Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qormo dhiiri-gelinaysa ka faa’idaysiga Biyaha roobka iyo cidhib-tirka carro-guurka deegaanka… Mahad oo dhan alle ayey u sugnaatay inagu galaday nimcooyinkiisa kala duwan ee ay raxmada Roobka, nabad-gelyada iyo caafimaadku kamid yihiin, inaguna arsaaqay dheef iyo dhaqaale qof walba hayntiisa iyo helidiisa, waxaana dhamaanteen inagu waajib ah in aan u xamdi naqno mar kasta, marxalad kasta iyo meerto kasta oo aynu ku jirno xataa markay murug iyo cabsi inala soo deristo. Mar labaadka, waxa bulsho ahaan inala gudboon in aynu fikir iyo fahmo ka yeelano maareynta geedi-socodka nololsha iyo la-tacaamulka maalmaha is-daba joogaa cimillooyinkooda, isla markaana aynu noqono umad kal iyo laab furan oo ka faa’idaysta deeqaha illaahay SWT uu bixiyo ee aanu kasab iyo ku mano-sheegasho u siinin khalqiga uu adduunka ku uumay. Nimcooyinka alle ina siiyey, waxa kamida raxmada roobka oo udub-dhexaad u ah jiritaanka adduunyada, nolol ahaan, caafimaad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhan kasta oo laga joogsado micnaha nololsha iyo horumarka caalamka ka socda, iyadoo aynu maanka ku hayno in aanay nololshu jirayn biyo la’aantood, biyuhuna ay yihiin kuwa uu rabi roobka inoogu shubay, kuwa dhulka laga soo saaro ha noqdeen amma kuwa Xareeda ah ee goor kasta oo uu Roob da’o daadka inagu dhaafa ha noqdeene. Sidaasi darteed, todobaadkan waxa deegaamo badan oo kamida Somaliland ka curtay Roobka guga ay hogolihii u horeeyey 20-kii iyo 21-kii bishan March ka da’een meelo kamida gobolada Maroodi-jeex, Gabiley iyo Awdal, si’ aan kala go’ lahayna shantii maalmood ee u dambeeyey uga da’yey gobollo kale oo dhanka Bariga ah, sida Saaxil, Sanaag iyo Buuhoodle, magaalada Hargeysa-na Mayey iyo mirba ku maasheeyey labadii casho ee u dambeeyey. Roobkan guga oo si lama filaan ku ah bulshada inteeda badan u curtay, ayaa haddana alle mahadi haka gaadhee u da’ya sidii dirir seermawaydo oo inta badan da’a bilaha April iyo horaanta May, halka raxmada iminka da’aysa sanisyahanada cilmiga deegaanku ku tilmaamaan Dirir daydo oo curta dabayaaqada bisha March. Si kasta ha ahaatee, isweydiinta haddaba ina hortaallaa waxa ay tahay, maxaynu u diyaarsanay ka faa’idaysiga Roobkan? sidaynuse uga faa’idaysanaa” diyaarse ma u nahay dawlad iyo shacab-ba?, mase leenahay turuq iyo tagoog aynu ku meelaayno nimcadan uu alle inoo shubay?. Dhamaan Su’aallahan jawaabtooda, waxa hortaalla calaamado dhowr ah oo ka soo noqonaya muuqaal-araggeena guud, hab-maamulkeena iyo habacsanaanteena dadnimo, wallow aan la xaqiri karin in ay qaar badan oo inaga mid ahi leeyihiin xadaarad ay ficil u bedeleen oo falcelin u ah waydiimahan. Hase yeeshee, waxa hubaal ah in sanad walba Biyaha Roobka xadiga ugu badani iyagoo qulqulaya ay si howl yar inoo dhaafaan, kana baahanahay gu’ iyo jiillaal, sababtoo ah weel iyo wado aynu ku meelayno umaynu samaysan, waxaana taasi markhaati u ah muuqaalka magaalada ee marku roobku da’o illiiladaha yar yar ee mowjadaha daadku goosto, dhismeyaasha dhaadheer ee baliyadu hoostooda ka qodmay xareedu wadhan tahay iyo dooxyada ka dilaaca daaradaha guryaha. Waxa kale oo dhibaato aan la dareensayn ah in guryaha casrigan la dhiso ay dumiyaan biyaha dushooda ku dhaca xilliga roobka, taasoo iyaduna in laga faa’idaysto biyaha roobka iska daaye mushkiladaynaysa raxmada uu alle SWT ina siiyey, waana mashaqo ku salaysan aqoonta dadka wax dhisa oo aad moodo in aanay isku jaan-goyn quruxda iyo raadhiiska dhismeyaasha. Sidoo kale, waxaan gugii saddexaad u soo joogay masaajid ku yaalla Magaalada oo uu habeen Roob mahiigaan ahi burbur u geystay in maalinimadii uu xalay oo kale roobku miray laga waayey biyo lagu Wayso qaato, iyadoo sababtana lagu nisbeeyey in aan biyo loo shubin. Geesta kale, waxaan si joogto ah u aragnaa meelaha dhirta lagu beero ee xafiisyada dawladda iyo guryaha waaweyn ee shicibku leeyihiin iyadoo biyaha qasabada dhirta lagu waraabiyo, iyadoo dhowr maalmood ka hor uu roob da’ay, taasoo ah xaqiiqo iyaduna jirta oo aynu beri iyo maalmo dambeba arki karno. Dhamaan qodobadan waa ceebo iyo caqabado ka jira Magaallooyinka waaweyn badankooda, haba ugu darnaato caasimada hargeysa oo marka uu roobku helo noqota hoyga bilic-xumada iyo saxa xumada. Marka ay sidaa yihiin magaalooyinkii ay ku noolayd bulshada loo tuhmayo aqoonta, cilmiga iyo ilbaxnimadu, waxa maskaxda ku soo dhacaya in ay magaalooyinka yar yar iyo miyiguna ka sii liitaan, inkasta oo loo tirin karo dad wax ka bartay waayaha ku gedaaman iyo wakhtiyada roob-waaga. Dhanka kale, iyada oo aanay ujeedadu ahayn in la daboollo amma la dafiro horumar kasta oo laga sameeyey ka faa’idaysiga Biyaha roobka oo ay dawladdu fulisay amma shacabku keli iyo iskaashiba ku fushadeen, dhaliilsha aan sheegayna tahay xaqiiqo u jirta sida loo badan yahay, waxa ina soo maray sanado aynu silic iyo soomal-haad ka mudanay abaaro iyo xilliyo aynu roobbab mahiigaan ah daaddad ka dashay dad iyo duunyo ku waynay, alle kuwa iminka da’aya nusqaantooda ha inaga hayee. Sidaasi, awgeed inaga oo ka jawaabayna goldaloolooyinka aynu kor ku xusnay, waxa lagama maarmaan ah inaynu u istaagno sidii aynu ugu weel samaysan lahayn biyaha miisaanka leh ee Roobka, loona dardar gelin lahaa siyaasaddaha dawladda ee ku taxaluqa, si uu deegaanku u helo biyo ku filan,loona joojiyo caro-guurka dhulka iyo waxyeellooyinka kale ee ay biyaha soconayaa u geystaan. Qaabbabka looga faa’idaysanayana waxa kamida; In dhismeyaasha daaraha ah caadigaa, dabaqyada dhaadheer iyo Jiingadaha loo sameeyo, biyo-shubeyaal iyo Majaroor biyaha dushooda ku dhaca uruuriya, guri kastana loo sameeyo berked amma Taangi weyn biyaha Majaroorku ugu dhacaan. In la sameeyo Barmaamuj qaran oo lagu xidhayo biyaha dooxyada waaweyn qulqulaya ee badda ku darsama. In Hay’adda dawladda ee ka shaqeeya biyuhu diyaariyaan qorsheyaal biyaha roobka lagu kaydinayo, si lamida mashruuca biyo-qabadka ah ee sanado ka hor laga hirgeliyey Dooxa deegaanka Xaraf oo ogaalkay ay ka cabaan xaafadaha Barakacayaasha ee Ayax1, Ayax2 iyo nawaaxigoodu. Maxaynu uga faa’idaysan karnaa Biyaha roobka. Marka aynu weel u samaysano, Biyaha roobka waxa aynu uga faa’idaysan karnaa siyaabo badan daruuri ah. Dadka magaaladu waxa ay u isticmaali karaan wax allaale wixii aan ahayn cabitaan, sida Maydhista , dhismaha iyo Waraabka dhirta. waxa kale oo haddii la raaco nidaam lagu safayn karo Biyahaasi loo isticmaali karaa cabitaan. Dadka beeralayda ahi waxa ay uga faa’idaysanayaan Waraabka beeraha, taasoo ay marka horeba u adeegsadaan biyaha roobka, haddii ay kaydka badsadaana waxa suurtogal ah in ay wakhti dheer isticmaalaan. Dhinaca kale, mar kasta oo biyaha roobka laga faa’idaysto oo la kaydsado waxa hoos u dhacaya isticmaalka biyaha qasabada, taasoo madhxinaysa dhaqaalihii Qoysaska ee isticmaalka biyaha badan kaga bixi jiray iyo biyihii wakhtiga roob la’aanta lagu baxsanayey. Waxa xaqiiqo ah in bulshada ku dhaqan meelaha howdka iyo sollanuhu ay lixda bilood ee xagaaga iyo jiilaalka ku nool yihiin xareeda ugu dhacda Berkadaha iyo harooyinka lagu duwo biyaha roobka. taasina waxa ay ina tusaysaa in aan qabashada Biyaha roobku ahayn arrin sahlan. Dhinaca Beeraha marka loo isticmaalayo biyaha roobku way uga faa’ido badan yihiin kuwa maaxda ah waraabka dalaga. Gegebadii, guusha gacmaheena ku jira yeynaan gargaar shisheeye ka sugin, guullena ha ina garansiiyo oo gunnooyinkiisa hanoo balaadhiyo. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) Hargeysa/Somaliland Email: curad1986@hotmail.com Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war saxafadeed ay baahisay Dawladda Somaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, oo sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey qalab caafimaad,oo lagaga hor tagayo Coronavirus. Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Arday reer Somaliland ah oo dalka Itoobiya ka yimid, dalkana dib ugu soo laabtay, iyo waxaa uga meel yaala Xukuumad ahaan Coronavirus haddii dalka lagu arko, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay qalabka caafimaad ee dawladda Somaliya sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey, “Qalab caafimaad oo aanu Somaliya weydiisanay oo ay na soo gaadhsiiisay haba yaraate ma jiraan, Somaliyana nooma taliso, waxaynu rabnana iyada u sii mari mayno, ee qalabkan caafimaad ee inaga soo gaadhay waxay ka mid yihiin dawooyinkii aynu walba ka heli jirnay Qaramada Midoobay,qalabkana waa ka hor tag”. Mar uu aanu wax ka weydiinay Ardayda Itoobiya ka soo laabatay ayaa yidhi “Haa wey jiraan Arday dalkeena u dhashay oo dalka Itoobiya ka yimid, Ardaydaas waan hubnaa caafimaadkooda, haddana wey caafimaad qabaan,Ardayda badan baa dalka dib ugu soo laabtay, Arday kalena wey soo socdaan, dabcan mar walbana caafimaadkooda waanu hubaynaa, anaga oo waliba hubna caafimaadkooda, haddana waxaanu siinay wacyigelin balaadhan, oo waxaanu ugu baaqnay inay Guriyahadooda isku karantimeeyaan”. Mar aanu waxaa ka weydiiinay inay meelo u diyaariyeen iyo in aanay u diyaarin dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus “Dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus Xukuumad ahaan waanu u diyaarinay meelo aanu ku karantimayno, ilaa haddana xanuunkana dalkeena muu soo gaadhin, wax walba oo lagaga hor tagi karana diyaar ayaanu u nahay Xukuumad ahaan, oo wacyigelin balaadhan ayaanu wadnaa” Source
  3. Waxaa magaalada Beydhabo ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya maanta ka soconaya is diiwaangalinta musharixiinta guddoonka baarlamaanka maamulkaasi oo dhowaan loo soo xulay xildhibaano cusub. Shalay guddiga doorashada goddoonka baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa soo saaray jadwalka murashxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenka ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, waxaana wali jirin murrashax wali si rasmi ah isugu soo sharaxay xilkaasi. Maalinta berito ah waxaa ku eg is diiwaangalinta murashaxiinta guddoonka baarlamaanka Koonfur galbeed, waxaana 1-da April la filayaa in ay dhacdo doorashada guddonka baarlamaanka maamulkaasi. Guux siyaasadeed ayaa laga dareemaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay xilli laga dhursugayo cidda ku soo baxaysa guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed, waxaana xildhibaanada cusub ee maamulkaasi ku jira wasiiro ka tirsan maamulka madaxweyne Laftagareen oo ka fekaraya in ay xilalkaasi iska casilaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Somaliland ayaa dareen isku mid ah oo walaac ah ka qaba duulimaadka diyaaradda Ethiopia ay maalintii laba jeer ku timaado magaalada Hargeysa, iyadoo ay dalalka gobalka iyo duniduba joojiyeen duulimaadyada diyaaradaha si looga hortago faafitaanka xanuunka Corona Virus. Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamisay in rakaabka diyaarada Ethiopia la socda lagu xareeyo hoteelada magaalada Hargeysa muddo 14 maalmood ah si loo karantiimeeyo. Laakiin shacabka Somaliland ayaa si weyn uga walaacan duulimaadka diyaaradda ee la joojin waayay iyo weliba rakaabka la socda ee la dejiyo hoteelada magaalada. Rakaabka diyaaradda la socda laguma soo qaado baabuur gaar ah oo loogu tallo galay, waxase lagu qaadaa basaska dadweynaha iyadoo aanay wacyigelin badan qabin darawaliinta basaska iyo gacan yarayaashiisuba. Rakaabka oo aan baadhis rasmi ah oo lagu ogaanayo inay qabaan xanuunkan lagu samayn marka laga reebo cabirka xumadooda, waxa hoteelada la dejiyay ka shaqeeya dadweyne tiro badan oo aan iyagu ka xanibnayn inay magaalada soo galaan. Shacabka ayaa baraha bulshada waxay ku baahinayaan farriimo ay Madaxweyne Biixi ugu baaqayaan in la joojiyo duulimaadyada diyaaradda Ethiopia si shacabka looga badbaadiyo in diyaaradu si fudud u soo walwaasho xanuunkan dunida gilgilay oo fiditaankiisu xawaare sare ku socdo. Waxa isna si xawli ah Somaliland si maalinle ah u soo gala jaadka oo badankiisu ka yimaada Itoobiya oo uu fiditaanka xanuunku hadda xawaare sare ku socdo. Geesta kale xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda samaynin goobo u gaar ah oo loogu tallo galay in lagu daryeelo haddii uu gudaha Somaliland ku faafo xanuunkani. Source
  5. (SLT-Garoowe)-Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa xalay geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baadhitaankiisa. Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka guud ee Garowe, Dr, Maxamuud Abdrishiid, ayaa bartiisa facebook ku sheegay, in bukaanka geeriyooday uu ka yimid dalka Itoobiya uuna lahaa calaamadaha muujinayay COVID-19. Illaa iyo hadda lama oga qofkaan geeriyooday inuu u geeriyooday cudurka amma inuu qabay xanuuno kale. Guddiga u xilsaan xakamaynta cudurkaan ayaa laga sugayaa inay ka hadlaan arrintaan. Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Yusuf Xaaji, ayaa sheegay in dadka lagu hayo xarunta karantiilka laga helay qaar kamid ah calaamadaha cudurka, isagoo sheegay in laba ama saddex maalmood kadib ay soo bixidoonto natiijada baadhitaan lagu sameeyay. Source
  6. (SLT- Tanzania)-Madaxweynaha Tanzania John Magafuli ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kaddib markii uu diiday in la xidho goobaha cibaadada, si loo xakameeyo Cudurka Coronavirus. Inkastoo dowladda Tanzania ay qaaday tallaabooyinka lagaga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa xidhay Iskuulada, karantiilka dadka ajaaniibta iyo mamnuucida munaasabadaha ay dadka isugu yimaadaan, balse dowladda ayaa diiday in la xidho Kaniisadaha. John Magafuli ayaa sheegay in Fayraska uu yahay Shaydaan, sidaas darteed aanu ku kobci karin kaniisadaha sida uu hadalka u dhigay. Hase ahaatee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Civic United Front Ibraahim Lipumba ayaa VOA u sheegay in haddii dadku sii wadaan isu imaatinka fagaaarayaasha dadka badan isugu yimaadaan uu khatar ka imaan karo. Dalalka Adduunka ayaa gebi ahaanba joojiyay isu socodka duulimaadyada, isu imaanshaha fagaarayaasha, waxaana magaalooyin badan la geliyay bandow, si dadka guryahooda u joogaan, loogana hortago Coronavirus inuu faafo. Source
  7. Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida ay la wareegeen amniga Senator Yuusuf Geelle Dhagey oo ka tirsan golaha aqalka sare ee BFS, kaasi oo uu shalay askari ilaaladiisa ka mid ahaa uu dil ka geystay magaaladaaasi. Ehellada marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Shaafici Xaaji Diiriye ayaa ka carooday sida macno darrada ah ee lagu dilay wiilkooda, iyagoona sheegay in aan la aasi doonin inta cadaalada la marsiinayo shaqsigii falkaasi ka dambeeyey. Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan ciidamada nabad sugida dowladda ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana soo socda wadahadallo la doonayo in lagu xaliyo xiisada ka dhalatay dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa. View the full article
  8. Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay la i’sla dhex-marayey baraha bulshada oo ku aadan in wadahadal uu kula jiro xubno ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sayid Aadan ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwa looga been abuurtay oo waxba kama jiraan ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wadahadalka Jubbaland iyo dowladda dhexe uusan noqon doonin mid suuq madow ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin in deganaan iyo wadahadal toos ah lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/turki-.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-290320.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u jooga wadanka Liibiya, Mudane Muxudiin Maxamed Kaalmoy oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda Soomaalida faraha badan ee haatan ku xayiran gudaha dalka Liibiya. Kaalmoy ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda Soomaalidaasi oo dhalinyaro u badan, balse wuxuu tilmaamay in aysan heyn dhaqaale ay wax ugu qabtaan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sababta ugu weyn ay tahay xayiraada caalamiga ah ee haatan saaran dalalka kala duwan ee caalamka, taas oo la xiriirta Coronavirus. Dhinaca kale mid ka mid ah dhalinyarada ku dhibaateysan Liibiya, gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Tripoli oo isna la hadlay VOA ayaa ka warbixiyey xaaladdooda, wuxuuna sheegay in muddo shan bilood ah ay duruufu adag ku heystaan dalkaasi. Wiilkaan dhalinyarada ah oo sii hadlayey ayaa carabka ku dhuftay inay dalbadeen in dib loogu celiyo dalkooda, balse ay waayeen cid u jawaabta, sida uu hadalka u dhigay. “Lacag badan ayaan ku bixinay sidii aan u gaari lahayn Liibiya oo aan kaga sii gudbi rabnay Yurub, balse waxa aan la kulanay dhibaato nafsadeed oo nagu sababtay in aynu doorano dib ugu laabashada dalkeena oo aan kolkii hore kasoo tagnay, waxa aan dalbaneynaa in naloo fududeeyo dib ugu laabashada Somalia.” ayuu wareysiga ku yiri. Liibiya ayaa marin u noqotay tahriibayaasha ka cararaya qaaradda Afrika, kuwaas oo doonayay inay gaaraan dalalka Yurub, si ay helaan nolol dhaanta tan Afrika, hayeeshee muhaajiriintaasi oo Soomaali ay ku jirto ayaa dhibaatooyin kala kulma safarkaasi dheer.
  11. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Mareykanka & Dowladda Somaliya ayaa si wadajir ah uga hadley duqeyn laga fuliyey Gobolka Baay. Amarka Dowladda dhexe ee ay ku hakisay safarrada gudaha Dalka, si loo yareeyo halista Cudurka CORONA VIRUS oo maanta dhaqan geli doona. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa kulan la-qaadatay guddiga arrimaha bulshada ee golaha Shacabka. Barakacyaasha ku nool duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay xogta ay ka hayaan Caabuqa COVID oo Dowladda Somaliya sheegtay in saddex kiis laga helay gudaha Dalka. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-29-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa la filayaa in ay maanta ka bilaabato diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka maamulkaas. Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in maanta la bilaabayo diiwaan-gelinta musharaxiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen ayna ku egtahay maalinta berri. Sidoo kale Guddiga ayaa qoraalkooda ku sheegay in 31 Bishaan la dhegaysan doono Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Magaalada Baydhabo waxaa lagu wadaa in Maalinta Arbacada ah ee soo socota ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Diiwaan-gelinta Musharrixiinta Guddoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed oo Maanta bilaabanaysa appeared first on Puntland Post.
  13. OTTAWA - The federal government capped an unprecedented week Friday by announcing a slew of measures to help small businesses cope with the COVID-19 crisis, bringing Ottawa’s total planned support in response to the pandemic to at least $200 billion. Source: Hiiraan Online
  14. Police fire tear gas and beat commuters with batons as country imposes dusk-to-dawn measure amid coronavirus fight. Source: Hiiraan Online
  15. When Milan resident Antonia Mortensen was pulled over by police while driving recently, it wasn't for a traffic offense. It was to instruct her fellow passenger to sit in the back of the car and to check that both were wearing face masks. Source: Hiiraan Online
  16. Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika oo loo yaqaanno AFRICOM ayaa warbixin ka soo saaray duqeyn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen degaanka Buula Fuulaay ee Gobolka Baay. Qoraalka ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 27-kii Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Buula fuulaay ee Gobolkaasi Baay. AFRICOM ayaa Qoraalka ku sheegtay in ay duqeynta ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab balse aysan dadka rayidka ah ee degaanka ku nool wax Khasaare ah ka soo gaarin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay in duqeynta halkaas ka dhacday lagu dilay laba xubnood oo ka tirsana Al-shabaab islamarkaana aan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka shacabka ah. Dhinaca kale malayshiyaadka Al-shabaab oo duqeyntaas ka hadlay ayaa Maraykanka ku eedaysay in uu duqeynta Buula Fuulaay ku dilay laba qof oo shacab ah ee aysan jirin Shabaab ku dhintay. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu xubno ka tirsan Al-shabaab ku dilay Gobolka Baay appeared first on Puntland Post.
  17. Mahamat is self-isolating after a staff member at the AU Commission in Addis Ababa tested positive for COVID-19. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay waxaa Muqdisho aad looga hadal haayaa walaac xoog leh oo ay qabaan siyaasiin xilal kala duwan dalkaan ka soo qabtay oo haatan mucaarad ah, walaacaas oo ku aadan Bandow la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku soo rogi doonto Muqdisho. Bandowga ayaa suurta-gal ah in saacado kooban la geliyo magaalada, si loo yareeyo dhaq-dhaqaaaqa dadka, taasi oo qeyb ka ah xakameynta faafitaanka cudurka Coronavirus. Siyaasiinta mucaaradka oo ay ku jiraan Xildhibaano, wasiiro hore iyo xubno kale ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay ka damacsan tahay bandowga qorshe kale oo ah in la joojiyo kulamo xasaasi oo Madasha Xisbiyada iyo siyaasiin kalaba ka yeelanayaan doorashooyinka Soomaaliya. “Qorshaha aan ka war helnay waa in la tago guryaha iyo xafiisyada Xisbiyada mucaaradka iyo dadka kale saameynta leh iyadoo lagu mar marsiinayo bandow siyaasadeed Muqdisho lagu soo rago rabo laguna tilmaamayo ka hortaga Coronavirus,” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiyada mucaaradka ee ka jira Muqdisho. Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya islamarkaana ku aadan hadal heyntaan ka jirta magalada balse waxaa la dareemayaa in la badalay inta badan ciidankii ku qornaa Kontaroolada Muqdisho. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa marar badan ku eedeeyey dowladda inay si gaar ah u beegsaneyso, waxaana ugu dambeeyey qoraal Madasha Xisbiyada Qaran ay dhowaan ku sheegeen in ciidamo ay weerar kusoo qaadeen hoyga madaxweyne Shariif, taasi oo ay beenisay wasaaradda amniga Soomaaliya.
  19. Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay iska indha tirayso xallinta khilaafka maamul ee ka taagan gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac ay fursad ka heshay Al-Shabaab oo ku sii fidaysa degaanno ka tirsan gobolka Gedo maadaaama ciidamadii Shabaab la diriri lahaa ay dhexdooda dirirayaan. “Gobolka Gedo, Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysan sugneen Al-Shabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland aysan gacanta ku hayn degmooyinka gobolkaas Gedo balse ay xoog kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta iyo kala furfurka ay ku waddo dowlad goboleedka Jubaland si aan fursad kale loo siin Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Jubaland oo dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay fursad u abuurayso Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. Wariyad u shaqeyneysay taleefishinka Fox ee dalkaasi Mareykanka ayaa shaqadi laga eryay kadib markii ay ka been-sheegtay cudurka Coronavirus, islamarkaana ay siyaasadeysay.A Wariyadda oo lagu magacaabo Trish Regan ayaa ka howlgeli jirtay qeybta barnaamijyada ganacsiga ee Fox Business, waxaana ay tv-ga ka sheegtay in masuuliyadda cudurkaasi ay leeyihiin xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Mareykanka. Ujeedka cudurkaasi loo faafiyay ayay sheegtay in lagu bahdilo madaxweyne Donald Trump, xilkana looga tuuro. Trish ayaa dhaleeceyn baahsan ka heshay warkan ay sii deysay, kaas oo taleefishinka ka baxay 9-kii bishan Maarso, waxaana ay taasi sababtay in ay ku weyso shaqadeeda. Dad badan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in cudurkan Coronavirus la abuuray, waxaana ay waddamo uu ka mid yahay Shiinuhu sheegay in uu abuuray Mareykanka. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaan faah faahin badan ka bixin, halka uu ku dambeeyo baaritaanka Duqii hore ee Magaalada Muqdisho. Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa ku geeriyooday qarax 24-kii bishii July ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar. Qaraxa oo mid ismiidaamin lagu sheegay ayaa lagu eedeeyay in ay gaysatay gabar araga la’eed. Qaraxaasi ayaa sidoo kale lagu dilay xubno ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho oo la hadlay Barnaamijka Martida Mikrafoonka ee VOA ayaa ka gaabsaday in si daahfuran uu uga hadlo waxa ka soo baxay baaritaankii la sameeyay. Duqa Muqdisho waxa uu qiray in dhibaato dhacday, isla-markaana uu maamulkiisu xoogga saaray, sidii aanu markale u dhicin lahayn fal, kaasi oo kale ah. “In dhibaato dhacday waan ogahay, waana qirayaa. Dhibaatadaasoo sababtay inuu ku dhinto Duqii Muqdisho ee aniga iga horeeyay, ayna ku dhinteen hawlwadeeno aad iyo aad muhiim ugu ahaa Maamulka Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in laamaha amniga ay si gaar ahi gacanta ugu hayaan arrimahaasi, balse aanu maamulkiisu waxba kala socon natiijada ka soo baxday baaritaankaasi. “Runtii arrintaas hay’adaha amniga ayaa si gaar ah gacanta ugu haya. Anigu inta aan ka warqabo in dhib dhacay ayaan ogahay, waxaana xoogga saaray kiiyoo kale sidii uusan u dhici lahayn, taasaa xoogga saaray illaa hadana meelo fiicanee noo marayan, laakiin sidaasee ahayd iyo sidaasaa wax u dhacayn, cid baa iska leh ee anagu malihin.” Ayuu yiri Cumar Filish. Masuuliyadda weerarkii lagu dilay Eng. Yariisow oo ay sheegatay Al Shabaab ayaa dood xoogan ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed, iyadoona ay dadku wax iska weydiinayeen sida ay Shabaabka ugu suurta-gashay inay beegsadeen Aqalkii Labaad ee dalka ugu muhiimsanaa, marka laga soo taggo Aqalka Villa Somalia. Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa loogu adeeggaa saddexda milyan ee ku dhaqan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo xilliyada qaarkoodna adeegyo loogu fidiyo dadka kale ee ka yimaada Gobolada Dalka, waana taa midda keentay in dadka qaarkii ay rumeystaan in Shabaabka laga gacan siiyay weerarkaasi. Khubarada ayaa ku doodaya inaanay Shabaabka gaysan kari lahayn weerarkaasi, haddii aysan jirin gacan gudaha ah, marka aad eegto sida uu u adag yahay ammaanka xaruntaasi, oo baaritaan adag qofka lagu marsiiyo marka uu booqanayo.
  22. 101 jir ka bogsaday Cudurka Coronavirus Ninka 101 jirka ee cudurka ka caafimaaday oo gurigiisa loo wado Nin u dhashay dalka Talyaaniga oo ay da’diisu tahay 101 jir ayaa noqday ninki ugu da’da weynaa oo ka caaafimaado cudurka Coronavirus. Dalka Talyaaniga ayaa noqday dal uu ku habsaday masiibada cudurka safmarka ee Coronavirus. Haddana dalkaasi waxaa ka soo baxaya warar la yaab leh oo muwaaddiniinta dalkaasi ididiilo ku abuuraya. Oday 101 jir ah oo ku noolaa magaalada Rimini ee Waqooyiga Bari ee dalka Talyaaniga waxaa haleelay cudurka Coronavirus. Muddo marki cudurka laga dabiibayey Khamiisti ayuu isbitaalka ka baxay isaga oo caafimaad qaba. Odaygan naaneystiisa looga yeero lagu soo gaabiyey ‘P’ inuu caafimaaday waxaa warbaahinta la wadaagay duqa magaalada Rimini Gloria Lucy. “Runti waa arrin aan la aamini karin, odayga da’da ah inuu cafimaadana raja aad u weyn ayey nagu abuureysaa” ayey tiri Gloria Lucy “Mr ‘P’ isaga oo uu caafimaadkiisa taam yahay ayuu dib ugu laabtay gurigiisa” ayeyna sii raacisay. Wararka kale ee ku saabsan Coronavirus Ilaa iyo hadda Faayrsaka Corona ayaa si xawli ah ugu faafaya caalamka oo idil. Ku dhawaad 600,000 oo qof ayuu cudurka ku haleelay dunida iyada oo ay cudurka u dhinteen dad ka badan 28,000 sida lagu xusay xogta ay baahisay jaamacadda John Hopkins. Tirada dadka cudurka u dhimanaya oo ku sii badanaya dalka Spain ayaa gaaray 5,000 oo qof iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keli ah ay Spain cudurka ugu dhinteen 832 qof taasoo dalkaasi ka dhigeyso dalka seddexaad ee ugu dhimashada badan ee ku xiga Talyaaniga. Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka laga helay dadki ugu badnaa ee qaba cudurka Coronavirus oo gaaray 104,000. Koonfurta Kuuriyana waxay marki ugu horreysay shaacisay tiradi ugu badneed ee dadka ka bogsaday cudurkaasi ay gaartay 4,811, halka Sabtida maantana laga helay 146 kiis oo cusub oo tirada guud ee dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 9,478. Ruushka iyo Ireland ayaa waxay ka mid noqdeen dalalka qaaday tallaabbooyin hor leh oo ay ku xakameeynayaan faafitaanka cudurka iyada oo faafitaanka cudurka dalalkaasi uu aad ugu yar ahay. Dalka Britain waxaa baaritaan lagu sameeynayaa shaqaalaha NHS ee England. Waxaa dunida sare uga kacay qiimaha qalabka Neefsiga loo adeegsado ama bukaannada cudurka uu haleelay lagu caawiyo. Qiimaha halki Ventileter ee ahaa 27,000 oo dolar wuxuu hadda marayaa 96,000 oo doolar. Dalka kenya waxaa laga helay 7 kiis oo cusub oo Coronavirusa, taasoo tirada dadka cudurka laga helay ka dhigeyso 38 qof. Xoghayaha guud ee midowga Afrika Musa Faki oo laga waayey faayraska Covid-19. Dalka Zimbabwe oo laga billaaba Isniinta bandoow ku soo rogaya shacabka dalkaasi. Soomaaliya oo ay u badbaadday 3 malyan oo doolar oo kaga bixi lahaa Qaadka tani iyo marka qadka loo joojiyey cabsi laga qabo inuu qayb ka noqdo faafitaanka cudurka Coronavirus. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ruqseeyay arday ku dhaw 60 qof oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal, islamarkaana qortay kamid noqoshada ciidamada booliska Soomaaliya. Dhalinyaradaan ayaa is diiwaan geliyay kadib markii dhawaan ay taliska boolika ogeysiiyeen bulshada Soomaaliyeed in ciidan loo qaadanayo ardayda dhameysatay dugsiyada sare. Cabdiraxmaan Diiriye oo kamid ah dhalinyaradaas oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ardayda laga soocday qaar magacyadooda warqad lagu watay inta kalane la eryay iyagoo tababar ku jiray mudo ku dhaw. “Cabsi weyn ayaa qabnaa sababtoo ah waxaa ka nimid meelo kala duwan oo aan amaan aheyn waxaana laga yaabaa in xogtayna gaarto cadowga wixii aan usoo baxnayna aan weynay.” Cabdiraxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Tartan ayaa lagu soo baxay markii ugu horeysay intii soo baxday ayaa tababar loo furay maalmo kadib qeyb kale ayaa la soocday anagana waa nala eryay, waxaana dadkaas nagula sheegay saraakiil ka tirsan Haramcad oo dhalinyarada kala sooceysay.” “Aniga waxaa askarimimo u qortay inaa dalkayga iyo dadkayga u shaqeeyo inaa helo shaqo maadaama ay ku daalay shaqo kale helisteeda balse hada aad ayaa u niyad jabnay waan ka codsaneynaa madaxda Qaranka in aysan i rajo dhigin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ardaydaan oo ku xareysneed Iskuul Bulusiya masuq maasuq lagu kala reebay taasina ay ka dambeeyaan saraakiil sar sare. Wali ma jirta cid xaqiijin karta in madaxda Qaranka ay kawar qabaan arrintan.
  24. Difaaca cirka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qabtay laba gantaal oo ballistic ah, xilli ay kusoo wajahnaayeen caasimada waddankaas ee Riyadh, Turki Al-Malki oo ah afhayeenka u hadlay dowladda Sacuudiga, ayaa sidoo kale sheegay in gantaaladaasi la burburiyey marka ay saacadu ku beegneyd 23:23 am habeenimo ee xalay. Bayaan ka soo baxay dowladda oo lagu daabacay wakaaladda wararka Sacuudiga, ayaa lagu eedeyn la xariirta weeraradaasi fashilmay loogu jeediyey Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, waxaana sidoo kale Sacuudiga uu xusay in wax khasaare ah aan weli la diiwaan gelin. Kooxda xuutuyiinta ayaa weeraro joogta ah ka geysata gudaha dalka Sacuudiga, iyadoo weerarkan uu kusoo aaday xilli Khamiistii lasoo dhaafay Qaramada Midoobey ay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ka dalbatay in ay xabadda joojiyaan, si loo caawiyo shacabka dhibaateysan ee Yemen. PUNTLAND POST The post Weerar Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga oo la fashiliyay appeared first on Puntland Post.