-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro cusub oo dad ah oo laga helay cudurka Coronvirus iyo kuwa kale oo dhintay.. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka eyey maanta ku xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka. 41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 2
-
Somaliland: Tirada Dadka Uu Hayo Covid 19 Oo Hoos U Dhacday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee la xidhiidha xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Wasaarad ahaan in qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Covid_19. Qofkan saddexaad ee Agaasimuhu sheegay inuu ka bogsaday xanuunka ayaa hoos u dhigaya Tirada Dadkii uu Xanuunku Somaliland ku soo ritay, waxayna hadda noqonaysaa in saddex Qof oo keliya uu hayo xanuunku. Source -
Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inuu saameyn ku yeeshay Covid-19. Cabdiraxmaan Garyare ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu daran ay wajahayaan dadka barakacayaasha ah oo aan muddooyinkii la soo dhaafay helin wax gargaar ah, kadib markii hay’adaha Samafalka ay hakiyeen shaqooyinkooda, sababo la xariira Corona. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in haatan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayaan qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhinaca kale wuxuu carabka ku dhuftay inay sharciga la tiigsan doonaan qof alaala oo lagu soo qabto isagoo bishaan Ramadaan sameynaya waxyaabo aan banaaneyn. Garyare ayaa ugu dambeyn xusay inay sameyn doonaan howlgallo lagu soo qab-qabanayo dadka ma Soomayaasha ah ee ku sugan deegaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ppppppp.mp3 View the full article
-
Dhakhtarad safka hore kaga jirtay la dagaalanka Coronavirus oo isdishay Dhakhtar ka howlgalaysay magaalada New York, oo ka mid ahayd dadkii safka hore ugu jiray la dagaalanka coronavirus ayaa isdishay. Dr Lorna Breen, oo ahayd madaxa qaybta daryeelka degdega ee isbitaalka Allen ee magaalada New York ayaa u dhimatay dhaawacyo ay isgaarsiisay maalintii Axadda ahayd, sida ay booliska sheegeen. Aabaha haweenaydan 49 sano jirka ah, Dr Philip Breen, ayaa yiri, “Dadaalkii ay shaqadeeda ugu jirtay ayaa dilay.” Tirada kiisaska dhimashada ee magaalada New York ayaa gaarty 17,500. DR LORNA BREEN Qaran News
-
Muqdisho (caasimadda online) – Qaar ka mid ah qabri qodayaasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay culeys badan kala kulmayaan tirada dadka ku dhimanayo magaalada oo sii badanaya. Mid kamid ah qabri qodayaasha oo lagu magacaabo Cali Maxamed lana hadlay telefishinka Shabelle ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka shaqeeyo hal goob oo dadka lagu aaso, ayaa sheegay inay maalintii qodaan 30-40 qabri, islamarkaana ay maalmaha qaar ka tagaan iyagoo dhammaan dad ku aasay. “Maalintii waxaan qodnaa 30-40 god, mararka qaar waxaan ka hoyanaa iyadoo 10 kaliya aan waxba lagu aasin, halka maalmaha qaar dhammaan la isticmaalo,” ayuu yiri. Cali Maxamed ayaa sheegay in dadka ay aasaan dhammaantood ay kawada sinaayeen inay ku jireen darees cad oo uu ula jeeday kuwa loo geliyo dadka uu ku dhaco cudurka coronavirus. “Waligey intaan shaqadaan ku jiray ma arkin inaan hal goob hal maalin ku aasno tiro intaan la eg, dhammaan dadka aan aasnay waxay ka sinayeen inay ku jireen dhar cad cad,” ayuu sii raaciyey. Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo dadkaan tirada badan ee maalin kasta lagu aasayo Muqdisho inay u dhinteen cudurka coronavirus oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu si weyn ugu faafay magaalada. Waxaa aad u yar tirada dadka ay maalin kasta dowladda ka baari karto cudurka, taasi oo horseeday in dad badan ayaga oo qaban xanuunka ay iska socdaan magaalada. Caasimada Online ayaa horey u qortay in dadka magaalada ay ka cabanayaan xanuun isku mid ah oo cusub, islamarkaana leh astaamaha Coronavirus, oo ku dhacaya. Halkaan hoose ka daawo warbixinta qabri qodayaasha.
-
Wasiir ka tirsanaa dowladda Jabuuti oo u geeriyooday Corona
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa Jabuuti ku dhintay wasiirkii madaxtooyada u qaabilsanaa dhanka maalgashiga, Ali Geulleh Aboubaker, sida ay xaqiijinayaan wararka lag helayo dalkaasi. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus oo fara ba’an ku haya jamhuuriyadda Jabuuti. Taariikhda marxuun Ali Geulleh Aboubaker Wuxuu ka mid ahaa oo lagu xasuusta asaasayaashii jabhaaddi la dagaalantay 1991-kii dowladdii Waqtigaas uu hogaaminayay madaxweyne Hassan Guuled Abtidoon, ujeedkii ugu Weynaa ee dagaalkan ayaa waxa uu ahaa sidii aay Canfarta saami culus uga heli lahayd dowladda. Masuuliyiinta jabhaadii Canfarta Frud oo uu ka mid ahaa marxuunku ayaa waxa aay aqbaaleen inay wadahadal la furaan dowladda ugu dambeynna waxa ay aqbaaleen inay qaatan heshiiskii lagu magaacabay Ambaaca 26 Desembar 1994-kii . Heshiiskii kadib waxaa loo magaacabay marxuunka madaxa xafiiska madaxweyne Jabuuti oo uu 17 mamuulayay sidoo kale sanadkii 2016-kii waxaa uu noqday madaxii ololaaha doorashadii madaxweyne Geulleh . MarkiI uu ku guulestay madaxweyne Ismaacill Cumar Geulleh xilka 12 may 2016-kii ayuu u magaacabay wasirka malgashiga madaxtooyada Jabuuti . Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa tacsi u diray qoyskii u ka baxay marxuunka iyo dadki uu u dhaawa intaba isaga oo ku amaanay doorkii uu ku laaha nabadda iyo horomarka dalka Jabuuti. View the full article -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirro PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo booqday boqollaal Qoys oo ku bara-kacay Fatahaadda Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga hadlay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Somalia. Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ayaa sheegay in xaaladda dalka ay mareyso meel adag, islamarkaana loo baahan yahay in la’iska wada kaashado ka hortagga Covid-19. “Khatarta Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka & indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.” ayuu yiri Sh. Shariif. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xanuunkaan oo ay wax ka qaban waayeen dowlado waa weyn aysan haatan Soomaaliya awood u laheyn xakameyntiisa. “Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa.” ayuu yiri markale Madaxweynihii hore. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya uu si weyn ugu sii faafayo cudurka Coronavirus oo illaa iyo hadda la shaaciyey kiisas gaaraya ku dhowaad 500 oo ruux. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay daadadkii xalay ku rogmaday Magaalada Qardho, kuwaasi oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Karkaar Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood. Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaan kamid ah Wasiirka Gargaarka, Boostadda iyo Isgaarsiinta, Qorsheynta, Warfaafinta, Wasiir dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in Guddiga si deg deg ah gurmad u gaarsiiyan dadka shacabka ee waxyeelada kasoo gaartay daadadka ku rogmaday Qardho. Magacyada guddiga 1- Mudane Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha XFS -Guddoomiye 2- Mudane Maxamed Burci Xamsa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka – Xubin 3- Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta XFS – Xubin 4-Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta XFS – Xubin 5- Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha – Xubin 6- Mudane Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta – Xubin 7-Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda – Xubin 8- Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka- Xubin PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadda Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Qardho (PP News Desk ) — The district of Qardho woke up last night to floods caused by torrential rains of the spring season. Initial reports indicated three people have lost their lives. A clearer picture is emerging about the impact of floods that have affected more than two-thirds of the district. A lorry being driven in flood-swept street in Qardho The Mayor of Qardho Abdi Saeed Osman told Puntland Post that so far six people had died. “Three children and three elderly people have died. Seven people are unaccounted for.” The Mayor said the district administration is still gathering information about casualties while responding to massive displacement with which the district is unable to cope without assistance. A property destroyed by floods Floods destroyed many properties and businesses. The district administration temporarily accommodated some families in schools. “Families have lost wealth as a result of floods and are waiting for temporary accommodation. Floods overturned many lorries” said Qardho Mayor. A car and lorry submerged in rainwater Puntland State President Said Abdullahi Deni arrived in Qardho this morning with a delegation to assess damages caused by floods. Torrential rains begun to fall on Monday afternoon. “Rubbles of stores and commodities inside them are indistinguishable” says a local businessman, who was surveying the plot of land where his store once stood. The Somali President urges collective response to floods in Qardho President of the Federal Government of Somalia Mohammed Abdullahi Mohammed has called on citizens and government organisations to collectively respond to the floods in Qardho. © Puntland Post, 2020 The post FLOODS CAUSE MASSIVE DISPLACEMENT IN QARDHO appeared first on Puntland Post.
-
Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo soo dhoweeyey wada-hadalladii maamulka Jubaland iyo Golaha Isbadal doonka Jubaland, ee hogaamiyey heshiis dib-u-heshiisiin oo ay kala saxiixdeen 23-kii April. Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed. Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.” Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan saamileyda siyaasadda Jubaland, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha siyaasadda, bulshada iyo odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiska la gaaray 23-kii April, islamarkaana ay fuliyaan tallaabooyinka xiga, ayaga oo sii wada wada-hadalladooda wax dhisi kara. Waxay sidoo kale sheegeen inay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubaland ee ah inay doonayaan inay la hadlaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda. Halkaan ka akhriso qoraalka oo Af-Soomaali ah PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo soo dhowaysay Dib u-Heshiisiintii Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Kadib markii Mareykanka uu maalin ka hor soo saaray warbixin uu ku qirtay in dad rayid ahaa ay ku dhinteen duqeymo diyaaradihiisa ay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa arrintaasi waxaa soo dhaweeyay hay’adda xuquuqul insaanka, Amnesty International. Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee hay’adda Amnesty International ayaa lagu xusay in Mareykanka uu qirtay inuu dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu ka fuliyey Soomaaliya, sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii. Agaasimaha Amnesty International u qaabilsan bariga Africa Sief Magango ayaa sheegay in warbixinta Mareykanka ay tahay midii ugu horreysay ee uu ku iftiimiyey in dad shacab ah uu ku dilay Soomaaliya, islamarkaana ay mudan tahay soo dhoweyn. Sief Magango ayaa tilmaamay in marka laga soo tago qirashada Mareykanka ee ah in dad shacab ah uu dilay aysan jirin wax isla xisaabtan oo arrintaasi uu kala kulmo Si kastaba ha’ahaatee hay’adda caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa ugu dambeyn sheegtay inay weli jiraan duqeymo kale oo u baahan falanqeyn iyo dib u eegis, kuwaas oo uu Mareykanka ka bixin jawaab rasmi ah. View the full article
-
Deeqdaan oo isugu jirtay raashin, dhar iyo dhowr neef oo Geel ah oo loogu tala galay maxaabiista ku jirta xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa hay’adda Hormuud Foundation waxa ay maanta ku wareejisay taliska ciidamadda Asluubta ee gacanta ku haya xabsigaasi. Madaxa hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullahi Nuur Cusmaan oo sharaxaad ka bixinaya deeqdaani ayaa sheegay inay ugu talagaleen in bisha barakeysan ee Ramadaan ay uga gudbaan maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, islamraakana aysan ahayn deeqdii ugu horeeysay ama tii ugu dambeysay oo ay soo gaarsiinayaan xabsigaasi Dhankiisa taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo guddoomay deeqdan kala duwan ayaa kaga mahad-celiyay hay’adda Hormuud Foundation gargaarka ay soo gaarsiiyeen maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiga Dhexe. Hay’adda Hormuud Foundation ayaa sidoo kale maanta ciidamada naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed guddoonsiisay deeq isugu jirta lacag iyo timir taas oo ka kooban 5000 oo dollarka Mareykanka ah iyo konton kartoon oo Timir ah. Afhayeenka ciidamada naafada ee ku jira isbitaal Martiini ayaa ka guddoomay Hormuud, isagoona uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan tahay dan-yarta. Maamulka hay’adda Hormuud Fondation ayaa ugu dambeyn sheegay inay sii wadi doonaan caawinta iyo tabarucaadda, islamarkaana ay ka qeyb qaadanayaan wax ka qabashadda saameynta uu haatan gudaha Soomaaliya ku yeeshay cudurka faafa ee Coronavirus Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Tripoli (Caasimada Online) – Jeneral-ka mucaaradka ah ee Khaliifa Xaftar ayaa si lama filaan ah u sheegtay inuu hadda kadib yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee maamula waddanka Libya, kadib markii sida uu sheegay ay shacabka siiyeen “sharciyad”. Khudbad uu ka jeediyey taleefishinkiisa Libya ee Al-Hadath TV, ayaa Haftar waxa uu ku sheegay in ciidankiisa isku magacaabay “Ciidanka Libya” ay “ku faraxsan yihiin in la siiyey sharciyad taariikhi ah” oo ay ku hoggaaminayaan Libya. “Waxaan ku dhowaaqeynaa aqbalaadda rabitaanka iyo amarka ramsiga ee shacabka ee ah inaan soo geba-gebeyno Heshiiska Sukheyrat,” ayuu yiri isaga oo ka hadlaya heshiiskii 2015 ay QM dhex-dhexaadisay ee lagu soo dhisay dowladda Heshiiska Midnimada Qaranka (GNA). “Hoggaamiyaha dhabta ah ee Libya maamuli doona waa aniga, mas’uuliyadda muwaadiniinta Libya aniga ayay qoorta ii saaran tahay.” Hadalka kasoo yeeray Jeneraalkan ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii guul darrooyin is xig-xigay la dhaxal siiyay maleeshiyaadkiisa dagaalka kula jira dowladda la aqoonsan yahay, oo taageero ciidan ka heleysa Turkiga. La-taliyaha dowladda GNA ee QM ay aqoonsan tahay ayaa diiday khudbaddii Haftar ee Isniintii. “Haftar waxa uu mar kale dunida tusay damaciisa kali-talisnimo,” ayuu yiri Mohammed Ali Abdallah. “Hadda kadib iskuma dayayo inuu qariyo sida uu u neceb yahay xal siyaasadeed iyo dimoqraadiyad ay Libya hesho. Hadalkiisa caawa waa kii ugu dambeeyey, ficil naf la-caarinimo ah oo kasoo baxay nin laga adkaaday,” ayuu yiri. Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa kasoo horjeestay is-magacaabista uu sameeyey Jeneral Xaftar, waxayna sheegeen in ay taageerayaan wada-hadallo dha xmara dhinacyada isku haya maamulka Lbya. Jeneral Xaftar ayaa wada muddo 6 sano ah dagaal uu ku doonayo inuu ku qabsado Tripoli, hase yeeshee meelna u dhaqaaqi waayey, waxaana ku naf waayey boqolaal qof, ayada oo ay ku barakaceen qiyaastii 200,000 oo qof. Tan iyo markii xukunka laga tuuray Muammar Qadaafi 2011, waxaa xukunka Libya isku heysto laba awood oo kala ah Taliyihii Militariga ee Bariga Libya Jeneral Haftar oo soo rogaal celiyey isagoo garab ka helayo Dowladaha Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyo Dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ee Tripoli ka dhisan, oo ay taageeraan Qatar iyo Turkey.
-
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, oo kamid ah Isimadda waawen ee Puntland, ayaa marka hore Tacsi u diray Shacabka Puntland gaar ahaan dadweynaha Qardho ee waxyeelladu ka soo gaartay daadadkii xalay ku fatahay Qardho. Beeldaajaha ayaa Tacsi gaar ah u diray qoysaska ay lasoo gudboonaatay Geerida Iyo Shacabka ku waayay Hantidoodi Fatahaadii Xalay ka dhacday Magaalada Qardho. Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Yaasiin, ayaa baaq deg deg ah u diraya Shacabka Puntland, Isagoo ka Codsaday in Gurmad lala soo gaaro Bulshada ku dhaqan Magaalada Qardho. Sidoo kale Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, ayaa u mahad-ceshay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahu Deni oo maanta gaaray Magaalada Qardho si Kor loogu qaado Taageerada Gurmadka loona Maareeyo Gurmadka Qardho ku Wajahan. PUNTLAND POST The post Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ku baaqay in loo gurmad Shacabka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Hormuud Foundation oo sanad walba marka la gaaro bisha barakeysan boqata xarunta xabsiga dhexe waxay geysaa deeq mucaawino ah oo ay ugu talagaleen maxabiista xabsiga ku jirta in ay fadliga bisha barakeysan ee ramadaan uga faa’ideystaan. Deeqdaan oo isugu jirta Bur Bariis, baasto, Sokor, Saliid, Caleen shaah, Cabitaan, Timid iyo 5-Neef oo Geel ah, waxaa kaloo Hormuud ay maxaabiista siisay dhar ay ugu tala gashay inay ku ciidaan maalin Ciida. xubno ka tirsan Hormuud Foundation iyo Salaam Somali Bank ayaa si wada jir ah u tagay xarunta xabsiga dhexe halkaasi oo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay sida wada jir ah ugu wareejiyeen,deeqda ay xasbiga dhexe geeyeen. Cabdullaahi nuur Cismaan Gudoomiyaha hormud Foundation ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqda maanta ay gaarsiiyeen xabsiga dhexe ee xamar. Maryan Aamiin Awies oo ka socotay Xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay ahmiyada ay ka dhigan tahay deqdan ay maxaabista xabsiga ee muqdisho maanta gaarsiiyeen. Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ad ugu mahad celiyay madaxda shirkadda hormuud qeybaheeda kale duwan sida ay u garteen in fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan Awgeed deeqdan u gaarsiiyaan maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar. Dhanka kale Hay’adda Hormuud Fondation ayaa ciidamada naafada ah xooga dalka soomaaliyeed gudoonsiisay deeq isugu jirta Lacag cash ah iyo Timir, waxaana Gudoomiyaha hormuud foundation cabdullaahi Nuur cismaan uu sheegay in deeqda ay kakoobantahay 5.000 (shan kun oo doolarka mareekanka) ah iyo 50 kartoon oo timir ah. waxaa deeqdaasi u gudoomay Ciidamada Naafada ah ee ku jira Isbitaalka Martiini afhayeenka Ciidamada naafada oo hay’ada hormuud foundation kaga mahad celiyay taageerada ay lagarab taaganyihiin dadka danta ayar mar walba. Halkaan ka daawo Sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Ibraahim Macalin ayaa laga ruqseeyay xubinnimadii Hay’adda NISA, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Ibraahim Macallin ayaa waxaa horraantii bishii March xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayada bil kadibna xilkaas loo magacaabay Yaasiin Farey, oo horey u ahaa madaxii ilaalada gaarka ah ee Fahad. Ilo-wareedyo ka tirsan hay’adda ayaa Caasimada Online u sheegay in ka ruqseynta Ibraahim Macallin ee hay’adda loo cuskaday eedeymo la xiriira inuu ku dhaqaaqay falal ka hor imanaya danaha qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hoggaanka hay’adda. Qoraalkan ayaa laga hor aqriyey hoggaanada kala duwan ee hay’adda oo lala wadaagayay eedeynta sarkaalkaas iyo go’aanka ka saarida xubunnimada hay’adda. Caasimada Online uma suurta-gelin inay la xiriirto Ibraahim Macallin, si ay wax uga weydiiso tallaabadan iyo eedeymaha loo jeediyey. Ibraahim Macallin ma ahan sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan NISA ee waayo xubinnimada hay’adda. Dhowr sarkaal, oo uu ugu horreeyo taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdala Cabdalla ayaa laga saaray hay’adda kadib markii loo soo jeediyey eedeymo kala duwan, oo ay ka mid yihiin inay ku xadgudbeen hanaanka shaqo ee saxda ah ee hay’adda iyo inay ku kaceen falal ka hor-imanaya danaha qaranka. Cabdalla Cabdalla, ayaa markii dambe xitaa laga xayuubiyey darajooyinka ciidan kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday. Dhammaad View the full article
-
Barnaamijka tartanka aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa lixaad ayaa waxaa ku baratami doono degmooyinka Xamarjajab iyo Cabdicasiis ee G/Banaadir. Labada degmo ayaa sidoo kale ku wada jira groupka C, is aragiisa koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Xamarjajab iyo Cabdicasiis ayaa ah labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyadoona haatan tartamayaasha degmooyinkaan ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ka qeyb-galka barnaamijka caawa. Barnaamijka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo weli maraya wareegiisii koowaad ayaa waxaa xalay wacdaro ka dhigtay degmada Warta Nabadda, kadib markii ay guul ka gaartay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sidaas ay ku noqotay degmadii labaad ee badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka, waxaana ka horreeyey oo kaliya degmada Daynile ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan guddiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaaray magaalada Baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo daawooyin caafimaad waxaana sidoo kale ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala-galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan. Guddigaan oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa inay socdaalkooda Baydhabo soo gababeeyaan isla maanta, si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Faah faahinno dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa daadad xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ku rogmaday magaalada Qardho, gobolka ay Puntland u bixisay Karkaar. Wararka ayaa sheegaya in daadadkaasi oo ka dhashay roobag maahiigaan ah ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in biyaha ay qaadeen gaadiid fara badan, iyadoona sidoo kale dadka deegaanka ay isaga barakaceen xaafadahooda. Xaaladda Qardho ayaa weli cakiran, iyadoona haatan uu socdo gurmad lagu baadi goobayo dad kale oo la la’yahay, tan iyo xalay markii ay daadadka ku dhufteen halkaasi. Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa saacadaha oo socda ku wajahan magaaladaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo ku dhow maamulkaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo Siciid Deni ayaa u kuur geli doono xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin qoysaska ay saameeyeen daadadkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-280420-ww.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho, iyada oo dalka ay ka jirto halis caafimaad. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka iyo maamulka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka in ay Guddi gurmad Qaran oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadka ku soo rogmaday Qardho. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Federaalka oo la faray in ay Guddi gurmad oo deg-deg ah u saarto musiibada daadadka Qardho appeared first on Puntland Post.
