Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/447585981_2108564126210382_5045414757586159622_n.mp4 Qaran News
  2. 462215835_3802357270028908_6374396517793502803_n Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiir Cumar Cali iyo Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay xoojinta Amniga gobolka iyo halista Argagixisada. Waxaa kale oo ay kawada hadleen sida loo dardar galin karo dagaalka Khawaarijta. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa isla maanta kulan muhiim ah layeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema. Taliye Ibraahim iyo Paul Kahuria ayaa ka wada hadlay Amniga gobolka, Qatarta Argagixisada iyo arrimo kale. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sarkaalkaan ayaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya u muujiyey in wadamada Geeska Afrika ay heegan ugu jiraan taageerada Soomaaliya, wuxuuna balan-qaadoaan militery ee muhiimka ah uu ku soo aadayaa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo khilaaf adag oo qarka u saaran gacan ka hadal. The post Sawirro: Sarkaal farriin ka sida dalalka Bariga Afrika oo tegay wasaaradda gaashaandhigga appeared first on Caasimada Online.
  4. Mohamed Abdullahi Hussein: “President Deni bragged that his administration had phased out the use of the Somali Shilling for transactions. It is not a policy to be proud of. Many people in Puntland have lost wealth due to runaway inflation.” Garowe (PP News Desk — The President of Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, faced criticism over his government’s decision to relegate the use of the Puntland-printed Somali Shilling to a lower status in favour of the US Dollar. Mohamed Abdullahi Hussein ‘Shortayo’, a co-founder of Runcad, a political party, said the quasi-demonetisation of the Somali Shilling in Puntland resulted in inflation and economic hardships borne by the predominantly poor population. “People lost confidence in the use of the Somali Shilling after the Puntland State government refused to accept the local currency. No one uses the Somali Shilling in Puntland if the incumbent government no longer regards it as legal tender,” said Shortaye. In 2019 President Deni inherited an unstable monetary policy that he allegedly exacerbated. He added that Puntland in 2021 attempted to address the inflation caused by the widespread use of the US Dollar for transactions and the dual exchange rate, but the appointed committee of experts had not succeeded in solving the monetary problem. “President Deni bragged that his administration had phased out the use of the Somali Shilling for transactions. It is not a policy to be proud of. Many people in Puntland have lost wealth due to runaway inflation,” added Shortaye. The Puntland administration of Dr Abdiweli Mohamed Ali (2014-2019) printed an unspecified amount of Somali Shillings. The Committee for Exchange Market Crisis, appointed in 2021 by the Puntland State government, recommended measures to investigate the possibility of illegal money printing facilities that could be contributing to the inflation. © Puntland Post, 2024 The post Puntland President Faces Backlash for Prioritising Dollarisation Over Somali Shilling appeared first on Puntland Post.
  5. Labadii todobaad ee ugu danbeeyay waxa dhaq dhaqaaq xoogan oo siyaasadeed uubka taagnaa bariga Hargeisa gaar ahaan beesha Isaxaaq Care oo muujiyay midnimo xoogan oo aan deegaanka hore loogu arag iyada oo dhamaan ardaayada Isaxaaq Care ay isku af garteen in loo baahanyahay in la helo isbedel siyaasadeed oo lagaga baxo xaalada qalafszn ee dalka ka jirta, taasi oo dadka deegaanka oo dhami ay isku raaceen in la taageero xisbiga Waddani isla markaasina la garab is taago Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Markii uu arinkaasi ogaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulamo deg deg ah la yeeshay shaqsiyaadkii dawladiisa ku jiray iyo shaqsiyaad ay qaarkood sheegtaan hogaamiye dhaqameed hase ahaatee aan dadka deegaanadooda ku xidhnay isla markaasina ku xidhan xukuumadda Muuse Biixi wax kasta oo uu jecelyahayna ugu sacaba tuma Kulankaasi uu Muuse Biixi uu la yeeshay ragaasi iyo xubnaha xilka ka haya xukuumadiisa waxa la garawsaday in dadkii ama beesha bariga Hargeysa uu si buuxda ula wareegay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ah suldaanka guud ee Isaxaaq Care. Waxana uu madaxweyne Muuse Biixi canaantay xubnahani ku jira xukumadiisa waxana uu soo jeediyay in suldaanka guud ee Isaxaaq Care ay ka dhigaan Suldaan Maxamed Suldaan Bare oo ay saxiibo dhow yihiin Muuse. Iyada oo laga duulaayo in la raali galiyo madaxweyne Muuse Biixi iyo talooyinkiisa ayaa maalintii shalay waxa guriga suldaan Maxamed Bare lagubqabtay kulan kulankaasi oo ahaa qado iyada oo halkaasi lagu qalay Neef Geel ah si loo helo xubno ay kamaradu qabato waxa aakhirkii lagaga hadlay halkaasi hadalo kicin ah iyo kuwo gubaabo ahaa waxana lagaga dhawaaqay goobtaasi in suldaan Maxamed Bare uu yahay suldaanka guud ee beelaha Isaxaaq Care. Kulankaasi umay dhamayn beel qudha oo ka mid ah beela Isaxaaq Care waxana ay ahaayeen shaqsiyaad aan wax saamayn ah ku dhex lahayn bulshada. Waxan oo qaylo ahi waxa ay salka ku haysaa laba arin oo kala ah. 1. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo si toos ah ula wareegay maamulka iyo hagista beelaha Isaxaaq Care oo hafh iyo habayn ku dhex jira mudo kooban oo uu dalka joogayna waxa uu mideeyay oo iskunduba riday Isaxaaq Care Waxa uu kulamo xasaasi ah la yeeshay hogaanka dhaqanka ee Isaxaaq Care oo dhan haday noqoto cuqaal ama salaadiin inta dadka matasha. Waxa uu kulan gaar ah la yeeshay haweenka iyobhablaha Isaxaaq oo dhan iyaga oo u muujiyay taageero buuxda isla markaasina taageeray fikradihiisa isbedwl doonka dalka oo dhan ka socda Waxa uu la kulmay oo shiriyay dhalinyarada isga oo dhegaystay fikradahooda iyo halka xaal maraayo is waraysi iyo wada hadalo waxa ay isla qaateen in maanta dhalinyaradu u baahantahay isbedel dalka ka dhaca. Waxana la odhan karaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu kasbaday dhamaan dadka uu suldaanka u yahay waxana uu sidoo kale socdaalo ku tagay miyiga isga oo kasbaday dadka reer miyiga ah oo ku taageeray in dalku u baahanyahay isbedel. Sawirkani waa beesha Isaxaaq oo taageero u muujisay Cabdiraxmaan Cirro oo uu badhtanka ugu jiro. 2. Ta labaad waxa Muuse iyo xubnaha ku jira xukuumadiisa joog iyo jiifba u diiday musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isna kasbaday dhamaan beesha bariga Hargeysa iyaga oo ku garab istaagay in dalku uu u baahanyahay isbedel si dalka loo bad baadiyo. Hadaba labadaas arin ayuu buuqa ka taagan Bariga Hargeisa uu salka ku hayaa waana sababta keentay in la weeraro Saldanada Guud uu hayo suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo loo magacaabo nin lale isla.markaasna la weeraro oo wax laga sheego beesha Habaryoonis iyada oo laga urinaayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Isku soo wada duuboo kulankii shalay ee xukuumadda Muuse soo abàabushay uu weerar ku ahaa uun Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro oo midkoodna aan waxba waxani iyo wax la mid ah lagaga qaadi karin. Beesha bariga Hargaysina waxa ay u balansantahay in la dhiso oo codka beesha Isaxaaq Care ee hada la hayo oo ah 92kun oo cod ah dalka lagu bad baadiyo oo la siiyo oo lagu soo saaro Cabdiraxmaan Cirro. Beesha Isaxaaq waa caano iyo nabad wax colaad iyo dagaal midna kuma shaqo laha ee yaan la isku aakhiro seegin. Qaran News
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo halis ugu jira in xilka laga xayuubiyo kadib khilaaf ka dhex-qarxay isaga iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo saaray codsi iyo raaligalin. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa codsigaan u gudbiyay madaxweynihii Ruto Axadii maanta, isagoo sheegay in uusan garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, hadana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego shacabkiisa Kenya. “Waxaan rabaa in aan ku iraahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto, haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” ayuu yiri Mr Gachagua. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkaan ka sheegay kaniisad ku taalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi. Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in uusan wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaladantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso,” ayuu hadalkiisa ku sio daray. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyanka ah ee doonaya in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku dhiibanayaan. “Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo hadii ay jiraan wax aan sameynay ama dhahnay oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, fadlan i cafiya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya. Baarlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Gachagua, guddoonka ayaa qabtay mooshinkaas, wuxuuna sugayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda, hadii codsiga odaga uusan xaaladda wax ka bedelin. Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa talaadadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo. Sidoo kale waxay Gachagua ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Gachagua ayaa cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay. The post Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo galay xaalad adag, iskuna daray codsi iyo calaacal appeared first on Caasimada Online.
  7. Garowe (HOL) – Puntland's Vice President, Ilyas Lugatoor, has expressed support for Jubbaland President Ahmed Mohamed Islam Madobe's proposal to include Puntland in the ongoing National Consultative Council (NCC) meetings in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay qaadeyso tallaabo ay uga hortageyso hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo geliyo, kaas oo badanaa ka yimaada dhanka Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xudduudaha dalka,si loo xakameeyo hubka sharci darrada ah. Fiqi ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo amniga qaranka, laguna hortagayo hubka sharci darrada ah, oo halis ku ah xasiloonida guud ee dalka. “Hubka sharci darrada ah ee ka imaanaya Itoobiya wuxuu khatar weyn ku yahay amniga qarankayaga. Waxaan qaadi doonaa tallaabo adag oo aan ku xakameyneyno xuduudaheena,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan xaqiijineynaa in cid kasta oo ku lug yeelata howlahaas, iyadoo aan loo eegin xaaladdooda in lagu daro liiska madow, lagulana xisaabtami doono.” Tallaabadan ay ku dhowaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ay imaaneysa xilli toddobaadyadii lasoo dhaafay hub sharci darro ah oo ka yimid dhanka Itoobiya uu soo galay gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka ayaa haatan ku howlan sidii ay u xakameyn laheyd hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo gelinayo, xilli uu dalka ku jiro dagaalka Al-Shabaab iyo dagaal diblumaasiyadeedka Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. The post Dowladda Soomaaliya oo ku dhowaaqday tallaabo culus oo ay uga hortageyso… appeared first on Caasimada Online.
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/AQPci7reP7tMvXBx1Z_OnkQ41FKCMrHWRnCWlOqIYwkK4F6Kp6B4BLMQRJn5sV2NEr2yDStVG6xw4CzHigZqgJ3w.mp4 Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kulankii u horreeyay la qaatay La-taliyaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Flannery Robert. Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal ee saaxiibka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay taliska booliska. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray qorshaha dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee ku aadan ciribtirka argagaxisada iyo tayeynta ciidamada booliska Soomaaliyeed. Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) oo dhawaan xilka la wareegay ayaa kulamo la qaadanayay saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka. Taliyaha cusub oo horay uga soo shaqeeyay arrimaha ciidamada ayaa laga sugayaa isbeddal iyo inuu horay usii wado wajibaadka laga rabo booliska Soomaaliyeed. Arrimaha ugu muhiimsan ee haatan horyaallo ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada amniga caasimada oo inta badan weeraro ka fuliso Shabaab iyo horumarinta ciidanka Booliska. The post Taliye Asad Diyaano oo wada-hadal xasaasi ah la yeeshay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  11. Somalia’s millennials, the generation born on the eve of the collapse of the Siad Barre government, have lived their entire lives in conflict. For us, the only constant has been instability. We have waited for decades for a government that works, and when one finally began to emerge, so did our hopes for change. But that hope is now dimming, and we are left wondering: will anything ever change? Source: Hiiraan Online
  12. When Somalia first attempted to embrace federalism, there was hope, a genuine opportunity to rebuild our nation after years of bloodshed and turmoil. The promise of giving regions a voice and establishing power-sharing that respected local needs seemed like a way forward. However, it hasn't worked. What was meant to unite us has only deepened our divisions, leaving us more scattered than ever. Source: Hiiraan Online
  13. On Friday, Ugandans woke up to a barrage of tweets from the Chief of Defence Forces (CDF) Gen Muhoozi Kainerugaba castigating US ambassador to Uganda William W. Popp for allegedly undermining the government of President Yoweri Museveni. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) – The Acting Special Representative of the UN Secretary-General, James Swan, has expressed concern over ongoing tensions between Somalia and Ethiopia following a controversial Memorandum of Understanding (MoU) signed between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland on January 1, 2024. Source: Hiiraan Online
  15. "Today we all witnessed a historic moment for our country," Bayraktar said in a post on X. Source: Hiiraan Online
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/462290954_900972002131967_3808320920942661625_n-1.mp4 Qaran News
  17. Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaalieed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay Lataliyaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ee Safaarada Mareekanka ee Soomaaliya mudane Flannery, Robert. Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal, qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed oo dhowaan xilkaas loo magacaabay ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta howlaha nabad-gelyada la xariira iyo tayeynta ciidanka. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu leeyahay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida. Fahad Yaasiin ayaa Xamza ku amaanay dhaqankaan oo uu ku sheegay “inuu marwalba daacad u yahay hadba ninka uu la jiro ama soo magacaabay isaga.” “Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida. Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta. Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta uu gar iyo gar-darro uu Xamza garab taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu haatan ku dhagan meel-marinta qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida. Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam. Maantana markuu noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuu sidii lagu yaqaannay gar iyo gar-darro, garab u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waa nin ka dhaqan duwan madax badan oo dalka soo martay iyo kuwa haddeerba xilal haya. Mar walba wuxuu daacad u yahay qofkii magacaabay iyo shaqadii loo igmaday. The post Fahad Yaasiin oo Xamza ku amaanay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka dambeyso dacaayado ka dhan ah madaxda qeybta ka ah shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho. Agaasimaha xiriirka dadwaynaha iyo madaxtooyada ee maamulka Jubalanad Maxamed Xasan Xiis ayaa eedeynta u jeediyay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sheegay in masuuliyiinta Villa Somalia ay lacag ku bixinayaan arrintaan. “Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenan kala aragti duwananta jirta iyadoo agaasimahadii warfaafinta iyo xafiiskaagu ay lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada madaxda aad ku casuuntay shirka madasha,” ayuu yiri agaasime Maxamed Xiis. Tan ayaa imaaneysa iyada oo aysan weli wax natiija ah kasoo bixin shirka Muqdisho uga socda madaxda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, uuna maanta galay maalintiisi shanaad. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lasoo warinaya inuu haatan ku adkeysanaya in hanaanka doorashooyinka qof iyo cod aanu suurta-gal ahayn in laga qabto Soomaaliya iyadoo aan heshiiska laga soo qeybgalin Puntland iyo Khaatumo. Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad-goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed. Xujadaan cusub ee Axmed Madoobe la yimid waxay ku soo aadeysaa iyadoo xalay maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo uu codsaday in lagu casuumo shirarka golaha wadatashiga qaranka ee go’aanka looga gaarayo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad-goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Lafta-gareen iyo Qoor-Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan. The post Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somalia xilli la isku mari la’yahay shirka appeared first on Caasimada Online.
  20. 462319199_573780148429899_1179345138715225933_n Qaran News
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar deg deg ah ugu baxay magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga Carbeed (UAE). Madaxweyne Siciid Deni oo muddooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in safarka lagu wargeliyay saacado yar ka hor inta uusan ka dhoofin Boosaaso kadib markii uu marti qaad deg deg ah ka helay dowladda Imaaraadka Catabta. Ilaa iyo hadda xog intaasi ka baxsan lagama helin safarka Madaxweyne Deni uu ugu baxay magaalada Dubai iyo ujeedad ay ugu yeertay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu saaxiib dhow la yahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta safar deg deg ah ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay qorshaha howl-galka gaba-gabada ah ee ATMIS iyo kan xiga ee qorshihiisa uu socdo. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ciidanka ATMIS kala wareegay in ka.badan 27 xarumo oo guud ahaan dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xarumo intaas lamid uu qorshuhu yahay in saddexda bilood ee soo aadan ATMIS kala wareegaan ciidamada xoogga dalka. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wejigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhiman tahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka in wixii ka dambeeyo sanadkaan uu bilaaban doono howl-galka cusub ee AUSOM, iyadoo haatan ay soccaan arrimo farsamo oo lagu dhameystirayo howl-galka cusub ee bilaaban doono wixii ka dambeeyo bisha December ee 2024. “Wada-hadal ku aadan howl-galka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa,” ayuu yiri wasiir Jaamac. Wasiirka ayaa carabaabay in xilligaan ay dood taagan tahay ciidanka Itoobiya oo uu sheegay haddii aanay dowladooda ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howl-galkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan. Si kastaba, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa haatan u diyaarsan la howl-galka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado kan ATMIS oo ay ka harsan tahay saddex bil keliya. The post DF oo shaacisay tirada fariisimaha lagala wareegay ATMIS iyo qorshaha xiga appeared first on Caasimada Online.