Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa haatan shaacisay in maanta oo keliya 9 qof oo horleh laga helay cudurka Coronavirus. Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka maanta oo Jimce ah laga helay xanuunka ay dhamaantood Ku sugan yihiin magaalada Muqdisho islamarkaana aysan dhowaan wax safar ah gelin. 6 kamid ah dadka cudurka laga helay ayaa iyagu xiriir la sameeyay qof ka mid ah dadkii horay loo xaqiijiyay in COVID-19 haleelay sida Wasaaraddu sheegtay. Sidoo kale dadka maanta laga helay cudurka waxaa kamid ah laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay xanuunku 4 qof. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegaysa in hadda tirada guud ee cudurka laga helay gudaha dalka ay gaarayaan 21 ruux. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in maanta oo keliya 9 KIIS oo COVID-19 ah laga helay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. Jowhar (SMN) – Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ayaa laga helay fayruska Corona, sidda ay xaqiijiyeen xubno kala duwan. Khaliif Muumin Tooxow ayaa ah wasiiru dowlaha cadaaladda iyo mudane ka tirsan baarlamaanka maamulkaas. Tooxow ayaa la sheegay in uu haatan ku jiro Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Tani ayaa ka dhigan in tirada kiiska ay gaartay 13, kuwaas oo laba kamid ah ay ajaaniib u shaqeysa Qaramada Midoobay yihiin. Shaacinta kiiskaan cusub ayaa walaaca iyo walbahaarka kusii kordhineysa dadweynaha, oo loogu baaqay in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad. View the full article
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Inta badan dalalka caalamka aya aalaga soo saaray amarro lagu xirayo masaajidyada, si loo yareeyo faafitaanka cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Laakiin Soomaaliya ayaan wali laga xirin masaajidyada, inkastoo cudurkan uu gaaray goor hore. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dad badan oo Soomaali ah ay kasoo horjeedaan xiritaanka masjidyada. Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida badan ku nool yihiin, ayaan salaadda jimcaha laga tukanin isbuucii afaraad oo xiriir ah, iyadoo dhammaan masaajidyada aysan jameeco ka soconin. Inta badan dalalka Islaamka, waxaa la baddalay aadaankii salaadda, waxaana dadka lagu boorrinayaa in qof walba uu ku tukado meesha uu ku sugan yahay. Laakiin dadka badankood su’aalaha ay isweydiinayaan waxaa ka mid ah inay bannaan tahay in laga tago khudbada salaadda Jimcaha ee waajibka ah. Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in masaajidyada laga hakan karo haddii ay jiraan sababo keeni kara arrintaas. “Waxa la eegayo ma aha tirada inta jimco ee laga baaqanayo masaajidka, waxa ugu muhiimsan waa sababta keeneysa. Jimcadu waxay wax badan la wadaagtaa jameecooyinka kae, waayo waxaa la isugu imaanayaa masaajidka, waxa loo imanayana waa cibaado iyo kheyr in lala yimaado”. Sheekha ayaa sharraxay waxa keeni kara in masjidka aan la aadin. “Sababo badan buu sharcigu u banneeyay in laga haro jimcaha iyo jamaacada, sababahaasna waxaa ka mid ah in qofku uu xanuunsan yahay ama uu xanuun ka baqayo. Sidaas darteed shareecadu nafta ilaalinteeda iyo caafimaadkeeda ayey ka hormarisaa in qofka uu masaajidka iyo jameecada tago. Waxaa la oggol yahay inuu qofku jimcada ka haro – haddey doonto cid timaadaba ha la waayee – inuu ama isagu xanuunsanayo ama uu xanuun ka baqayo”, ayuu yiri Sheekh Shibli. Dhinaca kale wuxuu Sheekh Shibil tusaale usoo qaatay habkii uu nabiga ula dhaqmi jiray dadka qaba cudurrada faafa. “Nabigeenna CSW talooyinkii uu bixiyay waxaa ka mid ahaa inaan la isku darin dad caafimaad qaba iyo dad xanuunsan. Markii uu soo islaamo nin qaba cudurrada faafi kara, sida juudaanka, ee uu doonayo inuu bayco(ballan) la galo rasuulka, wuxuu dhihi jiray meeshaada joog halkaaga ayaan beycada kugula galay”. “IMar kalena nabigu wuxuu cudurrada noocaasoo kale ah, oo uu tusaale usoo qaatay juudaanka ku taliyay in la isaga ilaaliyo sida libaaxa la isaga ilaaliyo oo kale. Intaasoo dhan waxay muujinayaan in jimcada iyo jamaacadu aysan waajib ku ahayn imaam iyo ma’muum toona haddii ay xanuun naftooda uga baqayaan”, ayuu yiri. ‘Horay way u dhacday in cudurro dartood loo tagi waayo masaajidyada’ Sheekh Shibli oo taariikhda islaamka dib u eegaya ayaa soo qaatay xaalado soo maray dadka muslimiinta ah, xilli ay fidayeen cudurro halis ah. Wuxuu magacaabay qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka CSW oo ay noloshooda galaafteen cudurradaas. “Cudurrada faafa, sida daacuunka iyo kuwa la midka ah ee dilaaga ah ee faafa marar badan bay soo dhaceen, dhulka Shaam la dhihi jiray ee falastiin, lubnaan iyo Suuriya rag badan oo saxaabo ah ayaa ku dhintay oo ay ka mid yihiin Abuu cubeyda, Mucaad Ibnu Jabal iyo rag badan oo saxaabo ah ayaa ku baaba’ay. Dhulkii Andulus oo ah Spain iyo burtaqiiska waxay dhimashu gaartay heer sida ay u badan tahay masaajidyadii la tagi waayay, oo dadkii ay noqdeen kuwo meydadka aasiddooda ku mashquulay iyo kuwo cabsaday”. Wuxuu Sheekha intaas ku daray in dadka muslimiinta ah ay la mid yihiin bani’aadanka kale ee caadiga ah, isagoo sheegay in “dhiigga muslimiinta uusan waxba ka duwaneyn kan dadka caadiga ah”. Isha: BBC Somali
  4. Mogadishu (PP News Desk) — The Somali Police Force in Mogadishu began today to enforce preventive measures that preclude worshippers from conducting the Friday congregation prayers in the capital. The Federal Government of Somalia has issued enforceable instructions to prevent spread of Covid-19 in the capital. The police clashed with members of the congregation at one of Mogadishu mosques. Yesterday, Mogadishu Mayor Mr Omar Mohamud raised the alarm over increasing Covid-19 infections as a result of community transmission. More than two persons have died of Covid-19 in Mogadishu. Widespread flu in parts of Mogadishu created increased fears of being unable to distinguish the symptoms of the flu and the pandemic. In a mosque the social distancing cannot be practised, which makes spread of Covid-19 easier if one of worshippers unknowingly has symptoms of the disease. The Federal Government is expected to cooperate with the ulema (religious leaders) to ensure that mosques do not become a source of transmission for Covid-19. © Puntland Post, 2020 The post SOMALI POLICE ENFORCES PREVENTIVE MEASURES AT MOSQUES appeared first on Puntland Post.
  5. Garowe (PP) — The Transitional Puntland Electoral Commission has extended the period for meeting the criteria to become a fully registered political association. In March TPEC publicised names seventeen political associations that have temporarily met the criteria to become a registered political organisation in Puntland. TPEC urged political organisations to fulfill the rest of the criteria by the end of April. TPEC: Political organisations should not hold meetings with the public In a statement shared with the media yesterday, TPEC extended the deadline to the end of June 2020 in response to health emergency caused by Covid-19. TPEC instructed political organisations not to hold meetings with the public. Public meetings facilitate spread of Covid-19. TPEC’s statement backs up calls from Puntland health authorities to make the public aware of actions that increase likelihood of becoming infected with the Covid-19. © Puntland Post, 2020 The post TPEC extends deadline for political associations appeared first on Puntland Post.
  6. Howl-gallo aan hore loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey oo laga billaabay Masaajiddada Muqdisho Salaadda Jimcaha ayaan maanta laga oogin qaar ka mid ah masaajiddada ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada booliska ay billaabeen howl-gallo aan horey loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey. Degmooyinka aan maanta salaadii Jimcaha laga dukan ayaa waxaa ka mid ah Wadajir, Xamarweyne, Hodan, Howl-Wadaag, Bondheere iyo degmooyin kale, waxaana la sheegay in imaamyada masaajidyada lagu wargeliyey in la xiro si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus. Masaajiddada qaar ayaa dadkii loo diidey inay ku tukadaan waxaa ay ka sameeyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan in masaajiddada la xiro, iyaga oo sheegayay inaysan aqbaleyn. Wasaaradda awqiifta iyo diinta ee xukuumadda Soomaaliya weli sooma saarin war rasmi ah oo ku aadan in la xiro masaajiddada, marka laga reebo inay horey u amartay in la xiro dugsiyada qur’aanka iyo goobaha diinta lagu barto sida mowlacyada. Dhinaca kalana, warar soo baxaya, balse aan weli la xaqiijin, ayaa sheegaya in la amray milkiilayaasha maqaayadaha in ay xiraan goobahooda ganacsi, iyada oo laga baqdin qabo in dadku si fudud ay ku kala qaadaan cudurka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Arbacadii shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus ee caalamka ku faafaya. Qofkaas ayaa ahaa qof aan dibedda dalka aadin, oo cudurka ku qaaday gudaha. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in afar qof oo ku sugan Muqdisho oo aan dalka ka bixin laga helay cudurka, ayada oo ku dhowaaqday in faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community spread) uu billowday, taasi oo soo rogi doonto halis caafimaad oo xoogan. Qaran News
  7. Bujumbura (Caasimada Online) – Burundi oo horey u sheegtay in sababta uusan usoo gaarin cudurka coronavirus ay tahay “inuu Ilaah bad-baadinayey”, ayaa hadda laga helay saddexdii kiis ee ugu horreysay. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in weli ay ku sugan yihiin “bad-baadada ilaah”, oo aan loo baahneyn in la faro-geliyo nolosha dadka. Xisbiga talada haya ayaa shacabka u sheegay inaan loo baahneyn inay ka wel-welaan cudurkan ku faafaya caalamka oo dhan, ayaga oo ogolaaday in nolosha ay sideeda kusii socoto, oo xitaa qabanaya doorasho madaxweyneoo la qorsheeyey 20-ka May. “Ha cabsanina. Ilaah wuu jecel yahay Burundi. Haddii ay jiraan dad cudurka laga helay, waxaa laga yaabaa inay tahay mid ilaah uu awooddiisa ugu muujinayo Burundi,” waxaa sidaas yiri General Evariste Ndayishimiye, oo ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga talada haya ee CNDD-FDD. “Haddii saddex kiis halkan laga helay… waxaa la ii sheegay in xaaladdoodu wanaagsan tahay, ogowna coronavirus dadka ayuu ku dilayaa meelo kale,” ayuu Ndayishimiye u sheegay taageerayaashiisa. Ayada oo go’doomin lagu soo rogay dalal badan oo ka mid ah Africa ay hakisay noloshii caadiga ahayd ee dadka, ayaa baararka iyo maqaayadaha weli ay ka furan yihiin Burundi, waxaana ay mas’uuliyiinta ay meesha ka saareen inay soo rogaan amaro xayiraad ah. Xafladaha aroosyada iyo tacsiyadaha ayaa weli dhacaya, ayada oo kumanaan qofna ay si caadi ah u aadaan kaniisadaha iyo masaajidada. Xitaa waxaa weli socda horyaalka heerka labaad ee cayaaraha. Qiyaastii 80-90% dadka Burundi ayaa ah Kirishtan. Si kastaba, shacabka qaarkood ayaan dhageesaneyn dowladda, waxayna billaabeen inay qaadaan tallaabooyin gaar ah oo ay isaga ilaalinayaan cudurka. Dhinaca kale, diblomaasi ku sugan Burundi oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in tallaabooyinka dowladda ay qaadeyso ay yihiin kuwa siyaasadeed, oo aan ahayn caafimaad, sababtoo ah ayada oo ay ka go’an tahay in la qabto doorashada 20-ka may. AFP + VOA
  8. Magaalo qodaneysa xabaal-wadareedyo+Sababta keliftay Muuqaalkan ayaa muujinaya xabaal-wadareed dad lagu aasayo oo New York ah Waxaa soo baxaya sawirro ah in naxashyo lagu aasay xabaal-wadareed magaalada New York, iyadoo tirada dhimashada uu sababayo cudurka coronavirus ay sii kordhayso. Shaqaale ku labisan dharka casriga ah ayaa la arkay iyagoo jaranjaro ku galaya god ay ka buuxaan naxashyo. Goobtu waa Hart Island, waxaa loo isticmaalaa dadka reer New York oo aan lahayn xigto ama aan awoodin in ay aas sameyaan dadka ka dhinta. Gobolka New York, waxaa hadda ka jira kiisas badan oo cudurka coronavirus ah, marka loo eego waddamada kale ee caalamka, sida ka muuqatay tiradii ugu dambeysay. Tirada kiisaska cudurka Covid-19 ee laga xaqiijiyay gobolka ayaa khamiistii kor u dhaafay 10,000 illaa 159,937, kuwaasi oo 7,000 oo ka mid ah ay dhinteen. Dalka Spain ayaa laga helay kiisas gaaraya 153,000, Talyaaniga ayaa isna la sheegayaa in kiisaska ay gaarayaan 143,000, halka dalka Shiinaha oo ah meesha uu ka soo dilaacay fayraska sannadkii hore, lagu soo waramayo in uu ka jiro 82,000 oo kiisas ah. Dalka Mareykankanka ayaa diiwaan geliyay 462,000 oo kiisas ah, iyadoo in ku dhow 16,500 oo qofna ay ku dhinteen. Guud ahaan caalamka ayaa waxaa cudurkan uu ku dhacay dad gaaraya 1.6 million oo qof, waxaana u geeriyooday in ka badan 95,000 oo qof. Qiyaastii 40 mayda ayaa Khamiisti hal goob la iskula aasay Waa macquul in qaar badan oo ka mid ah naxashyada ay yihiin dhibbanayaasha coronavirus, balse weli lama cadeyn taas. Sida ay sheegtay waaxda xaqiijinta, holaha aaska ee goobkan ayaa sare aad ugu kacay tan iyo markii uu fayraskan safmarka ah uu bilowday. Markii hore isbuucii hal mar ayaa dad lagu aasi jiray, balse hadda maalin kasta ayaa maydad badan lagu aasaa. Maxaabiista ka soo jeeda Rikers Island, oo ah xabsiga ugu weyn ee magaalada New York, badanaa waxay qabtaan shaqada, balse howshaas ayaa dhawaan waxaa la wareegay qandaraaslayaal. Duqa Magaalada New York, Bill de Blasio, ayaa horraantii todobaadkan tilmaamay in “aaska ku meelgaarka ah” laga yaabo in ay lagama maarmaan noqoto illaa inta xiisaddan dhamaaneyso. “Sida iska cad halka aan taariikh ahaan u isticmaalnay waa Hart Island,” ayuu yiri. Tirada dhimashada fayraska corona ee gobolka New York ayaa sare u kacday oo gaartay 799 maalintii arbacada, taas oo ah middii ugu badnbayd, sedax maalmood oo isku xigay. Laakiin Maayarka Gobolka, Andrew Cuomo, wuxuu dhab ahaan u qaatay xaqiiqda ah in tirada bukaannada Covid-19 ee la dhigo cusbitaalada New York ay hoos u dhacday maalintii labaad, illaa 200 oo qof. Wuxuu sheegay in taasi ay calaamad u tahay in kala fogaanshaha shacabka ay shaqeyneyso. Wuxuu ku tilmaamay faafitaanka cudurkan “qarax aamusan oo hoosta ka guraya shacabka, kaas oo ka xun dhibaatadii aan aragnay 9/11”. Khamiista waxaa la shaaciyay rajo kale oo ifeysa, iyada oo saadaasha rasmiga ah ee dhimashada tirada guud ee dalka Mareykanka ay hoos u dhacday. Dr Anthony Fauci, oo xubin muhiim ka ah guddiga u qaabilsan coronavirus ee Aqalka Cad, ayaa u sheegay NBC News; “Maanta waxay muujineysaa tirada ugu dambeysa ee Mareykanka ee u dhiman doonta Covid-19 marka uu faafo, waxayna u muuqataa in ka badan 60,000 oo qof”. Dabayaaqadii bishii hore ee March, Dr Fauci ayaa qiyaas ahaan sheegay in ay cudurkan u dhiman karaan inta u dhaxeysa 100,000 illaa 200,000- oo qof oo Mareykan ah”. Dad barooranaya ayaa isugu tagay aaskii Brooklyn, New York, iyadoo tirada u dhimaneysa fayraska corona ee Magaalada ay gaartay meeshii ugu sareysay Saadaasha ah 60,000 waxay la mid tahay qiyaasta sare ee guud ee dhimashada hargabka ee Mareykanka intii u dhaxaysa Oktoobar 2019 illaa Maarso 2020, sida lagu sheegay xogta dowladda. Balse madaxweyne ku xigeenka dalka Mike Pence ayaa carabka ku adkeeyay, khamiistii, in fayraska Covid-19 uu seddex jeer u eg yahay hargabka faafa.Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka waxaa horey looga soo xigtay in qiyaastii 2.2 milyan oo qpof ay u dhiman karaan coironavirus, haddii aan la qaadin tallaabo haboon. Amarrada illaa iyo hadda la soo rogay waxaa ka mid ah in illaa muddo la xiro ganacsiyada aan muhiimka ahayn ee 42 gobol, iyadoo si aan caadi ahayn uu hoos ugu dhacayo dhaqaalaha mareykanka. Macluumaad cusub oo Khamiistii la baahiyay ayaa lagu xusay in heerka shaqa la’aanta Mareykanka ay gaartay 6 milyan oo qof, isbuucii labaad oo isku xiga. Taas micneheedu wuxuu yahay in seddaxdii isbuuc ee la soo dhaafay ay shaqo la’aan noqdeen 16.8 milyan oo qof oo Ameerikaan ah. Gobolka Chicago waxaa lagu soo rogay bandow lagu xakameynayo in dad badan ay meel iskugu yimaadaan. Tallaabadaas oo soconeysa illaa 30ka April, waxay ku soo aaday ka dib markii saraakiisha caafimaadka ay sheegeen in kala bar dadka madow ee gobolkaas Chicago iyo magaalada Illinois ay boqolkiiba 70% ka yihiin kiisaska dhimashada coronavirus, in kastoo 30% ay bulshada ka yihiin. Sidoo kale, tirada gobollada Louisiana, Mississippi, Michigan, Wisconsin iyo New York, waxay muujinayaan in dadka madow ay u badan yihiin kuwa uu saameeyay coronavirus. Musharaxa u ordaya tikitka xisbiga Dimuquraadiga, Joe Biden, ayaa ku biiray siyaasiyiinta ku baaqaya in warbixin buuxda laga bixiyo sida ay bulshooyiinka ugu kala badan yihiin saameynta fayraskan safmarka ah. Qaran News
  9. Sheekh shaaciyey in Jamaca Salaada ee Masaajidada la iska dhaafi karo haddii xanuun laga baqayo Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli Inta badan dalalka caalamka aya aalaga soo saaray amarro lagu xirayo masaajidyada, si loo yareeyo faafitaanka cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee coronavirus. Laakiin Soomaaliya ayaan wali laga xirin masaajidyada, inkastoo cudurkan uu gaaray goor hore. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dad badan oo Soomaali ah ay kasoo horjeedaan xiritaanka masjidyada. Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, oo ka mid ah meelaha ay Soomaalida badan ku nool yihiin, ayaan salaadda jimcaha laga tukanin isbuucii afaraad oo xiriir ah, iyadoo dhammaan masaajidyada aysan jameeco ka soconin. Inta badan dalalka Islaamka, waxaa la baddalay aadaankii salaadda, waxaana dadka lagu boorrinayaa in qof walba uu ku tukado meesha uu ku sugan yahay. Laakiin dadka badankood su’aalaha ay isweydiinayaan waxaa ka mid ah inay bannaan tahay in laga tago khudbada salaadda Jimcaha ee waajibka ah. Sheekh Maxamuud Maxamed Shibli, oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegay in masaajidyada laga hakan karo haddii ay jiraan sababo keeni kara arrintaas. “Waxa la eegayo ma aha tirada inta jimco ee laga baaqanayo masaajidka, waxa ugu muhiimsan waa sababta keeneysa. Jimcadu waxay wax badan la wadaagtaa jameecooyinka kae, waayo waxaa la isugu imaanayaa masaajidka, waxa loo imanayana waa cibaado iyo kheyr in lala yimaado”. Sheekha ayaa sharraxay waxa keeni kara in masjidka aan la aadin. “Sababo badan buu sharcigu u banneeyay in laga haro jimcaha iyo jamaacada, sababahaasna waxaa ka mid ah in qofku uu xanuunsan yahay ama uu xanuun ka baqayo. Sidaas darteed shareecadu nafta ilaalinteeda iyo caafimaadkeeda ayey ka hormarisaa in qofka uu masaajidka iyo jameecada tago. Waxaa la oggol yahay inuu qofku jimcada ka haro – haddey doonto cid timaadaba ha la waayee – inuu ama isagu xanuunsanayo ama uu xanuun ka baqayo”, ayuu yiri Sheekh Shibli. Dhinaca kale wuxuu Sheekh Shibil tusaale usoo qaatay habkii uu nabiga ula dhaqmi jiray dadka qaba cudurrada faafa. “Nabigeenna CSW talooyinkii uu bixiyay waxaa ka mid ahaa inaan la isku darin dad caafimaad qaba iyo dad xanuunsan. Markii uu soo islaamo nin qaba cudurrada faafi kara, sida juudaanka, ee uu doonayo inuu bayco(ballan) la galo rasuulka, wuxuu dhihi jiray meeshaada joog halkaaga ayaan beycada kugula galay”. “IMar kalena nabigu wuxuu cudurrada noocaasoo kale ah, oo uu tusaale usoo qaatay juudaanka ku taliyay in la isaga ilaaliyo sida libaaxa la isaga ilaaliyo oo kale. Intaasoo dhan waxay muujinayaan in jimcada iyo jamaacadu aysan waajib ku ahayn imaam iyo ma’muum toona haddii ay xanuun naftooda uga baqayaan”, ayuu yiri. ‘Horay way u dhacday in cudurro dartood loo tagi waayo masaajidyada’ SHEEKH SHIBLI Sheekh Shibli oo taariikhda islaamka dib u eegaya ayaa soo qaatay xaalado soo maray dadka muslimiinta ah, xilli ay fidayeen cudurro halis ah. Wuxuu magacaabay qaar ka mid ah asxaabtii rasuulka CSW oo ay noloshooda galaafteen cudurradaas. “Cudurrada faafa, sida daacuunka iyo kuwa la midka ah ee dilaaga ah ee faafa marar badan bay soo dhaceen, dhulka Shaam la dhihi jiray ee falastiin, lubnaan iyo Suuriya rag badan oo saxaabo ah ayaa ku dhintay oo ay ka mid yihiin Abuu cubeyda, Mucaad Ibnu Jabal iyo rag badan oo saxaabo ah ayaa ku baaba’ay. Dhulkii Andulus oo ah Spain iyo burtaqiiska waxay dhimashu gaartay heer sida ay u badan tahay masaajidyadii la tagi waayay, oo dadkii ay noqdeen kuwo meydadka aasiddooda ku mashquulay iyo kuwo cabsaday”. Wuxuu Sheekha intaas ku daray in dadka muslimiinta ah ay la mid yihiin bani’aadanka kale ee caadiga ah, isagoo sheegay in “dhiigga muslimiinta uusan waxba ka duwaneyn kan dadka caadiga ah”. Qaran News
  10. ANKARA U.K. Foreign Secretary Dominic Raab thanked Turkey on Wednesday for sending medical supplies to help it deal with the coronavirus pandemic, according to diplomatic sources. Raab spoke via telephone to Turkey’s Foreign Minister Mevlut Cavusoglu and said the supplies is an “indication of strong friendship between the two countries.” He also thanked Turkey’s President Recep Tayyip Erdogan for wishes for a speedy recovery to U.K. Prime Minister Boris Johnson. Johnson was admitted to intensive care Monday as his condition deteriorated since being infected with the virus nearly two weeks ago. The premier asked Raab to take his place when necessary. Kosovar also appreciated Turkey’s gesture for support. “We thank #Turkey for their support during this difficult time. Only through solidarity we can overcome this pandemic,” Kosovo’s Foreign Minister Glauk Konjufca said on Twitter. Cavusoglu responded on Twitter saying: “In good times&hard times standing by our Kosovar brothers&sisters.” Since the virus known as COVID-19 emerged last December in China’s Wuhan city, it has spread to at least 184 countries and regions. There are more than 1.45 million confirmed cases worldwide, with more than 83,600 deaths, and 308,700 recoveries, according to data compiled by U.S.-based Johns Hopkins University. *Writing by Faruk Zorlu Source aa.co.tr Qaran News
  11. Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay in wasiiru-dowlaha Cadaaladda Hirshabeelle laga helay cudurka Coronavirus kadib baaritaan lagu sameeyay. Wasiirka xanuunka laga helay oo sidoo kale ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa magaciisa lagu sheegay Khaliif Muumin Tooxow sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed. Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle ayaa sidoo kale laga soo xigtay in kadib baaritaan lagu sameeyay bukaanka oo haatan natiijadiisu soo baxday lagu xaqiijiyay in Wasiiru-dowle Khaliif Muumin Tooxow uu haleelay COVID-19. Wasiirka cudurka laga helay ayaa mudda ku xanuunsanaa hotel ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle taasi oo abuurtay walaac la xiriira in cudurkaas uu ku faafo magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka dhaqan galay Bandow ay ciidamadu fuliyeen, balse aan horay loo sii sheegin. Wararka qaar waxay sheegayaan in amar madaxda ah lagu fulinayo bandowga kadib markii ay korortay qatarta cudurka Karoona. Kiisaska Covid-19 ee wasaaradda xaqiijisay ayaa gaaraya 12, oo ay ku jiraan laba shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka. Hoos ka daawo sawirada View the full article
  13. Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah xiray qaar kamid ah masaajidda magaalada Muqdisho, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus, kadib kiisas laga helay Muqdisho. Culimaa’udiinka ayaa Booliisku ku amray in ay xiraan masaajidda, halka dadka salaadda soo aadayna lagu wargelinayay in ay iskaga tagaan Masaajidka, si loo yareeyo isu-imaatinada, maadaama kiisas COVID-19 ah laga helay Muqdisho. Masaajidada qaarkood ayay Jameecada iyo Askarta fulinaysay amrkaas Isku dhaceen,waxaana la xiray badi Masaajidadii maanta ay tageen ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa maanta xirnaa qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ee ku yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo ka jirin isu-socodka gaadiidka dadweynaha. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo COVID-19 dartiis u xiray masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhaqan-galay ay bandow maalinimo oo dowladdu ku soo rogtay gadiidka dadweynaha sida gawaarida Caasiga iyo mooto Bajaajka waxaa sidoo kale la xiray goobaha ganacsiga qaar kood. Go’aankaas ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in loo qaatay si looga gaashaanto cudurka Coronavirus oo kiisas dhawr ah laga helay gudaha magaalada Muqdisho. Goobaha Ganacsiga ee la xiray waxaa ka mid wadada maka’al mukarama oo ah halka ay ku yaalan goobaha ganacsiga iyo sidoo kale meelaha dadweynaha ay isugu yimaadaan. Waxaa haatan cabsi laga muujinayaa faafidda xanuunka COVID-19 iyadoo hal ruux uu dhawaan ugu geeriyooday gudaha dalka sidoo kalena laga helay sargaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka. Guud ahaan dalka waxaa ilaa iyo haatan laga diwaan geliyay 12 kiis oo ah Cudurka Coronavirus oo loo yaqaano Covid-19. PUNTLAND POST The post Bandow maalinimo oo ka dhaqan-galay Muqdisho Coronavirus awgiis appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Salaadda Jimcaha ayaan maanta laga oogin qaar ka mid ah masaajiddada ku yaalla magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada booliska ay billaabeen howl-gallo aan horey loo shaacin oo dad badan ka yaabiyey. Degmooyinka aan maanta salaadii Jimcaha laga dukan ayaa waxaa ka mid ah Wadajir, Xamarweyne, Hodan, Howl-Wadaag, Bondheere iyo degmooyin kale, waxaana la sheegay in imaamyada masaajidyada lagu wargeliyey in la xiro si looga hortago faafitaanka cudurka coronavirus. Masaajiddada qaar ayaa dadkii loo diidey inay ku tukadaan waxaa ay ka sameeyeen banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan in masaajiddada la xiro, iyaga oo sheegayay inaysan aqbaleyn. Wasaaradda awqiifta iyo diinta ee xukuumadda Soomaaliya weli sooma saarin war rasmi ah oo ku aadan in la xiro masaajiddada, marka laga reebo inay horey u amartay in la xiro dugsiyada qur’aanka iyo goobaha diinta lagu barto sida mowlacyada. Dhinaca kalana, warar soo baxaya, balse aan weli la xaqiijin, ayaa sheegaya in la amray milkiilayaasha maqaayadaha in ay xiraan goobahooda ganacsi, iyada oo laga baqdin qabo in dadku si fudud ay ku kala qaadaan cudurka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Arbacadii shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka Coronavirus ee caalamka ku faafaya. Qofkaas ayaa ahaa qof aan dibedda dalka aadin, oo cudurka ku qaaday gudaha. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in afar qof oo ku sugan Muqdisho oo aan dalka ka bixin laga helay cudurka, ayada oo ku dhowaaqday in faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community spread) uu billowday, taasi oo soo rogi doonto halis caafimaad oo xoogan.
  16. A team of scientists at Puntland State University (PSU) School of Medicine have succeeded in producing a locally-made hand sanitizer, spurred by the restrictions on imports due to the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  17. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Wasaarada Ambiga DF ayaa sheegaya in kulan ka socda Villa Soomaaliya uu kasoo baxay Amar lagu [...] Source
  18. Kismaayo (SMN) – Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, oo ay wehliyaan kuwa Jubaland, ayaa Al-Shabaab waxa ay kala wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgaladaas ay qeyb ka yihiin dedaalada xoreynta goboladda waddanka. Iyagoo hadalkooda sii wata, waxay intaas raaciyeen in ay sii wadayaan dhaqdhaqaaqyadda ay wadaan. Balse, ma aysan kala caddeyn hadii ay dagaal ku qabsadeen ama in ay faarujiyeen xubnaha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa wali ku xoogan oo maamula deegaano iyo degmooyin dhaca qaar ka tirsan maamul goboleedyadda dalka, wallow ay socdaan qorsheyaal looga saarayo halkaas. View the full article
  19. Jowhar (SMN) – Tirro dad ah ayaa lagu waramay in lagu soo qabtay howlgalo ay ciidamadda booliska ka sameeyeen magaalada Jowhar. Taliska Bileyska ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahin ka bixiyo tirada dadka ay soo qabteen iyo waxay ay ka yeelayaan. Balse, macluumaadyo horudhac ah ayaa qeexaya in ay marayaan baaritaano, ciddii wax lagu waayana lasii deyn doono. Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay markii bam-gacmeed lagu weeraray Hotel Safa oo ku yaala waqoyga caasimada HirShabelle. Ismaaciil Warsame, gudoomiye ku xigeenka maaliyada Jowhar, ayaa ku dhaawacmay falkaas, oo aysan jirin koox sheegatay. Magaalada Jowhar ayaa todobaadyaddii u dambeeyay martigelisay qaraxyo sababa waxyeelo inta badan soo gaara dadka shacabka ah ee halkaas ku nool. View the full article
  20. Guriceel (SMN) – Taliska Booliska Guriceel ayaa maanta soo rogay amarro cusub oo la sheegay in lagu xoojinayo nabad-gelyadda. Daahir Faarax, taliyaha bileyska degmadaas oo u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in go’aanada ay yihiin kuwa fulin doono. Wuxuu tilmaamay in amarada ay soo rogeen ay qeyb ka tahay in aysan dadka u safri karin degaanada ay maamusho Al-Shabaab. Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in hadii dadka ay aadaan muhiim tahay in ay soo gudbiyaan. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in qofka looga baahan yahay inuu soo ogeysiiso maamulka marka uu dib ugu soo laabanayo Guriceel. Cid walba oo u hogaan-sami weyda talaabadaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay ka qaadi doonan talaabo sharciga waafaqsa. Hoos ka dhageyso codka taliyaha https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Guriceel.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa albaabada u laabay qaar kamid ah Masaajida iyo Xarumaha Ganacsiga ee Muqdisho. Masaajida illaa iyo haatan la xiray ayaa lagu waramay in ay ku yaalaan degmooyinka; Warta Nabada, Waaberi iyo Xamar-wayne. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa, balse waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ka hortagga faafitaanka Coronavirus. Nabadoon Warsame Jaamac, oo degan Warta Nabada una waramay Shabelle, ayaa xaqiijiyey in xiritaanka Masaajida uu ahaa amar dowladeed. Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa xili kiisaska Covid-19 ee caasimadda ay gaareen 12 isla markaana lagu waramay in ay dad badan u geeriyoodeen. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Ismaaciil Macalin Muuse, gudoomiyaha guddiga dib-u-heshiisiinta Qaranka oo ka qeybgalayey barnaamijka Dooda Jimcaha ee ka baxa Shabelle, ayaa wuxuu si kulul u cambaareeyay dagaal-beeleedyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kasoo daaleen dagaal beeleedyadda isla markaana gacan ka hadal ka hadalka ay ka wanaagsan tahay in la wadahadalo, isagoo sheegay in wax-garadka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo shacabka ay ka walwalsan yihiin saameynta colaadaha u dhaxeeya dad uu tilmaamay in ay u dhaxeyso xiriir dhaqan iyo mid wada-dhalasho. Dhinaca kale, nabadoon Cali Aadan Nuur, oo isaguna qeyb ka ahaa barnaamijka Dooda Jimcaha Shabelle, ayaa ku dhaliilay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xalinta colaad beeleedyadda. Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka ah ku booriyey in xalka dagaal beeleedyadda ay ka qeyb-geliso dada ku haboon si loo sameeyo dib-u-heshiisiin dhab ah, isagoo si gaar ah ugu baaqay dowladda in muhiimada koowaad ay siiso dadka degaanka. Hadalheynta ugu badan ee Soomaaliya ayaa noqotay dagaal beeleedyo walwal badan ku abuuray bulshadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka dhasheen natiijooyin ay wanaagsaneyn sidda; gubid iyo gowrac sii kala fogeynaya beelaha walaalaha ah, iyaddoo sidoo kale ay jiraan qoysas ku barakacay dagaaladaasi. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-100420.mp3 View the full article