Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceefda lo soo gaabiyo (IMF) ayaa sheegtay in ay siin doonto $ 11 bilyan 32-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaas oo codsaday caawimaad si aay ula dagaallamaan cudurka halista ah ee Corona Virus, kaasi oo sameen balaaran ku yeeshay dhaqaalaha wadamada soo koraya. Dowladda Galbeedka Afrika ayaa kudalbatay taageero bulsho iyo mid dhaqaale oo gareeysa 1.7 tirilyan oo u dhiganta ($ 2.8 bilyan), si ay hortag ugu sameyaan xanuunkan halista ah. Dhibatooyinka uu sababay COVID 19 waxaa ka mid ah hoos u dhigida canshuuraha shirkadaha iyo ganacsiga yar yar iyo dhimista kharashka sanadlaha ah ee wadamada taagta daran. Wadanka Ivory Coast ayaa kamida dalalka qaaradda Africa dhaca ee uu saameyey Xanuunka Covid-19, waxaana uu diiwaangaliyey 688 qof oo qaba Cudurkan, halka 193 kamida ay kasoo kabsadeen, waxaana u geeriyooda Fayruskan 6 ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Mogadishu ( PP News Desk) — The President of the Federal Government of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed today launched in Mogadishu a programme of assistance for Somali youths and the have-nots. Known as Baxnaano ( Remedy), 1.3 million Somali citizens will benefit from the first phase of the programme. President Mohammed launching Baxnaano Programme in Mogadishu President Mohammed commended the Federal Government for keeping the promise to introduce basic services for citizens. “The assistance programme is timely because our country is fighting Covid-19” President Mohammed said. “The ninth National Development Plan is ready to combat poverty, food insecurity with particular attention to people vulnerable to emergencies such as droughts and other natural disasters.” The programme will be implemented in 21 districts. Four million dollars will be committed monthly to the programme. Farmers whose crops were affected by locusts are among beneficiaries. President Mohammed urged the Federal Ministry of Labour and Social Affairs, the lead ministry, to implement the project effectively and transparently to help beneficiaries to gradually become self-sufficent. © Puntland Post, 2020 The post PRESIDENT OF SOMALIA LAUNCHES AN ASSISTANCE PROGRAMME FOR THE POOR AND YOUTHS appeared first on Puntland Post.
  3. Guriceel (Caasimada Online) – Cabsi xooggan ayaa ka taagan magaalada Guriceel ayada oo wararka ay sheegayaan in kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qorsheeneyso inay dib ula wareegto gacan ku haynta magaalada. Ahlu-Sunna oo aan warkooda la maqal tan iyo markii looga adkaaday Galmudug, ayaa 16-kii April soo saartay qoraal uu ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Shaakir, oo ka mid ah madaxda ururkaas. Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Ahlu-Sunna ay diyaar u tahay in bulshadeeda “ay ka badbaadiso in lagu dhex faafiyo afkaarta xagjirka ah” maadaama buu yiri “ay dowladda ku beereyso Galmudug Al-Shabaab iyo Daacish.” Hadalkan ayaa loo arkay hanjabaad toos ah, waxaana xigay ciidamo la sheegay in lagu arkay duleedka magaalada Guriceel, kuwaas oo ilo-wareedyo ay sheegeen inay doonayaan in magaalada ay qabsadaan. Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo madaxweyne Qoor Qoor, ayaa sidoo kale u muuqda inuu arrintan ka war-hayo, waxaana si dadban uga hadlay afhayeenka maamulka Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed. Taardhuleed ayaa sheegay in maalmahaan ay maqlayeen warar ka dhan ah Amniga Degmada Guriceel, waxaana uu soo jeediyay in guud ahaan laga wada qaybgalo abaabulka looga hortagayo. “Maalmahaan waxa aan meelahaan ka maqlaynay cariga waa loosoo dhuuntay, igama dhego-yaridiin, waxaan rabnaa in la is xusuusiyo wixii loosoo maray, iyadoo dowladnimada shaarkeeda lawada wato waa in la waardiyeeyo” ayuu yiri Taardhuleed. “Cadawgii meeshaan lagula diriray ayaa laga waardiyeenayaa, Dadkii la diray waa ay joogaan iyaga oo ah saraakiil, saraakiil xigeeno, dabley iyo shacab, waana in isla shaqeeyaa si looga guuleysto,” ayuu yiri. Dadka magaalada Guriceel ayaa sheegaya inay aad uga cabsi qabaan dagaal magaalada ka dhaca ayna ku sugan yihiin xaalad feejignaan ah.
  4. Tirada dadka ugeeriyooday xanuunka halista ah ee Corona Virus ayaa gaaray 154,000 Adduunko idil ah, sida laga soo xigtay Jaamacada Johns Hopkins xarunteeda Maryland. Gudaha Mareykanka dadka uu haleelay xanuunkan ayaa gaaray 700,000, hakaka Tirada dhimashada lagu sheegay 37,000. Dalka Spain tiradda guud dadka uu ku dhacay Cudurkan waxay gaartay 190,839, tirada dhimashaddana waxaa la sheegay 20,002, halka tiradda ka bogsatay ay gaartay 74,797. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in 27 kiis oo hor leh kuwaasi oo qaba coronavirus, sida la xaqiijiyay dhammaan dadkan waxay ka yimaadeen gobolka waqooyi-bari ee xadka la leh Dalka Ruushka. Ugu danbeeyntii Tiradda guud dadka Caalamka ee qaba xanuunkan ayaa gaaray 2,251,768 halka dhimashad ay mareyso 154,000 sidokalana 574,383 dad gaaraya ayaa bogsooday xanuunkan halista ah ee sameeyay inta badan dadka Caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Wararka ka imanaya magaalo xeebeeda Berbera ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ka da’een roobab ay ku qabowsadeen dadka degan gobolkaasi. Roobabkan ayaa hadda ka da’aya, waxaanu roobkani uu imanaya jawiga magaalada Berbera oo maalmihii u dambeeyey aad u kululaa, balse dadweynuhu waxa ay ku qabowsadeen Nimcada Alle. Dhinaca kale roobabkan oo ka da’ay meelo badan oo Somaliland ka mid tahay ayaa aad loogu diirsaday. Source
  6. NAIROBI (HOL) - Nairobi’s Eastleigh market has been closed down by the government following the spread of COVID-19 cases in the estate which stand at about five though unconfirmed reports indicate the numbers could be way higher. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed. “Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.” Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabkeenna Soomaaliyeed oo u ooman adeegyada dowladeed. Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba. Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Barnaamij loogu magac daray Baxnaano, oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah. Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada, barnaamijkan ayaa waxaa wajigiisa 1-aad ka faa’iideysanaya 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka. Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Milyan oo doolar bishiiba. Inkasta, oo aan laga bixin faah-faahin badan, haddana haddii sida dowladda ay sheegtay lacagta 4-ta milyan ah loogu talo-galay 1.3 milyan oo qof, waxaa midkiiba bishii kusoo aadeysa lacag qiyaastii 3 dollar oo kaliya ah. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka. Waxa uu tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed. “Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9-aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabka. Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka.
  9. Taliska Ciidanka Booliiska dowlad goboleedka Puntland ayaa war cusub ka soo saaray isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaannadaasi sababo la xiriira cabsi laga qabo faafitaanka xanuunka Coronavirus, taliska ayaana xusay in maanta laga billaabo la mamnuucay isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaannada dowlad goboleedka Puntland. Qoraal ka soo baxay Taliye ku xigeenka Booliiska dowlad goboleedka Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali, oo ku socotay dhammaan Taliyaasha qaybaha Booliiska gobollada Puntland iyo shirkadaha gaadiidleeyda, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isu-socodka gaadiidka isaga goosha gobollada iyo degmooyinka maamulka Puntland. Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed. Barnaamijkan ayaa la sheegay in wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysan doona 1.3 Malyan oo danyar ah oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed. “Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay daah-furka barnaamijkan. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u ooman adeegyada dowladeed. Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa sheegayin laga hirgelinayo 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba. Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka. PUNTLAND POST The post Barnaamij taakule dhaqaale lagu siin doono danyarta oo la daah-furay appeared first on Puntland Post.
  11. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today published new guidance (advices) setting out how journalists and media houses in Somalia can meet their media duties as they navigate the effects of the coronavirus pandemic. Following the announcement by the government to impose curfew on Mogadishu, NUSOJ made representation to the Federal Government and appealed for the government to categorise the media as “essential services” that will not be restricted during the curfew. The union justified how journalists must be regarded as vital keyworkers in times of crisis. In less than 24 hours, government responded positively to NUSOJ’s appeal and the Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire officially classified the media as essential services. In light of this positive development, NUSOJ releases this new guidance which will give journalists and media houses a set of useful advices to ensure safe and responsible journalism during the fight against COVID19 pandemic. “Ensuring media is categorised as essential service was one important win for us in this situation as we wanted to ensure that those journalists who are doing vital public interest journalism reporting the impact of the COVID-19 crisis, are able to go about their work without interference or restriction” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. In this crisis, NUSOJ intends to highlight why quality journalism, which is using unfettered access to information, is vital and the huge role that Somali journalists and their media houses are playing in providing information to the citizenry and working with relevant authorities. View the full article
  12. Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya Guri ku soo dumay qaybo ka mid ah Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir. Xildhibaan ka rirsanaa Golaha Shacabka ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo in muddo ah ku xanuunsana. Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo maaintii 5aad u xiran amar ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya, xilli Maxkmadda Gobolka ay amartay in xabsiga lagu siihayo. Ururada u dooda Saxaafadda Somaliya ayaa cambaareyya xarigga Weriye Cabdicasiis Gurbiye loogu gaystay Muqdisho, dowladdana u soo jeediyay in la sii daayo weriyaha xiran. Wasaaradda caafimadka Dalka ayaa shegtay in 36 qof oo cusub laga helay Coronavirus. Soomaalida ku nool Dalka Koonfur Afrika ayaa deeq gaarsiiyay qoysas ka mid ah dadka reer koonfur Afrika, kaddib bandow lagu soo wada rogay magaalooyinka dalkaas. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaysa Xamdi Baraale https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-galabnimo-18-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaas oo haatan ku xiran xabsi ku yaalla degmada Balanbale ee gobolkaasi. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa ujeedka howlgalladaan ku sheegay in lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi iyo deegaanada hoos-yimaada. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ay ka wadaan gobollada Mudug iyo Galgaduud. View the full article
  14. Somali lawmaker, Adan Hassan Ali has on Saturday passed away in Mogadishu. His death was confirmed by fellow members of parliament. The legislator was battling kidney failure in the past week where he was admitted to a hospital in the Somali capital. Various government officials have sent their condolences to the family of the late politician. The member was part of the house finance committee and lower house representative from Hirshabelle state. View the full article
  15. Faah faaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay duleedka magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Carabow Cumar, iyadoo raggii ka dambeeyey toogashadaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan u geysata askarta dowladda ay ku sugan gudaha iyo daafaha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Basaska Ka Dhex Shaqeeya Caasimada Hargeysa Oo Qiimaha Lagu Raaco Kordhiyey Kadib Markii Xukuumadu Amartay In Kala Badh Ay Ka Dhigaan Tiradii Hore Ay U Qaadi Jireen Cudurka Coronavirus Awgeed. Mid Ka mid ah dirawalad Basaska Yarayr ee Mini-Buska Loo Yaqaano Ayaa ii sheegay mar aan waydiiyey sababta keentay inay qiimaha lagu raaco baska ay kordhiyaan, ayaa tilmaamay in ay u kordhiyeen markii rakaabka raacayey laga yareeyey oo kala badh intii ay hore u qaadi jireen laga dhigay in aanay isku bixinayn in qiimihii hore ay dadka ka qaadaan. Waxaana la arkayey Basaska oo dadka rakaabka ah ka qaadaya 3,000SLSH, Halkii uu markii hore ahaa 2,000SLSH. Hase yeeshee ma jirto meel shacabka iyo iskaashatada ay ku kuleen oo la iskula ogolaaday in qiimaha Basaska la kordhiyo. Maanta ayaa waxa si buuxda u dhaqan galay go’aankii guddida ka hortaga COVID19 ee ku wajahnaa daadiidka dadweynaha qaadka ee iskaga kala goosha gudaha magaalooyinka Somaliland, gaar ahaana Caasimada Hargeysa, waxaana la arkayey gaadiidkaasi oo qaadaya intii guddidu soo jeedisay. Source
  17. Xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa fariin ku aadan cudurka Coronavirus u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed. Cumar Faaruq ayaa ugu baaqay suxufiyiinta inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan ah, si looga hortago faafitaanka cudurkaasi oo ah mid saf-mar ah. Sidoo kale wuxuu kula taliyey wariyeyaasha Soomaaliyeed inay ka fakiraan bad-qabka naftooda, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka. Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa sidoo kale fariintaan ku sheegay in xarumaha warbaahinta looga baahan yahay inay yareeyaan isu-imaatinada, sida in dad lagu casuumo istuudiyaha, taas oo uu sheegay inay ka qeyb qaadaan karto faafitaanka cudurka halista badan ee Covid-19. Faaruuq oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ka urur ahaan ay kala hadleen in doorkeeda loo daayo warbaahinta, si ay wariyeyaasha qeyb uga noqdaan barnaamijka wacyi-gelinta iyo ololaha lagula dagaalamayo xanuunka. Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay suxufiyiinta inay aysan ku xad-gudbin xogta qofka bukaanka ah, islamarkaana aan la soo bandhigin, si loo ilaaliyo sharaftiisa. View the full article
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee dalka, Donald Yamamoto ayaa lagu eedeyay in Somaliland aysan siin qeybtooda ay ku leeyihiin deeqaha Beesha caalamku ugu yaboohdo Soomaaliya. Michael Rubin, oo ah Aqoon-yahan Mareykan ah oo u dooda madax-banaanida ay Somaliland raadineyso, ayaa eedeyntaasi u jeediyay Dowladda Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka, isagoona ka hadlay qaabka ay Somaliland u wajaheyso cudurka Coronavirus. Michael ayaa warbixin arrintaasi ka hadleysa ku baahiyay qaar kamid ah Warbaahinta Mareykanka, midaasi oo ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ka go’day 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay, inkasta oo aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi. Rubin ayaa Safiirka Soomaaliya, Yamamoto ku eedeeyay in uu deeqaha Soomaaliya oo dhan u gacan galiyay dowladda dhexe, midaasi oo uga dan leeyahay sidii dowladda federaalku ay gacanta ugu dhigi laheyd maamulada dalka. Talaabada Yamamoto ayuu Michael Rubin ku tilmaamay mid khaldan oo uu istusay safiirku, xili ay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto, buu yiri “liiska dalalka guul-dareystay,” sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu Rubin si weyn u dhaliilay kaalmada dowladda federaalka loogu yaboohay si ay ula dagaasho cudurka Corona, midaasi oo dhameyd sida uu sheegay $240 Milyan, oo aan laga qeyb galin Somaliland. Rubin ayaa amaan kala dul dhacay Somaliland oo uu sheegay inay cudurka Coronaha u maareysay si wanaagsan, xili ay soo if-baxayaan in Guddiga ka hortaga ee xukuumada Biixi aysan qaadin talaabooyinkii ku haboona. Somaliland oo iyadu ku dooda inay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, ayaa haddana waxa badanaa la arkaa iyada oo ka cabaneysa in qeybteeda la siin deeqaha loogu yabooho dowladda federaalka Soomaaliya.
  19. Facebook ga oo dhaliilay qaabka ay dawladdu uu maaraynayso COVID-19. 14 April 2020, waxa la xidhay Maxamed Abiib Yuusuf oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga talada haya, kadib markii uu dhaliil u jeediyay qaabka ay u qaaday talaabooyinka karantiinka ee ay dawladdu qaaday si ay u xakamayso dadka laga helay COVID-19. 16 April 2020, Booliisku wuxuu sidoo kale xidheen Cabdiraxmaan Maxamed Daahir oo isna soo dhigay qoraal dhaliil ah oo ku saabsan habka ay dawladdu ula tacaalayso COVID-19. Maxamed iyo Cabdiraxmaan waxa ay caan ku yihiin inay baraha bulshada ka dhaliilaan dawladda. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay ka walaacsan tahay in dawladdu u isticmaalayso COVID-19 si ay u aamusiiso dadka iyada dhaliila. Labaduba waxa ay ku xidhan yihiin Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa. Dawladda Somaliland weli kama hadal xadhigan. Haseyeeshee, ilo ay ku kalsoon tahay ayaa u xaqiijiyay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanu jirin amar garsoore ka soo baxay oo xadhigooda jideeyey. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxa ay walaac ka qabtaa in dawladdu xanibaado ku soo rogtay xorriyadda cabiraadda xiligan lagu jiro COVID-19 oo ay u isticmaalayso cudurkan faafaya inay bartilmaameedsato dadka dawladda dhaliila. Waxaannu ugu baaqaynaa dawladda inay sii dayso labadan nin ee u xidhan hadal ay ku qoreen baraha bulshada oo ay ogolaato in shacabku xaq u leeyahay inuu dhaliilo talaabooyinka ay dawladda ka qaadayso ama aanay ka qaadin sidii loo xakamayn laha cudurka COVID-19. Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaaday xorriyadda hadalk iyo cabiraadda sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka. Xaruntu waxa ay dawlada ka codsanaysaa inay ixtiraamto xorriyadda cabiraadda oo ay u dulqaadato araahda kala duwan. Yasmin Omar Haji Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Mobile: +252 (0)634472011 Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Aadan Cali Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxwyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumka oo ka tirsanaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu door wanaagsan ka qaatay dib u habeynta hannaanka dhaqaalaha dalka, muddadii uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka, islamarkaasna uu ugu shaqeeyey dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed hufnaan, wadaniyad iyo daacadnimo. “Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Aadan Cali Xasan waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday. View the full article