Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxa aan u dirayaa baaqa nabadeed beelaha walaalaha ah ee wada-dega Gobolka SANAAG, dhammaan dadka geeriyooday waxa aan Eebbe weyne uga baryayayaa in uu u naxariisto oo Jannatul-fardawsada sare ka waraabiyo qoysysaskoodii iyo eheladoodiinna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxa aan ku baaqayaa in colaaddaas, dilalka iyo dhiigga shacbiga aan wax danbi ah galabsan sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo magaalada Ceerigaabo iyo deegaannada ka baxsanba. Walaalayaal waxa aan idiinku baaqayaa nabad iyo in aydun colaadda iyo fidnada hurudda kicinteeda joojisaan. Colaadda inan baa ku dhinta, colaadda Hooyo ayaa ku goblanta, colaadda ubad baa ku agoomooba! Degmada Ceerigaabo waxaa lagu majirtaa nabad, xasiloonni iyo wax wada-noolaansho, taas baa Somaliland oo dhan aad astaan ugu ahaydeen, waxa aan mar labaad idinku baaqayaa in aad isxakamaysaan ilaashataanna wada-jirkiinana, walaalnimadiinna, wax wada-lahaashihiinna iyo aakhiradiinnaba. Madax-dhaqameedka, culimada iyo wax garadkana waxa aan ugu baaqayaa in ay arrintan meel uga soo wada jeestaan, wada xaajoodka iyo nabadeyntana degdeg loo bilaabo. Xukuumadda yo maamulka gobolkuna waa inay si mug leh oo muuqata uga qeyb qaataan xaslinta, dejinta iyo soo af jarista xaaladda cloaadeed ee taagan ee soo noqnoqatay. Eebbe xaqa ha ina garansiiyo. Qaran News
  2. MOGADISHU, Aug 28 (Reuters) - Egypt delivered its first military aid to Somalia in more than four decades on Tuesday, three diplomatic and Somali government sources said, a move likely to deepen strains between the two countries and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  3. Beesha Khaatumo iyo Ceerigaabo? Magaalada gudaheeda,waxay ka yihiin 5% dhaqaale ahaan iyo Dad ahaan. Deegaanka ugu dhow ee ay degaan,waa 30-km Magaalada. SL Magaalada gudaheeda,waxay maamushaa 100%,Beesha Dhexe ee SL,waxay ka tahay Dhaqaale ahaan iyo Dad ahaan 50%. Beesha Sanaag Bari,waxay ka tahay Magaalada Dhaqaale ahaan iyo Dad ahaan 30%,waxayse ku qanacsan yihiin Maamulka SL. Ceerigaabo dagaal socon kara Maalmo oo heli kara gurmad,Saad iyo Caafimaad,waxaa ka ridi kara Beesha Isaaq iyo Beesha East Sanaag Clan. Beesha Khaatumo,xaalad way abuuri karaan kamase diriri karaan gudaha Ceerigaabo. PL diyaar uma ahan in ay taageerto colaad Ceerigaabo laga huriyo. Somalida kale ma taageerayaan Magaalo nabad ah in Dab la geliyo oo la mid mahan LC. BC si cad ayay uga digaysaa colaad la abaabulo oo hadii la maqli waayo,waxay ku dhiiranaysaa go’aamo in ay soo saarto. Dhan walba marka laga istaago Ceerigaabo SL lagulama tartami karo xukunkeeda mana noqon karto Magaalo Laba Qaybood ah sababaha aan soo sheegay awgood. Jibriil Qooby Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa Salaasadii shalay waxay Soomaaliya gaarsiisay gargaarkii milateri ee ugu horreeyey, in ka badan afartan sannadood. Baraha bulshada iyo qaar ka mid ah mareegaha warbaahinta gudaha ayaa shalay lagu baahiyay sawirada qalab milateri iyo ciidamo lagu sheegay inay Masaari yihiin oo garoonka Muqdisho ka dagay. Saddex ilo-wareed diblomaasiyadeed ah iyo kuwo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaabadan ay u badan tahay inay sii xoojin doonto xiisadda ka dhaxeysa Somali iyo Masar oo dhinac ah iyo Ethiopia. Diblomaasi magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in talaabada Soomaaliya ay hubka uga keensatay Masar, ee ay ku colaadineyso Ethiopia ay la mid tahay iyadoo dab ku cayaareysa. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar, iyo afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ay Reuters u gudbisay oo la la xiriira inay ka hadlaan arrintan. Masar iyo Soomaaliya ayaa sannadkan si weyn isugu soo dhawaaday ka dib markii Itoobiya ay heshiis horudhac ah la gashay maamulka Somaliland kaas oo ay uga kireyneyso Ethiopia dhul xeebeedka badda cas ah oo bedkiisu garayo 20 km, taa bedelkeeda ay Ethiopia aqoonsan doonto madax-banaanida Somaaliland. Dowladda Somaliya ayaa ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid ku xad-gudbay Qaranimadeeda, waxayna sheegtay inay kaga hortagayso wax walba oo lagama maarmaan ah. Isha: VOA The post Masar oo qalab milateri iyo ciidamo kasoo dajisay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  5. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiyada dalka dagaalada ba’ani ka socdaan ee Suudaan ka soo deysay 31 dhallinyaro Soomaali ah oo bilo ku xirnaa dalkaasi Suudaan, islamarkaana xaalad adag ku jiray. Dhallinyaradan ayaa la sheegay inay u badnaayeen tahriibayaal doonayay in ay gaaraan dalka Libya ka dibna ay uga sii gudbaan Yurub, waxaa sidoo kale jira dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in wali lagu la’ yahay dalkaasi ka dib markii ay koox hubeysani weerartay gaari ay la socdeen. Safiir Soomaaliya ee Suudaan danjire Axmed Cabdi Xasan( Axmed Suudaani) oo warbaahinta VOA wareysi ayaa sheegay in dhallinyaradaas oo tahriib ah ay dowladda Suudaan uga shakisay inay doonayeen inay ka garab dagaallamaan fallaagada RSF, islamarkaana ay 3 bilood xabsi ku haysay. Safiir ayaa intaas ku daray in dhallinyaradan oo ka kooban 24 wiil iyo 7 gabdhood ay dowladda Suudaan kala hadleen sidii loo soo dayn lahaa, ugu dambeyna ay ku guulaysteen oo dalkooda dib loogu celiyay. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xabsiga loo taxaabay maamullada afar isbitaal oo waa wayn oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay canshuuraha iibka ee ay soo rogtay dowladda federaalka ayaa sheegay in xittaa ay saameysay bukaanada ku jira isbitaallada, isaga oo sheegay in arrintaas muddo saddex maalin ah loo xiray maamullada Isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese iyo Muqdisho Hospital, kuwaas oo hadda dib u helay xoriyadooda. “Saddex maalin waxaa xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanka. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay :Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur” Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay madaxda wasaaradda maaliyadda iyo agaasimeyaasha isbitaallada ay ka wada-hadleen sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Barig Afrika. Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhammeystiran:- Dowladdu waxay canshuur ka qaaddaa badeecadaha ka soo dega dekadda iyo garoonka diyaaradaha, goobaha ganacsiga, guryaha iyo gaadiidka, waxay lacag ka qaaddaa adeegyada kale ee dadwaynaha, waxay madaxda dowladdu iibiyaan hantidii shacabku lahaa ee danta guud, dhul iyo dhismayaal. Canshuurta laga qaado shacabka iyo hantida ummadda ee la iibiyo midkoodna looguma adeego, waxaana caddayn u ah in labadii isbitaal oo weligood adeegga caafimaad ee bilaashka ah bixin jiray (Banaadir iyo Martiini) lacag laga dhigay. Intaas kuma ay ekaan ee waxaa Saddex maalin xirnaa maamulayaasha isbitaallada Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, ka dib markii ay diideen in ay bukaannada ka qaadaan canshuurta iibka adeegga caafimaadka. Waxay maraysaa in bukaan ay dowladdu siin waysay adeeggii caafimaad ee uu xaqa ugu lahaa uu markuu jirado ee uu jeebkiisa iska daawaynayo laga qaado canshuur. Tani canshuur maaha, dawladnimo maaha ee waa Isbaaro iyo madax furasho, shacabka xusuusinaysa waayihii hoggaamiye kooxeedka. Dulmiga caynkaan ah oo la diidaa waa dawladnimo. The post Maamullada 4 isbitaal oo waa wayn oo lagu xiray Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  7. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saartay colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayay baaq nabadeed ugu dirtay bulshada degmadaasi Ceerigaabo. Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta Ceerigaabo gaar ahaanna odayaasha dhaqanka beelaha in si deg deg ah loo joojiyo colaadda iyo dhiig danbe oo daata. Halkan ka akhriso baaqa nabadeed PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo colaadda ka aloosan degmada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  8. Mogadishu (HOL) — Two Egyptian military aircraft carrying personnel and equipment landed on Tuesday at Aden Adde International Airport in Mogadishu, signalling the first steps in a recently signed Defense and Security Cooperation Agreement between Somalia and Egypt. Source: Hiiraan Online
  9. 457205265_1071683910965938_9200588011503155467_n X Qaran News
  10. Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkmenistan oo matalaysa Madaxweynaha dalkaas ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya Mudane Fatxudiin Cali maxamed oo fadhigiisu yahay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka Turkmenistan ayay marwo D. Gulmanova warqadaha aqoonsiga ugu guddoontay danjire Fatxudiin Cali maxamed, ka dibna waxay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah ururka Iskaashiga islaamka, islamarkaana xariirkoodu uu billowday sanadkii 2019. Turkmenistan waa dal uu dhaqaalihiisu aad u korayo, wuxuuna safiirku sheegay inay ka wada-hadleen in laba dal ay iska kaashadaan dhinacyada hormarka, waxbarashada, sayniska iyo daryeelka caafimaadka. Source: goobjoog.com
  11. Hargeisa (HOL) — The Somaliland government has called for peace in the Sanaag region following a deadly clash in the Goof district that claimed the lives of five people. The conflict, which erupted early Tuesday morning, is the latest flare-up in a series of violent confrontations between SSC-Khaatumo forces and Somaliland troops, deepening a long-standing territorial dispute. Source: Hiiraan Online
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay xiisadda kasoo cusboonaatay gobolka Sanaag, gaar ahaan aagga Ceerigaabo, taas oo u dhexeyso ciidanka Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan. Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in kooxo cadow ku ah bulshadu ay ku howlanyihiin dhibaatada ka taagan halkaasi. Sidoo kale wasaaradda ayaa xustay in ujeedka uu yahay in la’iska horkeeno bulshada halkaasi deggan iyo Somaliland Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale baaq loogu diray shacabka oo laga dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida deegaanka, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca koonfurta gobolka Sanaag. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda. Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa sidoo kale ciidamada amar ku siisay in ay tallaabo ka qaadaan kooxo abaabulan, oo ay sheegtay inay halis ku yihiin nabad-geylyada. Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa si adag uga hadashay xiisaddan, waxayna Somaliland ku eedeysay inay dagaal ka hurineyso magaalada Ceerigaabo, ayna ku dishay dad shacab ah. Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa soo saaray warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay halkaasi. “Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saareen golaha wasiiradu. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo. Ugu dameyn golaha ayaa faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland. The post SOMALILAND oo qaaday tallaabo la xiriirta xiisadda ka taagan SANAAG appeared first on Caasimada Online.
  13. Minneapolis, MN (HOL) — Derrick Thompson, the son of a former Minnesota state representative, is facing a potential plea deal after being charged with causing a devastating car crash that killed five young Somali women in south Minneapolis last summer. The Hennepin County Attorney's Office revealed the offer during a pretrial hearing on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ku bilowday madaafiic ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Raaxoy oo dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana xiga dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in dagaalka uu saacado badan qaatay, isla markaana weerarka madaafiica kadib ay maqleen rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah oo aanan la heli karin xog rasmi ah. Ciidamada dowladda dhankooda waxay saraakiil u hadashay sheegeen inay ka hortegeen A-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga Balcad howlgallo culus ka wada ciidamada Xoogga dalka oo baadi goob ugu jiro raggii weerarka kusoo qaaday. Ammaanka waddada xiriirisa labada magaalo Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkan aad u liitay, waxaana weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ka fulisa kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab wajigii koowaad ee dagaalka, haddana waxaa weli ka socdo howlgalo ay iska kaashanayaan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday xero ku taalla duleedka BALCAD appeared first on Caasimada Online.
  15. Tan iyo August 2022, Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa xorreeyay degmooyin iyo degaanno badan oo ku yaalla Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda Masar ayaa waxay Soomaaliya soo gaarsiisay gargaarkii millateri ee ugu horreeyey, in ka badan afartan sannadood. Baraha bulshada iyo qaar ka mid ah mareegaha warbaahinta gudaha ayaa shalay lagu baahiyay sawirada qalab milateri iyo ciidamo lagu sheegay inay Masaari yihiin oo garoonka Muqdisho ka digay. Saddex ilo-wareed diblomaasiyadeed ah iyo kuwo dawladda Soomaaliya ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaabadan ay u badan tahay inay sii xoojin doonto xiisadda ka dhaxeysa Somali iyo Masar oo dhinac ah iyo Ethiopia. Diblomaasi magaciisa qariyay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in talaabada Soomaaliya ay hubka uga keensatay Masar, ee ay ku colaadineyso Ethiopia ay la mid tahay iyadoo dab ku cayaareysa. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar, iyo afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ay Reuters u gudbisay oo la la xiriira inay ka hadlaan arrintan. Masar iyo Soomaaliya ayaa sannadkan si weyn isugu soo dhawaaday ka dib markii Itoobiya ay heshiis horudhac ah la gashay maamulka Somaliland kaas oo ay uga kireyneyso Ethiopia dhul xeebeedka badda cas ah oo bedkiisu garayo 20 km, taa bedelkeeda ay Ethiopia aqoonsan doonto madax-banaanida Somaaliland. Dowladda Somaliya ayaa ayaa heshiiskaas ku tilmaantay mid ku xad-gudbay Qaranimadeeda, waxayna sheegtay inay kaga hortagayso wax walba oo lagama maarmaan ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo Soomaaliya soo gaarsiiday gargaarkii millateri ee ugu horreeyay appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) — Somali government on Tuesday welcomed the return of 30 Somali youths who had been imprisoned in Port-Sudan, Sudan, for the past five months. Source: Hiiraan Online
  18. Ceeldheer (Caasimada Obnline) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay isa soo dhiibeen horjoogayaal baxsad ka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda federaalka Soomaaliya. Laba sarkaal oo ka tirsan kooxda, isla markaana watay qoryo AK47 ah ayaa ciidamada Xoogga dalka waxay kusoo dhaweeyeen degmada Ceeldheer ee gobolkaasi. Xubnahaan ayaa qayb ka ahaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleeysanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Ceeldheer iyo Cowswayne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka. “Xubno ka tirsan Khawaarijta oo baxsad ah ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka XDS ayay la soo sameeyeen xariir, waxaana hada gacanta ku haaya geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed”. Ceeldheer iyo agagaarkeeda ayaa waxaa weli howlgallo culus ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo halkaas kula dagaalamaya maleeshiyaadka Al-Shabaab. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda, kadib markii uu kordhay cadaadiska lagu lagu kooxda. The post Horjoogayaal kasoo baxsaday Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DF appeared first on Caasimada Online.
  19. Baidoa (HOL) — Gunmen launched a grenade attack on the homes of Southwest security force officials in Baidoa on Tuesday night, leaving several people injured, according to local residents. Source: Hiiraan Online
  20. Waaxda Pentagonka ee Maraykanka ayaa soo saartay digniin ku saabsan masiibo deegaan oo ka dhalan karta saliid ka qubanaysa Markab nooca shidaalka qaada ah oo ku gubanaya badda cas ka dib weerar ay ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen. Markabkan oo lagu magacaabo Sounion, uuna ka dul babanayo calanka dalka Giriiga ayaa tan iyo todobaadkii ku gubanaya xeebaha dalka Yemen. Afhayeen u hadlay hadlay Pentagonka oo lagu magacaabo Patrick Ryder, ayaa sheegay in marakiibtii loo diray markabka si ay u badbaadiyaan ay Xuutiyiinku ugu hanjabeen inay weerarayaan. Markabka ayaa sida in ka badan 150,000 oo tan – ama hal milyan oo fuusto – oo saliid ceyriin ah, Haddii saliidu si caadi u daadatana waxaa laga cabsi qabaa inay ka mid noqoto musiibadii ugu weynayd ee markab ee taariikhda la diiwaan geliyo. “Waxaan la soconayaa in dhinacyo saddexaad ay isku deyeen inay markabka u direen laba markab oo kuwa jiidah ah si ay uga qayb-qaataan badbaadinta, balse waxaa ka digay Xuutiyiinta oo ku hanjabay in la soo weerari doono, taasoo mar kale caddaynaysa inay si cad u ixtiraami waayeen nolosha bini’aadamka, balse sidoo kale waxay ku tusinaysaa masiibada deegaanka ee iman karta waqtigan”ayuu yiri Ryder. Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa gacanta ku haya inta badan dalka Yemen, waxaan muddadii 10-ka bilood ee la soo dhaafay ay kooxdu weerarreen maraakiib ganacsi oo adeegsaysay marin biyoodka badda. Xuutiyiinta ayaa la rumaysan tahay in weeraradaas ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta ka dib colaadda Qasa, waayna ku andacoodeen inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil , Mareykanka iyo UK. Intaas hore waxay kooxdu qaadatay magacyo kala duwan ilaa aakhirkii qaadatay oo ay si rasmi ah ula baxday “Xuuthiyiinta”. Zaydiyiintu waxay Yemen xukumayeen taariikhda badan ilaa intii laga tuuray taliskii Imaamkoodii ee waqooyiga Yemen sanadkii 1962-kii. Sacda oo ah magaalo ku taalla waqooyiga galbeed ee Yemen, Xuutiyiinta waxay dowladda dhexe ka fogeeyeen gacan ku haynteeda iyagoo dadka deegaanka go’doomintaas ka dib ay isku tashadeen samaysteenna in iyagu ismaamulaan Cilmi baadhe Ingiriis ah oo arrimaha Yemen ku takhasusay oo lagu magacaabo Sheila Weir, ayaa aaminsan in sababta kale ee Xuutiyiinta Yemen usoo baxeen ay tahay fiditaanka kooxaha Salafiga iyo Wahaabiyada oo saamayn ku leeyihiin dalkaasi ay sii korortay. Bbcsomali Qaran News
  21. Xukuumadda Somaliland, waxay ugu baaqday dadka Walaalaha ah Degaanada Koonfurta Gobolka Sanaag ee ay shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan. waxaa ay sidoo kale sheegtay in kooxaha Bulshada iska horgeynaya laga qaadi doono tilaabo sharciga waafaqsan. “Xukuumadda Somaliland, waxay ilaalinaysaa nabadgelyada shacabkeeda, wada noolaashaha Bulshada Gobolka Sanaag, waxayna Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan kooxa abaabulan, kuwaasoo waxyeelaynaya nabadgelyada guud iyo wada jirka Bulshada Gobolka Sanaag” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Waxay Xukuumadda Somaliland mar kale ku baaqday dadka shacabka ah in ay ilaaliyaan nabadgelyada, kuna wada noolaadaan nabadgelyo, cidkasta oo nabadooda waxyeelaynaysana ay ildheer ku eegaan iyagoo isku mid ah. Xukuumadda Somaliland waxay Tacsi u dirtay dadkii ku dhintay shaqaaqadaas. Source: goobjoog.com
  22. Inta lagu jiro xilliyada roobka waddoo Muqdisho magaalada qaarkood waxay isku badelaan webi ama haramo biyaysan oo aan si fudud looga gudbi karin, waxaana maristooda ka caaga dadweynaha iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Ka sokow biyaha jidadka iyo barxadaha ceegaaga waxaa jira dhiiqo iyo qashin goob walba waran oo bilicda magaalada iyo bedqabka dadweynahaba halis ku ah, islamarkaana caafimaad ahaan iyo hormar ahaanba caasimadda iyo bulshada ku nool dhaawac ku ah. Dhiiqada iyo dacdada roobka oo si dabeeci ah ku yimaada markii laga soo tago waxaa dhibaatada ugu weyn horseed u ah qashinka ay dadku sida bareerka ah waddooyinka iyo faras-magaalayaasha ugu daadinayaan iyo wasaqda lo’da iyo dameeraha. Xoolaha magaalada iska dhex yaacaya ayaa kamid ah waxyaabaha keenaya bilic xumada iyo wasaqowga caasimadda, waxaana lagama maarmaan ah in xal loo helo, islamarkaana tillaabo laga qaado dadka qashinka ku qubaya jidadka iyo fagaareyaasha muhiimka ah. Source: goobjoog.com
  23. MUMBAI: Yellow Gate police on Monday filed a 4,000-page chargesheet before a special court against 35 Somali pirates who allegedly hijacked a Bulgarian merchant vessel, MV Ruen, last Dec 14 in the Arabian Sea and demanded a ransom of $60 million to release it and its 18 crew members. Source: Hiiraan Online
  24. Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal u dhexeysay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa haatan kasii dareysa, waxaana labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga dareemay gobollada Sool iyo Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in xiisaddan ay sii hurisay dilal iyo rabshado ka dhacay Ceerigaabo, kadib markii ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ay isku dhaceen. Dilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa loo gaystay Salmaan Aadan Cabdi Madoobe, waxaana ka horreeyay dilka laba qof oo kale oo deegaan ahaan kasoo jeeda SSC-khaatumo. Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ka shiray xaaladaha soo kordhay, waxayna soo saareen warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee waqooyiga Soomaaliya. “Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo”. SSC ayaa shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo. “Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhow isha ugu hayaa, ulana socdaa falalka ay ku kacayaan maamulka argagixisada ah ee Somaliland, wuxuuna si adag u cambaareynayaa falalkan oo la xiriira socdaalkii dagaal hurinta ee uu horjoogaha Somaliland ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag” ayuu mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Khaatumo ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab cad ka bixineyso daan-daansiga Somaliland, haddii aysan ka waantoobin waxa ay ka wado dhulkeeda. “Gardarooyinka ka socda Ceerigaabo ee daan-daansiga ah jawaabtoodu waxay noqon doontaa mid cad, haddii aan laga waantoobin falalka argagixisada ah” ayaa lasii raaciyay. Ugu dambeyn waxaa la faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland. “Waxaa la farayaa dhammaan ciidamad difaaca maamulka SSC-Khaatumo inay heegan sare ugu jiraan difaaca dalkooda iyo dadkooda, una diyaar garoobaan xaalad kasta oo imaan karta” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aanka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo. The post SSC iyo Somaliland oo qarka u saaran dagaal – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  25. Mogadishu (HOL) — Somali-American travel vlogger Marian Abdi, known online as 'Geenyada Madow,' has sparked criticism after posting photos of herself with Taliban fighters during a recent trip to Afghanistan. Tm Source: Hiiraan Online