Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 150 Tuuniisiyiin ah oo warshad isku karantiilay si ay u sameeyaan walxaha afka lagu duubto Shaqaalaha warshadda ayaa waxa ay doorteen inay halkaas isku karantiilaan oo ay soo saaraan qalabka cudurka coronavirus la isaga ilaaliyo Shaqaalaha warshad ku taal waddanka Tuunis ayaa maalintiiba waxa ay soo saaraan 50,000 oo walxaha afka lagu duubta ah iyo qalab kale oo caafimaad kaddib markii ay doorteen inay goobtaas isku karantiilaan. 150 shaqaale ah oo u badan haween ayaa waxa ay muddo bil ah isku karantiileen warshad. Waxaa dhiirigaliyay wadaniyadooda xilli dalka uu la tacaalayo cudurka coronavirus, ayuu BBCda u sheegay Xamza Caluuni, maareyaha shaqaalahaas. Khalwa Ribxi oo ka tirsan shaqaalaha ayaa sheegtay in ay si ugu xiistay qoyskeeda, hasayeeshee dareenka wanaagsan ee saaxiibadeed shaqada ay ka heshay waxoogaa ay ku nasato. “Ninkeyga iyo gabadhayda 16-jirka ah ayaa waxa ay igu taageeraan oo ay igu dhiirigaliyeen inaan sidan sameeyo,” ayey Ms Ribxi oo madax ka ah wax soo saarka u sheegtay BBCda. Warshadda ayaa aalaaba waxa ay soo saari jirtay walxaha fayadhowrka loo adeegsado, hasayeeshee haatan waxa ay diirrada saartay inay soo saarto qalab caafimaadka loo isticmaalo oo lagu isticmaalo gudaha dalkaas. Dalkan ku yaal waqooyiga Afrika, ayaa Axaddii waxaa lagu soo rogay xayiraad, kaddib markii la xaqiijiyay in 227 qof uu ku dhacay cudurka coronavirus, halka lix bukaanno ahna ay todobaadkii hore cudurkaasi u dhinteen. Khawla Ribxi Dadka todobaad ka hor u guuray warshadda ku taal baadiyaha koonfureed ee caasimadda Tuunis waxaa ka mid ah dad cunto karinta ku wanaagsan, dhakhtar iyo farmashiiste. Dhismooyin kala duwan ayey ku jiraan 110 haween ah iyo 40 rag ah, waxa ayna haystaan kayd ay sii isticmaali karaan muddo bil ah. “Meel gaar ah ayaannu u astaynay dhammaan jimicsiyada iyo qoob ka ciyaarka ay haweenka u baahan yihiin – ragguna waxa ay leeyihiin goobo ay ku dheelaan kubadda cagta iyo midda kolayga” ayey ii sheegtay Ms Ribxi. “Dhammaantayana waxaannu haysannaa internet oo waxaannu muuqaal ahaan kula sheekaysannaa qoysaskayaga markii aynaan shaqeynayn.” Waxa ay sheegtay in warshadu ay maalinkasta shaqeyso inta u dhaxaysa 06:30 ilaa 22:30 ee waqtiga maxalliga ah, taas oo ah laba xilli shaqo oo kiiba uu yahay sideed saacadood, raggana ay inta badan shaqeeyaan xilliga dambe. Qaran News
  2. Golaha Wakiilada Oo Go’aan Ka Gaadhay Labadii Xubnood Ee Xisbiyada Ugu Jiray Komishanka Cusub Golaha Wakiilada oo cod aqlabiyad ah ku diiday Labadii Xubnood Ee Komishanka Cusub ee Xisbiyada Ucid & Waddani soo xuleen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka ahi u soo xuleen komishanka cusub ee doorashooyinka somaliland. Fadhi ay maanta yeesheen xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayey ku diideen in labada xubnood ee xisbiyada mucaaridku ay ka mid noqdaan komishanka cusub. Go’aanka golaha wakiilada ayaa ku soo beegmaya xili heshiis laga gaadhay doorashooyinka isla markaana haatan dedaal loogu jiro ilaalinta caafimaadka bulshada. Qaran News
  3. Qoraal goor dhow ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay duulimaadyada dalka gudahiisa ah laga bilaabo dhamaadka maalinto berito ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 29-ka Maarso, si loo xakameeyo faafidda xanuunka Coronavirus. Sidoo kale wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa ka dhawaajisay in dhamaan xakameyntii lagu sameeyay duulimaadyada caalamiga ah in ay sii socon doonaan ilaa dowladdu ay go’aan kale ka gaareyso. Waxaa sidoo kale diyaaradaha dalka gudahiisa ku kala daabulaya xamuulada iskugu jira daawada iyo raashinka la farayaa in ka hor 24-saac ay codsigooda soo gudbiyaan, sida lagu sheegay qoraalkan. Ugu dambeyn waxaa dadka ka shaqeeya diyaaraha loogu baaqay in ay qaataan awaamiirta uga imaanaysa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Halkan ka akhriso qoraalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in beri wixii ka dambeeya dhammaan la joojiyey duulimaadyada gudaha ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho goboladda kale ee dalka. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya duulimaadyada loo ogol yahay diyaaradaha sida gargaarka, siiba kuwooda sida daawooyinka iyo raashinka Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inuu weli halkiisa yahay amarkii lagu joojiyey duulimaadyada caalamiga, islamarkaana uu sii socon doono illaa amar dambe. Ugu dambeyn wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa shirakadaha ka shaqeeya duulimaadyada ka dalbatay inay u hoggaasamaaan amarkaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa si guud u wada qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona, kaas oo sadex kiis oo ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho.
  5. Waxaa faahfaahinno kala duwa ay ka soo baxayaan qarax bambaano oo goor dhow lagu weeraray askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa agagaarka suuqa khudaarta Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi bambaano uu geystay khasaare kala duwan. Sida uu goobjooge u xaqiijiyay Goobjoog News, qaraxaan bambaano ayaa waxaa lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka qaada canshuuraha ee loo yaqaan Minishiibiyo, waxaana halkaasi ku geeriyootay haweeneey halka nin kale oo adey ahaa uu ku dhaawacmay waxaana wararku ay intaasi ku sii darayaan in khasaare kale uu jiro. Ciidankii ka tirsanaa kuwa qaada canshuuraha ee qaraxa bambaano lagu weeraray ayaa muddo kooban waxa ay ridayeen rasaas, waxaana sidoo kale goobta soo gaaray boolis ka tirsan Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan. Ma jirto wali cid sheegatay weerarkan iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya oo ka hadashay, waxaana inta ugu badan qaraxyada kala duwan ee ka dhaca gudaha caasimadda dhibaatada u xooggan ay ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir Dadweynaha Gobolka Nugaal, gaar ahaanna caasimadda Garoowe, ayaa lagu amray in aysan guryahooda ka soo bixin, islamarkaana ay yareeyaan isu-socodka iyo dhaqdhaqaaqyada aan muhiimka ahayn, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus. Maamulka Gobolka Nugaal, oo amarkan soo saaray ayaa sidoo kale mamnuucay in la qabto kulamo siyaasadeed iyo dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha oo ay ku jiraan xafladaha Aroosyada, Garoomada Ciyaaraha iyo Shaneemooyinka laga daawado filimaanta. Qoraalkan oo Sabtida maanta ah ka soo baxay Maamulka Gobolka Nugaal, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in ay sii xirnaadaan dhammaan Goobaha Waxbarashada oo ay horay u fasaxday wasaaradda Waxbarashada Puntland. Maamulka Gobolka Nugaal, wuxuu dhanka kale ku hanjabay in tallaabo ganaax iyo ciqaab ah la marsiin doono, cid kasta oo u hoggaansami wayda go’aankii lagu mamnuucay keenista iyo cunista Jaadka, si looga hortago cudurka COVID-19. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Nugaal oo mamnuucay dhammaan isu-imaatinada dadweynaha appeared first on Puntland Post.
  7. Infighting among the top leadership of Somali-based militia Al-Shabaab over finances is threatening to split the group, an intelligence report seen by the Nation shows. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia is sending over 20 doctors to help fight coronavirus in Italy, the country where the virus has claimed the most lives. Source: Hiiraan Online
  9. Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in laga billaabo Axadda berrito ah la hakin doono dhamaan duullimaadyadii gudaha Dalka. Warqad kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in duullimaadyada loo ogol yahay oo keliya Diyaaradaha sida gargaarka, gaar ahaan kuwa wada Dawooyinka iyo raashinka. Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale shirakadaha ka shaqeeya duullimaadyada ka dalbatay in ay u hoggaasamaan amarkan kasoo baxay wasaaradda. Dowladda Federaalka ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwixii ka bixi jiray, si looga hortego faafida Cudurka halista ee COVID-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo coronavirus dartiis u joojisay duulimaadyada gudaha appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Coronavirus oo noqday mushkilad caalami ah, ayaa dunida ku yeeshay kuna yeelan doona saamayn u badan mid taban. Soomaaliya oo dhibka Virus-kan la qabta caalamaka aafadan la daalaa dhacaya, ayaa waxaa iyada iyo dalal kooban la gooni yihiin in hab-dhismeedka dhaqaalahoodu si xad dhaaf ah ugu tiirsanyahay dunida maantay albaabada xiratay. Saamaynta taban ee Coronavirus ku yeeshay ama ku yeelan doono dhaqaalaha dalka ayaa si gooni ah looga dareemi doonaa qaybaha: Bankiyada & xawaaladaha; Soo dejinta badeecooyinka; Dakhliga dawladda (Cashuur, deeqaha shisheeye iyo khidmooyinka kale); Dhoofinta xoolaha ee xilliga xajka; Xoogsatada muruq-maalka ah; Shirkadaha diyaaradaha, safarka iyo hoteellada. Ganacsatada qaadka. BANKIYADA & XAWAALADAHA: Meesha ugu daran ee saamaynta dhaqaale ee Corona laga dareemi doono waa halkan maadaama dhibka soo gaara industry-gani u gudbo doono qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka. Xawaaladaha iyo bankiyada ayaa la inoo soo marsiiyaa biilasha ay soo diraan qurbejoogtu oo marka lagu daro deeqaha shisheeye inoo daboola dheelitir la’aanta ku jirta ganacsigeenna dibedda (Trade deficit) oo dhan 70% ka mid ah wax soo saarka guud ee dalka(GDP).(Halkan ka daalaco: (Halkan ka daalaco: http://documents.worldbank.org/curated/en/811231567610111001/pdf/Somalia-EconomicUpdate-Fourth-Edition-Building-Education-to-Boost-Human-Capital.pdf). Lacagaha xawaaladaha oo intooda badan ka yimaad waddamada Yururb iyo waqooyiga America, ayaa shirkadaha xawaaladuhu ku soo daabulaan diyaarado ama habab kale oo bankiyadu ka mid yihiin iyaga oo geeya inta badan dalalka Imaaraatka iyo Turkiga kadibna u adeegsada lacagahaas in ay ku daboolaan midda ay gudaha dalka ka dirsadaan ganacsatada ujeedkeedu yahay in ay badeeco ka soo iibsadaan dalka dibeddiisa. Saamaynta Corona ku yeelan doono xawaaladaha ayaa ka imaaanaysa saddex dhinac oo kala ah: Xairaad: In badan oo ka mid ah dadkii lacagaha soo diri jiray maantay waxa ay ku jiraan xayiraad iyo Bandow ama waxaa la xiray goobihii ay ka shaqaysan jireen, taas oo si daran u dhaawacaysa dakhligii soo geli jiray deedna yarayn doonta awooddii ay lacagaha ugu soo diri lahaayeen dadkooda ku nool gudaha dalka. Kala go’a silsiladdii qulqulka lacagta: Marar badan shirkadaha xawaaladuhu waxa ay adeegsan jireen diyaarado si lacagaha xawaaladda ay ku qabtaan Yurub iyo waqooyiga America ay ugu soo daabulaan Dubai iyo Turkiga oo ah meesha lagu kala wareejiyo lacagaha Soomaliya ku socda iyo kuwa ka baxaya. Sida laga warqabo, waxaa la hakiyay in badan oo ka mid ah duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray waddamada bariga dhexe, Yurub iyo Waqooyiga America taas oo kala goysay silsiladdii qulqulka lacagaha ee dalku ku tiirsanaa, taas oo dhankeeda ka yarayn doonta qulqulka cash-ka ee soo geli jiray dhaqaalaha dalka. Dheelitir la’aan: Mararka qaar oo xawaaladuhu ay waajahaan isu-dheelitir la’aan lacagaha u yaal gudaha dalka iyo kuwa ka yaal dibedda, waxa ay cash ka daabulaan dhinicii lacagtu kaga badato (Gudaha dalka ama dibedda) si ay meesha uga saaraan dheelligaas cash ee ay waajahayaan. Si ay arinkan u sameeyaan, waxaa xawaaladuhu adeegsadaan duulimaadyo diyaaradeed. Hase yeeshee, maadaama la joojiyay dhamaan duulimaadyadii imaanayay dalka, waxaa meesha ka baxay habkii daabulka cash-ka ee xawaaladuhu adeegsan jireen, taas oo culeys baaxad leh ku yeelan doonta adeegga xawaaladaha. SOO DEJINTA BADEECOOYINKA: Meesha labaad ee saamaynta taban ee Coronavirus Soomalidu ka dareemi doonaan waa soo dejinta alaabaha dibedda inooga yimaad sida cuntada, dawada IWM oo labo dhinacba culeys ka soo wajihi doono: Bandowga la saaray halkii aan wax ka soo dhoofsan lahayn: Waxaa xanibaad iyo Bandow lagu soo rogay dalalka India iyo Malaysia, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaqii la yareeyay Turkiga iyo Imaaraatka. Afartan dal oo lagu daray China ayaa ah halka laga soo dhoofiyo badeecooyinka ugu badan ee Somalia timaad. Xayiraadda loo geystay muwaadiniinta dalalkaas cabsida Corona dartiis waxa ay yarayn doontaa ama meesha ka saari doontaa badeecooyinkii aan dalalkaas ka keensan jirnay haba ugu badnaato cuntaduye. In aan weyno lacag aan wax ku soo iibsanno: Saamaynta labaad waxa ay ka imaanaysaa in la waayi karo ama ay ciriiri geli doonaan lacagihii lagu soo iibsan jiray badeecooyinka aan soo dejisanno maadaama culeys badan saaranyahay lacagihii ka imaan jiray Yurub iyo Waqooyiga America ee la soo marsiin jiray xawaladaha iyo bankiyada, taas oo sida aan horay u soo sheegnay lagu maalgeliyo soo iibsiga badeecadaha ka gadaal marka lagu kala wareejiyo Dubai ama Turkey. Culeyska ka imaan kara badeecoyinka la soo dejiyo ee dalka ayaa sii labo-jibaarmaya marka xisaabta lagu darsado in aan dalkeennu lahayn kayd istriaatiiji ah oo xagga cuntada, dawada iyo shidaalka ah. DAKHLIGA DAWLADDA (CASHUUR, DEEQAHA SHISHEEYE IYO KHIDMOOYIN KALE): Sida ku cad miisaaniyadda dawladda Soomalaiya ee sanadka 2020 (Halkan ka daalaco: http://documents.worldbank.org/curated/en/811231567610111001/pdf/Somalia-EconomicUpdate-Fourth-Edition-Building-Education-to-Boost-Human-Capital.pdf). http://mof.gov.so/sites/default/files/202001/XEERKA%20QOONDAHA%20MIISAANIYADDA%20 2020-KA.pdf) oo wadarteedu ku dhawdahaya nus-bilyan doolar, dakhliga cashuuraha ayaa gaaraya 50.3% ka mid ah wadarta guud ee dakhliga dawladda halka 49.7% ka mid ah miisaaniyaddu ay ka imaanayso deeqaha dalalka shisheeye siiyaan Soomaaliya. CoronaVirus waxa uu saamayn taban ku yeelan doonaa labada il ee dakhligu ka soo galo dawladda iyada cashuuraha guduhu yaraan doonaan maadaam ay meesha ka baxayaan badeecooyin badan oo la cashuuri jiray sida soo dejinta badeecooyinka oo yaraan doona, qaadka oo meesha ka baxay iyo cashuurta saaran tigidhada dadka ka dhoofaya ama ku soo degaya garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa sidoo kale meesha ka baxaya khidmadihii dawladdu ka heli jirtay garoonka Adan Cabdulle sida khidmadda visaha, khidmadda landing fee-ga, iyo khidmadda laga qaado diyaaradaha mara hawada Soomaaliya maadaama duulimaadyadii wada istaageen ama aad u yaraadeen. Waxaa sidoo kale la qiyaasi karaa in ay yaraan doonaan deeqihii shisheeye ee dalku heli jiray maadaama dalalkii bixin jiray deeqahaasi ay iyaga naftoodu la daalaa dhacayaan dhibaatada CaronaVirus. Saamaynta taban ee halkaas ka imaanaysa ayaa u sii taraarixi doonta cid kasta oo dakhligeedu ku tiirsanaa dawladda sida shaqaalaha dawladda, qandaraasleyda ka shaqeysata mashariicda dawladda iyo cid kasta oo dawladdu wax ka iibsan jirtay. DHOOFINTA XOOLAHA EE XILLIGA XAJKA: Xilliga hadda la jooga waa kolka xoolaha ugu badani ka dhoofaan dalka, haba ugu badnaadeen kuwa ku socda dalka Sacuudiga ee sanad walba malaayiin muslimiin ahi u xaj tagaan. Hadda ma jiraan ama aad ayay u yaryihiin xoolaha loo dhoofiyo Sacuudigu maadaama shaki ku jiro in sanadkan la xajin doono iyo in kale iyada oo haddaba Sacuudigu joojiyayn viisooyinkii cimrada. Halkaas waxaa dalkeenna uga baaqan doona lacago badan oo inaga soo geli jiray dhoofinta xoolaha oo ah isha koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya. Saamaynta taban ee ku dhici doonta qaybta xoolaha ee dalku ma noqon doonto mid ku eg tujaarta xoolaha dhoofisa ee waxa ay u daadegi doontaa ilaa qofka xoolo-dhaqatada ah, gaadiidka daabula xoolaha, kuwa ari-xarraaska loo yaqaan iyo cid kasta oo si toos ah ama si dadban dakhligeedu ugu xiranyahay xoolaha tiiyoo yarayn doonta awooddooda wax-iibsiga deedna saamayn ballaaran ku yeelan doonta qaybaha kale ee dhaqaalaha ee ka faa’iideysan jiray dakhliga soo gala dadka dakhligoodu ku xiranyaahy xoolaha. XOOGSATADA MURUQ-MAALKA AH: Allaah ha inaga haayee cudurkan Coronavirus haddii uu ku faafo dal sida Soomaaliya oo kale uu liito habkiisa caafimaadku, waxaa la hubaa in uu dhulka dhigi doono xoogsato badan oo quutul-yoomkooda u soo dhacsada si maalinle ah. Dadkan waxaa ka mid ah xamaaliga, fuundiga, beeraleyda, xoolo-dhaqatada, darawaliinta bajaajta, Mallaay dabatada, iwm. Xanuunka soo waajaha qaybahaas, waxaa uu meesha ka saari doonaa dakhligoodii alyoomka ahaa ee ay heli jireen taas oo dhabarjab dhaqaale ku nonon doonta kuwii iyaga ku tiirsanaa. SHIRKADAHA DIYAARADAHA, SAFARKA IYO HOTEELLADA: Ogaanteyda, shirkadihii diyaaradaha ee Soomaalida waxaa ka soo haray DAALLO Airlines oo aan uga duceynayo in aanay suuqa uga baxin CoronaVirus dartiis. Sidoo kale hakadka duulmimaadyada ee ka jira dalku waxa uu saamayn aad u weyn ku yeeshay kuna yeelan doonaa shirkadaha travel agencies-ka iyo hotellada oo dakhligoodu si toos ah ugu xirnaa socdaalka dadka oo hadda u muuqda meesha ugu daran ee Coronavirus ku yeeshay saamaynta ugu ballaaran. GANACSATADA QAADKA: Inkasta oo uu dhibaato dhaqaale oo baahsan ku hayo qaadku dalkeenna, isla markaana aan anigu ku jiro dadka aaminsan in la joojiyo haddiiba tabar loo hayo, hadana waxaan la inkiri karin in ay jiraan dad badan oo Soomaliyeed oo ka xoogsada qaadka sida kuwa soo dejiya, kuwa daabula, kuwa sii gada, kuwa garaabiistayaasha ah iyo biibitooyinka lagu qayilo. Saamaynta dhaqaale ee hakinta qaadka ayaa isugu jiri doonta mid taban iyo mid togan. Saamaynta taban ayaa ka imaan doonta dakhligii ay heli jireen dhamaan dadkii ku xirnaa qaadka oo meesha ka bixi doona halka saamaynta toganina ka imaanayso lacagaha faraha badan ee inooga bxii jiray qaadka oo inoo baaqanaya isla markaana geli doona qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka sida qudaarta (Qaraha IWM oo aad loo cuni doono) iyo maqaayadaha maadaama ay gaajo dareemi doonaan dad badan oo daroogada qaadku ilawsiisay gaajada. W/Q: Abdulrazak Mohamed Ahmed AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.
  11. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, oo maanta isku yimid Fadhi aan Caadi ahayn oo uu dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay ku Diidee inay ansixiyaan labadii xubnood ee xisbiyadda UCID iyo WADDANI u matalayay komishanka doorashooyinka. Labadan ayaa kala ahaa Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magacaabay iyo Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI soo Magacaabay. Cabdifataax Ibraahim Xasan oo xisbiga UCID matalayay waxa ogolaaday 29 Xildhibaan. Fadhiga Saaka ee golaha wakiillada ayaa waxa ka soo xaadiray 51 Xildhibaan. Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo xisbiga WADDANI matalayay waxa ogolaaday 31 Xildhibaan. Xubnahan ayaa la doonayay inay ogolaadaan 42 Xildhibaan si ay uga mid noqdaan guddiga doorashooyinka. Muuqaalka Warkan goor-dhaw kala soco Somalilandtoday Source
  12. Coronavirus oo noqday mushkilad caalami ah, ayaa dunida ku yeeshay kuna yeelan doona saamayn u badan mid taban. Soomaaliya oo dhibka Virus-kan la qabta caalamaka aafadan la daalaa dhacaya, ayaa waxaa iyada iyo dalal kooban la gooni yihiin in hab-dhismeedka dhaqaalahoodu si xad dhaaf ah ugu tiirsanyahay dunida maantay albaabada xiratay. Saamaynta taban ee Coronavirus ku yeeshay ama ku yeelan doono dhaqaalaha dalka ayaa si gooni ah looga dareemi doonaa qaybaha: 1. Bankiyada & xawaaladaha; 2. Soo dejinta badeecooyinka; 3. Dakhliga dawladda (Cashuur, deeqaha shisheeye iyo khidmooyinka kale); 4. Dhoofinta xoolaha ee xilliga xajka; 5. Xoogsatada muruq-maalka ah; 6. Shirkadaha diyaaradaha, safarka iyo hoteellada. 7. Ganacsatada qaadka. BANKIYADA & XAWAALADAHA: Meesha ugu daran ee saamaynta dhaqaale ee Corona laga dareemi doono waa halkan maadaama dhibka soo gaara industry-gani u gudbo doono qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka. Xawaaladaha iyo bankiyada ayaa la inoo soo marsiiyaa biilasha ay soo diraan qurbejoogtu oo marka lagu daro deeqaha shisheeye inoo daboola dheelitir la’aanta ku jirta ganacsigeenna dibedda (Trade deficit) oo dhan 70% ka mid ah wax soo saarka guud ee dalka(GDP).(Halkan ka daalaco: http://documents.worldbank.org/curated/en/811231567610111001/pdf/Somalia-EconomicUpdate-Fourth-Edition-Building-Education-to-Boost-Human-Capital.pdf). Lacagaha xawaaladaha oo intooda badan ka yimaad waddamada Yururb iyo waqooyiga America, ayaa shirkadaha xawaaladuhu ku soo daabulaan diyaarado ama habab kale oo bankiyadu ka mid yihiin iyaga oo geeya inta badan dalalka Imaaraatka iyo Turkiga kadibna u adeegsada lacagahaas in ay ku daboolaan midda ay gudaha dalka ka dirsadaan ganacsatada ujeedkeedu yahay in ay badeeco ka soo iibsadaan dalka dibeddiisa. Saamaynta Corona ku yeelan doono xawaaladaha ayaa ka imaaanaysa saddex dhinac oo kala ah: 1. Xairaad: In badan oo ka mid ah dadkii lacagaha soo diri jiray maantay waxa ay ku jiraan xayiraad iyo Bandow ama waxaa la xiray goobihii ay ka shaqaysan jireen, taas oo si daran u dhaawacaysa dakhligii soo geli jiray deedna yarayn doonta awooddii ay lacagaha ugu soo diri lahaayeen dadkooda ku nool gudaha dalka. 2. Kala go’a silsiladdii qulqulka lacagta: Marar badan shirkadaha xawaaladuhu waxa ay adeegsan jireen diyaarado si lacagaha xawaaladda ay ku qabtaan Yurub iyo waqooyiga America ay ugu soo daabulaan Dubai iyo Turkiga oo ah meesha lagu kala wareejiyo lacagaha Soomaliya ku socda iyo kuwa ka baxaya. Sida laga warqabo, waxaa la hakiyay in badan oo ka mid ah duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray waddamada bariga dhexe, Yurub iyo Waqooyiga America taas oo kala goysay silsiladdii qulqulka lacagaha ee dalku ku tiirsanaa, taas oo dhankeeda ka yarayn doonta qulqulka cash-ka ee soo geli jiray dhaqaalaha dalka. 3. Dheelitir la’aan: Mararka qaar oo xawaaladuhu ay waajahaan isu-dheelitir la’aan lacagaha u yaal gudaha dalka iyo kuwa ka yaal dibedda, waxa ay cash ka daabulaan dhinicii lacagtu kaga badato (Gudaha dalka ama dibedda) si ay meesha uga saaraan dheelligaas cash ee ay waajahayaan. Si ay arinkan u sameeyaan, waxaa xawaaladuhu adeegsadaan duulimaadyo diyaaradeed. Hase yeeshee, maadaama la joojiyay dhamaan duulimaadyadii imaanayay dalka, waxaa meesha ka baxay habkii daabulka cash-ka ee xawaaladuhu adeegsan jireen, taas oo culeys baaxad leh ku yeelan doonta adeegga xawaaladaha. SOO DEJINTA BADEECOOYINKA: Meesha labaad ee saamaynta taban ee Coronavirus Soomalidu ka dareemi doonaan waa soo dejinta alaabaha dibedda inooga yimaad sida cuntada, dawada IWM oo labo dhinacba culeys ka soo wajihi doono: 1. Bandowga la saaray halkii aan wax ka soo dhoofsan lahayn: Waxaa xanibaad iyo Bandow lagu soo rogay dalalka India iyo Malaysia, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaqii la yareeyay Turkiga iyo Imaaraatka. Afartan dal oo lagu daray China ayaa ah halka laga soo dhoofiyo badeecooyinka ugu badan ee Somalia timaad. Xayiraadda loo geystay muwaadiniinta dalalkaas cabsida Corona dartiis waxa ay yarayn doontaa ama meesha ka saari doontaa badeecooyinkii aan dalalkaas ka keensan jirnay haba ugu badnaato cuntaduye. 2. In aan weyno lacag aan wax ku soo iibsanno: Saamaynta labaad waxa ay ka imaanaysaa in la waayi karo ama ay ciriiri geli doonaan lacagihii lagu soo iibsan jiray badeecooyinka aan soo dejisanno maadaama culeys badan saaranyahay lacagihii ka imaan jiray Yurub iyo Waqooyiga America ee la soo marsiin jiray xawaladaha iyo bankiyada, taas oo sida aan horay u soo sheegnay lagu maalgeliyo soo iibsiga badeecadaha ka gadaal marka lagu kala wareejiyo Dubai ama Turkey. Culeyska ka imaan kara badeecoyinka la soo dejiyo ee dalka ayaa sii labo-jibaarmaya marka xisaabta lagu darsado in aan dalkeennu lahayn kayd istriaatiiji ah oo xagga cuntada, dawada iyo shidaalka ah. DAKHLIGA DAWLADDA (CASHUUR, DEEQAHA SHISHEEYE IYO KHIDMOOYIN KALE): Sida ku cad miisaaniyadda dawladda Soomalaiya ee sanadka 2020 (Halkan ka daalaco: http://mof.gov.so/sites/default/files/202001/XEERKA%20QOONDAHA%20MIISAANIYADDA%20 2020-KA.pdf) oo wadarteedu ku dhawdahaya nus-bilyan doolar, dakhliga cashuuraha ayaa gaaraya 50.3% ka mid ah wadarta guud ee dakhliga dawladda halka 49.7% ka mid ah miisaaniyaddu ay ka imaanayso deeqaha dalalka shisheeye siiyaan Soomaaliya. CoronaVirus waxa uu saamayn taban ku yeelan doonaa labada il ee dakhligu ka soo galo dawladda iyada cashuuraha guduhu yaraan doonaan maadaam ay meesha ka baxayaan badeecooyin badan oo la cashuuri jiray sida soo dejinta badeecooyinka oo yaraan doona, qaadka oo meesha ka baxay iyo cashuurta saaran tigidhada dadka ka dhoofaya ama ku soo degaya garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa sidoo kale meesha ka baxaya khidmadihii dawladdu ka heli jirtay garoonka Adan Cabdulle sida khidmadda visaha, khidmadda landing fee-ga, iyo khidmadda laga qaado diyaaradaha mara hawada Soomaaliya maadaama duulimaadyadii wada istaageen ama aad u yaraadeen. Waxaa sidoo kale la qiyaasi karaa in ay yaraan doonaan deeqihii shisheeye ee dalku heli jiray maadaama dalalkii bixin jiray deeqahaasi ay iyaga naftoodu la daalaa dhacayaan dhibaatada CaronaVirus. Saamaynta taban ee halkaas ka imaanaysa ayaa u sii taraarixi doonta cid kasta oo dakhligeedu ku tiirsanaa dawladda sida shaqaalaha dawladda, qandaraasleyda ka shaqeysata mashariicda dawladda iyo cid kasta oo dawladdu wax ka iibsan jirtay. DHOOFINTA XOOLAHA EE XILLIGA XAJKA: Xilliga hadda la jooga waa kolka xoolaha ugu badani ka dhoofaan dalka, haba ugu badnaadeen kuwa ku socda dalka Sacuudiga ee sanad walba malaayiin muslimiin ahi u xaj tagaan. Hadda ma jiraan ama aad ayay u yaryihiin xoolaha loo dhoofiyo Sacuudigu maadaama shaki ku jiro in sanadkan la xajin doono iyo in kale iyada oo haddaba Sacuudigu joojiyayn viisooyinkii cimrada. Halkaas waxaa dalkeenna uga baaqan doona lacago badan oo inaga soo geli jiray dhoofinta xoolaha oo ah isha koowaad ee dhaqaalaha Soomaaliya. Saamaynta taban ee ku dhici doonta qaybta xoolaha ee dalku ma noqon doonto mid ku eg tujaarta xoolaha dhoofisa ee waxa ay u daadegi doontaa ilaa qofka xoolo-dhaqatada ah, gaadiidka daabula xoolaha, kuwa ari-xarraaska loo yaqaan iyo cid kasta oo si toos ah ama si dadban dakhligeedu ugu xiranyahay xoolaha tiiyoo yarayn doonta awooddooda wax-iibsiga deedna saamayn ballaaran ku yeelan doonta qaybaha kale ee dhaqaalaha ee ka faa’iideysan jiray dakhliga soo gala dadka dakhligoodu ku xiranyaahy xoolaha. XOOGSATADA MURUQ-MAALKA AH: Allaah ha inaga haayee cudurkan Coronavirus haddii uu ku faafo dal sida Soomaaliya oo kale uu liito habkiisa caafimaadku, waxaa la hubaa in uu dhulka dhigi doono xoogsato badan oo quutul-yoomkooda u soo dhacsada si maalinle ah. Dadkan waxaa ka mid ah xamaaliga, fuundiga, beeraleyda, xoolo-dhaqatada, darawaliinta bajaajta, Mallaay dabatada, iwm. Xanuunka soo waajaha qaybahaas, waxaa uu meesha ka saari doonaa dakhligoodii alyoomka ahaa ee ay heli jireen taas oo dhabarjab dhaqaale ku nonon doonta kuwii iyaga ku tiirsanaa. SHIRKADAHA DIYAARADAHA, SAFARKA IYO HOTEELLADA: Ogaanteyda, shirkadihii diyaaradaha ee Soomaalida waxaa ka soo haray DAALLO Airlines oo aan uga duceynayo in aanay suuqa uga baxin CoronaVirus dartiis. Sidoo kale hakadka duulmimaadyada ee ka jira dalku waxa uu saamayn aad u weyn ku yeeshay kuna yeelan doonaa shirkadaha travel agencies-ka iyo hotellada oo dakhligoodu si toos ah ugu xirnaa socdaalka dadka oo hadda u muuqda meesha ugu daran ee Coronavirus ku yeeshay saamaynta ugu ballaaran. GANACSATADA QAADKA: Inkasta oo uu dhibaato dhaqaale oo baahsan ku hayo qaadku dalkeenna, isla markaana aan anigu ku jiro dadka aaminsan in la joojiyo haddiiba tabar loo hayo, hadana waxaan la inkiri karin in ay jiraan dad badan oo Soomaliyeed oo ka xoogsada qaadka sida kuwa soo dejiya, kuwa daabula, kuwa sii gada, kuwa garaabiistayaasha ah iyo biibitooyinka lagu qayilo. Saamaynta dhaqaale ee hakinta qaadka ayaa isugu jiri doonta mid taban iyo mid togan. Saamaynta taban ayaa ka imaan doonta dakhligii ay heli jireen dhamaan dadkii ku xirnaa qaadka oo meesha ka bixi doona halka saamaynta toganina ka imaanayso lacagaha faraha badan ee inooga bxii jiray qaadka oo inoo baaqanaya isla markaana geli doona qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka sida qudaarta (Qaraha IWM oo aad loo cuni doono) iyo maqaayadaha maadaama ay gaajo dareemi doonaan dad badan oo daroogada qaadku ilawsiisay gaajada. Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale. W/Q: Abdulrazak Mohamed Ahmed Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. War ka soo baxay xafiiska warfaafinta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyey shaqooyinkii safaarada ay u heysay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalkaasi, si loo yareeyo faafida Corona. Fiidow Maxamuud Fiidow oo dhanka warbaahinta u qaabilsan safaarada Soomaaliya ee Uganda ayaa sheegay in dhamaan la hakiyey howlihii safaarada muddo laba isbuuc ah. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/ccc-1.mp3 View the full article
  14. Wararka ka imaanaya degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino lagula beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degaanka Jannaale. Kolonyada ciidan oo sida la sheegay maraysay nawaaxiga degaanka Jannaale ayaa la kulmay qarax miino oo malayshiyaadka Al-shabaab ay halkaasi ku sii aaseen kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Wararku waxay intaas ku darayaan in qaraxa miino ay gebi ahaanba ku gubatay booyaddii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan saldhiga degaanka Jannaale halkaas oo ay dhowaan la wareegeen. Sidoo kale Al-shabaab oo sheegatay qaraxaas ayaa xaqiijisay in ay gubtay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidanka islamarkaana ay askar ku dishay qaraxa inkastoo aysan jirin cid xaqiijin kartaa dhimashada askartaas. Dhinaca kale Taliska Militariga dowladda Federaalka weli kama hadlin qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay mid koodna. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qarxiyay booyaddii loogu dhaamin jiray ciidamada dowladda ee ku sugan Jannaale appeared first on Puntland Post.
  15. Guddoomiyaha midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in uu galay xaalad karaantiil ah ka dib markii qof ka shaqeeya xafiiskiisa laga helay xanuunka caalamka faraha ba’an ku haya ee Coronavirus. Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in qofka ka shaqeeya xafiiskiisa ee laga helay xanuunkan uu haatan yahay mid xaaladdiisu ay wanaagsan tahay isaga oo xusay in isaguna uu si iskiis ah isku karaantiilay. “Waxaan idiin xaqiijin karaa in qof ka shaqeeya xafiiskeyga ee midowga Afrika laga helay Covid-19, xubintan shaqaalaha ah xaaladiisu waa mid degan, aniguna waxaan galay karaantiil” ayuu yiri guddoomiyaha midowga Afrika ee Moussa Faki Mahamat. Qaaradda Afrika kiisas kor u dhaafaya 1,000 kiis oo Coronavirus ah ayaa horay looga diiwan galiyay, waxaana xanuunkaan uu yahay mid maalinba maalinka ka dambeysa ku sii faafaya caalamka, walina ma jirto dawo loo helay caabuqaan loo maarada la’yahay. Waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo cudurkaan iyo dadka u geeriyoonaya intaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar loo adeegsaday qarax miino oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu weeraray kolonyo ay la soceen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya. Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxaan ayaa sheegatay inay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidanka dowladda, gaar ahaan gaari booyad ah. Sidoo kale waxa ay tilmaamatay in weerarkaasi ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay ciidamadaasi, walow aysan shaacin tiro rasmi ah. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray. Janaale oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kadib markii ay dagaal la galeen xoogaga Al-Shabaab.
  17. (SLT-Hargeysa)-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Sabtida Maanta oo ku beegan 28 March, 2020 yeelanaya Fadhi aan Caadi ahayn. Fadhigan oo uu dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sida qorshuhu yahay waxay Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu ku ansixin doonaan Xubnihii Xisbiyada Mucaaradka ahi u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa Toddobaadkii hore waxa uu qoraal u gudbiyey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, kaasi oo uu kaga dalbaday inay isugu yeedhaan Xildhibaannada Golaha oo ku jira Fasax, si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan labada Xubnood ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen Komiishanka doorashooyinka Somaliland. Xubnaha Maanta uu Goluhu ansixintooda u fadhiisanayo ayaa kala ah:- Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magacaabay iyo Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI soo Magacaabay. Source
  18. Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah waxa ay hirgalinaysaa amarro ay soo saaratay maalinkii shalay ahaa kuwaas oo ku addanaa in gabi ahaanba deegaanada Puntland aan la keeni Karin qaad iyo in la xirayo xuduudda ay la wadaagaan maamulka Soomaaliland. Sidoo kale awaamiirta aya soo saareen maamulka Puntland ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ganacsatada maamulkaasi loogu baaqay in la joojiyo iibka badeecadaha Puntland uga baxaya meelaha kale si loo hubiyo keydka badeecadaha daruuriga u ah dadka reer Puntland inta ay xaladooda ka soo haggaageyso waddamada caalamka ee xirtay xudduudahooda. Qoraalkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa la filayaa in maanta uu dhaqan galo waxaana looga gonleeyahay si loo yareeyo faafitaanka cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus. Ugu dambeyntii waxaa digniin loo jeediyay dadka ay ku socoto warqaddaan waxaana loo sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u fuliyeen awaamiirtaan. Wasaaradda caafimaadka iyo xafiiska qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa shalay si wada jir ah u xaqiijiay in qof ajnabi ah oo ku sugan xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho laga helay xanuunka Coronavirus kaasi oo tirade kiisaska laga helay Soomaaliya ka dhigaya saddex kiis. Halkan ka akhriso amarrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xidhan yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u khajiiyey warqaddan Madaxweynuhu uu cafiska ugu fidinayo Maxaabiista, isla-markaana waxaa la sheegay inay warqadan uu Madaxweynuhu ku amray in aan cafis u fidin maxaabiista u xidhxidhan kiisaska cul-culus sida Maxaabiista u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la midka ah. Dhinaca kale, waxaa Wargeyska Geeska Afrika loo khajiiyey in Ciidanka Asluubtu uu khamiistii u gudbiyey Xeer-ilaalinta iyo Wasaaradda Cadaalada liiska Maxaabiista la filayo inuu Madaxweynuhu cafiska u fidiyo, iyo maxbuus kastaaba wuxuu u xidhan yahay, waxaana la filayaa in ilaa maanta ilaa beri uu Madaxweynuhu cafis u fidiyo 800 oo maxbuus oo ku kala xidhan jeelasha iyo xabsiyada kala duwan ee dalka. Source
  20. (SLT-Burco)-Agaasimaha Cisbtaalka guud ee Dawladda ee Magaalada Burco, Cabdi Suudi Ibraahim ayaa beeniyey inuu jiro bukaan uu hayo xanuunka khatarta ah ee coronavirus oo ay ku hayaan Cisibtaalka. Agaasimaha Cisbtaalka Magaalada Burco Cabdi Suudi Ibraahim, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxa ka jira warar Khamistii soo baxay oo sheegay in Qof Qaba Xanuunka Coronavirus lagu hayo Cisbitaalka guud ee Burco, ayaa wuxuu ku jawaabay “Waa been abuur cad, ma jiro bukaan qaba coronavirus, oo Cisbitaalka la keenay, yaan dadka been loo sheegin, oo dadka yaan la khaldin, oo yaan been abuur dadka lagu khal-khaliyo baraha bulshada lagu faafin, ma hayno bukaan uu hayo coronavirus, ILLAAHAY yeyna ku magan galaynaa, inuu xanuunkani dalkeena ka dilaaco” Illaa Khamiistii Toddobaadkii hore waxa dadka qaarkood ay Baraha Bulshada ku faafinayeen Warar sheegaya in Cisbitaalka Burco lagu hayo Qof qaba xanuunka Coronavirus. Source
  21. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Puntland ayaa maanta dhaqan gelin doonta joojinta qaadka, si looga hortago faafidda Caabuqa COVID19. Madaxweynaha Somaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u hoggaansamaan Talooyinka Caafimaad ee Bad-qabkooda la xiriira. Dowladda Maryeykanka ayaa soo dhoweysay hannaanka deyn-cafinta Dowladda federaalka Somaliya iyo guulaha ay ka gaartay shuruudihi ku xirnaa. Shaqada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa la xiray in muddo arrimo la xariira Xanuunka COVID-19. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Hanad Cali Guuleed iyo Anfac Aadan https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-27-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhowaan la wareegi doonto Iskuulka 15-ka May ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay hadda gacanta ku hayaan guddi Masaari ah. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ayaa lagu sheegay in Iskuulka 15-ka ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto 20-ka Bisha soo socota ee April 2020 isla markaana ay kala wareegeyso Guddiga Waxbarashada reer Masar. Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tilmaantay in Iskuulkaas laga dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka. Go’aankaas ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay dib uga laabatay taageeridda qaraarkii Masar ee Webiga Niil ee Shirkii Jaamacada Carabta oo Soomaaliya sheegtay in ay dhex-dhexaad ka noqotay. Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in Amarka lagu xirayo dugsiga uu yahay mid lagu raaligalinaayo dowladda Itoobiya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo la wareegaysa Iskuul ay gacanta ku hayaan guddi Masaari ah appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay mideeyaan cududdooda iyo awooddooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen duruufaha caafimaad ee caabuqa Coronavirus uu dhaxal siiyey dalal badan oo caalamka ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si weyn uga murugoodeen dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ugu geeriyooday cudurkan, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyey dadka kale ee bukaanka ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ducada ugu xusay Raiisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka mid ah dadkeenna la xanuunsan caabuqan. “Dadka Soomaaliyeed -gudaha iyo dibaddaba- waxaan ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo talooyinka caafimaad ee lagu xaqiijinayo badqabkooda.” Madaxweynaha ayaa sheegay in ilaa hadda dalkeenna la xaqiijiyey saddex qof oo uu ku dhacay cudurkan, waxa uuna ugu baaqay shacabka in la joogteeyo ilaalinta fayo-dhowrka oo ay ugu muhiimsan yihiin dhiqidda gacmaha, yareynta kulan wadareedyada iyo fulinta guud ahaan talooyinka caafimaad ee ka hortagga ah. View the full article