Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Yaxye Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda bartay dhaqaalaha ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in barnaamijka Baxnaano oo ay dowladda federaalka ah daah furtay in dowladdu aysan wax shaqa ah ku lahyn islmarkaana barnaamijkaan ay iska kaashadeen hay’ado caalami ah sida World Bank iyo UNICEF. Professor-ka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in barnaamijka baxnaano uu yahay ugu horreyn mid aaney dowladda Federaalka Soomaaliya waxba ku darsan; laakiin abaabulkiisa ay iska lahaayeen World Bank, WFP iyo UNI Yaxye Caamir ayaa waxa uu ku tilmaamay barnaamijka Baxnaano ee dhowaan ay daahfurtay dowladda Federaalka Soomaaliya mid aflagaaddo ku ah shacabka Soomaaliyeed oo lagu dulminayo. “Horta baxnaano aan ku hormaro, wax dowladda Soomaaliya ay shaqo ku leedahay maaha, ka hor ayaa la dejiyay, bankiga adduunka, WFP iyo Unicef, ayaa iska kaa shanaayay, mashruuc muddo soconaaya ayuu ahaay, iyagaa gacanta ku haayay. Dowladda in meelaha la geynaayo soo sheegta la yiraahdo mooyaane shilinna kuma laha, fulintiina weli waa la isku haystaa” ayuu yiri Prof. Yaxye. Dhanka kale, Yaxye Caamir waxa uu ku tilmaamay mashruucan inuu yahay mid ihaano ku ah bulshada Soomaaliyeed oo aanuu u qalmin: “Teeda kale, qoyska waxa uu helayaa saddex doolar iyo bar, waana halmar sanadkii, Soomaali ahaan ihaano ayey ku tahay, caay ayey ku tahay, muwaadinka Soomaaliga World Bank iyo WFP ay yiraahdaan halkii sanno Ayaan waxaan siineynaa saddex doolar iyo bar logical maaha. Maalintii celceliska ayaa la yiraahdaa qofkani waxa uu ka hooseeyaa hal-doolar, mujtamcan waxa uu ka hooseeyaa saddex doolar ayaa la yiraahdaa, laakiin wax sanadkii hal mar soo marayay saddex doolar iyo barna ah horta aflagaaddo ayey u eeg tahay iyo in caalamku na dulminaayo. Laakiin sadaqada iska qaado, waan baahananay waxba looma qaato’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof Yaxye. Si kastaba, April 18, ayaa madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu daahfuray barnaamijka Baxnaano oo dhaqaalo lagu siinayo, sida la sheegay, qoysas dan yar ah, iyadoo wejiga koowaad ay ka faa’idaysan doonaan 1.3 milayn oo qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Qardho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu. Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey isu gurmashada iyo is-garab istaagga ay isu muujiyeen dadka deegaanka, gaar ahaan dhallinyaradii xalay oo idil u taagnaa samata-bixinta qoysaska iyo dadka nugul. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay Guddi Gurmad Qaran ah u saarto musiibada daadadkan ku soo rogmaday Qardho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday daadadkan, caafimaad deg deg ahna waxa uu u rajeeyey intii ku waxyeelowday.
  3. Kadib Roobku Xoogaga ee ka da’ay Magaalada Qardho waxaa lagusoo rigay Xaalad Deg deg ah, Madaxweyne Deni ayaana gaaray halkaas si uu dhibka ula qaybsado [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cudurka faafa ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya dalal badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo halka uu Soomaaliya ka soo galay. Sheekh Cali Dheere oo soo duubay fariin maqal ah ayaa marka hore dardaaran iyo talooyin u jeediyey dhammaan Muslimiinta, gaar haan dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cudarkaan uu si gaar ah ugu faafay wadamo uu ku sheegay inay cadow ku yihiin Islaamka iyo Muslimiinta, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in dalal badan oo Muslim ah oo Soomaaliya ay ku jirto uu sidoo kale ku faafayo cudurka. Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale intaasi ku daray in cudurada sidoodaba ay yihiin ciqaab iyo cannaan xaga rabi uga timid addoomadiisa Gaal iyo Muslim. “Cudurkan marka loo fiiriyo dalalka kuw ugu cadawsanaa xaga Islaamka iyo Muslimiinta ayuu ku faafay, Cuduradan maxay yihiin maxaa u sabab ah, muslimiinta maxaa uga aadan, cidii muslim ee uu ku dhacay maxaa la gudboon, maxaase looga hortagi karaa ama u daawo ah, cudurada waa ciqaab iyo cannaan xaga rabi uga timid addoomadiisa, gaal iyo muslim, si uu xasuusuiyo dulmiga iyo macaasida faraha kula jiraan, ayna ogaadaan cadaab kan ka adag inuu dambeeyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Waxa kale oo uu Afhayeenka Al-Shabaab soo hadal qaaday sida uu cudurkaan u sameeyey Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in bilowgiisa uu dalka ka soo galay kana dillaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ee shisheeyaha ay degan yihiin, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay sida ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ula taacaaleyso xananuunkaan, isaga oo shaaciyey in Masaajidada ay xirtay, halka ay furan yihiin goobaha munkarka, sida uu hadalka u dhigay. “Umadda waa la cunaqabateeyay ishii cudurka ka soo faafayay ee Xalane cidna waxba kama qaban, loomana socdo, goobaha munkarka waa furan yihiin halka masaajidada iyo dusgiyada waa hore lagu soo rogay in la xiro, tan kale masaajidada waa halkii la rabay in loo cararo oo si allaah laga baryo in si uu cudurkan nooga badbaadiyo in ayaga laga bilaabo waxaa leenahay baroorta orgiga ka weyn, dano kale ayaa jira, in anagoo muslimiinta nagala xiro masaajidada,” ayuu yiri markale yiri Afhayeenka Al-Shabaab. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka Muslimiinta ahi inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay Alle ka baryaan inuu ka dulqaado cudurkan iyo dhibaatooyinka heysta.
  5. MOGADISHU(HOL) - The U.S military has admitted it killed two civilians in Somalia and injured three others in an airstrike in 2019. Source: Hiiraan Online
  6. LONDON (HOL) - Former Somali Basketball player, Baana Abdulle Ali on Monday night died in London from COVID-19. Source: Hiiraan Online
  7. Baydhabo (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Baay, waxaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya ciidamadaasi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa u kala dhashay dalalka Itoobya, Uganda iyo Burundi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan ay wehlinayaan diyaarado dagaal oo ka badan illaa soddon, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ujeedka dhaq dhaqdhaqaaqyadaan cusub ayaa waxaa lagu sheegay kuwo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo la xariira dhaq dhaqaaqyada milatari ee laga dareemayo magaalada Baydhabo ee maamulkaasi. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadooa shalay taliyaha ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya uu kormeer ku tegay xeryo ku yaalla magaaladaasi.
  8. Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ayaa qoral uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dayacaad iyo daryeel la’aan ay ka jirto isbitaal Martiini oo ah halka dowladdu u qorsheysay in lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Xildhibaanka ayaa xusay in 9-kii qof ee shaly ku geeriyootay Martiini ay waayeen Oksijiintii neefta siinaysay ka dib markii muddo saacad ah ay korantada ka tagtay isbitaalka sida uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad. Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay shaacisay in 9 qof la xanuunsanayay cudurka COVID-19 ay ku geeriyoodeen gudaha isbitaal Martiini. Halkaan ka akhriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad Dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini yaan dusha laga saarin Isbitaalada gaarka loo leeyahay Wasaarada caafimaadka waxay maanta soo saartay digniin ay u jeedinayso Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaalada Magaalada Mogadishu in la geeyo dadka qaba ama uu ku dhacay cudurka Covid 19. Sagaalka qofood ee wasaaradda caafimaadku sheegtay in ay u geeriyoodeen cudurka COVID 19 ee xalay Isbitaal Martiini ku dhintay waxaa la sheegay in neeftu ku dhegtay kadib markii uu shaqeyn waayay mashiinkii oksijiin ka ahaa ee bukaanada neefta siinayey. Sababta mashiinadu u shaqayn waayeen ayaa lagu sheegay in isbitaalka korontadu ka tagtay, ayna ka maqneed muddo saacad ah Haddaba su’aashu waxay tahay dayacaada iyo daryeel la’aanta caafimaad ee kajirta Isbitaal Martiini, sababteedana ay leedahay Wasaarada Caafimaadka ma lagu eedayn karaa Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ehelada dadkoodu xanuunkaan qabaan ay daryeel caafimaad badeen iyaga oo ka cabsi qaba dayacaada iyo daryeel la’aanta kajirta Isbitaal Martiini? Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada in ay xil gaar ah iska saarno badqabka iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed, shaqadeeduna aysan noqon igu sawir iyo shirar jaraa’id oo maalin walba la qabto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor dhoweyd u ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo ay khasaaare laxaad leh u gaysteen daadad xooggan oo xalay ku rogmaday. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ku wajahan magaalada Qardho, ayaa u kuur-geli doona khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay daadadkii xalay ku fatahay magaalada Qardho, kadib roobab mahiiggaana oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Karkaar, kuwaas oo ay dheertahay diiqalyo xooggan oo ka soo rogmatay dhanka gobolka Sool. Ilaa lix ruux ayaa la xaqiijiyay, in ay ku dhinteen daadadkaas, halka weli la la’yahay todoba qof oo kale nolol iyo geeri midkoodna, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Sidoo kale, guryo aad u fara badan iyo goobo ganacsi oo muhiima ayaa ku dumay daadadka, waxaana barakacay qoysaskii ku gurya belay fatahaadda, kuwaas oo qaarkood la dejiyay iskuullo ku yaalla gudaha magaalada, halka qaar kalena aan weli loo helin meel la dejiyo. In ka badan 20 gaadiidka yar yar ah, ayaa sidoo kale la soo weriyay in daadadku qaateen, islamarkaana waxa qallibmay gaadiidka waaweyn qaarkood oo lagu toosiyay wiishash. Suuqii weynaa ee magaalada Qardho ayaa isna aasmay, waxaana isu ekaaday raashinkii bakhaarada yaallay iyo burburka dhismayaasha, sida ay laga soo xigtay ganacstada qaarkood. Gurmad ballaaran oo ay dowladdu hoggaaminayso, ayaa haatan ka socda magaalada Qardho, iyadoo la tira-koobayo khasaaraha dhimashada iyo burburka hantiyeed ee fatahaaddaas ka dhalatay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo si deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Qardho appeared first on Puntland Post.
  10. Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay beegsiga saaxafadda xorta ah ay ku hayso dowladda Soomaaliya iyo cagajugleynta loo geysto wariyayaasha waxa uuna arrinkaasi ku micneyay in madaxda dalka aysan isku kalsoonayn hadiiba ay baacsanayaan saxaafadda madaxa bannaan. “Haddii aad aragto meel saxaafadda la baacsanayo oo la beegsanayo waxaa asal ka ah madax aan isku kalsoonayn, dowlad aan isku kalsoonayn dhaqan ah digteetarnimo iyo kali talisnimo ayaa asal u ah, dalalka adduunka isku kalsoon oo madaxduudu isku kalsoonyihiin saxaafadda lagama beegsado, dhaqankaan horey ayaan u soo marnay ee ah in la beegsado xoriyadda hadalka” ayuu yiri wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya. Dhanka kale Wasiir Caynte ayaa tilmaamay in caburinta iyo cagajugleynta lagu hayo wariyayaasha ku sugan dalka ay haatan dowladda ka gudubtay islamarkaana suxufiyiin ku sugan dalka dibaddiisa ay u weecisay caburinta isaga oo tusaale u soo qaatay handadaadda hay’adda NISA ay u jeedisay wariyaha ka tirsan VOA laanteeda afka Soomaaliga ee Haaruun Macruuf isaga oo yiri “Caburinta iyo handadaadda saxaafadda lagu hayo hadda Alamtara wey soo dhaaftay suxufiyiintii dalka joogtay waa soo dhaaftay xitaa suxufiyiin dalka dibaddiisa jooga oo Haaruun Macruuf ka mid yahay oo u shaqeeya hay’ado Mareykan ah oo waajibkooda guta ayey handadaaddu gaartay, hay’adaahasi dadkii lahaana wey u jeedaan”. Cabdiraxmaan Caynte oo sii hadlyay ayaa waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in madaxda haatan talada haysa in iyaga oo ka yimid dalal ay saxaafaddu xortahay in waqtigaan caburiyaan saxaafadda Soomaaliyeed ee xorta ah isaga oo ku sii daray in hay’adaha u dooda xorriyatul qawlka ay arkayaan dhaqan kaan lagu aamusinayo xorriyadda hadalka. “Waxaa ayaan darro ah maanta inay madaxdeenu yihiin dad muddo dheer ka soo shaqeeyay dalal saxaafadduu xortahay madaxda la caayo, la aflagaadeeyo dhaqanka reer galbeedku waxa uu yahay marka aad qabato kursi ummad ka dhaxeeyo ayaa kuugu dambeyso wax aad adigu gaar u leedahay” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan caynte. Ugu Dambeyn Caynte ayaa saxaafadda dalka u sheegay inay saarantahay waajib ah inay ka fiirsato waxa ay soo tabinayso islamarkaana ay sheekooyinkoodu noqdaan kuwa ku qotoma xog sugan, isaga oo ku baaqay inaan la soo tabin wixii dhib ku ah maslaxada dadka iyo dalka. “Saxaafadda dalka waajibka saaran waxa uu yahay in ay aad uga fiirsato waxa ay soo tabinayso in waxooda ay xog ku dhisanyihiin waa muhiim waan ogahay dhowr iyo toban sanno ayaan ka soo shaqeeyay saxaafadda kuwooda adduunka ugu waa weyn mar walba suura gal ma ahan xogta inaad wada hesho laakiin in lagu dadaalo in suura gal ah iyo inaan la soo tabin wixii markaas maslaxda guud ee dadka iyo dalka dhib u keeni kara” ayuu ku soo gabagabeeyay Cabdiraxmaan caynte wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya. Hadalka wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Cumar Caynte ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan sanadkan saartay weriyeyaasha Soomaaliyeed iyada oo dagaal cad la gashay xuriyadda hadalka iyo helista macluumaadka isla markaana cagajugleyn iyo xarig xal uga dhigtay weriyeyaashii ugu firfircoonaa dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilligan ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay qaabka ugu habboon ee Somaliland guul uga gaadhi karto Wada-hadallo ay la yeelato Soomaaliya. Buubaa wuxuu taageeray soo jeedin uu sheegay inay ka timid Urur lagu Magacaabo “Isir’, taasi oo ah in Somaliland si wanaagsan ugu diyaar-garowga Wada-hadallada Somaliland, una xil-saarto Komiishan gaar ah oo leh aqoon iyo Waayo-aragnimo la xidhiidha waxa Mandaqadda Geeska Afrika ka socda iyo waxa gudaha Somaliland ka socda, si Cidda lala doodayo oo ah Soomaaliya loogu qanci karo rabitaanka Somaliland. Mr. Buubaa oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa isagoo ugu horrayn sharraxaya Aragtidiisa la xidhiidha Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu yidhi “Qaabka loo galayo (Wada-hadalladu) waa inuu noqdaa Qaab cilmiyeysan, arrimaha habboon inay Somaliland aad ugu fiirsato markay Wada-hadallada galayso waxa soo jeediyey Ururka la yidhaahdo ‘Isir’, (soo jeedintaas) oo Qaramada Midoobay dhexdeeda, Midowga Afrika iyo Somaliland dhexdeedaba aad looga hadal-hayo. Arrimaha ay soo jeedisay waxa ka mid ahaa in Somaliland isku diyaariso, komiishan arrintan ka shaqayn kara oo leh Kartidii, Cilmigii waxa Maanta ka socda Geeska iyo Somaliland qudheeda waxa ka socda, dhibaatooyinka jira sidii loo xallili lahaa, in Komiishan caynkaas ah la qabto (La sameeyo) oo la fal-gala Komiishannada dhinaca Koonfurta (Soomaaliya) laga qabanayo (Samaynayo)..” Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu sheega inaan loo baahnayn Caadifad “Arrintaad doonayso inay kuu suurto-gasho waa in Ciddii aad la doodaysey iyo Geeska Afrika Dawladaha ku nool ee arrintani khusayso iyo arrimo badan ayaa u baahan deraasaadkii loo baahnaa laga sameeyo, arrintaasi waa arrin muhiim ah oo saamaynaysa Qof kasta oo Somaliland jooga, sidaasi awgeed bay ila tahay hadalkii ay soo jeediyeen Madax-dhaqameedka qaarkood ee ay yidhaahdeen Arrintaasi (Wada-hadallada) waa inaanu ka qayb-qaadanaa, aniga waxay ila tahay inay arrin muhiim ah tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Cid kasta oo muhiim ah lagu daro Wada-hadallada “Maaha Madax-dhaqameedka oo keliya, dhinaca Saxaafadda, dhinaca Bulshada, guud ahaan, sababtoo ah Arrinta laga hadlayaa waa arrin khusaysa dadka oo dhan, markaa Aniga waxay ila tahay arrintaa in si deggan oo aan Caadifadi ku jirin oo himilooyinka aad leedahay ay u suuroobi lahaayeen in loo galo.” Siyaasi Buubaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Dhiggiisa Soomaaliya ay wada xidhiidhaan intii ka dambaysay kulankoodii Addis Ababa “Sidii ay Addis Ababa isugu tageenba, Wararka aan Anigu hayaa waxa weeyaan way wada xidhiidhaan oo way wada-hadlaan, Arrimahan iyo Arrimo kale oo badan oo khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya way ka wada-hadlaan, laakiin Arrintu waxay u baahan tahay sidii loogu gundo degi lahaa oo Qaybaha kala duwan ee Mujtamacuna uu si deggan oo aan Caadifad lahayd uu arrintaa u soo geli lahaa odhan lahaana waxay iyaga la tahay, Waayo? Dawladdu waxaan Dadku raalli ka ahayn qaadan mayso.” Buubaa wuxuu soo jeediyey in Dawladdu ay shacabka la socodsiiso hadba ay halka hawlaha Wada-hadalladu marayaan “Dawladda waxa looga baahan yahay arrimuhu halkay marayaan iyo siday wax yihiin, Cidda loo qoondaynayo arrinta inay ka hadlaan ay si wanaagsan ugu bandhigto Dadweynaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey inuu soo jeedin lahaa in Madax-dhaqameedka Wada-hadallada lagu daro “Anigu waan qabaa (In Wada-hadallada lagu daro Madax-dhaqameedka), Madaxweynuhu arrintaa si dadban buu uga hadlay, Arrintana waa arrin khusaysa Afti Dadweyne, Dadweynahana Madax-dhaqameedkaa ugu muhiimsan, markaa door aad iyo aad u muhiim ah ayaa Madax-dhaqameedka looga baahan yahay arrintan..” Buubaa oo la waydiiyey siduu u arko Hoggaaminta Madaxweyne Biixi wuxuu kaga jawaabay “Dawladda dhaliilo faro badan baa soo jeedinayaa, waxyaabo faro badan baa ku furan, markaa arrimaha hor-yaalla iyo awoodda iyo dhaqaalaha ay hayso ayaan isku dhawayn, way u baahan tahay inay awoodda cuslayso, awoodda goleyaasheeda, sida Golaha Wasiirrada, Golaha Baarlamaanku halkuu socdo waynu isla wada ogsoon nahay, Guurtida waynu ogsoonahay siday wax yihiin. Arrimaha Somaliland qabyada ka ahi wau faro badan yihiin, qabyadaasina Dawladda ayay ka muuqanaysaa, laakiin Soomaalidu awalba waxay odhan jirtay ‘Togba taagtii rogan’..” Source
  12. Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere, oo haatan wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ilaa iyo hadda la diiwaan-geliyay, ee ka dhashay daadadkii xalay ku fatahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Duqa ayaa xaqiijiyay in daadadkii xalay ay ku dhinteen lix ruux oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn, kuwaas oo midkood haweenay tahay ,islamarkaana wuxuu sheegay in ay jiraan dad gaaraya todoba qof oo weli la la’yahay nolol iyo geeri midna. Cabdi Siciid Dheere, ayaa sidoo kale sheegay in ay daadadkaas ay dumiyeen gurya fara badan iyo goobo ganacsi oo muhiima, isagoo xusay in qoysaskii ku gurya belay daadadka qaarkood ay maamulku dejiyeen iskuullo ku yaalla gudaha magaalada. Duqa degamada Qardho, waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan qoysas kale oo ku hanti-beelay daadadka, kuwaas oo bara-kacay, balse aan weli meelna la dejin. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gaadiid badan ay la tageen daadadka roobka ee ku soo fatahay gudaha Qardho, gaadiidkaas ayaa u badan nooca raaxada loo yaqaan iyadoo ay jiraan gaadiidka waaweyn qaarkood oo ku qallibmay daadadka. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha la diiwaan-geliyay ee fatahaadda Qardho appeared first on Puntland Post.
  13. Wararka ka imaanaya magaalada Qardho oo ay xarun uga dhigtay Puntland gobalka Karkaar ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay ku soo rogmadeen daadad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyadeed. Booliska gobalka Karkaar ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan saddex ruux ay ku geeriyoodeen daadadka ku rogmaday magaalada Qardho waxaana taliska booliska gobalkaasi ay intaas ku dareen inay jiraan burbur hantiyadeen oo ka dhashay daadadkaasi Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaaladaasi ka da’ayay roobab xooggan kuwaas oo biyo badan dhigay xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar. Maamulka gobaalkaasi iyo kan degmada ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen inay ku howlanyihiin sidii bulshada magaaladaasi loo gaarsiin lahaa gurmad degdeg ah islamarkaana dadka ay daadadku ku rogmadeen loo samata bixin lahaa. Deegaannada maamulka Puntland ayaa waxaa ka curtay roobabkii gu’ga waxaana roobabkaasi ay mararka qaar geystaan khasaare kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Saxafiga Cabdikariim Muuse Coldoon oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa la sheegay inay xaalad caafimaad daro ahi la soo deristay. Dhakhaatiir ka tirsan cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa shalay ku booqday saxafigan xabsiga uu ku xidhanyahay ee Hargeysa waxaaay ka soo qaadeen dhiig muunad ah oo la baadhi doono. Waxa la sheegay in baadhitaanka dhiigga la sameeyay ka dib markii looga shakiyay xanuunka dunida aafeeyay ee Covid_19. Inkastoo aanay Somaliland weli si rasmi ah u rakibin mishiinka loogu tallo galay in lagu baadho xanuunkan ee ay WHO Somaliland ku deeqday, haddana sida uu Geeska Afrika ku helay warar xogogaala baadhitaan hordhac ah oo lagu sameeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa la sheegay inuu muujiyay inaanu saxafigani qabin xanuunkan, inkastoo dhiiga loo diri doono dalka Kenya si ay u soo baxdo natiijada rasmiga ahi. Laakiin dhakhaatiirta ayaa Geeska Afrika u sheegay in saxafigan uu ka muuqdo xanuun, waxaana wejigiisa laga dareemayaa daal iyo tabar darnaan uu sababay xanuun aan weli si rasmi ah loo ogaan. Madaxweyne Biixi ayaa in badan loogu baaqay inuu saxafigan u fidiyo saamaxaad si uu uga soo baxo xabsiga, ulana midoobo xaaskiisa iyo carruurtiisa. Laakiin baaqyadan loo dirayo Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inaanay weli gelin dhegaha Madaxweynaha. Source
  15. Agaasimaha isbitaalka Baraawe, Dr Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in isbitaalkaasi la dhigay dadka looga shakiyey Covid-19. Dr Nuuraane oo aan shaacin tirada dadkaasi ayaa sheegay in lagu arkay calaamado u eg kuwa uu leeyahay cudurka faafa ee Coronavirus. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hal qof oo ka mid ah bukaanada la jiifiyey isbitaalka uu saacadihii la soo dhaafay geeriyooday. Agaasimaha isbitaalka weyn ee magaalada Baraawe ayaa sidoo kale baaq u diray wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed iyo mida dowladda Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Baraawe.mp3 View the full article
  16. The United States admitted on Monday that it had killed two civilians and injured three in an airstrike in Somalia early last year, in a rare acknowledgment of civilian casualties from US Africa Command military operations in the Horn of Africa country. The deaths were mentioned in a debut quarterly assessment report by AFRICOM on allegations of civilian casualties raised in connection with its operations against militants in Somalia, Libya, and other African countries. “Regrettably two civilians were killed and three others injured in a February 2019 airstrike. “We are deeply sorry this occurred,” AFRICOM’s commander, US Army General Stephen Townsend, said in the report. The airstrike was carried out in the vicinity of Kunyo Barrow in Somalia’s Lower Shabelle region and the report said the intended target – two members of Somali armed group al Shabab – were killed. The civilian deaths, it said, occurred as a result of US or al Shabab munitions that exploded during the airstrike. It was the second known incident in which AFRICOM has acknowledged killing civilians in Somalia, where rights activists have accused it of long shrouding its operations in secrecy. The first was an airstrike in April 2018 in El Buur in the Galgadud region of central Somalia in which AFRICOM reported it had unintentionally killed two civilians. The United States has been conducting airstrikes in Somalia for years to help defeat al Shabab, which seeks to topple Somalia’s Western-backed central government and set up its own rule based on an own strict interpretation of Islamic sharia law. For nearly two decades al Shabab has been waging a campaign of bombings and shooting attacks on military and civilian targets including hotels and traffic junctions both in Somalia and neighbouring countries like Kenya. A regional peacekeeping force, AMISOM, mandated by the African Union, also helps defend the Somali government. AFRICOM’s move to publish quarterly assessment reports on civilian casualty allegations is a welcome step towards transparency, said Seif Magango, Deputy Regional Director for Eastern Africa at rights group Amnesty International. He added, though, that the United States must follow up with “accountability and reparation for victims and their families”. View the full article
  17. (SLT-Riyadh)-Dowlada Sacuudiga iyo xulafadooda Imaaraatiga ayaa war ay soo saareen shalay oo Isniin ahayd ku qaadacday go’aankii kasoo baxay Xoogaga Koonfurta Yemen oo ku dhawaaqay Madax-banaani iyo ismaamul u gaar ah. Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa ugu baaqay xoogaga Koonfurta Yemen inay dib ugu soo noqdaan heshiiskii ay bishii November la galeen dowlada Yemen ee Cabdi-rabbu Mansuur Haddi oo uu caalamka aqoonsan yahay. Hase yeeshee xulafada Sacuudiga ayaan sheegin tilaabada ay kooxda koonfurta Yemen ka qaadi doonaan haddii ay ka hor-yimaadaan taladooda, kooxdan ayaa kamid ah xulafada Sacuudiga ee dagaalka kula jiray Xuufiyiinta Yemen. Xoogaga Koonfurta Yemen ayaa taageero ka hela Imaaraatiga, waxayna hore gacanta ugu dhigeen magaalada Cadan iyo Madaxtooyada Kumeel gaadhka ahayd ee Madaxweyne Haddi bishii Agoosto ee sannadkii hore, waxaase dagaalkaasi u dhaxeeyey dowlada Yemen iyo Xulafadooda Koonfurta lagu xaliyey heshiis ay bishii November kuwada saxiixeen magaalada Riyadh. Heshiiskii November ayaa qorayey in labada dhinac ay wada dhisaan Dowlad ay ku mideysan yihiin, isla markaana hubkooda waaweyn ka saaraan labada dhinac magaalooyinka ay gacanta ku hayaan, balse heshiiskan ma dhaqan gelin. Go’aanka Koonfurta Yemen ay ismaamulka u gaarka ah ugu dhawaaqeen ayaa la sheegayaa inay tahay mid ay ku hirgelinayaan hamigooda oo ah in Gooni u goosad iyo in dalka Yemen loo qeybiyo siduu ahaa intii u dhaxeysay 1967dii illaa 1990kii. Xiisadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xili koonfurta Yemen ay ka jirto xaalad bini’aadamnimo kadib fatahaadii dhawaan ka dhacay magaalada Cadan oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, taasi oo ay usii dheertahay in horaantii bishan markii ugu horeysay la xaqiijiyey inuu cudurka Covid-19 gaadhay wadankaasi. Source
  18. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu arkey ciidamo u badan dalka Itoobiya oo ay wehliyaan Uganda iyo Burundi oo ku soo qulqulaya. Ciidamadan oo ay agabkooda u dhameystiran yihiin waxaa la socday ugu yaraan 300 oo tikniko ah iyo in ka badan 30 diyaaradaha dagaalka ah. Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in shalay uu Baydhabo soo gaaray taliyaha guud ee AMISOM oo u dhashay Itoobiya isaga oo kormeeray fariisimaha ciidamada AMISOM ee Baydhaba. Xog ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciiamadan ay u socdaan dhaq-dhaqaaq dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab, lamana oga halka ay ku socdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Somali Health Ministry on Monday confirmed 44 new cases of COVID-19, raising the total number of those who have tested positive to 480. Fawziya Abikar, the health minister of Somalia, said three patients succumbed to the virus, bringing the total number of fatalities to 26. The minister said those who have tested positive from the samples tested in the last 24 hours include 35 males and nine females. According to Abikar, four more people recovered from the COVID-19, bringing the total number of recovery cases to 14. The latest cases came as humanitarian agencies said Monday they have reprioritized and reprogrammed activities in recent weeks to try and avert large-scale community transmission of COVID-19 through enhanced risk communication, surveillance, rapid response, and testing in the country. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19, including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu weriyeyaasha u sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu ku sugan yahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda caafimmaad iyo halka uu ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un. Trump wuxuu sheegay in wax faahfaahin ah aanu ka bixin karin xaaladda Kim Jong Un balse uu ku rajo weyn yahay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay. Wararka la isladhexmarayo ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sanad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada aabihii oo ku beegneyd 15-kii bishan April. Kim Jong-un waligiis kama aanu baaqanin munaasabadda xuska aabihiis – wayna iska muuqatay in aanu si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo. Wakaaadda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo xog ogaal ah ayaa maalmo kahor kusoo warrantay in Dowladda Shiinaha ay khubaro caafimaaad u dirtay Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay. Source