-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Culimada Somaliland ayaa soo saaray Bayaan ku saabsan qorshihii ay ku diideen Guddigii u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus, kaasi oo ahaa xidhista Masaajida, sida ay xogta ku baahisay Caasimada Online. Culimada ayaa Bayaanka ay soo saareen ku sheegay in aan lagu deg-degin xidhista Masaajidyada, isla markaana ay dadku Ilaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobad keenaan, ogaadaana in wax kastaa ku dhacayaan Qaddarta Alle, iyadoon laga tagayn asbaabta ka hor-tagga. Sidoo kale culimada oo u muuqda inay tanaasul ka muujinayaan khilaafka kala dhexeeyay Guddiga Somaliland ee ka hortaga Coronavirus, ayaa waxay soo jeediyeen in Dadku ay guryahooda iskaga tukan karaan haddii ay nafahood u cabsadaan, balse ay iyagu xidhayn Masaajidyada. Bayaanka Culimada oo ka koobnaa 10-qodob, ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in aan la daawan ilaa inta uu cudurku faafayo, balse ay waajib tahay in laga hortago, iyada oo go’aan laga gaarayo diyaaradaha Rakaabka ah ee kasoo daga madaarka Hargeysa. Culimada ayaa waxay bulshada u soo jeediyeen inay dhamaan iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa cudurkan, loogana dhego-nuglaado talaabooyinka dhakhaatiirta iyo amarada ka soo baxaya guddiga uu Muuse Biixi u magacaabay ka hortaga cudurkan. Hoos ka aqriso qodobada Bayaanka ay culimada soo saareen oo dhameystiran: 1. In Dadku Ilaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobad keenaan, ogaadaana in wax kastaa ku dhacayaan Qaddarta Alle, iyadoon laga tagayn asbaabta ka hor-tagga. 2. Inaan la sugin inta cudurku faafayo, isla-markaana si dhakhso ah looga hawl-galo. 3. In la dedajiyo, lana dardar-geliyo baadhista Dadkii looga shakisnaa inuu cudurku haleelay. 4. In la joojiyo dhammaan goobaha lagu kulmo, sida Huteellada, Maqaaxiyaha, Goobaha Qaadka lagu cuno, IWM oo aan lagu deg-degin xidhidda Masaajiddada Alle. 5. In aanay ku waajibin Jamaca Salaadda ee Masaajidka Dadka Xanuunsanaya, Dumarka, Carruurta iyo Dadka Safarka ah isla-markaana ay Guryahooda ku tukan karaan. 6. In Shareecaddeena suuban ay u banaysay Ummadda in Jimcaha iyo Jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo lana xaqiijiyo duruufo adag, sida Xanuunnada faafa, IWM. 7. In la joojiyo qaadka, maaddaama oo uu leeyahay dhammaan sifooyinkii uu ku faafayey Xanuunkan halista ahi, sida Taabashada, kulanka goobihii lagu iibinayey iyo halka lagu cunayaba, sidoo kalena xal loo helo diyaaradaha Rakaabka ee dalka yimaadda. 8. In Dadka oo dhami iska kaashadaan wax kasta oo lagaga hor-tagi karo cudurkan, looga dhego-nuglaado Tallooyinka dhakhaatiirta iyo Amarrada Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga cudurkan. 9. Waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqaynaa in wakhtigan adag ay taageeraan kana war hayaan Dadkooda danyarta ah. 10. Waxay culimadu diyaar u yihiin inay ku taageeraan wixii talo iyo Tusaale ah ee ay ugu baahdaan Guddiga ka hor-tagga Coronvirus.
-
It was early evening of April 2, 2020 when I stepped on Jijiga’s main road to ride a Bajaaj. As I waited, I saw from where I was that traffic police were stopping the Bajaj to run on the main road. Source: Hiiraan Online
-
LONDON (AP) — British Prime Minister Boris Johnson was admitted to a hospital Sunday for tests, his office said, because he is still suffering symptoms, 10 days after he was diagnosed with COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
Deni iyo Axmed Karaash Wararka laga helayo madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in uu soo if-baxay khilaaf u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), kaasi oo ku salaysan Isku-shaandhayn la doonayo in lagu sameeyo Golaha Xukuumadda. Ilo’ wareedyo hoose, oo ka gaabsaday magacyadooda, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in khilaafka Deni iyo Karaash uu si gaar ah u khuseeyo magacaabista wasiirada ka imaanaya gobolka Sool, kuwaas oo madaxweyne ku xigeenku doonayo in lagu tixgeliyo talada uu ka bixiyo magacaabistoooda. Mudane Axmed Karaash, ayaa doonaya in shakhsiyaadka laga soo magacaabayo gobolka Sool ay ku yimaadaan tala-bixintiisa, islamarkaana gobolkaas uu doorkan saami u helo wasaarado muhiim ah oo ka miisaan weyn kuwa ay haatan hayaan wasiirada gobolka Sool matala. Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in kulan ay yeesheen labada nin lagu kala dhaqaaaqay, kadib markii madaxweyne Deni uu ka caga-jiiday dalab uga yimid madaxweyne ku xigeenka oo ka codsaday in wasaaradda Arrimaha gudaha dib loogu celiyo saamiga gobolka Sool. Wasaaraddaas, waxaa xilligii Cabdiweli Gaas hayay Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ka soo jeeda gobolka Sool, balse waxa haatan haya Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka soo jeeda gobolka Mudug. Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku-maan-dhaafsan shakhsiyaadka la doonayo in laga soo magacaabo gobollada Sool iyo Cayn, waxaana mid kastaa ku adkaysanaya go’aankiisa, taasi oo dib u dhac ku keentay isku-shaandhayn madaxweynuhu ku samayn lahaa Golaha Xukuumadda. Isku-shaandhaynta oo la filayay in ay soo baxdo saacadaha soo socda, ayaa la sheegaya in ay mudda kooban dib u dhacday, inkastoo aan la ogayn goorta ay noqon doonto. ©PUNTLAND POST The post XOG: Deni iyo Axmed Karaash oo madaxa isla-galay appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Degreeto ka soo baxday Xafiiska raiisul wasaaraha Dalka oo ay baahisay Warbaahinta dowladda ayaa lagu magacaabay Dr Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha cusub ayaa beddelaya Daahir Cabdi Cabdullaahi oo xilkaasi wasiiru dowlanimo u hayay. Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa horay u soo noqday Guddoomiyihii Baarlamanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhowaan loo doortay Amb Cali Siciid Fiqi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo wasiiru Dowle u magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-_____-Qumanha-Warraka-05042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-gobeeldka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxwaynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) sida deg-degga ah ee ay ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo.” Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay. Madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa baaq nabadeed kasoo saaray colaada kasoo cusboonaatay degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed. Madaxweynaha ugu baaqay madaxda maamulka Koonfur Galbeed, odeyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Wanllaweyn iyo deegaanada hoos taga in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale Madaxwayne Farmaajo ayaa faray ciidamada xoogga dalka inay qadaaan tallaabo ka dhan ah oo ay sida deg-deg ah ugu baxaan, una kala dhex galaan malayshiyo beeleedyada dagaallamayey maalmihii lasoo dhaafay, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo”ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo. Madaxwaynaha ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay, sida lagu sheegay qoraalkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia. Ugu dambeyntii Madaxwaynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, isagoo caafimaad u rajeeyey intii ku dhaawacmatay dagaaladaas oo maalmihii lasoo dhafay ka dhacay gudaha degmada Wanllaweyn iyo daafaheeda.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maceeshadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Mudane Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed. Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xiriira badeecadaha dalka gaar ahaan kaydka raashinka, waxaana ay sheegeen in illaa hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wer-wer ah sidoo kalena ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan. Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli ba tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo xanuunka Coronavirus( COVID-19). Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maceeshada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshada dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano cusub oo la xiriira xakameynta cudurka Covid-19. Hoose ka akhriso War-saxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-05042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo kamid ah Culumada Al-Shabaab ayaa ka hadlay cudurka Coronavirus ee sida weyn ugu faafayo Addunyada. Fu’aad Shongole oo hadal ka jeedinayey masaajid ku yaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in Caronavirus uu yahay cudur uu Alle usoo diray kuwa diiday in Diintiisa lagu faafiyo adduunyada, sida uu hadalka u dhigay. Fu’aad oo ah daaciga ugu weyn ee dhalinyarada Al-Shabaab ka dhaadhiciyo Jihaadka ayaa sheegay inay “waajib tahay in Muslmiinta ay ku farxaan dhibaatada ku dhaceyso Gaalada, gaar ahaan cudurkaan Caronavirus” oo uu ku sheegay inuu yahay mid uu Alle ku qabanayo kuwa Diintiisa diiday. Hase yeeshee cudurkan ayaan muslim iyo gaallo kala soocin, waxaana ku naf waayey kumanaan muslmiin ah oo ay ku jiraan Soomaali badan. Sheekh Fu’aad wuxuu sheegay in muslimiintu ku faraxsan yihiin, sida uu yiri “dhibaatada gaaraysa Mareykanka iyo xulufadiisa sida Talyaaniga, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska, mar uu ka hadlayay dulmiga Mareykanka ayuu sheegay in uu dhibaato dhan walba ah dhadhansiiyay muslimiinta balse hadda uu wajahayo ciqaabta Rabbi. Fu’aad Shongole ayaa sheegay in dulmiga Mareykanka uu gaaray inuu isaga xataa ka baxsano waayo oo uu awoodi waayey inuu ilmihiisa korsado, sida uu hadalka u dhigay. Culimada Islaamka ayaa horey uga digay in cudurkan loo qaato mid ku kooban gaallada, taasi oo caddeymaha la hayo ay diidayaan, waxayna ku qeexaan cudur muslim iyo gaallo cid ka baxsaneysa aysan jirin.
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa weli ka taagan Magaalada Beledweyne. Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka qaadista lagu sameeyey Cali Maxamed Carraale, oo shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaato Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ay soo weerareen. Guddoomiyihii hore ayaa xusay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha weerarka uu sheegay inay kusoo qaadeen ciidamadaas uu mas’uuliyadeeda qaadan doono Madaxweynaha Shirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Caraale ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ugu baaqay inay 48 saac gudahood kusoo farageliyaan xaaladda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Xarunta Maamulka uu shir kula qaaatey Guddoomiyaha Cusub ee aan xilka la wareegin mas’uuliyiinta kale ee Maamulka. Waxaa fashilmay wadahadallo lagu doonayey in Caraale lagu qanciyo inuu aqbalo xilka qaadista, iyadoo maagaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Hiiraan waxaa inta badan ku soo laa laabta khilaafaadka salka ku haya arrimaha maamulka, taas oo sabab looga dhigo is bed-bedalka ay HirShabelle ku sameyso.
-
Somalia can benefit from debt relief thanks to the effort of successive Somali Federal Governments, and countries that helped Somalia with a bridging loan and funds to clear arrears with the African Development Bank. Debt relief will constitute a remarkable economic milestone for Somalia. Somalia ranks high in the list of countries bedevilled by corruption. A study conducted by Western Virginia University researchers concluded: “…countries with lower corruption and better rule of law complete the Heavily Indebted Poor Countries (HIPC) process faster.” What are obligations on Somalia to attain debt relief goal? According to the IMF ” If Somalia sustains its commitment to reform, it is expected to reach the HIPC Completion Point in three years, when its debt will be significantly further reduced to US$557 million in net present value terms (NPV).” Successful debt relief will spare Somalia servicing debts incurred by the pre-1991 governments. Somalia received loans from both Western countries and former USSR. Unaccountable leaders can play havoc with the economy of a poor country and saddle future generations with a debt. Which brings us to ask the question: Will debt relief for Somalia predispose its leaders to borrow money and make Somalia a heavily indebted country again? There is no guarantee that that a future Somali Federal Government will not borrow money from countries or multilateral agencies. Political recognition that the Federal Government of Somalia enjoys may come in handy when door fatigue compels foreign countries to reduce their contributions to AMISOM budget. Somalia could be forced to subsidise the peace mission through loans. This scenario will sound less absurd if one takes into account the failure of the Somali political class to wean the Horn of Africa country off dependency on AMISOM since September 2012, when a new President was elected to head a permanent government. The other possible scenario is the possible commitment to funding white elephants or reintroduce lop-sided economic development initiatives that left more than half of Somalia in a state of underdevelopment. Debt relief might empower a less accountable Somali Federal Government to adopt statist policies in the interest of creditor countries. Without sound institutions, the debt relief for Somalia will turn out to become false dawn. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post DEBT RELIEF FOR SOMALIA: OPPORTUNITIES AND RISKS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inaysan jirin cabsi laga qabo raashin yari dalka ka dhacdo, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa kulan is-xog-waraysi ah oo ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku keeni karo maciishadda dalka la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Maxamuud Cabdikariin Gabeyre iyo Ganacsato kala duwan oo Soomaaliyeed. Kulankan oo sidoo kale ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha guud Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii Wasaaraddu ay Ganacsatada uga heli lahayd xogo la xidhiidha badeecadaha dalka gaar ahaan kaydka raashinka. Ganacsatada ayaa waxay sheegeen in illaa hadda uu dalku haysto badeecado ku filan oo aanay qabin wax wer-war ah sidoo kale na ay taagan yihiin Maraakiib dalka u sida raashin tiro badan. Ganacsatadu, waxa kale oo ay halkaas ka sheegeen caqabadaha jira iyo weli ba tallooyin ku aadan sida ugu habboon ee loogga hor-tagi karo saameynta dhaqaale ee uu keeni karo xanuunka Coronavirus (COVID-19). Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan diyaar u yihiin tallaabo kasta oo loogga hortagi karo saameynta dhaqaale ee cudurkaasi ku keeni karo maceeshada dalka, waxaana uu carabka ku dhuftay inay Ganacsatada ka taageerayaan siddii loo yareyn lahaa caqabadaha jira iyo fududeynta Ganacsiga, isaga oo ku dhiiri-geliyey in shacabka loo naxariisto wakhtiyadan adag isla-mar-ahaantaana aan kor loo qaadin qiimaha maceeshada dalka.
-
@harunmaruf is a respected, professional @VOANews journalist & one of the most influential #Somali journalists. @HSNQ_NISA attacks threaten #pressfreedom & independent media as a foundation of democratic, accountable governance in #Somalia — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 5, 2020 Qaran News
-
“In ka badan 10 jeer oo ay war-baahinta la haddleen Biixi, ku-xigeenkiisa & Guddida ka hor-tagga cudurka karoona waxay afka ka dhawreen inay go’aan ka qaataan Aafadda karoonaha sidda ee Itoobiya airline.” (SLT-Hargeysa) Iyaddoo laggu jirro xiligan adag ee ka hor-tagga cudurka halista ah ee karoona fayras, ayaa waxa muuqata in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisu ay ka maaggayaan inay joojiyaan Diyaaradda Itoobiya Airline oo si joogta ah rakaab u keenta Madaarka Hargeysa, taasi oo loo arko inay xiligan door weyn ka qaadan karto siddii uu somaliland ugu fidi lahaa cudurka halista ah ee karoona fayras, madaama ay keenayso dad ka soo haajiraya dalalka uu cudurkani asiibay iyo guddaha dalka Itoobiya oo uu ku faafay cudurkaas, kuwaas oo kusoo guryo noqonaya somaliland,halka ay qaarna u socdaan dalalka Somaaliya, Puntland iyo Jabuuti. Culimadda dalka iyo Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland, Xildhibaanadda barlamaanka iyo weliba shacabka reer Somaliland oo war-baahinta si gooni gooni ah ula haddlay ayaa ugu baaqay Xukuumadda Biixi inay joojiso gebi ahaanba safaradda ay diyaaraddan Itoobiya Airline ku timaado Hargeysa inta lagu guddo jiro xaaladdan ka hor-tagga cudurka karoona fayraska,haseyeeshee Madaxweyne Biix iyo addeegayaashiisa ayaa u muuqda kuwa aan diyaar u ahayn inay hakiyaan safaradda ay diyaaradda Itoobiya ku timaado Hargeysa,iyadoo ay xusid mudan in Madaxweyne Biixi uu war-baahinta tiraba laba jeer kaga haddlay halista uu leeyahay cudurkan karoona fayras, balse haddana marnaba muu soo haddal qaadin halista caafimaad darro ee ay dalka iyo dadka u keeni karto wakhtigan Diyaaradda Itoobiya Airline. Geesta kalene Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ahna guddooomiyaha guddida ka hor-tagga cudurka Karoona oo shan jeer bulshada la wadaagay go’aamo laggaga hor-teggayo cudurka Covid19 iyo fariimo kale oo la xidhiidha cudurkaas, ayaa isna afka ka dhawray inuu soo haddal qaado halista caafimaad darro ee ay wakhtigan soo gaadhsiin karto dalka diyaaradda Itoobiya oo si joogta ah dalka u keenta rakaab ay ka soo qaado dalalka uu asiibay cudurkan Karoona fayras,taasi oo loo arko inuu Saylici si toos ah indhaha uga lalinayo halista caafimaad darro ee ay inoo keeni karto shirkadda ay wakiilka ka yihiin qoyska Madaxweyne Biixi ee Itoobiya Ariline. Siddoo Kalene Guddida ka hor-tagga Karoona oo lix jeer in ka badan bulshada war-baahinta u mariyey go’aamo iyo fariimo kale oo la xidhiidha halista uu leeyahay cudurka Karoona Fayras, ayaa iyana maray jidkii Hoggaamiye Biixi, waxaanay gebi ahaanba ka gaabsadeen inay ka haddlaan ama ay go’aamo ka gaadhaan siddii looga hor-teggi lahaa khatarta caafimaad darro ee dadka iyo dalka ka soo gaadhi karta wakhtigan Diyaaradda Itoobiya Ariline. Dhanka kalene waxay xoggo hoose oo soo baxaya sheegayaan inay tahay sababta ay xukuumadda Biixi u joojin laday diyaaraddan Itoobiya mid uu Madaxweyne Muuse ugu eexaynayo qoyskiisa dheefta dhaqaale ee ka soo gasha Diyaaraddaas, madaama uu qoyskiisu wakiil uga yahay Somaliland,isagoo ka cabsi qaba in haddii uu joojiyo diyaaraddaas ay qoyskiisa soo waajihi karto xaalad dhaqaale xumo, halka haddii ay wakhtigan shaqaysona uu u arko fursad ay qoyskiisu ku macaashi karaan dhaqaale badan,mar haddii ay diyaaraddani tahay mida keliya ee xiligan dalka ka shaqaynaysa, taas oo ay bulshada reer Somaliland u arkaan inuu Madaxweyne Biixi yahay keliya mid fikirayo dheefta dhaqaale ee uu qoyskiisu ka helayo diyaaraddaas, balse aanu ka fikirayn dhibta ka soo gaadhi karta bulshada reer Somaliland iyo khatarta cudurka halista ah ee karoona fayras oo ay door weyn ka qadan karto diyaaradda Itoobiya Arilne siddii uu somaliland cudurkaasi ugu faafi lahaa. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay Natiijada ka soo baxday dad looga shakisanaa cudurka Coronavirus oo dhowaan loo diray dheecaanadooda dalka dibadiisa, kuwaasi oo qaarkood ay la kulmeen Dad laga helay cudurkaasi gudaha Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in dhamaan dadkii ay direen dheecaanadooda ay ka bad-qabaan cudurkaasi, gaar ahaan dadkii la kulmay Labadii qof ee deegaanadeeda laga helay cudurkaasi oo ay dhowaan shaacisay xukuumada Muuse Biixi. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan Somaliland ka jiran Kiisas cusub oo Coronavirus ah, marka laga reebo Labadii Kiis ee ay hore u shaacisay. Agaasime Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha Somaliland laga hirgeliyay goobo loogu talo-galay in lagula tacaalo cudurkaasi, kuwaasi oo ka furan dhamaan gobolada ay maamuulan, sida uu sheegay Agaasimuhu. Maxamed Xergeeye ayaa waxa kale oo uu ka warbixiyey xaalada Labadii qof ee hore looga helay cudurkaasi, isagoona xaqiijiyey in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay oo uusan si xun u soo ridan cudurku. Xukuumada Somaliland ee uu Muuse Biixi ayaa iyadu wada dadaalo ay ku dooneyso inuusan cudurku si weyn ugu faafin deegaanadeeda, iyadoona soo saartay go’aamo kala duwan oo looga hortagayo cudurka Coronavirus ee dunida ku faafay.
-
Ganacsatada Puntland ee Khudaarta ka keena Koonfurta Soomaaliya iyo dalka Ethiopia, oo maanta warbaahinta kula hadla Garoowe, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Canshuur xad-dhaaf ah oo ay ku soo rogtay Puntland. Ganacsatadu, waxay sheegeen in Khudaarta ay ka keenaan Ethiopia ay Puntland ku canshuurto saddex goobood oo kala ah; Kastamka Falaydhyaale, degaanka Buura-wadal iyo Kantaroolka bixin ee Garoowe, kuwaas oo sida ay tilmaameen lagaga qaado canshuur xad-dhaaf ah oo aysan awoodi Karin. Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay in Somaliland iyo Ethiopia mid kasta hal meel ku canshuuro Khudaarta, si ka duwan Puntland oo saddex meelood ku canshuurta, islamarkaana sii kordhisay canshuurta ay ka qaaddo Ganacsatadaas danyarta ah. Ganacsatada qaarkood, waxay sheegeen in aysan wax dhaqaale ah oo ay ku maareeyaan Nolosha Qoyaskooda ka soo gelin Khudaarta ay keenaan, maadaama ay isu’gu darsameen Maciishaddii oo qaaliyowday iyo Canshuurta badan ee la saaray. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada ay khusayso, ayay ka codsadeen in laga khafiifiyo Canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay, taasi oo weliba sicir barar ku keentay qiimaha Khudaarta ee suuqyada Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ganacsatada Khudaarta oo ka cabanaya Canshuur xad-dhaafa oo Puntland ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
