareed. Xabaalo lagu aasi jiray Dadka la garan waayo ee ku dhintay New York ayaa hadda laga dhigay goob lagu wada aaso dadka u dhinta xanuunkan dunida aafeeyay. Xabaalahaasi waxa Toddobaadkii lagu aasi jiray 25 Qof, balse imika Maalintii waxa lagu aasaa tiro intaa ka badan. Source
  10. Dagaal xooggan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa uu ka qarxay deegaan lagu magacaabo Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana oo u dhexeeyaa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariye iyo tuulooyin kale, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas. Dagaalka ka socda deeghaanka Waqdariye ee u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, wuxuuna salka ku haaya dul-daaqsimeed iyo dilal hore oo la xidhiidha aanooyin qabiil Qaran News
  11. Wasaarada Ganacsiga Jubbaland ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen waxay Ganacsatada fareen in la joojiyo sixirbararka lagu sameeyey Macayshada iyadoo laga faa’iideysanayo Xaalada Corono viruska. Ganacsatada [...] Source
  12. Bosaso (PP News Desk) — According to reports from Eastern Sanaag clan feuding erupted earlier today at Waqideriya coast north of Las Qoray district. Hostilities began when armed militias belonging to rival subclans clashed there. Due to poor infrastructure and lack of communications in the area Puntland Post has not been able to find out the number of casualties. Neither Puntland nor Somaliland, to which rival militias separately belong, has issued statement on hostilities. Parts of Sanaag are under the control of Puntland and Somaliland administrations. Hostilities will compound pressures already facing Puntland and Somaliland due to the Covid-19 pandemic. © Puntland Post, 2020 The post CLAN FEUDING ERUPTS IN EASTERN SANAAG appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhammaadkii 2019 waxaa dunida ka dillaacay cudur aan illaa hadda la helin dawadiisa, Soomaaliya wuxuu soo gaaray viruska bishii March 2020, Dowladduna waxay sheegtay in qofkii koowaad u dhintay cudurka covid19 April 08, 2020, intaa waxaa dheer in uu haleelay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka. Ma ihi xeel-dheere caafimaad ama dhaqar mana jecli inaan ka hadlo wax aanan cilmigeeda lahayn waxaanse ka baaqsan waayey inaan wax ka dhaho xakameynta cudurka coronavirus. Dowladaha dunida waa ku kala duwan yihiin siyaasadda maareynta cudurkaan waxaana ugu waaweyn laba qeyb:- Ka sifeynta cudurka dalka:- waxayna kula tacaaleen tallaabooyin kala duwan sida in Bandow lagu soo rogo dalka , in dadka loo baaro qof-qof, waxaana intaas baal socota in dowladdu ganacsiyada hakadka galay, iyo dadka shaqooyinkoodii ka fariistay ay siiso kabis dhaqaale . Is-baridda Dadka iyo Cudurka: tani waa hannaan dadka u oggolaanaya inay noloshooda caadiga ahayd wataan , iyada oo Dowladduna bixineyso adeegyo caafimaad , iyo wacyi-gelin dadweyne. Soomaaliya waxay qaadatay hannaan u eg sifeynta aanse tabar loo heyn mana ahan mid ku habboon Soomaaliya ama taageeraya duruufaha labo sabab aawadeed:- Dhaqan iyo Dhaqaale Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad furfuran oo inta badan u nugul in cudurkaan ku fido iyadoo ay sahlayaan saddex qodob:- Dhanka isasaamaxa salaanta ama hab isasiinta ee dadka soomaaliyeed Dhaqan xishood oo bulshada Soomaaliyeed u leedahay ineysan qiran cudur dadku u arkaan halis taasoo keenta in qof bukaan ah uu dadka ku dhex nagaado sidaana cudurku ku faafo.. Dhaqanka xiriirka qoysaa oo keenay in dadka Soomaaliyeed ay dhoobtaan goobaha caafimaadka marka uu xanuunsado qof qaraabo ah ama ehel ah. Dhaqaale ahaan hannaanka xakameynta saameyn taban ayuu ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba. Tusaale markii la xaqiijiyay in cudurku soo gaaray dalka, dowladda Soomaaliya waxay qaadday tillaabooyin ay u aragtay in lagu xakameyn karo faafidda cudurka, sida; in la xaddiday duulimaadyada dibadda iyo gudaha, , goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay Dalka dhaqaale ahaan waa hanti-goosad oo inta badan shaqa abuurka waxaa sameeya shirkadaha gaarka loo leeyahay, dakhliga dadkuna wuxuu ku tiirsan yahay shaqo-maalmeedkooda, dowladduna ma kabto dhaqaalaha shirkadaha goonida loo leeyahay. Qurbojoogii soo dir jirtay wax kabadan 1 billion sanadkii oo aan soo diri Karin Waxaa saameyn xooggan ku yeeshay dakhliga dadka xayiraadda duulimaadyada oo dad badan ay ku tiirsanaayeen, waxaana hakad galay dhoofka iyo soodejinta ganacsiga. Go’aanka ay dowladdu fasaxa ku gelisay waxbarashada, wuxuu taabtay nolosha dad ku tiirsan waxbarista, sida macallimiinta dugsiyada iyo Jaamacadaha. Haddaba marka la eego xaaladda dhaqaale, dhaqan iyo tabarta dowladda waxaa ila habboon in aan lagu degdegin bandow iyo xayiraad shaqo ayna Soomaaliya qaadato siyaasadda qaabbilaadda furan ee la falgalka cudurka oo lala noolaado cudurkaan ama uu saf mar noogu dhaco kaddibna aan bogsanno isaga oo aan dhaqaale burbur nagu ridin. Maxay Soomaaliya ugu nugushahay xanuunka COVID-19 Waxaa bud dhig u ah dooddaan saddex qodob:- Qaab dhismeed bulsho Soomaaliyeed, tabarta dhaqaale, iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed Hubaal in viruska Covid19 yahay dilaa aan tallaal lahayn fursaddiisuna tahay ka hortag iyo la qabsi, bulshada Soomaaliyeed badanaa waa da’ dhexaad, xigashada dhaqaatiirta iyada oo aan dammaanad qaadeyn badbaado nafeed waxay sheegtay in qofka leh difaac jidh uu ka bogsan karo virus,ka adkeysina ay u leeyihiin viruskan da’ dhexaadka caafimaadka qaba. Sida dhaqtar Gabboose sheegay waa in waayeelka la geeyo miyiga oo magaalooyinka dadku u badan yihiin laga saaro ayna helaan nafaqo ku filan. Soomaaliya waa dal tabartiisa dhaqaale liidato ayna dadku ku tiirsan yihiin shaqo maalmeedka mana jirto muddo cayiman oo la sheegay in lagu helay tallaalka cudurkan, waxayse qaadaneysaa ugu yaraan 18 bilood sida quburada caafimaadka sheegeen, haddaba xayiraadda dhaqaale ee saaran dalka ma u adkeysan karo muddadaa, waxaana imaanaya sicir barar, daqliga dowladda oo yaraada, macluul iyo cunto yari. Wasaaradda caafimaadka ma laha tamar ay ku baarto dhammaan dadka oo dhan, mana lahan goobo takoor oo dadka qaada, mana lahan miisaaniyad dhaqaale oo lagu maareeyo marka la eego qoondada miisaaniyadda ee 2020, mana jirin qorshe maaliyadeed oo golaha baarlamaanka u ansixiyay oo xukuumaddu soo gudbisay kaddib markuu dillaacay cudurkaan. Intaa waxaa dheer in wasaaradda caafimaadka uu ka jiro qalalaase maamul. Waxaase habboon inay wixii tabar dhaqaale ah oo ay hayso isugu geyso sidii ay u awoodi lahayd qaabbilaadda dadka bukaan jiifka ah ee cudurkaan soo haleelayo. Intaa waxaa dheer in hey’adda caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay WHO sheegtay in 100,000 qof ee Soomaaliya jooga uu kusoo aadayo 1 dhaqtar. (2016 report). Waxaa kale oo ay intaa WHO ku dartay in awoodda difaaca ama ka hortagga musiibo ee Soomaaliya ay tahay 6%. taasina waxay marqaati ka tahay ineysan dowladda Soomaaliya maareyn karin cudurkaan. Hababka Nolosha dadka Soomaaliyeed waa mid u sahlan isku gudbinta cudurkaan ma qorsheysna deegaanku, dadku cuntada ayey wada cunaan, booqashada goobaha caafimaadka waa xad dhaaf, iska war-haynta ehelka waa is arag kaba sii daran haddii qof ka mid ah ehelka jirrado ama cudurku haleelo, intaa waxaa dheer ku dhex faafka mab’da qaldan ay ka aaminsan yihiin cudurrada iyo qaddarta Alle. Gunaanad. Cudurka covid-19 waa virus saf mar ah kuna dhacay dadyowga dunida ku nool guud ahaan, walina la ma hayo dawo lagu dabiibo, isagoo saameyn nololeed oo taban ku yeeshay dhammaan saddexda heer ee dunidu dhaqaale ahaan ka kooban tahay. Haddaba Waxaa La Gudboon Wasaaradda Caafimaadka Iyo xukuumadda Guud Ahaan Inay qaadaan dhawr tillaabo. Kulan degdeg ah oo xirfadleyaasha caafimaadka lagu talo weydiinayo. Xoojinta wacyi-gelinta dadweynaha Cilmi-baaris ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed. Qaban qaabinta qorshe kaabis daqli loogu sameynayo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dajinta qorshe ka hortag macluul iyo cunno yari ka dillaacda dalka. In qoys walba oo Soomaaliyeed u tashado badbaadinta waayeelkiisa sida in dhulka miyiga fog loo diro. Ama hadii ay awooddaan ay u qoondeeyaan guri gooni ah. In dhaqaatiirta Soomaaliyeed ku wacyi geliyaan dadka qaabdhismeedka difaaca jidhka. W/Q: Xasan Maxamuud “Sinney”.
  14. Todobaadkaan horaantiisa Waxaan shaacinay in Qofbukaan ah oo Isbitaalka Digfeer ku jiray uu qabay Cudurka Corona Virus balse aan laga warhayn taasoo keentay in hada [...] Source
  15. New York (PP) — Jack Dorsey, asaasaha Twitter, ayaa 28% hantidiisa ugu deeqay ololaha la dagaallanka cudurka Covid-19. Yabooha Dorsey, oo gaaraya hal bilyan oo doollar, wuxuu qayb ka yahay dadaalka samafaleed oo uu hindisihiisa Start Small Foundation ku salaysan yahay. Yabooha Jack Dorsey wuxuu gacan ka geysan doonaa la dagaallanka caabuqa Covid-19 “Marka laga adkaado cudurka safmarka ah waxaa xoogga la saari doonaa waxbarashada iyo caafimaadka gabdhaha” ayuu Dorsey yiri. Asaasaha Twitter ayaa ku talojiray inuu qayb ka mid ah sanadkan ku qaato qaaradda Afrika hase ahaatee dib ayuu uga fiirsanayaa qorshaha cudurka Covid-19 awgiis. Yabooha uu Dorsey bixiyay baa ka dhigaya isaga qofka bixiyay lacagta ugu badan ilaa hadda si loola dagaallamo caabuqa faraha ba’an ku haya dunida. Jeff Bezos, Bill Gates iyo Micheal Dell wuxuu midkiiba ballanqaaday inuu ku deeqayo boqol milyan oo doollar. © Puntland Post, 2020 The post Asaasaha Twitter oo Hal Bilyan ugu deeqay la dagaalanka Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  16. GALKAYO (HOL) - A staffer at Galkaayo Airport was gunned down Friday night by armed men who were not immediately identified. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta albaabada la’isugu laabay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka faafa ee Corona, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil dhanka caafimaadka ah oo lagu kalsoon yahay. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya la joojiyey qaabilada bukaanada imaan jiray isbitaalkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay furan tahay kaliya qeybta gurmadka deg-deg ah ee loogu tala-galay dadka dhaawacyada ah iyo haweenka foosha ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay isbitaalka, islamarkaana la karantiilay dhaqaatiir, shaqaale iyo howlwadeeno ka tirsan isbitaalka Digfeer, kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey cudurka halista badan ee Coronavirus. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 xaaladood oo Fayruska Corona ah oo saddex ka mid ah dadka laga helay ay ka howlgalayeen isbitaalka la xiray ee Digfeer. Cabsida laga qabo faafida COVID-19 ee Soomaaliya ayaa sii kordheysa marba marka ka dambeysa, iyadoona dowladda federaalka ay wado dadaallo lagu xakameynayo cudurka.
  18. Dhammaadkii 2019 waxaa dunida ka dillaacay cudur aan illaa hadda la helin dawadiisa, Soomaaliya wuxuu soo gaaray viruska bishii March 2020, Dowladduna waxay sheegtay in qofkii koowaad u dhintay cudurka covid19 April 08, 2020, intaa waxaa dheer in uu haleelay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka. Ma ihi xeel-dheere caafimaad ama dhaqar mana jecli inaan ka hadlo wax aanan cilmigeeda lahayn waxaanse ka baaqsan waayey inaan wax ka dhaho xakameynta cudurka coronavirus. Dowladaha dunida waa ku kala duwan yihiin siyaasadda maareynta cudurkaan waxaana ugu waaweyn laba qeyb:- Ka sifeynta cudurka dalka:- waxayna kula tacaaleen tallaabooyin kala duwan sida in Bandow lagu soo rogo dalka , in dadka loo baaro qof-qof, waxaana intaas baal socota in dowladdu ganacsiyada hakadka galay, iyo dadka shaqooyinkoodii ka fariistay ay siiso kabis dhaqaale . Is-baridda Dadka iyo Cudurka: tani waa hannaan dadka u oggolaanaya inay noloshooda caadiga ahayd wataan , iyada oo Dowladduna bixineyso adeegyo caafimaad , iyo wacyi-gelin dadweyne. Soomaaliya waxay qaadatay hannaan u eg sifeynta aanse tabar loo heyn mana ahan mid ku habboon Soomaaliya ama taageeraya duruufaha labo sabab aawadeed:- Dhaqan iyo Dhaqaale Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad furfuran oo inta badan u nugul in cudurkaan ku fido iyadoo ay sahlayaan saddex qodob:- Dhanka isasaamaxa salaanta ama hab isasiinta ee dadka soomaaliyeed Dhaqan xishood oo bulshada Soomaaliyeed u leedahay ineysan qiran cudur dadku u arkaan halis taasoo keenta in qof bukaan ah uu dadka ku dhex nagaado sidaana cudurku ku faafo.. Dhaqanka xiriirka qoysaa oo keenay in dadka Soomaaliyeed ay dhoobtaan goobaha caafimaadka marka uu xanuunsado qof qaraabo ah ama ehel ah. Dhaqaale ahaan hannaanka xakameynta saameyn taban ayuu ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba. Tusaale markii la xaqiijiyay in cudurku soo gaaray dalka, dowladda Soomaaliya waxay qaadday tillaabooyin ay u aragtay in lagu xakameyn karo faafidda cudurka, sida; in la xaddiday duulimaadyada dibadda iyo gudaha, , goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay Dalka dhaqaale ahaan waa hanti-goosad oo inta badan shaqa abuurka waxaa sameeya shirkadaha gaarka loo leeyahay, dakhliga dadkuna wuxuu ku tiirsan yahay shaqo-maalmeedkooda, dowladduna ma kabto dhaqaalaha shirkadaha goonida loo leeyahay. Qurbojoogii soo dir jirtay wax kabadan 1 billion sanadkii oo aan soo diri Karin Waxaa saameyn xooggan ku yeeshay dakhliga dadka xayiraadda duulimaadyada oo dad badan ay ku tiirsanaayeen, waxaana hakad galay dhoofka iyo soodejinta ganacsiga. Go’aanka ay dowladdu fasaxa ku gelisay waxbarashada, wuxuu taabtay nolosha dad ku tiirsan waxbarista, sida macallimiinta dugsiyada iyo Jaamacadaha. Haddaba marka la eego xaaladda dhaqaale, dhaqan iyo tabarta dowladda waxaa ila habboon in aan lagu degdegin bandow iyo xayiraad shaqo ayna Soomaaliya qaadato siyaasadda qaabbilaadda furan ee la falgalka cudurka oo lala noolaado cudurkaan ama uu saf mar noogu dhaco kaddibna aan bogsanno isaga oo aan dhaqaale burbur nagu ridin. Maxay Soomaaliya ugu nugushahay xanuunka COVID-19 Waxaa bud dhig u ah dooddaan saddex qodob:- Qaab dhismeed bulsho Soomaaliyeed, tabarta dhaqaale, iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed Hubaal in viruska Covid19 yahay dilaa aan tallaal lahayn fursaddiisuna tahay ka hortag iyo la qabsi, bulshada Soomaaliyeed badanaa waa da’ dhexaad, xigashada dhaqaatiirta iyada oo aan dammaanad qaadeyn badbaado nafeed waxay sheegtay in qofka leh difaac jidh uu ka bogsan karo virus,ka adkeysina ay u leeyihiin viruskan da’ dhexaadka caafimaadka qaba. Sida dhaqtar Gabboose sheegay waa in waayeelka la geeyo miyiga oo magaalooyinka dadku u badan yihiin laga saaro ayna helaan nafaqo ku filan. Soomaaliya waa dal tabartiisa dhaqaale liidato ayna dadku ku tiirsan yihiin shaqo maalmeedka mana jirto muddo cayiman oo la sheegay in lagu helay tallaalka cudurkan, waxayse qaadaneysaa ugu yaraan 18 bilood sida quburada caafimaadka sheegeen, haddaba xayiraadda dhaqaale ee saaran dalka ma u adkeysan karo muddadaa, waxaana imaanaya sicir barar, daqliga dowladda oo yaraada, macluul iyo cunto yari. Wasaaradda caafimaadka ma laha tamar ay ku baarto dhammaan dadka oo dhan, mana lahan goobo takoor oo dadka qaada, mana lahan miisaaniyad dhaqaale oo lagu maareeyo marka la eego qoondada miisaaniyadda ee 2020, mana jirin qorshe maaliyadeed oo golaha baarlamaanka u ansixiyay oo xukuumaddu soo gudbisay kaddib markuu dillaacay cudurkaan. Intaa waxaa dheer in wasaaradda caafimaadka uu ka jiro qalalaase maamul. Waxaase habboon inay wixii tabar dhaqaale ah oo ay hayso isugu geyso sidii ay u awoodi lahayd qaabbilaadda dadka bukaan jiifka ah ee cudurkaan soo haleelayo. Intaa waxaa dheer in hey’adda caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay WHO sheegtay in 100,000 qof ee Soomaaliya jooga uu kusoo aadayo 1 dhaqtar. (2016 report). Waxaa kale oo ay intaa WHO ku dartay in awoodda difaaca ama ka hortagga musiibo ee Soomaaliya ay tahay 6%. taasina waxay marqaati ka tahay ineysan dowladda Soomaaliya maareyn karin cudurkaan. Hababka Nolosha dadka Soomaaliyeed waa mid u sahlan isku gudbinta cudurkaan ma qorsheysna deegaanku, dadku cuntada ayey wada cunaan, booqashada goobaha caafimaadka waa xad dhaaf, iska war-haynta ehelka waa is arag kaba sii daran haddii qof ka mid ah ehelka jirrado ama cudurku haleelo, intaa waxaa dheer ku dhex faafka mab’da qaldan ay ka aaminsan yihiin cudurrada iyo qaddarta Alle. Gunaanad. Cudurka covid-19 waa virus saf mar ah kuna dhacay dadyowga dunida ku nool guud ahaan, walina la ma hayo dawo lagu dabiibo, isagoo saameyn nololeed oo taban ku yeeshay dhammaan saddexda heer ee dunidu dhaqaale ahaan ka kooban tahay. Haddaba Waxaa La Gudboon Wasaaradda Caafimaadka Iyo xukuumadda Guud Ahaan Inay qaadaan dhawr tillaabo. Kulan degdeg ah oo xirfadleyaasha caafimaadka lagu talo weydiinayo. Xoojinta wacyi-gelinta dadweynaha Cilmi-baaris ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed. Qaban qaabinta qorshe kaabis daqli loogu sameynayo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dajinta qorshe ka hortag macluul iyo cunno yari ka dillaacda dalka. In qoys walba oo Soomaaliyeed u tashado badbaadinta waayeelkiisa sida in dhulka miyiga fog loo diro. Ama hadii ay awooddaan ay u qoondeeyaan guri gooni ah. In dhaqaatiirta Soomaaliyeed ku wacyi geliyaan dadka qaabdhismeedka difaaca jidhka. W/Q: Xasan Maxamuud “Sinney”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ku gaaray deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo ay dhuumaaleysi ku joogeen Al-Shabaab. Taliyaha qeybta 21-aad Genaraal Cabdcasiis Cabdullaahi (Qooje) iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa horkacayey howlgalka qorsheysan ee lagu tegay halkaasi. War ka soo baxay taliska qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedka uu yahay xaqiijinta amniga gobolka Mudug iyo sidii dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Taliye Qooje iyo saraakiisha la socda oo kulan gaar ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha bulshada ayaa uga mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyeen. Sidoo kale wuxuu ka dabaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad-gelyada deegaanka. “Gaadiidka dagaalka ee Xoogga Dalka ayaa si rasmi ah ugu Sugan wadooyinka Camaara waxaana farxad iyo Reyn Reyn Ku soo Dhoweeyay Ciidamada Shacabka Camaara oo Mudoba Sugayay Tilaabadan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta 21-aad. Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku ay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, kuna gaari doonaan tuulooyinka hoos-yimaada Camaara. “Taliska 21-aad ayaa qorsheynayey Mudooyinkanba Howlgalada Argagaxisada looga Saarayo Deegaanada ay Ku Dhuumaaleysanayaan ee Galmudug waana Tilaabo qayb ka ah Qorshaha Ciidamada Dowladu Ku Wiiqayaan Awooda Kooxda Alshabaab oo Haatan sii Daciifaysa” ayaa markale lagu yiri War-Saxaafadeedka ka soo baxay taliska 21-aad. Xaaladda ayaa hadda ah mid yare kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal uu ka dhoco halkaasi.
  20. Warar aan goordhow helnay ayaa sheegaya in guud ahaan albaabada loo laabay oo Coronavirus dartiis loo xiray, lana istaajiyey shaqada isbitaalka ugu weyn Soomaaliya ee Digfeer Mas’uuliyiin ka tirsan isbitaalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa goordhow xaqiijiyey iney xireen isbitaalka oo aaney qaabili doonin bukaanno aan ka aheyn kuwa qaraxa haleelo, xabad ku dhacday, toorey la dhiig baxayo ama haweeney fool ah. Arrintan ayaa timid kadib markii saacadihii tagay Coronavirus laga helay 3 dhakhtar oo ka tirsan isbitaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa shaaciyay in ururka uu dowladda federaalka ugu deeqay lacag dhan 27 Milyan oo Euro, taas oo loogu tala-galay xakameynta cudurka Coronavirus. Nicolas Berlanga Martinez oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ballan qaaday in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageerayo la dagaalanka COVID-19. Midowga Yurub ayaa horay u sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ay ku taageeri doonaan dhaqaale badan, si dalalkaasi ay ugu fududaato xakameynta COVID-19. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu saameeyey cudurka, waxaana wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay illaa kiisas gaaraya 21 qof oo xaalad karantiil ah ku jira. View the full article
  22. Yemen has reported its first coronavirus case in a southern province, raising fears of catastrophic consequences in a healthcare system broken by five years of war. Source: Hiiraan Online
  23. Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee hal maalin laga diwaangeliyo inay Coronavirus dartii u dhinteen, tiradii ugu badnayd ee u dhimata adduunkoo dhan. Sida ay baahisay Jaamacadda Hopkins , afar iyo labaatankii saac ee u danbeeyey, dad laba kun kor u dhaafayaa ayaa ku dhimatay Maraykanka, halka la xaqiijiiyey in ay qaadeen nus Malyan qof. Mareykanka wuxuu si dhakhso leh u dhaafi karaa Talyaaniga isaga oo ku socda inuu ahaado dalka ugu badan ee dhimashada ee coronavirus adduunka oo dhan. Laakiin khubaro Aqalka Cad u xulay feyraskan ayaa sheegay in fiditaankiisu uu bilaabayo inuu meel xad ka baxa gaadho Maraykanka oo dhan. Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filanayo in Mareykanka ay ku dhiintaan dhimasho ka hooseysa tii saadaashu ahayd oo ahayd 100,000. Goobjoog News Source: goobjoog.com