-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOADISHU (HOL) - The number of COVID19 cases in Somalia rose Tuesday to 582 after 54 more people tested positive for the disease. Source: Hiiraan Online
-
Galabta waxaa Gaalkacyo ka ambabaxay Gawaarisida Gurmad ay Reer Gaalkacyo u direen Magaalada Qardho. Tan iyo shalay waxaa Magaalooyinka Puntland ka socdey ka qayb qaadashada [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-29042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay dhinacyadii isku hayey siyaasadda Jublanad ku gaareen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 23-kii bishan. Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed. Qoraal lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku qeexay heshiiska Jubaland “inuu billow u yahay wada-hadla dhex mara madaxweyne Axmed Madoobe iyo hoggaamiyayaasha kale, si loo dhiso maamul metelaad leh.” “Waxaan ku baaqeyntaa fulinta heshiiska iyo kusoo darista dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Jubaland. Midnimada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.” Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale shalay soo dhoweeyey dalalka kale ee beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya oo qoraal ay soo saareen ku yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.” Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday baaqeysa maamulka Jubaland iyo hoggaanka dowladda federaalka “inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo.”
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay kordheen kiisaska cusub ee cudurka COVID-19 ee 24-kiis laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya. Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta cudurka Coronavirus laga helay 54 qof oo ku sugan gudaha Soomaaliya. Wasaaradda ma diiwaan-gelin wax dhimasho ah oo la xiriirta COVID-19, 24-kii saac ee tegay. Guud ahaan 54 qof oo ay wasaaradda sheegtay ayaa ah kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. 40 kamid ah dadka cusub ee cudurkaan laga helay ayey wasaaradda ku sheegtay inay yihiin Lab, halka 14 kalana ay yihiin Dhedig. Tiradaan cusub ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka Soomaaliya ku sugan ee cudurkaan laga helay inay gaarayaan 582, waxaana soo bogsaday 20, halka 28 qof oo kalana ay u dhinteen sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Soomaaliya ayaa hadda ah dalka laga diiwaan-geliyey tirada ugu badan ee dhimashada kiisaska COVID-19 ee dalka Bariga Afrika, waxaana ay kaalinta labaad kaga jirtaa tirada kiisaska guud ayada oo ku xigtay Jabuuti.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 54 kiisas cusub oo ah fayruska safmarka ah ee Corona. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa ka dhawaajisay in xaaladahaan cusub laga helay magaalada Muqdisho. Tani ayaa ka dhigan in tiradda guud ahaan dalka ee kiisaska xanuunkaan ay gaareen 528, sidda ay Fowziya xaqiijisay. Sidoo kale, wasiiradda ayaa xustay in aysan jirin wax dhimasho ah oo la xiriirta Covid-19 oo ay diiwaan-geliyeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay, tirada guud ee geeridana ay ku eg-tahay 28 qof. Ugu dambeyntii, waxay ka dhawaajisay in hal qof uu bogsaday, taas oo tiradda guud ee dadka caafimaadey ka dhigtay 20. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay gobolka Sh/Hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu shaaciyey in qaraxyadaasi ay la beegsatay gaari Cabdi Bile ah oo marayey deegaanka Warmaxan, iyada oo sheegtay inay la socdeen ciidamo lagu tababaray saldhigga weyn ee Bali-Doogle. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in weeraradaas qaraxyada ah ay ku dishay ugu yaraan 4 askari, ayna ku dhaawacday 2 kale, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab. Inta badan Xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro jid-gal ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Muddooyinkii dambe sidoo kale ciidamada huwanta ayaa dhankooda kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli dagaal ku jirta dowladda Soomaaliya.
-
Wabiga Jubba ayaa ku fatahay dagmada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii ay roobabka guga ee ka da’aya guud ahaan dalka buux dhaafiyeen wabiga sidaana uu karkaarrada ku jabsaday. Shacabka ku nool dagmada ayay si wayn u saamayeen fatahaadahan iyada oo ay biyuhu galeen guryaha ku yaala qaybo badan oo magaalada kamid ah. Waxay sidoo kale fatahaadahan baabi’iyeen dalagii beeraha ee la filayay in uu dhawaan ka soo go’o beerihii ay tabcadeen shacabka dagmada Baardheere. Qaar kamid ah beeraleyda ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in biyaha fatahaadda ay la tageen matoorradii ay beeraha ku waraabsanayeen taas oo sii adkayn doonta ka soo kabsashada saamaynta ay fatahaadahan ka tagaan. Waxaa sidoo kale xidhan isu socodka gaadiidka magaalada iyada oo ay fatahaaduhu jareen wadooyinka hal-bawlaha ah ee isku xudha xaafadaha magaaladan. Qaar badan oo kamid ah shacabka dagmadan ayaa guryohooda ka barakacay iyaga oo raadsaday goobo taag ah oo aysan biyuhu gaadhin hasayeeshee aysan ku haysanin wax gabaad ah oo ay roobabka wali da’aya ka galaan. Shacabka dagmada Baardheere ayaa dalbanayo in loo fidiyo gurmad dagdag ah loona fidiyo taakulo si loo xakameeyo saamaynta ay fatahaadahan ku yeelan karaan noloshooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxda hay’ada hormuud foundation iyo salaam bank ayaa ugu horeyn kormeer kusameeyay qeybaha uu kakoobanyahay xarunta dhexe ee Dr Xabeeb halkaasi oo ay kula kulmeen dad aad ufara badan oo isugu jira rag iyo dumar laxanuunsanaya xanuunada dhimirka. Intaa kadib madaxa hay’ada hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cismaanayaa ku wareejiyay maamulka isbitaalka dhimirka dr xabeeb deeq kakooban raashiin oo ka koobneed Bur, Bariis, Sokor, Saliidiyo Timir. Madaxa hay’ada hormuud foundation Cabdulahi Nuur Cismaan oo deeqda kuwareejiyay maamulka isbitaalka dhimirka ee dr xabeeb ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay deeqaha ay ugu tala galeen dadka dhibanayaasha ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan islamarkaana ay sii wadi doonaan tagayarada ay siinayaan dadka tabaaleysan Madaxa isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb Cali Maxamed Xasan oo deeqda gudoomay ayaa kaga mahad celiyay salaam Somali bank iyo hay’ada hormuud foundation kaalinta ay kaqaadanayaan ugargaarida dadka dhimirka looga jiro islamarkaana waxa uu tilmaamay in deeqda ay kusoo aaday xili ay aad ugu baahnaayeen Madaxa arimaha bulshada xafiiska raysal wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo hadal kooban kajeedisay goobta ayaa uga mahad celisay hormuud foundation iyo bankiga salaam bank sida ay ula socdaan baahiyaha dadka xanuunsan oo dhimirka looga jiro. Hay’ada Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ayaa dardar galinaya barnaamijka taakuleynta dadka tabaaleysan ee bisha barakeysan ee ramadaan iyagoo iska kaashanaya caawinaada dadka ubaahan in lacaawiyo waxaana ugu dambeen madaxa hay’ada hormuud foundation uu baaq dheer ugu diray dadka soomaaliyeen in ay gacan kageystaan wax uqabashada walaalohooda tabaaleysan. HOOS KA DAAWO SAWIRADDA: View the full article
-
Mogadishu (PP News Desk ) — The United States Ambassador to Somalia Donald Yamamoto has urged political stakeholders “to diversify its armed forces from a northern-based army and include more soldiers from clans and groups from the southern region of Somalia”. Ambassador Yamamoto:There has to be more southern inclusion in the Somali National Army “There has to be more southern inclusion because [al-]Shabaab is based in the south” Ambassador Yamamoto told Combating Terrorism Center Sentinel. (Read the Ambassador’s interview here) The ambassador’s remarks raise eyebrows of people familiar with the make-up of the Somali National Army. “Puntland has its own Defence Forces that do not come under the command of the Mogadishu-based Army. Somaliland has a National Army that views Somaliland as a sovereign country” says a retired Somali colonel, who wants to be quoted anonymously. If one takes Ambassador Yamamoto’s remarks at their face value one is led to believe the Somali National Army draws recruits predominantly from the North. “Ambassador Yamamoto owes Somali Federal Government some clarification. Both the President and the Prime Minister of Somalia are Southerners. How has a National Army under their command become North-dominated? Southerners might feel aggrieved at the make-up of the Somali Army” Abdi Sahal, a security consultant in Mogadishu told Puntland Post. The second complication in Ambassador Yamamoto’s interview is his use of the word North. “By North does Ambassador Yamamoto mean the ex-British Somaliland or regions north of Hiiraan” added Abdi Sahal. There was a plan for Federal Member States to contribute troops to the National Army to diversify it. In 2017 National Army integration committee paid a visit to Puntland. Puntland Adminstration under President Dr Abdiweli Mohammed Ali had withdrawn commitment when he co-founded the now-defunct Council of Inter-State Cooperation in 2018. Troops from the Somali National Army have presence in Banadir, South-West, Hirshabeelle, Galmudug and parts of Jubaland. © Puntland Post, 2020 The post YAMAMOTO: SOMALIA NEEDS AN INCLUSIVE NATIONAL ARMY appeared first on Puntland Post.
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo ganacsato ayaa maanta markale dibadbax ballaaran ka dhigay qeybo ka mid ah Caasimadda. Banaanbaxa oo looga soo horjeeday bandowga xilliyada habeenkii ah saaran Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Dibadbaxayaasha qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa ka dalbaday dowladda federaalka inay qaado bandowga ay soo rogtay wixii ka dambeeya 8:00 habeenimo. Sidoo kale ganacsatada ka qeyb-galayey dibadbaxa ayaa tilmaamay in bandowga uu saameyn xoogan ku yeeshay ganacsigooda, islamarkaana ay khasaaro kala kulmeen. Dhowaan ayey aheyd markii banaanbax kan la mid ah, balse rabshado watay uu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. View the full article
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlayey saamaynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmada Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac intaba. Siciid Deni ayaa kala hadlay xubnaha guddiga gurmadka fatahaada, sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay daadadkaasi, si deg-deg wax looga qabto. Xaaladda Qardho ayaa weli ah mid adag, waxaana haatan socda gurmad xoogan oo loo fidinayo qoysaskii ay saameynta ku yeesheen daadadkii ku rogmaday magaaladaasi. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
KISMAYO (HOL) - Jubbaland President Ahmed Madobe who has been in Nairobi since early March has today arrived in Kismayo following a deal with his political rivals. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa Golihii Isbadal doonka Jubbaland, maantana kamid ahaa wafidigii uu hoggaaminayey Axmed Madoobe ee gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay heshiiskii lagu kala saxiixday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya. Cabdirashiid Xidig oo saxaafadda kula hadlayey Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay u tanaasuleen danta Shacabka Soomaaliya iyo kan Jubaland. Wuxuu tilmaamay in xubnaha Isbadal doonka ay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la saxiixdeen heshiis aan marnaba laga noqon doonin, sida uu hadalka u dhigay. Sababta ay Kismaayo u imaadeen ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo dhameystiri lahaa inta ka dhiman heshiiska ay la gaareen Madaxweyne Axmed Madoobe, oo uu sheegay in lasoo gabagabeeyey wajagiiisa koowaad. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay aqbasho heshiiska ay gaareen isla markaasna ay la shaqeyso Maamulka Jubbaland, maadaama uu sheegay, inaysan kala maarmin Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha ururka isbadalka doonka Jubbaland ee ka hor imaaday doorashadii Kismaayo ka dhacday ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Dowladda Soomaaliya we ma aysan ka hadlin heshiiskaas, waxaana muuqata inaysan dowladda ku qanacsaneyn heshiiska, waxayna weli qeybo kamid ah Gedo ka wadaa howlo Militari oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya ee kamid ah howlgalka Midowga Afirca ee AMISOM. Halkaan hoose ka daawo hadalka Cabdirashiid Xidig
-
Sheekh Daahir, Axmed Madoobe iyo Xidig Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray maamulka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii ay dhawaan gaareen xubnaha golaha isbadal doonka iyo Xukuumadda Jubbaland. Wuxuu intaas ku daray Axmed madoobe in heshiiskaas uu u dhexeeyay dowladda Jubbaland iyo xubnahii saluugay doorashadii sanadkii hore, isla markana hadda ay diyaar u yihiin in wixii dhiman la dhamaystiro, si looga wada shaqeeyo danta shacabka Jubbaland. Dhanka kale madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay khilaafka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ah, isagoo sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wakhti walba in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo ku soo laabtay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Somalia’s international partners welcome the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council for Change which culminated in a reconciliation agreement signed on 23 April. The agreement represents a helpful step towards resolving the disputes that emerged from the Jubaland electoral process in August 2019, which left the communities and political stakeholders divided. Disputed electoral outcomes in Jubaland and other Federal Member States over the past 18 months underscore the importance of credible electoral processes in which Somalis may choose their leaders in accordance with the Provisional Federal Constitution and Federal Member State constitutions. The partners encourage all Jubaland stakeholders, including political leaders, communities and traditional leaders to build upon the 23 April agreement, implement the follow-up steps, and continue their constructive dialogue. The partners welcome the willingness expressed by the Jubaland stakeholders to engage the Federal Government of Somalia, and that Jubaland is ready for full collaboration with the Federal Government. International partners urge the Jubaland administration and the FGS leadership to peacefully resolve their continuing differences through dialogue, and to de-escalate the ongoing tensions in Gedo region. The partners stand ready to provide the necessary support to the FGS and all FMS leaders as they strive for reconciliation and cooperation to advance national interests. In this regard, partners also welcome other recent reconciliation initiatives, in particular in South West State and Galmudug, aimed at forming inclusive, unified state-level administrations. We urge that these efforts continue throughout Somalia for the benefit of the people. We call on all Somalis to foster unity and reconciliation as they begin the Holy month of Ramadan while facing not only the unprecedented menace from COVID-19 but also the continuing threat from terrorism. View the full article
-
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehlinayaan, Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo ka mid ah Isbedal-Doonka maamulkaasi ayaa maanta ku laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose. Badqabka bulshada iyadoo la ilaalinayo ayaa waxaa madaxweynaha iyo xubnaha kale ee la socday ay mareen baaritaan caafimaad, waxaana kadib uu xariga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inuu si wanaagsan ku soo dhammaaday heshiiskii ay dhowaan gaareen xubnaha golaha Isbadal-Doonka iyo hoggaanka sare ee Jubbaland. Axmed Madoobe aya sidoo kale intaasi ku daray in heshiiskaan uu suura-gelinayo in shacabka Jubbaland ay wadajir iyo midnimo ku gaari karaan horumar ballaaran. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Jubbaland kala dhexeeya dowladda federaalka, isaga oo tilmaamay inay diyaar u yihiin in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay, si meesha looga saaro isfaham la’aanta. Ugu dambeyn Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo yareeyo fidista cudurkaasi. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo inn kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah. Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”. Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkaan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda. “Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” ayuu yiri Prof Afyare. Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku imaan karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo”. Ugu dambeyn waxa uu carabka ku dhuftay in maamulada qaar ee dalka ka jira aysan xiriir wanaagsan la lahayn dowladda dhexe taasina ay horseedi karto inaysan dalka ka dhicin doorasho qof iyo cod ah. Dadka sida aadka ah u falanqeeya arrimaha doorashooyinka ayaa qaba in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah xilli dowladdu ay ku adkaysanayso in doorashadaasi ay dalka ka qabsoomi karto. Halkaan ka daawo wareysiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta war ka soo saartay xaalada caafimaad ee Cabdimaalik Muuse Coldoon, iyada oo shaacisayna baaritaan ay ku sameeyen Coldoon, kaaso oo looga shakisanaa cudurka Coronavirus/Covid-19. Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay koox dhakhaatiira u direen xabsiga dhexe ee uu ku jiro Wariye Coldoon, kuwaasi oo soo darsayay xaaladiisa caafimaad, iyagoona dheecaano kasoo qaaday Coldoon. Agaasimaha guud ee wasaarada oo ka warbixinayey, ayaa sidoo kale sheegay in baaritaankii Coldoon ee cudurka Coronavirus ay ku sameeyeen ay kasoo baxday natiijo hordhac ah, taasi oo lagaga waayay cudurkaasi looga shikisanaa. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Natiijadaasi hordhac ah kadib ay dheecaanadiisa u sii direen dalka dibediisa, midaasi oo lagu xaqiijinayo natiijada kasoo baxday baaritaankii lagu sameeyay Isbitaalka Hargeysa. Waxa kale oo Agaasimuhu uu carabka ku dhuftay in Coldoon uu si weyn uga cabanayo cudur qabanaya Neefta, balse aan aheyn cudurka Covid-19, sida ku cad natiijada hordhaca ah ee baaritaankii lagu sameeyay Wariyaha. Caasimada Online ayaa shalay baahisay xog ku saabsan natiijada hordhaca ah ee baaritaanka Coldoon, midaasi oo wasaaraduna ay maanta si rasmiya u baahisay isla natiijadaasi.
-
Waa habeenka todobaad ee barnaamijka tartanka Shabelle, waxaana ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose. Kaxda iyo Afgooye ayaa waxaa lagu bilaabi doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku jira groupka D, is aragiisa koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale labada degmo ayaa kala matali doono gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana tartamayaashu ay wadaan diyaar garowgii u dambeeyey. Barnaamijka tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo sanadkan aad u xiiso badan ayaa weli maraya wareegiisii koowaad, waxaana illaa iyo hadda wacdaro ka dhigay degmooyinka Dayniile, Warta Nabadda iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Madaxda hay’adda Hormuud Foundation iyo kuwa Salaam Soomaali Bank ayaa marka hore kormeer ku sameeyey qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Dr. Xabeeb ee degmada Kaxda, iyagoo halkaas kula kulmay dadka qaba xanuunada Dhimirka. Intaas kadib guddoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ku wareejiyey maamulka isbitaalka Xabeeb deeq raashiin ah. Madaxa hay’adda Hormud Foundation ayaa sheegay in deeqdaan ay qeyb ka tahay deeqaha ay ugu talagaleen dadka dhibanayaasha ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay sii wadi doonaan taageeradooda. Dhankiisa madaxa isbitaalka dhimirka ee Dr Xabeeb, Cali Maxamed Xasan oo deeqda guddoomay ayaa kaga mahad celiyay Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank kaalinta ay ka qaadanayaan u gargaarida dadka dhibaateysan, isagoona xusay in deeqdan ay ku soo aaday, xilli ay aad ugu baahnaayeen Ugu dambeyn madaxa arrimaha bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maryan Amiin Aweis oo hadal kooban ka jeedisay goobta ayaa uga mahadcelisay Hormuud Foundation iyo Salaam Soomaali Bank, sida ay ula socdaan baahiyaha dadka danta-yar. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
