Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ee maamulka magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen hub iyo dhar ciidan oo bakhaar lagu keydiyey. Hubka ay ciidamadu qabteen oo aad u badan ayaa waxaa ka mid ah Bambo-Gacmeed, Bistoolad iyo in ka badan 250 xabo oo rasaas ah. Sidoo kale dharka ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen ayaa isugu jira midka ay xirtaan ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga, kuwaas oo ay ku buufsan yihiin (Somali Police), islamarkaana ah kuwa ay adeegsadaan ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida dalkaasi. Taliska ayaa sheegay in bakhaarka lagu qariyey hubkaasi ay kireysatay Haweeney, taas oo milkiilaha u sheegtay in ay ku keydsaneyso Kabo ay iibiso. Laamaha amniga ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale shaacisay inay gacanta ku hayaan shan ruux oo ay ku jirto haweeneyda kireysatay bakhaarka. “Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin.” ayuu yiri taliyaha taliyaha ciidamada booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa, Kebede Asafa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xogo muhiim ah ka heleen shacabka, islamarkaana ay u sahashay inay gacanta ku dhigaan hubka iyo dharka ciidan. Si kastaba ha’ahaateen ma’ahan markii ugu horreysay oo ay Itoobiya gacanta ku dhigto hub sharci darro ah, iyadoo ciqaab adag mariso shaqsiyadka lagu helo arrintaasi.
  2. Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku sameysay dad ay dhowaan magaalada Garoowe ku karaantiishay kuwaas oo looga shakiyay in ay qabaan xanuunka Coronavirus. Warbixin uu soo saaray guddigga Puntland u qaabilsan ka hortagga caabuqa COVID-19 ayaa waxa ay ku xaqiijiyeen in dhamaan dadkii laga baaray xanuunkaasi ay yihiin kuwa aan qabin cudurka islamarkaana waxa ay guddigu ka dhawaajiyeen in sidoo kale aysan jirin wax kiisas cusub ah oo laga helay deegaanada maamulka Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in la sii wadi doono awaamiirta la xiriirta in aan la isku imaan iyo in deegaanada Puntland aan la soo galin qaad, waxaana shacabka loo jeediyay in ay raacaan talooyinka ka imaanaya guddigga ka hortagga COVID-19, wasaaradda caafimaadka iyo baaqyada caalamiga ah. Ugu dambeyn guddigu waxa uu shacabka reer Puntland meelkasta oo ay joogaan ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sanduuqa taakulada iyo ka hortagga Coronavirus. Halkan ka akhriso qoraalka ay soo saareen guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ururka 41-aad guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga Dhamme C/qaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka oo uu u jeedkiisu ahaa mid waddo furis ah ay ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Buul-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in inta ay wadeen howlgalkaasi ay ku dileen illa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Sidoo kale Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa intaasi ku daray inay soo badbaadiyeen illaa sadsex gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab opo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada HirShabelle ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
  4. Qofkii labaad oo la shaqeynayey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu qabo Cudurka Covid 19, sida uu sheegay Xafiiska (UNSOM) ee Muqdisho. Qofkan oo ajanabi ah ayaa ka shaqeyn jiray shirkad ka hawlgasha gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Xafiiska (UNSOM) waxaa qofkan la qabtay bartamihii bishii hore ee Maarso xilligaas oo uu dalka soo galay, waxaana la geeyay goob karantiil oo gudaha garoonka ku taalla. Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in labo ruux oo mid ajanabi yahay laga heley xannuunka Covid-19 taasoo tirada guud ee dadka laga heley cudurka gudaha Soomaaliya ka dhigtay 7-kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Sawirkan waa mid hore oo qarax ka dhacay Gaalkacyo Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi qarax lagula eegtay mas’uul ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland. Mas’uulkaas oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha wasaaaradda Maaliyadda ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo gaarigiisa loogu xiray xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goob-joogayaal. Mas’uulka qaraxa ku dhaawacmay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi-Gube waxaana dhaawaciisa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay lug ku go’day mas’uulkaas inkastoo dhaqaatiirta gacanta ku haysa aysan weli faahfaahin ka bixin xaaladdiisa caafimaad. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Mas’uul ka tirsan Puntland oo qarax lagu dhaawacay appeared first on Puntland Post.
  6. Ciidanka booliska gobalka Bari ayaa xalay meel fagaare ah waxa ay ku gubeen qaad la sheegay in si dhuumaalaysi loo soo galin rabay xarunta ganacsiga maamulka Puntland ee Boosaaso. Qaadkaan ayaa waxaa lagu soo qariyay jawaano waxaana ciidanka booliska gobalkaasi uu suura gashay in ay gacanta ku dhigaan qaadkaasi wallow ilaa haatan aan la sheegin in la soo qabtay dadkii qaadkaasi watay. Taliyaha qeybta gobalka Bari gaashaanle sare Xussen Cali Maxamuud oo ka hadlay goobta ayaa hoosta ka xariiqay in cidkasta oo isku dayda in ay si dhuumaalaysi ah qaad ku soo galiyaan deegaanada maamulka Puntland ay gacanta ku soo dhigi doonaan, waxa uuna taliyuhu mahadcelin u jeediyay ciidanka booliska gobalkaasi. 31-kii Maarso ayey sidan oo kale ciidanka booliska waxa ay magaalada Boosaaso ugu gubeen qaad magaaladaasi la soo galin rabay xilli dowlad goboleedka Puntland ay horey deegaanadeeda uga mamnuucday in la soo galiyo qaad inta uu socda xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Waxaa sidan oo kale magaalooyinka qaar ee dalka loogu gubay qaad inta badan ka imaanayay dalka Itoobiya, xilli dowladda ay sheegtay in la doonayo in la sameeyo dadaalo looga hortagayo COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ee la soo daahday ka soo saartay fal kufsi arxan darro ahaa oo todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegya inay cambaareyneyso falkaasi oo lagula kacay laba gabdhood oo aad da’yar. Wasaaradda haweenka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqata inay gabtay shaqadii loo igmaday, mana jirto illaa iyo hadda wax ay u qabtay dhibanayaasha, marka laga tago cambaareynta ay soo saartay oo lagu soo beegay todobaad kadib. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  8. (SLT-Riyadh)-Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudiga inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xidhan, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsanaya, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sannad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xidhiidhka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto. “Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yidhi Murra Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay koradhay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus. Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xidhiidhay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad. Source
  9. Maxamed Xuseen Cali oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa Radio Shabelle u sheegay inay dhibaato ku qabaan kooxo burcad ah oo xilliyada habeekii ah dhac baahsan ka geystay xaafado ka tirsan gudaha degmadaasi. Goobjoogahaan ayaa tilmaamay in shacabka degmada Kaxda ay haatan wajahayaan xaalad amni oo ah tii ugu darneyd, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Kaxda inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Kaxda-.mp3 View the full article
  10. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Xafiiska UNSOM ee Somaliya ayaa xaqiijiyay in qof labaad oo ka mid ah shaqaalaheeda laga helay Coronaviras. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin coolaad laga huriyo deegaannada iyo degmoyinka Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falkii kufsiga ahaa ee degmada Afgooye loogu geystay gabdho yaryar, kuna baaqday in gacanta lagu soo dhigo raggii ka dambeeyay falkaasi. Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa ku baaqay in la jojiyo colaadda ka taagan Gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubbada hoose. Somaliland ayaa sheegtay in diiradda saari doonto doorka wacyi-gelinta bulshada inta uu jiro Cudurka CORONA. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog-05-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgallo baaritaano ah oo saaka ciidamada Booliska HirShabelle ay ka wadaan magaalada Jowhar ee caasimadda gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib qarax xoogan oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada ayaa baaritaanadaan ku baadi goobaya shaqsiyaadkii ka dambeeyey qaraxaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi. Afhayeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalladaasi iyo xaaladda mas’uuliyiinta ku dhaawacantay qarixii shalay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Nuuradiin-.mp3 View the full article
  12. (SLT-Addis Ababa)-Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duduwan ka kooban. Waxaa sida oo kale bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab millatari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro. Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato. Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250. Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xidhiidhiyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin. “Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yidhi Komishinka Booliska Addis Ababa. Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa wuxuu sheegay bakhaarka hubka iyo dharka ciidanka lagu qabtay imuu u kireysnaa haweeney. Waxay boolisku sheegeen haweeneyda bakhaarka uu u kireysnaa dadka bakhaarka iska lahaa iney uga kiresatay kaba ay ka ganacsato iny ku keydsaneyso. Bakhaarka qalabka kale ee lagu qabtayna waxaa ka mid ah dhar ciidan oo kala duwan, astaamaha booliska iyo ciidanka u gaarka ah, dharka, koofiyadaha iyo suumanka ciidanka, katiinada daka gacmaha looga xidho iyo qalab kale oo ay ciidamadu leeyihiin. Arrintan oo soo qabashadeeda ay iska kaashadeen laanta sirdoonka dalka Itoobiya, Booliska Federaalka iyo Booliska maamulka Addis Ababa waxay sheegeen iney sii wadayaan ka hortagga dambiyada noocani ah baaritaanka marka ay soo gabagabeeyaanna ay hay’adaha sharciga kiiska u gudbin doonaan. Sida uu dhigayo sharciga u yaalla dalka Itoobiya dharka ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska ay leeyihiin iyo qalabka ay isticmaalaanba inuu shaqsi haysan karin, ka ganacsan karin isla markaana iibin karin. Tani iyo marka uu isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Itoobiya oo majaraha dalkaasi qabtay Dr Abiy Axmed waxaa soo badanayey hubka iyo lacagaha sharci darrada ah ee dalka gudahiisa lagu qabto. Source
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-05042020.mp3 View the full article
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacisay natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku sameysay dad looga shakiyey Corona. Wasiirka wasaaradaasi, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baaritaanka ay u direen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, islamarkaana shaqsiyaadka oo gaarayey 5 ruux, laga waayey afar ka mid ah cudurka. Dr. Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiga kale uu weli dhiiggiisa ku maqan yahay sheybaarka, islamarkaana ay sugayaan jawaabtiisa. Sidoo kale wuxuu uga digay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland inay fududeystaan cudurka, isagoo ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyey inay ka guddi ahaan xoojin doonaan dadaallada ay wadaan, si looga hortago faafitaanka caabuq Corona Puntland ayaa si weyn uga feejigan halista Coronavirus, waxaana dhowaan ay karantiil gelisay in ka badan 20-ruux oo looga shakiyey cudurkan oo fara ba’an ku haya caalamka.
  15. In July 2019 Somalia’s president his excellency Mohamed Abdillahi “Farmaajo” set up a commission to revive talks with Somaliland. His move came three years after Somaliland’s former president Silanyo appointed Dr Edna Source: Hiiraan Online
  16. Somalia is often considered a quintessential example of a failed state that suffers from devastating humanitarian crises and the lowest levels of development in the world. The country has for decades now been engulfed with multiple crises, including but not limited to separatism, corrupt regional state Source: Hiiraan Online
  17. The coronavirus pandemic could narrow one gaping inequality in Africa, where some heads of state and other elite jet off to Europe or Asia for health care unavailable in their nations. As countries including their own impose dramatic travel restrictions, they might have to take their chances at home. Source: Hiiraan Online
  18. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Xirmooyin Jaad ah oo la doonayay in si sharci-darro ah loo geliyo gudaha magaala Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Xirmooyinkaas Jaadka ah oo ay Jawaanno ku soo qariyeen dadkii watay ayaa gacanta lagu dhigay ka hor intaan la gelin gudaha Boosaaso inkastoo aysan Booliiska u suurta-gelin in ay soo qabtaan dadkii watay. Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xussen Cali Maxamuud oo goobtaas hadal kooban ka jeediyay ayaa shegay in si walba oo loo soo qariyo Jaadka ay Ciidamadu soo qaban donaan islamarkaana la gubi doono. Taliyaha ayaa u mahad celiyay Ciidanka Booliska ee Ku Sugan Kantaroolka Boosaso kuwaas oo qabtay Jaadkaas xilli la doonayay in si qarsoodiya lagu soo geliyo gudaha magaalada. Sidoo kale wuxuu digniin culus u jeediyay cid kasta oo doonaysa in ay Jaad sharci-darro ah soo geliso Boosaaso si ay u jebiso Amarkii Dowladdu ku mamnuucday Qaadka ee la xiriiray ka hortagga Cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Xirmooyin Jaad sharci-darro ah oo mar kale lagu gubay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  19. United Nations — The United Nations is facing a "dire" liquidity crisis as it deals with added expenses related to the need to "respond to the global health crisis" of coronavirus, according to an email from Movses Abelian, the U.N. undersecretary general for General Assembly and conference management. Source: Hiiraan Online
  20. The International Committee of Red Cross (ICRC) on Saturday urged Somalia to take proactive measures action to curb the spread of COVID-19 and save lives. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah xubnaha is-beddel doonka Jubaland ee kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa sheegay in heshiis horudhac ah lagu gaaray wada-hadalladii Nairobi uga socday madaxweynaha Jubaland iyo Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig, oo iyagana la sheegtay madaxweyne. Wada-hadalladaan ayaa waxaa garwadeyn ka ah dowladda Kenya oo ka shaqeysay sidii la isugu keeni lahaa Axmed Madoobe iyo xubnaha ku haysta xilka madaxweynaha. Cabdinuur Jaamac Jookar oo ka mid ah is-beddel doonka, kuna sugan Kismaayo, ayaa sheegay in dhinacyada ay isku raaceen qodobo ay ka mid yihiin in madaxweyne Axmed Madoobe loo daayo xilka madaxweynaha, islamarkaana xubnaha kale lagu qanciyo waxyaabo kale. Jookar ayaa intaas ku daray in Cabdinaasir Seeraar iyo Cabdirashiid Xidig ay qasabtay dowladda Kenya. “Waxaan maqleynaa oo Jubaland ay aad uga xuntahay, Seeraar iyo Xidig waxaa qasabtay Nairobi, oo qodobo ayaa la soo saarteen Axmed Madoobe. Dhammaan xubnihii Is-beddel doonka ee Kismaayo arrintaas ayey ka shireen, aad ayaan uga xunnahay, mana soo dhooweyneyno. Sidii ay meesha uga soo bixi lahaayeen ha uga soo baxaan,” ayuu yiri Jookar. Caasimada Online oo xiriir la sameeysay xafiiska Axmed Madoobe, iyo xubnaha ku dhow Seeraar iyo Xidig, waa ay diideen inay xaqiijiyaan heshiiska la sheegay in la gaaray. Horraantii bishii Febraayo ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday magaalada Kismaayo, waxaana wada-hadallada qeyb ka ahaa wakiilo ka socda militariga iyo sirdoonka Kenya. Hoos ka dhageyso codka Jookar https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Jookar.mp3
  22. Caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa waxaa maanta cudurka halista ah ee Coronavirus ugu geeriyooday halgamaa Soomaaliyeed oo kamid ahaa dhallintii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay, isagoo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka coronavirus oo kusii faafaya caalamka oo dhan, isla markaana ay u geeriyoodeen in ka badan 60 kun oo qof. Geerida Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana Marxuumka uu kamid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ka nool raggii lasoo shaqeeyay Ururkii Dhallinyarada SYL. Dalka Ingiriiska ayaa cudurka coronavirus waxaa ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu ka mid yahay ra’iiusl wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo maalmo kahor isna ku geeriyooday magaalada London. Qaran News
  23. Nolosha Maxaabiista ururka Xamas ee u xidhan dowladda Sacuudiga oo loo baqayo Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudi Carabiya inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xiran, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency. Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sanad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xiriirka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga. Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto. “Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yiri Murra. Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay korartay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus. Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xiriirtay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad. Bishii tagtay, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaaca ka qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay billowday dhageysiga dacwadaha maxkamadeed ee maxaabiista Falastiiniyiinta. Bassim Naim ayaa xaqiijiyey in la dhageystay kiiska 62 Falastiiniyiin ah. Xubno badan oo ka mid ah mujaahidiinta Xamas oo si nabad-galyo leh ugu noolaan jiray Sacuudiga, ayaa sanadihii dhowaa la billaabay in la xir-xiro kadib markii ay aad isugu dhowaadeen maamulka Sacuudiga, gaar ahaan Maxamed Bin Salmaan iyo Yahuudda iyo Mareykanka. Qaran News
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta si cad u sheegtay sababta ay u joojin laadahay Qaadka deegaanadeeda uga yimaada dalka Itoobiya oo laga diiwaan-geliyay Kiisas badan oo la xiriira Coronavirus, isla markaana la daala dhacaya cudurkaasi ku faafay dunida. Somaliland ayaa sheegtay in xukuumadoodu aysan ilaa hadda hayn wax kale oo dadka ka shaqeeya qaadka loogu badali lahaa haddii la joojiyo, maadama ay dad badan ka shaqeystaan iibinta qaadkaasi. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin ayaa ku dooday in xukuumada Muuse Biixi aysan laheyn awood dhaqaale oo dadkaasi uga dhigi karto kaabid, haddii deegaanadeeda ay ka joojiso qaadka ka soo gala Itoobiya, inkasta oo uu xusay inay tilmaamooyin caafimaad siiyeen dadkaasi ka shaqeeya qaadkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaadku uu yahay badeecada ugu badan ee maalintii soo gasha Somaliland, isla markaana ay dad badan ka sameeyaan lacago ay ku maareeyaan noloshooda. “Maadama ay shaqo la’aantu nagu badan tahay, ganacsiga kaliya ee ugu socodka badana waa Qaadka, oo dadka qaadka iibiya aad bey u faro badan yihiin, mana helayno wax aynu ugu badalno haddii isaga ka xidhno. Markaa waxaynu dooneyna barnaamij habeysan anagoo dadka qaadkana ka wacyi-galineyn” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin. Somaliland ayaa waxa maalintii soo gala deegaanadeeda qaad badan oo uga yimaada dhanka Itoobiya, taasi oo khubarada caafimaadku ku sheegen arrin halis ku ah caafimaadka bulshada, maadama qaadkaasi laga keeno dal uu ku faafay cudurka Coronavirus.