Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga gurmad u magacaabay fatahaadii daadadka degmadda Qardho ee gobolka Karkaar, taas oo sababtay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Guddiga oo ka kooban 24 xubnood ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee dowladda, culimo, siyaasiyiin iyo ganacsato, waxayna kala yihiin. 1. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye) 2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda 3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga 4. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska 5. Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda 6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha 7. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka 8. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka 9. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta 10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska 11. Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA 12. General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha 13. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada 14. Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi 15. Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye 16. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre 17. Siyaasi Cali Abdi Awaare 18. Guddomiyaha Gobolka Karkaar 19. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar 20. Guddomiyaha Degmada Qardho 21. Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda 22. Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda. 23. Axmed Cabdi Hurre 24. Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga) Dhanka kale Guddiga loo magacaabay gurmadka Qardho ayaa bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ku wargaliyey in aysan furi karin wax koonto ah oo loogu magacdaray Guddiga fatahaada daadadka Qardho, marka laga reebo kuwa ay guddigu furidoonaan. Sidoo kale Guddiga ayaa ku wargaliyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee u heelan ka qeyb qaadashada gurmadka Qardho in waxa ay uruuriyeen ku soo aadiyaan koontooyinka ay dib u shaacin doonaan Guddigu. PUNTLAND POST The post Puntland oo Guddi u magacowday fatahaada Qardho iyo amar ay soo saareen appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Somaaliyeedmudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa la hadalay Shacbiga soomaaliyeed ayaa ugu baaqay in loo midoobo Gurmadka masiibada dabiicga ah [...] Source
  3. Muqdisho : Wasiirka Maaliyada Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in aan Dawlad Goboleedka Puntland la siin doonin gargaar dhan hal Million oo [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Aqalka sare ayaa sheegay in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka uu ka socdo xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah. Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Senator Maxamed Amiin ku sheegay in tan iyo markii Hoggaanka NISA uu qabtay Fahad Yaasiin ay xadgudubyadaas bilowdeen, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan dhowaanahan soo baxayay xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah, oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka qaarkood, gaar ahaan Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xilliyadaan dambe, gaar ahaan markii uu qabtay hoggaanka hay’addaasi Fahad Yaasiin” ayuu yiri Senator MaxamedAmiin. Waxaa uu xusay in markii hore jiritaanka Hey’adda Nabadsugida asal ahaan aan lagu dhisin sifo sharci ah, baarlamaan ansixiyayna aanu jirin markii la aas aasayt xilligii dowladdii Milateriga aheyd. Senatarka Maxamed Amiin ayaa sheegay in falalka isugu jira ruqseynta, shaqo ka eryida aan loo marin sifo sharci ah, sidoo kalena qorista ciidanka dharcadka laga qaadanayay dad gaar ah, lagana ilaalinayo kuwa kale, taasoo abuuri karta buu yiri Mustaqbalka caqabado waa weyn. “Waxaa ka digeynaa ku tagri falka awooddeed ha ahaado caga jugleyn ama ruqseyn saraakiisha loo arkay inay la jaan qaadi waayeen aragtiyada qaar guracan ee madaxdooda”ayuu yiri. Ugu dambeyn Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in wixii cawaaqib xumo ee arrimahan ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan dadka sida tooska ah mas’uulka uga ah hey’adda iyo Madaxweynaha dalka oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida.
  5. Mdaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay Gargaar u dirayso Magaalada Qardho. Madxweyne Madoobe wuxuu sheegay inuu maanta laba jeer [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud goob fagaare ah ku toogtay rag ay ku eedeeyeen inay u basaasi jireen ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM. Ragga ay dileen Al-Shabaab oo tira ahaan gaaraya seddax, ayey dhamaantood ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen shirqoollo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa kooxda, oo lagu bartilmaameedsaday duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya. Seddaxda nin ee galabta lagu toogtay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxaa lagu kala magacaabi jiray, Axmed Nuurow Maxamed, Bashiir Maxamuud iyo Bishaar Axmed Cabdulle. Axmed Nuurow Maxamed oo 23-sana jir ahaa, waxay sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ku eedeeyeen in uu indho u ahaa diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya koonfurta Soomaaliya. Bashiir Maxamuud oo 22-sana jir ahaa, waxay isna ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa duqeymo ay fuliyeen diyaardaha Mareykanka, kuwaas oo lagu dilay saraakiil Shabaab ah. Bishaar Axmed Cabdulle oo 50-sana jir ahaa, isna waxay sheegeen in uu ka tirsanaa maamulka Hir-Shabelle, isla markaana uu u basaasi jiray Taliska Mareykanka ee AFRICOM. Nin sheegtay qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa goobtii lagu toogtay seddaxdaas marxuum ka akhriyey eedeymaha loo soo jeediyey iyo qiraalo uu sheegay in laga qoray. Waxa uu sheegay in dhamaantood ay qirteen fududeynta duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka oo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa soo soo dhoweeyey wada-hadalladii maamulka Jubaland iyo Golaha Isbadal doonka Jubaland, ee hogaamiyey heshiis dib-u-heshiisiin oo ay kala saxiixdeen 23-kii April. Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed. Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu yiri “Heshiiskan waxa uu ka dhiggan yahay tallaabo gacan ka gaysaneysa oo loo qaaday xalinta muranadii kasoo ifbaxay hanaankii doorasho ee Jubaland ee August 2019, kaasi oo kala qeybiyey bulshada iyo saamileyda siyaasadda Jubaland.” Beesha Caalamka ayaa ku boorisay dhammaan saamileyda siyaasadda Jubaland, oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha siyaasadda, bulshada iyo odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiska la gaaray 23-kii April, islamarkaana ay fuliyaan tallaabooyinka xiga, ayaga oo sii wada wada-hadalladooda wax dhisi kara. Waxay sidoo kale sheegeen inay soo dhoweynayaan rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubaland ee ah inay doonayaan inay la hadlaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyo in Jubaland ay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo ay la yeelato dowladda. “Beesha caalamka waxay ugu baaqeysa maamulka Jubaland iyo hoggaanka dowladda federaalka inay si nabad leh wada-hadal ugu xaliyaan khilaafkooda weli socda, ayna qaboojiyaan xiisadda ka taagan gooblka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyn sheegtay inay soo dhoweeneyso hindisooyinka kale ee dib u heshiisiineed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ee l”oogu gol leeyahay dhisidda maamullo loo dhan yahay oo heer gobol u mideysan.” Bayaankan ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka iyo ururada kala ah: Austria, Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, UK, Mareykanka, iyo QM.
  8. Today is the International Workers’ Memorial Day – 28 April 2020, a global day of remembrance and action for workers murdered, wounded and incapacitated in their line of duty. In the year of coronavirus (COVID-19), this day of commemoration has never been more significant, and the Federation of Somali Trade Unions (FESTU) renews its pledge to fight for the living of working women and men of Somalia. FESTU recognizes the sacrifice of workers around the country, particularly the health and other key workers who put themselves in harm’s way to keep Somalis safe and vital services running as this year has a special significance because of the pandemic. Recent days, Somali trade unions have witnessed an upsurge in the number of workers who have been exposed to the virus. Trade unions have been receiving the information of workers getting infected for the past couple of days, and there is urgent need to put proactive measures to protect workers from contracting the virus while in the frontline of actively fighting the virus. FESTU has been very insistent in stressing the need to protect and secure healthcare and other key workers who are our first line of defence against the deadly virus. The federation and its affiliated unions have indicated on several instances the risks of lack of adequate Personal Protective Equipment (PPE), education on the proper use of PPE and overall awareness on how to cope with the COVID-19 to protect workers from contracting the disease in their workplaces. “We urge the Federal Government and the Federal Member States as well as the private sector employers to provide adequate personal protective equipment (PPE) to key workers to keep them safe. And when this is all over, we want the government to move with speed in enacting Occupational Safety and Health legislation” said Omar Faruk Osman, FESTU general secretary. This deadly pandemic underscores the pressing need for Somalia to designate COVID-19 as hazard and dangerous disease for occupational safety and health of the citizens including workers, and the absence of Occupational Safety and Health law in the country highlights the importance for national political commitment and legislative framework to protect most of the citizenry against unsafe working conditions and new infections that would spell disaster to the nation. FESTU expressly calls upon all private and public healthcare institutions at different levels in the country not to force or intimidate workers to work without proper PPE as this is equivalent to attempted murder and a criminal offence. FESTU remains a constructive partner in the broader fight against COVID-19 with its immediate priority being the protection of all its members and workers who are breadwinners against dangerous working conditions and infectious disease. View the full article
  9. 28 Apr2020 ​​​​​​​RECONCILIATION PROCESSES IN FEDERAL MEMBER STATES Mogadishu – Somalia’s international partners* welcome the dialogue between the Jubaland administration and the leadership of the Jubaland Council [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiirro ah u magacaabay inay u gurmadaan dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u aqriyay magacyada xubnaha guddiga loo magacaabay arrintaas iyo shaqada loo xilsaaray. Xubnahaas oo dhamaantood ah wasiirro ayaa ka kooban sideed, waxayna kala yihiin. 1 – Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye 2 – Maxamed Burci Xamsa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xubin 3 – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta, Xubin 4 – Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Xubin 5 – Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Xubin 6 – Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Xubin 7 – Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda, Xubin 8 – Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka, Xubin Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa amray xubnaha guddigan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bar ee Puntland. Halkan ka Daawo Maareeye oo akhrinaya magacyada guddiga iyo shaqada loo xilsaaray
  11. Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 48 new cases of coronavirus, bringing the total number of infections to 548. Fawziya Abikar, Health Minister of Somalia said two patients succumbed to the deadly virus in the latest cases, bringing the total number of fatalities to 28. She said five people recovered from the deadly virus, raising the total number of recoveries to 19. According to the minister, 31 of the latest cases are males while 17 are female patients. She said 41 of the cases were detected in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, three in regional Jubaland state and four in Southwest State. The majority of the cases, including the first fatality, have no travel history, signifying local transmission of COVID-19. The World Health Organization (WHO) has warned that further transmission of the virus can be expected. The WHO and the United Nations Population Fund (UNFPA) said Tuesday they have provided specialized capacity for testing coronavirus cases in the semi-autonomous region of Somalia. The WHO and the UNFPA are also working together to enable laboratory capacity to be in place in Garowe under the leadership of the Ministry of Health to ensure needed testing capacity for COVID-19. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28042020.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa salaadii makhrib kadib degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku toogtay nin hubeysan oo sida la sheegay weerar geysan rabay. Ciidamada ayaa ninkaas ku dilay xaafada Maanaboliyo ee degmada Shibis, waxaana la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa. Sawirro laga soo qaaday meydka ninka la dilay oo la baahiyey ayaa muujinaya Bambo gacmeed korka u saaran, taas oo saraakiisha ciidankii toogtay ay sheegeen in uu watay, weerarna uu ku fulin rabay. Weli lama oga in qofkaas ay ciidamadu toogteen uu ka tirsanaa Al-Shabaab, balse dilal galbihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay ayey mas’uuliyadooda dusha u riteen Al-Shabaab. Xalay salaadii makhrib kadib ayey aheyd markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay masjid ku yaalla xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ku hor toogteen sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya, kana howlgelayey garoonka Aadan Cadde. Dilka sarkaalkaas ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab. Hase yeeshee galabtii ka horeysay ee Axadii todobaadkan ayey ciidamada ammaanku degmada Dharkenley ku toogteen laba nin oo hubeysanaa, kuwaas oo dil u geystay nin ganacsade ahaa inta aan la dilin ayagana.
  14. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka. 41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 528, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Qardho (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in maamulkiisa uu sameeyay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta maanta Qardho. View the full article
  16. Shacabka magaalada Belad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayay cabsi la soo deristay maalmihi ugu danbeeyay maadaama la gudagalay xiliga gu,ga oo roobab badan ay da,een, walalka ugu weeyn waxa uu yahay fatahaad la mid ah tii sanadkii hore in uu sameeyo webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara. Biyaha webiga ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay caro tuur lagu sameynayo hareeraha Wabiga iyo goobaha ay Biyuhu ka soo baxaan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kormeeray goobaha qaar ee Wabiga, isagoo uga digay shacabka biyo farabadan oo ku soo wahahan Magaalada Beledweyne. Sanad walba ayaa Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan waxaa uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan. Goobjoog Newsm Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) –Askari ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in laga helay cudurka Coronavirus. Askarigan ayaa noqday kii ugu horeeyey oo ka tirsan AMISOM oo laga helay cudurka COVID-19, waxuuna u dhashay dalka Uganda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan AMISOM. Askarigaas ayaa ka howlgalayey dekedda magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqeedu badan yahay. Sida aan ku helnay xogta askarigan kama bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, waxaana la aaminsan yahay in cudurkaas uu ku dhacay intii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya. Ilo ka titrsan AMISOM oo diiday in magacooda la sheego ayaa intaasi ku daray in howlagalka AMISOM uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo looga hor tegayo cudurka Coronavirus. AMISOM ayaa xarumaha ciidamadeeda ka dhaqangelisay wacyigelin joogto ah, goobo karaantiil iyo goobo lagu faraxasho, si loo dhowro badqabka ciidanka. Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga diiwaan-geliyey 528 kiis oo COVID-19 ah, dhimashada ayaa gaartay 28 qof, halka 19 qof oo kalena ay kasoo bogsatay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka.
  18. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-28042020.mp3 View the full article
  19. Wafdi ka socda xukuumada soomaaliya gaar ahaan gudiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaarey magaalada baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo dawooyin caafimaad waxaana sidoo kale ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan Guddiga ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlad-goboleedka Koofur galbeed ee Soomaaliya iyo wasaaradaha ku mideysan la tacaalida Covid19. Gudigaan oo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadda iney socdaalkooda baydhabo soo gababeeyaan isla maanta si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo Dowlad- goboleedyada kale ee Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda ku soo rogmaday. wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. MOGADISHU (HOL) - At least six people died and 10 others still missing following a night of heavy rains in Qardho district in Puntland. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa shalay laga qaaday dheecanadiisa si looga baaro cudurka halista ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo lagu arkay calaamado kamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurkaasi. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, Baaristii shalay lagu sameeyay Wariye Coldoon ayaa waxa kasoo baxday Natiijo hordhac ah, oo ku saabsan xaaladdiisa. Cabdimaalik Coldoon ayaa Baaristii koowaad lagu xaqiijiyey inuusan qabin cudurkaasi, balse uu qabo cudur kale oo aan la aqoonsan, kaasi oo mararka qaar neefta ku dhajinaya Coldoon, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaarada caafimaadka Somaliland. Baaritaanka natiijadaasi ka soo baxday ayaa waxa lagu sameeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, inkasta oo dheecaanadiisa loo sii dirayo dalka dibediisa si loo sugo natiijada kasoo baxday baaritaanka hordhaca ah ee xaqiijineya inuusan Coldoon qabin xanuunka dadka badan ku laayay gudaha Soomaaliya. Sida ay Caasimada Online u sheegen Dhakhaatiirtii shalay ku booqatay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, Wariye Coldoon ayaa waxa laga dheehan karayey xanuun badan oo ka muuqda, iyada oo tabar daro baahsanina soo wajahday, midaasi oo uu sababay xanuun ilaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin, iyada oo uu hoos u dhacay shakigii ahaa inuu qabo Coronavirus. Siyaasiyiin iyo Wariyayaal badan ayaa dalbaday in xabsiga laga sii daayo Cabdimaalik Coldoon, iyagoo marar kala duwana dalabkaasi si toos ah ugu gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inuu weli ka dhago adeygayo fulinta dalabaadka tirada badan ee ku aadan sii deynta Coldoon.
  23. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka. 41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28 View the full article
  24. Kadib Daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho ayaa waxaa ka barakacay Shacab farabadan oo Guryohoodii ay isugu jiraan wax burburay iyo kuwo Biyo dhex fadhiyaan. Madaxweynaha [...] Source