-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somali regional state of HirShabelle has announced a ban on flights to the region in an attempt to prevent the spread of the viral COVID-19 disease. A statement issued by the administration in Jowhar said only humanitarian and other emergency flights will be allowed to land in the region. The move reinforces a previous decision by the federal government to suspend both domestic and international flights over COVID-19. It also comes as Muslims across the world prepare for the holy month of Ramadan, which is only a few days away. In a meeting of the country’s committee on the response to COVID-19 yesterday, held at the office of Prime Minister Hassan Kheyre, the government said it was looking into options to ease restrictions during the holy month without relaxing safety measures, to allow the people have as normal a month of fasting as possible. View the full article
-
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho goor sii horeysay ku geeriyooday xildhibaan Aadan Xasan Cali oo ka tirsanaa baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa ku geeriooyday mid ka mid ah cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho waxaana maalmihii la soo dhaafay marxuumku uu si aad ah ugu xanuunsanayay Cisbitaalka Yardameeli oo ay maamulaan Turkida. Qaar ka mid ah madaxda iyo siyaasiyin ayaa siyaabooyin isku mid ah uga tacsiyeeyay geeriada Allaha u naxariiste Marxuum Aadan Xasan Cali oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Marxuum Aadan Xasan Cali ayaa sidoo kale waxa uu ahaa xoghayaha guddigga maaliya ee golaha shacabka, waxaana deegaan doorashadiisu tahay maamulka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Africa has been given some financial oxygen. Urged on by French President Emmanuel Macron, the Group of 20 nations has called for a debt moratorium for the world’s poorest nations, many of which are in Africa. That could prove essential to countries shuttering their economies to limit the spread of the coronavirus, with Nigeria, Uganda and Malawi among those to have imposed lockdowns. The financial problem has been compounded by a slump in demand for the commodities they produce as the whole world struggles to cope with the Covid-19 pandemic. Africa would benefit from $44 billion in interest waivers this year as part of the $100 billion needed for an emergency stimulus, according to the United Nations’ Economic Commission for Africa. The International Monetary Fund has pledged $11 billion to 32 sub-Saharan African countries and the African Development Bank has set aside $10 billion. Lagos Commissioner of Police, Hakeem Odumosu, squeezes his way through a crowded market to monitor compliance measures to curb the spread of the COVID-19 coronavirus Photographer: PIUS UTOMI EKPEI/AFP There are caveats. To receive funding, nations must be up to date with their payments to the World Bank and IMF. That will mean some of the continent’s poorest countries, such as Zimbabwe, aren’t eligible. It’s also unclear whether multilateral institutions will forgo the $12 billion in repayments they are due. Overshadowing all that is the coronavirus itself. While Africa remains among the least-affected regions, it’s far from clear how devastating the pandemic will ultimately become for the continent. About 300,000 people in the region could yet die this year, even with assertive government measures, according to the United Nations. Still, the financial gesture will go some way toward preserving the economic and social gains many African countries have made in recent years. News & Opinion Rate Cuts | South Africa’s central bank unexpectedly cut its benchmark interest rate to a record low of 4.25% to support the economy after the government extended a nationwide lockdown by two weeks. Namibia, Lesotho and eSwatini — all with currencies pegged to the rand — followed suit, while Mozambique and Mauritius added their own reductions. Chocolate Slump | Cocoa processing is on the decline after the shuttering of retailers around the world reduced demand for chocolate. The downturn has been compounded by Ivory Coast and Ghana, the world’s biggest bean producers, which have imposed a premium of $400 a metric ton for a so-called living-income differential for the 2020-21 crop. Glencore Feud | Zambia escalated a battle with Glencore, threatening to revoke the company’s copper-mining license and preventing the CEO of its local unit from leaving the country. Glencore has said it needs to close shafts due to falling metal prices, disrupted logistics and travel restrictions related to the coronavirus pandemic. The government disagrees. Local residents walk past the Synclinorium shaft at the Mopani copper mine, a Zambian unit of Glencore Plc, in Kitwe, Zambia. Photographer: Waldo Swiegers Abandoned Airline | South Africa told its embattled national carrier not to expect more government funding as it struggles to stay in operation. South African Airways was already cutting routes and consulting on job losses before the coronavirus brought most global travel to a halt, and the absence of a fresh bailout leaves it starved of much-needed cash. Cameroon Silence | While many African countries have imposed lockdowns to contain the coronavirus, the leader of one of the continent’s worst-affected countries has remained silent. Cameroon’s main opposition head said he wants a top court to declare a power vacuum because President Paul Biya hasn’t addressed the crisis. The 87-year-old was seen on social media meeting with the French ambassador to Cameroon today, his first appearance since March 11. Past & Prologue Data Watch Nigeria’s 2047 dollar-bond yield, which soared as high as 13.21% when oil prices collapsed in March, dipped back into single digits amid hopes a deal to reduce output would support the commodity. The bond rally proved short-lived, however, as it became clear the production cuts wouldn’t dent the global glut. The yield headed back into double digits on Thursday. Coming Up April 20 South African cabinet meet about key priorities of the country’s economic-recovery plan April 21 Webinar about implications of the Covid-19 pandemic for African economies and development with Hafez Ghanem, World Bank vice president for Africa April 22 Ghana GDP and PPI Last Word A Sudanese militant group that once drew international condemnation for leading a bloody anti-insurgency campaign emerged as the unlikely leader in the country’s fight against the coronavirus. Once feared as the ”devils on horseback,” the Rapid Support Forces have risen to near the top of Sudan’s transitional government after backing last year’s overthrow of former President Omar al-Bashir. They now run a quarantine center, disinfect the streets and distribute equipment and medical advice, all while enthusiastically promoting the measures on social media. One cartoon on Facebook shows its fighters squaring off against a monstrous fanged depiction of the virus clinging like King Kong to the Corinthia Hotel in Khartoum, the capital. Source: Bloomberg The post Next Africa: G20 to IMF Give Poorest Countries Space to Breathe appeared first on Puntland Post.
-
Suuqa Soomaalida ee Islii oo loo xirayo Coronavirus dartiis
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ururka ikaashatada ganacsatada ee xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in la xirayo ganacsiga Soomaalida ee suuqaasi, tilaabadaasi oo qeyb ka ah aedaalada lagu xakameynayo cudurka Coronavirus. Ganacsatada oo yeeshay kulan muuqaal ah ayaa isku raacay in muddo todobaad ah la joojiyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga Soomaalida ee xaafadda Islii, si loo yareeyo khatarta uu ganacsatada Soomaalida ku yeelan karo cudurka COVID-19 oo dalka Kenya ka jira. Xoghayaha ururka ganacsatada Soomaalida ee xaafadda Islii, Cumar Xuseen ayaa sheegay in suuqyada Soomaalida aysan sidii la rabay u raacin tilmaamaha caafimaad ee wasaaradda caafimaadka Kenya ay ka soo saareyso cudurka dilaaga ah, sidaas darteedna ay jirto suurta galnimo cudurka uu saameyn ugu yeelan karo dadka ganacsatada ee Soomaalida ah. Si kastaba ha’ahaatee dalka Kenya oo Soomaali badan ay ku nool yihiin ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee cudurka Coronavirus ka dilaacay, kaas oo weli fara ba’an ku haya wadamada badan oo ku yaalla caalamka. View the full article -
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warafaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyey warar shalay ay daabaceen wargeysyo ka soo baxa dalka Kenya, kuwaas oo ka dhan ahaa hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in wargeysyada The Star iyo Standard Media ee ka soo baxa Kenya ay daabaceen warar been abuur ah oo sumcadda looga dilayo hay’adda NISA iyo hay’adaha kale ee dowladda. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wararka warbaahinta Kenya ay qorayaana ay yihiin kuwo ka dhan ah shaqada hay’adda NISA. Si kastaba ha’ahaatee shalay wargeysyada The Star iyo Standard Media oo aad looga daalacdo gudaha wadanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA iyo Al-Shabaab uu ka dhexeeyo xiriir hoose. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo war qoraal ah soo saartay ayaa shaacisay kiisas cusub oo la xariira cudurka faafa ee Coronavirus. Halkaan hoose ka aqriso: Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan: 24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof. Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano. Waxaa maanta cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6. Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah. Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn. View the full article
-
Allaha u naxariistee waxaa goor dhow isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ahaa G/Shacabka. Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa Shabelle u xaqiijiyey xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku xanuunsayayey gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Xildhibaan Jamhuuriya oo muddo ka tirsanaa Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golahaasi View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-18042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka oo maalmihii dambe xanuunsanayey ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yardimeli, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka Soomaaliya. Geeridiisa waxaa durbo ka tacsiyeeyey xubno ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo soo saaray qoraal kooban. Ducaale ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyska uga tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Jamhuuriya. Sidoo kale wasiirka ayaa Marxuumka Alla uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Eheladii iyo Qoyska uu ka geeriyooday wallaalkeen Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya). Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.” wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya.
-
Askari Puntland oo hawlgal ku jira Xukuumadda Puntland, ayaa amartay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, masaajidda aan weli u hoggaansamin amarkii ka soo baxay dowladda, ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo Jameecaadka masaajidda, si looga hortago xanuunka COVID-19. Qoraal xalay ka soo baxay guddi-hoosaadka Amniga Puntland, oo tixraacaya go’aankii hore ee dowladda, ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha Amniga Puntland, in ay dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus. Guddiga ayaa Laamaha Amniga faray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dhaqan-gelinta go’aankaasi dowladda, si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha isu’gu imaanaya masaajidda. Go’aankaas ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu masaajidda ka dhaqan-geli waayay amarkii Puntland soo saartay ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka masaajidda, sababa la xiriira faafidda COVID-19. PUNTLAND POST The post Puntland oo amartay in tallaabo ciidan lagu joojiyo salaadaha Jimcaha iyo Jameecaadka appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay si adag ugu beenisay, warbixino lagu daabacay laba wargeys oo ka soo baxa waddanka Kenya, kuwaas oo hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ku eedeeyay in ay Al-shabaab kala shaqeyso weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya. Wargeysyada The Star iyo Standard Media, oo Jimcihii shalay daabacay warbixino isu’eg, ayaa sheegay in ay heleen macluumaad sir ah oo muujinaya in hay’adda NISA ay xiriir hoose la leedahay Al-shabaab, isla markaana ay ku taageertay dhaqaale dhan $1.5 milyan oo dollar, si ay weerarro uga gaystaan gudaha dalka kenya. Balse, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in warbixinahaas ay yihiin kuwa been-abuur iyo marin-habaabinta ah, oo la doonayo in lagu sumcad-dil hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA. “Dowladda Federaalka waxay si xooggan u naqdineysaa weerarada aadka u xun iyo olalaha gefka ah ee lagu beegsanayo dowladda iyo hey’adaheeda, NISA waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna dambi u aragtaa warka ceebeynta ah ee wareegaya baraha bulshada, iyada oo la isku dayayo in la sumcad dilo hey’adda”ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay wasaaradda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay warbixinno lagu daabacay wargeysyo ka soo baxa Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay geerida xildhibaan Aaden Xassan Cali (Aadan Moobleen), kaasi oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Marxuumka geeriyooday, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka Yardimeeli, Kadib markii uu haleelay xanuun dhanka kelyaha ah. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa horay ula xanuunsanaa cudurka Macaanka, waxaana uu maalmihii u dambeeyay ku jiray xaalad koomo ah, sida laga soo xigtay dhaqaatiirta isbitaalka. Alle ha u naxariistee, xildhibaanku wuxuu kamid ahaa mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto magaalada Jowhar ee Hirshabeelle, waxa uu haatan ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Turkey dispatched a planeload of medical supplies on Friday to Somalia in order to aid its fight against the novel coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay in shalay oo keliya xanuunka COVID-19 laga helay 36 bukaan oo ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 47 qof. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in 27 kamid ah 36 bukaan ee shalay laga helay xanuunka ay rag yihiin, halka 9 kalena ay haween yihiin. Sidoo kale, waxay sheegtay in 30 kamid ah bukaannada ay da’doodu u dhexayso 20 ilaa 39-sannadood, halka 5kamid ah ay da’doodu u dhexayso 40 ilaa 59, hal qof ayaa isna da’diisu ka weyn tahay 60-sannadood. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa warbixinteeda ku xustay in haatan tirada guud ee dadka xanuunka laga helay ay gaartay 116 bukaan. PUNTLAND POST The post Tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee Muqdisho oo korortay appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa qodobadan: 24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay curudka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof. Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa Lab, 9 ka kalena waa Dhadig. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano. Waxaa maanta cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee shimashada ayaa ah 6. Qaran News
-
Muftiga Sacuudi Carabiya oo go’aan kasoo saaray salaada Taraawiixda Bisha Ramadaan & Salaada Ciida Muftiga ugu weyn Saudi Arabia Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh, ayaa sheegay Salaadda Taraawiixda ee bishan Ramadan iyo midda Ciidul Firtiga lagu oogi doono guryaha, haddii faafitaanka cudurka Coronavirus uu sii socdo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa wargeyska Okaz ee Sacuudiga. “Salaadda Taraawiixda Ramadaanka waxaa lagu tukan karaa guriga, haddii aan lagu gudan karin Masaajidada, sababo la xiriira tallaabooyinka la qaaday ee lagula dagaalamayo faafitaanka Coronavirus,” ayuu yiri Sheikh Abdulaziz Al al-Sheikh oo ka jawaabaya su’aal arrintan laga weydiiyey. Waxa uu sidoo kale sheegay in Salaadda Ciidul Fitriga-na ay la mid tahay, sida uu qoray wargeyska. Bisha barakeysan ee Ramadan ayaa billaabaneysa toddobaadka soo socda. Saudi Arabia ayaa bartimihii March joojisay in shanta salaadood ee maalinlaha ah iyo salaada Jimcaha lagu tukado masaajidada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo faafitaanka Coronavirus. Waxay sidoo kale joojisay Cumaradii iyo booqashadii Masjidka Nebiga NNKH, ayada oo la hakiyey dal-ku-galka la siin jiray dadka dibedda ka imanaya, si ay usoo booqdaan labada Xaram. Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 6,380 kiis oo ah cudurka COVID-19, iyo dhimashada 83 qof oo la xiriira cudurkaas. Qaran News
-
Warbixin Naxdin leh:Qalabka neefta siinaya dadka sakaraadaya ayaan ka damiyaa+Sababta & Cida Amarka siisa Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha la tacaalaya bukaannada ay xaaladdoodu liidato waxay wajahayaan go’aanno adag – Sida marka ay daminayaan qalabka neefta siiya bukaannada aadka u sakaraadaya In la helo qalabka neefshada caawiya waa farqiga u dhaxeeya nolosha iyo geerida ee dadka sida daran ula xanuunsan cudurka Covid-19. Qalabkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Ventilator” wuxuu dadka siiyaa neefta oxygen-ka ee gasha sanbabbada – sidoo kalena wuxuu kasoo saaraa kaarboonka – taasoo ah mid aysan qalabkaas la’aantiis dadka xanuunsan sameyn karin. Hase ahaatee mashiinnadan neefsashada ma wada badbaadin karaan dadka oo idil. Shaqaalaha caafimaadka ee Adduunka waxay wajahayaan go’aanno adag oo mararka qaar ku khasbaya inay qalabkaas ka damiyaan dadka aysan xaaladdoodu soo fiicnaaneynin. “In qofka sakaraadaya laga damiyo qalabkan waa xaalad murugo badan iyo xanuun leh. Mararka qaar waxaan dareemaa inaan si markii loo eego sabab u ahay geeridooda,” ayey tiri Juanita Nittla. Waxay gabadhan madax u tahay kooxda kalkaaliyeyaasha ah ee ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah la dhigo (ICU) ee isbitaalka Royal Free ee magaalada London. Qalabka neefsashada caawiya wuxuu muhiim u yahay bukaannada sida aadka ah ula xanuunsan cudurka Covid-19 Nittla oo ku dhalatay Koonfurta Hindia, waxay Waaxda Qaran ee Adeegga Caafimaadka England u shaqeyneysay muddo 16 sano ah, waxayna ku takhasustay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee loo yaqaanno ICU-da. “In la damiyo qalabka neefsashada waxay qeyb ka tahay shaqadeyda,” ayey tiri kalkaalisadan 42 jirka ah oo BBC-da u warrantay maalin ay fasax ahayd. Hadalkii ugu dambeeyay Intii lagu jiray isbuucii labaad ee bishan April, islamarkii ay Nittla shaqada tagtay subax aad u mashquul badan, madaxa qeybta ICU-da ayaa u sheegay in laga doonayo inay daweynta ka joojiso mid ka mid ah bukaannada qaba Covid-19. Qofka bukaanka ah ee loo diray waxay noqotay kalkaaliso 50 iyo dhowr jir ah oo ka shaqeyn jirtay caafimaadka bulshada. Nittla waxay arrintan kala hadashay gabar ay dhashay haweeneyda bukaanka ah. Maadaama uu culeys badan keenay cudurkan safmarka ah, kalkaalisoyaasha ICU-da ee Nittla la mid ah way adagtahay inay nasasho helaan waqtiga shaqada “Waxaan u xaqiijiyay in hooyadeed aysan wax xanuun ah dareemeynin ayna u muuqatay qof qanacsan. Waxaan sidoo kale ka codsaday inay hadalkii ugu dambeeyay ku dhahdo hooyadeed, waxyaabaha diiniga ahna ay sameysato.” Sariiraha yaalla qeybta ICU-da way isku xigxigaan. Haweeneydan loo diray inay dawada ka joojiso waxaa ku hareereysan bukaanno kale oo kulligood miyir daboolan. “Waxay ku jiiftay sariirta 8-aad. Dhammaan bukaannada kale aad bay u xanuunsanaayeen. Waxaan xiray daahii, dhammaan qalabkii qeyladhaantana waan damiyay”. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale shaqada hakiyay xoogaa. “Kalkaalisayaashii way wada aamusan. Sharafta iyo qanacsanaanta bukaannada waa mudnaanteenna koowaad,” ayey tiri Nittla. Si boosas dheeraad ah loogu helo tirada bukaannada ee xad dhaafka ah, isbitaallada qaarkood – sida Royal Free oo ku yaalla London waxay ballaariyeen qeybaha ICU-da Kaddib waxay telefoonkii dhagta u saarta bukaanka waxayna gabadheeda ka codsatay inay hadasho. “Aniga wuxuu ila ahaa telefoon lagu hadlayo kaliya laakiin waxay muhiimad weyn u lahayd qoyska. Waxay doonayeen wicitaan muuqaal ah, laakiin nasiib darro telefoonnada gacanta looma oggola gudaha qeybta ICU-da”. Daminta Kaddib markii la fuliyay codsiga qoyska, Nittla waxay muusig khaas ah ka daarta kumbuyuutar. Kaddibna waxay u dhaqaaqday inay bukaanka ka damiso qalabkii neefsashada. “Dhinaceeda ayaan fariistay anigoo gacmaha ka haya ilaa inta ay nafta ka baxeysay,” ayey tiri. Bukaanno badan oo ku jira ICU-da waxay geeriyoodaan iyagoo kaligood ah, maadaama aan eheladooda loo oggoleyn inay halkaas ugu tagaan Go’aanka ku saabsan in qalabka neefsashada iyo daweynta laga joojiyo bukaannada waxaa qaata koox dhakhaatiir ah oo waxyaabo badan tixgalisa. Inta aan tallaabadaas la qaadin waxaa la eegaa da’da bukaanka, xanuunnadii uu horay usii qabay, sida uu dawada uga falcelinayo iyo suurtagalnimada inuu qofku soo caafimaado. Haweeneyda ay Nittla ka damisay qalabka neefsashada waxay ku geeriyootay muddo shan daqiiqo ah. Dhimasho kalinimo ah Kaddib waxay ka wada bixisay faleebooyinkii dawooyinka lagu siinayay. Gabadha ay dhashay bukaanka geeriyootay iyadoo aan ka warqabin waxa isbaddalay ayey wali kusii hadleysay telefoonka wayna u duceyneysay. Nittla oo aad u calool xumooneysa ayaa gacankii telefoonka qabatay, waxayna u sheegtay in howshu ay dhammaatay. Kalkaaliso ahaan, waxay sheegtay inaysan howsheeda daryeelka ah istaageynin marka uu bukaanku geeriyoodo. “Anigoo ay kalkaaliso kale i caawineyso ayaan meydkeeda sariirta ku dhaqay waxaana ku xiray kafan, kaddibna waxaan ku xiray bacda meydadka,” ayey ku tiri BBC-da. Ka hor inta uusan imaamin cudurka coronavirus, dadka ehelada u ah bukaanka waxay si fool ka fool ah dhakhaatiirta ugala hadli jireen arrinta ku saabsan ka joojinta dawada. Qaraabada dhow ayaa sidoo kale loo oggolaan jiray inay ICU-da ku sugnaadaan marka bukaannada laga daminayo qalabka nolosha ku caawinaya. Laakiin hadda qorshahaas kama socdo meelo badan oo ka mid ah caalamka. Nittla waxay sheegtay in kalkaaliyayaasha marka ay shaqada soo galayaan ay kulmaan ayna isu rajeeyaan caafimaad Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmax ayaa ka hadlay waxa ay kala socdaan in ciidamadii ay soo tababareen loo adeegsaday dagaalo siyaasadeed oo ka dhacay gobollada Gedo iyo Galgaduud. Safiirka oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in ay ka war hayeen in gobolladaas la geynayo ciidamada, isla markaana aysan aaminsameyn in ciidamadaasi ay ku lug yeesheen dagaal sokeeye oo ay dhacdadaas u arkaan amar guud. “Marka hore waxaan rabaa in aan sheego annaga waxaan dhiseynaa Soomaaliya iyo ciidankeeda qalabka sida, halkaana kuma dhiseyno ciidan aan anagu leenahay, is kaashiga militeri ee naga dhexeeya anaga iyo Soomaaliyana waa mid aad muhiim u ah, markii aan tababarno askarta waxaan xafladda qalin jebinta ku casuumnaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri. “Intaas kadibna dowladda Soomaaliya ma siino tilmaamo ku aadan halka ay u adeegsan doonaan ciidankan, sababta oo ah ma lihin maamulka dhaq-dhaqaaqyada howlgelinta oo kaliya waxaan u tababarnaa ciidamada, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh go’aamada la xariira adeegsiga ciidamada, fal-celinta iyo dhaleeceyna ciidamadii la geeyay gobollada aan kasoo hadalnay, waxaan ku aragnay wargeysyada iyo baraha Internet-ka, marka arintan waxaan u aragnaa in siyaasadda xukuumadda ay tahay mowduuc ay leedahay Soomaaliya.” “Ma faro gelin karno, mana faro geli doono arrimaha gudaha Soomaaliya oo waxaan ka taaganahay dibadda, laakiin hadii ay jiraan dhaliilo ama siyaasado is diidan waa in ay ka doodaan Soomaalida dhexdeeda oo ay is xaliyaan,” ayuu yiri Mehmet Yılmaz. Safiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay howsha saldhigga militeri ee Turkisom ee ku yaalla Muqdisho, waxuuna sheegay in lagu tababaro ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, si gaar ahna sare loogu qaado tayada ciidanka militeriga Soomaaliya. “Illaa hadda ciidamada xaruntaas ka qalin-jebiyey ayaa kala ah, hal xilli waxbarasho oo ay ka qalin jabiyeen saraakiil iyo hal xilli waxbarasho oo kale oo ay ka baxeen saraakiil xigeeno, waqtigaana waxaa xarunta si xoog leh uga socda tababar lagu soo saarayo guurooyin ka mid ah militeriga Soomaaliya, ”ayuu yiri safiirka. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Tababarka guutooyinka ciidanka xoogga Soomaaliya ee aan soo saarno waa sidan, marka hore waxaan xeradan Turkisom ku siinaa tababar aas-aasi ah, kadibna anaga oo u kala qaadeyna koox-koox ka kooban 350 askari ayaan u dirnaa dalka Turkiga, si ay halkaas igu soo qaataan tababar militeri oo hor marsan, kaas oo ah dhanka dagaalka, “Dalka Turkiga markii ay tagaan askartan waxaa lasiiyaa tababar dhanka Kumaandooska ah, marka ay soo dhameystaan waxbarashadooda waxaan askartan ku wareejinaa wasaaradda difaaca Soomaaliya, askartan aan tababareyno waxay ka koobanyihiin illaa 10 guuto ama 5,000 oo askari, hada qiyaastii 2,000 oo guuto ayaan siinay tababar dhanka Kumaandooska ah, markii aan dhameystirno barnaamijka tababarka guutooyinka, waxaan sii socon doona tababarka saraakiisha ciidamada,” ayuu yiri.
-
Popular Contributors
