-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Innaa Lillaah wa Innaa Ileeyhi Raajicuun. Waxaa geeriyooday (AUN) raysalwasaarihii hore: Mudane Nuur Xasan Xuseen, oo ku magac dheeraa: Nuur Cadde. Wuxuu ahaa raysalwasaare ummad badanoo Soomaaliyeed, abaal qiima badan ku leh, ummadaasoo xasuuq ba’ani ku socday xilligaa, si uu u badbaadiyana, kursigii raysalwasaarenimo, ee uu ku fadhiyey, miiska saarayoo ka dhaqaajiyey. Allaah ha u naxariistee, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxa uu dhashay 16-kii Febaraayo sanadkii 1937-dii, wuxuuna ahaa raysalwasaarihii 12-aad, ee taariikhda Soomaaliya soo maray. Mudane RW Nuur Cadde wuxuu ahaa u adeegihii shacabkiisa xilligii ugu adkaa. Wuxuu gurmad aan la hilmaami karin ugu fidiyey Bisha Cas,oo uu hogaaminayey, isagaa qalabeeyey isbitaal Keeysaneey, waqtigii caajada loo dhaamaanayey, ee ku caan-baxay: Xilligii Caga-Bararka. RW Nuur Cadde wuxuu xilka qabtay, xilli adagoo caasimadii dalka eey isku dhex eryanayeen: Muqaawamadii xilligaa, Dowladii xilligaa, iyo ciidamadii dalka qabsaday ee Itoobiyaanka. Wuxuu xukunka qabtay iyadoo xasuuq ba’ani uu ka socdo dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta dalka, haba ugu darnaadeene gobolka Banaadir iyo hareerahiisa. Xasuuqaa oo eey geeysanayeen dowlada Itoobiya, oo markaa uu hogaaminayey Meles Zenawi, iyo dowladii eey taagiyadeena dalka ku keensatay. RW Mudane Nuur Cadde, xiligii uu imaanayey tusaale ahaan, Suuqa Bakaaraha, ee ku yaalla caasimada dalka, oo ah meesha uu yaallay dhaqaalaha ummada, inta ugu badanna u biil doonan jirtay, ayaa waxaa si joogta ah, oo waliba ula kac ah, loogu garaaci jiray madaafiic, ummad aad u farabadana, loogu gumaadi jiray maalin kasta, si horin horin ama koox koox ah. Meelkastoo magaalada Muqdisho ka mid ah, hadii taayar ama sheeg qarxo, waxaa la leyn jiray ama la xasuuqi jiray, waxkastoo dhaqaaqaba, xoolo iyo bini’aadam intaba, iyadoo sidoo kale aan loo eegin waayeel, dumar iyo caruur midkoodna. Ummada waxaa laga qabqabsan jiray wadooyinka Muqdisho, xabsiyo ayaana laga buuxsan jiray, kadibna loo qeeybin jiray, qaar la daldalo, ama la toogto, iyo qaar dhaqaale soo deyntooda lagu baado. Waxeey aheyd xilli masaajidda ummada si joogto ah, loogu xasuuqi jiray, haba ugu caansanaadee xasuuqii ka dhacay masaajidka aadka u weyn, ee Al-Hudaa ee jamaacada tabliiqa, kuna yaala Huruwaa/Heliwaa, ee culumadii Tabliiqa iyo ummad badanoo joogtayba, dhagta-Dhiiga loo wada daray. Xad malaha iyana dumarka la kufsaday, kadibna si darxumo ah loo dilay, cidina eeysan is weeydiin, maadama meydku dariiqyada wada yaallay. Wuxuu ahaa xilli aad u adag. Soomaali Maxamed dal iyo dibadba weey kacdayoo, kawada dhiidhisay. Kuwa dibadaha jira, ayaa isku daray mudaharaadyo joogta ah, iyo dhaqaale soo aruurin iyo soo dirid. Kuwa gudaha joogayna, waxaa loo wada istaagay difaaca dalka, iyo sidii ummadaa dulliga looga dul-qaadi lahaa, iyo waliba sidii Itoobiyaanka dalka looga saari lahaa intaba. Dad aan waligood qori qaadin, qorshahana ugu jirin, ayaa xiligaa qoryaha qaatay, qofkasta wuxuu ku qasbanaaday inuu noqdo “Muqaawamo”, illeen wax kaluu dhowrto ayaan jirine. Team/koox yaroo raysalwasaare Nuur Cadde hogaaminayey, uuna ka mid ahaa danjire Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, ayaa waxeey hogaanka u qabteen, geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen, sidii loo joojin lahaa xasuuqa ummadaa ku socda. Safarro is dabajoog ah, shirar aan kala go’laheynoon loo kala kicin, doodo miisaska la isu garaacday, qoraallo dunida dacalladeeda loo kala diray, ayaa ugu dambeyn waxeey beesha caalamka, oo eey ugu horeeyaan quwadaha waaweyn, ku qanciyeen in waxa Koonfurta ka dhacaya, yahay xasuuq ummadeed, oo aan la aqbali karin, si loosoo afjarana lagama maarmaan tahay, in lala heshiiyo mucaaradkii hubeysnaa, dowlada markaa jirtayna gabi’ ahaanba meesha ka baxdo, oo uu ugu horeeyo madaxweeynihii markaa, (kaasoo Mareeykanku ku qasbay inuu is casilo), dowlad cusubina meesha timaado, ciidamada Itoobiyaankana dalka laga saaro. Intaa kadib wuxuu RW Nuur Cadde udub dhexaad u noqday wada-hadalkii dhex maray dowladii KMG, iyo garab kamid ah maxkamadihii, oo saldhigtay dalka Jabuuti, waxaana ugu dambeyn halkaa lagusoo dhisay, baarlamaan ka koobnaa saddex dhinac oo kala ahaa, Dowladii KMG, Maxkamadihii, iyo bulshada rayidka. Mudane RW Nuur Cade wuu ogaa inuu ka shaqeeynayey in dowladii markaa jirtay, oo dhibka socday qeyb weyn ku laheyd, meesha ka baxdo, dowlad mucaaradkii hubeysnaa, qeyb ka yahayna la dhiso, Itoobiyaanka dalka laga saaro, si xasuuqa ummadaa ku socday u istaago, si hadafkaa loo gaarana, wuxuu diyaar u ahaa, inuu kursigaa raysalwasaarenimo uu ku waayo, siyaasiyiinta Soomaaliyeedna kursi si eey u ehelaan, ama mid eey markaa ku fadhiyaan, usii heeystaan, ayey aduun iyo aakhiraba, dad iyo dalba uwada dhaafsanayaan. Qaarbaa si eey xukunka ugusoo noqdaan, dadkii iyo deegaankii eey kasoo jeedeenba, bilaa xuquuq dhigay, iyagiina masoo noqon. Xafiiska raysalwasaarenimo ee uu qabtay sanadkii 2007-dii, waxa uu baneeyay sanadkii 2009-kii, kadib markii Jabuuti lagu doortay Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd mudane Shariif Sheekh Axmed, oo isna raysalwasaare muddo kadib u magacaabay mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Xasuuq ka badbaadinta ummadaa, Allaah ka sokoow, waxaa abaalkeeda iska leh Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Allaha ka abaal mariyee, iyo team-kii/kooxdii la shaqeeyneeysey. Guaanad R/W hore Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaan Allaah uga baryayaa inuu dambigiisa iyo dambi waalidkiisba dhaafo. Jannatul-Firdoowsana ka waraabiyo, qoyskiisii, ehelkisii, asxaabtiisii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan kawada siiyo.Allahuma aamiin Innaa Lillaahi, Wa Innaa Ileeyhi Raajicuun. C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor) – Waa dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com Minnesota-USA.
-
Muudiye is a settlement in Gardafui. It is 300 KM to Bosaso, the commercial city of Puntland. It takes 10 hours to travel between Muudiye and Boosaso due to the layout of the unpaved road without uphills. The road from Alula to the countryside ends at Hursalle. The terrain between Hursalle and Muudiye is classified as plateau with three uphills. Hursale residents have begun a self-help scheme at a nearby uphill. Muudiye residents have added 25 KM to the gravel road. They aim is to work on the remaining 20 KM to make it easy for drivers to travel on the gravel road. No obstacle is too insurmountable The main barrier that makes travelling between Aluula and Bosaso a difficult journey are two uphills over which cars and lorries cannot drive. Once those two uphills are either flattened or made less risky for drivers, travelling to Alula will be enjoyable and unlock economic opportunities of Bari region. Such an initiative will have positive impact Haabbo, Mur’anyo and associated hamlets. By Dr. Ahmed Maskax The post People in Puntland’s Easternmost Districts Address Infrastructure Disadvantages Through a Self-help Scheme appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay dalal cadow ku ah, oo ay kamid tahay dowladda federaalka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku gacan seyrtay inay aqoonsi buuxa siiso madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, iyada oo ilaa hadda loo aqoonsan-yahay maamul ka tirsan Soomaaliya. Gudoomiye Saleebaan ayaa ka dhawaajiyey in Beesha caalamku ay arrimaheeda faraha kala baxdo, maadama uu si cad u diiday inuu u aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya. Saleebaan ayaa sidoo kale muujiyey in Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland looga dan leeyahay in dib loo mideeyo, isla markaana loo diidan yahay inay wada-hadaladaasi ka dhashaan madax-banaani ay hesho. “Somaliland cadowgeedu waa badan yahay, aduunku inuu noo taliyo ayuu rabaa inaan wada-hadalno oo wax iska celinana ma rabo, Ictiraaf la’aanta midnimadeena kaga soo gudubnay. Aduunkiina wuu diiday inuu na ictiraafo ee ha na nabad-gasho” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland. Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xili uu soo shaac baxay qorshe uu Abiy Ahmed uga dan leeyahay dib u furida wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo door weyn uu ka qaadan doono Ra’iisal wasaare Khayre iyo xubno aamisan fikirka midnimada Soomaaliya.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-09042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Shariif Maxamed Maxamuud ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee gudaha dalka ugu geeriyooday cudurka Coronavirus, kaas oo shalay gabal dhicii ku dhintay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa intii uu xanuunsanaa waxa uu mudo sagaal cisho ah ku jiray isbitaalka Aadan Cadde ee Muqdisho, ka hor inta aan loo wareejin isbitaalka Martiini oo markii dambe lagu karaantiilay, kadib markii la ogaaday in uu qabo Coronavirus. Dr. Maxamuud Zaahid Maxamuud oo ah agaasimaha caafimaadka ee isbitalka Aadan Cadde oo u waramay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in mudadaas sagaalka cisho ah ee uu marxuumku yaalay isbitaalkooda aysan ku baraarugin in uu qabo cudurkaas, maadaama aysan heysan qalabka lagu ogaado. “Isbitaalka ayuu yimid isagoo ka sheeganaya neefta oo qabaneysa, waan baarnay mana aanaa ogeyn in uu qabo cudurkan, waxaan aragnay in ogsajiinkiisu dhacsan yahay, isbitaalkeenuna malahan wershadii ogsajiinka, waxaan la xariirnay isbitaalo kale oo waaweyn, waxay noo sheegeen in aysan qaba karin sababo la xariira ciriiri iyo bukaanada oo ku badan, intaas kadib waxaan qaadanay mas’uuliyad ah in aan la tacaalno odaga, qol gaar ah ayaan siinay” ayuu yiri Dr. Maxamuud. Digtoorka ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan isbitaalo kale oo lasoo marsiiyey bukaankaas, kadibna iyaga loo soo celiyey, iyaguna markii dambe ay dhecaankiisa u gudbiyeen hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO si loo soo baaro, maadaama markii dambe uu galay shaki la xariira cudurkaas. Sidoo kale Dr. Maxamuud ayaa sheegay in markii hore aysan cudurkaas uga shakin bukaankaas, maadaama uu ka sheeganayey shil gaari oo uu horay u galay, kaas oo wax kasoo gaarsiiyey feeraha, sidoo kalena uu u sheegay in aysan jirin wax xiriirro ah oo ku saabsan dalka dibadiisa. Waxa uu sheegay dhakhtarku in bukaanku uusan laheyn wax qandho ah, isla markaana jawaabta baaritaankiisa ay kasoo daahday, taas oo uu sheegay in ay u timid habeen ka hor, markii ay cadaatay in uu qabo cudurkaasna waxa uu sheegay in ay qaadeen tallaabooyinkii ugu haboonaa oo ay geeyeen xarunta karaantiilka ee isbitaal Martiini. Hoos ka dhageyso wareysiga oo cod ah https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/c49d0a00-7f59-461c-999c-8a30ae2120ae_48k.mp3
-
(SLT-Hargeysa)- Alle ha u naxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, Marxuum Nuur Rayaale Khayre oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Guurtidda JSL, kaasi oo muddo shan maalmood ah u jiifay xannuun ku soo booday Cisbitaalka Royal ee caasimadda Hargeysa. Alle ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre waxa uu ka mid ahaa Xildhibaannada waayo-aragga ah ee Golaha Guurtidda, waxaanu golaha ku soo biiray sannadkii 1993kii. Muddaas dheerna wuxuu ahaa xildhibaannada kaalinta weyn ka soo qaatay nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka. Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskiisii, ehelkii iyo Golaha Guurtidda ee uu ka baxay Marxuum- Nuur Rayaale Khayre oo ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii iyo ummadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey in Marxuum-Nuur Rayaale Khayre maanta lagu aasayo magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay dalka soo gaadhay qalabkii ay soo iibsatay ee lagu ogaanayey xannuunka Covid-19. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa ayaa sheegay in qalabkan ay dawlada Imaaratka Carabtu ugu deeqday Somaliland, islamarkaana uu dalka soo gaadhay shalay. Waxaa kale oo uu agaasimuhu caddeeyay in baadhitaan lagu sameeyay kun laba boqol shan iyo lixdan qof oo dalka soo galay aan lagu arag calaamadaha xannuunkani, halka ay karantiin ku jiraan 65 qof, isaga oo balan qaaday in ay bulshada la wadaagi doonaan wixii xoga ee soo korodha. Dr Xergeeye waxaa kale oo uu xusay in ay sugayaan qalab caafimaad iyo mishiinka xannuunka lagu baadho oo ay hay’adda caafimaadka aduunku ugu deeqday Somaliland “Waxaan ugu buushaareynayaa bulshaweynta Somaliland in uu u yimid PCR-kii ayaa mishiinkii lagu baadhayey shaybaadhkii ugu horeeyay oo aynu ka helney maanta dalwada Imaaratka, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Dowlada Imaaratka Carabta taageeradda ay siisay Somaliland, ee ah inuu PCR-kii yimid. Waxaa kale oo inoo imanaya qalab caaafimaad inoo imanaya oo aynu ka sugeyno hay’adda WHO galabta, oo isna PCR ah, iyagana hay’adda WHO waxaa aanu uga mahad celineynaa taageerada ay u fidiso shacabka Somaliland iyo dowlada Somaliland labadaba” Dhanka kale Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in aanay ilaa hada aanay jirin kiisas cusub oo wasaaraddoodu diwaangelisay, islamarkaana ay xaaladoodu fiican tahay labadii qof ee dhawaan laga helay xanuunka Covid-19 “Waxaa aan idiin cadeynayaa in kiisaska la xaqiijiyey ee aynu hada heyna ay yihiin laba xaaladood oo kaliya, labadii xaaladoodna ay caafimaad qabaan, waxaanan idiin sheegay in wixii cisbitaala ee loo baahna hadiiba timaado in qof cisbitaal u baahdo ay diyaar ka yihiin caasimaada iyo gobolada dalka oo dhan, shaqaalahuna waa ay tababaran yihiin hadii ay dhacdo in kiisas cusub oo caafimaad u baahan la helo, dadka xuduudaha ka soo gudbay ay yihiin kun iyo laba boqol iyo shan iyo lixdan lagumana arag wax kiisa oo leh calaamadihi ama xumadii loo baahnaa, dadka karantiinka inoogu jiraana waa 64 qof waayo waxaanu aanu sii deynay 42-kii qof ee ugu horeeyay, oo aanu ka sii deynay Huteelka Royal, iyaga oo dhammaantood ay ahaayeen dad caafimaad qaba” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa bartiisa facebook kusoo bandhigay farriin uu ku sheegay qeyla dhaan ka timid Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaan ee Banaadir, oo ka mid ah Isbitaalada la geeyay qofkii u horeeyay ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka Coronavirus. Mahad Salaad ayaa qoraalkiisa ku xusay in farriinta uu u soo diray qof ka shaqeeya Isbitaalka, lana wadaagay madaxda sare ee dalka, isaga oo sheegay in farriinta ay muujineyso in xaalad halis ah ay dalka kusoo socoto. Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad. QAYLODHAAN KA TIMID ISBITAAL BANAADIR Qof ka shaqeeya Isbitaal Banaadir ayaa xogtaan xalay ii soo diray. Isla markiiba waxaan la wadaagay madaxda sare qaarkood, waanan rajeynayaa in si degdeg ah looga howlgalo. Hadii sidaan wax u dhaceen dalkaan waxaa ku soo socda dhibaato aad u culus ee fadlan hurdada halaga kaco FARIINTA: Salaan kadib, waxaan rabaa inaan kula wadaago xaaladda uu marayo Caabuqa Covid 19, marxaladaha uu soo maray bukaankii u geeriyooday cudurkaan iyo sida ay wax u dhaceen: Waxaa dhacday 2dii bishaan Abriil in Shariif Maxamed Maxamuud laga qaaday xaako (sputum) si loo baaro, waxaana la keenay Isbitaal Banaadir qaybtiisa TB da, dhakhtarka TB da maamula ayaa ka soo qaaday oo keenay shaybaarka si looga baaro TB, waana laga waayay. Intaas kadib waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Aadan Cadde, maalin walba waxaa aadayay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka waayo waxuu ahaa Aabaha agaasimaheenna Isbitaal Banaadir iyada ayaana ku ixtiraamaynay. galabnimadii Talaado ah 7dii bishii Abriil waxaan isbitaalka ugu tagay ku dhawaad 27 ka mid howlwadeenada isbitaalka oo ay ku jiraan 8 dhakhaatiir ah. Kadib markii la ogaaday in agaasime Fartuun Shariif Aabaheed qabo cudurka Covid 19 waa laga bixiyay Isbitaalka waxaana la geeyay Isbitaal Martiini oo galabnimadii Arbacada uu ku geeriyooday Allaha u naxariisto. Dhakhtarkii ka qaaday xaakada (sputum) iyo agaasimaha iyo hal qof oo kale kaliya ayaa karantiil la geliyay si loo hubsado badqabkooda Arinta cabsida leh ayaa ah wali Isbitaalka wuxuu wadaa shaqadiisii caadiga ahayd iyadoo ay joogaan in ka badan 50 qofood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo u tagay bukaanka u geeriyooday cudurkaan. Qaar ka mid ah howlwadeenadaas maanta ma imaanin Isbitaalka waxayna noo sheegeen in ay dareemayaan qandho iyo dhuun xanuun. Halista ugu wayn ayaa ah in uu ku sii faafayo cudurkaan bukaanada isbitaalka jiifa, shaqaalaha ka shaqeeya, hooyoyinka iyo caruurta isbitaalka u yimaada baaritaano caafimaad. Si looga badbaado cudurkaan in uu sii faafo waxaan kaa codsan lahaa in la sameeyo baritaano degdeg ah. Waa arin laga gaabinayo, sababtoo ah Wasaarada Caafimaadka 10 jeer ka badan ayaan wacnay wax taleefoon kaa qabanayana malahan. Farintaan adiga ayaan kula wadaagay. Howlwadeenada, dhakhaatiirta iyo bukaanada jiifa iyo kuwa yimid isbitaal Banaadir waxay u bahanyihiin baaritaano degdeg ah. Mahadsanid Xildhibaan
-
Garowe (SMN) – Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortagga faafitaanka Coronavirus ee Puntland ayaa warbixin cusub kasoo saarey caabuqaas safmareenka ah. Hoos ka akhriso bayaanka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-09042020.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyey magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi ayaa ka hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay mowqifka Somaliland ee ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Somaliland diyaar u tahay in labada dhinac goob fagaare loo wada dhan yahay ay kuwada hadlaan cid welibana ay ku garnaqso karto waxaana uu intaas ku daray in labada dhinac hadalkooda uu horay u furnaa waxaana uu yiri. “Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hadal oo Soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare”. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday salaadiin ka soo jeeda Somaliland oo dhowaan warbaahinta ka soo muuqday iyaga oo dalbanayo in kaalintoodalaga siiyo wadahallada labada dhinac madaxweynaha ayaa digniin u diray Salaadiintaasi. “Madaxdhaqameedka waxannu ka sugaynaa oo aannu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, Hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaargaroobo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu meesha ka saaray in uu jiro shir hadda la isku og yahay oo la iclaamiyey in dhowaan loo qabanaayo labada dhican Soomaaliya iyo Somaliland EGAD ama beesha caalamka oo la soo ogeysiiyey. “ Arrinta Somaliland wax la dhaqdhaqaajin karo ma aha, ninkaa intaa siyaasad ka daya ee ku soo daaya warbaahintuna isaga ayey u taallaa, annaga ma jirto dawlad EGAD ah, ama caalami ah ama Soomaaliya ah oo tidhi shir baynu qabsanaynaa ma qabsannaa, waqtigan imika ah shir la qabtay iyo ballan la qaatay iyo cid rasmi ah iyo cid nala soo xidhiidhay midna ma jirto, warkaasina waa war suuq.” Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bogaadiyey u diyaargarowga iyo ka hortagga loogu jiiro xanuunka COVID-19, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada nafahooda iyo nafaha bulshada kale, isaga oo ganacsatada iyo qaybaha kale uu bulshadana kula dardaarmay inay diyaar u noqdaan xaalad kasta oo soo korodha Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digniin u diray madaxda dhaqanka reer Somaliland. Muuse Biixi ayaa dhaqanka Somaliland ugu baaqay in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan dhaqanka, sidaas haddii ay sameyn waayaana ay u diyaar garoobaan cawaaqib xumada ka dhalata arintaas. “Madax dhaqameedka waxaanu ka sugaynaa oo aanu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland ay warbaahinta ka sheegeen in wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland laga qeyb galiyo, sidoo kalana xusay in ay marnaba kala go’i karin Soomaaliya. Wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo digniin u diray madax dhaqameed ka hadlay midnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Jilib (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in shalay ay halkaasi ku dagaalameen maleeshiyaad ka wada tirsan ururka Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaxmaray ciidamada Xisbada iyo kuwa Jabhadaha ee Malitariga, waxa uuna dagaalkooda salka ku hayaa khilaaf ku saabsan ajaaniib ku eedeysan basaasnimo. Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkaas dhaxmaray Al-Shabaab uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, islamarkaana ay weli taagan tahay xiisadda arrintaasi ka dhalatay. Ajaaniibta ku eedeysan basaasnimada ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 2 qof ayna u dhasheen laba dal oo kala duwan. Xubnaha qaar ayaa doonaya in la toogto halka qaarkood ay qabaan in aan la dilin sababo badan aawgeed. Al-Shabaab ayaa hore u dilay dad badan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaaniib kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Dadka basaasnimada loo dilay waxaa ku jira caruur iyo dumar. Dagaalkan ayaa imanaya ayada oo horey sirdoonka Soomaaliya ay u sheegeen inuu jiray khilaaf u dhaxeeyey hoggaanka sare ee kooxda. 10-kii March ayay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye). Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey xiligaas ku sheegtay “in Muuse Macallin lagu dilay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa si adag uga hadlay odayaal dhaqameed muddooyinkii dambe ka hadlayey arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana dalbanayey inay ka qeyb noqdaan wada-hadaladaasi. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay shaqadooda aheyn arrimaha siyaasada oo ay kamid yihiin arrimaha ay ka hadleen ee wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland. Muuse Biixi ayaa ka dhawaajiyey in Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay gutaan kaalintoodi dhaqan, isla markaana ay ka sugayaan ka xukuumad ahaan dhaqankii wanaagsanaa ee looga bartay Salaadiinta dhaqanka. Madaxweynaha ayaa si adag ugu hanjabay Salaadiinta ku eekaan waaya waajibaadkooda dhaqan ee faraha la gala arrimaha siyaasada, iyagoona qaadi doona mas’uuliyada wixii uga yimaada arrintaasi. “Waxaanu ka sugaynaa Suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xil-saartay oo haddii uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Somaliland ayaa dhowaan hanjabaad adag u dirtay Odayaashaasi oo uu kamid ahaa Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, maadama ay faraha la galeen sida ay sheegeen arrimo uusan sharcigu u ogoleyn, isla markaana sharciga la tiigsan doonaan. Suldaan Maxamed Cabdiqadir, Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland oo kamid ahaa Odayaashaasi loo hanjabay ayaa hore u sheegay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahan yahay in dib loo furo wada-hadalada labada dhinac.
-
Mogadishu (PP News Desk) — The Mayor of Mogadishu Omar Mohamud Mohamed spoke to the media today in Mogadishu about the spread of Covid-19 in the capital city. “People I know have become infected with Covid-19. There are fatalities. People who have fallen ill with Covid-19 did not travel to Somalia” Omar told the media. The Mayor urged people to follow instructions to prevent the spread of the disease. “People will receive phone calls to their mobile handsets. Please follow instructions .” The Mayor breafing the media on Covid-19 infections in the capital city The Mayor urged people to wash their hands and practise social distancing. “We must take the threat of Covid-19 seriously” Omar said. The Federal Ministry of Health has confirmed the death of a person who contracted Covid-19 in Mogadishu. https://youtu.be/jtf6m9uxryk © Puntland Post, 2020 The post Mogadishu Mayor sounds alarm over Covid-19 infections appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus ay Muqdisho ugu dhinteen dad uu garanayo. Cumar Filish oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkaas ay ahaayeen kuwa aan ka imaan dibadda oo ay ku ku sugnaayeen gudaha dalka. Waxa uu intaas ku daray in dadkaas u geeriyooday COVID-19 qaarkood la aasay, halka qaarka kalane aan wali la aasin, sida uu hadalka u dhigay. “Cudurkaas waa uu soo gaaray dalka, dad badan ayaa la ila daran qaarna wey u dhinteen, oo aan anigu garanayo, oo aan dibad ka imaan oo dalkooda joogay, qaar hadda ayaa la aasay, qaarna aan wali lama aasin,” ayuu yiri. Hadalka Cumar Filish ayaa abuuraya jahwareer ku saabsan waxa ay yihiin dadka cudurka u dhintay ee uu ogyahay. Wasaaradda caafimaadka waxay shalay shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha dalka ugu dhintay cudurka, hase yeeshee Cumar Filish ayaa ka hadlay shaqsiyaad dhowr ah. Waxaa is-weydiin mudan shakhsiyaadka Cumar Filish ogyahay ee wasaaradda caafimaadka aysan shaacin weli, taasi oo abuuri karta su’aal ah; in xog la qarinayo ay jirto, iyo inay jiraan shakhsiyaad aan wasaaradda la socodsiin oo cudurka laga helay, haddiiba warka Cumar Filish uu sax yahay. Dhanka kale, Cumar Filish, oo ka dhawaajiyay halista uu leeyahay cudurkaan ee ah in si fudud loo kala qaadi karo, ayaa bulshada ugu baaqay in ay qaataan tallooyinka caafimaad ee loo jeedinayo. “Arrintaas waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo sidaa darted talloyinka la idin siinayo waa in sida uu yahay loo qaato,” ayuu yiri duqa Muqdisho.
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Wednesday declared a state of emergency in the country to help curb the spread of the new coronavirus, his office said on Twitter. “Considering the gravity of the #COVID19, the government of Ethiopia has enacted a State of Emergency,” Abiy’s office said. Africa’s second most populous nation at more than 110 million, Ethiopia has recorded 52 cases of COVID-19, the disease caused by the novel coronavirus, and two deaths. Authorities have already taken a series of measures to stem the spread including closing schools, banning public gatherings and requiring most employees to work from home. The prime minister did not mention what additional steps would be taken under the state of emergency. Source Reuters Qaran News
-
Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa mudda laba bilood ah ku kordhiyay wakhtiga loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad ee ururada siyaasadda Puntland. War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga, ayaa lagu sheegay in kadib baaris iyo qiimayn Guddigu ku sameeyay khatarta faafidda cudurka Coronavirus, ay go’aansadeen in mudda laba bilood ah lagu kordhiyo wakhtiga loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad ee ururada siyaasadda. Guddiga ayaa uga mahadceliyay dhammaan Ururada Siyaasadda dadaallada dheeriga ah ee ay wadaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha wajiga 2aad, waxaana war-saxaafadeedka lagu faray ururada in ay joojiyaan dhamaan kulamada dadweynaha ilaa inta laga xaqiijinayo in khatarta xanuunkaas in laga gudbay. Sidoo kale, guddiga ayaa ururada siyaasadda ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan warbixinada iyo talooyinka guddiga ka hortagga xanuunka Corona iyo bahda caafimaadka, si looga gaashaanto faafidda COVID-19. PUNTLAND POST The post Wakhtiga dhamaystirka Shuruudaha Ururada Siyaasadeed ee Puntland oo la kordhiyay appeared first on Puntland Post.
