Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan ayaa maanta ka warbixiyey xaladda guud ee Jubbaland, isaga oo soo hadalqaaday arrimaha amniga Jubbaland iyo howlagalada ciidamada daraawiishta ay ka wadaan deegaannada Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale xukuumadda hadda jirta ku dhaliilay in ay ka jiifatay waajibkii ka saarnaa amniga iyo in la xoreeyo deegaannada ka maqan gacanta dowladda isaga oo xusay in xukuumaddu ku mashquushay arrimo kale kana mashquushay amniga waxaana uu yiri. “Doorashadii markaan ka soo baxnay ka dib waxaa u howlgalnay dib u xoreyn balaaran inaan samayno dhaqdhaqaaqyo badan ayaa la sameeyey xaga deegaanka furinta hore ee Sanguuni horay ayaa loo dhaqaaqay waxaa lagu dhowaaday Jamaame, xaga Afmadow dhaqdhaqaaq ayaa laga sameeyey oo looga golleeyahay Xagar iyo Bu’aale in la qabto xaga Gedana dhaqdhaqaaq ayaa laga sameeyey waa cadow muddo nala noolaa ayagoo deegaannada gacanta ku haayo, waxaana wadnaa inaan soo afjarno, inagga oo iskaashi ka sugeyna beesha caalamka, AMISOM iyo dowladda federaalka wallow xukuumadda hadda jirta aan ku dhaliilayno in ay ku mashquushay arrima aan muhiim aheyn kana mashquushay waajibaadkii ka saarnaa dalka inuu amni helo haddii aan amni la helin wax kale oo laga fakari karo majiro” . Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo hadal qaaday hadal warar maalmihii tagay la isla dhexmarayey oo ahaa inuu wadahadal shakhsiyadeed uu kula jiro madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya isaga oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri. “Maxamuud Sayid Aadan hoggaanka Jubbaland ayuu ka mid yahay xeer ayuu ku dhaartay kitaab ayuu maray markaan kalsooni aan baarlamaanka ka helay afarta sano ee soo socota inaan Jubbaland aan u shaqeynayo, wadahadal dowladda iyo Jubbaland kala aragti duwanaanta u dhaxeyso lagu xalinaayo qeyb waan ka noqon karaa lakiin waa markaan Jubbaland aan wakiil uga ahay oo aan anigu hoggaaminaayo wax qarsoomayo maahan haddii maanta ay wada hadal dalbadaanna waan la hadlaynaa annaga oo wafdi Jubbaland ka socda ah lakiin maxaan anigu kala hadlay ma xeerkii iyo kitaabkii aan maray miyaan been ka sheegayaa waa wax been abuur ah.” Dhanka kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay qorshahooda ku aadan gaaritaan ka magaalada caasimadda u ah Jubbaland ee oo Bu’aale oo gacanta ugu jirta Al-shabab oo muddooyinkii dambe iyagu maamulayey waxaana hadalkiisa ka mid ahaa. “Waa wax muhiim ah oo noo qorsheysan horayna noogu qorsheysnaa maalinba meel ayaa la sii gaarayey wallow dagaalku uu ahaa dowladda Federaalka, dowlad gobaleedka iyo howlgalka AMISO si qorshaysan looga wada howlgalo gaabisna aan ka aragnay dhinacyada kale oo dib loo celiyey dagaalka Al-shabaab haddana waqti kasta hanagu qaadatee waa noo qorsheysan tahay inaan mardhow ka guul gaarno”. Ugu dambeyn madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baqay madaxda dowladda Federaalka in heshiis lagu wada socdo dalkana la badbaadiyo . “Waxa caalamku kuwada nool yahay waa wax ay ku heshiiyeen heshiskaas aan wanaajinno dastuurkeenna aan qabyo tirno inta hadda uu na farayo aan ku dhaqanno qof weliba kaas dib ha u aqriyo kaas ha loo noqdo maanta waxaan ku talinayaa hala iska daayo waxyaabaha kale ee lagu mashquulsan yahay Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaaye aan wada jir dalka aan u badbaadinno” ayuu hadalkiisa ku soo gabangabeeyey madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. (SLT-Germany)-Wasiirka maaliyadda gobolka Hesse ee dalka Jarmalka Thomas Schaefer, ayaa iskiis isku dilay kadib markii uu walaac ka muujiyay sida loola tacaali karo burburka dhaqaale ee ka dhashay cudurka halista ah coronavirus. Raysal wasaaraha ismaamulka gobolka Hesse ,Volker Bouffier ayaa xaqiijiyay geerida Thomas Schaefer Schaefer, oo 54 jir ah, ayaa meydkiisa laga helay meel u dhow wadada tareenka Sabtidii. Xafiiska xeer ilaalinta ee Wiesbaden ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in isagu uu isdilay. Ismaamulka gobolka Hesse wuxuu hoy u yahay caasimadda dhaqaalaha ee Jarmalka Frankfurt, halkaas oo deyn bixiyeyaasha waaweyn sida Deutsche Bank iyo Commerzbank ay xaruntooda ku leeyihiin. Bangiga Dhexe ee Yurub ayaa sidoo kale ku yaalla Frankfurt. Bouffier ayaa xusay in Schaefer, oo ahaa madaxa maaliyadda Hesse 10 sanno, uu shaqeynayay maalin iyo habeen, si uu uga caawiyo shirkadaha iyo shaqaalaha inay wax ka qabtaan saameynta dhaqaale ee cudurka Coronavirus. “Waa sax waqtigaan adag inaan u baahanahay qof isaga oo kale ah,” ayuu yidhi Volker Bouffier, oo ka walaacsanaa geerida wasiirkiisa maaliyadda Source
  3. Warsheekh (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay raashin gargaar ah iyo daawooyin loo qaaday qoysas danyar ah oo ku dhibaateysan degaanka Bashaqle ee degmada Warsheekh. Gargaarkaan ayaa waxaa Muqdisho ka qaaday dhallinyaro ka tirsan Golaha degaanka ee degmada iyo dhalinyaro kale oo degaanka ka soo jeeda, kuwaas oo hore u soo arkay nolal adag oo degaanka ka jirta. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, gargaarkaan oo Arbacadii ka baxay Muqdisho ayaa waxaa saddex maalin hortaagnaa ciidamo beeleed dalbaday in lacag la siiyo ama aysan socon doonin gurmadka degaanka. Wadahadal iyo dadaal dheer oo ay sameeyeen maamulka degmada, Xildhibaanada Golaha degaanka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa guul darro ku soo dhamaaday waxaana wafdigaasi ku jiray weriyaal Muqdisho laga qaaday si ay usoo tabiyaan. Degmada Warsheekh oo kamid ah degmooyinka taariikhda fog leh kuma sugna ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya boolis ama milateri balse waxaa laba xarun banaanka magaalada ku leh AMISOM. Degmadaan ayaa ka tirsan magaalooyinka ku dhib qabta ciidamo beeleedyada oo qaarkood la sheegay in ay ka tirsan yihiin Milateriga Soomaaliya, waxayna nolashooda ka maareeyaan Isbaaro iyo lacago ay ka qaataan suuqyada, gargaarka iyo dalxiisayaasha.
  4. (SLT-Riyadh)-Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen, ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar Gantaalo ah oo lagu garaacday gudaha dalka Sacuudiga. Kooxdaan ayaa sheegatay inay Gantaalo ku garaacday gudaha qasriga boqortooyada Sacuudiga, sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasho afka kooxdaan. Xuutiyiinta ayaa sheegtay in gantaaladaas ay ka dhasheen khasaaro inkastoo ayna sheegin tirada dadka ku wax yeeloobay weerarkaas. Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay sheegashada kooxdaan ayaa xustay inay ku guulleystay inay hawada ku burburiso laba gantaal oo nooca balaastikada ah oo ay xuutiyiinta kusoo rideen Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Magaalada Jeysaan. Wasaaradda difaaca dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in laba qof dhaawacyo fudud soo gaadheen markii darbiyo ku dumeen intii uu socday hawlgalkii gantaladaas lagaga hor tagayay. Source
  5. MOGADISHU, Somalia (AP) — At first, the coronavirus was just a fairy tale, a rumor along the dusty lanes of the displaced persons’ camp that Habiba Ali calls home. Source: Hiiraan Online
  6. By ABDI GULED and MOHAMED SHEIKH NOR Associated Press MOGADISHU, Somalia (AP) — At first, the coronavirus was just a fairy tale, a rumor along the dusty lanes of the displaced persons’ camp that Habiba Ali calls home. It seemed fantastical: an illness sweeping the world far beyond Somalia’s borders, killing thousands of people and sending some of the richest countries into panic. Then Somalia’s first virus case was announced on March 16, and one of the world’s most fragile nations staggered even more. Nearly three decades of conflict, extremist attacks, drought, disease and a devastating outbreak of locusts have taken a vast toll. Already vulnerable, millions of Somalis now contemplate a new way to die. “We have been overcome with an extraordinary fear about the disease,” Ali said as she worried about her six children. “And we are even avoiding shaking hands with people. Our fear is real, and we are helpless.” Even as mask-wearing health workers entered her Sayidka camp in the capital, Mogadishu, to demonstrate lathering up with soap and water, some authorities shuddered. Small children mimicked the virus prevention measures, happily covering their mouths with their hands. Somalia ranked 194th of 195 countries in the Johns Hopkins Global Health Security Index for 2019 and scored zero in several areas, including emergency preparedness, emergency response, infection control practices and health care access. The country lacks essential equipment for the kind of intensive care that COVID-19 patients, sometimes gasping for breath, desperately need, Health Minister Fawsia Abikar told The Associated Press. Less than 20 beds in intensive care units are available. Somalia also has lacked the capability to test for the new virus, meaning samples are sent abroad and results delayed for more than a week. Quarantine tents have been erected around an old port in Mogadishu. As of Sunday, all international and domestic flights, except for emergency medical and food cargo, have been suspended. “This is a disease which has overwhelmed more sophisticated health care systems of countries than ours,” President Mohamed Abdullahi Mohamed warned in a public awareness campaign. A third virus case was confirmed in recent days. The person infected is a contractor for the United Nations at the heavily fortified compound at the international airport where many diplomats and aid groups are based. Somalia’s fate depends in part on another, more dangerous authority, the al-Qaida-linked al-Shabab extremist group that controls or holds sway in parts of the central and southern regions. Al-Shabab often strikes in the heart of the capital, with fighters detonating suicide bombs at checkpoints or infiltrating offices posing as employees. Chances for infection also exist along major roads in Somalia where the group operates a system of forced taxation. While al-Shabab leaders recently met to discuss the coronavirus as a precaution, the group has been hostile to humanitarian workers during past emergencies. Few people expect anything different now. “Lessons from previous epidemics, including the cholera outbreak in 2017, tell us that it’s unlikely they will allow humanitarian partners access to areas that are in need,” the Somalia director for Action Against Hunger, Ahmed Khalif, told the AP. But “they let people seek health care (elsewhere) when they were overwhelmed by the numbers, so we expect a similar reaction.” From his office in Mogadishu where desks have been pushed apart for social distancing, Khalif worries along several lines. Because of a lack of governance over the years, Somalis have thrived on social networks that are now threatened, he said. The warm personal embraces must end, even though some people mistakenly think Somalia’s hot weather will defeat the virus. And some 6 million Somalis live in squalid conditions, many of them uprooted by past disasters. Most are acutely hungry. Hundreds of thousands cling to existence on the fringes of Mogadishu, their homes of corrugated metal, even hanging cloth, jammed side-by-side. Access to water is severely limited. “It’s going to be beyond anyone’s imagination,” Khalif said. “A widespread outbreak of the disease would be catastrophic to the people who are already vulnerable.” The virus doesn’t discriminate among rich or poor, he said. Elsewhere in Mogadishu, better-off citizens have rushed to stock up on face masks, sanitizer and gloves. “Demand is extremely high,” Abdulkhadir Muse, a pharmacist, said as shelves emptied. ”The problem is that some people are buying and hoarding marks to sell them at a higher price.” Crowds of shoppers mingled in the city of 2.5 million people, some still shaking hands in greeting. The health system is showing strain. Some hospitals in Mogadishu have turned away people with high fevers, several people told the AP, raising the concern about possible stigma that those infected with the virus might face. They spoke on condition of anonymity out of concern about that stigma. “If confirmed, such practices could further discourage patients from coming out and seeking medical attention,” said Dr. Ali Hassan, an internal specialist. Across town, deep in the Sayidka camp, resident Yusuf Ibrahim contemplated being uprooted yet again. Drought forced him from home three years ago. “As displaced people, we are vulnerable,” he said. “If this disease spreads between us, we will suffer.” ________ Guled reported from Nairobi, Kenya. Cara Anna in Johannesburg contributed.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo dhowaan dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii dalka iman jiray, dhowaanna Muqdisho ay ku gabtay qaad si sharci-darro ah dalka loo keenay, ayaa waxaa sii socda in Muqdisho lasoo geliyo qaad, sida ay ogaatay Caasimada Online. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, xubno ka mid ah shaqaalaha garoonka Muqdisho ee qaadka qaabilsanaa iyo ganacsato ayaa iska kaashanaya qaad si Kontar-baan ah lagu keeno Muqdisho, kaasi oo si caadi ah loogu iibinayo suuqyada. Qaadkaan ayaa doomo uga daga Xeebaha Jazeera, Ceel-Macaan iyo kuwa kale ee duleedka Muqdisho, waxaana lagu soo geliyaa suuqa gaadiid ay wataan ganacsato ay wehliyaan saraakiil sare iyo ciidamo. Markii qaadka guryahooda loogu geeyo Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil ka tirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa inta kale lagu iibiyaa qiimo aad u sareeya suuqdyada Muqdisho. Dhinacyadan iskaashanaya ayaa lacag aad u badna ka sameeya qaadkan sida sharci-darrada ah lagu keeno magaalada. Wararka ayaa sheegaya in marduufii qaadka oo horey magaalada uga joogay qiyaastii 20 dollar, uu hadda gaaray lacag u dhaxeysa 150 illaa 200 oo dollar, taasi oo ay awoodaan dad yar oo u badan mas’uuliyiin iyo ganacsato lacag haysta. Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqday in ay joojisay qaadka waxayna meel fagaara ah ku gubtay qaad si Kontara-baan ah dalka lagu soo geliyay. Qaadka ayaa horey looga digay inuu sii faafin karo cudurka Caronavirus faafiya maadaama gacanta lagu soo jaro islamarkaana lagu soo raro, iyadoo ay Kenya qayb ka tahay dalalka uu cudurkaan ka jiro.
  8. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in kiis la xiriira Coronavirus laga helay caasimadda Puntland ee Garoowe. Qoraal maanta ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in kiis la xiriira COVID-19 laga helay degaannada Puntland. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in aysan jirin wax kiisas cudurkaas ah oo laga helay meel kamid ah Puntland waxaana ay ku hanjabtay in sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo kiisas been-abuur ah ka faafisa Puntland. “Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaarada caafimaadka Puntland waxay ay dadweynaha Puntland ugu baaqday inay xogta ku saabsan cudurka Coronavirus ay uga dambeeyaan dowladda. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in Coronavirus laga helay gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta soo saartay go’aano cusub oo ay uga hortageyso faafitaanka cudurka Coronavirus, oo dunidoo dhan ku haya faro ba’an. Somaliland ayaa xanibaad dhanka socdaalka ah kusoo rogtay Muwaadiniinteeda ka imanaaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka, kadib markii qiimeyn ay ku sameeyen Guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga COVID-19. Guddiga ayaa sheegay inay cabsi weyn ka qabaan in dadka ka imanaya dalalkaasi ay qabaan cudurka aan weli daawada loo helin ee Coronavirus, sidaasi darteedna wixii berri ka dambeeya aysan usoo safri karin Somaliland. Waxaana shirkadaha diyaaradaha ee yimaada madaarka Somaliland looga digay inay soo qaadaan rakaab ka imanaya dalalkaasi ay xanibaada ku soo rogtay Xukuumadu, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Guddigaasi. Hoos ka aqriso War-saxaafadeedka guddiga oo dhameystiran:
  10. Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulkaasi ayaa waxaa ay war hor leh ka soo saareen Caabuqa COVID-19, iyadoo amarro la dul dhigay dadka dibada ka imaanayo. War qaraal ah oo guddiga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo rakaabka ka imaanayo wadamada dhaca qaaradda Yurub iyo woqooyiga America aysan imaan karin deegaannada Somaliland, maadaama xanuunka Corona uu si aad ah u saameeyey. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ayaa lagu xusay amarro la dul dhigay diyaaradaha ka imanayo waddamadaasi kuwaas oo soo gaarayo garoonka diyaarada ee Cigaal ee magaalada Hargeysa in aysan rakaab ka soo qaadi Karin Yurub iyo America. Hadalka maanta ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa uu imaanaya iyadoo dalka gudihiisa maalmahaan laga dareemay cabsi ku aadan xanuunka Coronavirus,iyadoo kiisas laga diiwaan geliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ka dib markii xanuunka lagu arkay dad ka yimid waddamada caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay joojisay Rakaabka ka imaanaya dhammaan dalalka Yurub iyo waddanka Maraykanka laga bilaabo maalinta berriya oo ku beegan 30-Maarso 2020 si loogu hortago cudurka Coronavirus. Guddiga Somaliland u xil-saartay u diyaar-garowga iyo ka hortagga xanuunka COVID-19 ayaaa qoraal uu maanta oo Axad ah soo saaray ku amray dhammaan diyaaradaha yimaada Somaliland in aysan wax rakaab ah ka soo qaadi Karin dalalka Yurub iyo waqooyiga Maraykanka. Go’aankaas ayaa looga dhawaaqay shir ku saabsan ka hortagga Xanuunka Coronavirus oo guddigu maanta ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Guddigu waxay sheegeen in ay qiimayn ku sameeyeen rakaabka ka imaanaya dalalka Yurub iyo waqootiga Maraykanka ee u soo safra Somaliland islamarkaana ay ka cabsi qabaan in dadkaas qaarkood ay xanuunka qabaan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo joojisay duullimaadyada ka imaanaya Yurub iyo Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  12. Riyadh (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto gudaha dalka Yemen, ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar Gantaalo ah oo lagu garaacday gudaha dalka Sacuudi Carabiya oo hoggaaminayo duulaankii lagu qaaday Yemen dhawr sano ka hor. Kooxdaan ayaa sheegatay inay Gantaalo ku garaacday gudaha qasriga boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasho afka kooxdaan. Xuutiyiinta ayaa sheegtay in gantaaladaas ay ka dhasheen khasaaro inkastoo aysan kooxdaan sheegin tirada dadka ku wax yeeloobay weerarkaas. Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay sheegashada kooxdaan ayaa xustay inay ku guuleystay inay hawada ku burburiso laba gantaal oo nooca balaastikada ah oo ay xuutiyiinta kusoo rideen Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Magaalada Jeysaan. Wasaaradda difaaca dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in laba ruux dhaawacyo fudud soo gaareen markii darbiyo ku dumeen intii uu socday hawlgalkii gantaladaas looga hor tagayay. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa dhawr jeer weerar gantaalo ah ku qaaday gudaha Sacuudiga, waxayn taas keentay inay Sacuudiga xirto dhawr garoon oo kuwa diyaaradaha ah oo ku yaalo magaalooyinka u dhow dhow Xuduuda Yemen markii ay duqeeyeen kooxdaan. Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhawr sano ka hor weerar ku qaaday dalka Yemen, iyagoo sheegay inay soo afjarayaan kooxda Xuutiyiinta balse illaa hadda laguma guuleysan, waxaana dowladaha howlgalkaan hoggaaminayey kasoo gaaray khasaaro nafadeed iyo mid dhaqaale.
  13. (SLT-Garoowe)-Waxaa maanta magaalada Garowe lagu aasay qof kamid ahaa dadkii looga shakisanaa cudurka Coronavirus, kaasoo xalay ku geeriyooday xarun lagu karantiilo dadka laga helo calaamadaha cudurka oo dhawaan laga hirgaliyay magaalada Garoowe. Waxaa maydkiisa galbinayay shaqaalaha caafimaadka oo xidhan dharka iyo qalabka looga gaashaanto cudurka. Wasaaradda caafimaadka Puntland weli kiiskaan si cad ugama hadlin, balse qoraal kooban oo ay soo saartay waxay ku beenisay inuu jiro wax kiis ah oo cudurka Coronavirus ah. Waxaa kale oo ay sheegtay inay sharciga la tiigsandoonto dadka wararka been abuurka ah ka faafiya cudurka. Iskusoo wada duuboo, waxaa kaliya ee ay Puntland ku beenin karto ama ku xaqiijin karto jiritaanka cudurkaan waa marka uu soo baxo natiijada baadhitaanka lagu sameeyay dadka la karantiilay ee uu ku jiray qofka geeriyooday. Source
  14. Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo wareysi siinayey Shabelle ayaa sheegay in dowladda Kenya ay baal-martay sharciyadii ay qaybta uga aheyd ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo ahaa in dowladda dhexe ay ka gacan siiso amniga. Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in Kenya, si ay cadaadis ugu saarto dowladda dhexe kiiska badda ee haatan hor yaalla maxkamadda ICJ ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan tahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in DF ay muujisay dul-qaad, iyadoo awoodi kartay inay ka fal-celiso fara-gelinta Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland ee uu ku imaanayo magaalada Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyey in socdaalkiisa uu wax ka bedali doono xiriirka u dhexeeya 2 dhinac. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe uu ka sii darayey khilaafka u dhexeeya dhincayada dowladda Dhexe, Jubbaland iyo Puntland. View the full article
  15. Unknown assailants have shot and killed a security officer in the port city of Bosaso on Sunday, police, and witnesses said. The gunmen assassinated Farah Mohamed known as Aynab in the city’s downtown and fled from the scene before the arrival of Puntland security forces. The late officer was in charge of the customs department, according to the police. There was no immediate claim of responsibility for the killing, which becomes the latest in a series of attacks in Bosaso, some claimed by Al-Shabaab and ISIS-linked militant group. View the full article
  16. US Africa command said two militants were killed in an airstrike targeting al-Shabaab in the vicinity of Buulo Fuulay, Somalia, Mar. 27. The air raid was conducted was in coordination with the Federal Government of Somalia and the AFRICOM said it assessed no civilians were injured or killed in the operation. Al-Shabaab has not yet commented on the US military claims. View the full article
  17. Daawo: Madaxweyne Gudidii Aad U Magacowday Ka Hor Taga Corona Virus Maaha Mid Aqoonteedii Leh Siyaasi Maxamed Cismaan Oo Dhaliilay Gudidii Covid 19 Source
  18. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: AMISOM ayaa xirtay xerada Xalane, xilli maamlo ka hor laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus awadii. Dowladda Federaalka ayaa faah-faahisay Go’aanka ka soo baxay ee la xiiria xayiraadda duulmadyada dibadda. Diiwaan gelinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed Soomaliya ayaa maanta bilaabaneysa, xilli maalmo ka hor la dhaariyay Xillibaannada cusub ee KGS. Mareykanka & Dowladda Somaliya ayaa si wadajir ah uga hadley duqeyn laga fuliyey Gobolka Baay. Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baahida loo qabo agabka looga gaashaaman karo Cudurka CORONA VIRUS. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Hanad Cali Guuleed iyo Maariya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-29-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. The Somali government has suspended local flights in the country till further notice on Saturday. The move is aimed at curbing the spread of coronavirus from the capital to the countryside. A statement from the ministry of transport and civil aviation noted the airline operators that the ban will take effect on Sunday 29th March. Only cargo flights with basic humanitarian supplies like food and medicine will be granted permission but they need to notify the aviation department prior to their schedule. The directive urged the crews to follow the guidelines of the ministry of health on their service. The suspension comes a week after International flights we’re also canceled. So far Somalia has registered three people with COVID-19, two citizens and one foreign national contracted by UN agency in the country. View the full article
  20. Sida uu sheegay afhayeenka xulufada Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa waxa ay ka hortageen labo gantaal oo lagu soo weeraray magaalooyinka Riyad iyo Jizan. Afhayeenka oo lagu magacaabo Turki al-Malki ayaa sheegay in gantaalladan hawada lagu bur-buriyay abaarihii 23:23 (20:23 GMT) ee Sabtida, waxaana uu intaasi raaciyay in weerarkan ay ku tuhmayaan kooxda Xuutiyiinta ee ay dagaalka kula jiraan ee saldhiggoodu yahay dalka Yemen. Al-Malki ayaa sheegay in bur-burka gantaalada ay waxyeello gaarsiiyeen deegaano ka tirsan labadan magaalo ee Riyadh iyo Jizan. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee Ap-carabiya ayaa waxaa gantaalladan lagu burburiyay lidka diyaaradaha ee uu soo saaro Mareykanka kaas oo lagu magacaabo US Patriot. Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay masuuliyadda weerarkan uu sacuudigu sheegay in lagu soo qaaday. Si kastaba Xuutiyiinta Yemen ayaa dhowr goor oo hore waxa ay gantaallo noocaan ah ku weerareen Sacuudiga. Qaran News
  21. Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaacisay inay xirtay xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, sababo la xariira Corona. Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Mahad Xasan Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka hortagayaan qaad uu sheegay in si dhuumaleysi ah deegaanada Galmudug looga soo galiyo dhinac wadanka Itoobiya. Sidoo kale Mahad Xasan Maxamed ayaa intaasi ku daray inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo fulinaya amarkaasi, si loola socda dhaq dhaqaaqa deegaanada ku yaal xadka. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warbixi.mp3 View the full article
  22. Suugaan Jacbura oo Somali/Englisha oo lagu cabiray Xanuunka Coronavirus Guryaa dhex stay gareeya Albaabka close gareeya Adeega online gareeya Sankiyo afka cover gareeya Yaan laysku sneeze garaynin Qof yaanu qof meet garaynin Gacanta handshake garaynin Socdaalka avoid gareeya Gloves-yo wear gareeya Gacmaha taydh wash gareeya Allaah idin help garayne Salaada pray gareeya. Qaran News