-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Guri ku soo dumay qaybo ka mid ah Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir. Xildhibaan ka rirsanaa Golaha Shacabka ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo in muddo ah ku xanuunsana. Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo maaintii 5aad u xiran amar ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya, xilli Maxkmadda Gobolka ay amartay in xabsiga lagu siihayo. Ururada u dooda Saxaafadda Somaliya ayaa cambaareyya xarigga Weriye Cabdicasiis Gurbiye loogu gaystay Muqdisho, dowladdana u soo jeediyay in la sii daayo weriyaha xiran. Wasaaradda caafimadka Dalka ayaa shegtay in 36 qof oo cusub laga helay Coronavirus. Soomaalida ku nool Dalka Koonfur Afrika ayaa deeq gaarsiiyay qoysas ka mid ah dadka reer koonfur Afrika, kaddib bandow lagu soo wada rogay magaalooyinka dalkaas. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Xamdi Baraale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-18-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaas oo haatan ku xiran xabsi ku yaalla degmada Balanbale ee gobolkaasi. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa ujeedka howlgalladaan ku sheegay in lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi iyo deegaanada hoos-yimaada. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ay ka wadaan gobollada Mudug iyo Galgaduud. View the full article
-
Somali lawmaker, Adan Hassan Ali has on Saturday passed away in Mogadishu. His death was confirmed by fellow members of parliament. The legislator was battling kidney failure in the past week where he was admitted to a hospital in the Somali capital. Various government officials have sent their condolences to the family of the late politician. The member was part of the house finance committee and lower house representative from Hirshabelle state. View the full article
-
Faah faaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay duleedka magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Carabow Cumar, iyadoo raggii ka dambeeyey toogashadaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan u geysata askarta dowladda ay ku sugan gudaha iyo daafaha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Basaska Ka Dhex Shaqeeya Caasimada Hargeysa Oo Qiimaha Lagu Raaco Kordhiyey Kadib Markii Xukuumadu Amartay In Kala Badh Ay Ka Dhigaan Tiradii Hore Ay U Qaadi Jireen Cudurka Coronavirus Awgeed. Mid Ka mid ah dirawalad Basaska Yarayr ee Mini-Buska Loo Yaqaano Ayaa ii sheegay mar aan waydiiyey sababta keentay inay qiimaha lagu raaco baska ay kordhiyaan, ayaa tilmaamay in ay u kordhiyeen markii rakaabka raacayey laga yareeyey oo kala badh intii ay hore u qaadi jireen laga dhigay in aanay isku bixinayn in qiimihii hore ay dadka ka qaadaan. Waxaana la arkayey Basaska oo dadka rakaabka ah ka qaadaya 3,000SLSH, Halkii uu markii hore ahaa 2,000SLSH. Hase yeeshee ma jirto meel shacabka iyo iskaashatada ay ku kuleen oo la iskula ogolaaday in qiimaha Basaska la kordhiyo. Maanta ayaa waxa si buuxda u dhaqan galay go’aankii guddida ka hortaga COVID19 ee ku wajahnaa daadiidka dadweynaha qaadka ee iskaga kala goosha gudaha magaalooyinka Somaliland, gaar ahaana Caasimada Hargeysa, waxaana la arkayey gaadiidkaasi oo qaadaya intii guddidu soo jeedisay. Source
-
Xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa fariin ku aadan cudurka Coronavirus u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed. Cumar Faaruq ayaa ugu baaqay suxufiyiinta inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan ah, si looga hortago faafitaanka cudurkaasi oo ah mid saf-mar ah. Sidoo kale wuxuu kula taliyey wariyeyaasha Soomaaliyeed inay ka fakiraan bad-qabka naftooda, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka. Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa sidoo kale fariintaan ku sheegay in xarumaha warbaahinta looga baahan yahay inay yareeyaan isu-imaatinada, sida in dad lagu casuumo istuudiyaha, taas oo uu sheegay inay ka qeyb qaadaan karto faafitaanka cudurka halista badan ee Covid-19. Faaruuq oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ka urur ahaan ay kala hadleen in doorkeeda loo daayo warbaahinta, si ay wariyeyaasha qeyb uga noqdaan barnaamijka wacyi-gelinta iyo ololaha lagula dagaalamayo xanuunka. Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay suxufiyiinta inay aysan ku xad-gudbin xogta qofka bukaanka ah, islamarkaana aan la soo bandhigin, si loo ilaaliyo sharaftiisa. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee dalka, Donald Yamamoto ayaa lagu eedeyay in Somaliland aysan siin qeybtooda ay ku leeyihiin deeqaha Beesha caalamku ugu yaboohdo Soomaaliya. Michael Rubin, oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah oo u dooda madax-banaanida ay Somaliland raadineyso, ayaa eedeyntaasi u jeediyay Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka, isagoona ka hadlay qaabka ay Somaliland u wajaheyso cudurka Coronavirus. Michael ayaa warbixin arrintaasi ka hadleysa ku baahiyay qaar kamid ah Warbaahinta Mareykanka, midaasi oo ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ka go’day 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi. Rubin ayaa Safiirka Soomaaliya, Yamamoto ku eedeeyay in uu deeqaha Soomaaliya oo dhan u gacan galiyay dowladda dhexe, midaasi oo uga dan leeyahay sidii dowladda federaalku ay gacanta ugu dhigi laheyd maamulada dalka. Talaabada Yamamoto ayuu Michael Rubin ku tilmaamay mid khaldan oo uu istusay safiirku, xili ay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto, buu yiri “liiska dalalka guul-dareystay,” sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu Rubin si weyn u dhaliilay kaalmada dowladda federaalka loogu yaboohay si ay ula dagaasho cudurka Corona, midaasi oo dhameyd sida uu sheegay $240 Milyan, oo aan laga qeyb galin Somaliland. Rubin ayaa amaan kala dul dhacay Somaliland oo uu sheegay inay cudurka Coronaha u maareysay si wanaagsan, xili ay soo if-baxayaan in Guddiga ka hortaga ee xukuumada Biixi aysan qaadin talaabooyinkii ku haboona. Somaliland oo iyadu ku dooda inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, ayaa haddana waxa badanaa la arkaa iyada oo ka cabaneysa in qeybteeda la siin deeqaha loogu yabooho dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Facebook ga oo dhaliilay qaabka ay dawladdu uu maaraynayso COVID-19. 14 April 2020, waxa la xidhay Maxamed Abiib Yuusuf oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga talada haya, kadib markii uu dhaliil u jeediyay qaabka ay u qaaday talaabooyinka karantiinka ee ay dawladdu qaaday si ay u xakamayso dadka laga helay COVID-19. 16 April 2020, Booliisku wuxuu sidoo kale xidheen Cabdiraxmaan Maxamed Daahir oo isna soo dhigay qoraal dhaliil ah oo ku saabsan habka ay dawladdu ula tacaalayso COVID-19. Maxamed iyo Cabdiraxmaan waxa ay caan ku yihiin inay baraha bulshada ka dhaliilaan dawladda. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ka walaacsan tahay in dawladdu u isticmaalayso COVID-19 si ay u aamusiiso dadka iyada dhaliila. Labaduba waxa ay ku xidhan yihiin Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa. Dawladda Somaliland weli kama hadal xadhigan. Haseyeeshee, ilo ay ku kalsoon tahay ayaa u xaqiijiyay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanu jirin amar garsoore ka soo baxay oo xadhigooda jideeyey. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay walaac ka qabtaa in dawladdu xanibaado ku soo rogtay xorriyadda cabiraadda xiligan lagu jiro COVID-19 oo ay u isticmaalayso cudurkan faafaya inay bartilmaameedsato dadka dawladda dhaliila. Waxaannu ugu baaqaynaa dawladda inay sii dayso labadan nin ee u xidhan hadal ay ku qoreen baraha bulshada oo ay ogolaato in shacabku xaq u leeyahay inuu dhaliilo talaabooyinka ay dawladda ka qaadayso ama aanay ka qaadin sidii loo xakamayn laha cudurka COVID-19. Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyadda hadalk iyo cabiraadda sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka. Xaruntu waxa ay dawlada ka codsanaysaa inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda oo ay u dulqaadato araahda kala duwan. Yasmin Omar Haji Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Mobile: +252 (0)634472011 Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-18042020.mp3 View the full article
-
Warar dheerada ayaa ka soo baxaya khasaare kala duwan oo ka dhashay shaqaale uu ku soo dumay guri ay dhisayeen oo ku yaalla xaafadda Banaadir degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaan ka soo baxaya faahfaahinno kala duwan. Inta la xaqiijiyay labo shaqaale oo ah kuwii dhisayay guriga ku soo dumay ayaa geeriyooday halka saddex kalne ay ku dhaawacmeen waxaana guriga la sheegay in uu ahaa guryihii hore kaas oo la doonayay in inta la dumiyo markale dib loo dhiso. Goobta ayaa waxaa gaaray gaadiidka gargaarka degdega ah kuwaa oo goobta ka soo qaaday dadkii ku dhaawacmay guriga soo dumay. Ma jirto wax wara oo wali ka soo baxay maamulka degmada Hodan oo ay dhacdadaan uga hadlayaan waxaana iminka la sii guda galayaa xilli roobaadkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay kiiska weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shan maalmood ku xiran magaalada Muqdisho, laguna eedeeyey inay amartay xarigiisa. Gurbiye ayaa la xiray 14-kii April, maalin kadib markii uu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) oo loogu deeqay Isbitaal Martiini! Qoraal kasoo baxay warbaahinta Goobjoog Media Group, oo Gurbiye uu agaasime ku xigeaan ka yahay ayaa lagu yiri “Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 14 April, 2020 si sharci-darro ah xabsi u dhigay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group.” Goobjoog ayaa intaas ku dartay “Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo soo-saaray amarka lagu xiray Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa si cad u baalmaray ilaalinta xuquuqda muwaaddinka Soomaaliyeed iyadoo xafiisku ku kacay fal ka hor-imaanaya dhawrista sharciga dalka u yaal islamarkaana cabburin u geystay Wariye Soomaaliyeed oo u adeegayey bulsho duruufo badan oo nololeed ay ku xeeran yihiin.” Hase yeeshee Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu u diray guddiga bad-baadinta suxufiyiinta ee CPJ ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka, waxa uu ku sheegay in madaxtooyada aysan wax dacwad ah ka gudbin weriye Gurbiye. Cabdinuur ayaa sheegay in hay’adaha kale ee dalka ay u madax-banaan yihiin arrimahooda, wuxuuna diiday inuu intaas ka badan ka hadlo kiiska. Warqad 15-kii April kasoo baxday Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ahaa amar xabsi ku sii heyn ah ayaa waxaa Taliyaha Xabsiga Dhexe lagu wargeliyay inuu xabsiga ku sii haayo Wariyaha. Warqadda Maxakmadda ayaa waxaa ku qoran in Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye loo haysto qodobo ay ka mid yihiin qodobka 220-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo dhigaya: Aflagaado sharafta iyo haybadda madaxweynaha; Qodoba 271-aad Xushmad darraynta madaxda dowladda dhaawcaysa Loona adeegsadey sawir-gacmeed iyo qodobo kale. Haddii ay sax tahay sida Cadbinuur sheegay in Villa Somalia aysan dacwad ka gudbin weriyaha, waxaa is-weydiin mudan ma xeer-ilaalinta iskeed dacwad ugu soo oogtay weriye Gurbiye?
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xildhibaanka oo deegaan doorashadiisu ay aheyd HirShabelle ayaa maalmihii dambe la xanuunsanayey cudurka macaanka iyo sidoo kale kilya xanuun, isagoona ku dhintay isbitaalka Yardimeli, sida ay innoo xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.
-
(SLT-London)-Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Oxford ee ku taalla dalka Ingiriiska ayaa sheegay in bisha September ee soo socota ay soo saari doonaan tallaal loogu tallo-galay Coronavirus. Saynisyahanadan ayaa sheegay in talaalkan uu noqon doono ugu yaraan hal milyan oo irbadood, waxaana mashruucan taageeraya dowladda Ingiriiska. Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in aanay jirin wax damaanad ah oo ku saabsan talaalkan, isla markaana aanay suurto gal ahayn in muddo loo qabto soo helidda tallaalkan. Bukaanka ugu horeeya ayaa la filayaa in todobaadka soo socda lagu tijaabiyo Talaalkan loogu tal-galay Coronavirus ee ay waddo Jaamacadda Oxford. Illaa iyo hadda lama ogaan karo wax tarka talaalkan, sidoo kale waxaa uu mugdi ku jiraa mudada uu qaadan doono in la helo talaalka, waxaana khubarada qiyaasayaan inay qaadan karto 12 bilood illaa 18 bilood. Dalalka Adduunka ayaa la tacaalaya ka hortagga cudurka Coronavirus, waxaana socda dadaalo kala duwan oo lagu baadigoobayo in la helo daawo rasmi ah oo looga hortago cudurkaas Source
-
Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 14 April, 2020 si sharci-darro ah xabsi u dhigay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group. Xariga Wariye Gurbiye ayaan illaa hadda Xafiiska Madaxweynuhu u keenin caddeyn rasmi ah oo uu ku muteysan karo in meel looga dhaco xorriyaddiisa. Xarigga Gurbiye ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli aysan dalka ka jirin maxkamado loo xukun tago maaddaama loo fasaxay cudurka Coronavirus dartiis. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan xabsiyada ka fasaxay dad badan oo maxkamado ay ku xukumeen dambiyo kala geddisan isagoo xarig-fasaxa maxaabiista ku saleeyey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus si qatartiisa loo dhimo waxaase nasiib-darro ah in Madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyo in xabsigii uu maxaabiista ka fasaxay la dhigo Wariye Gurbiye oo aysan jirin maxkamad ku xugmisay xarig balse ay tahay ku tagri fal awoodeed skda ku cad amarka warqada lagu soo xiray. Eeg Lifaaqa. Sharci-yaqaannada Goobjoog Media Group waxay sheegeen in haddiiba Wariye Cabdi-casiis Axmed Gurbiye uu dambi leeyahay ay tahay in dacwaddiisa lagu qaado Degmada uu deggan yahay ee Hodon oo ay sharci-darro tahay in loo gudbiyo maxkamadda Gobolka Banaadir sida ku cad xeerarka garsoorka Dalka. Sidoo kale waxaa sharci-darro ah in amarka Wariye Gurbiye lagu xiray oo aan oollin Degmada laga wacay taasoo iyana sharciga baal-marsan. Qareenka u doodaya Wariye Gurbiye wuxuu u sheegay garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir in xariga Wariye Gurbiye loo maray nidaam sharci-darro ah laakiin garsooruhu arrintaas wuu iska indha-tiray. Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo soo-saaray amarka lagu xiray Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa si cad u baalmaray ilaalinta xuquuqda muwaaddinka Soomaaliyeed iyadoo xafiisku ku kacay fal ka hor-imaanaya dhawrista sharciga dalka u yaal islamarkaana cabburin u geystay Wariye Soomaaliyeed oo u adeegayey bulsho duruufo badan oo nololeed ay ku xeeran yihiin. Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo ah halka astaanta u ah ilaalinta sharciga dalka ayaa noqday goob laga soo abaabulo ujeeddooyin gurracan oo aan marnaba dan ugu jirin dal kasoo kabanaya burbur soddon sano jirsaday kaas oo markiisii horena ka dhashay caburin iyo ku xadgudub xuquuqda aadanaha. Warbaahinta Goobjoog Media Group waxa ay cadeyneysaa “in sharcidaro iyo kaa-awoodbadni uu ku xiran yahay weriye Cabdicasiis Gurbiye ayna ayaan daro tahay in laantii Garsoorka Dalku ay noqotay xafiisyo u adeega Madaxweyne Farmaajo si uu u caburiyo xuquuqda muwaadinka garsoorka iyo cadaalada raadinayey nus qarni”. Xarigga sharciga ka fog ee Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa dhaliyey dood badan waxaana jira cambaareyn uga imaaneysa Madaxweynaha bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan. Hay’ado caalami ah iyo kuwo dalka gudihiisa ka dhisan ayaa codkooda ku biiriyey cambaareynta loo soo jeediyey Xafiiska Madaxweyne Farmaajo kaasoo xarig sharci-darro ah u geystay Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group. Hay’adda u doodda xuquuqda suxufiyiinta adduunka ee CPJ ayaa baaq ay u soo jeedisay Dowladda Soomaaliya uga codsatay in xabsiga laga fasaxo Wariye Gurbiye waxaana hadalkeedu u qornaa “Dowladda Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan oo shuruud la’aan ah u sii-deysaa Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ay ballanqaaddaa in saxaafaddu ay tebin karto kana hadli karto safmarka xannuunka COVID-19 iyadoo aan loo xabbisi karin ka hadalka arrimaha la xiriira cudurkan” Dhanka kale hay’ad iyana u doodda suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo SJS kana hadashay xarigga sharci-darrada ah ee xafiiska Madaxweyne Farmaajo u geystay Wariye Cabdi-casiis Axmed Gurbiye ayaa war ay arrintan ka soo-saartay ku tiri” SJS waxay hoosta ka xarriiqeysaa in xarigga Agaasime ku xigeenka Goobjoog Media Group qatar ku yahay xorriyadda dastuurku uu siiyey muwaaddinka inuu dareenkiisa cabbiro waxayna arrintani caqabad ku noqon kartaa in muwaaddiniintu helaan wararka muhiimka ah oo uu ka mid yahay COVID-19” Hay’adda SJS ee u doodda saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xarigga Wariye Gurbiye oo ka mid ahaa dadka sida joogtada ah uga warrami jiray cudurka COVID-19. Cabdalla Mumin oo ah xoghayaha SJS oo baaq u diray Dowladda Soomaaliya ayaa codsaday in si shuruud la’aan ah xariga looga fasaxo Wariye Gurbiye. Guddoomiyaha FESOJ Abaadir Cabdulqaadir oo ka hadlay xarigga Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in xariggiisa aan loo marin sifo sharci ah isla markaana uu yahay qorshe la doonayo in lagu cabburiyo warbaahinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan xorriyadda hadalka. Guddoomiye Abaadir wuxuu sheegay in wariye Gurbiye uu aqoontiisa baaritaanno ku sameeyo islamarkaana soo bandhigay musuq ka dhex jira wasaaradaha Dowladda Soomaaliya taasina aysan ahayn arrin uu xabsi ku muteysan karo. Abaadir wuxuu intaas ku daray in tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xilka qabtay uu weerar ku hayey saxaafadda una kala qeybiyey laba koox oo uu midna laaluushay midna la dagaalo. Guddoomiyaha hay’adda Tubta Nabadda Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah dadka ka hadlay xarriga Xafiiska Madaxweyne Farmaajo u geystay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in Cabdicasiis la soo eedeyn karo laakiin qaab sharci ah loo maro oo uusan ahayn qof dambiile ah. Shirwac wuxuu sheegay in marka la dacweynayo saxafi ay qalad tahay in awood loo isticmaalo oo isagoo bannaanka jooga maxkamadda laga dacweeyo oo haddii dambi lagu helo ama lagu waayo maxkamadda lagu kala baxo laakiin qaabkan hadda lagu xiray ay tahay awooddii dalka oo lagu tagrifalay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nigeria)-Madaxtooyadda dalka Nigeria ayaa shaacisay in Agaasimihii Shaqaalaha ee Madaxweynaha dalkaas Maxamadu Buhaari uu saacadihii lasoo dhaafay u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan. Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in Mallam Abba Kayaari oo ahaa Agaasimihii Shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweyne Maxamadu Buhaari uu Cudurka COVID-19 uu ku dhacay bishii March 24-dii, iyadoo ugu dambeyn uu shalay ku geeriyooday. Sidoo kale Mas’uulka ayaa waxaa ay da’diisu aheyd 70 sanno jir ah, isla markaana waxaa la sheegay inuu hore u qabay Cuduro kale, isagoo kamid ahaa dadka ugu awooda badan dalka Nigeria. War qoraal ah oo boggiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Afhayeenka Madaxtooyada Nigeria Garba Shehu ayaa waxaa uu ku sheegay in Agaasimihii shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweyne Buhaari laga helay COVID 19, uuna dhintay xili la daaweynayay. Source
-
Taliye ku xigeenka Booliiska S/guuto Bile Faarax Cali Taliska Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya mamnuucay dhammaan isu-socodka Gaadiidka u kala goosha Gobollada iyo Gegmooyinka Puntland, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19. Qoraal ka soo baxay Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali, oo lagu socod-siiyay dhammaan Taliyaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland iyo shirkadaha Gaadiidleeyda, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isu-socodka Gaadiidka isaga goosha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland. Taliyaaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland, ayaa la faray in ay sida ugu dhaksaha badan u dhaqan-geliyaan Amarkaasi ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ee lagu mamnuucay isu-socodka Gaadiidka Gobollada Puntland, si looga hortago faafidda Cudurka Coronavirus. Sidoo kale, Taliyaasha Qaybaha ayaa lagu amray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo aan u hoggaansamin dhaqan-gelinta Amarkaas. PUNTLAND POST The post Isu-socodka Gaadiidka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo la mamnuucay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Dawladda Turkey ayaa si weyn u soo dhawaysay kulankii bishii February ee sanadkan Addis Ababa ku dhex maray madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Safiirka Turkey u fadhiya magaaladda Muqdisho Mehmet Yilmaz, oo waraysi ay al yeelatay idaacadda VOA, ayaa mar la weydiiyay wada- hadalladii uu Turkigu odayga ka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu yidhi “Dhawaan waxaa dhacay horumar aad muhiim u ah, oo ku saabsan mawduucan. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Itoobiya. Raalli-gelin baa dhacday. Tani waxay ahayd horumar taagan, oo aad u wanaagsan. Turkigu wuxuu horumarkaasi u arkaa mid aad u muhiim ah. Gaar ahaana raali gelintii Madaxweynaha Soomaaliya iyo weliba aqbalaadiisii arrintan, waxaan u aragnaa in ay tahay natiijo wanaagsan, oo ka soo baxday kulankaasi. Tani-na waxay ahayd mid lagama maar-maan ah”. Safiirku waxa kale oo uu sheegay “Keliya waxay u baahan tahay in la isku duba-rido, oo la dhamaystiro. Maxaa yeelay? Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu leeyahay dhinacyo kala duwan. Sida siyaasadda iyo warbaahinta oo kale. Sidoo kale, waxaa jiri kara heerar aqoonyahano. Laakiin, waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in doorkayagu yahay dhex-dhexaadin. Sidaas darteed, waxaan mar walba leenahay dadka hawshan qaban doona, hagi doona, ee isku duba-ridayaa, waa dhinacyada uu wadahadalku u dhexeeyo. Anagu keliya waxaan joognaa booska dhex-dhexaadinta ah”ayuu yidhi danjiraha Turkiga u jooga Muqdisho. Ambassador Mehmet, waxa kale oo uu sheegay in dawladoodu ay u aragto in muhskiladaha Afrika ka jira ay xalintoodu khusayso dawladaha Afrika, sidaas darteedna iyagoo taas ka duulaya ama tixgelinaya in Somaliland iyo Soomaaliya looga baahan yahay in ay iyagu hawsha hagaan. Inkastoo uu xusay in ay jiraan tallaabooyin ay qaadi karaan iyo soo jeedimo arrintaas la xidhiidha. “Waxaanu u aragnaa arrintani, aragtida ah mushkiladaha Afrika, xalkeedda waxaa leh Afrika.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Aad baanan taa u danaynaa, oo aan u soo dhawaynaynaa. Anagoo taas ka duulayna, ayaan dhinacyadda ka rabnaa in ay anaga na hagaan. Dabcan, anagu tallooyin iyo soo jeedin ba waanu ku lahaan karnaa. Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, in iyadoo la eegayo horumarrada wada-hadalladan, ayaa safiirkii aniga iga horeeyay Olgen Biker, inta uu yimid, uu mar kale la kulmay dhinacyada, Anagoo eegayna horumarka ka soo baxay kulamadaas, ayaa waxaan tixgelinaynaa in aan qiimayno jawaabta naga soo gaadhay dhinacyada. Waxaanan qaadi doonaa tallaabooyin kale oo arrintan ku aadan”. Geesta kale, dawladda Turkey ayaa ah tan taageerrada ugu balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh siisa dawladda federaalka Soomaaliya, sida dhinacyada tababarrada iyo dhismaha ciidamada, mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha gar-gaarka bani’aadan-nimada. Hase-yeeshee waxaa marar badan dhacday in ay jireen cabashooyin iyo eedaymo ay dawladda Turkiga u jeediyeen qaar ka mida maamul goboleedyada Soomaaliya iyo xataa jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ka hadaly geeridii ku timid Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Moobleeyn) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Muudey ayaa qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyey qoyska marxuumka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. “Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicun waxaan halkan tacsi tiiranyo leh uga dirayaa Xil.Aadan Cali Xasan (Adan Moobleen) oo saakay ku geeriyooday Magaaalada Muqdisho, Waxaan Allah uga baryayaa inuu unaxriisto Qabrigiisa u waasiciyo jannatul firdowsa Allaha ka waraabiyo ehelka iyo dhamaan ummada soomaaliyeed samir iyo iimaan alaha kasiiyo.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey. Sidoo kale waxaa geerida ku timid Allaha u naxariistee xildhibaan Aadan Moobleen oo sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ka tacsiyeeyey wasiirka wasaaradda warafaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiirka ayaa tilmaamay inuu marxuumka si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey Qarankiisa, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana haatan ah Xildhibaan ka tirsana baarlamaanka ayaa ka hadlay geerida marxuumka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed. “Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu soo gudbinayaa eheladii, qaraabadii iyo baarlammaanka Fedraalka ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Marxuum Adan Cali Xasan oo xubin muhiim ah ka ahaa Golaha Shacabka ee baarlammaanka, Marxuumka Allaha u naxariisto, dhammaanteenne sammir iyo iimaan Allaha innaga siiyo.” ayuu yiri.
-
Puntland oo wali sii adkeynaysa ka hortaga Xanuunka Covid19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Bandowgii la saaray Magaalooyinka Puntland wuxuu noqday mid lagu guulaystay oo ay Shacabku u hogaansameen, halka Culumadu ay khalkhal ku noqdeen Amaradii ay Xukuumadu soo [...] Source
