Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan howlgallo ballaaran oo ciidamada milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen agagaarka magaalada Balanbale ee gobolka Galgaduud. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska guutada 15-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo lagu eedeeyey inay duugis ku sameeyeen baraago biyo laga cabo iyo iyo duminta guryo la daganaa. Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in ujeedka howlgalladaan uu ahaa kuwo lagu xaqiijinayey amniga deegaanadaasi, si looga hortago colaad beeleedyo ka jira halkaasi. “Iyadoo Laga Jawaabayo Fariimo bulsho oo laxariira Adkeynta Amniga Aaga kusuntan inaan hub lagu qaadan karin cabir fogaantiisuna tahay 18km oo Jiha Kasta uga baxsan degmada balanbal ayaa si loo fuliyo waxaa howlgal aagaas ka sameeyey Ciidamada Guutada 15aad waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay dad lagu soo eedeeyey inay ka danbeeyeen duugis lagu sameeyey baaraago iyo guryo la dumiyey” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Guutada 15-aad ee deegaanada Galmudug. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galgaduud ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo looga hortagayo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.
  2. Guddiga amniga Puntland ayaa waxa ay ka shireen sidii deegaanada maamulkaas looga hirgaliyay awaamiirta bandowga ee dhanka amniga waxaana guddiga uu sheegay in awaamiirtaas ay u hir galeen sidii loo baahnaa. Guddiga ayaa sidoo kale waxa uu baaq u jeediyay ganacsatada sida qarsoodiga ah qaadka ku keena Puntland waxaana ganacsatadaas loogu hanjabay in tallaabo laga qaadi doono. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka puntland Cabdulaahi Cabdisaalaan Xasan oo shir jaraa,id Garoowe ku qabtay ayaa sheegay in awaamiirtii maamulka Puntland ee dhanka amniga la fuliyey si looga hortago Coronavirus waxa uuna sheegay cidii jabisa awaamiirtana talaabo laga qaadidoono Dhanka kale Puntland waxay mar kale amarro dul dhigtay masaajidda Maamulkaas waxaana la mamnuucay in masaajidda lagu dukado salaadaha jameecada ah. Halkan ka dhageyso codka wasiir ku xigeenka amniga Puntland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/93693336_209617903669346_1662985580092325888_n-online-audio-converter.com_.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saraar iyo dhawr Askari oo kale ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen Shaqaaqo kooban oo ka dhacday magaalada Caynaba, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Laga bilaabo Diisambar 2019 COVID-19 waxa uu ku dhacay in ka badan 2 million oo qof (intaa in ka badan oo uu ku dhacay tijaabo loo ma samayn oo xisaabta ku ma jirto). Waxaana u dhintay inta la ogyahay 150,000 oo qof. Welina wuu sii fidayaa. Fayrus dhumaceedu ka yarhay 120 nm (waa marka mitirka loo qaybyo hal billion oo qaybood) ayaa dunidii gebi ahaanba albaabada u laabay. Cudurka ka dhashay fayruskan wuxuu u eegayahy hargabka balse wuu ka xoog badan yahay. Xumad xaddhaafa iyo qufac qalallan baa u dheer iyo neefta oo bukaanka qabata. Nasiib wanaag dadka sida kale u caafimaadka qabaa intooda badani way ka kacayaan. Waayeelka iyo dadka cuduro kale qabaa se khatar buu gelinayaa. Waxa kale oo aynu ogaanay in dadka miisaankoodu aadka u wayn yahay inay khatar ugu jiraan. Waxyaabaha Cusub Xagga Cudurka? Waxyaabaha lagu arkay COVID-19 waxa ka mid ah in dadka qaar sida kale isaga caafimaad qaba uu ku leeyahay soo boodo markiiba sanbabkooda waxyeelo laxaad leh u gaysanaya. Bukaanka uu ku xumaado in badan buu oof warayn ku noqdaa, in buu se si lama filaan ah oo deg deg ah wax u yeelayaa. Maxaa sababa? In kasta oon weli la wada ogayn waxa loo malaynayaa saddexdan sababood: Fayrus weliba waxay leedahay albaab ay unuga dadka ka gasho. Furahay sidataa waa fararahaa coronada (taajka) oo ah protein loo yaqaan Spike Protein ama S protein. Furahaasi albaabka ay unuga ka gashaa waxa la yidhaadaa ACE II Receptor. Waxa la mala awaalayaa oon la hubin in dadka qaar leeyihiin ACE II Receptor aad ugu nugul qabsashada S proteinka fayruska una fudadayna in fayrus badani dhakhso u dhexgasho unugyada dhakhsana u taranto. Wax wal oo dibedda inooga yimaadaba difaac baynu u leenahay (immunity). Difaacaas mar mar baa miisaanku ka lumaa oo halkuu kaa difaaci lahaa buu jidhkii wax yeelaa (immunopathology). Waxa ka mid ah immunopathologyga waxa loo yaqaan cytokine storm. Cytokinesgu waa maadooyiin farabadan oo ay sameeyaan unugyadeena dhiiga cad ee difaaca (immunitiga) inoo sameeya. Maadooyinkaas cytokinesku aad bay u badan yihiin qaybta ugu sii badanna waxa loo yaqaan Interleukins am IL. Imika waxa jira 38 IL (IL-1 ilaa IL-38) iyo qaybo kale oo farabadan oo la xidhiidha sida Interferons, tumor necrosis factor (TNF), transforming growth factorm colony stimulating factors iyo in kale. Cytokines ku unugyada cad ee difaaca jidhka ayey u kala dab qaadaan (signaling), mar bay shaqada hoos u dhigaan ama saro u qaadaan, marbay soo jiitaan si meesha jidhka dhibtu ka jirto difaac u yimaado, marbay unugyada tarankooda badiyaan ama dhismoohada dhamaystiraan. Nasiib darrada haddii ay si xad dhaafa ah unugyaddu u sii daayaan cytokines badan difaacii baa dhaafi kara intii loo baahnaa ee jermiska wax yeeli lahaa oo markaa jidhka laftiisii wax yeeli kara. Sanbabku wuxuu ka samaysan yahay xuub yar si ay u fududaato inay oxygen tu dhiiga u gaadho carbon dioxide-duna ka soo baxdo. Sidaa daraadeed si hawlyar buu wax u noqon karaa. Sababta saddexaad waxay la xidhiidhaa “dose”ka faryuska ee qofku qaado. Haddii qofku la kulmo dhibco fayrus oo aad bu badan waxa laga yaabaa inuu dhaksho ula soo dhaco waxyeeladuna ku badato. Sidaas baa badiyaa ku dhacdaa dhakaatiirta iyo dadka kale ee bukaanka daryeela oo bukaanka aad ugu dhawaada, taabta ama dhecaankiisa ka sifieeya. Vitamin D: Dadka aadka wax ugu noqday COVID-19 ee Europe, waxa si lama filaan ah ugu badan dadka Somalida iyo ajaaniib kale oo ay ku jiraan dhakhaatiir iIngiriska ka hawl gala ee loo yaqaan BAME- Black, Asian and Minority Ethnic. Waxa la leeyahay waxa jira Vitamin D yaraan oo kooxdeena ku badan. Hore ayaa loo arkay in Somalida dadkeena Europe taga ay ku yartahay Vitamin D, lagana yaabaa inay xidhiidh la leedahay cuduradda sida macaanka oo kale La Soco Qaybta Labaad (Dawooyinka iyo Talaalka iyo Qyabta Saddexaad; Xaguu ka damabynayaa aakhirka) W/Q: Dr Axmed Xuseen Ciise Source
  5. Garoowe (Caasimada Online) – War ka soo baxay guddiga ka hortagga cudurka Covid-19 ee Puntland ayaa lagu faray ciidamada amniga inay awood ku dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyey Salaadaha lagu tukado Jameecada ee maasijida maamulkaasi. Guddiga ayaa sidoo kale amray laamaha amniga inay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weysa dhaqan gelinta go’aankaaasi. Sidoo kale guddiga ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa qoraalkiisa ku micneeyey mid lagu dhowrayo badqabka dadka iskugu imaanaya masaajidada. Puntland ayaa wada dadaallo ballaaran oo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo sameeyey wadamo badan oo ku yaalla caalamka. Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay kiisas gaaraya 116 qof , kuwaas oo haatan lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho.
  6. A Turkish military cargo plane carrying medical supplies to assist Somalia’s fight against the coronavirus pandemic has departed from the capital Ankara on Friday. The aircraft is set to land in Somalia’s capital Mogadishu. In line with its policy of helping countries in need, Turkey has dispatched aid to Serbia, Bosnia and Herzegovina, Montenegro, North Macedonia, Kosovo, as well as Libya, Italy, and Spain, among others. After originating in Wuhan, China last December, COVID-19, the disease caused by the coronavirus, has spread to at least 185 countries and regions across the world. The pandemic has killed over 146,000 people and infected some 2.17 million, while over 553,000 have recovered from the disease, according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. View the full article
  7. Somalia on Friday registered 36 new coronavirus infections out 47 samples that were tested in the past 24 hours. The ministry of health said a total of 116 cases have been confirmed since mid-March when the country recorded its first case. On Tuesday this week, the country saw a spike in confirmed COVID-19 cases after 35 People tested positive for the virus. Three of the new cases were in the breakaway region of Somaliland, while 32 others were registered in the capital Mogadishu. View the full article
  8. (SLT-Riyadh)-Muftiga ugu weyn Sucuudiga Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga. “Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yidhi Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey. Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska. Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda. Saudi Arabia ayaa badhtimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus. Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram. Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xidhiidha cudurkaas. Source
  9. Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waa looga jawaabay eedeymo loo jeediyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, eedeyntaas oo lagu daabacay wargeyso ka soo baxa gudaha dalka Kenya. Wargeysyada ayaa hay’adda NISA ku eedeeyay inay xirirri la leedahay dagaalamayaasha Al shabaab waxaana qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay faafinta warar beenta iyo marin-habaabinta ah ee ku saabsan hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ay daabaceen wargeysyada (The Star Kenya iyo Standard Media Kenya), dowladda Federaalka waxay si xooggan u naqdineysaa weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hey’adaheeda”. Waxaana dhanka kale dowladda Soomaaliya ay shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday inay iska hubiyaan wararka caynkaan oo kale ah islamarkaana aysan ku kadsoomin. Halkaan ka akhriso warqadda ka soo baxday dowladda Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. The Somali regional state of HirShabelle has announced a ban on flights to the region in an attempt to prevent the spread of the viral COVID-19 disease. A statement issued by the administration in Jowhar said only humanitarian and other emergency flights will be allowed to land in the region. The move reinforces a previous decision by the federal government to suspend both domestic and international flights over COVID-19. It also comes as Muslims across the world prepare for the holy month of Ramadan, which is only a few days away. In a meeting of the country’s committee on the response to COVID-19 yesterday, held at the office of Prime Minister Hassan Kheyre, the government said it was looking into options to ease restrictions during the holy month without relaxing safety measures, to allow the people have as normal a month of fasting as possible. View the full article
  11. Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho goor sii horeysay ku geeriyooday xildhibaan Aadan Xasan Cali oo ka tirsanaa baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ku geeriooyday mid ka mid ah cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho waxaana maalmihii la soo dhaafay marxuumku uu si aad ah ugu xanuunsanayay Cisbitaalka Yardameeli oo ay maamulaan Turkida. Qaar ka mid ah madaxda iyo siyaasiyin ayaa siyaabooyin isku mid ah uga tacsiyeeyay geeriada Allaha u naxariiste Marxuum Aadan Xasan Cali oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Marxuum Aadan Xasan Cali ayaa sidoo kale waxa uu ahaa xoghayaha guddigga maaliya ee golaha shacabka, waxaana deegaan doorashadiisu tahay maamulka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Africa has been given some financial oxygen. Urged on by French President Emmanuel Macron, the Group of 20 nations has called for a debt moratorium for the world’s poorest nations, many of which are in Africa. That could prove essential to countries shuttering their economies to limit the spread of the coronavirus, with Nigeria, Uganda and Malawi among those to have imposed lockdowns. The financial problem has been compounded by a slump in demand for the commodities they produce as the whole world struggles to cope with the Covid-19 pandemic. Africa would benefit from $44 billion in interest waivers this year as part of the $100 billion needed for an emergency stimulus, according to the United Nations’ Economic Commission for Africa. The International Monetary Fund has pledged $11 billion to 32 sub-Saharan African countries and the African Development Bank has set aside $10 billion. Lagos Commissioner of Police, Hakeem Odumosu, squeezes his way through a crowded market to monitor compliance measures to curb the spread of the COVID-19 coronavirus Photographer: PIUS UTOMI EKPEI/AFP There are caveats. To receive funding, nations must be up to date with their payments to the World Bank and IMF. That will mean some of the continent’s poorest countries, such as Zimbabwe, aren’t eligible. It’s also unclear whether multilateral institutions will forgo the $12 billion in repayments they are due. Overshadowing all that is the coronavirus itself. While Africa remains among the least-affected regions, it’s far from clear how devastating the pandemic will ultimately become for the continent. About 300,000 people in the region could yet die this year, even with assertive government measures, according to the United Nations. Still, the financial gesture will go some way toward preserving the economic and social gains many African countries have made in recent years. News & Opinion Rate Cuts | South Africa’s central bank unexpectedly cut its benchmark interest rate to a record low of 4.25% to support the economy after the government extended a nationwide lockdown by two weeks. Namibia, Lesotho and eSwatini — all with currencies pegged to the rand — followed suit, while Mozambique and Mauritius added their own reductions. Chocolate Slump | Cocoa processing is on the decline after the shuttering of retailers around the world reduced demand for chocolate. The downturn has been compounded by Ivory Coast and Ghana, the world’s biggest bean producers, which have imposed a premium of $400 a metric ton for a so-called living-income differential for the 2020-21 crop. Glencore Feud | Zambia escalated a battle with Glencore, threatening to revoke the company’s copper-mining license and preventing the CEO of its local unit from leaving the country. Glencore has said it needs to close shafts due to falling metal prices, disrupted logistics and travel restrictions related to the coronavirus pandemic. The government disagrees. Local residents walk past the Synclinorium shaft at the Mopani copper mine, a Zambian unit of Glencore Plc, in Kitwe, Zambia. Photographer: Waldo Swiegers Abandoned Airline | South Africa told its embattled national carrier not to expect more government funding as it struggles to stay in operation. South African Airways was already cutting routes and consulting on job losses before the coronavirus brought most global travel to a halt, and the absence of a fresh bailout leaves it starved of much-needed cash. Cameroon Silence | While many African countries have imposed lockdowns to contain the coronavirus, the leader of one of the continent’s worst-affected countries has remained silent. Cameroon’s main opposition head said he wants a top court to declare a power vacuum because President Paul Biya hasn’t addressed the crisis. The 87-year-old was seen on social media meeting with the French ambassador to Cameroon today, his first appearance since March 11. Past & Prologue Data Watch Nigeria’s 2047 dollar-bond yield, which soared as high as 13.21% when oil prices collapsed in March, dipped back into single digits amid hopes a deal to reduce output would support the commodity. The bond rally proved short-lived, however, as it became clear the production cuts wouldn’t dent the global glut. The yield headed back into double digits on Thursday. Coming Up April 20 South African cabinet meet about key priorities of the country’s economic-recovery plan April 21 Webinar about implications of the Covid-19 pandemic for African economies and development with Hafez Ghanem, World Bank vice president for Africa April 22 Ghana GDP and PPI Last Word A Sudanese militant group that once drew international condemnation for leading a bloody anti-insurgency campaign emerged as the unlikely leader in the country’s fight against the coronavirus. Once feared as the ”devils on horseback,” the Rapid Support Forces have risen to near the top of Sudan’s transitional government after backing last year’s overthrow of former President Omar al-Bashir. They now run a quarantine center, disinfect the streets and distribute equipment and medical advice, all while enthusiastically promoting the measures on social media. One cartoon on Facebook shows its fighters squaring off against a monstrous fanged depiction of the virus clinging like King Kong to the Corinthia Hotel in Khartoum, the capital. Source: Bloomberg The post Next Africa: G20 to IMF Give Poorest Countries Space to Breathe appeared first on Puntland Post.
  13. Ururka ikaashatada ganacsatada ee xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in la xirayo ganacsiga Soomaalida ee suuqaasi, tilaabadaasi oo qeyb ka ah aedaalada lagu xakameynayo cudurka Coronavirus. Ganacsatada oo yeeshay kulan muuqaal ah ayaa isku raacay in muddo todobaad ah la joojiyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga Soomaalida ee xaafadda Islii, si loo yareeyo khatarta uu ganacsatada Soomaalida ku yeelan karo cudurka COVID-19 oo dalka Kenya ka jira. Xoghayaha ururka ganacsatada Soomaalida ee xaafadda Islii, Cumar Xuseen ayaa sheegay in suuqyada Soomaalida aysan sidii la rabay u raacin tilmaamaha caafimaad ee wasaaradda caafimaadka Kenya ay ka soo saareyso cudurka dilaaga ah, sidaas darteedna ay jirto suurta galnimo cudurka uu saameyn ugu yeelan karo dadka ganacsatada ee Soomaalida ah. Si kastaba ha’ahaatee dalka Kenya oo Soomaali badan ay ku nool yihiin ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee cudurka Coronavirus ka dilaacay, kaas oo weli fara ba’an ku haya wadamada badan oo ku yaalla caalamka. View the full article
  14. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warafaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyey warar shalay ay daabaceen wargeysyo ka soo baxa dalka Kenya, kuwaas oo ka dhan ahaa hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in wargeysyada The Star iyo Standard Media ee ka soo baxa Kenya ay daabaceen warar been abuur ah oo sumcadda looga dilayo hay’adda NISA iyo hay’adaha kale ee dowladda. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wararka warbaahinta Kenya ay qorayaana ay yihiin kuwo ka dhan ah shaqada hay’adda NISA. Si kastaba ha’ahaatee shalay wargeysyada The Star iyo Standard Media oo aad looga daalacdo gudaha wadanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA iyo Al-Shabaab uu ka dhexeeyo xiriir hoose. View the full article
  15. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa shaacisay kiisas cusub oo la xariira cudurka faafa ee Coronavirus. Halkaan hoose ka aqriso: Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan: 24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof. Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano. Waxaa maanta cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6. Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah. Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn. View the full article
  16. Allaha u naxariistee waxaa goor dhow isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ahaa G/Shacabka. Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa Shabelle u xaqiijiyey xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku xanuunsayayey gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Xildhibaan Jamhuuriya oo muddo ka tirsanaa Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golahaasi View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-18042020.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka oo maalmihii dambe xanuunsanayey ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yardimeli, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka Soomaaliya. Geeridiisa waxaa durbo ka tacsiyeeyey xubno ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo soo saaray qoraal kooban. Ducaale ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyska uga tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Jamhuuriya. Sidoo kale wasiirka ayaa Marxuumka Alla uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Eheladii iyo Qoyska uu ka geeriyooday wallaalkeen Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya). Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.” wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya.
  19. Askari Puntland oo hawlgal ku jira Xukuumadda Puntland, ayaa amartay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, masaajidda aan weli u hoggaansamin amarkii ka soo baxay dowladda, ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo Jameecaadka masaajidda, si looga hortago xanuunka COVID-19. Qoraal xalay ka soo baxay guddi-hoosaadka Amniga Puntland, oo tixraacaya go’aankii hore ee dowladda, ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha Amniga Puntland, in ay dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus. Guddiga ayaa Laamaha Amniga faray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dhaqan-gelinta go’aankaasi dowladda, si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha isu’gu imaanaya masaajidda. Go’aankaas ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu masaajidda ka dhaqan-geli waayay amarkii Puntland soo saartay ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka masaajidda, sababa la xiriira faafidda COVID-19. PUNTLAND POST The post Puntland oo amartay in tallaabo ciidan lagu joojiyo salaadaha Jimcaha iyo Jameecaadka appeared first on Puntland Post.
  20. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay si adag ugu beenisay, warbixino lagu daabacay laba wargeys oo ka soo baxa waddanka Kenya, kuwaas oo hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ku eedeeyay in ay Al-shabaab kala shaqeyso weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya. Wargeysyada The Star iyo Standard Media, oo Jimcihii shalay daabacay warbixino isu’eg, ayaa sheegay in ay heleen macluumaad sir ah oo muujinaya in hay’adda NISA ay xiriir hoose la leedahay Al-shabaab, isla markaana ay ku taageertay dhaqaale dhan $1.5 milyan oo dollar, si ay weerarro uga gaystaan gudaha dalka kenya. Balse, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in warbixinahaas ay yihiin kuwa been-abuur iyo marin-habaabinta ah, oo la doonayo in lagu sumcad-dil hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA. “Dowladda Federaalka waxay si xooggan u naqdineysaa weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hey’adaheeda, NISA waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna dambi u aragtaa warka ceebeynta ah ee wareegaya baraha bulshada, iyada oo la isku dayayo in la sumcad dilo hey’adda”ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay wasaaradda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay warbixinno lagu daabacay wargeysyo ka soo baxa Kenya appeared first on Puntland Post.
  21. Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay geerida xildhibaan Aaden Xassan Cali (Aadan Moobleen), kaasi oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Marxuumka geeriyooday, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka Yardimeeli, Kadib markii uu haleelay xanuun dhanka kelyaha ah. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa horay ula xanuunsanaa cudurka Macaanka, waxaana uu maalmihii u dambeeyay ku jiray xaalad koomo ah, sida laga soo xigtay dhaqaatiirta isbitaalka. Alle ha u naxariistee, xildhibaanku wuxuu kamid ahaa mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto magaalada Jowhar ee Hirshabeelle, waxa uu haatan ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  22. (CNN)A 16-year-old Iranian chess prodigy has upended the chess world by beating World Chess Champion Magnus Carlsen in the final of the Banter Blitz Cup. Source: Hiiraan Online
  23. (CNN)A 16-year-old Iranian chess prodigy has upended the chess world by beating World Chess Champion Magnus Carlsen in the final of the Banter Blitz Cup. Source: Hiiraan Online
  24. From Jan. 20th to April 17th, 2020, 672,300 cases of COVID-19 have been confirmed and over 33000 Americans lost their lives to COVID-19. America, is just one of the many countries that COVID-19 Source: Hiiraan Online
  25. Mogadishu(SONNA)-The Federal Government of Somalia has noted with serious concern the spreading of false and misleading information regarding Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) published by The Star and Standard media in Kenya. Source: Hiiraan Online