Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The International Committee of Red Cross (ICRC) has called for more proactive measures to curb the spread of COVID-19 and save lives amid the country recorded 7th case. In a statement, ICRC said that Somalia should strengthen mitigation measures against the viral disease to forestall a humanitarian crisis amid the vulnerability of communities linked to civil strife, diseases, and malnutrition. Juerg Eglin, ICRC’s head of delegation for Somalia said Somalia is at a crossroads, where we can rapidly scale up to get information and resources out to communities and health care facilities against COVID-19, or move too slowly and never catch up. “Speed is critical, and we are working with our colleagues at the Somali Red Crescent to fight COVID-19 from fully taking hold,” he said. Eglin said that the Somali Red Crescent Society (SRCS) and ICRC are racing to reach 120,000 households with information on how COVID-19 can be prevented through improved hygienic practices like handwashing with soap. According to Eglin, nearly 8,000 families were reached with critical support this week in Somalia’s Baardheere region. He said that 260 COVID-19 information sessions were organized this in other parts of Somalia this week, reaching about 2,600 people. the situation in Somalia is particularly critical. “Violence continues. Climate shocks continue. We will have to respond to the needs of the most vulnerable in Somalia, with the additional threat that COVID-19 brings,” Eglin said. View the full article
  2. HirShabelle security forces have carried out a security operation in Jowhar following a bomb attack on Saturday afternoon. One person was killed and five others sustained injuries after an inland explosive attack in Jowhar, the capital of Hirshabelle state on Saturday. The blast was targeted at a busy bus stop area in the city center. Among the injured is a member of Hirshabelle state parliament, Zakariya Mumin Hilowle. The injured were admitted to various health facilities in the area. Al-Shabaab has claimed the responsibility for the attack. View the full article
  3. Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa ayaa wararku waxa ay sheegayaan in gaarigiisa loogu xiray mas’uul ka tirsan waaxda canshuuraha wasaaaradda maaliyadda ee Puntland, kaas oo magaciisa lagu koobay Cabdi-Gube. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray sarkaalkaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee waqooyiga Gaalkacyo. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan qaraxaasi Inta badan Al-Shabaab ayaa falal amni darro oo u badan dilal qorsheysan ka geysata gudaha magaaladaasi. View the full article
  4. Deg Deg Golah Deegaanka Burco Oo Kulan Deg Deg Iskugu Yimi+Maxaa Soo Kordhay Source
  5. Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa ka hadladay dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose, kuwaas oo galaaftay noloshada in badan oo ah dhinacyadii dagaalamay & dad rayid ah. Pro. Dalxa ayaa ku tilmaamay dagaal beeleedyadaasi inay yihiin kuwa salka ku haya arrimo siyaasadeed oo ay gadaal ka riixayaan dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka oo u warramayey Shabelle ayaa tilmaamay maleeshiyaadka dagaalamaya looga baahan-yahaya inay ka fakiraan maslaxada deegaanka oo ay ilaaliyaan xasiloonida, si looga baaqsdo in dhiig fara badan uu ku daato dagaalladaasi. Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya nawaaxiga magaalooyinka Wanlaweyn iyo Kismaayo, isagoo ka dalbaday inay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal. Maalmihii dambe ayaa waxaa qeybo ka mid ah dalka ka soo cusboonaaday dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin iyo arrimo dhul-daaqsimeed. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barta twitter-ka uga hadashay eedeynta ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA u jeedisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga VOA ee ay leedahay dowladda Mareykanka. Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay twitter-ka ayaa lagu sheegay in “weerarada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf” ay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta. “Haaruun Macruuf waa weriye la ixtiraamo oo xirfadle ah oo ka howl-gala VOA, waana mid ka mid ah suxufiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarada NISA waxay halis gelinayaan xoriyadda hadalka iyo madax-banaanida warbaahinta ee aas-aaska u ah dimqoraadiyadda iyo isla xisaabtanka dowladeed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka. @harunmaruf is a respected, professional @VOANews journalist & one of the most influential #Somali journalists. @HSNQ_NISA attacks threaten #pressfreedom & independent media as a foundation of democratic, accountable governance in #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 5, 2020 Hay’add Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay soo saartay 2-dii bishan April ku sheegtay inay “tallaabada ku habboon ee sharciga ah ka qaadeyso” weriye Haaruun Macruuf. Qoraalkaas oo ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu “leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta,” sida lagu sheegay qoraalka. Qoraalka ayaan intaas ku daray “Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga qaranka.” Idaacadda VOA ee uu ka shaqeeya Haaruun Macruuf ayaa hoos-tagta wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, si la mid ah safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo iyana hoos-tagta wasaaradda.
  7. Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta kulamo ka bilaabay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Kulamadaan oo uu la qaatay xubno ka tirsan maamulka gobolka, kan degmada Beledweyne iyo bahada garsoorka ayaa waxaa diirada lagu saaray xiisada maamul ee haatan ka taagan magaaladaasi, kadib markii guddoomiyihii hore uu ka biyo diiday xilka qaadistii uu dhowaan ka sameeyey madaxweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare. Sidoo kale waxaa kulamadaas oo ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka ee Beledweyne ayaa waxaa lagu soo qaaday dardar-gelinta howlaha shaqo ee haatan horyaalla maamulka. Jeyte oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo cid-kasta oo tabasho qabta maamulkiisa, si xal looga gaaro khilaafka haatan jira. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay guddoomiyihii hore ee maamulka goboka Hiiraan, Mudane Cali Muxumed Caraale uu shaaciyey inuu weli yahay guddoomiyaha saxda ah ee gobolkaasi, kadib shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay Baledweyne. View the full article
  8. BOSASO (HOL)- Police in Puntland’s commercial capital Bosaso Sunday confiscated and destroyed several kilograms of khat following illegal smuggling of the leafy stimulant into the town. Source: Hiiraan Online
  9. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Dhagax dhigay dhismaha xarunta Taariikhiga ah Ex-Baarlamaan oo ku taalla Degmada Boondheere. Ujeedka Dhagax dhigga ayaa ah mid ay Dowlada hoose ee Xamar ay ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntani si Bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan Taariikhda ay goobtani leedahay, maaddaama xarun u ahayd Barlamaankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee 1960. Xaruntan ayaa sidoo kale ka mid noqon doonta goobaha loogu talagalay in lagu dabaal dago Maalmaha xorriyadda. View the full article
  10. Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka Bali-Cad oo hoos yimaada magaalada Cadaado ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegay in dagaalka oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed uu yimid, kadib markii ay isku qabteen arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana is-hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Shirkadaha dalka keena Qaadka. Kulankan oo daarranaa sidii laysaga xog waraysan lahaa xaaalda waddanku ku jiro iyo xabsida laga qabo faafitaanka xanuunka Covid 19 iyo i xal looga gaadhiga lahaa qaadka. Masuuliyiinta Shirkdaha qaadka keena Waddanka oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Amar kasta oo kasoo baxa guddida heer qaran ka hortaga xanuunkaasi xattaa haddii la joojinaayo qaadka.Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Agaasimaha waaxda maaliyadda wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Buulle ayaa xalay lagu xiray xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow wasaaradda caafimaadka. Buulle oo ay gurigiisa kala soo baxeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu musuq-maasuqay lacago ay dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, taas oo loogu talagalay xakameynta caabuqa Corona. Sidoo kale xiritaanka agaasimaha wasaaradda caafimaadka ayaa ka dambeeyey, kadib markii uu xafiiskiisa booqasho ku tegay hanti dhowraha guud ee Qaranka, Mudane Maxamed Cali (Afgooye), kaas oo wax ka weydiiyey dhaqaalaha loogu talagalay la dagaalanka cudurka faafa ee COVID-19. Lacagta lagu eedeeyey inuu lunsaday agaasimaha ayaan la shaacin tirada ay la’eg-tahay, waxaana weli ku socda baaritaano dheeraad ah. Ma’ahan mas’uulkii ugu horreeyey ee loo xiro wax is-daba marin, tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay, Maxamed Cadbullaahi Maxamed (Farmaajo). Xariga agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda federaalka ay shaacisay inay guul ka gaartay barnaamijka deyn cafinta, kaas oo ay shuruudihiisa ka mid ahaayeen la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dib u habeynta maamulka maaliyadeed ee dalka. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Covid19 ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Shirkadaha dalka keena Qaadka. Kulankan oo daarranaa sidii laysaga xog waraysan lahaa xaaalda waddanku ku jiro iyo xabsida laga qabo faafitaanka xanuunka Covid 19 iyo i xal looga gaadhiga lahaa qaadka. Masuuliyiinta Shirkdaha qaadka keena Waddanka oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Amar kasta oo kasoo baxa guddida heer qaran ka hortaga xanuunkaasi xattaa haddii la joojinaayo qaadka., Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Xaaladihii ugu dambeeyay Xanuunka dhibaatada ba’an ku haya Bulshooyinka Caalamka, kaasi oo toddobaadkii hore Somaliland lagu arkay labadii Kiis ee u horreeyey. Toddobaadkii hore waxa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku dhawaaqday in laba Qof oo midkood u dhashay Shiinaha, midna yahay Muwaadin u dhashay Somaliland ah isla-markaana haysta dhalashada Ingiriiska laga helay Xanuunka Covid_19, laakiin labadii Maalmood ee u dambeeyay waxa soo baxayey Warar sheegaya in Xanuunku soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, jiraana Dad qaba oo aan weli la shaacin. Laakiin, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in kiisas cusub aanay ku soo kordhin labadii Qof ee hore Xanuunka loogu sheegay mooyaane, illaa haddana aanu Hargeysa soo gaadhin Covid_19. Agaasime Xergeeye oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Coronavirus dalkeena ku fiday ma jiro, Caasimaddana muu soo gaadhin, Gobollada kale ee dalkana muu gaadhin, wax kiisas ah oo cusubna ma jiro, sida aanu ilaa hadda og nahay, kiisaskii hore loo sheegay mooye, intaasna baadhitaano waanu wadnaa, oo waxaanu ku jirnaa dedaal xooggan iyo wacyigelino joogto ah” Source
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-05042020.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa ka kaxeeyey oo xiray agaasimihii Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Agaasimaha la xiray ayaa lagu soo eedeeyey kiis musuq-maasuq oo lacag badan lagu lunsaday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka iyo kan ra’iisul wasaare Kheyre, oo codsaday inaan la magacaabin. Waxaa muhiim ah inaan xusno in agaasimaha la xiray uu yahay dambi-laawe, inta maxkamad laga horkeenayo oo dambiga lagu eedeeyey lagu caddeynayo. Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha lagu eedeeyey uu leexsaday lacag dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, oo loogu talo-galay in lagu fuliyo mashruucyo caafimaad, ayada oo aan la ogeyn halka lacagtaas ay aaday. Kiiskan oo ah mid weyn, sida aan xogta ku helnay, ayaa waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu lugaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, waxaana weli socda baaritaan uu wado xafiiska hanti-dhowrka. Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta maqan la tuhunsan yahay in loo adeegsaday suuqyada sarifka lacagaha online ee Forex, waxaana jirta surta-galnimo ah in la doonayey in lacagta laga faa’iideysto, kadibna marka faa’iido laga sameeyo dib loogu soo celiyo akoonada wasaaradda, inkasta oo taas aan la hubin. Xariga Maxamuud Maxamed Buulle ayaa yimid kadib markii shalay Hantidhowrka Guud uu baaritaan deg deg ah ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa. Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka, ayaa dhowr jeer oo horey sheegay in qaar ka mid ah xafiisyada dowladda ay lacagihii umadda u adeegsanayaan inay ku maal-gashtaan suuqyada Forex, waxayna hadda u muuqataa in xogtii ay bixiyeen xilligaas laga yaabo inay wax ka saxneyd.
  17. Warsaxaafadeed ka soo baxay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa lagu kordhiyay muddadii la hakiyay dhageysiga dacwadaha madaniga ah, fursadaha dacwadaha cusub, racfaan qaadashada iyo fulinta ee madaniga ilaa amar dambe si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus. Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dacwadaha ciqaabta lagu qaadi doono qaab maqal iyo muuqaal ah si loo badbaadiyo badqabka maxaabiista iyo in la yareeyo celeyska xabsiyada. Dhanka kale dacwadaha yar yar ayaa lagu sheegay qoraalka in lagu qaadi doono saldhigyada waxaana la faray taliska asluubta in ay fududeeyaan qaadista dacwadaha lagu qaadayo qaabka online-ka ah. Ugu dambeyn qoraalka waxaa lagu caddeeyay in ku soo laabashada shaqooyinka ay ku xirnaan doonto talooyinka ay soo jeediso wasaaradda caafimaadka ee la xiriira COVID-19. Halkaan ka akhriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dhamme, Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) Taliyihii Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo gobalka Mudug ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ayaa waraaq uu soo saaray ku sheegay in uu is casilay. Taliye Xabuun oo warqada uu isku casilay ay ku taariikhaysneyd 30-kii bshii la soo dhaafay ee Maarso, wuxuu ku sababeeyey is casilaadiisa, markii laga jawaabi waayey baahiyaha aasaasiga ah ee Saldhiga dhexe ee degmada Gaalkacyo. Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) oo ah nin dhalinyaro ah ayaa Taliyaha Saldhigga bartamaha ee degmada Gaalkacyo loo magacaabay 2-dii bishii Agoosto ee saandkii la soo dhaafay 2019, wuxuuna xilkaas hayey muddo Siddeed bilood ah. 16-kii bishii Oktoober ee sanadkii hore ayaa Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa. Is casilaada Taliyaha Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Madaxweyne Deni uu xilkii ka qaaday taliyihii qeybta gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad), kuna dedelay taliyihii qeybta Booliska Nugaal Col. Muumin Cabdi Shirre. Magaalada Gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal lid ku ah amniga. Hoos ka eeg warqada uu isku casilay taliyihii Saldhigga bartamaha degmada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Taliyihii Saldhigga bartamaha Gaalkacyo oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal ay uga dan leedahay inuusan cudurka Coronavirus ku faafin deegaanadeeda, maadama dhowaan labo kiis laga helay magaalooyin ka tirsan, isla markaana ay suurto-gal tahay faafitaanka cudurkaasi dunida ku habsaday. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiga uu Muuse Biixi u magacaabay u diyaar garowga iyo ka hortaga fayruska Coronaha ayaa waday qorshe ay ku rabeen in la xidho Masaajida deegaanadooda, maadama gudaha Somaliland laga helay Kiisas la xiriira cudurkaasi Coronavirus. Caasimada Online ayaa sida ay xogta ku helayso Go’aanka xidhista Masaajidada ee ay qorsheynayeen Guddigu ayaa waxa si weyn uga hor-yimid qaar kamid ah Culimada Somaliland oo ay kulan kula qaateen magaalada Hargeysa, isla markaana ay u soo bandhigeen in gebi ahaanba la xiro Masaajida, si uusan u faafin cudurkan. Culimada Somaliland ayaa iyagu ku doodaya in aan weli la gaarin xiligii la xidhi lahaa Masaajida maadama aan Somaliland lagu soo rogin Bandow mabnuucaya isku socodka dadka iyo suuqyada waaweyn ee dadku ka adeegtaan magaalada, taasi oo ay ku tilmaameen go’aan waqtigiisi kasoo hor-maray. Guddiga Somaliland ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus, ayaa iyagu hore u qaaday go’aamo ay ku xadidayaan goobaha dadku iskugu yimaadan, walow uusan si rasmi ah uga dhaqan galin magaalooyinka Somaliland. Culimada Somaliland ayaa iyagu qaba inay xidhista Masaajidada ka muhiimsan tahay oo ay ka horeyso xidhista goobaha ay dadku iskugu yimaadaan sida, Huteelada waaweyn, Maqaaxiyaha iyo weliba goobaha ay ku qayilaan dadka cuna qaadku. Somaliland ayaa iyadu wajaheysa culeys xoogan oo ku aadan ka hortaga cudurkan dunida ku faafay, iyada oo qaar kamid ah deegaanadeedana uu ka jiro Cudurkaasi, taasi oo sarre u sii qaaday cabsida ku aadan inuu si dhaqso ah ugu faafo.
  20. Ethiopia is going to allow new entrants to offer mobile money services as part of its $10 billion home-grown economic reform agenda. The National Bank of Ethiopia says the new directive will help it offer licenses to mobile money service providers requiring they put up 50 million Ethiopian Birr ($1.6 million) as a minimum requirement. The amount is to be deposited in a blocked account but no individual, other than government is allowed to hold more than 20% of the shares of any licensed mobile money service provider. In addition, any company other than a government enterprise is also required to have a minimum of 10 shareholders. The hope is these moves, part of a wider set of promised economic reforms under prime minister Abiy Ahmed will help open up the Ethiopian economy. The government is also looking at privatizing Ethio Telecom and Ethiopian Airlines. It is hoped this banking reform will help ramp up financial inclusion in Africa’s second most populous country. “The reality is, 60% to 70% of Ethiopia’s population do not use conventional financial services and the status quo has not been working”, says Henok Assefa, manager partner of Precise Consult based in Addis Ababa. “The new system allows non-banks to avail themselves to be an alternative, including Ethio Telecom that can reach 40 million of its customers to the banking fold”. The new directive also states the maximum individual electronic money account balance is to have a minimum of 5,000 Birr ($166.60), while the total liabilities of mobile money service providers should not exceed 5 million Birr ($166,666). In 2018, the Ethiopian government held advanced talks with Kenya’s Safaricom to expand its M-Pesa service, one of Africa’s leading mobile money services with more than 23 million users in Kenya alone. It also operates in Tanzania and Uganda among others. The new directive is also expected to encourage and diversify the interest of investors in financial services that have been largely restricted to banks, insurance firms, lease financiers and micro-finance institutions. “Allowing non-financial institutions to engage in these areas has merits in terms of financial inclusion, deposit mobilization, facilitating transactions and encouraging investments,” says Abdulmenan Mohammed, a financial analyst based in London. “However, there should be adequate regulatory framework in supervisory capacity in place as the number of service providers will be large and the number of products will be diverse,” he adds. There are 16 private and two state-owned banks in Ethiopia. In the past two decades, the number of branches of commercial banks has shown a 30-fold rise to over 6,000 now. But this is insignificant as the country’s population has risen to over 100 million. According to National Bank of Ethiopia, over 75% of Ethiopia’s population is unbanked, while nearly 40% of all bank branches are in the capital city Addis Ababa. “Mobile money services are hopeful. But its success depends on the reliability of mobile networks, the quality and suitability of the services, public trust on the providers and the adequacy of regulation,” says Abdulmenan. There are over 45 million mobile subscribers in Ethiopia where there is 22.7 million internet users, up from 15.7 million four years ago, while smart phone ownership doubled to more than 12 million, according to the National Bank of Ethiopia. Ethiopia’s leading mobile money service M-Birr, which launched in 2013, is said to serve around 2 million Ethiopians, according to the European Investment Bank which backed the service with a €3 million equity investment in 2018. By opening the market the hope will be Ethiopia will join Africa’s rapid adoption of mobile money services. This is unlikely to slow down across the continent given the evidence of its impact on individuals and businesses who, previously cut off from digital and formal economies, can now pay bills and make transfers at the touch of a few buttons. GSMA, the global mobile industry trade body, already forecasts registered mobile money accounts across Sub Saharan Africa (currently at 469 million) will cross the half billion mark by the end of the year. The adoption of mobile money services is getting extra support in recent weeks because of concerns around the use of cash during the coronavirus pandemic. Source: Quartz Africa Weekly The post Ethiopia is opening up its mobile money market to new players appeared first on Puntland Post.
  21. The U.S. Africa Command says it has, in coordination with the Somali government, targeted al-Shabab, an al-Qaida-linked terrorist group in an airstrike Friday. The command issued a statement Saturday saying that the airstrike took place near Bush Madina on Friday. According to initial assessments, the statement said, five terrorists were killed during the airstrike, and no civilians were killed or injured. The U.S. Africa Command works with the Somali government to improve security conditions for the country and its people, and to enhance governance and economic development there. The command and its international partners “recognize that stability in Somalia will not be achieved through purely military means, the statement said, “it requires providing programs and opportunity for the Somali people.” The International Committee of the Red Cross said Saturday that Somalia was at a critical juncture, as the country is threatened by the spread of COVID-19, while at the same time facing violence, conflict, displacement of people and malnutrition.
  22. As Somalia prepares for the historic “one-person-one vote” elections in 2021, Puntland and Jubaland states still maintain frosty relationship with the Federal Government of Somalia disapproving the new electoral bill signed in to law in January 2020. Both regional states cited ambiguity in the electoral code, and said that it doesn’t address many outstanding issues that should have been addressed in consultation with the federals states before signing the bill in to law. Are both states considering the clan-based formula in favor of a one person, one vote system? No one knows. They accuse the FGS of breaching the national constitution without clearly mentioning the articles that have been violated. Puntland administration boycotted the Somalia Partnership Forum that was held in Mogadishu in October 2019 following the snub of the FGS to invite Madobe of Jubaland who is not recognized by the FGS. Some people believe the differences between the Puntland leader and the president of the FGS might have started when the two competed for the top seat during the elections back in 2017. Puntland Support for Jubaland Puntland State was the first regional state to congratulate Ahmed Madobe, after his re-election in the controversial elections on 22nd August 2019 before Kenya joining them in the flow of congratulations. According to the Federal Government, the elections were unlawful and didn’t comply with the electoral processes it has set prior to the elections. Puntland also endorsed the elections in May 2013 in which Madobe was elected as the President of Jubaland. In my opinion, there are two reasons for this unprecedented wave of support the current administration of Puntland is providing Jubaland with; Harti and Absame clans are both inhabitants of Jubaland and had history of rift pushing aside each other in the nineties during the civil war, but now seem to be coming closer to each other, a move that should be appreciated as it will enhance the peaceful co-existence and cooperation between the two clans. Puntland president also stated the same in the reception of Madobe in Bossaso in January 2020, saying we are the same people. Many of Kismayo inhabitants from Harti clan had moved to Puntland in the civil war era, but recently started to return back to Jubaland since it is drawing closer to stability. However, some consider this “tribalism” and coalition backed by foreign countries against other tribes which may spark clan clashes in the region. Both states formed political alliance against the current FGS leaders in an effort to defeat them in the upcoming elections. The two leaders met in Nairobi in January 2020 along with other political veterans including Omar Abdirashid, the former Prime Minister of Somalia and Abdiweli Gas, the former president of Puntland and the general elections in Somalia dominated the agenda. The president of Puntland also advocated for Ahmed Madobe’s recognition and met with some ambassadors to Somalia, including the USA ambassador to Somalia, but to no avail. Puntland believes Madobe’s removal from power could weaken the alliance, hence the looming loss in the elections. As a follow up to the meeting in Nairobi, Madobe visited the city of Bossaso, Puntland and had talks with Puntland leader discussing issues of concern and agreeing to cooperate at the fronts of security and trade. No plan B for Puntland Puntland administration doesn’t have cooperation with the other three federal member states; Hirshabelle, South-West and Galmudug, all of which enjoy the support of the FGS. At the end of the Puntland’s consultative meeting in March 2020, controversial statements were made labeling these three states as FGS-dependent states. The consultative meeting itself was unproductive and the outcome was contentious as no common understanding was reached. Puntland elders having seen the uncertainty the region is creeping into, advised the president to visit Mogadishu and sort out the differences with the FGS leaders. Ironically, Puntland president has once again called for national consultative meeting countrywide, despite the failure of the previous national consultative meeting held in Garowe in May 2019. There is no guarantee the coalition of Puntland and Jubaland together with the opposition parties in Mogadishu would be able to defeat the ruling party. So, what is the plan B for Puntalnd? Ahmed Madobe in Jubaland Ahmed Madobe became the president of Jubaland eight (8) years ago with no experience in building government institutions as he was grateful to the support of Kenya and Ethiopia that installed him in Kismayo. During these eight years, his administration remained only in Kismayo and couldn’t secure the whole territories of Jubaland. Elite people were either arrested or killed including elders and clan clash incidents were on the increase. Madobe is grappling with an imbalanced and untrained army and is overly reliant on the funds received from foreign countries which are used for political expenses rather than paying the salaries of the army on a regular basis. His administration is so weak that it is even unable to intervene and stop the bloodshed among the warring clans in the outskirts of Kismayo. It is now clear for every person that Madobe is not fit for the job in Jubaland and his future is in the dark. It is also believed Madobe’s blind support to the government of Kenya could cost dear for Somalia in the maritime dispute. His dictatorship character and hindrance of the federal system throughout these years would be remembered for pushing him decisively towards the exit door. The way forward As Puntland’s continuous support of Jubaland may fuel more political unrests, the FGS is required to do much more in this regard. The FGS should remove Madobe from power in the near future before June 2020 when the ICJ is expected to reach a decision over the maritime dispute with Kenya. On the other hand, the FGS should work on enhancing the bilateral relationship with Puntland soonest, considering it the oldest regional state, and its cooperation is vital for the unity of Somalia. The FGS is also ought to sit with the opposition parties and engage talks with them to reach consensus for the smooth happening of the upcoming elections. Should Puntland and Jubaland prove to be difficult to deal with, areas outside both states should be designated for the voters of both regions to cast their votes in the upcoming elections. By: Nasrudin Mohamed Ahmed Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda UNFPA oo ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay fal kufsi arxan darro ahaa oo todobaadkii la soo dhaafay degmada Afgooye loogu geystay laba gabdhood oo da’yar ah. UNFPA ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay falkaasi arxan darrada ah ee lagula kacay gabdhahaasi oo haatan lagu dabiibayo isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho. “UNFPA Somalia waxay si xoogan u cambaareyneysaa afduubka iyo kufsiga labada hablood ee da’da yar, oo da’doodu tahay saddex iyo afar jir markii ay ku ciyaarayeen 30-kii Maarso 2020 magaalada Afgooye, gobolka Shabeelaha Hoose, Soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda UNFPA oo ay heshay Caasimada Online. Sidoo kale UNFPA ayaa intaasi ku dartay in labada gabdhood ay ku jiraan xaalad halis ah, balse ay hadda la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka la dhigay ee Madiina. Ugu dambeyn ha’adda ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay gacanta ku soo dhigto dambiilayaasha, si cadaalada loo horkeeno. “Sharciga wuxuu muhiim u yahay ka hortagga iyo la tacaalida dambiyada galmoodka.” ayaa markale lagu yiri qoraalka. Falkaan ayaa dhacay 30-kii bishii hore ee la soo dhaafay ee Maarso, iyadoona lagula kacay Aamino Muuse Axmed oo saddex sano ah jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, waxaana dhacdadaan ay si weyn u taabatay quluubta dhamaan dadka Soomaaliyeed.
  24. Howlgal ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen inta u dhaxaysa degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda. Taliyaha Ururka 41-aad, Guutada 5-aad , qaybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed , dhamme, Cabduqaadir Cali Nuur ayaa warbaahinta qaranka Soomaaliyeed u sheegay in howl-galkooda oo Lug ahaa ay kasoo billaabeen Buulo-burte. Wuxuuna intaa ku daray in xilligii ay howl-galka ku jireen ay Al-Shabaab kasoo badbaadiyeen Saddex Gaari oo xamuul ahaa, iyagoo doonayay in ay dhac iyo dil u geystaan Shacabka rakaabka ah, sida uu hadalka u dhigay taliyaha ururka 41-aad ee guutada 5-aad qeybta 27-aad. Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay dhaqdhaqaaqa Al shabaab kaasi oo ay uga hadlayaan warka ka soo baxaya ciidanka xoogga ee ku aaddan in dagaalamayaal kooxdooda ka tirsan lagu dilay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan. Inta badan ciidanka dowladda iyo Al shabaab ayaa dagaallo kala duwan waxa ay ku galaan qeybo ka mid ah gobalada dalka iyaga oo dagaaladaasina ka kala sheegta guulo kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta qarax nooca gawaarida lagu dhajiyo uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee carunta ee gobolkaasi. Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha wasaaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaas oo magaciisa lagu koobay Cabdi-Gube. Wararka ayaa sheegaya in mas’uulkaasi oo la dhigay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo uu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyey halkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo aysan weli faah faahin laamaha amniga. Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad-gelyada waxa ay ka dhacayeen gudaha magaalada Gaalkayo, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.