Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xog-xasaasiya:Hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah oo lagu qabtay Addis Ababa Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban. Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro. Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato. Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250. Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin. “Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yiri Komishinka Booliska Addis Ababa. Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa wuxuu sheegay bakhaarka hubka iyo dharka ciidanka lagu qabtay imuu u kireysnaa haweeney. Waxay boolisku sheegeen haweeneyda bakhaarka uu u kireysnaa dadka bakhaarka iska lahaa iney uga kiresatay kaba ay ka ganacsato iny ku keydsaneyso. Bakhaarka qalabka kale ee lagu qabtayna waxaa ka mid ah dhar ciidan oo kala duwan, astaamaha booliska iyo ciidanka u gaarka ah, dharka, koofiyadaha iyo suumanka ciidanka, katiinada daka gacmaha looga xidho iyo qalab kale oo ay ciidamadu leeyihiin. Arrintan oo soo qabashadeeda ay iska kaashadeen laanta sirdoonka dalka Itoobiya, Booliska Federaalka iyo Booliska maamulka Addis Ababa waxay sheegeen iney sii wadayaan ka hortagga dambiyada noocani ah baaritaanka marka ay soo gabagabeeyaanna ay hay’adaha sharciga kiiska u gudbin doonaan. Sida uu dhigayo sharciga u yaalla dalka Itoobiya dharka ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska ay leeyihiin iyo qalabka ay isticmaalaanba inuu shaqsi haysan karin, ka ganacsan karin isla markaana iibin karin. Tani iyo marka uu isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Itoobiya oo majaraha dalkaasi qabtay Dr Abiy Axmed waxaa soo badanayey hubka iyo lacagaha sharci darrada ah ee dalka gudahiisa lagu qabto. Sawirro muujinaya qaar ka mid ah qalabka ciidan ee la qabtay: Qaran News
  2. Gaza (Caasimada Online) – Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudi Carabiya inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xiran, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sanad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xiriirka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto. “Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yiri Murra. Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay korartay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus. Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xiriirtay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad. Bishii tagtay, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaaca ka qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay billowday dhageysiga dacwadaha maxkamadeed ee maxaabiista Falastiiniyiinta. Bassim Naim ayaa xaqiijiyey in la dhageystay kiiska 62 Falastiiniyiin ah. Xubno badan oo ka mid ah mujaahidiinta Xamas oo si nabad-galyo leh ugu noolaan jiray Sacuudiga, ayaa sanadihii dhowaa la billaabay in la xir-xiro kadib markii ay aad isugu dhowaadeen maamulka Sacuudiga, gaar ahaan Maxamed Bin Salmaan iyo Yahuudda iyo Mareykanka.
  3. Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal wado furis ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan. Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 41aad Guutada 5aad Qaybta 27aad ee Ciidanka Militariga Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur, waxaana uu sheegay in howgalka laga fuliyay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Taliye Cabduqaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii wadadaas looga saari lahaa xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee hallaas ku leh fariisimaha. Isaga oo sii hadlaayay waxaa uu tilmaamay in howlgalka inta uu socday lagu dilay Afar kamid ah Al-shabaab isla markaana ay badbaadiyeen saddex gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah waa sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo laayay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  4. The International Committee of the Red Cross (ICRC) on Saturday said it is deeply concerned about the impact that COVID-19 could have on Somalian communities weakened by violence and conflict. Somalia is at a critical juncture where immediate action can still curb the spread of COVID-19 and save lives, ICRC said in a statement. Somalia has seven confirmed COVID-19 cases so far, with no deaths, and one recovery, according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. “Somalia is at a crossroads, where we can rapidly scale up to get information and resources out to communities and health care facilities against COVID-19, or move too slowly and never catch up,” said Juerg Eglin, ICRC’s head of delegation for Somalia. “Speed is critical, and we are working with our colleagues at the Somali Red Crescent to fight COVID-19 from fully taking hold,” Eglin added. While COVID-19 poses an invisible threat to Somalia, the conflict has not stopped, and still drives displacement and suffering. Recent clashes in Janaale, Lower Shabelle region, have affected over 20,000 people, with an estimated 8,000 people displaced from their homes to Marka, Afgooye, Shalanbood and Mogadishu, according to the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. Somalia, located in the Horn of Africa and bordering Ethiopia to the west and Gulf of Aden to the north, has witnessed multiple terror attacks over the past two decades. Somali-based al Qaeda affiliated group al-Shabaab has claimed responsibility for most of the deadly suicide attacks.
  5. London (PP) —Saynisyahannada Biritishka ayaa sameeyay hab goor hore lagu ogaan karo in caabuqa Covid-19 uu ku dhacay qof aysan ka muuqanin calaamadaha cudurka. Warbixin lagu soo daabacay wargeyska _The Daily Telegraph_ ayaa tibaaxday in habkan baaristu ku salaysan tahay dhiigga, candhuufta ama kaadida. Natiijadu waxay soo baxaysaa ilbiriqsiyo gudahood, sida wargeysku qoray. Laba hab baa hadda la adeegsadaa. Mid waa in qofka laga qaado candhuuf oo muujin karta in cudurku hayo qofka, kan kale waa baaris ku saabsan awoodda jirku kaga hortago cudurrada (antibodies), habkan oo muujin kara haddii qofku ka bogsooday caabuqa Covid-19. Habka baarista cusubi wuxuu sahlayaa ogaanshaha in qofku u baahan yahay inuu isgo’doomiyo, inuu dadka dhex gali karo ama inuu shaqada dib ugu noqon karo. Hababka baarista waxaa la isticmaalaa marka qof lagu arko calaamadaha caabuqa, markaas oo laga yaabo inuu dad qaadsiiyay cudurka. Waxaa kale oo jirta in natiijada soo baxda ay ku tilmaanto qof cudurka qaba inuu ladan yahay. Habka baarista cusubi wuu ka duwan yahay hababka hadda la isticmaalo. © Puntland Post, 2020 The post Saynisyahannada Biritishka oo soo saaray hab cusub oo lagu ogaado Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Muqdisho)Dawladda Soomaaliya Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa Ka Wadahadlay Sidii Shirkadahoodu Dulimaadyo Toosa Uga Bilaabi Lahayeen Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia , halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyada caalamiga ah ee cudurka Corona Virus awgii. FLY Dubia iyo Air Arabia oo hore u istcimaali jiray garoonka Hargeysa Ka hor inta aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Kala Noqon Ruqsada diyaaradahaasi Eedaymaha loo cuskaday ayaa ahaa inay FLY dubai iyo Air Arabia u hogaansameen Amarkii xukuumada DFS oo dhigayey inay dawladu Joojisay Duulimaadyadii caalamiga ahaa mudada Aduunku la leedleedayo cudurka Covid19. Dhanka kale Eriska Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Kooto uu Rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu Xidho Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012. Warqada lagaga joojiyay duulimaadyada labadan shirkadood oo aanu ogayn Maareeyaha civil aviation Somaliland iyo ku xigeen kiisu, waxaa Qoray Agasime waaxeed ay isku qoys yihiin Madaxwayne Muse Biihi oo uu amar ku siiyay, markii aanu la xidhiidhnay Mareeyaha iyo ku xigeen kiisu waxay noo sheegeen inaanay wax war ah ka haynin. Dawladda Soomaaaliya ayaa udirtay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada wadanka Emirates ka si ay madaxda shirkaddahaas iyo Dawlada Emaaraat ka ugala xaajoodaan sidii FLY Dubia iyo Air Arabia Duulimaadyo uga bilaabi lahayeen Garoonada Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Puntland ee Garoowe. Xili Aduunku Loolan Ugu jiro Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ayay Xukuumada haysa Talada Maamul ee Somaliland Waxa Uleh Ahmiyada Koowaad Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo Ganacsiga gaarka ah ee Galin ku Taajir, Taasoo Minja Xaabisay Ruqsadii Diyaaradaha Caalamiga ah. Xanta siyaasada Caalamka oo ahaa inaanu Xidhiidhka dawladaha imaaraadka iyo Somalia ahayn mid wanaagsanaa mudooyinkii danbe waxayse Arintani irid cusub u furaysaa is dhexgaI Horleh iyo Isfahan Dhaqaale oo dhexmara Labada dal, waxaana meesha ka baxaya Wada Shaqayntii Somaliland iyo Imaaraatka. Haddii dawladda Federaalku ku guulaysato qorshaha ay ku doonayso in ay Muqdisho keento FLY Dubia Air Aribia na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Soomaaliya xidhiidhkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo xidhiidhka Danaha Dhaqaale ku saabsan ee had da kala Dheexey imaaraadka xukuumada Somaliland Source
  7. MANILA — Somalia has dealt with drought, localized displacement, heavy floods, and locust infestations in the past 9 months. But the arrival of COVID-19 could push the country into another crisis, aid workers fear. Source: Hiiraan Online
  8. Ciidamada Booliska Maamulka Hir-Shabeelle ee ku sugan Magaalada jowhar ayaa xalay ilaa saakey waxaa ay gudaha degmadaasi ka wadaan howlgallo baartaano ah,kadib markii xalay halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa ku dhintey hal ruux,waxaana ku dhaawacmey Shan qof oo uu kamid yahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo lagu Magacaabo Sakariye Muumin Hilowle. Ciidamada ayaa waxaa la sheegay inay howlgalkooda ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyey qaraxaas,isla markaana miinada ku Aasay goob xilliyada qaar ay isugu imaan jireen dad isugu jira Shacab iyo Madax intaba. Ciidamada ayaa waxaa Goobjoogayaal sheegeen in ay howlgalka ka sameeyeen agagaarka Xaafadaha ku dhow dhow halka qaraxa uu ka dhacay oo ah inta u dhaxeysa garoonka kubadda cagta jowhar ee Shoongale iyo Boosteejada laga raaco gawaarida soo aada magaalada muqdisho,isla markaana lagu qabqabtey dad farabadan. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana dadka howlgalka lagu qabqabtey la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.
  9. Addis Ababa - Ethiopia’s government appointed a new head of security in the restive, gas-rich state of Somali, two days after the incumbent was dismissed, the Ethiopian News Agency reported. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-___-Qumanha-Warraka-04042020-sax.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay korartay tirada dadka qaba cudurka dilaaga ah ee Covid-19 waxaana Muqdisho oo kaliya la xaqiijiyay inuu ku dhacay 5 qof, halka markii hore ay aheyd 3 qof. Sidoo kale wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in ilaa hadda ay diiwaan geliyeen 2 qof oo qaba caabuqa Coronavirus, sidoo kale tobaneeyo dad ah loo karantiilay shaki laga qabo. Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan waxbarashadii dalka iyo goobihii ay isugu imaan jireen bulshada Muqdisho sababo la xariira Covid-19. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa todobaadkaan sheegay in qaadayaan talaabooyin kale oo lagu xakameynayo faafid cudurkan waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay ku nagaadaan guryahooda. Kaliya ma ahan Soomaaliya ee cudurkaan waxa uu saameeyay adduunka oo dhan waxa uuna dib u dhigay doorashooyin badan oo dhici lahaa qaarkood. Wadamada baajiyay doorashooyinkaas waxaa ku jira kuwa afrikaan ah. Dowladda Itoobiya ayaa dib u dhigtay doorashooyinka ee dalka oo ku beegneyd dhamaadka sanadkaan waxayna guddigu doorashooyinka sheegeen in aan la qaban doonin ilaa amar dambe. Dowladda Uganda oo aan wali gaarin cudurkaan ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashadii dalkaas oo dhici laheyd sanadka 2022, oo ah laba sano kadib xiliga hadda la joogo. Hadaba doorashoyinka Soomaaliya oo ku beegan lix bil kadib ma qabsoomi karaan mise waxaa dhici karta in dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u dhigto doorashada. Sababaha keeni kara dib u dhaca. Waxyaabaha ugu waa weyn ee keeni kara dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya waxaa lagu sheegaa saddex qodob oo kala ah. 1 – Doorashada oo dhiman muddo kooban iyo dalka oo ku jiro xaalad culus oo ka dhalatay cudurka Coronavirus, waxaana sharciga doorashooyinka qeyb ka ah in doorashooyinka loo baajin karo musiibooyinka ay kamid tahay cudurada faafa. 2 – Dowladda Soomaaliya, madax maamul gobaleedyada iyo mucaaradka oo aan ilaa hadda marna kawada fariisan doorashada dalka lana ogeyn nuuca doorasho oo la qaban doono iyadoo ay usii dheertahay amni darrada dalka waxaa arrimahaan oo dhan la sheegaa in ay sababi karaan dib u dhac maadaama uu waqtiga dhamaad joogo walina aan nuuc doorasho lagu heshiinin. 3 – Madax dowladda Soomaaliya oo doonaya dib u dhaca doorashada islamarkaana raadinaya wax kasta oo dib u dhigi kara doorashada waxaana laga yaabaa in ay fursad u arkaan cudurkaan halista ah hadii ay kiisaska siibataan. Dhinaca kale waxaa jira qodobo kale oo diidaya dib u dhac. Waxyaabaha ugu waa weyn oo ay dowladda Soomaaliya ilaa hadda aysan ugu dhiiran dib u dhaca doorashada waxaa kamid ah. 1 – Soomaaliya ma ahan dal ay ka jirto xasilooni iyo dowlad dalka oo dhan ka talisa go’aanna ka gaari karta aayaha umadda, waxaana dhici karta in go’aankii ay qaataan uu kala qeybiyo bulshada iyo dalka. 2 – In nidaamka maamul iyo midda doorasho ee Soomaaliya ayaa saameen balaaran ku leeyihiin beesha caalamka oo taageerta Soomaaliya islamarkaana aan ogoleen muddo korarsi. 3 – Iyo in haddii ay dowladda federaalka dib u dhig ku sameyso doorashooyinka dalka ay mucaaradka abuuri karaan xasilooni darro dalkana uu wajihi karo amni darro iyo burbur dowladeed. Covid-19 hadda ma gaarsiisna xaalad dib loogu dhigo doorashooyinka baarlamaanka iyo mida madaxtooyada oo ku aadan dhamaadka sanadkaan iyo billowga sanadka kale, hase yeeshee waa cudur halis ku ah aduunka waxaana ku rafaadsan dowlado waa weyn waxaana Soomaaliya looga baahan yahay taxadar iyo go’aano adag oo lagu xakameen karo faafid cudurkaan. Hadaba ma kula tahay in cudurkaan uu noqon karo marmasiiyaha Xukuumadda Soomaaliya oo hore loogu eedeeyay in ay damacsan tahay muddo korarsi oo ay dib u dhigi doonto doorashooyinka dalka mise waxay kula tahay in aysan dib u dhigi doonin waqtiga doorashooyinka dalka?
  12. Xukuumadda Puntland ayaa Caawa shaacisay Natiijadii ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay shakhsiyaad looga shakiyay xanuunka Coronavirus, kuwaasi oo lagu karantiilay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga cudurka Coronavirus, ayaa lagu sheegay in baaritaankii lagu sameeyay shakhsiyaadkii la karantiilay, uu xaqiijiyay in dhammaantood aysan qabin COVID-19, sidaas darteedna aysan gebi ahaanba jirin kiisas la xiriira Coronavirus oo laga helay gudaha Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in ay la socdaan xaaladda bukaan kale oo isna looga shakiyay cudurka, kaas oo dhecaankii laga qaaday loo diray dibadda, si loo soo xaqiijiyo in uu xanuunka qabo, islamarkaana karantiil lagu hayo, inta ay soo baxayso Natiijada baaritaankii lagu sameeyay. Dhinaca kale, guddiga ayaa dadweynaha Puntland ka codsaday in ay ka qeyb-qaatan Sanduuqa Taakulaynta Ka hortagga xanuunka Coronavirus, si looga gaashaanto faafidda cudurkaas. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Dhammaan dadkii lagu karantiilay Puntland oo laga waayay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines uga degto Hargeysa, iyadoo la joojiyey duullimaadyadii kale. Wasiirka ayaa sheegay in Ethiopia Airlines ay u hiilisay Somaliland oo ay diiday amarka dowladda federaalka ah markii ay mamnuucday diyaaradaha caalamiga ah, sidaas darteedna ay iminka ayagana fasaxeen duulimaadyada shirkaddaas xilli kuwii kale la joojiyey. Wasiir Kaahin ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey markii ay dowladda federaalka xariyaada ku soo rogtay duullimaadyada ay diyaaradan Ethiopian Airlines noqotay tan kaliya ee ka shaqeysa danta Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in dowladda federaalka ay isku khilaafeen joojinta duullimaadyada, iyadoo markii dambe la isku raacay sida uu sheegay in Ethiopian Airlines ay Somaliland kasii wado duullimaadyadeeda, isagoo xusay in hadii ay xaalad degdeg ah ku timaado Somaliland ay diyaaraddaas oo kaliya ku tashaneyso. “Hadii ay xaaladu sii adkaato ama wax un soo kordhaan dhaqdhaqaaqa kaliya ee aan leenahay waa Ethiopian Airlines, dowladeeduna waa nala ogoshahay, qolada kalena waxaan ka rajey heynaa inay nagula shaqeeyaan, hada dadka ay diyaaradu keento wey soo yaraanayaan oo maanta afar qof oo keliya ayaa la socotay, waxaana kula heshiinay in aysan soo qaadin dad ka imaanaya dalalka uu xanuunkani sida aadka ah u saameeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale ka hadlay qaadka laga keeno Itoobiya ee soo gala deegaanada Somaliland, waxuuna sheegay in xaalada dalka Itoobiya ay hada kasii dareyso oo kiisaska laga soo sheegayo ay 50 kiis kusii dhawyihiin, isla markaana ay muhiim tahay in tallaabo la qaado. “Qaadku waxa uu ka yimaadaa deegaanada ugu dadka badan Itoobiya, in aan tallaabo ka qaadnana wey haboontahay, laakiin waan dooneynaa tallaabo la isla ogyahay, iyaga waan la balansanahay hadey yihiin ganacsatada qaadka Itoobiya, si aan la isu eryan oo dagaal kale uusan noogu furmin, marka waxaan dooneynaa barnaamij uruursan oo aan bulshadana ku wacyi gelino, ganacsatada qaadkana aan ka waxyi gelino, in aan ku dhaqaaqno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Kaahin. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in dadka ka ganacsada qaadka ay aad u badanyihiin, haatana hadii laga joojiyo aysan xukuumaddu shaqa u heyn, taas oo ku qasbeysa in la isku dheeli tiro go’aanada soo baxaya, sida uu hadalka u dhigay.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa war kasoo wada saaray duqeyn lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka. Duqeyntaas ayaa ka dhacday degaan lagu magacaabo Xabaal- barbaar oo ka tirsan gobolka Bay, 3-dii bishan Abriil. Labada qoraalba waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo howlgalka Mareykanka ee AFRICOM, waxaana lagu sheegay warkan si taxadar leh ay u dhacday, isla markaana aysan waxyeelo kasoo gaarin dad rayid ah. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay sii wedi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo laga taxadarayo in dad shacab ah ay dhibaato kasoo gaarto. Inta badan duqeymaha dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM ay sheegaan in ay ku dileen xubno Shabaab ah, waxaa kasoo daba yeera war sheegaya in lagu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxaana aad u liita baaritaano ay balan qaadaan inay ku sameyn doonaan khasaaraha rayidka gaaray, waxayna dad badan ku macneeyeen in dowladdu aysan xilba iska saarin muwaadiniinta lagu duqeynayo deegaanadooda, kadibna lagu tilmaamo Al-Shabaab. Dhawaan warbixin sanadle ah oo ka soo baxday hey’adda Amnesty ayaa lagu sheegay in sanadkan bilowga ah gudihiisa qaar ka mid ah duqeymihii ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, ay wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana warbixintaas dafirtay dowladda federaalka oo ku adkeysatay in dadkii la laayey ay Shabaab ahaayeen.
  15. Xifaaltanka Somaliland Kula Jirto Somalia Oo Xididada U Siibay Xadhkihii Dhaqaale Ee Somaliland Xifaaltanka Somaliland Kula Jirto Somalia Oo Xididada U Siibay Xadhkihii Dhaqaale Ee Somaliland Dawladda Soomaaliya Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ayaa Ka Wadahadlay Sidii Shirkadahoodu Dulimaadyo Toosa Uga Bilaabi Lahayeen Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia , halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyada caalamiga ah ee cudurka Corona Virus awgii. FLY Dubia iyo Air Arabia oo hore u istcimaali jiray garoonka Hargeysa Ka hor inta aan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Kala Noqon Ruqsada diyaaradahaasi Eedaymaha loo cuskaday ayaa ahaa inay FLY dubai iyo Air Arabia u hogaansameen Amarkii xukuumada DFS oo dhigayey inay dawladu Joojisay Duulimaadyadii caalamiga ahaa mudada Aduunku la leedleedayo cudurka Covid19. Dhanka kale Eriska Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Kooto uu Rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu Xidho Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012. Warqada lagaga joojiyay duulimaadyada labadan shirkadood oo aanu ogayn Maareeyaha civil aviation Somaliland iyo ku xigeen kiisu, waxaa Qoray Agasime waaxeed ay isku qoys yihiin Madaxwayne Muse Biihi oo uu amar ku siiyay, markii aanu la xidhiidhnay Mareeyaha iyo ku xigeen kiisu waxay noo sheegeen inaanay wax war ah ka haynin. Dawladda Soomaaaliya ayaa udirtay qaar kamida mas’uuliyiinta wasaaradda Duulista iyo Hawada wadanka Emirates ka si ay madaxda shirkaddahaas iyo Dawlada Emaaraat ka ugala xaajoodaan sidii FLY Dubia iyo Air Arabia Duulimaadyo uga bilaabi lahayeen Garoonada Aadan Cadde ee Caasimada Muqdisho iyo Caasimada Puntland ee Garoowe. Xili Aduunku Loolan Ugu jiro Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ayay Xukuumada haysa Talada Maamul ee Somaliland Waxa Uleh Ahmiyada Koowaad Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo Ganacsiga gaarka ah ee Galin ku Taajir, Taasoo Minja Xaabisay Ruqsadii Diyaaradaha Caalamiga ah. Xanta siyaasada Caalamka oo ahaa inaanu Xidhiidhka dawladaha imaaraadka iyo Somalia ahayn mid wanaagsanaa mudooyinkii danbe waxayse Arintani irid cusub u furaysaa is dhexgaI Horleh iyo Isfahan Dhaqaale oo dhexmara Labada dal, waxaana meesha ka baxaya Wada Shaqayntii Somaliland iyo Imaaraatka. Haddii dawladda Federaalku ku guulaysato qorshaha ay ku doonayso in ay Muqdisho keento FLY Dubia Air Aribia na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Soomaaliya xidhiidhkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo xidhiidhka Danaha Dhaqaale ku saabsan ee hadda kala Dheexey imaaraadka xukuumada Somaliland Source
  16. Guddiga Arrimaha Gudaha,Dib-uheshiisiinta iyo Xirrirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha Aqalka ayaa baaq-nabadeed ee ku aadan dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ee Soomaaliyeed ee ku dirirayey Galbeedka Magaalada Kismaayo ku dhowaad muddo ka badan saddexdii isbuuc ee lasoo dhaafay. Halkaan ka Akriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay kufsi saddex carruur ah loogu geystay degaanno ka tirsan dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Galmudug. Wasaaradda ayaa ku baaqday qof walba in uu ixtiraamo dhowr-sanaanta iyo sharafta dhibbanayaasha iyo qoysaskooda, kana fogaado dambi la xiriira sheegitaanka magacyadooda iyo in sawirradooda lagu faafiyo meel kasta oo ay ku jiraan warbaahinta bulshada. Wasaaraddu waxay sheegtay arrintaas wax u dhimmi karto dambi-baarista socoto iyo in mustaqbalka dacwad ciqaabeed la soo oogo, ayadoo sidoo kale sababi karta in ay ka horjoogsadaan dhibbanayaasha in ay si caadi ah oo ceeb kamadaxbannaan u noolaadaan. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Wasaarada Haweenka Soomaaliya oo cambaaraysay kufsiyo ka dhacay Galmudug iyo KFG appeared first on Puntland Post.
  18. Jowhar (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, shan kelana way ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob lagu shaaho oo ku yaala magaalada Jowhar. Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa waxaa sheegtay dagaalameyaasha Al-Shabaab, sidda ay baahiyeen baraha internet-ka ee taageera. Agaasime ku xigeenka madaxtooyada HirShabelle iyo Xildhibaan ayaa la sheegay in ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay falkaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaas oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Hay’addaha Ammaanka dowlad goboleedka. Falkaas ayaa kusoo aadaya xili dadka ay feejignaan uga jiraan ka hortagga faafitaanka Coronavirus, kaasoo Soomaaliya laga helay todoba kiis oo la hubiyey. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay oo Jimco waxaa si hor dhac ah loo furay shir weyn oo ay isugu imaanayaan culumada Tabliiqa, kaas oo muddo dheer kadib lagu qabanayo Masjidka Alhidaaya oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir. Masjidkaan oo shirarka nuucaan ah caan ku ah ayaa waxa uu marti gelinayaa culumo Tabliiq ah oo dalka ku soo galay diyaarado, gaadiid iyo Lug waxayna qaarkood yimaadeen maalmo uun ka hor markii lagu dhawaaqay in la joojiyay duulimaadyada dalka waxayna ku soo galeen lug. Culumadaan ayaa qaarkood ka yimid Ciraaq, Afghanistan, Pakistan, Suuriya, Mareykanka iyo wadamo kale oo aduunka ah waxayna usoo safreen sanado iyo bilooyin ka hor ka qeybgalka Shirkaan inkastoo ay meelo kale soo mareen. Shacabka Muqdisho ayaa is weydiiyay dowladda Soomaaliya maka warqabtaa shirkaan mise ma heysato wargelin maadaama uu ka dhacaayo waqooyiga magaalada oo ah xaafadaha aysan ku xooganeyn dowladda Soomaaliya. Sidoo kale shacabka ayaa qaba in culumada qaarkood ay ilaa hadda lug ku soo galayaan dalka islamarkaana ay ka yimaadeen dalal kale taasina ay keeni karto faafida cudurka iyo waxay dowladda Soomaaliya kala socoto socdaalkooda. Culumada Tabliiqa oo ah kuwa safarkooda uu badan lug kolba gobal ama magaalo u taga faafinta aragtidooda ayaa aad ugu badan Soomaaliya inkastoo sanadihii ugu dambeeyay ay sii yaraanayeen waxaana ugu wacnaa amni darrada dalka. Masjidkaan ku yaalo degmada Heliwaa ee Alhidaaya ayaa kamid ah masaajida waa weyn ee Muqdisho waxaana dhowr jeer sidaan oo kale lagu qabtay shirar nuucaan oo kale ah waxaana xiligii Itoobiyaha ka dhacay dilal iyo dhibaatooyin loo geestay culumo iyo dad kale. Sidoo kale waa masjidka ugu weyn ee Tabliiqa ay ku leeyihiin Soomaaliya, waxaana isugu yimaada culumada Tabliiqa oo isaga yimaada aduunka meelo kala duwan. Dhowaan ayaa shirweyne ee Tabliiqa ku yeesheen magaalada Delhi ee dalka India, waxaa lagu eedeeyey inuu sababay in cudurkan uu si xooggan u faafo kadib markii dadkii shirka ka qeyb galay ay is-qaadsiiyeen, kadibna deegaano kale kusii fidiyeen kadib shirka.
  20. Garoowe ( Faallooyinka Puntland Post) — Colaadda ka soo cusboonaatay Jubbaland waxaa ku naf-waayay Soomaali badan. Waa colaad laga hortagi karay. Inkastoo Puntland ay ka fog tahay juqraafi ahaan meesha colaaddu ka socoto haddana eedayn bay dad badani u soo jeediyeen Puntland. Haddii dad reer Jubbaland colaadi dhex martay daminta colaadda waa xil saaran maamulka Jubbaland. Hadallo lagu wadaagay baraha bulshada ayay dadka qaarkiis u qaateen caddayn in Puntland kaalin siyaasadeed ku leedahay colaadda Jubbaland ka socota. Puntland marnaba may ka hadlin kamana hadli karto colaad ka socota maamul federaal kale. Si loo yareeyo saameynta warxume-tashiilka waa in maamulka Puntland uu caddeeyo inuusan sinna kaalin ugu lahayn colaadda ka aloosantay Jubbaland oo keentay in sawirrada dad Soomaaliyeed oo la laayay lagu wadaago baraha bulshada. Dadka Jubbaland deggan iyagaa isku dan ah oo isku maamul ah. Waxaa wax laga waantoobo ah shirarka faraya maamulka Deni uu madaxda sare ee Jubbaland kala xiriiro colaadda Jubbaland oo u dhexeysa laba beelood. Waxa u nugleynaya Puntland eedaynta aan salka lahayni waa aamusnaanteeda. Waa in maamulka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu cod dheer ku sheego in maamulkiisu uusan farogelinin arrimmaha Jubbaland iyo inuusan soo kala soke-marsanin dadka Soomaaliyeed oo colaadda laga hortagi karay laga dhex aloosay. © Puntland Post, 2020 The post Puntland iyo colaadda Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay dib u dhigtay wakhtigii loo qorsheeyay in la galo Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12aad iyo 8aad sababa la xariirta Coronavirus. Qoraal lasoo dhigay Bogga baraha Bulshada ay ku leedahay wasaaradda ayaa lagu wargaliyay Ardayda in dib loogu soo sheegi doona Waqtiga rasmiga ah ee uu bilaaban doono ama la galayo Imtixaanka. “Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS oo tixgalineysa talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga & xakameynta cudurka dilaaga ah ee COVID-19, ayaa waxa ay ku wargalineysa ardayda Soomaaliyeed ee ku guda jira diyaargarowga imtixaanka fasalka 12aad & 8aad in uusan ku qabsoomi karin xilligii loogu talagalay. Waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo imtixaanka dib ayaa laga soo sheegi doona. Mahadsanidiin,” ayuu u qornaa qoraalka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu mar sii horeysay u shaaciyey in muddo uusan cayimin la joojiyey xaadirida goobaha waxbarashada, talaabadaas oo qeyb ka ah ololaha lagula dagaalamayo faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Covid-19. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-04042020.mp3 View the full article